Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Toddoba faa’iido CAAFIMAAD oo uu lee yahay Ramadaanka (Soonka)

$
0
0

Akhristoow ka hadli maayo fadliga, axkaamta, waajibaadka iyo waxyaabaha soonku ku buriya toona,Waxaanse dul mar koobaan ku samayndoonaa Raadka uu soonku ku leeyahay caafimaadka qofka.

Waxay dhakhaatiirta dhammaantood isku raacsan yihiin inuu san Ramadanku wax dhibaato ah u lahayn qofka caafimaadka qaba, isla markaasna ah qaan gaar ah.

Dadka qaba jirrooyinka in badan oo ka mid ah soonku wuu u fiican yahay(cuduradaasna hoos baan wax uga tilmaami doonaa), qaar kalana waxaa u fiican inay ruqsada qaataan oo afuraan(waa kuwa xaalkoodu liito oo haddii ay soomaan sii darsanaya), halka ay qaar kalana u baahan yihiin inay dhakhtarkooda la xiriiraan 4 bilood  ka hor bisha Ramadan si loogu sheego sidii la isku waafajin lahaa cudurka ay qabaan iyo Ramadanka, iyadoo aysan bukaanka wax dhibaato ah soo gaarin.

7 Faa´iido xagga caafimaadka ah oo Soonka laga helo :

1)-Timirta : Inkastoo ay tahay sunno in lagu afuro 3 xabbo oo Timir ah, haddana waxaa laga helaa saddex faa´iido oo xagga caafimaadka ah :

A. Waxaa laga helaa tamar(Energi), 1 xabbo oo Timirta ah waa 31gr una dhiganta, kolka saddexdii xabbo waxaa laga helayaa 372kcal(kilocalorie).

B. Timirtu waxay ka mid tahay cuntada qolofta (fiber) leh sidaas daraadeed waxay u fiican tahay dheefshiidka iyo in aan calooshu adkaan.

C.Waxaa Timirta ku jira cadad badan oo ah potassium, magnesium iyo B vitamin .Kuwaasoo faa´iido badan jirkeenna u leh.

2)-Maskada oo kuu dhallinyarowda(Boost your brain) shaki kuma jiro in dadka iimaankoodu fiican yahay ay farxad ku qaabbilaan Ramadanka iyagoo ajar rajaynaya. Intaas waxaa dheer, baaritaanno lagu sammeeyay maskaxda dadka soomman oo ay USA lagu sameeyay ayaa caddaysay in xilliga Ramadanka  ay saa´idaan walxaha maskaxda kobciya (brain-derived neurotrophic factors),kuwaa sahla in la soo saaro unugyo maskaxeed cusub (brain cells) oo saaídiya maskaxda xusuusteeda, iyo guud ahaan shaqadeeda.

Waxaa kale oo hoos u dhaca xilliga soonka soo saaridda dheecaanka cortisol .Halkaasna waxaa ku yaraada heerka Istareeska (stress) wakhtiga Ramadanka iyo ka dibba.

3Yaraynta ama goynta balwadaha xunxun( Dicth bad habitis) :  Qofka soomman wuxuu maalintii oo dhan ka qatan yahay balwadaha xunxun sida Sigaarka,     qaadka,khamrada iyo sonkorta badan . Kolka waa xilliga ugu fiican ee dad badani ka faa´idaystaan inay iska jaraan ama aad u yareeyaan balwadaha xunxun.

Run ahaantii  bahda caafimaadka Ingiriisku (UK’s National Health Service) waxay ku taliyaan in xilliga Ramadanka la iska gooyo Sigaarka.

4. Hoos u dhac subagga dhiiga (Lower cholesterol) : Subbagga dhiiga oo sareeyaa waa khatar .Soonkana waxaa la ogyahay in miisaanku dhaco, waxaana barbar socda oo isna dhaca subagga dhiiga ku jira (waa haddii qofku cunto caafimaad cuno afurka iyo saxuurta).

Kolka subagga dhiiggu hoos u dhaco, waxaa yaraada cudurada wadnaha iyo xididdda dhiiga, iyo waliba dhiig karka iyo falugga.

5. Rabitaankaaga cuntada oo hagaaga (lasting appetite reduction) : Inkastoo cuntada oo qofku uusan jeclaysan ay keeni karaan sababo faro badan sida jirrooyin kala duwan,haddana waxaa jira dad badan oo cunto xumo badanaa la soo daristo. Ramadanku wuxuu kordhiyaa jacaylka cuntada, kaasoo qayb wayn ka ah caafimaadka qofka.

6Sifeynta sunta jirka (Detoxify) : Beerku wuxuu qayb libaax ka qaataa dheefshiidka, isagoo 24-ka shaqeeya, si uu energi ug diro jirkeenna iyo wali howl wayn oo qashin sifaynta jirta . Xilliga soonka kolka ay sonkorta jirka ku yaraato, wuxuu bilaabaa jirku isticmaalka baruurta si uu enerji(Energi) uga sameeyo. Sidaasna wuxuu ku sifeeyaa baruurtii sunta ahayd ee jirka ku jirtay.

7.  Dheefsiga(nuugidda) jirka ee nafaqooyinka (Absorb more nutrients) : Wakhtiga qofku sooman yahay waxaa wanaagsanaada dheefshiidka, kaasoo ay daba socoto inuu bato nuugitaanka waxyaaba nafaqada ah ee cuntada ku jira . Waxaa arrintaa u sabab ah badashada uu bato dheecaanka la yiraahdo adiponectin,oo ay soo saariddiisu badato,  kolka qofku sooman yahay iyo kolka cuntada qofku cuno xilliga danbe ee habeenkii(saxuurta).

Waxay baaritaanna dhakhaatiirtu muujisay in soonqaadku u fiican yahay dadka dhiig karka qaba iyo waliba kuwa sokorowga noociisa labaad(Diabetes mellitus type 2). Wuxuu kale oo Ramadanku u fiican yahay dadka cayilka lagu ibtileeyay.

Dadka qaata dawooyinka sida tan qalalka, neefta, sonkorowga noociisa koowaad waxaa lagula talinayaa inay dhakhtar aqoon u leh, muslimna ah u tagaan afar bilood ka hor.

 Ramadanka Alle Hanaga wada aqbalo

 W/D:  Dr. Abdi Farah Taano

 Denmark

 taano1@hotmail.com

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>