Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all 817 articles
Browse latest View live

FEDERAAL IYO FIKRADO ISDIIDAN

$
0
0

Federaal waa heshiis bulsho waxaase sida uu ku imaan karo loo kala qaadaa labo siyaabood.

Mida koowaad dad, isku af, diin iyo dhaqan ah oo aan heshiis ku aheyn awoodii Maamul iyo kuwa ah qoomiyado kala duwan oo si ay u noqdaan Qaran sameysta nidaam federal oo ay heshiis ku yihiin.Nidaamkaani waxaa ku dhisan dalal badan oo xasiloon sida Mareykanka iyo Ethiopia balse kuwaasi Soomaaliya waxa ay uga duwan yihiin dadka ku nool oo ah qoomiyado kala duwan.Soomaaliya burburkii ka hor waxa ay ahayd Jamhuuriyad Qaran oo mid ah balse hada waxa ay wajaheysaa dowlada ku dhisan Federaal, tani dad baa u arka inay xal tahay marka loo eego wadciga hada jira kuwa kalana sidaa uma arkaan.“Eeg calankaan buluuga oo ay xidigta cad dhexda uga taallo miyaa taqaan waxa uu ka turjumayo waa shantii Soomaaliya waa astaan midnimo isaga oo aan midowno ayaa ka fiican Federaal hadii aan heleyno ayuu igu yiri nin waayo joog u ahaa marxaladihii dalka.

Si kastaba dowladda oo aan KMG aheyn oo ah dowlad federal ah waxa ay wadaa qorsho ay dalka ugu sameeneyso Maamul goboleedyo dadaalkaasi oo ay horyaalaan caqabado culayskooda leh.

Iyadoo uu jiro dastuur KMG ah oo qeexaya habka loo marayo federaalkakaas oo ay ku qoran tahay in dastuurkaani iyo midka Maamulada kale ay waajib tahay in la is waafajiyo ayaa waxaa muuqata inaanu is waafaqsaneen.

Arrinta ugu weyn oo uu khilaafka ka dhalan karo ayaa waxa ay tahay xuduudaha Maamulada.

Puntland dastuurkeeda waxa uu dhigayaa in deegaanadeed ay ka kooban yihiin gobollada Bari, Nugaal, Sool, Koofurta Togdheer Buuhoodle, Mudug oo laga reebay Hobyo iyo Xarardheere iyo qeyb ka mid ah Sanaag.

Lakiin Dastuurka KMG ayaa dhigayaya in tirada Maamulada iyo xuduudaha uu go’aaminayo Baarlamaanka Soomaaliya oo howl u taala Maamulada aysan aheyn, tani waxa ay muujineysaa in labada dastuur ay is qilaafsan yihiin.

Dastuurka Puntland ka sakoow dowladda waxa uu taabanayaa Maamulada dariska la ah ee Somaliland iyo Galmudug kuwaasi oo deegaanada ku cad dastuurkeeda qeyb weyn ka maamula.

Maamulka gooni isku taaga ee Somaliland ayaa horay u sheegay in lama taabtaan ay yihiin gobolada Somaliland oo ay ka mid yihiin Sool iyo Sanaag sida ku cad xeerkeeda.

Dhinaca kale maamulka uu maranka ka taagan yahay sharci ahaantiisa ee Jubaland waxa uu samaystay dhawaan dastuur cusub oo intiisa la sheegay in laga soo minguuriyay midka Puntland, iyadoo wali barlamanka uusan kasoo baxin sharci ogalaanayo in dhismaha Maamulada.

Caqabad kale oo muuqata ayaa waxa ay tahay in uu socdo qorshe 6 gobol oo ka mid ah Koofurta dalka Soomaaliya loogu sameynayo Maamul goboleed oo ka socda magaalada Baydhaba, goboladaasi oo ay ka mid yihiin kuwa hada loo sameynayo Jubaland ee Jubada, mida dhexe iyo gedo taas oo cadeeneysa kala qeybsaneyta aragtida ku wajahan sameynta Maamul goboleedyada.

Xukuumada oo aan raali ka aheyn dhismaha Maamulada aan dastuurka waafaqsaneen ayaa si ay u hakiso qorshayaasha waxa ay Maamul KMG ah u magacaawday gobolada Gedo iyo Bay kuwaasi oo cuuryaamin kara Jubaland iyo Shirka Baydhaba.

Hirgalinta nidaamka Federaalka ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya aysan awoodeeda gaarsiisaneen guud ahaan dalka sidoo kalana ay xurguf dhex taalo qabaa’ilka Soomaaliya waxaase Qubarada ku xeel dheer federaalka ay sheegayaan in hirgalintiisa uu imaankaro, iyadoo uu jiro heshiis bulsho iyo dowlad gaarsiisan dalka oo dhan.

Howsha ma sahlana, dadaalka ma yara, waqtigana wuu is gurayaa.

W/D Maxamed Cali Axmed Rooraaye

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax shaqo ahna kuma lahan siyaasadda tifaftir ee Caasimada Online

Sawirro iyo Warbixin: Qarashkii ku baxay safarkii madaxweyne Xasan ee London iyo hoteelkii uu ku raaxeestay

$
0
0

London (Caasimada Online) - Wargeysyada England ayaa daabacay qoraallo ay kaga carreysan yihiin qarashkii ku baxay socdaalka madaxweyne Xasan Sheikh ee shirkii London iyo sida uu ugu raaxeestay London.

Wargeyska The Sun ayaa qoray in madaxweyne Xasan uu ku raaxeestay mid ka mid ah hoteelada ugu qaalisan London – Ayada oo la isticmaalayo waxa uu ugu yeeray “lacagta canshuur bixiyayaasha Britain”

Madaxweynaha ayaa degay hotelka Dorchester, ayada oo ay wehliyaan shan wasiir iyo 14 kaliyeyaal ah, intii uu ka qeyb galay shirkii deeqaha loogu ururiyay Somalia ee London.

billSida ay ku warrantay The Sun, madaxweyne Xasan oo 57 jir ah ayaa afar cisho ku negaaday qeebta Park Lane. Xittaa haddii ay degi lahaayeen qolka ugu qiimaha jaban, waxaa ku kici lahaa 25,440 gani, ayay tiri The Sun.

Shaqsiyaadkii horey ugu raaxeystay hotel-kaas waxaa ka mid ahaa Marlene Dietrich,t aajirka caanka ah ee Mareykanka ee Walt Disney oo ah ninka leh shirkadda Disney iyo Taleefishinada ESPN iyo ABC, jilaaga caanka ah ee Clint Estwood, Charlton Heston iyo Judy Garland.

Qiimaha ku baxay duulimaadka waftiga madaxweyne Xasan oo raacay qeybta First Class, ayaa ahaa sidoo kale 24,158 oo gani.

Qofkiiba waxa uu maalinkii wadanayay baabuur lagu kireeyay 400 oo Gani, taasi oo qiimaha guud ee ku kacay safarka ka dhigeysa 50,000 oo gani.

Natiijadii socdaalkaas ka dhalatay, ayaa noqotay in Britain ay Somalia ugu deeqday sidoo kale 50 milyan oo gani.

Sawirrada hotelka

london raaxolondon raaxo 2london raaxo 3london raaxo 4

Caasimada Online

Xafiiska London, UK

Sawir gacmeedka Amiin Caamir iyo kulankii Feysal C Warabe & Xasan Sh

$
0
0

Shalay ayay Caasimada Online daabacday in siyaasiga Somaliland ee Feysal Cali Waraabe uu kullan la qaatay waftiga dowladda Somalia ee madaxweyne Xasan ee tagay magaalada London.

Haddaba farshaxamiistaha Soomaaliyeed ee canka ah Amin Arts ayaa sawir gacmeed qosol leh ka sameeyay kullankaasi, sida aadka ah ka hadalkiisa u qabsaday warbaahinta ee nala arka.

waraabe

 

DAAWO VIDEO: Ma milicdeen XEEBTA KISMAAYO mana jiriricooteen

$
0
0

Magaalada Kismaayo waxa ay bilihii ugu dambeeyay ahayd magaalado ugu hadal heynta badan Somalia, marka laga tago Muqdisho. Waxaa halkaas laga saaray Shabaab ayada oo qabsadeen ciidamada Kenya iyo kuwa la socda ee Raaskambooni.

Dhinaca kale meel u dhow xeebta Kismaayo ayay Kenya qorsheeneysa inay shidaal ka baarato, marka ay ku guuleysato qorshaha ay maamul ayada ay raali ka tahay ay uga dhiseyso magaalada.

Haddaba waxaan idin soo gudbineynaa video ku saabsan bilicda xeebta Kismaayo, oo marka aad aragto aad dareemi doonto sababta Kenya ay u dooneyso inay magaaladaas gacanta ku heyso.

Halkan Hoose ka daawo

Sheekh caan ah oo wax lala yaabay ka sheegay Faroole & xaalka Puntland

$
0
0

Sheekh Xasan Maxamuud Takar oo ka mid ah Culumada Diinta Islaamka ee ka soo jeeda Deegaanada la isku yiraahdo Puntland, ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole aanuu dooneyn marna in uu Kursiga ka kaco.

Wuxuu sheegay in uu burburiyay dhaqaalihii Puntland, Dekedda Boosaaso wixii Lacag ah ee ka soo xeroodayna uu ku shubtay Bangiyo dibadaha ku yaalla, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in dabkii ka kacay Suuqa Boosaaso ee baa’bi’iyay hantidii Ganacsatada in uu Cabdiraxmaan Faroole ka dambeeyay.

Ganacsatadii Puntland ayuu sheegay in ay kala yaaceen oo ay kala aadeen, Meelo kala duwan asigoo intaa ku daray in Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland oo Markii hore dhulkeedu qaali ahaa iminka qiimihu aad hoos ugu dhacay oo aanay cidna boos ka iibsanayn, taasina Maamul Xumada Cabdiraxmaan Faroole ay sabab u tahay.

Sheekh Xasan ayaa hoosta ka xariiiqay in Madaxweynayaashii hore ee Puntland sida Cabdulaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse ay ahaayeen kuwo Ixtiraama Odayaasha dhaqanka laakiin taasi ay Meesha iminka ka baxday.

Wuxuu intaas ku daray in aanay Culumada iyo Diinta fara gasha jirin oo dacwadu Puntland si wanaagsan uga socotay intii Cabdiraxmaan Faroole aanuu Madaxweyne noqon.

Takar ayaa tibaaxay in Faroole uu gaaray heer uu diido in Masaajidda la dhiso Neceybka uu Diinta Islaamka u qabo aawgeed dhowr Masaajidna uu Culumo ku weeraray.

“Miyaad Maqashay Masaajid Puntland ku yaal oo la weeraray Faroole ka hor” sidaasi waxaa yiri Sheekh xasan Maxamuud Takar oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Xasan Takar oo waxyaabo badan kaga hadlay wareysiga halkan hoose ka dhageyso

Wareysiga Sheikh Xasan Takar

“Maalin aan maanta ahayn inaad ii soo baahata, Allah waxba lama aha”

$
0
0

QISO- BOQOR MUJRIM AHAA

Waxaa jiray boqor mujrim ahaa, oo xaqiir dulmi badan ahaa. Wuxuu lahaa qasri cad oo weyn, qasriga dhankiisa midig, waxaa ku yiillay daash yar oo ay lahayd haweeney cajuusa ah, oo aan aqrib iyo ahal midna lahayn. Boqorka waxaa qasrigiisa ku hor yiillay barxad qurux badan oo uu kula sheekeysan jiray dadka madaxda ah iyo maalqabeennada.

Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa u timid, haweeneydii duqda ahayd, ayadoo ka dalbanaysa inuu siiyo wax cunta ah. Balse markii ay intaasi warsatay ayaa boqorkii wuxuu dhegaha u saaray canaan kulul, iyo cay, asagoo amray inaanay mar dambe ayadoo sidan u eg aanay soo hor istaagin. Intaas kumuu ekaanine, wuxuu amray in daashkeedii yaraa ee ay degneyd la dumiyo, asagoo oranaya, wuxuu foolxuma u keenay bilicda qasrigeyga. Haweeneydii way dhaqaaqday ayadoo oranayso ”Maalin aan maanta ahayn inaad iisoo baahata, Ilaahay waxba lama dhama”.

Boqorkii ayaa qosol jees jees uu ka muuqda asagoo qah qahleynaya ayaa wuxuu yiri ”Ma adiga, oo sidan u eg? Mayee, ma dhicine taas, orod iska soco, miyaadan ogeyn, inaan qusuur iyo balliyo, iyo dahab iyo hanti iyo xoolaba aan leeyahay? Maxay tahay ta aan kaaga baahanaya adiga, soco soco”?

Duqdii way iska baxday, oo keymaha ayay iska degtay. Waxay billawday midhaha iyo caleemaha inay ku noolaato, oo ay dur durradana ka cabto.

Tiiyoo ay xaaladdu sidaasi tahay, ayaa duqdii waxay noqotay duq dhirta aqoon u yeelata oo dadka bukaanka ah ee miyiga iyo meelahaasi kusoo mara daweysa. Xaaladdu markay sidaasi maraysa, ayaa waxaa bukooday boqorkii.

Dawadiisii ayaa la waayay, dhaqtar kastaahina, wuu ka gacan taagay. Waxaa la diray afarta jira dad qaylo dhaan sida, oo oranaya, war qofii boqorka daweeya, waxaa la siin doonaa maal sidaas iyo sidaas ah.

Waxyaabahii ballanqaadyadaasi ku jiray waxaa kamid ahaa, dahab iyo daar weyn oo loo dhisi doono.

Duqdii cajuusada ahayd ayaa warkaasi maqashay, kadibna waxay usoo alaab qaadatay, dhankii boqorka. Markay u timid, ayay u sheegtay inay daweyneyso, dabeetana wuu ka ogalaaday.

Dhir ayay isku qastay, wayna amartay inuu cabbo. Maalin ama labo maalin kadib, boqorkii waa uu caafimaaday oo Ilaahay dawuu uga dhigay dawadii haweeneyda.

Markaasay ku tiri ”Sow ima xasuusatid, sowmana xasuusatid maalintii aad sidaas ilahayd”? Wuxuu yiri ”Haah!! walleey waan xasuustaa, waxaase igu ballan ah, maanta kadib inaanan dadka kala jeclaan, kooda faqiirka iyo kooda qaniga ah, kooda maskiinka iyo kooda awoodda leh, kooda iwm. Waxaa igu ballan inaan dadka oo dhan jeclaado, oo aan u caddaalad falo, caddaaladna ula dhaqmo”.

Wuxuu u dhisay, qasri weyn, wuxuuna siiyey hanti badan.

WD: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
_____________________________________________________
Afeef Qormadani waxay u gaar tahay, webka caasimada.com, iyo qoraha lama daabacan karo idan la’aan.

TACSI TIIRAANYO LEH

$
0
0

Waxaa tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhamaan Qoyska Reer Macloow Abiikar gaar ahaan Reer Xasan Abiikar oo Aabahood Nabadoon Xasan Abiikar ku geeriyodey Magaalda Balcad waxaana Ilaah uga baryaynaa inu janadii faradowsa ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii uu kada abxayna samir iyo iimaan ka siiyo anagana sidoo kale Gadaashina Ilaah inama fidneeyo. Aamiin aamiin Aamiin.

Waxaa halkaan tacsi ka diraayo dhamaan ehelada , axsaabta iyo deriskaba.
Cabdulaahi Muuse Xuseen Duqi iyo Gud. Gobolka Bandir
Axmadey Macalin Buub Axmadey Munishibiyo
C.qaadir Nuur Cumar
Nuur Cali Gacal (Nuur gaadle)
Xaaji suudi Abukar
Macoow Xuseen Xasan Liig
Xaaji Shuuriye Mohed Cariif
Cumar Nuur Maxamuud Cadoow
Xaajiyo Faadumo Dhicisoow
Axmadey Ismaaciil
Yaasiin Maxi Macalin
Maxamed Sheekh Nuur Cali Baroow Khaliifka
Yuusuf Muuse Xuseen
Micraaj Muuse Xuseen
Xasan farax C.lle
Xasan Mohamed Xaaji Duusoos
Mohamed Xasan Fiiloow Maadeey
Abuukar Mohamed Kiriish¨
C.nuur Bashiir Cali
Mohamed Xasan jeeleey
Deeqo Cabdi Gacal
Cumar Macalin Subugoow

Xamdi Xasan Macalin faralaabte
Jamiilo Axmed Mohamed Cumar
Jamiilo Xasan Baroow
Ismaaciil Mohamuud Shire
Xaaji Xuseen Cigaal
Xaaji Cadaawe Bashiir
Col . Sheekh Cumar
Nabadoon Xaaji Cabdulle Borlänge
C.laahi Sheekh Xasan Muudey
Sahro Xasan Galabeey

C.fataax Bashiir Cali
Xasan Mohamed Bashiir
Cali Koronto
Cabdalle Baarqab
Xaaji daauud Xuseen Cali Calasoow
Mamxed Cali Dejiye.
Muuse Cali Jumcaale Gaduud
C.laahi shoobaaye C.laahi Bulsho
Canshuuro Cadaan Nuur Muudeey
Malaaq Linkköping
Cumar Sheekh Abuukar Macalin
Omar raage Taraafiko
Nuuraiin Shoobaaye xasan
Xaawo Ibraahin Cali Cambuure
Cali Foodey Xasan Cariif
Kulmiye Mohamed abuuakr suuleey
Xamdi Sheekh xasan Yare
Salaad Nuur Ibraahim.
Mohamed Deeq C.laahi Muuse Luunge
Cali Axmed Gacal Cali Mahdi
IIdoow Mohamed Cali
Cali Cade Jaqeey
Laylo Macalin Subugoow
Awees Yuusuf
Daauud Cumar Xasan
Ciise Yaaqoow Mohamed
Axmed Cali Jabaan
C.kariin Mohamud Cali Gaadle
Xaaji Abuukar Linköping
Xuseen Nuur Buubshe
Siid Cali Yuusuf Buri
Deeqo Sheekh Mohamed
Abshireey Mohamud Abshirey ganna
C.samad Axmadey Macalin Buub
Shukri Mohamud Cadde
Foos Shuuriye M. Cariif
Maryan Axmadey Macalin Buub.
Dhamaan inta aan halkaan ku qornayn waa tacsiyeynayaan .

Diyaariye.
Jaaliyadda Sweden

DHAGEYSO: Dood kulul oo loo qabtay Dhinacyada isku haya KISMAAYO

$
0
0

Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka ee VOAa waxaa lagu eegay marxaladda cusub ee ay gashay xaaladda gobalada Jubbooyinka iyo maamulada kala duwan ee todobaadkan lagaga dhawaaqay Kismaayo.

Barnaamijka waxaa ka qeyb galaya martida kala ah.

Cabdullahi Sh. Ismaaciil Fartaag oo ah ku-xgeenka maamulka uu Axmed Maxmuud Islaam Axmed Madoobe ka yahay madaxweynaha. Maxamed-Amiin Cabdullaahi Cismaan oo ah siyaasi ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka, labadoodluna waxay ku sugan yihiin magaalda Kismaayo. Gurey Xaaji Faarax oo ka mid ah saraakiisha taabacsan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo jooga magaalada Seattle ee gobalka Washington ee dalkan Mareykanka. Iyo Dabjire Maxamed Cumar Cismaan safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey wadanka India iyo wadamo kale kuna nool magalada London ee dalka Ingriiska.

Barnaamijkan oo isku soo duway, soona jeedinayo Daauud Aweys halkan hoose ka dhageyso.


Video: Dib u dhsika ciidanka Xoogga

$
0
0

Taleefishinka Kalsan TV, ayaa xog wareysi muhim ah ka sameeyay qaabka dib u dhis xoogan loogu sameyn karo ciidamada xoogga dalka Somalia, si ay ugu soo noqdaan kaalintoodii hore ee libaaxyada Geeska Africa.

Barnaamijka Martida Kalsan, ayaa waxaa lagu wareystay aqoonyahan iyo siyaasi Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Sayid Axmed Sheikh Maxamed Sheikh Axmed Mataan si fudud loogu yaqaan Sheikh Axmed Mataan, oo ahaan jiray guddoomiyiii Ahlu-Sunna ee qaaradda Yurub, , oo si wanaagsan u lafa gray dib udhiska ciidanka xoogga dalka.

Haddaba halkan hoose ka daawo barnaamijka

Warbixin: 3-da qeyb oo ay ka kooban yihiin xildhibaanada wada mooshinka Saacid iyo gacanta ka dambeysa

$
0
0

Xildhibaano isku Aragti ka ah Xukuumada ayaa diyaariyay Mooshin ka dhan ah xukuumada Raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ka dibna waxay u gudbiyeen gudoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sadax qaybood oo ka tirsan baarlamaanka oo qayb kasta ay leedahay dan gaar ah ayaa ku mideysan mooshinkaan, waxaana sadaxdaasi qaybood ay kala yihiin.

  1. Xildhibaano Aragti ahaan Xukuumada ay isku fahmi waayeen maamul u Samaynta gobalada Jubooyinka oo uu ugu horeeyo xildhibaan C/rashiid Xidig sidoo kalana ay qayb ka yihiin xildhibaano kale oo ka soo jeeda gobalada Jubooyinka.
  2. Xildhibaano ka soo horjeeda kaalinta dowlada ay siisay wadahadalada Maamulka Soomaaliland oo ku abtirsada Maamulka Khaatumo oo uu horkacayo xildhibaan Cali Khaliif Galay.
  3. Iyo Xildhibaano kale oo ka soo horjeestay isbadal dowlada ay ku samaysay Jagooyinka qaar, isla markaana sheegay in la hareer maray dhidaamka 4.5 oo Soomaalidu ay wax ku qaybsato.

Sikastaba sadaxdaan qaybood oo ka tirsan Baarlamaanka oo qaybkasta ay leedahay hadaf gaar ah ayaa mar qura waxay isku aragti ka noqdeen in ay mucaaradaan xukuumada Raysal wasaare Shirdoon.

Inkastoo ay jiraan arimahaan oo dhan ayaa hadana qaar ka mid ah dadka siyaasada falanqeeya waxay aaminsanyihiin inay jirto gacan kale oo howshaan wax kawada oo ah Puntland iyo rag leh damac siyaasadeed iyo waliba dad doonaya in la cuuryaamiyo qada socota.

Dokumentiyo aan helnay ayaa sheegaya in Mooshin ka dhan ah xukuumadda ra’iisul Wasaare saacid laga soo abaabulay Kenya.

Diblomaasi ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay jiraan kulamo ka dhacay magaaladaasi oo ay yeesheen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo lagu soo diyaariyay mooshinkaan ka soo horjeeda xukuumada.

Ma ahan wax cusub in laga hor yimaado Raysal wasaare oo Mooshin laga keeno ilaa marka danbe kursiga laga tuuro, laakiin waa caado soo jirtay laga soo bilaabo Raysal wasaarihii hore ee dowladii TNG-da Cali Khaliif Galayr.

Markii loo eego Shirdoon Raysal wasaarayaashii hore ee laga hor yimid ayaga oo shaqaynaya sida Cali Maxamed Geedi, Cumar C/rashiid iyo Maxamed Farmaajo madabno rajada laga qabo in lagu guuleesto mooshinkaan oo lagu eryo Raysal wasaare Saacid, sababtoo ah dhamaan wasiiradii koowaad ee xafiika ka tagay waxay baxeen ka dib markii ay isku dhaceen madaxda sare sida gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Dhowaan ayaa Raysal wasaaraha iyo labadiisa wasiir ee Gaashaandhiga iyo Arimaha Gudaha waxay si kala gooni ah ay u hortageen Baarlamaanka, waxaana Raysal wasaaraha uu ka jawaabay 10-su’aal oo ay waydiiyeen xildhibaanada.

Xukuumada Soomaaliya ayaa meel cad ka istaagtay arimaha ka socda gobalada Jubooyinka waxaana xukuumada ay sheegtay inaysan Aqoonsanayn Axmed Madoobe iyo Bare Hiiraale oo labadooda ay wada sheeganayaan in yihiin madaxweynaha maamulka Jubbaland, waxaana jira Xildhibaano oo siyaasad ahaan taageersan doorashada Axmed Madoobe sidoo kalana ka qaybgalay Shirar lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Xildhibaan ka tirsan baarlamanka ayaa yiri “Waxaa jira Lacag farabadan oo loo qeybinaayo Xildhibaanadaas, 90% lacagtaasnah waxey ka timid Garoowe” Asigoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Nimanka Arintaan gadaal ka riixaya waxaa kamid ah Ina Sharmaarke, Faroole iyo rag kale”

Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa ka soo horjeeda mooshinkaan waxayna ku doodayaan in xiligaan xukuumada aysan u baahnayn in la dhibaateeyo, maadaama ay ku guuleesatay in ay wax ka qabato arimo oo ay horay u balanqaaday, inkastoo aamaanka wali sidii loo baahnaa uusan ahayn.

Qilaafka iyo is qab qabsiga nuucaan oo kale ah ayaa horay u soo ragaadiyay dowladii KMG-ka ahaa ee soo maray wadanka, waxaana haatan layswydiinayaa halka uu gaari doono mooshinkaan ka dhan ah Xukuumada.

Hailemariam oo qiray inay difaacayan haddii Somaliland lasoo weeraro

$
0
0

ADDIS-ABABA, Ethiopia (Caasimadda Online) iyadoo sida la ogsoon yahay siyaasad ahaan ay Dowladda Ethiopia si toos ah u taageerto Maamulka Somaliland ee ka quustay aqoonsigooda, ayaa war aan laga filaynin waxa uu iminka kasoo yeeray R/wasaaraha dalkaasi Ethiopia.

Sida lagu baahiyey warbaahinta Ethiopia, R/wasaare Hailemariam Desalegn ayaa sheegey in Somaliland ay ka difaaci doonaan wax kasta oo weerar ah oo lagu soo qaado, sida uu yiri.

Waxa uu la hadlayay baarlamaanka dalkaasi, wuxuuna sheegey in Somaliland ay tahay saaxiib wanaagsan iyo daris lagu tashan karo.

Waxa uu sheegey in ciidamada Ethiopia loo diri doono gudaha Somaliland si ay oga barbar dagaalamaan, islamarkaasina u tabobaraan ciidamada Somaliland.

“Somaliland waa saaxiib istaraatiiji ah, waana olog wanaagsan, kama gaabsan doono in aan difaacno Somaliland wax kasta oo ay nagu qaadatama, walaalahana waxaa lagu yaqaanaa kuwa is kaalmeeya marka ay baahida jirto” ayaa laga soo xigtey isaga oo dhahaya sida lagu faafiyey wargeyska Ethiopian Review.

Waxa kale uu sheegey in Somaliland loo direy wafti heerkiisu sareeyo oo agaasimayaal ka kooban, waxaana jiraya kulan balaaran oo Hargeysa lagu qabanayo, kaasi oo noqonaya kulankii labaad oo isaga oo kale ah iyada oo kulankii kan ka horeeyey uu ka dhacay magaalada Dira Dhaba.

Waxaa kulankan looga hadlayaa iskaashi dhan kasta ah oo dhex mara Ethiopia iyo Somaliland.

Hadalka Ra’isulwasaaraha ayaa waxa uu ka dambeeyey kadib madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo booqdey Ethiopia, heshiisyana lasoo galay Ethiopia.

Source :  Ethiopianreview

Caasimadda Online : Isha Wararka Sugan

Sawirro: Maalin ku weyn Soomaalida oo si cajiib ah looga xusay Finland

$
0
0

Xaflad aad u weyn oo lagu maamuusayey xuska sannadguuradii 70aad ee aasaaskii ururkii gobanimadoonka dhalinyarada soomaaliyeed ee SYL ayaa lagu qabtay xarunta ururka dhalinyarada Kanava ee magaalada Helsinki maalinimadii arabacada 15 may 2013. Xafladdaas oo si heer sare loo abaabulay ayaa waxaa kasoo qeyb galay dadweyne aad u fara badan oo ka socda qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee ku nool agagaarka caasimadda wadanka Finland – Helsinki, kuwaasoo isugu jiray Haween, Dhalinyaro, Odayaal, Aqoonyahano, Saraakiil iyo Siyaasiyiin intaba.

Dadweynihii halkaasi ka soo qayb galay waxey dhageysteen taariikhdii aabayaashii gobanimada Soomaaliya, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay gabayo, heeso wadani ah, buraarbur & hadallo guubaabo ah oo lagu wacyi gelinayey dhalinyarada soomaaliyeed. Waxaa kaloo xafladda qeyb weyn ka ciyaarayay barnaamijyo madadaalo ah oo aad u xiiso badnaa oo loogu talogalay dhalinyarada waxaa ka mid ahaa Riwaayad magaceeda la yiraahdo Labo dhaqan kala dheer, indho sarcaad uusoo bandhigayey Janne Tupela & Meissa Niang oo soo garaacayey gurbaanka. Iyadoo uu barnaamijka si wanaagsan u daadihinayey Mudane Ibraahim Axmed Takar Jaango,an.

Marti sharaftii halkaas ka hadlay waxaa kamid ahaa Adeer Cumar Maxamuud Jimcaale, Dr. Cumar, Daauud Axmadeey, Suldaan Xuseen Qawdhan, Abwaan Inj. Axmed, Hodan Yuusuf iyo marti kale iyagoo dhammaan ku nuux nuuxsaday qiimaha ay leedahay maalinta weyn ee 15may. Agaasimaha guud ee ururka dhalinyarada Kanava Mudane Cabdulqaadir Hadaafow ayaa hamablyo u diray guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaanna dhalinyarada kunool gudaha & dibaddaba. Isagoo tilmaamay iney nasiib darro tahay in dhalinyarada soomaaliyeed magacoodii la xumeeyay, sharaftoodiina meel looga dhacay markii lagu dumiyey qarankeennii oo magacoodii, xooggoodii & maskaxdoodii si khaldan loo isticmaalay. Waxa uu dhalinyarada ku guubaabiyey iney is abaabulaan oo ay horumariyaan & iskuna xiraan umadda soomaaliyeed ee qurbaha ku nool una guntadaan sidii ay u badbaadin lahaayeen magaca & sharafta umadda soomaaliyeed. Gudoomiyaha ururka Kanava Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa isaganu kula dardaarmay dhalinyarada iney ka faa,iideystaan fursadda ay heystaan sida aqoonta & teknoolijaya ayna ku daydaan halgamayaashii SYL kana fogaadaan caadooyinka foosha xun ee dadkeenna dib u dhigay.

Gabagabadii xafladda ayaa waxaa shahaado sharaf & hadiyado kala duwan lagu gudoonsiiyay Abdirahman Yusuf Axmed Ibraahim, Mahad Cabdi & Sacdiyo Maxamed Hiraabe dadaalkii ay u galeen & kaalinta firfircoon ee ay ka qaataan wax u qabashada dhalinyarada ku nool Finland.

Halkan waxaan idinkugu soo bandhigeynaa qaar kamid ah sawiradii laga qaaday xafladda Daawasho wanaagsan:

518152993761618131026122223024191121

Hambalyo: Weriye Maxamed Xaaji iyo Raxma Maxamed Cabdi

$
0
0

Maalinimadii shalay taariikhdu ku beegnayd 15-ka May waxay magaalada Nairobi gabari ugu dhalatay tifaftiraha GoolFM.net Maxamed Xaaji Xuseen Raage & xabiibtiisa Raxma Maxamed Cabdi (Cuyuuni Qalbi) gabadhaas oo loo bixiyay magac qaali ah oo ah Soomaaliya Maxamed Xaaji waxaana u hambalyaynaya:

Cabdullaahi Maxamed Xasan Black

Axmed Ugaas

Yaxye Yuusuf Khasaaro

Cabdi Samad Maxamed Xasan (Black Jr)

Cabdul Xafiid Zaciimka

Cabdullaahi Cismaan Faarax

Cabdullaahi Maxamed Xasan Baliil

Max’ed Shuuriye Nuur(Barakaat)

Mahad shariif Jilacoow

C/laahi daahir Siyaad Dhakoos

Haruun Yuusuf Khasaaro

Amiin Yuusuf Khasaaro

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Xafso Xaaji

Najiib Aadan Najiib

Xuriyo Xuseen Nuur

Sucaad Xasan Cali

……………………………………………………

Aabe Xaaji Xuseen Raage

Aabe Maxamed Cabdi Yuusuf

Hooyo Xaliimo Sacdiyo Xaaji Xasan

Hooyo Suuban Maxamuud Cadoow

Hooyo Xersiyo Aadan Nuur

Adeer Bootaan Raage Boorre iyo Xaaskiisa

Abti Maxamed Xaaji Xasan (Leebo)

Amiin Caamir Maxamuud

Xuseen Cabdi Calasoow

Adeer Ibraahin Raage Boorre

Cabdalla Maxamed Gaaboow (Shiiloow) iyo xaasaskiisa

Asad Maxamed Geedi iyo xaaskiisa

Habaryar Canab Xaaji Xasan

Adeer Cabdulqaadir Jimcaale Boorre

Ayeeyo Maano Xaaji Caynte

Cabdi Nuur Xasan Cumar

Daahir Maxamed Gaabow

Cali Yaasiin Gurbe

Ayeeyo Xaliimo Xooshoow Shamatti

Ayeeyo Faadumo Xaaji Caynte

Farxaan Ibraahim Raage

Saadaq Macalin Ibraahim Raage

Cabdi Salaam Ibraahim Raage

Cabdulqaadir Ibraahim Raage

Cabdullaahi Xaaji Xuseen Raage

Faadumo Cadar Maxamed Cabdi

Nimco Xaaji Xuseen Raage

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi (Sayga Cadde)

Sacdiyo Xaaji Xuseen Raage

Sahra Xaaji Maxamed Caynte

Ridwaan Maxamed Cabdi

Ayeeyo Saynab Sheekh Xuseen

Jibriil Xaaji Xuseen Raage

Laylo Xasan Dhicisoow

Anab Hassan Dhicisoow

Ayaan Xaaji Xuseen Raage

Ruqiyo Abdule Abuuka

Aamina Xaaji Xuseen Raage

Saynab Maxamed Ismaaciil

Amaal Maxamed Ismaaciil

Cabdisalaan Macalin Ibraahim

Safiyo Xasan Cumar (Cirro).

Hooyo Raxmo Maalin Shaaciye
Habaryar Jiijo Xaaji Xasan Maxamed Ceynte
Yaasmiin Cali Maxamuud Jimcaale

Fatxa Maxamed Farax Muudeey
Saciido Cali Maxamuud Jimcaale
Raage Xaaji Ibraahim Raage
Liibaan Cabdi Caroone Jimcaale
Maxamed Cabdi Caroone
Abuukar Maxamed Siyaad Baroow
Raxmo Saadaq Macalin Ibraahim
Cabdi Raxmaan Saadaq Macalin Ibaraahim
Falastiin Saadaq Macalin Ibraahim
Sihaam Saadaq Macalin Ibraahim

Wariyayaasha Hambalyada diraya waxa ay kala yihiin

Cabdullaahi Nuur Maxamed Colombo

Ibraahim Xasan Daandureey

Caasha Ibraahim Aadan (Caasha Cuud)

Jamiila Xasan Garruun

Aamina Muuse Wehliye

Saynab Abuukar Maxamed

Maxamed Colaad Xasan (Istiilla)

Falastiin Axmed Xaaji

Maxamed Abuukar Ma’da

C/raxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadala)

Sahra Ciidle Nuur

Sahro Cabdi Axmed

Maxamed Gaarane Aadan

Mohamed Abdi Farah (Afgooye)

Abdiweli Ibraahim Aadan Garyare

Abdullahi Jama Ali

Daahir Abdulle Alasow.

Abdulaahi Mohamed Hussien Taajirow

Nuradin Moalim Mukhtaar

Bile Gurxan Ahmed

Axmed Shekh Cali kalaay

Cabdishakuur Cilmi Xasan

C/llaahi Xasan Geedi Januune

Nasrudiin Caydiid Salaad

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Garaad Salaad Xirsi

Cabdiraxmaan Macalin Xuseen

Ibraahim Geedoow Cawaale Biibo

Abdi Shakuur Elmi Hassan

Ali Muxyadiin Ali

Salah Hassan Omer (Salah Dheere)

Mohamed Osman Qadafi

Nur Ahmed Mohamed (Bicir)

Raage Cali dheere

Abdi rahmaan Guurre

Shaadiya Muhumud Abdi

Fardowsa Mohamed Abdulle

Shukri Moalim Abdi rahmaan (Shuute)

Farhiya Mohamed Mohamud (Sabaax)

Nasra Mohamud Elmi (Degan)

Ikraam Cali Kaar

Tahliil Colaad Xasan

Xasan Ciise Cali (Kuuriya)

Xasan Sheikh Cumar

Xasan Cabdi Fareey (Gentleman)

Axmed Xassan Cabdi

Aweys Xaaji Maxamed (Aweys Cadde)

Yaasiin Ciise Wardheere

Ubax Cabdi Cadood

Axmed Faarax Idaajaa

Cabdirisaaq Xaaji Catoosh

Cabdulqaadir Maxamed Mursal

Daa’ud Cabdi Daa’ud

Ubax Daahir Guure

Faarax Maxamed Lamaane

Cabdiraxmaan Cumar Cabdi (Soomaali)

Sucaad Mire Mohamed

Cabdullaahi Axmed Nuur

Ahmednuur Maxamed Faarax

Suheyba Maxamed Badqas

Mohamed Cibaar Diiriye

Cabdiqafaar Axmed Shire

Jaamac Ayaanle Fayte

Aweys Maxamed Nuur Foodey

Ayaanle Xuseen Cabdi

Liibaan Cabdi Warsame

Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani)

Mohamed Ibrahim Ayaanle

Cabdifataax Xassan

Maxamed Cismaan Xabiib

Maxamed Ibraahim Nuune

Aadan Maxamed Salaad (Aadan Kismaayo)

Cabdifitaax Maxamed Cilmi

Mahad Cumar Diiriye

Cabdicasiis Ibraahim Cali

Axmed Cabdiraxmaan Heybe (Gatuuso)

Amran Xasan Cabdullaahi

Cabdirisaaq Mire Dhoore

Cabdiraxmaan Xuseen Furre

Cabdiqani Xasanweli Qoorsheere

Maxamed Xasan Maxamed (Cirro)

Cabdikariin Xasan Guutaale

Cabdirashiid Cabdi Axmed

Maxamed Cusmaan (Newyork)

Axmed Xaaji Xasan

Cabdi Maxamed Cabdigaab

Cabdulqaadir Cilmi Ciise (Honest)

Axmed Cabdisamad Cigaal

Cumar Cabdi Xasan

Maxamed Yuusuf

Siciid Nadaara

Cabdisamd Cabdulqaadir Faarax

Cabdifitaax Ibraahim Cagayare

Faaduma Macallin Abuukar

Maxamed Xaashi Tawakal

Maxamed Axmed Ilkacase

Mahad Cumar Diiriye

Fu’aad Maxamed Cilmi Deeq

Ismaaciil Xaaji Shakeeti

Caluula Nuur Caluula

Jaamac Cabdullaahi (Ukun)

Cabdifitaax Ibraahim Cagayare

Cabdiraxmaan Shariif Maxamed (Taysiir)

Jamaal Ahmed Osman

Fawsiyo Cumar Barre

Ahmed Xassan Kheyre

Maxamed Jeeyte

Maxamed Cadow

Maxamed Xaaji Xasan

Axmed Bader

Kaafiya Maxamed Xasan

Liibaan Cabdi Warsame

Xasan Faarax Gudaal

Liibaan Cali Tuur

Maxamuud Nuur Idaajaa

Maxamed Jaamac Faarax

Maxamed Cibaar Diiriye

Maxamed Xuseen Cismaan

Maxamed Cabdi Salaad

Saalax Cusmaan Diiriye (Sonna)

Ibraahim Maxamuud Jaamac

Sacdiyo Maxamed Garabeey

C/fitaax Shiino

Maxamed Salaad Cabdulle

Cabdisamad Cabdulqaadir Faarax

Faadumo Maccalin Abuukar

Cali Muuse Cabdi

Maxamed Xasan Maxamed

Fartuun Ismaaciil

Mursal Quule

Najax Maxamed Cali

Waxayna dhamaantood Ilaahay uga baryayaan inay noqoto tii diinteeda, dadkeeda, dalkeeda, waaliidkeed iyo nafteedaba anfacda…Aamiin.

Sawirro iyo Warbixin: DF oo saxiixday heshiis milatari oo caalami ah

$
0
0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hishiis Dhanka Ciidanka Xooga kala saxiixatay Dowladda aan walaalaha nahay ee Sudan.

Hishiiskan oo ay kasoo shaqeyeen Wasiirada Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Sudan ayaa waxa Soomaaliya u saxiixay Ganaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ah Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida, Halka Dhanka Sudan uu u saxiixay Ganaraal Axmed Jumca oo isagana ah Gudoomiyaha Garsoorayaasha Ciidanka Qalabka sida ee Sudan.

Hishiiskan  oo ay Goobjoog ka ahaayeen Saxiixistiisa Wasiirada Gaashaandhia ee Soomaaliya iyo Sudan ee kala ah C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo C/raxiin Maxamed Xasan ayaa waxa qodobadiisa ka mid ahaa in Soomaaliya laga caawiyo Dib usoo noolayntii Ciidankoo Xooga Qaranka Soomaaliyeed iyo Tababaradooda oo ay Sudan gacan wayn ka gaysato Sidii loo Xaqiijin lahaa Ujeedkaas.

Hishiiskan oo Qodoba badan taabanaya ayaa inta badan lagu Hishiiyay in Sida ugu dhaqsiyaha badan loo howlgaliyo ee aan waqti badan qaadan ka shaqaynta hishiiskaas.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane C/Xakiin Maxamuud Fiqi oo Hishiiskaas marka la saxiixay kadib ka hadlayay Goob Casho sagootin ah uu Dhigiisa u sameeyay ayaa si Qiimo badan ugu mahadnaqay Dowladda Walaaha Nahay  ee Sudan oo habeen iyo Maalin Garab istaagta Soomaaliya.

Dhanka Kale Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Sudan ayaa isagana sheegay in Ay ka shaqaynayaan Hishiiskan hirgalintiisa Sudan iyo Soomaaliyana aysan u arag in ay yihiin Laba dowladood ama laba shacab bal ay yihiin Hal shacab oo walaalo ah.

Hishiiskaas oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxda Safaarada gaar ahaan Safiir Maxamed C/laahi ugaas ayaa lagu balamay in sida ugu dhaqsiyaha Badan hishiiskaas loo hirgaliyo.

Waa Markii ugu horaysay oo Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ay Hishiis nuucaan oo kale ah la saxiixato Dowladda Sudan tan iyo Markii ay burburtay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.

Daawo Sawirrada heshiiska

heshiis 1heshiis 2heshiis 3heshiis 4heshiis 5heshiis 6heshiis 7heshiis 8heshiis 9heshiis 10

Fidow Mahamud Fidow

Sudan – Khartoum

Gudoomiyihi J/Hoose: Axmed Madobe Taangi ayuu saaran yahay isagaana lagu doortay” (Dhageyso Wareysi)

$
0
0

Axmed Cabdi Sandheere oo ah gudoomiyihii hore ee gobolka Jubbada Hoose ee Dowladdii allaha u naxariistee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan khilaafka siyaasadeed ee ka aloolsan Kismaayo.

Wuxuu sheegay in waxba aysan soo kor dhin Maamulada is barbar ordaya ee looga dhawaaqay Kismaayo.

Axmed Sandheere ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu taangiga Dowladda Kenya ku joogo Kismaayo, islamarkaana maamulka uu ku dhawaaqay iyo Taangiga Kenya-ba aysan dhinac kaga bixi karin Kismaayo.

“Axmed Madobe Taangi ayuu saaran yahay isaga ayaana lagu doortay, waana nin is bed-baddel badan oo dhowr maamul ayuu la soo shaqeeyay” ayuu yiri.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysii uu Axmed Sandheere siiyay Idaacad ku taalla Muqdisho.

 Wareysiga Axmed Cabdi Sandheere


Dhageyso: SAMATAR vs BAADIYOW (Qabyaaladda & Siyaasadda Somalia)

$
0
0

Warbixin ay dhawaan soo saartay ha’yadda Freedom House oo xaruunteedu tahay dalka Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday in qabyaaladdu ay bedeshay dhibaatadii ay maamulada kali-taliska ah ku hayeen siyaasadda Africa.

Barnaamijka Faaqidadda ee idaacadda VOA ayaa waxaa lagu marti qaaday aqoonyahanno Soomaaliyeed oo si qota dheer uga doodaya saamaynta ay qabyaaladdu ku leedahay siyaasadda Soomaaliya.

Khubarada ka qayb galaysa doodad ayaa kala ah :-

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Bare ka ah kuliyadda Macalester College ee dalka Maraykanka, waxaana uu ka mid ahaa musharaxiintii u tartamaysay doorshadii madaxtinimada Soomaaliya ee u dambaysay.

Prof. Cabdiraxmaan Macalin Baadiyow oo isaguna ka mid ahaa musharaxiintii ka qayb galay tartanka madaxnimada ee Soomaaliya.

Mr Abuukar Carmaan oo ahaa ergaygii hore ee dawladda Soomaaliya u joogay Maraykanka.

Pro. Cali Cabdiraxmaan oo bare ka ahaa jaamacaddii umadda Soomaaliyeed

Barnaamijka oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Use Facebook to Comment on this Post

Kashifaad: Norway oo xeelad cusub la soo baxday, ayada oo boobka badda Soomaaliya ku caawineysa Kenya

$
0
0

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: “Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin…”

iyo Dawladda Soomaaliya oo aan weli hadalkaas ka jawaabin….

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway Heikki Eidsvoll Holmås oo ka jawaabayey qoraal ku soo baxay jariidadda Financial Times ayaa sheegay in isku dayga xasilinta iyo nabadda Soomaaliya danta ay Norway ka leedahay uusan ahayn arrin la xiriirta shirkadaha Batroolka baara.

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway ayaa ka hor yimid fikradaha lagu tibaaxay qoraalkii May 13, 2013 ku soo baxay Financial Times ee cinwaankiisu ahaa (Somalia: Oil thrown on the fire — Energy companies scrambling for reserves risk opening up dangerous faultlines), waxana uu ugu jawaabay qoraal uu cinwaan uga dhigay (Somali stability motivates Norway) oo uu qoray May 21, 2013.

Waxana wasiirku qoraalkiisa ku sheegay in caawinaada Norway ay ku salaysan tahay in ay Soomaaliya iyo dalalka kale ka caawiso sidii ay Qaramada Midoobay ugu gudbisan lahaayeen cadaymaha la xiriira cabirka Qalfoofka Qaaradda wixii ka durugsan 200 nautical miles oo ay sida caadiga u leeyihiin.

Norway waxay Dawladdii Kumeel gaarka ahayd ka caawisay gudbintii ay 2009 akhbaarta hordhac ah u gudbisay Guddiga Caalamiga ah ee Xadaynta Qalfoofka Qaaradda ee xaruntoodu tahay New York.

“Soomaaliya waxay si waadix ah u tiri…”

Mr. Heikki E. Holmås waxa uu intaas sii raaciyey “Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay, ayadoo warka sii marinaysa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, in xuduudka qalfoofka qaaradda ee ay la wadaagto Kenya in aan la isla meel dhigin oo weli la sugayo ama la hakiyey.”

“Arrinta loogu yeeray saddex xagalka loo saxiixay Kenya ee ku qoran wargeyska waa mid aan jirin,” ayuu yiri Mr. Holmås.

Waxa kale oo wasiirka reer Norway adeegsanayaa hadallo u dhigma kuwii muranka lagu geliyey badda Soomaaliya, sida “Soomaaliya iyo Kenya waxay si wada jir uga yeesheen Is-faham”, iyo erayo kale oo ku qornaa is-fahamkii, asagoo aan marna xusayn in is-fahamkaas ay baarlamaankii Soomaaliya ka dhigeen waxba kama jiraan. (Laakiin qoraalka wargeyka ee wasiirka ka xanaajiyey ayaa xusay in muran gelinta saddex-galka isfahamkii lagu galay uu baarlamaanka Soomaaliya ka dhigay waxba kama jiraan…. akhri hoos).

Halkaas haddii aan kaga gudubno jawaabtii wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, aan eegno waxa ku qornaa qoralka uu ka jawaabay.

Qoraalka uu jawaabay Wasiirku

Qoraalka ku soo baxay Jariidadda Financial Times (FT.com) ee wasiirku Norway ka jawaabay ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira Shidaalka Soomaaliya, heshiisyadii ay Shiradahha batroolka baara la galeen Dawladii Soomaaliya ka hor 1991 iyo cidda xaqa u leh (ogolaanshada ama bixinta heshiisyada) shidaal baarista (ma waxaa leh Dawladda Federaalka mase Maamul Goboleed-yada, sida Galmudug, Somaliland, Puntland).

Waxaana warbixintu ku xeel dheeraatay shidaalka Soomaaliya ayadoo arrintaas wax ka weydiisay Wasiirka Wasaarada Kheyraadka Dalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo jariidada u sheegay “Madaxweynaha iyo anigu waxaan maalin kasta ka wada hadalnaa arrimaha la xiriira Shidaalka”.

“Marka caalamka la eego, is-afgaran waaga ka dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ee la xiriira xuduud badeedka ayaa abuuray arrin ay dublomaasiyiintu ku qeexeen “Saddex-xagalka jaah-wareerka,” kaas oo gaaraya baaxad dhan 120,000 square kilometres. Ciidanka Kenya waxay hadda difaacayaan dekedda Kismaayo ayagoo ka qaran ahaan taageeraya Dawladda Somaaliya. Laakiin saraakiil Soomaaliyeed ayaa ka walaacsan in Kenya ay danaynayso in ay xaqiijiso Shidaalka,” ayey qortay jariidadda FT.

Waxaana warbixintu intaas raacisay in carqalaha ka jira Soomaaliya ay yihiin kuwo la xiriira Shidaalka.

Norway Waxay danaynaysaa Batroolka

Qoraalka Financial Times waxa sheegay in ay jiraan dalal arrimo iyo dano gaar ah ka leh Soomaaliya, arrimaahaas oo la xiriira Shidaalka. Waxaana jariidaddu soo xigatay lataliye Soomaali ah oo farta ku fiiqay Norway in danteedu tahay mid ku saabsan Shidaalka (“Of course it’s all about oil”).

Warbixintu waxay si gaar ah u xustay waftigii Guddoomiyaha Baarlamaanka ee bishii hore (April 2013) booqshada ku tegey Norway, waftigaas oo jariidadu sheegtay in ay Norway kala hadashay arrimaha la xiriira Khayraadka Dabiiciga ah iyo gaar aahan “Aaagga loogu yeero Saddex-xagalka badda ay ku muransan yihiin Kenya iyo Soomaaliya,” waa sida jariidadu warka u qortay’e.

Waxaana warbixintu intaas raacisay in baarlamaankii hore ee Soomaaliya uu waxba kama jiraan ka dhigay is-fahamkii 2009 ee la doonayey in Kenya loogu saxiixo saddex-xagalka. Taasi waxay kor u sii qaaday arrinta Jubbaland, halkaas oo ay hadda Kenya gacanta ku hayso aagga muranka la geliyey. Waxaana dublomaasiyiin sheegeen in Ciidamada Kenya ee waardiyaha ka haya Dekeda Kismaayo ay danaynayaan in ay saamayn ku yeeshaan halkaas, arrintaas oo aysan raali ka ahayn dawladda cusub ee Muqdisho.

“The president and I have discussions every day about oil,” says Abdirizak Omar Mohamed, minister for natural resources…  FT.com, May 13, 2013
Somalis are quick to identify a new set of self-interested motives. “Of course it’s all about oil,” says one senior Somali adviser about Norway’s growing interest in his country.
Oslo lobbied hard for a Norwegian to become UN envoy to Somalia. That job instead went this month to a diplomat from the UK, which last week hosted an important conference on Somalia.
In the cold war, the Soviet Union and the US competed for influence in Somalia. But the competing forces are now eminently more complex.

Arrinta ka dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya muhiimad weyn ayey u leedahay danta shirkadaha shidaalka ee reer galbeedka. Waxaana Soomaaliya ay digniin u dirtay shirkadaha Statoil, Total iyo Eni in aysan aqbalin heshiis shidaal baaris oo ay Kenya kula galaan aagga lagu muransan yahay ee saddex-xagalka, ayey qortay FT.

Dalka Qatar waxa uu maal gashadaa shirkadda Shell

Jariidadda Financial Times oo qoraalkeeda sii wadataya ayaa tibaaxday in Oslo (Norway) ay si aad ah ugu ololaysay in Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya laga dhigo Norwegian. Laakiin taas waxaa laga dhigay dublomaasi u dhashay UK, dalkaas oo bishan horaanteedii (May 2013) lagu qabtay shirkii Soomaaliya.

Ka qaybgalayaashii Shirkii London waxay muujisay danaha kala duwan ee laga leeyahay Soomaaliya. Tusaale ahaan dalka Qatar waxa uu maal gashadaa shirkadda Shell ee shidaal baarista. Halka Dalka Turkiga safaarad laga siiyey aagga garoonka diyaaradaha.

Waxaana warbixintu qormadeeda kusoo gabagaabysay hadalkan “Xilligii Dagaalkii Qaboobaa waxaa Soomaaliya u kala tartami jirey Midawgii Soofiyeerka (Ruushka) iyo Maraykanka si ay saamayn ugu yeeshaan Soomaaliya. Laakiin hadda quwadaha ku tartamayaa waxay u soo shaac baxayaan kuwo cakiran.”

Oraahda “muran gelinta badda”

Halkaas haddaan kaga gudubno qoraalkii jaridadda Fianacial Times, oo dhuuxno erayada ku qornaa waxaa kuu soo ifbaxaya sida loogu celcelinayo “Aaagga saddex-xagalka ee lagu muran sayahay.” Oraahdaas “muran gelinta badda Soomaaliya” waa middii ay doonaysay Kenya iyo xulafadeeda oo garabsanayey dawaddii KMG ahayd in ay taariikhda ku qoraan in uu jiro muran badeed ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Marka aad eegtid taariikhda ku arki meysid muran in uu ka jirey badda Soomaaliya wixii ka horeeyey heshiiskii Is-fahamka ee Kenya iyo DFKMG ee Norway dabada ka riixeysey.

Arrinta muranka la gelinayaa waa cabbirka dhul-badeedka Soomaaliya, kaas oo ah 200 nautical miles oo ah Territorial Waters.

Buugga World Factbook iyo Badda Soomaaliya

Tusaale in dhul-badeedka Soomaaliya yahay 200 mayl-badeed oo ah TERRITORIAL WATERS waxaa u soo qaadayanyaa sida uu qeexayo buugga World Factbook.

Buugga loo yaqaan World Factbook oo ay sannad kasta Internetka ku faafiyo Maraykanka, ayaa waxaa lagu diiwaan geliyaa, laguna kaydiyaa dhacdooyinka taariikhda gala ee soo mara adduunka. Sidoo kale waxaa buuggaas lagu kaydiyaa dalalka adduunka, gaar ahaan juquraafiga dalkasta leeyahay, sida cabbirka badaha inta dal kasta sheegto ama una diiwaan gashan.

Shaashadda hoose oo ah (Sceenshot, aan ka qaadnay websiteka World factbook, May 23, 2013) waxa ku cad: Somalia Territorial Sea: 200 nm. (Dhul-badeedka Soomaaliay Territorial waters waa 200 nautical miles.)

Dulucda hadalka

Haddaba, hadalka wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway waxa nuxurkiisu isugu soo biyo shibanayaa erayada la xiriira heshiiskii Is-fahamka ee Kenya iyo Soomaaliya.

Xusuuso erayadan wasiirka Norway “Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay, ayadoo warka sii marinaysa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, in xuduudka qalfoofka qaaradda ee ay la wadaagto Kenya in aan la isla meel dhigin oo weli la sugayo ama la hakiyey.”

Dawladda Federaalka Soomaaliya arrintaas weli jawaab kama bixin.

Haddii aan hadalkaas jawaab laga bixin, waxaa xigi kara in la yiraahdo Soomaaliya iyo Kenya ha la idiin gar naqo maadaama “muran idinka dhaxeeyo.” Murankaas oo ah mid la macmalay markiisii hore.


Heikki Holmås oo su’aalo weydiinaya madaxweynaha DFS Shiikh Xasan

Maalmihii la doortay madaxweynaha DFS, intii uusan magacaabin ra’iisul wasaaraha ka hor, ayuu khadka telefoonka September 22, 2012 kula hadlay kulan jaaliyadda Soomaalida deggan Norway oo uu goob joog ka ahaa Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, waxaana wasiirku madaxweynaha ku yiri “Waxaan casumayaa adiga iyo Jawaari markasta oo aad waqti heshaan, waadna ogtahay ayaan filayaa in “connection” xiriir adag ku leenahay dawladda Soomaaliya hadda (there is strong connection now with authoriy in Somalia, you know!).

Markaas ayaa madaxweynaha DFS oo qoslaya waxa uu ku jawaabay “Mahadsanid wasiir, waxaad hadda i xasuusisay in dawladdayada halkan uu ku jiro hoggaamiye Norwegian ah, taas oo arrin weyn ah, prof. Jawari waa saaxiibkayga weyn oo qadiimi isla nahay, jaal wanaagsan ayaan hadda nahay, waxaana rajaynaynaa in qofka saddexaad oo ra’iisul wasaare ah uu dhawaan nagu soo biiro, kaas oo asagana aan nahay saaxiib aad u wanaagsan.”

Markaas ayaa wasiirka Norway waxa uu weydiiyey “miyaad magacawday ra’iisul wasaare adigu .” Waxaana madaxweynaha DFS ku jawaabey “Maya weli, dhawaan ayaa la magacaabi doonaa.”

Sida la ogyahay waxaa 6-13 April 2013 Norway booqasho ku tegey Jawaari (Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37.)

File: sawirka sare waa: C/weli Gaas oo 25kii September 2012 New York kula kulmay Mr. Heikki Holmas, waxaana Gaas oo markaas ahaa ra’iisul wasaarahii DFKM “uu ka codsaday Norway inay dib u dhiska dalka iyo sidii hay’adaha Dowladda loo dhisi lahaa ay ka qeybqaataan, isagoo xusay in saacidaada toos loo siiyo NGO-yada ay keeneyso inay wiiqdo awoodda dowladda. Wasiirka Arrimaha Dibedda Norway ayaa ku raacay Ra’iisul Wasaaraha sheegeyna inuu la xiriirayo waddamada kale sida kuwa Yurub sidii dowladda toos loogu saacidi lahaa si loo dhiso hay’adaha Dowliga ah.” Sidaas waxaa qoray warsaxaafadeed maalintaas ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG.(Sawirka midig: waa Dec 20, 2012 oo Mr. Heikki Holmas booqday Muqdisho, lana kulmay madaxweyanaha DFS iyo guddoomiyaha baarlamaanka)

Google search images

LIFAAQ:

Shirka Shidaal Sahaminta Soomaaliya oo lagu qabanayo Nairobi

Shir looga hadlayo sahaminta Shidaalka (Batroolka iyo gaaska) Soomaaliya ayaa 17-ka June 2013 waxaa lagu qabanayaa magaalada Nairobi, sida ay qortay JariidaddaDaily Nation caddadkeedii May 19, 2013. Waxaana shirkaas furi doona Mahboub Maalim oo ka tirsan IGAD, waxana shirkan xigi doona shir kale ee East African Petroleum oo la qabanayo June 18 ilaa 20keeda (2013).

Faafin: SomaliTalk.com |  May 23, 2013 | Updated: May 24, 2013

Use Facebook to Comment on this Post

Qarax fashilmay oo xiriirka Iran iyo Kenya ka dhigay mid sii liidanaya

$
0
0

Tan iyo markii ay maxkamad Keenyaan ah ay ku xukuntay labo Iiraaniyiin ah xabsi daa’in arrimo la xiriira argaggixisanimo awgood bilowgii bishan, ayaa mustaqbalka xiriirka diblumaasiyadeed ee Nairobi ay la leedahay Tehran calaamad su’aal la saaray, iyadoo la filayo in uu dib u dhigo rajada ay Iran ka qabto inay ganacsigeeda iyo joogitaankeeda siyaasadeed ku sii fidiso Kenya sanadaha soo socda.

Dhibaatada diblumaasiyadeed ayaa ka dhalatay weerarro fashilmay oo argaggixisanimo oo sida maxkamaddu ay xukuntay ay soo qorsheeyeenAhmed Mohammed, oo 50 jir ah, iyo Sayed Mansour, oo 51 jir ah, oo labadaba ah muwaaddiniin Iiraaniyiin ah. Labada nin ayaa Juunyadii hore lagu xiray dibadda Laico Regency, oo ah hotel heer sare ah oo ku yaala Nairobi, oo ay Liibiya leedahay, ka dib siddeed maalmood oo daba gal dheer ay ku sameeyeen Unugta Bilayska ee Kahortagga Argaggixisada ee Kenya.

2-badii Maajo, ayaa lagu helay in ay haysteen 15 kiilo oo walxaha sida weyn u qarxa ah ee RDX, taas oo ay bilaysku ka heleen meel lagu cayaaro goolafka. Maxkamadda Nairobi ayaa sheegtay in Mohammed iyo Mansour looga shakiyay xiriir in ay la leeyihiin shabakad argaggixiso oo qaraxyo ka qorshaynaysay Mombasa iyo Nairobi. Labada ninba si joogto ah ayay u dafireen dacwadaha.

Haseyeeshee bilayska Kenya ayaa ku adkaystay go’aankooda ah in ay xiraan ayna soo dacwad joojiyaan labada Iiraaniyiinta ah.

Afhayeenka bilayska Charles Owino ayaa sheegay in bilayska aanay masabidan nimanka, amaba aysan ku xirin tix raac ay ka heleen dowlado ajaanib ah markii xabsiga la gaynayay.

“Bilayska Kenya ayaa baaritaan dheer ku sameeyay labada nin, iyagoo kahor tagay jarriimo argaggixisanimo oo weyn oo ka dhici laheyd dalka,” ayuu yiri Owino. “Waxaan ku faraxsanahay in aan feejigneyn, iyo in aan si guul leh ku maxkamadaynay dacwadan.”

Markii Mohammed iyo Mansour lagu xukumay xabsi daa’in 6-dii Maajo, ayay warbaahinta maxalliga ah iyo tan caalamiga ahba wariyeen in labada Iiraaniyiinta ah ay ka mid ahaayeen Ciidamada sare ee Quds, oo ah unug ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran oo dibadda ka howlgala.

Danjiraha Iran u fadhiya Kenya Malik Hussein Givzad ayaa eedeymahaas dafiray, isagoo sheegay in labada nin ee isaga la dalka ah ay Kenya dalxiisayaal ku ahaayeen iyagoo watay fiisayaal sharciyeeysan.

Sayed Mansour (dhexda) iyo Ahmad Mohammed (midigta), oo labadaba ah Iraaniyiin ayaa la jeebadeeyay daqiiqado ka dib markii Maajo 6-deedii xabsi daa'in loogu xukumay iyagoo jooga Nairobi dacwado la xiriira argaggixisanimo, oo ay ka mid yihiin haysasho walxaha qarxa oo sida lagu eedeeyay ay u adeegsan lahaayeen weerarro qaraxyo ah. [Simon Maina/AFP]

Sayed Mansour (dhexda) iyo Ahmad Mohammed (midigta), oo labadaba ah Iraaniyiin ayaa la jeebadeeyay daqiiqado ka dib markii Maajo 6-deedii xabsi daa’in loogu xukumay iyagoo jooga Nairobi dacwado la xiriira argaggixisanimo, oo ay ka mid yihiin haysasho walxaha qarxa oo sida lagu eedeeyay ay u adeegsan lahaayeen weerarro qaraxyo ah. [Simon Maina/AFP]

Maalintii uu xukunku dhacayay ayuu Givzad u sheegay Daily Nation in Iran ay xiriir ganacsi la leedahay Kenya, xukunka Mohammed iyo Mansour-na uusan horseedi doonin in xiriirka diblumaasiyadeed la jaro.

“Kani waxa uu ahaa hannaan garsoor, oo aan tixgalin u hayno,” ayuu yiri Givzad, isagoo intaa ku daray in Iran ay gacan ka gaysan doonto in labada nin ay racfaan ka qaataan xukunka.

‘Kenya waa in ay jawaabo heshaa’

Qof waliba sidaas oo kale rajo ugama qabo mustaqbalka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Kenya iyo Iran.

“Xukuumadda Uhuru Kenyatta waa in ay geesinimo muujiso oo ay jarto xiriirkan diblomaasiyadeed oo khatarta ah ee ay la leedahay Tehran haddii ay hayso caddeyn sirdoon oo ku filan oo sheegaysa in tuhmanayaasha la xiray ay rasmi ahaan ahaayeen shaqaalo qarsoon oo u shaqeeya Ilaalada Jamhuuriyadda Iran, sida ay ku eedeynayaan Bilayska Kahortagga Argaggixisada iyo Sirdoonka Qaranka,” ayuu yiri Ignacious Kamau Njoroge, oo ah 67 jir ka howlgabay sirdoonka Kenya, haddana ah agaasimaha Isha Jaasuusiinta Caalamka iyo Baarista Guud ee saldhigeedu Nairobi yahay.

Njoroge ayaa sheegay in Kenya ay tahay in ay dib ugu yeerto danjiraheeda u jooga Iran, ayna xukuumadda Iran iyo Qaramada Midoobayba u dirto warqad ay kaga cabanayso heerka ay eedeyntu gaarsiisantahay iyo qasaaraha la filan karay haddii ay qaraxyadu dhici lahaayeen.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya waa in ay ka laabataa taxadarkeeda xilligaan iyo ‘hawlo sida caadada ah’, ay si deg deg ah ugu yeerto danjiraha Iran u fadhiya Kenya, ayna weydiiso in uu sharraxaad ka bixiyo waxa uu ka ogyahay labada nin ee la xukumay halka uu danjiruhu war aan lagu qancin bixin lahaa, uuna shir saxaafadeed ka sheegi lahaa inaysan dambi lahayn,” ayuu yiri Njoroge.

“Sidoo kale, maadaama ay Iiraaniyiinta la xukumay u diideen in ay la shaqeeyaan xeer ilaaliyayaasha Kenyaanka ah iyo dacwad soo oogoyaasha sida ay xeer ilaaliyayaashu ka sheegeen maxkamadda, Kenya waa in ay Iran Jawaabo ka heshaa, haddii kale waxaan u qaadan doonnaa in labadaan nin ay dhaar dastuuri ah ku mareen in ay aamusnaadaan si ay u qariyaan waxa ay yihiin una ilaaliyaan danaha dalkooda,” ayuu yiri Njoroge.

Xukuumadda Kenya waa in ay sidoo kale eegtaa sida 15 kiilo oo walxaha qarxa ah ee soo galay dalka aan loo ogaan, ayuu yiri Njoroge.

“Xukuumaddu waa in ay si weyn u baarto si ay xukuumadda Iran uga ogaato sida labadeeda muwaaddin ay ku heleen qalabka qaraxa sameeya, waxa ay dhab ahaan shaqadoodu tahay, iyo meelaha ay beegsanayeen,” ayuu yiri.

Kenya ma ahan garoonka ‘howlgallada aargoosiga ah ee Iran’

Robert Kamau, oo ah macallin xiriirka caalamiga ah iyo diblumaasiyadda ka dhiga Jaamacadda Nairobi, ayaa yiri Kenyatta waa in uu ka faa’idaysto fursaddaan inta ay beesha caalamku daawanayso.

“Madaxweyne Kenyatta, oo isaga isku dayaya in uu ku guulaysto naxariista beesha caalamka iyo isbahaysigooda ka dib eedeynta kaga timid Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC), waa in uu ka faa’idaystaa xilligan, uuna farriin adag ku diraa in Iran ay halis ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka iyo in Kenya aanay marnaba dhulkeeda ugu dul qaadan doonin tallaabooyinka caynkan ah,” ayuu sheegay. “Tani waa sababta [Kenya] ay ugu deeqday ciidamadeeda iyo khayraadkeeda si ay gudaha Soomaaliya ugula dagaallanto al-Shabaab.”

“Waxaan hubaa in joogitaanka Iran iyo howlaheeda Kenya ay ka baxsan yihiin dhaqaalaha, siyaasadda, iyo arrimaha bulshada iyo dhaqanka sharciga ah,” ayuu yiri Kamau. “Waxaa hubaal ah in Iran iyo shaqaalaheeda sirdoonka ay ku mashquulsanyihiin argaggixisanimo sir ah iyo dabamaro, sida muuqata si ay uga aarsato xukuumadaha Israel iyo Mareykanka, oo ah labada dal ee ay necebtahay.”

“Hase yeeshee, Kenya, dal nabad jecel ahaan, waa in ay kahortagtaa in ay noqoto garoonka howlgallada aargoosiga Iran ee dibadda,” ayuu yiri.

Njoroge ayaa sheegay in xog ururin sax ah ay kashifi doonto in weerarka Kenya lala damacsanaa uu la jaan qaadayo hannaanka argaggixisanimo ee Iran. Febraayo 13-keedii 2012-kii, qarxiyayaal Iiraaniyiin ah ayaa shaqsiyaad ka tirsan safaaradaha Israel ku weeraray India iyo Georgia, maalin kadibna waxay qorsheeyeen in weerarro caynkaas ah ay ku qaadaan Thailand iyo Azerbaijan balse waa la fashiliyay. Iyadoo qeyb ka ah halbeegga hannaankeeda shaqo, ayay xukuumaddu sidoo kale dafirtay mas’uuliyadda weeraradaas, ayuu yiri Njoroge.

Simiyu Werunga, oo ah sarkaal ka howlgabay militariga Kenya, haddana ah agaasimaha fulinta Xarunta Cilmibaarista Ammaanka iyo Istiraatijiyadda ee Afrika, ayaa sheegay in uusan jirin qof filanaya in xukuumadda Iran ay qirato in ay shakhsiyaad wax qarxiya Kenya u soo dirtay.

“[Unugta] Adeegga Bilayska Kenya iyo hay’adda jaajuusiinta qaranka, Adeegga Sirdoonka Qaranka, waa in ay madaxweynaha sida ay tahay uga warbixiyaan faahfaahinta waxa ay ka ogaadeen kiiskan si madaxweynuhu uu awood ugu yeesho in uu amro tallaabo adag ee diblumaasiyadeed oo ku salaysan sirdoon cad,” ayuu Werunga sheegay.

Use Facebook to Comment on this Post

Maamulka degmada Balcad oo lagu teegeeray Sweden. “Sawiro”

$
0
0

Caasimada Online: Kulan balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Katrinholm ee Wadanka Sweden oo ay ka soo qeyb galeyn dadweynaha Wada Dega Degmada Balcad Iyo Deegaanada ku dhow dhow ee Gobolka Shabelada Dhexe ayagoo ka kala yimid Wadamada la isku yiraahdo Eskandaneviyaanka kaas oo ujeedkiisa ahaa in lagu Taageero Maamulka Degmada Balcad ee uu Gudoomiye u yahay Mudane Osmaan Mahamed Xaadoole.

Marti kala duwan ee ka soo qeyb galay Kulankaasi ayaa dhamaantood qudbadahooda ku muujiyay in Shacabka Dega Degmada Balcad in ay mudan yihiin in la siiyo Bilad Dahab ah taas oo ay ku muteesteyn Badbaadinta Hantida Qaranka Soomaaliyeed ee Warshadii Dharka ee ku taalay Degmadaasi taas oo ah Hanti Dowladeed oo badbaaday burburkii Dalka ka dhacay 23-kii sano ee la so dhaafay.

Ujeedadii ugu weyneyd Kulankani ayaa ahaa in Amaan loo jeediyo Shacabka Degmada Balcad iyo Maamulka Degmaaasi haatan ka arimiya ee uu Gudoomiyaha u yahay Mudane Xaadoole Amaanka iyo Wada Shaqeynta ay sameeyeyn ayagoo mudan in lagaga daydo dhanka dib u soo celinta Nidaamka Dowladnimo ee ay muujiyen Maamulka Degmada Balcad & Shacabkiisa.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Balcad Mudane Osmaan Mohamed Xaadoole ayaa dhanka Telefonka kala hadlay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee isugu yimid Kulankaasi oo deegaan ahaan ka soo jeeda Degmada Balcad & Tuulooyinka ku dhow dhow asagoo ka gudoomay Taageerada waxuuna si kooban uga warbixiyay howla maamulkiisa Iyo sida loogu baahan yahay Qurba Joogta in ay kaga qeyb qaatan kaalintooda maqan ee ah in Shacabka laga taageero dhanka Waxbarashada & Caafimaadka waxuuna uga mahadceliyay kulankooda ay isugu imaadeyn Iyo Taageerada ay u muujiyeeyn Amaanka & Maamulka Wanaagsan ee ka jira Degmada Balcad ee Gobolka Shabelada Dhexe.

Isku soo wada duub dhamaan Qeybaha kala duwan ee kulankani ka soo qeyb galay hadii ay ahaan lahaayeen Walaalaha Wada dega Degmada Balcad & Deegaanada ku dhow dhow waxaay ayagoo isku duuban ku amaaneeyn Shacabka Reer Balcad in ay noqdeyn Shacabka kaliyah ee badbaadiyay Hantida Qaranka Soomaaliyeed waxeeyna sidoo kale amaan u jeediyeyn Maamulka haatan ka jira Degmada Balcad ee Gobolka Shabelada Dhexe.

SAM_2357SAM_2347SAM_2371SAM_2346SAM_2402SAM_2355SAM_2405SAM_2339

SAM_2410SAM_2413

SAM_2384SAM_2385SAM_2387SAM_2378SAM_2334SAM_2338SAM_2349SAM_2379
SAM_2395SAM_2396SAM_2332SAM_2421

Use Facebook to Comment on this Post

Daawo: Fiska, Gaadaco, Bacado iyo Jihaan oo hees ku karbaashay S/land

$
0
0

Fanaaniin Soomaaliyeed oo caan ah ayaa soo qaaday hees lagu weeraray waxna logu sheegay maamulka Somaliland ee waqooyiga Somalia.

Heestan oo hal ku dhiggeedu yahay “Somaliland waa maxay sidan” ayaa waxaa kuu luuqeenaya koox fanaaniin ah oo ay ka mid yihiin:- Farxiya Fiska, Kaltuun Bacado, Cabdi Khaaliq, Jihaan Jalaqsan, Gaadaco iyo Faysal Yusuf.

Halkan Hoose ka daawo heestan xiisaha iyo macnaha weyn xambaarsan.

Use Facebook to Comment on this Post

Viewing all 817 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>