Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

DHAGEYSO: Wareysi lagu ceebeestay Cali Geedi + Muxuu ka yiri Jubaland, Axmed Madoobe, DFS iyo Kenya

$
0
0

Mudisho (Caasimada Online) - Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamad Geedi, ayaa wareysi uu siiyey idaacad ku taalla Muqdisho oo la yiraahdo Al-Furqaan, ayaa si cad u sheegay in ay dhinac walba ku fashilantay dowladda Federalka ah, taasna ay sabab u tahay madaxda hogaamisa oo aan ahayn dad aqoon iyo karti siyaasadeed leh.

Geedi iyo siyaasiyiin kala duwan ayaa dhawaan ku bahoobay mucaaradida dowladda Federalka ah, waxayna xarun ka dhigteen magaalada Neyroobi ee wadanka Kenya.

Waxaan weydiinay ujeedadooda iyo cidda soo abaabushay, isagoona sheegay in hadafkoodu yahay sidii ay u muujin lahaayeen fashilka dowladda federalka ah oo uu ku tilmaamay mid meel xun maraya.

Waxa uu dowladda ku eedeeyey inay dayacday ammaanka magaalada Muqdisho, oo uu sheegay inuu yahay mid faraha ka baxa, taa beddelkeedna ay dowladda isku mashquulisay arrimo aan loo baahneyn oo aan muhiim ahayn.

Waxa uu sheegay in madaxda DF Somalia aysan lahayn aqoon iyo karti ay ku hogaamiyaan dalka Somalia.

Sidoo kale Cali Geedi oo sidoo kale u difaacay Kenya ayaa sheegay in siyaasad ahaan ay taageersanyihiin hadafka ciidamada Kenya ee Jubooyinka “Kenya si cad ayaan uga raali galinayaa dadka wax magaratada ah ee ku dhawaaqay in ay dalka ka baxdo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Geedi.

“In ciidamada Kenya oo wax badan noo soo qabtay loogu abaal gudo xag xagasho iyo naga baxa iyo waa cadow aad baan uga xunnahay” ayuu yiri Prof. Geedi.

Waxa kale oo uu difaacay Axmed Madoobe oo ah hogaamiyaha Jubaland. “Waa nasiib darro in Axmed Madoobe oo Jubbooyinka ka saaray Al-Shabaab in iminka loogu yeero jabhad, waa nasiib darro” ayuu yiri Geedi, oo sidoo kale difaacay maamulkiisa JUbaland.

Geedi ayaa la weydiiyey su’aalo la xiriira xasuuqii uu Muqdisho ka geystay waagii uu ra’iisulwasaaraha ahaa iyo sababta uu wadanka ugu soo hor kacaya ciidamada cadawga ah ee Itoobiya.

Waxaa xusid mudan in Geedi marka uu hadlayay uu adeegsanayey Annaga, intii uu ka oran lahaa Aniga, taasi oo muujineysa inay isaga iyo kooxdii kula shirtay dowladda ay ku mideysan yihiin shirkii ka dhacay Nairobi.

Weriyaha su’aalaha weydiinayey Geedi ayaa soo hordhigay Geedi su’aalo kulul iyo caddeymo muujinaya dambiyadii uu dalka ka galay, taasi oo Geedi ka yaabisay, kana careysiisay.

Wareysiga wuu dheeryahay, waxaana ku jira su’aalo muhim ah oo loo baahnaa in xilligan la weydiiyo Cali Maxamad Geedi iyo Siyaasiyiinta u sacyinaya dowladaha shisheeye ee kusoo duulay wadanka.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Geedi

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>