Dhacdooyin kala duwan oo dhacay maalmihii ugu dambeeyay ayaa bannaanka u soo saaray khilaaf sii kordhaya oo ka dhex-jira kooxo kala duwan oo ay u kala jajabtay al-Shabaab, taasoo tilmaamaysa mustaqbal dhow oo hareeyeen colaado iyo ragaas la soo gudboonaada kooxda xulafaysata al-Qaacida.
Fiidnimadii Isniinta (29-kii Abriil), jihaadiga u dhashay Mareykanka Omar Hammami, oo sidoo kale loo yaqaano Abuu Mansuur al-Amriki, ayaa u muuqday in uu barta Twitter-ka ku soo qoray farriintiisii ugu dambeeysay ee uu uga hadlayokhilaaf sannad socday oo ay isaga iyo dagaalyahannada shisheeye kala dhexeeyay hoggaamiyaha al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, oo sidoo kale loo yaqaano Mukhtar Abu Subayr.
Farriimo ay quus ka muuqatay oo uu fiidnimadii Isniinta ku soo gudbiyay Twitter-ka, isaga oo istticmaalayay cinwaanka @abumamerican, ayuu dunida ku mac-salaameeyay xilli ay dagaalyahanno al-Shabaab ah oo daacad u ah Godane ay u soo tafa-xayteen dilka isaga iyo saaxiibadii.
“Waxaa laga yaabaa in aanan helin fursad kale oo aan farriin idiinku soo diro balse kaliya xasuuso wixii aan horay u niri iyo waxa aan u istaagnay. Ilaahay ayaa nolosha ii daayay si aan farriinta 2-aad ugu soo gudbiyo ummadda,” ayuu yiri.
Si kastaba ha ahaatee, Talaadada (30-kii Abriil), ayuu al-Amriki bilaabay in uu soo gudbiyo farriimo cusub ku saabsan xaaladdiisa isasoo taraysa, isagoo soo gudbiyay lifaaq fatwo kadhan ah Godane oo sida uu sheegay ay qoreen seddex kamid ah hoggaamiyayaasha sar-sare ee al-Shabaab –Ibraahim al-Afghani(oo magaciisa dhabta ah uu yahay Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad, oo sidoo kale loo yaqaano Abuu bakar al-Zaylici), Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (ama Abu Mansuur) iyo al-Zubayr al-Mujahid – iyo sidoo kale Hoggaamiyaha Xisbul Islam Sheekh Xasan Daahir Aweys. Halkan ka arag Fatwada oo Af-Carabi ku qoran
Fatwada ayaa al-Amriki iyo taageerayaashiisa ku tilmaantay “walaalo” aysan banaaneyn dhiigooda “xitaa haddii uu Godane amarkaas bixiyo”.
Fatwadu way sii socotay iyada oo ka digtay “addeecidda indha la’aanta ah” ee Godane laga qaadanayo, waxaana lagu sheegay isku dayga dilka al-Amriki iyo taageerayaashiisa “qar iska tuurnimo ka dhalatay jahli fogaaday, ama natiijo laga dhaxlay is-daba-marin lagu sameeyay mafaahiim sharci ah iyada oo laga leeyahay dano siyaasadeed iyo in lagu gaaro dano shakhsiyadeed kuwaa oo aan wax shaqo ah ku lahayn sharciga Alle”.
Inku-daygii ugu dambeeyay ee dilka al-Amriki
Fiidnimadii Khamiistii hore (25-kii Abriil 25-kii), isagoo fadhiya biibito shaaha laga cabo, ayay dhowr qof oo al-Shabaab kamid ah sida la sheegay isku dayeen in ay dilaan al-Amriki, balse waa ay ku guul-darreysteen. Saacado kadib, al-Amriki ayaa sheegay in uu helay war sheegaya in dagaalyahnno al-Shabaab ah ay hareereeyeen meesha uu joogo.
“Abu Subayr waa uu waashay, waxa uu bilaabayaa dagaal sokeeye,” ayuu yiri al-Amriki.
Kadib markii uu maalmo aamusnaa, ayuu al-Amriki kusoo laabtay Twitter-ka si uu u sheego in uu noolyahay uuna isku diyaarinayo wax noqon kara dagaalkiisii ugu dambeeyay ee uu la galo al-Shabaab. Sida laga dhadhansan karay fariimihiisa, waxa ay u muuqataa in al-Amriki iyo taageerayaashiisa ay baxsad yihiin kadib markii uu fashil ku dhammaaday wadaxaajood ay la galeen dagaalyahannada Godane.
“Waxaan ku baaqanay shareecada innagoo aqbalnay wax badan si aan nabad u keenno balse waxa ay sheegeen in aannu nahay koox khawaarij ah oo hubeeysan xittaa haddii [Godane] uu yahay hoggaamiyaheenna, oo aynaan dagallamin,” ayuu faahfaahintii ku yiri.
“Waa fiintii ugu sarreeysay ee dagaal dhamaystiran oo […] looga soo horjeedo kuwa runta ka hadla,” ayuu al-Amriki ku yiri farriintiisa, “Xitaa haddaannu dhimanno waannu guulaysannay.”
Qeybaha al-Shabaab oo is ugaarsanaya
“Isku dayga Godane ee dilka al-Amriki waxa ay calaamad muuqata u tahay in khilaafka ka dhex jira hooggaamiyaha al-Shabaab iyo dagaalyahanada shisheeye uu isu baddalay dagaal toos ah,” ayuu yiri Cumar Cali Rooble, oo hore u soo noqday wasiirka hub-ka-dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka Soomaaliya.
“Iyaga dhexdooda ayaa is ugaarsanaya, taa oo caddeeyn muuqata u ah in al-Shabaab aysan marna ku saleysneen diin iyo jihaad, balse ay yihiin koox dambiilayaal ah oo iskugu yimid in ay laayaan shacabka Soomaaliyeed iyagoo ku gabbanaya diinta,” ayuu sheegay.
Baabi’inta mucaaradka ma ahan wax Godane ku cusub, isagoo lagu yaqaano sameynta ficilada caynkan ah ee kadhanka ah xubnaha kooxda ama saaxiibada ka soo hor yimaada, ayuu yiri Rooble.
Waxaa ugu caansan, Godane ayaa lala xiriiriyay dilkii Fazul Abdullah Mohamed, oo ahaa hoggaamiyaha al-Qaacidda ee Bariga Afrika, oo Juun 2011-kii lagu dilay markii isaga iyo kolonyadiisa ay dagaalyahanno al-Shabaab ah, oo sida la sheegay uu amray Godane, ku hageen in uu gaarigiisa u kaxeeyo bar kontorool amni ah oo ay maamulaan Midowga Afrika oo Muqdisho ku taala.
Dagaalyahannada shisheeye ee al-Qaacidda ee xiriirka la leh hoggaamiyayaasha al-Shabaab ee kasoo horjeeda Godane, sida Roobow, ayaa u muuqda kuwo halis ku ah hoggaamiyaha sare ee kooxda, ayuu yiri Rooble. “Taasina waa sababta uu [Godane] u dhaqan-galinayo istiraatijiyadda ‘qeybi oo xukun’, isagoo ka takhalusaya hoggaamiyayaasha shisheeyaha [al-Shabaab] ee kasoo horjeeda fikraddiisa.”
Waraaq furan oo ruxday aasaaska al-Shabaab
Iyadoo khilaafka u dhaxeeya dagaalyahannada shisheeye iyo xubnaha al-Shabaab ee daacadda u ah Godane uu ka sii darayo, ayaa waraaqo furan oo mucaarad ku ah hoggaanka Godane waxay bilaabeen in ay ururka gudaha ka ragaadiyaan.
Warqad kadhan ah Godane oo ka timid al-Zubayr al-Muhajir, oo sheegtay in uu yahay hoggaamiye sare oo dagaalyahanada shisheeye ee al-Shabaab ka tirsan, oo lasoo dhigay mareego badan oo jihaadiyiinta ay leeyihiin 20-kii Abriil, ayaa soo bandhigtay is aaminaad-darro sii fogaaneeysa iyo burbur xiriir oo u dhexeeya garabyo kala duwan oo ka dhex jira kooxda ku xiran al-Qaacida.
Warqadda al-Muhajir ayaa imanaysa wax ka yar labo todobaad kadib markii hoggaamiyaha labaad ee kooxda, Ibraahim al-Afghani, uu 6-dii Abriil shaaciyay warqad furan oo ku socota hoggaamiyaha al-Qaacidda Ayman al-Zawahiri, taa oo uu si adag ugu dhalleeceeyay Godane.
Warqadda al-Afghan waxaa ka horreysay mid kale oo uu qoray al-Amriki, kaa oo ahaa kii ugu horeeyay ee soo shaac-bixiyay dhibaatada ka dhex jirta hoggaanka al-Shabaab, aaminaad-darradiisa uu ku qabo ajaanibta iyo in uu si liitada daacad ugu yahay qaddiyadda jihaadka.
Xasan Cabdullaahi, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo dabagal ku sameeya arrimaha dhaq-dhaqaaqa islaamiyiinta ee Soomaaliya, ayaa sheegay in warqadahan ay calaamad u yihiin kala qeybsanaanta qotada dheer ee ka dhex jirta hoggaanka al-Shabaab.
“Dhab ahaantii, waxaa jirta khilaaf dhab ah oo ka dhex jira hoggaanka kooxda, hadday ahaan lahayd Soomaalida iyo ajaanibta, wayna caddaatay in is af-garan-waaga uusan su sinneeyn kaliya Godane iyo Abu Mansuur balse sidoo kale ay ku jiraan hoggaamiyayaasha kale ee kooxda,” ayuu Cabdullaahi sheegay.
“Dagaalyahannada ajaanibta ah hadda way ogaadeen in la macne-tiray oo laga fogeeyay xilalka sarsare, waxa ayna ku jiraan meesha ugu hoosaysa marka laga hadlaayo jaranjarada hoggaanka, sidaa daraadeed hadda waxa ay baadi-goobayaan in ay helaan meel ay si nabad ah uga baxaan,” ayuu yiri.
“Kadib hoos-u-dhicii siyaasadeed, kii militari iyo midkii dhaqaale ee al-Shabaab, hoggaamiyayaasha kooxda waxa ay bilaabeen in ay is dhaafsadaan eedeymo ku aaddan cidda mas’uulka ka ah hoos-u-dhaca,” ayuu yiri Cabdullaahi. “Ma noqonayso buunbuunin haddii la yiraahdo kooxda waxa ay hadda gashay marxaladdii ay ka ragaasi lahayd gudaha.”
Burbur dheeri ah
Cabduqaadir Axmed Gaardiyoow, oo ah sarkaal ammaan oo howl-gabay, ayaa saadaaliyay niyad-jab dheeri ah oo ka iman doonto sufuufta al-Shabaab.
“Dhibaatada ka dhex jirta al-Shabaab waa ay qoto dheeraatay, haddana waa ay ka weyntahay kala qeybsanaan khilaaf fikrka ah. waxa ay gaartay maraxaladda dagaalka buuxa, dagaalka dhexdooda ah iyo iskhaarijinta,” ayuu yiri Gaardiyoow.
“Labadii sano ee ugu dambeeyay, al-Shabaab waxa ay isku dayday in ay u muujiso caalamka in ay tahay dhaq-dhaqaaq xooggan oo xubnahooda ay midaysanyihiin, una dagaalamayaan hal ujeeddo. Si walba oo ay ahaataba, dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee is-haysiga dhexdooda ah iyo khilaafka sii socda ee u dhexeeya hoggaamiyayaasheeda ayaa muujinaya sawir kaa ka duwan,” ayuu yiri. “Farriimaha soo socda iyo cabashooyinka waxa ay noqon doonaan kuwo kuwiii hore kasii daran, tanina waxa ay si xun u saamayn doontaa dadaallada ay kooxdu ku qoranayso dagaalyahanno cusub oo ajaanib ah.”
Xuseen Maxamed, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo fadhigiisu yahay Muqdisho, ayaa saadaaliyay in dhacdooyinkan ay horseedi doonaan khilaaf dheeri ah oo ka iman doona gudaha al-Shabaab iyo in mustaqbalka dhow ay ka soo dhex bixi doonaan kooxo soo go’ay.
“Haddii dhibaatadan ka dhex jirta al-Shabaab ay sii socoto, garabyo cusub ayaa si dhakhso ah usoo shaac-bixi doona. Waxa ay u badan tahay in garabkaa ugu horreeya ee soo goosta uu taageeri doono Abu Mansoor al-Amriki,” ayuu yiri. “Haddii ay dhacdo in garabka ay ku badan yihiiin dagaalyahannada shisheeye ee al-Shabaab ka dhex jira ay go’aann, tani waxa ay wiiqi doontaa dhaq-dhaqaaqa, waxa ayna horseedi doontaa in ay si buuxda u dunto.”
Isha: Sabahi Online