Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

DAAWO: Prof. SAMATAR: Haddii aan Somalia madaxweyne ka noqon laha, madax banaani baan sii lahaa S/Land

$
0
0

Dad badani marka ay daawadan wareysigan, waxa ay ku farxi doonaan in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar aan ilaah u qorin madaxweynenimada Somalia, sababta oo ah waxa uu wareysigan ku sheegayo ee naxdinta leh.

Prof. Samatar waxa uu sheegay in haddii uu madaxweyne ka noqon lahaa Somalia, uu Somaliland u ogolaan lahaa inay ka madax banaanaato Somalia oo ay noqoto dowlad gaar.

“Dadka reer Somaliland waxa ay Somalia u keeneyn haddiyad oo weyn oo ah dal madax banaan oo dowlad ah, oo waxay yiraahdeen waa inakan, waa idinku biireynaa” ayuu yiri Prof. Samatar.

Axmed Ismaaciil ayaa sheegay in haddii uu madaxweyne ka ahaan lahaa Somalia uu wada hadal la gali lahaa Somaliland si dib loogu soo celiyo midowga, balse haddii wada hadalka uu fashilmi lahaa uu si calool fiyoow u ogolaan lahaa in labada dhinac ay kala go’aan.

Wareysi dheer oo uu siiyey Tv-ga Horn Cable ayuu kaga hadlay ujeedooyinka uu Somalialnd u tagay dhowaan, balse qeybta uu kaga hadlayo arrinta madax banaanida waxaad ka arki kartaa daqiiqadda 17-aad iyo wixii ka dambeeya.

Halkan ka Daawo Wareysiga Prof. Samatar

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>