Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all 817 articles
Browse latest View live

Daawo: Yusuf Garad oo Faroole ku yiri “Ninki (Xasan) kugu soo dhoweyay dal uusan lahayn, soo rag ka rooni maha”

$
0
0

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud iyo kan Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayaa shalay galab ku kulmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Nairobi.

Hase yeeshee kullanka waxaa ka weynaa oo yaab lahaa in madaxweyne Xasan Sheikh uu Faroole kusoo dhweeyay Nairobi, ayada oo soo dhoweyntaasna ay ka qeyb galeen siyaasiyiin kale oo fara badan.

Waxaa dadkaas ka mid ahaa Yuusuf Garaad Cumar oo su’aal culus ku riday Faroole, isaga oo yiri “Ninkii dal uusan lahayn kugu soo dhoweeyay, soo rag ka rooni maaha”.

Markaa kadib ayaa Faroole, isna runta sheegay oo uu ku jawaabay “Alleylahe waa rag ka rooni”.

Halkan ka daawo Video qosol badan.

Use Facebook to Comment on this Post


Sawir gacmeedka Amiin Caamir iyo sida loogu wada waashay Kismaayo

$
0
0

Waxaan horey ula yaabnay in marka aad gasho facebook uu qof kasta ku qortay inuu ku dhashay magaalada Muqdisho, danta uu doonaba ha ka lahaadee.

Hadda waxaa yaab kale noqday in dadkii oo idil ay ku wada waasheen Kismaayo, sida in magaaladaas ay tahay tan kaliya oo ay nolol taallo. Intii qof kasta uu ka fakari lahaa oo uu dhisan lahaa deegaankiisa waxaa loo wada hanqal taagayaa Kismaayo.

Amiin Caamir oo ah farshaxamiiste Soomaaliyeed, ayaa sawir qosol badan ka sameeyay sida dadku ugu wada waasheen Kismaayo, oo uu qof kastaa u sheeganayo magaaladaas.

Arag sawirka Amin Arts

amin iyo kismaayo

 

Use Facebook to Comment on this Post

DAAWO VIDEO: Ma rumeysaneysaa in ay Muqdisho iminka sidan tahay?

$
0
0

Caasimada Online: Muuqaalka Maanta waa mid qeyb ka ah Muuqaaladeeynii dhanka tabinta Nabadda & Horumarka kaas oo ah Muuqaal lagu farxo waana isbadalka Cusub ee Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Hadaba Muuqaalkani waa mid wax weyn ka badalay Magaalada Muqdisho waxaa isku mid ah Maalin Iyo Habeen Magaalada waa wada kanacsi iyo mid caadi ah oo dadweynaha ay waqtigeey doonaan socdaan.

HALKAAN RIIX OO DAAWO:

Use Facebook to Comment on this Post

OGAYSIIS : SHOWGA CUMAR SHOOLI & CAPE TOWN *Xasuusta Hobaladii Waaberi*

$
0
0

Shooli+Indho+QorsheCaasimadda Online : OGAYSIIS : SHOWGA CUMAR SHOOLI & CAPE TOWN.

*Xasuusta Hobaladii Waaberi & Habeenkii Cape Town*

Bal dib u Milicsada Dadweynoow, Wacdarihii Faneed Ee Golaha Murtida & Madadaalada ee National Theatre & Heesihii Beri-samaadkii – Yaa Salaaaaaam !

Fanaaniin iskuma Jiraane, Maddaalihii Hobalada Waaberi, Haddii aad Maqashay Mise Maankaagu Ka Guuxay in badan, Cumar Cabdulle Shooli, Maanta ayuu Heegan kuugu yahay Cape Town (Halkan Waxaad u Timaadeen oo aan Hagar laheyn baad Caawa naga Helaysaan)

Heeso Halaasi ah, (Ladnaan Ku Waaraay, Labadii Is Jecelee, Liibaantay ahaada) & Heeso kaloo Cajiib ah, Cod aan Duugoobin & Muusig Dananaya, Hobal Caan ahoo Halhays Wadaniyadeed & Heekal Faneedba leh, Habeenkaas ayaad Haakah Ka Oran Doontaane,

Hadaba aan Kuu Tilmaamee Hoolka Bandhigga uu ka dhici doono waa : Bellville Market Hall, oo ku yaala isla Xaafadda Bellville, 4 June 2013, Habeenka Arbacada ay soo galayso.
Bandhigga ayaa Bilaaban doona : 7:00pm ilaa Xilliyada Dambe ee Habeenkii

Hadaba ha moogaanina oo yaanu ku seegin *SHOWGA CUMAR SHOOLI & CAPE TOWN* Qiimahana Waa mid ku raali geliya Waa R100 oo kaliya ee jeebka kusoo qaaday WAA BOQOL RAND OO KALIYA.

Caasimadda Online : Isha Wararka Sugan

Use Facebook to Comment on this Post

Soomaalida dagan islii oo soo dhawaysay Xarun Cusub ee Fern Checking oo laga furay Hotel Shariifka, Islii + Sawirro

$
0
0

Soomaalida dagan islii ayaa soo dhawaysay Xarun Cusub ee Fern Checking oo laga furay Hotel Shariifka islii, gaar ahaan Jum Street.

.

Xaflad si wayn loo soo Agaasimay ayaa ka dhacay xaafada islii gaar ahaan Hotel shariifka oo ku yaala xaafada Jum Street ee magalada Nairobi.

Xafladaan ayaa u jeedada loo qabtay waxay ahayd in lagu soo bandhigo Hotel shariif ama Hotel Golf Place Hotel oo lagu soo kordhiyay Xarun Cusub oo lagu sameeyo Fern Checking oo ah mid sanadihii la soo dhaafay caalamka ku soo kordhay, balse Noqonaya tii ugu horeysay ee laga furo xaafada islii.

Dadweyne aad u badan marti sharaf ayaa ka soo Qeybgashay Xafladaas, waxaana amaan loo soo Jeediyay maamulka Fern Checking oo sheegay in dhawaan ay Xarun Cusub ka Furi doonaan wadada 12-ka.

Waxaa halkaas ka hadlay C/naasir shariif  Haashim oo ah Madaxa Fern Checking ee magaalada Nairobi.

Haashim ayaa sheegay in ay magaalada ku Leeyihiin Xarumo badan balse ay ka fureen xaafada islii, Fern Checking oo uu sheegay in ay xarumo kale ka Furin Doonaan.

“ Walaal waxaan Xarumo ku leenahay meelo kale oo aan ka samaynay Fern Checking, waxaa laga keenay  ama laga isticmaalaa  caalamka sida UAE,  Malesiya, Baxrayn Singabur, Kenya iyo meelo kale, Kenya waxaan ka furaynaa Xaruntii Sadaxaad Hotel shariifka, waxaan kale oo aan ku leenahay Weslan, iyo meelo kale magaalada”ayuu yiri C/naasir shariif  Haashim oo ah Madaxa Fern Checking ee magaalada Nairobi.

“ Waan Ognahay in aysan ku Filnayn Meeshaan oo kaliya dadka Dagan islii, balse waxaan rabnaa in aan ka furno wadada 12-ka  xarun kale oo Nuucaan oo kale ah”ayuu markale Yiri C/naasir shariif  Haashim oo ah Madaxa Fern Checking ee magaalada Nairobi.

Sidoo kale waxa uu sheegay C/naasir shariif  Haashim oo ah Madaxa Fern Checking ee magaalada Nairobi in ay Qiimo dhimis ku sameeyeen Qiimaha Fern Checking, balse marka la gaaro iidaha iyo xafladaha ay dhimi Doonaan si ay u Qanciyaan Macaamiishooda.

Xaruntan Cusub ee Fern Checking ayaa waxay tahay xarun Cusub ee ugu horeysay ee laga Furo islii, taasi oo dadka soo jiidatay, waxaana xalay la arkayay Hotel shariifka oo dadka isku dilayaan, kuwaas oo feel ugu jira in ay Ciinaan ama Take away ku soo qaataan Fern Checking.

Waxaa ka mid ah Erayada ay ku dhawaaqayeen macaamiisha  iyo lamaanaha soo doontay  Fern Checking waxaana Dilay in aan Matato u Raacno KFCC tagno laba saac aan u sii socono, anaga oo aan fresh ahayn ka soo laabano, waxaana Leenahay maamulka Fern Checking noo Badiya Xarumaha Fern Checking, Naguma filno meshaan oo kaliya ayaa ahayd dadka waxay ka Codsanayeen maamulaha Fern Checking.

Isku soo Duuboo Feelka iyo jumka laga Dareemayay xalay Hotel shariifka ayaa imaanaya Xili saacado uun laga Furay xarunta Cusub ee Fern Checking.

Kala Xiriir Hadii aad Joogto islii ama aad ka imaanayso caalamka Fern Checking

Kala Xiriir Tell+254—-0700131131+254-0733700602

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Cabdixakiin441@hotmail.com

Tel-+254-711830393

Use Facebook to Comment on this Post

DHAGEYSO: Siyaasi reer Puntland ah oo kashifay shirqool loo maleegayo DF iyo sir la qariyey oo ah Jubbaland

$
0
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxaa ka socda shirqoolo cusub oo ka dhan ah xukuumadda Somalia ee Cabdi Faarax Shirdoon oo mar kale la doonayo in mooshin loo agaasimo, si loo rido.

Guddoomiyaha Ururada bulshada rayidka Puntland Daahir Cumar Siyaad, ayaa kashifay in qorshahaasi uu wado Faroole, islamarkaana uu lacag badan u ururinayo.

Daahir ayaa sheegay in Faroole uu la kulmay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Faarax Macallin iyo kuwa kale oo kasoo jeeda beesha Faroole, si loo hir geliyo shiqrooladan cusub.

Daahir Cumar, ayaa wareysi uu siiyey idaacad ku taalla Muqdisho, sidoo kale ku kashifay arrimo badan oo aysan dadka Somalia ka warheyn, sida wax badan oo quseeya sirta ku duugan Jubbaland, oo aynan horey u maqal.

Halkan ka dhageyso codka Daahir Cumar Siyaad

Codka Daahir Cumar Siyaad

Use Facebook to Comment on this Post

Video: New York: Wiil yar oo Somali ah oo naftiisa u huray walaashiis

$
0
0

Dalka Mareykanka ayaa laga xusayaa wiil yar oo Soomaali ah oo geeriyodoay isaga oo gudanaya fal geesinimo ah oo uu ku bad baadinayey walaashiis ka yar.

Arrinta ayaa ka dhacday Webiga Niaggara ee jasiiradda Squaw oo ka tirsan magaalada Buffalo ee gobolka New York.

Booliiska oo aan weli magaciisa sheegin wiilkan yar ee Soomaaliga ahaa, ayaa ku warramay inuu galay webiga si uu usoo bad baadiyo walaashiis oo ku dhacday. Wiilka ayaa ku guuleystay inuu bad baadiyo walaashiis, hase yeeshee isaga ayaa geeriyooday.

Waxaa sidoo kale iyana webiga gashay gabar kale oo la dhalatay balse bad baaday Wiilkan ayaa lagu qeexay Hero “Geesi” geeriyooday isaga oo fal wanaagsan ku guda jira. Warbixintan waxaa arrintan kaga hadlay TV ku yaalla Buffalo ee daawo

Use Facebook to Comment on this Post

Xaqiiq & Cadeyn: Taariikhda Jubaland iyo marin habaabinta SAHAL (Q2aad)

$
0
0

Qeybtii 2-aad

Haddii ay ku dhaaftay qeybtii koowaad Halkan dhag sii

Falanqaynta qoraalka Elliott Jubbaland

Qoraalka Elliott ee SAHAL ay buunbuuniso waxaa ka muuqato inuusan baaritaan badan ku sameynin dhulka iyo dadka daggan balse uu si weyn ugu tiirsanaa oo kaliya wixii u sheegayey turjubaankiisa oo sida muuqato ahaa mid kale oo un SAHAL waagaas joogay ahaa, hadallada Elliott qaarkood ayaan soo bandhigi doonaa oo qayb ka mid ah aad si aad ah ula yaabi doontaan, faallo yar ayaanna raacin doonaa inshaa Allaah. Aan bal fiirino Elliott hadalladiisa:

Of the Ogaden in Jubaland the Mohamed Zubeir are the most influential and numerous. They occupy the Afmadu district as far south as the Deshek Wama, and own immense quantities of cattle

The Aulihan tribe frequents the district to the west and south of Serenleh. They are rich in camels as well as cattle, and the Juba River is their main water-supply. 

Halkan qabaa’il Ogaadeen ah ayuu ku sheegayaa Rama-adi (aagga Badhaadhe) ilaa Lorian Swamps (Habaasweyne), Afmadow iyo Serenley (Baardheere ayey 6.5km woqooyi ka xigtay)

Faallo: Wax lala yaabo ma aha in Elliot qabaa’ilkaas Ogaaden 1913 uu ku sheego aagga Badhaadhe ilaa Habaasweyne, Afmadow iyo Serenley oo ah woqooyiga Baardheere, sababtoo ah ilaa iyo haddaba qabaa’ilkaas qaarkood waa laga helayaa meelahaas.

Qeybtan wuxuu ku sheegay in Harti 3000 tiradoodu gaareyso oo uu Majeerteen ugu badnaa, xoogaa Warsangeli ah iyo Dhulbahante ahna ay ku jireen ay Lo’ iyo ganacsiba ku haysteen xeebta ilaa Dhasheeg Waamo ilaa xitaa dhanka Bari!

Faallo: Hadalkaas wuxuu u eg yahay mid Elliott loo meeriyey sidii sheekadii naagtii caddaanka ahayd ee aan kor ku soo sheegay iyo Maxamed Abshir ayaa Soomaali Imaam u ah!, sababtoo ah dadka ilaa Hadda Hartiga lagu sheego waa Cowrmale iyo laf Gaaljecel ah oo la yiraahdo Axmed Aadan, waxaa arrintaas kuu caddeynaya labadan arrimood: Haddadaas ayey SAHAL iyo wixii ku fikir ah anagoo ay indhaheenna shanta yihiin noo sheegayaan inay qabaa’ilkaasi Harti yihiin (taasoo asalkii ku timid in Ingiriisku uu ku soo rogay dadka reer baadiyaha qofkii xoolo Kismaayo keensada in la helo qof ka damiin ah haddii kale uusan xoolo iska iibin karin si uu Ingiriisku u yareeyo kala dhaca xoolaha, ninka damiinka ah Rubbiyad -lacagta Hindiya oo markaas Kismayo ka socotay- ayey reer baadiyuhu siin jireen, marka oday Harti ahaa oo magaalada dagganaa ayaa sidaas ku shaqaysan jiray, qof walbow baar arrintaas), tan labaad haddii uu harti 3000 le’eg dhulka dagganaa waagaas aaway tuulooyinkoodi, illeyn gobollada ay caadiga u daggan yihiinba (sida Bari, Nugaal iyo Sool) waa kuwaas ku leh tuulooyinkee, Jubbooyinka ma masaafur ayey ku ahaayeen? Xaggeyse u qaxeen, maxaase kaligood helay? Ma ku dhacay warkaas?

Hawiyaha Jubbooyinka muxuu ka sheegay Elliott

Bal u fiirso hadalka soo socda ee Elliott “Dir iyo Hawiye waxay ku badan yihiin dhulka uu Talyaanigu ka taliyo wayna ku YAR YIHIIN (goormuu tiro koobay) Jubbaland!, inkastoo (Hawiye iyo Dir) lagu sheego inay Soomali yihiin, haddana waa dadkii asalka u lahaan jiray xeebta Banaadir, SOMALIDANA KU QABIIL MA AHA (yacni Dir iyo Hawiye) weyna YAR TAHAY in ay ISGUURSADAAN (iyaga iyo Soomaalida)!” “Dhamaan Somalida Bariga Africa joogta waa LABO REER OO KALIYA, oo ah DAAROOD IYO ISAAQ, Kan hore (waa Daaroodke’e) un bay dad ka joogaan Jubbaland!”

Faallo: Bal been abuurkaas taariikheed eeg, goormuu Elliott soo tira koobay Hawiyaha iyo Dir-ta Jubbooyinka? Halkan waa meesha ay SAHAL ka soo daliishadaan in Hawiyaha iyo Dir-ta Jubbooyinka ay yihiin (minority) ama dad laga tiro badan yahay. Hadda haddii SAHAL nin caddaan ah uu Kismaayo ku dhex wareysto sow Hawiye waa minority meesha lama taagna iyagoon Kismaayo hal tuulo ku lahayn? Waligaa ma aragtay been inta la qoray haddana la daliishanayo, Hawiye iyo Dir haddii aysan Soomaali ahayn oo aysan Soomalida isguursanin, yaa Soomaali ah oo ay Soomaalida is guursadaan? Warka soo socda ee Eliott ayaa ka sii darane bal si fiican u dhuux.  “waxaa lagama maarmaan ah inaan ku celiyo in Darood kaliya laga helo Jubbaland, halka Isaaqu uu ku kooban yahay bariga Jubba, Hawiye, Dir iyo qabaa’il kalena iyagu SOOMAALIBA MA AHA, Soomaaliduna way TAKOORTAA iyagoo ISIR HOOSE (dad aan nasab ahayn) ah darteed”.

Faallo: Warkaas ma war gaal Ingiriis ah oo wax baaray ayuu kuula muuqdaa mise war turjubaan SAHAL oo markaas joogay? ISAAQ AYAA BARIGA JUBBALAND DAGGANAA sow lamid ma aha HARTI AYAA GALBEEDKA IYO BARIGA JUBBALAND DAGGANEYD illeen hal bog ayuu Elliott ku wada qoray hadalladaase! Waxay soo daliishadaan SAHAL waa waxaas oo kale, Hawiye iyo Dir waa dad gun ah iyadu ka hadal ma laha oo dadka oo dhan ayaa arka beentaas dharaarta cad ah (xasuuso Maxamed Abshir ayaa Somali Imam u ah). Elliott xaaladdiisa labo un bay mid tahay haddaan rumaysanno in Daarood kaliya joogay Jubbaland, waa in aan rumaysanaa in Somalidu ay tahay oo kaliya Daarood iyo Isaaq, Hawiye iyo Dir-na aysanba Soomali ahayn oo ay yihiin nasab dhiman aan laga  guursan illeen waxas oo dhan waa warkii Elliott uu wada qoraye.Nuxurka hadalladii Elliott waxan ku soo kobaynaa qodobadaan:

  1. In Daarood uu dhulka Jubbaland u badnaa!
  2. In Isaaq uu Jubba dagganaa!
  3. In Hawiye iyo Dir ay ku yaraayeen Jubbaland!
  4. In Darood iyo Isaaq oo kaliya ay yihiin Somalida Bariga Afrika!
  5. In Hawiye iyo Dir aysan Somaliba ahayn!
  6. In Hawiye iyo Dir ay yihiin nasab dhiman oo aysan Somalidu (Daarood iyo Isaaq) ka guursan!

Intaas ayaa ku qoran maqaalka Elliott oo 8 bog ahaa, akhyaarey haddaan iri warkani wuxuu u eg yahay war turjubaan SAHAL, ma been baan ku sheegay? Waxan weydiinayaa SAHAL kuween ka qaadanaa lixdaas qodob ee Elliott ee aan kor ku xusay, kuweense ka tagnaa? Ma ka qaadannaa Daarood ayaa Jubbaland u badnaa oo kaliya (waa sida aad rabtaane), Isaaqa Jubbaland dagganaase wax ma u oggoshihiin? Ogow Jubbaland-ta laga hadlayo 60% waxay hadda ka tirsan tahay NFD.

Haddii aan intaas ku dhaafo mataggii Elliott uu u meeriyey turjubaankiisii SAHAL, aan markaan u gudbo dhacdooyinka  kale ee ay daliishadaan SAHAL waana Kacdoonkii Ogaadeenka dhacdada la magac baxday, waxay ahayd 1916 ayaa niman Cowliyahan Ogaadeen oo 300 nin ah ayaa Serenley (Baardheere) dusheeda waxay 800 neef oo geel ah ka dhaceen Mareexaan (tolow BILILIQO waagaasna ma jirtay!)      8 ninna way ka dileen, sarkaal Ingiriis ah oo Taneeti Elliott la dhaho (ma aha Elliott-ka wax qoray) oo Serenley haystay ayaa C/raxman Mursal oo nabadoon u ahaa Cowliyahan u yeeray, kuna amray inuu xoolihii soo celiyo diyo 800 neef oo geel ahna uu ka bixiyo raggii uu laayey haddii kale tallaabo laga qaadidoono, taas oo C/raxman Mursal intuu ka xanaaqay uu habeen soo weeraray xeradii Ingiriiska oo ay 40 nin oo ciidan Ugaandheys iyo Hindi ah ay joogeen ayuu ku dilay gaalkii Ingiriiska ahaa ee Elliott iyo dhowr iyo labaatan askartii ka mid iyadoo qoryahooda habeenkii bakhaar ku xereyn jiray oo aan hubaysneyn, ka bacdina ciidan ayuu Ingiriisku ku soo kiciyey oo odayaal laga xirxiray waa arrintaas JIHAADKA ay SAHAL sheegto inay Ingiriiska kula Jihaadeen Jubbooyinka (waa dad xoolo Soomaali leedahay Gedo ku BILILIQAYSTAY oo dad Soomaali ah laayey oo laga soo celinayey, jihaadow xaal qaado!). “It was on the 2nd February 1916, and the day before the Serenli Aulihan, some three hundred strong, raided the Marehan and seized eight hundred of their camels, killing eight Marehan warriors.” Dhacdo kale oo iyaduna ka horreysey tan oo waxaa jirtay meel Chulime la dhaho oo Afmadow 57 mile (91km) u jirta ka dhacday oo iyadana gaal kale oo Ingiriis ah oo la dhihi jiray Arthur Jenner toorrey lagu dilay 16 November 1900, isagoo meesha kormeer ku joogay, ugu danbeyn Ingiriiska xoog ayuu isticmaalay isagoo adeegsaday gaal kale la dhihi jiray Wallace Blake. Haddii aan intaasi ku dhaafno “Jihaadkii” SAHAL ee Jubbooyinka bal aan wax yar ka sheego in SAHAL aysan run ka ahayn waxa ay sheegayso sababtoo ah iyagu waxay isku siiyeen Jubbooyinka hadal uu nin dhulmareen ah qoray laakiin ma u oggol yihiin qabaa’ilka kale  dhulkii ay dhulmareennada ku soo arkeen? Eeg qaybtan soo socota.

Ibn Saciid oo ahaa Joqoraafi yahan Marookaan ah wuxuu qoray Qarnigii 13aad in magaalada Marka ay ahayd saldhigga Hawiyaha, 50 tuulo ka badanna uu ku lahaa, ka eeg hadalkaas buuggiisa joqoraafiga ah. Su’aashu waxay tahay muxuu u arki waayey Biyamaal-ka daggan aagga Marka, taasi macnaheedu ma inuusan Biyomaal meesha dagganeen baa? وفي شرقية من بلاد بربرا المشهورة على البحر مركه حيث الطول تسع وستون درجة وثلاثون دقيقة والعرض درجة وعشر دقائق; وأهلها مسلمون وهي قاعدة الهاوية التي تنيف على خمسين قرية ابن سعيد المغربي ولد في عام 1214وتوفي في عام 1286ميلادي .Qarnigii 12aad Mohamed Al-Idrisi (dhul mareen kale) ayaa isna magaalada Marka ku sheegay “Region of Hawiye” gobolkii Hawiye, maxaa isna ka indho tiray Biyomaal-ka, hadday Hawiye wararka nimankaas buunbuuniyaan ka warrama SAHALow oo ay dhahaan Marko annaga ayaa Biyo-maal ka leh? Haddii hadal nin dhul mareen ah dhul lagu milkinayo-waa sida aad ku dooddaane-maxaad u buunbuunisaan iskudhicii ayaan dhawayd Marko ka dhacay (oo dadka walaalaha ah dhexmaray) oo aad Hawiyaha ugu eedeyseen dhulballaarsi, idinkuse maxaad dhulballaarsi isugu sifeyn weydeen mase qirsan tihiin in HAWIYE magaalada MARKO leeyahay illeen dhul mareen ayaa ku soo arkaye? Xaqiiqadu waxay tahay in ragga u warramay 2daas dhulmareen ay ahaayeen niman Hawiye ah, Haddii Vasco Da Gama uu nin reer Boorama ah xeebta Xamar ku arki lahaa oo u sheegi lahaa in reerkoodu daggan yahay xamar, Vasco da Gama wuxuu qori lahaa in beesha Samaroon ay u badan yihiin Xamar, sidaas dhul ma lagu milkiyaa? Akhyaarey ma fahamteen DADBAA MEESHA DAGGANAA OO AY GAALO KU SOO ARAGTAY inaan dhul lagu milkinayn waa haddiiba horta SAHAL jubbooyinka lagu soo arkay oo uusan warku ahayn war turjubaan iyo Maxamed Abshir ayaa Soomaali Imaam u ah? Qodobkii koowaad ee SAHAL halkaas ayuu ku burburay, bal haddana aan u gudbo qodobka labaad.

Dhulka Jubbaland yaa u soo horreeyey oo dagay bilowgii

Kooxda SAHAL waxay ku doodaan in taariikh ilaa 300 sano ah ay dhulka jubbooyinka u leeyihiin laakiin gaalada ay inta badan daliishadaan iyo dadka kale ee taariikhda wax ka qora ma ku raacsan yihiin? Jawaabtu waa maya aan ku bilowno saaxiibkood (ninka ay aad u daliishadaan) Elliott, Elliott wuxuu leeyahay in qiyaastii 1842 ay Somalidu weerer ku qaadaadeen Galla ka bacdina la jebiyey Somalidii ilaa 1845-na uu dagaalku socday ka dibna ay Somaalidu shardi ku xirtay in ay la heshiiso Galla Haddii uu u oggolaado inay dhulka wax ka dagto taasina ay ahayd shirqool, aakhirkiina Galla lagala wareegay dhulka(Tolow 300 sano xaggey SAHAL ka keenytay?) waa kan hadalkii Eliott oo English ah: “About 1842 the Somali crossed the Juba, attacked the Gala, and were defeated with great loss. These attacks were continued until 1845, when the Somali offered peace on condition that they should be allowed to inhabit Jubaland side by side with the Gala. The Gala foolishly consented to this. In 1848 the Somali treacherously broke the agreement, and drove the Gala southward and westward

Nin aan qiyaasayo inuu Ogaadeen yahay oo buug qalin jabin (Thesis) taariikh ah u gudbinayey mid ka mid ah jaamacadaha caanka ah ee adduunka ayaa buuggiisa uga hadlay arrinta Galla iyo dadkii ceyriyey oo uu isagu Ogaadeen iyo dad kale ku sheegay laakiin wuxuusan inkirin oo uu si cad u sheegay in Ogaadeenku ay dhulka wabiga Jubba ku yimaadeen iyagoo SHEEGAD u ah dadkii markaas dagganaa oo uu ku tilmaamay Digil iyo Mirifle oo markaas dhulka awood ku lahaa, waana kan hadalkiisii:

The Ogadens who were among the first Somali clans to have displaced the Galla from Jubaland came in two major waves.4 The first wave commenced in the early l800s and was characterised by slow penetration in which the search for grazing has been cited as the main reason behind the migration. At this stage the Ogaden were a small group that became sheegats (clientship) of the dominant Rahanwein clan who were settled in the upper reaches of the Juba river.”Qoraalkan waxaan ka soo qaatay Thesis lagu magacaabo “Colonial policies and the failure of Somali secessionism in the Northern frontier district of Kenya colony” oo uu qoray ABDIRASHID ABDULLAHI

Waxaa lagama maarmaan ah in aan fahanno dhulka Jubbaland wabiga Jubba ayaa xad u ahayd, dhulku magaca Jubbaland ayuu wada wataa laakiin ogow dhulka Galla laga eryey waxa ku jira Wajeer ilaa Habasweyne (Lorian Swamps) ee wabiga Jubba dhinacyadiisa (Luuq iyo Doolow) waa meesha uu qoraagu leeyahay Ogaadeen Rahaweyn ayuu ku sheegan jiray, aaway 300 sano ee SAHAL haddii bilowgii qarnigii tagay uu Ogaaden Raxaweyn sheegan jiray? Mar haddii aad ogaatay in 300 sano ee ay SAHAL sheegto ay tahay indhacaddeys iyo dhul boob bal si fiican u dhuux qaybta soo socota ee ka hadlaysa in xataa Galla dhulka ay Soomaali kale ugu sii horreysay, tolow SAHAL maxay ku doodi doonaan haddiiba Galla-ha ay lahaayeen annagaa dhulka ka eryannay lagaba sii horeeyey! Dadka taariikhda Jubbooyinka wax ka qoray way ku kala qaybsan yihiin arrinta soo kala horreynta, qaar waxay sheegaan in dhulka ay dagganaayeen dad loo yaqaannay Galla oo ay qaarkood ku sheegaan Oromo (Boran, Randiile,Sakuye, iwm), laakiin Elliott (SAHAL ninka ay daliishadaan) isagu wuxuu ku sheegayaa in Galla loo yaqaannay magaca Warday sida ka muuqata hadalka soo socda, taas oo caddeyn u ah (dhabar jabna ku ah SAHAL) in waxa Galla lagu hayaba ay ahayd Warday-da Dir-ta ah ee  haddaba daggan dhulka Jubbooyinka.

Qaar kalana sida ninka lagu magacaabo Turton waxay leeyahay in dhulka Liibaan (Somalida Ethiopia ee xiga Kenya) ilaa woqooyiga Kenya (Jubbaland ku jirto) wax cag dhiga oo Soomaali ah waxii ugu horeeyey ay ahaayeen qabaa’ilka ay taariikh yahannadu u bixiyeen (Pre-Hawiye Clans), oo geel dhaqato ahaa kuwaas oo xataa Galla uga sii horreeyey dhulkaas, Pre-Hawiye oo ah qabaa’il Hawiye ah iyo qaar Digil iyo Mirifle ah kuwaas oo kala ah Garre, Saraansoor (Gaaljecel iyo Dagoodiye), Xawaadle, Cowr-male, Ajuuraan, Giilaale, Hoon, Hubeer iyo kuwo kale waa kan Turton (eeg Turton buuggiisa: Bantu, Galla and Somali Migration in the Horn of Africa ) oo la soo xiganayo:

Eeg hadalkan kale ee Turton ee sheegaya in Garre uu Galla uga horreeyey dhulka wabiga Jubba iyo wabiga Tana u dhexeeya(Jubbaland), uuna ka riixay dhulkaas dad afka Bantu (sida sawaaxiliga) ku hadla:

It is suggested that Garre or proto-Garre Somali gained control of the area between the Juba and the Tana rivers before the Galla arrived in this area, and that in the process the Garre were responsible for pushing Bantu-speaking peoples back to the river Tana- SAHALow Turton ma wuxuu ahaa Digil iyo Mirifle ay Hawiye iyo Dir dabada ka riixayeen? Waxaa la yaab ahayd markii ayaan dhexdaas ah ay odayaal beesha Xawaadle ah dhaheen waa in arrimaha Jubbooyinka si caddaalad ah loo maamulaa, nin Isaaq ahna uu ka mid noqday xisbi la dhaho Wamo Party, kooxda SAHAL ayaa hal mar af labdii dhawaaqday, ma Xawadle iyo Isaaq ayaa manta Jubbooyinka sheeganaya waa adduun gaddoon ayey ku hadaaqday kooxda ay qabyaaladdu madax martay, laakiin waxaan leenahay adduunka ama ha gaddoomo ama ha taagnaado waxa marqaati leh in ay jiraan jilibyo Xawaadle ah oo aan Hiiran daginba sida Alla-Gumar oo kale oo waligood dagganaa Jubbooyinka gaar ahaan aagga Saakow, Isaaqna waa Dir wixii Leelkase iyo Warsangeli keenay ayaa keenay, waa sheekada Axmed Godane iyo Axmed Madoobe laga yaabo inay isku shuufeen ee ah aniga iyo adiguba reer aan qaraabo nahay oo Jubbooyinka daggan (Biyamaal iyo Absame) ayaan u soo fitno tagnay ee ogow Jubbooyinka igama lihid ayey sheekada Axmed Godane u eg tahay……………..La soco qaybta saddexaad berri Insha Allah.

W/QAbdi Osman 

adam2025@gmail.com

Wargelin: Qormadan waxa ay u gaar tahay Caasimada Online. Waxaa ku baxay waqti badan iyo baaritaan biloooyin qaatay. Haddii aad jeceshahay inaad qaadato oo aad ku dabaacdo webkaaga fadlan xus xuquuqda qoraalka. Mahadsanid

Use Facebook to Comment on this Post


DHAGEYSO: Fowsiya oo ka jawaabtay sababta ciidanka Kenya u xannibeen waftiga DF & arrimo kale oo xasaasi

$
0
0

Barnaamijka Martida Makarafoonka ee idaacadda VOA, ayaa waxaa todobaadkan Marti ku ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan, waxa ayna barnaamijka uga warantay arrimo ay ka mid yihiin shirkii dhawaan ku soo gabagaboobay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Fowsiya ayaa ka jawaabtay su’aalo ku saabsan ciidamada Kenya ee jooga Kismaayo iyo sababtii keentay in ciidankaasi ay xannibaan wafti ka tirsan dowladda Somalia ee tagay Kismaayo.

Waxa ay Fowsiya sidoo kale ka jawaabtay su’aalo gaar ah ku saabsanaa nolosheeda shaqsi ahaan iyo howlaheed gaarka ah, oo ay si faah faahsan ugu warrantay.

Barnaamijka oo dhan halkan hoose ka dhageyso

Use Facebook to Comment on this Post

Sawirro: Siminaar looga hadlayey gudniinka fircooniga oo lagu qabtay Holland

$
0
0

Siminaar ku saabsan doorka raga ay ka qaadan karaan ka hortaga Gudniinka Fircooniga ah ayaa laguu qabtay Magaalada Nieuwerkerk oo ah magaala Madaxda Suidplaaz,waxaana siminaarkaan loo qabtay Ragga degen Magaaladaas waxaan ka soo qeybgalay sidoo kale haween dhalinyaro,caruur iyo marta sharaf kale.

Gudoomiyaha Ururka Asia ee siminaarkaan soo qaban qaabisay Ruqiya Cadow ayaa sheegtay in loo baahanyahay inay raga ka qeybqaataan ka hortka gudniinka fircooniga ah,isla markaana ay qooska muhiim u tahay in wax walba la isla ogaado.

Ruqiya cadow ayaa sidoo kale ka hadashay dhibaatooyinka haysta qaar kamida qoysaska Soomaaliyeed ee degan Holland,waxayna sheegtay inay jiraan caruurbadan oo la qaatay kuwasoo sabab ay tahay aqoondaro iyo cafimaad daro haysta qaar kamida dadka laga qaatay caruurta.

waxay ku baaqday in laga faaiidaysto barnaamijkaan ay wado ee ka hortaga gudniinka iyo waliba haweenka gudan sidii iyagana loogu fidinlahaa caawinaad dhanka caafimaadka oo ay sheegtay inay iyada laftirkedu ay gacan ka gaysankarto una gudbinkarto Isbitaalada waaweyn si loo habeeyoo gabdhahaas gudan ee dhibku uu ku hayo gudniinka.

sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyahay Ururka Somali Aid Group C/laahi Cabdile Cali waxuuna sheegay in uu yahay barnaamijkaan mid Soomaalida u wanaagsan loona bahanyahay in laga faa’iidaysto
waxaa kaloo halkaas ka hadlay Ridwaan Maxamed Xassan,Daahir Maxamed Maxamuud, Muqtaar Ali,Yaasin,Yuusuf,iyo xunbo kale oo dhamaantood soo dhaweeyay Simninaarkan.
W/D: Bile Gurxan
NWK A/d ijssel

12345678

Use Facebook to Comment on this Post

Daawo Video: Sida Arxandarrada ee Sacuudiyaanka u galayaan Somalida

$
0
0

Caasimada Online: Aqristoow waxaan maanta jacelahay in aan idiin tusiyo Muuqaal arxandaro ah oo laga duubay Askar iyo Shacab Sacuudiyaan ah oo si xun u jir dilaya Muwaadiniin Soomaaliyeed oo doonaya in ay galaan Xaduudka Wadanka Sacudiga.

Arinta aadka looga xumaanaya ayaa ah Muwaadin dhulka yaalo aad dileyso misana aad madaxa uga istaageyso sidaasi ma islaanimaa mise waa gaalnimo diintaku baneyneysana waa tee….

HALKAAN KA DAAWO:

Use Facebook to Comment on this Post

Dhageyso: Kenya oo Xasan Sh ku tiri “Ciidankeena weligood ma baxayan”

$
0
0

Dowladda Kenya waxa ay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Xasan Sheekh Maxamuudu sheegtayin aanay Ciidamadeeda ka saareyn Gobalada ay qeybo badan oo ka mid ah qabsadeen ee ka tirsan Soomaaliya, waxaa sidaas kashifay xildhibaan Kenyan ah.

Warkaas waxaa Xaflad Shalay Magaalada Gaarisa ka dhacday ka sheegay Aadan Barre Ducaale oo Xubin ka ah Barlamaanka Kenya.

Aadan oo ka mid ah Soomaalida Kenya , iminkana Dowladeeda ku jira wuxuu sheegay in ay Kenya ay Kismaayo xoreysatay askarteeduna aanay Meelna uga socon.

Wuxuu isweydiiyay Su’aal ahayd “halkeebey jireen Markaan Kismaayo xoreynaynay kuwa iminka qeylinaya”? Asigoo u jeeday Madaxweyne xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda uu hogaaamiyo.

Aadan Barre Ducaale wuxuu sheegay in aanay Dowladda Federaalka ahi ka hadlin Ciidamada Uganda iyo Burundi ee Xamar jooga sidaa aawgeedna Kenya la yaaban tahay sababta kuwooda afka loogu hayo.

Halkan ka dhageyso codka Aadan

Codka Aadan Barre

Use Facebook to Comment on this Post

Xog-Ogaal: Shidaalka badda & biyaha webiga Niil, halis heysata Somalia

$
0
0

Horey waxaad u ogeyd dagaal sokeeye, qabyaalad iyo mooryaan 20 sanno afduub ku heysatay Soomaaliya, haatan kusoo dhowoo halista cusub, taasi oo haddii aanan si wanaagsan loo maareynin god dheer ku ridi karta rajada weyn ee la qabo.

Tani waa qormaddii aan idiin balanqaadnay ee ciwaankeedu ahaa Xagasha Quman, waxaanan kusoo qaadanaynaa halista kasoo fool leh biyaha wabiga Niilka iyo Shidaalka badda ku jira oo laga cabsi qabo in dagaalo kale ay ku furaan dalka.

Webiga Niilka

Sidee suurogal ku tahay in wabi aanan meelna ka marin Soomaaliya iyo kheyraad aysan Soomaaliya isticmaalin, una baahi qabin ay saameyn ugu yeelan kartaa amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya?.

Qariirad muujineysa wadamada uu maro wabiga Niil ee la’isku heysto, Soomaaliya kama mid ahan laakiin qalalaasaha saameyn ayuu ku yeelanayaa

Qariirad muujineysa wadamada uu maro wabiga Niil ee la’isku heysto, Soomaaliya kama mid ahan laakiin qalalaasaha saameyn ayuu ku yeelanayaa

Biyaha wabiga Niil waxaa isku heysta Ethiopia oo ah isha biyaha Niilka uu ka qulqulo iyo Masar oo isticmaasha biyaha, kuna tiirsan 90% boqolkiiba, dhibka waxa uu ka taaganyahay Ethiopia oo dhiseysa biyo xireen weyn oo koronto laga dhalinayo, kaasi oo lagu leexinayo qulqulka biyaha wabiga Niil ee gaaraya Masar.

Masar waxa ay qabtaa in biyahaasi ay iyada kaliya xaq u leedahay maadaamaa loo saxiixay 1929-kii iyo 1952dii, heshiiskaasi oo uu saxiixay gumeystihii Ingiriiska, islamarkaasina Masar siinaya xaq ah in biyaha inta badan ay hesho, aysan jirin in wadama kale ee uu wabiga kasoo fatoho aysan sinaba u leexsan karin biyaha.

Ethiopia waxa ay sheegeysaa in biyaha Wabiga Niilka oo dalkeeda gudihiisa ka biloowma ay u leedahay xaq kasta oo ay ku isticmaasho, islamarkaasina ka midyihiin kheeyraadka dalkaasi.

Labada dal waxa ay qarka u saaranyihiin in ay dagaal ku galaan arrinta biyaha niilka dartiis, Masaaridana waxa ay sheegeen in ay dagaal ka xigaan biyaha wabiga Niilka oo la leexsado.

Shir ay yeesheen madaxweynaha Masar Maxamed Mursi iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo looga arrinsanayay sida laga yeelayo biyaha wabiga Niilka ee ay Ethiopia leexsanayso ayaa si toos ah looga tabiyey taleefishinka dalka Masar, waxaana laga sheegey in Masar ay adeegsato Soomaaliya oo ay hubeyso si Ethiopia loo cadaadiyo.

DAAWO

Hadalkaasi maalin kadib waxaa Muqdisho ka dagay saraakiil sarsare oo ka socdey Militariga Masar kuwaasi oo taleefishinka Qaranka Soomaaliya iyo saxaafadda laga baahiyey iyaga oo la kulmaya wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, islamarkaasina balanqaadaya in ay Soomaaliya ka caawinayaan arrimaha ciidamadda.

Arrintani waxa ay mar kale kalifi kartaa in Ethiopia ay samayso wax kasta oo ay ku kala tuureyso dadaalada lagu soo dhisayo dowladda Soomaaliya.

Wabiga Niil iyo danaha Masar ma ahan wax Soomaaliya quseeya, Soomaaliya iyada ayaa teeda ay heysataa, waxaana haboon in arrinkaasi aad looga fiirsado.

Shidaalka Badda

 Dhul badeedka seddex xagalka ee Soomaaliya oo ay Kenya sheeganayso


Dhul badeedka seddex xagalka ee Somalia oo ay Kenya sheeganayso

Kenya waxa ay sheeganaysaa dhul badeed ay Soomaaliya leedahay oo shidaal lagu sheegey, waxaa horey u jirey wasiir Soomaaliyeed oo Kenya u saxiixay xaq ah in ay sheegan karto dhulkaasi, heshiiskaasina wuxuu muran galiyey dhul badeedka Soomaaliya.

Laakiin nasiib wanaag baarlamaanka Soomaaliya ayaa 2009-kii qashinka ku daray heshiiskaasi, waxayna ahayd talaabo dhanka wanaagsan loo qaaday.

laakiin todobaad ka hor waxaa soo baxay in wasiirka arrimaha dibada Fowsiyo Xaaji Aadan ay dhiggeeda Kenya Aamino Maxamed kala hadashay arrimo ku saabsan badda Soomaaliya, balse golaha wasiiradda ayaa war ay soo saareen ku sheegey in xukuumadda Soomaaliya ay taageersantahay go’aankii baarlamaanka ku laalay heshiiskii wasiirka saxiixay.

Waxay ahayd fariin cad oo loo direy cid kasta oo uu damac kaga jiro dhulka Soomaaliyeed, laakiin arrinka halkaasi kuma istaagin, Kenya waxa ay soo baandheyneysaa kaarar kale.

Ciidamadeeda ku sugan Kismaayo ayaa abaabuley, islamarkaasina dhiirogaliyey in maamul goboleed dowladda ka madaxbanaan laga sameeyo Kismaayo, kaasi oo ay ka saxiixan karaan dhul badeedka ay Soomaaliya diidey.

Hadaba shidaalkani badda lagu sheegey waa halis kale oo qalqal galin karta amaanka iyo xasiloonida dalka, islamarkaasina dib u celin kartaa waxyaabihii qabsoomay ee dadaalada loogu jiro in dowlad dalka oo dhan gaarta la sameeyo.

Waxaa haboon in halistani aanan la fududeysan, islamarkaasina la is barbar wado talaabooyin kala duwan oo lagu xaqiijinayo in goboladda Jubbooyinka iyo Gedo ay soo galaan gacanta dowladda.

Maamulka gobolka Gedo ee dowladda waa astaan wanaagsan oo dowladda haddii ay xoojiso fashilin kara damac kasta oo shisheeye oo dhulka Soomaaliyeed lagu dhaxal wareejinayo, halkii dowladda dadaalkeeda oo dhan isugu geyn lahaa arrimaha Kismaayo waxaa haboon in dowladda xoogga saarto Gedo iyo Jubbadda Dhexe.

Inkasta oo ciidamada AMISOM ay kala xadaysanyihiin meelaha ay tahay in ay ka hawlgalaan, hadana ciidamada dowladda Soomaaliya ma jirto meel ka xadaysan, waxayna hawlgal ciidan ka samayn karaan meel kasta oo dalka ka mid ah, gaar ahaan meelaha ay Shabaabka heystaan, sida Bu’aale , Saakoow , Baardheere, Jilib iyo Jamaame.

In la qanciyo beelo iyo in loo cadaalad falo waxaa maanta si kasta oga muhiimsan in la xaqiijiyo madaxbanaanida Soomaaliya, lagana hortago wax kasta oo halis galin kara madax banaanida dalka.

Waxaa sidoo kale dowladda u furan in damaanad cad oo sharciyeed laga helo in maamul kasta oo goboladda Jubbooyinka iyo Gedo laga sameeyo uusan yeelan doonin awood uu ku saxiixo shidaal ama dhul dal kale qaadanayo, shuruudaasi oo aanan laga soo bixina ma ahan in marnaba la aqbalo maamul lagu dhisey qaabka hadda wax u socdaan, xitaa haddii ay tani micnaheedu noqoneyso in la sameeyo wax kasta oo suurogal ah.

Waxaa jira cadeymo ku filan in la cuskado oo loo hayo in Kenya ay dooneyso in ay qaadato dhul badeedka Soomaaliya, iyo waliba in ay ciryaamiso dekada Kismaayo si ay u shaqayso tan Lamu, waxaana daliil u ah in ciidamada Kenya ay kaligood maamulaan dekada Kismaayo, halka garoonka ay wada joogaan ciidamada kale ee Soomaalida ah.

Hadda waxaa jira fursado badan oo ay dowladda heysato oo aysan heli doonin lix bilood kadib, sidaasi darteed waa in fursadaha jira laga faa’iideystaa.

Sidoo kale waa in dadka deegaanka ee shakiga ka qaba xukunka Muqdisho la shaki bixiyaa, loona muujiyaa talaabooyin ay ku xaqiiqsan karaan in dowladdu tahay mid ka shaqaynaysa danaha qaran, oo aysan ahayn mid qabiil u adeegta.

Use Facebook to Comment on this Post

Sawirkan ayey ku dhan tahay xaalada dhabta ah ee ka jirta KISMAAYO

$
0
0

Ma u maleynayo inay jirto maalin aysan dhegahaaga maqal Kismaayo iyo Jubbaland. Waxaa laguu sheegay wax badan oo kala duwan. Dowladda Somalia iyo waxaa is heysta Jubbaland, Puntland ayaa wax qaseysa, Madaxweyne Xasan ayaa fowdo wada, waxaa is haya Daarood iyo Hawiye.

Waxii la doonaba ha laguu sheego’e, waxaa warku ku dhan yahay Soomaali oo ayada un is cuneysa iskuna maqan. Xaqiiqda waxay tahay Jubbaland kheyraaka ku duugan Soomaali oo idil waa ka badan yahay.

Nasiib darro inta Soomaali is colaadineyso waxaa ka faa’iideysanaya cadow.

Sawir gacmeedkan uu sameeyay Amiin Caamir, waxa uu muujinaya xaqiiqda dhabta ah ee Jubbaland.

Xuquuqda sawirka Aminarts.com

Use Facebook to Comment on this Post

Ma Dhaqan baa? Mise waa Qadaf? : Inqaasta Yuusuf-Garaad

$
0
0
Cilmiga Afafka (Linguistics) ayaan ku bartay Jaamacaddeydii koowaad. Shaqadeyduna in badan waxay ku xirnayd macnaha iyo is rogrogga erayada. Waa afka aan ugu badiyo afafka aan ku hadlo, aadna waxaan u xiiseeyaa in aan mar walba barashadiisa sii xoojiyo gaar ahaan xagga eraybixinta iyo is rogrogga eragada iyo adeegsigooda. Taasi waxay mararka qaar ila gashaa dhaqankeenna sida qormadaan.
Waxaan jecel ahay in aan si kooban u soo bandhigo arrin isugu jirta dhaqan iyo af, oo aan is leeyahay waxay u baahan tahay in tooshka lagu ifiyo, si ay u furto dood wax laga kororsado. Waa af Soomaali iigu muuqda in uu ka dhan yahay haweenka sharaftooda iyo qiimahooda lagana yaabo in si aan ka fiirsi lahayn loo adeegsado. Waxaan soo qaadanayaa dhowr tusaale.
Xanta siyaasadda waxaa inta badan curiya raga. Iyagaa  suuq geeya oo sii faafiya. Haddana midka raba in uu qiimo tiro xan markaas loo sheegay, wuxuu yiraahdaa warkaasi waa “ku-tiri ku-teen. Yaah? Ku-tiri ku-teen aa? Oo tumaa tiri?
Runtu waxay tahay in uu warkaasi yahay – Ku-yiri ku-yeen.  Waxaa uu warkaasi gef ku yahay haweenka oo warkooda laga wado inuu yahay war aan sal lahayn.
Oraah aan la yaabay ayaa waxay tahay “Habar fadhida legdini la fudud”.  Xataa Kubbadda Cagta marka la daawanayo ayaad maqleysaa. Si laguu yiraahdo goolkaas in dhaliyo wey kula sahlanayd, sababtoo ah waxaad tahay …
Bal is weydii Oday isagu legdin wax ma ka keeni karaa? Midda kale, haweenku marka horeba ma legdamaan.
Habar waa hooyada na dhashay. Maxay afkeenna uga nabad geli la’dahay?
Haddii mid naga mid ahi uu ka dhowrsan waayo hooyooyinka oo wax ka sheego, maxaa diidaya in inta kale ay u nasteexeeyaan oo ay u sheegaan khaladkiisa? Hadduu ku adkeystana ay ku ceebiyaan?
Marka ay rabaan in ay tilmaamaan fadeexad ama sir bannaanka u soo baxday oo aad u faaftay oo aan qofna ka qarsaneyn, waxay yiraahdaan: “Arrintaan habar walbaa og”. Qaar kalena “habrta suuqa caanaha la fadhidaa way og tahay” ama “Habrta xaabada iibineysaa way ogtahay”.
Ninka ay rabaan in ay liidaan waxtarkiisa amaba caqligiisa, qaar baa dhaha: “Waar kaas gabdhahaa caqli dhaama”. Bal fiiri faduusha intaa le’eg! Ka sidaa dhahayaa ma Saynis buu u cuskanayaa mise diin, in gabdhuhu ragga ka caqli yar yihiin?
Dagaal meel ka dhacay oo lagu hoobtay ayuu nin nabad raadinayaa ka hadlayaa. Wuxuu rabaa in uu dadka u caqli celiyo in aan la is dilin. Wuxuu isticmaalayaa war colaad “in ay gabari nooga dhimato ma aha”. Ama wuxuu leeyaha “xataa gabar laba jir ahi in ay nooga dhimato ma ahan”.
Ninkani xumaan uma dan laha oo wuxuu rabaa in uu naf badbaadiyo. Laakiin haddana wuxuu garan la’yahay in aan Gabdhaha naftoodu ka qiima yareyn midda ragga.
Intaan ayaan ku soo koobayaa tusaalayaasha aan hayo.  Qaarkood ma aha wax anshaxu ii saamaxayo in aan halkaan ku soo bandhigo, inkasta oo aan ka maqlo qof ku hal qabsanaya ayada oo la joogo meel fagaare ah.
Erayadani waxay xad gudub ku yihiin Soomaalida inteeda badan oo ah haweenka. Sidaa darted waxaa habboon in qof kasta oo wax isku falayaa uu ka dhowrsado isticmaalkooda.
Waxayna iigu xanuun badan tahay marka aan arko qof haween ah oo la qabadsiiyay, oo iyada oo aan u fiirsan isticmaaleysa oraah haweenka liideysa.
Waxay ila tahay in arrintaan uu waajib gaar ahi ka saran yahay macallimiinta, qorayaasha iyo suxufiyiinta, gaar ahaan Tifatirayaashu in aanay ka qeyb qaadan bah-dilka ka dhanka ah dadweynaha Soomaaliyeed intooda badan, kuwaas oo ah haweenka. Waxaa kale oo macallimiinta iyo suxufiyiinta ay mas’uuliyadi ka saaran tahay in aanay erayadaan u meerin ubadka soo koraya.

Use Facebook to Comment on this Post


DAAWO: Wareysi Saacid kaga hadlay muranka Kenya ee badda Somalia

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa wareysi muhim ah oo ku saabsan arrimaha badda siiyey taleefisinka Somali Channel.

Mr. Saacid ayaa waxaa wax laga weydiiyey go’aankii golaha wasiirada ay ku ayideen xeerka badda Somalia ee Law No.37, oo Soomaali badan ay u riyaaqeen.

Waxaase yaab lahaa jawabtii uu ka bixiyey warqaddii Fowsiya ay ku saxiixday Nairobi iyo haddii sharcigaas lagu darayo xeerka baarlamanka Somalia iyo in kale.

Halkan Hoose ka daawo Wareysiga Saacid

Use Facebook to Comment on this Post

Balaayo in ay ka dhalataan ka baqaa Bacmadow beryahan baladka Banadir kusoo bataday oo bulsho ku baa ba’do

$
0
0

Magaalladda Muqdisho ee caasimadda Dalka Somalia waxaa ay tahay xiligan mid aad u degan oo aysan jirin laba koox oo iska soo horjeedda oo ku sugan, waxaana gacanta ku wada haysa dowlada Federaalka Somalia ee oo uu Madaxda u yahay Mudane Xasan Sheeq Maxamuud.

Balse waxaa jirta in mararka qaar ay ka dhacaan shilal kedis ah oo ay kala mid tahay dalalka waaweyn ee calamka.

Inta badan shilalka sida kedis ah ku dhaca saameynta ugu badan waxa ay ku yeeshaan Shacabka aan iyagu wax shaqo ku laheyn siyaasaddaha is diidan.

Hadaba waxaa jirta oo aan rabaa inaan shacabka u sheego Baco beryahan laamiyadda la soo dhigo oo runtii qataro badan keeni karta oo laga yaabo in si kale looga faaidaysto.

bacmadow2Dowlada Turkiga oo ah Dowlada inta badan fulisa mashaariicaha ka socda dalka hadey ahaan laheyd mid nadaafad & mid dib u dhisba, ayaa wada howlo faaido u ah dhalin yaro badan oo Soomaliyeed.

Mashruuc haatan ka socda wadooyinka Magaallada Muqdisho oo ay fuliso Dowlada Turkiga oo shaqaale Soomaliyeed qoratay ayaa waxaa jirta Bac waaweyn oo qashinka lagu guro oo taalla dhinacyadda Laamiga wadooyinka, shaqaallaha nadiifiya wadooyinka marka ay nadiifiyaan waxaa ay ku shubaan Bac taasoo loogu tallagalay in lagu keydiyo qashinka inta howshu socoto.

Wadooyinka ay nadaafadu ka socoto oo la dhigo Bacahan waa Wadooyinka ay dowladda si aad ah u isticmaasho waana wadada Maka Al Mukarama Ilaa No4 iyo meello kale.

Qataraha ka iman karta bacahan aad ayey u fara badan yihiin si fududna waxaa loogu badali karaa mid walxaha qarxa ka buuxa, waxa ayna yaalaan goobo si aad ah u mashquul badan oo mudooyin badan lagula eegtay Qaraxyo Dowladda & Ciidamadda AMISOM.

Shacabka iyagaa laga rabaa wixii dhib u keeni kara in ay arkaan oo ay ka feejignaadaan, waayo saameynta ugu balaaran iyaga ayey ku yeelataa.

Isha: Yoobsannews

Use Facebook to Comment on this Post

Daawo Sawirrada: Sidee looga xusay 1-da Luulyo Magaalada Katrinholm

$
0
0

Waxaan halkaan idiinku  soo gudbinayaa xafladii 1 da luulyo ee lagu qabtay magalada Katrineholm, Maalinimada Axadda ee taariikhdu ahayd 30/06 2013  waxaa xaflad weyn oo lagu maamuusayay maalinta isutagga labada Gobol waqooyi iyo koonfur ahna maalinta Xornimdda wadanka Soomaaliya oo si rasmi ah looga dul taagay Calanka Buluuga ee xiddigta 5 ta gees leh caasimadda Muqdisho  Dalka Soomaaliya . xafladaas waxaa ka soo qayb galay dadweyna ad u fara badan kana kala yimid wadanka sweden gudihiisa iyo dibadiisaba gaar ahaan wadamada la isku yiraahdo Scandinevian ka sida Norwey Finlad , Denmark sidoo kale wadamda Yurub sida wadanka Espain, Italy iyo Netherland. Malta,

Waxaana xafladaas ka hadlay Siyaasiyiin , Odayaal Haween Dhalinyaro ,waxaana si qoto dheer ugu hadlay xorniamda iyo sida loogu soo halgamay Xaaji Mohamed Cumar Sheekeeye loona yaqaan Axyaa Wadani si qiimo badan uga hadlay taariikhda iyo dhibaatda laga soo marey Gumaysiga sidoo kale uu meesha ka sheegay aqriyey qasiidooyin dhiirigilin ah oo la qadi jirey waqtigii la dagaalka gumaysiga uu socdey,

Waxaa sidoo kale ha hadaly Duqii Hore magaalada iyo Gobolka Banaadir dowladii Carte Dr Abdulaahi Muuse oo asigaan ka sheekayay dhalinayrdii iyo halgankoodii sida uu ahaa iyo sida ay muhiim u tahay dowladnimada iyo xornimada, waxaan Buraabur iyo dhiirigelin iskuugu jiro ka soo jeediyey haweenka Magaalada Katrineholm oo ay horkaceysay Marwo Faadumo , Col Mohamed Deqqow Macalin Jaksan oo ka hadlay xorniamda iyo  halganka ciidamada iyo sida ay uga qaby galeen halganka iyo in midnimada ay muhiim tahay ,sidoo kale waxaa ka hadalo qiimo leh oo ku aadan munaasabdas ka soo jeediyey Drs Fathi Gahayr oo ah aqoonyahanad ku xeel dher arimaha bulshada iyo wadamada yurub kana soo baxdey jaamacdii Umadda waqtigii dowladnimada jirtay, sidookalewaxa ahadlkii la siiyey Marwo Baarliin Cadaawe oo ayadan ah qof u heelan una taagan waxqabadka iyo horuamrka dowladdaniamda  heeso iyo dhextaalo ka dib waxaa hadlkii qaatay Diplomasi , aqon yahan Prof Abdulaahi Axmed Qudde oo asiga ka yimdi wadanka Spain oo halkaas degaankiisu yahay asigoo ku dheraadey siyaasada iyo sida loogu baahan yahay in wax badan loo qabto wadanka iyo qiimaha Diplomasiga maadaama uu yahay wakiilka dowlada u matala ee ku sugan gooobta uu joogo. Diplomasi Mohamed Hagi Duusoos oo asigaan ka hadlay dhalinyarada iyo in ay qayb ka ahaayeen ubaxii kacaanka maadaama wadankeena uu soo maray maraxalado kala duwan oo isbedel ah.

Sidoo kale waxaaka hadashay Dr Ulumo Abdulaahi oo ayadana ka hadashay doorka ay Haweenka ku leyihin waxqabadka iyo u heelanaanta shacabkoda iyo wadankooda.  waxaa ayadana ka hadashay Weriye Nadiifo Shadoor u imaadey in ay kala qayb gasho xafladaa qiimaha abdan ee rer Katrineholm ay dhigayaan  waxaa sidoo kale hadlay Dr Mahdi oo ah aqoonyahan kana hadlay qiimaha dhalinyarada iyo halgankooda, sidoo akle waxaa hadlkii qaatay Macalinka iyo Gudoomiyaha Nadiga Banadir Kutlur and Sport Macalin Macoow Hussein oo ka hadlay dhalinta ayr ee soo koreyso sida ay uga qayb qaadan karaan dhismaha iyo horumarka wadankooda loona baahan yahay in wax loo qabto gacantana lagu haayo waana madaxda beritto. waxaana sido kale buraanbur qiiro leh ka jeedisay Zahra Idil oo qiiro gelisay dadweynihii xaflada ka soo qayb gaaly,

Waxaana marti sharfta iyo dadweynaha qaarkood la gudoonsiyey shahaado sharfyo iyo shaahdo ka soo qayb gal ee  uu bixinaayey Gudoomiyaha  Ururka Samafalka Soomaalida waqooyiga Yurub Mudane Nuur Cali Gacal oo si her sare ah u soo qabanqabiyey xafladda 1 da Luulyo ayadoo ay wehlinaysya Gud Ururka Haweenka Drs Ulumo Abdulaahi waana sandkii 2 aad ee Ururka uu sameeyo xuska xaflada 1 da Luulyo ., waxayna ku dhamaatay Guul wanaag xafladii qiimaha badnayd ee maalinta xornimada calanka soomalaiyeed.

Ugu dambayntii waxaa mahad naq iyo amaan u jediyey dhaman dadkii soo agasimay kana qayb qaatay in ay dhcado xafladaan qiimaha badan  Gudoomiyaha Ururka Mudane Nuur Cali Gacal.

IMG_1464IMG_1516IMG_1557IMG_1618IMG_1681IMG_1684IMG_1687IMG_1707IMG_1709IMG_1949IMG_1960IMG_1983IMG_1991IMG_1995IMG_2057

 

Use Facebook to Comment on this Post

Ogeysiis ka yimi Muqdishonews.com

$
0
0

Ogeysiis Aqristayaasha Sharafta leh ee sida Joogtada ah ugu xiran Website-ka MuqdishoNews.com waxaa la ogeysiinayaa in Website-ka oo maalmahaan Ciladeysnaa la cilad bixiyay islamarkaana uu hawada kusoo laabtay.

Maamulka Website-ka MuqdishoNews.com oo aad uga barateen Warar Update ah 24-ka saac wuxuu mar kale diyaar idiinla yahay in uu sidii iyo si ka fiican wararka idinkugu soo gudbiyo.
Hadaba Aqristayaasha waxaa laga raali galinayaa Ciladdii maalmaha heysatay Website-ka waxaana iminka lagu wargelinayaa in MuqdishoNews.com uu howshiisii si caadi ah u bilaabay.

 

Use Facebook to Comment on this Post

DAAWO: FILIM ka hadlaya NOLOSHA Qoysaska Soomaalida ee Qurbaha

$
0
0

Caasimada Online:  Film Cajiib ah oo laga sameeyay Nolasha Soomaalida Qurbaha oo ka dhaqan iyo ka nolol duwan qaabka loogu nool yahay Wadankeena Somalia.

Hadaba Aqristoow Film-kani waxuu tilmaamayaa qaabka loo sameeyay in Haweenka Qurbaha ku nool ay isticmaalayaan Awood dhanka in haweeneyda ay talineyso waxaana arinkaasi lagu falanqeynayaa Filimkani ee nala Daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

Use Facebook to Comment on this Post

Viewing all 817 articles
Browse latest View live