Shalay waxaan daabacnay warbixin ku saabsan documents sir ah oo qeyb ka ahayd xogtii waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ee ay Wikileaks jabsatay, taasi oo qeybo ka mid ah ay arriamha Somalia quseeyeen.
Warbixintan waxa ay ku saabsan tahay dadaalo diblomaasiyadeed oo fashil iyo ceeb ay ka raacday madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole.
Arrimahan waxa ay dhaceen waqtigii Madaxweyne Shariif.
Faroole waxa uu isku dayay inuu beesha caalamka ku cabsi geliyo madaxweynihii hore ee Somalia, Shariif Sheikh Axmed, isaga oo sidoo kalena weeraray oo xummaan iyo been ka sheegay beelaha Hawiye, sida ay Caasimada Online shalay daabacday.
Danjiraha Mareykanka ee Somalia James Swan, ayaa ah qofka Faroole la kulmay ee qubxigaas ka dhageystay.
Haddaba sheekadan waa warkii Mr. Swan uu dowladiisa u gudbiyay kadib la kullankiisa Faroole, oo dhowr mar ka dhacay magaalooyinka Naiorbi, Addis-Ababa iyo Djibouti.
Haddaba waa tan qoraalkii Mr. Swan uu dowladiisa uga warbixiyay wixii uu ka dhageystay Faroole. Marka hore arag qeybta English-ka, kadibna macnaha af-Soomaaliga.
(C) While the initial meeting with Farole was sometimes tense, the President during the second meeting said that he appreciated the candor and welcomed more direct contact. Farole acknowledged at the end of the second meeting that Puntland was still part of a “federal” Somalia. Some of Farole’s more ham-handed comments about the TFG leadership seemed at best designed to exploit perceived fears among some members of the international community about Sharif. At worst, they were consciously designed to undermine the TFG. We were unequivocally clear that support for Puntland hinges on its support to the Djibouti process and a federal system. We will continue to urge Farole’s support for the TFG and ongoing reconciliation efforts, and will seek avenues for cultivating a more productive partnership, including in the fight against piracy.
“Inkasta oo la kullankeygii hore ee Faroole uu ahaa mid aad u kacsan mararka qaar, haddana madaxweynaha intii lagu guda jiray kullankii labaad, waxa uu la dhacay saaxiibnimada, waxaana uu soo dhoweeyay xiriir toos oo dheeri ah.
Dhammaadkii kullanka labaad, Faroole waxa uu qiray in Puntland ay weli qeyb ka tahay Federal-ka Somalia.
Faallooyinka Faroole ee aan caqliga ku dhisneyn ee ka dhanka ahaa hogaanka(Madaxweyne Shariif) TFG (Dowladda KMG), ayaa u muuqday kuwa looga gol lahaa in lagu maleego cabsi ay xubnaha beesha caalamka qaarkood ka qaadaan Shariif.
Haba ugu sii xumaato’e, waxa ay ahaayeen kuwo si ula kac ah loogu tala galay in lagu bur buriyo (qarribo) TFG.
Waxaan si cad ugu sheegnay Faroole in taageero aan siino Puntland inay ku xiran tahay ayada oo taageerta hanaanka Jabuuti iyo habka Federalka Somalia.
Waxa aynu sii wadi doonnaa inan u sheegno Faroole inuu taageero TFG (Dowladda KMG ah) iyo dadaallada dib u heshiisiinta ee socda, waxaana sii raadin doonnaa saaxiibnimo miro dhal leh oo ay ku jirto la dagaalanka burcad badeeda.
Hadallada Ambsaddor James Swan oo dhowr qeyb u kala jar jarnaa oo ay Caasimada Online idiin soo gudbineyso, ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa.
(C) Farole offered only a lackluster endorsement of the Djibouti process, though he insisted that he supports peace and reconciliation efforts. He alleged that Puntland had no positions in the last TFG or the new Government of National Unity. (Comment: Farole ignored the fact that former President Abdullahi Yusuf and Prime Minister Sharmarke both are from Puntland clans.) Farole said past failed peace processes can be tied to outsiders who “never choose the right people,” adding that “the United States first supported warlords, and now is supporting ‘extremists’.” Maintaining that he wanted to improve the process, he said that he would meet face-to-face with SRSG Ould-Abdallah and tell him “what he has done wrong and what he has done right.” Farole faulted the international community for allowing Sharif to “unilaterally appoint 275 MPs.” Ambassador Swan countered by noting that all of the new MPs were endorsed by their NAIROBI 00000633 002 OF 003 respective clans and that Farole was invited by all sides (several times) to join the negotiations in Djibouti. We emphasized that the Djibouti process continues and that it would benefit from his constructive contributions. We made clear U.S. support for the peace process and for SRSG Ould-Abdallah’s leadership.
(C) Farole waxa uu hanaanka Jabuuti u yaboohay kaliya taageero cago-jiid ah, inkasta oo uu ku adkeystay inuu taageerayo dadaallada nabadda iyo dib u heshiisiinta.
Waxa uu si been ah ugu doodayay in Puntland aysan wax xilal ah ku lahayn Dowladdii KMG ahayd (Cabduulahi Yuusuf) iyo Dowladda midnimada qaran (Shariif Axmed).
Faroole waxa uu iska indha tirayay xaqiiqda ah in madaxweynihii hore Cabdullahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ay labaduba ka yimaadeen qabaa’ilka Puntland.
Faroole waxa uu yiri in hanaankii horey u guul darreystay ee nabadda loo aaneyn karo kuwa kor kasoo dhacay (Dad si lama filaan ah kusoo galay siyaasadda) oo aan marnaba dooran dadkii mudnaa, isaga oo intaas ku daray in “Dowladda Mareykanka ay markii hore taageertay dagaal-oogeyaasha, iminkana ay taageereyso xagjiriinta (Kooxda Shariif)”. Isaga oo adkeeyay inuu doonayo in hanaanka la hormariyo.
Waxa uu yiri inuu weji ka weji ula kulmi doono wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia Ould Cabdllaha, uuna u sheegi doono wixii uu saxay iyo wixii uu qalday.
Faroole waxa uu beesha caalamka ku eedeeyay inay ku qaldantay inay Shariif u ogolaatay inuu si hal dhinaca ah usoo xusho 275 xildhibaan.
Ambassador Swan ayaa taas ku diiday, isaga oo xusaya in dhammaan xildhibnaada cusub ay doorteen wakiilada qabaa’ilkooda, islamarkaana Faroole ay casuumeen dhammaan dhinacyada, dhowr jeer.
Waxa aynu ku adkeysanay in hanaanka Jabuuti uu sii socon doono, islamrkaana wax weyn ay ka faa’iidi doonto taageeradiisa wax ku oolka ah.
Waxa aynu u caddeynay in Mareykanka uu taageerayo hanaanka dib u heshiisiinta iyo hogaanka Ould Cabdallah.
La soco qeybo oo ka mid ah kashifaadda haglanka Faroole ee ka dhanka ahaa DKMG iyo beelaha Hawiye.
Halkan ka arag qeybtii shalay.
Hadaad moodo inaan iska abuuranay qoralkan, halka ka arag caddeynta Wikileaks
W/D: Axmed Cali Sheikh
Tifaftiraha Caasimada Online