London (Caasimada Online) – Daraasad dhawaan laga sameeyay dalka Ingriiska ayaa tilmaameysa in raga ay yihiin kuwa aad uga been badan haweenka.
Daraasadu waxa tibaaxday in raga ay yihiin kuwa u diyaarsan in ay beenta sheegaan ilaa 3 jeer maalintii.
Raga ayaa sidoo la tilmaamay in ay been sheegaan in badan 1000 jeer sanadkii.
Taa badalkeeda, haweenka waxa ay been sheegaan hal mar maalintii oo dhan, sida ay sheegtay daraasadaasi oo lagu sameeyay in ka badan 2000 qof oo ku nool dalka Ingriiska.
Maxay adiga kula tahay?