Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Sawirro: Hodontinimada Qoryooley & Howlkarnimada Dadkeeda + Warbixin

$
0
0

Xilli Casir liiq ah ayaan galay degmada Qoryooley anigoo safar uga imid dhanka degmada Baraawe oo ay gobalka Shabeelaha hoose ka wada tirsan yihiin.

Waa markii u horeysay ee aan cagta dhigo Qoryooley, waxaana is bedelay fikirki aan horay uga haystay oo ahaa in ay tahay degmo yar, hase ahaatee mid ka mid ah Saddaxda xaafadood ee ay ka kooban tahay oo kala ah Hodan, Xalane iyo Wada-jir ayaa ka baaxad weyn intii markii hore magaalada dhan aan ku qiyaasayay.

Sanadkaan oo gu’ ah waa mid Barwaaqo ah, Qoryooleyna waxaan oron karnaa waxa ay ka mid tahay meelaha roobku hadduu maalin moogaado  tan xigta uu ka da’o.

Geedaha caleenta ku taal iyo cowska hoostooda ka baxay ayaa dacalka isla galay, waxaanay  naftu jeclaysaneysaa in ay iska daawato.

Deegaanada aan soo maray, magaalada hareeraheeda iyo gudaheedaba xareed ayaa ceegaagta.

Xaafadaha magaalada dacalka ka ah markii aan u baxay dhegehayga waxaa ku soo dhacayay jabaqda Shimbiraha kal jaadka ah.

Raha oo ka mid ah nafleyda biyaha  jecel la’aantoodna abaar u dhimani aanay jirin ayaa markii fiidki la gaaray codkiisu dhinac walba ka yeeray.

Jawiga magaaladu waa mid deggan, waxaana indhahaygu durba qabanayeen ganacsiga oo kala socda iyo dad badan oo magaalada ka sii hoyaadaya si ay u gaaraan tuulooyinka hoos yimaada.

Maalintii dambe oo Jimce ahayd ayaan wax uga dukaday masjikda ugu weyn degmada Qoryooley oo la yirhaado Masjidka (Jaamaca).

Inkastoo weli qeybo ka mid ah masjidka dhisme ku socdo haddana quruxdiisa iyo baaxadiisa waa kuwo ku soo jiidanaya.

Daaqadihiisa iyo albaabadiisu waxay ka sameysan yihiin Miraayado, gudahiisana waxaa lagu fidiyay roog weyn.

Dadka Qoryooley ku dhaqan qaarkood iyo kuwo qurbaha jooga ayaa lacag kumaan doolar ah quuray si ay maalinta aakhiro  Allaah Subxaanu watacaalaa Abaal marin uga helaan ayayna u dhiseen beydkaan ka midka Ah guryaha Allaah.

Sheekh Feysal Jaamac Maxamuud waxa uu ka mid yahay Culumada waqti dheer deganaa Qoryooley iminkana waxa uu ku jiraa hogaanka gudiga dhismaha Masjidka.

Wareysi aan kula yeeshay masjidka gudihiisa ayuu iigu sheegay in qarash gaaraya laba boqol iyo toban iyo afar kun doolar ku baxay dhismaha masjidka oo laba dabaq ka kooban.

Bixinta qarashkaan faraha badan ayaa marqaati ka ah dadaalka loogu jiro horumarinta diinta Islaamka iyo goobaha cibaadada.

Sheekh Feysal ayaa Muslimiinta dhaqaalaha haysta gaar ahaanna kuwa Soomaalida ah u soo jeediyay in ay gacan ka geystaan dhameystirka dhismaha masjidka maadaama weli heerkii loo baahnaa aanuu gaarsiisneyn.

Barasahda Diinta iyo Tacliinta Maadiga ah

Barashada Diinta Islaamka ayaa si aad ah ugu socata degmada Qoryooley, ugu yaraantiina masjid kasta kitaab ayaa maalintii laga aqriyaa, ugu badnaana sadax ama labo.

Jiilka soo koraya ayaa loo dhigaa Qur’aanka Kariimka waxaanay leeyihiin maskax caafimaad qabta oo ay ku xifdiyaan.

Reer Qoryooley waxa ay aaminsan yihiin in ay yihiin dadka gobalkaan Shabeelaha hoose ugu xadaaradda badan.

Ardayda ugu badan oo gabdho iyo wiilal isugu jira ayaa cilmiga diinta iyo kan maadiga ah lagu baraa Xarunta ummu Ayman ee degmada Qoryooley.

Xilli Subax ah ayaan halkaas ku tegay booqasho shaqo, waxaana maamulaheedu Sheekh Idiris sharaxaad dheer iga siiyay habka wax barashada, isigoo tirada ardaydana boqolaal ku sheegay.

Ardayda waxaa ku jira agoon fara badan kuwaasoo qaarkood xarunta jiiftaan, waxaana laga taxadaraa caafimaadkooda iyo noloshooda kale ka sokow dhanka wax barashada.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdallaah waaliga gobalka Shabeelah hoose oo aan la kulmay intii aan ku hawlanaa diyaarinta warbixintaan ayaa sheegay in dadaal badan kadib iminka Qoryooley ku tallaabsatay horumar dhanka aqoonta ah haddii ay diini tahay iyo hadii ay maadi tahayba.

Amniga iyo Ganacsiga

Reer Qoryooley waxa ay heleen amni ku filan, magaaladuna waa mid aad u nabad ah

Waxaa ka furan magaalada maxkamad gorsoorayaasha joogaa si wanaagsan u yaqaanaan diinta Islaamka kuwaasoo kala saara labadii Diyo, Daqar ama Duunyo isku qabsada, laakiin Maxkamadda Shaqo badan kama socato maxaa yeelay waxaa aad u yaraaday isku xad gudubka bulshada.

Gudoomiyaha ganacsatada Qoryooley Cali Macallin Cusmaan ayaan kula kulmay xaruntiisa ganacsi oo gudaha magaalada ku taal, wuxuuna tilmaamay in ay ka ganacsadaan badeecad dibadda laga keeno iyo waxyaabaha Beeraha degmada laga soo guro intaba.

Sidii ka dhacday meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah waxa ay soo mareen, dil, dhac, Kufsi, beeraha iyo guryaha oo dadka qaar laga dhaco iyo dhibaatooyin kale oo badan.

Intaas waxaa dheeraa in si qasab ah mushaar  ganacsatada qaar ay ku sii jireen Mooryaan ma nayaxaaal ah oo ku macagtoobay kuna caan baxay dilka dadka, sida uu sheegayo Cali Macalin Cusmaan oo geesta kale hoos ka xariigay in iminka ay ku jiraan dhacdooyinkaas cagsigooda oo wanaag ah.

Cabsidii iyo wer werkii waxaa bedelay farxad iyo  kalsooni bulshadu isku qabaan, waxaana loo riyaaqsan yahay sida maamulku ka jira deegaanka  isugu howlay sugidda amniga iyo barashada diinta Islaamka oo baahi weyn loo qabay.

Cali Isaaq Hilaal waa sarifle ku qanacsan deganaansasha magaalada waxuuna sheegay in iyagoo sanaadiiqdooda lacag kumanaan doolar ahi ku jirto ay banaanada ugu tagaan xiliyada Salaadda ama ay meel dan ka yeeshaan iyadoon laga cabsi qabin in cid kale oo soo hunguryeyso.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdallaah waaliga Shabeelaha hoose ayaa soo hadal qaaday in Qoryooley waayadii hore dadka ku dhaqani dhibanaayeen, laakiin iminka ay Amni wanaagsan haystaan.

Yuusuf Cabdi Cali Cali wax uu Sanadkii 2012-ka yimid Dalka Switzerland oo mudda uu ku noolaa, waxaanuu iminka xubin muuqata oo firficoon ka yahay gancsatada magaalada Qoryooley isigoo sidoo kalena Beer ka iibsaday, waxaanuu sheegay in Sanadkaan uu markii ugu horeysay dhuunta mariyay raashin uu asigu gacantiisa ku tabcaday.

Magaalada dhaqaalaheedu wuxuu ku tiirsan yahay wax soo saarka dalagyada beeraha, xoolaha iyo Ganacsiga sida uu sheegay Sheekh Feysal Jaamac Maxamuud.

Marka laga soo tago xoolo dhaqatada reer miyiga, magaalada dadka degan in badan oo ka mid ahi waxa ay leeyihiin Ari iyo Lo’ qoysba in ula eg.

Waqtigaan aad ayay xooluhu u cayileen caanahana waxa qiimahoodu marayaa heerkii ugu raqiista badnaa.

Saddax dhalo oo caano Geel ah ayaan ku iibsaday 12 kun oo Shilin Soomaali ah oo u dhiganta Nus doolar iyo lix santi.

Subaxdi waxaa magaalada lagu arkayaa Lo’ iyo Ari badan oo  duurka loo sii kaexeynayo si loo soo daajiyo sidoo kalena gabbal dhicii ayaa indhuhu qabanayaan iyadoo magaalada loo soo hoynayo.

Qoryooley xoolaha waxaa lagu qasban yahay in Isha lagu hayo, maxaa yeelay in ay beeraha daaqaan ayaa laga baqdin qabaa.

Ibraahim waa  Sodon sano jir tan iyo markuu soo hana qaaday lo ‘jir ahaa, wuxuu degan yahay magaalada, subax walibana lo’ shagaasahmeeyo ah oo isigu uu leeyahay ayuu u daaqsin geeyaa Baadiyaha.

Xilli barqo ah ayaan Ibrahaam oo lo’da dhabbaha cagta u saaray Qoryooley gudaheeda kula kulmay waxaanuu ii sheegay in nolosha qoyskiisa oo idili ku tiirsan tahay lo’da.

Qoryooley waxa ay leedahay Bacadle dharka lagu iibiyo kaasoo dadka magaalada ku dhaqan iyo kuwa tuulooyinka iyo baadiyaha ka yimaada ka iibsadaan dharka ay xirtaan.

Cabdi-caziiz Xasan Jimcaale oo ka mid ah gancsatada dharka ayaan ku wareystay gudaha xaruntiisa, waxaanuu sheegay in ay ku faraxsan yihiin amniga magaaladu haysato, laakiin wuxuu walaac ka muujiyay in wadada isku xirta Muqdisho iyo Qoryooley ay fadhiyaan ciidamada Shisheeye ee Uganda iyo Burundi iyo kuwa dowladda Federaalka ah ee la shaqeeya.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in isbaarooyin halkaas yaalla gaadiidka ganacsatada u raran ee qoryooley u soo socda looga qaado Lacag baad ah oo fara badan.

Dad badan oo gudaha jooga iyo kuwa qurbaha ku nool ayaan fahamseyn macaashka ku jira ganacsiga gudaha dalka.

Yuusuf Cabdi Cali ayaa Carrabka ku adkeeyay in qarashkii uu sannad faa’iidi jiray markii uu Sweserland deganaa uu iminka ku helo hal bil gudaheed!

Reer miyi badan iyo dad kale oo xoolaha ka beec mushtara ayaa suuqa Qoryooley Keensada Geel, Ari iyo Lo’ gaar ahaan waxaa Suuqa lagu ballamaa oo aadna wax loo kala iibsadaa maalinta Axadda ah.

Halkaas waxaan ku soo arkay xoolo intooda badan laga dareemayo in ay Sanad Barwaaqo ah joogaan, maxaa yeelay geela iyo labada geeska leh intaba caddiin badan ayaa ka muuqata.

Isaaq Sheekh Cali oo ah dulaal Geela iibiya ayaa tilmaamaya in lacagta iminka la kala siistaa tii hore ka badan tahay, maxaa yeelay buu yiri dhulka oo dhiiqo ah aawgii Geel badan oo suuqa la keeni lahaa ayaa dib u dhacay.

Dibi waaweyn iyo lo’ kale ayaa loo taagnaa kala gadashadooda.

Geesay Gaabow oo dulaal lo’da gada ah ayaa hoosta ka xariiqay in lo’da Qoryooley laga iibiyo qaarkeed la geeyo magaalada Boosaaso, taasoo kadibna loo dhoofiyo dalalka Carabta qaarkood.

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>