Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all 817 articles
Browse latest View live

Magacyada wasiirada xiriirka la leh Al-Shabab ee Somaliland oo la shaaciyey

$
0
0

Hargeysa (Caasimada Online) - Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dhowr wasiir oo ka tirsan golaha wasiirada Somaliland ay ka tirsan yihiin ama ay xiriir la lee yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo Damul-Jadiid.

Xildhibaan Xaamud, ayaa sidoo kale caddeeyey magacyada iyo deegaanada ay kasoo jeedaan dhowrka wasiir ee uu sheegay inay kooxda Al-Shabaab xiriirka la lee yihiin, isaga oo sheegay in dowladda Somaliland dhexdeeda looga yaqaan “Gaab-Gaabyada”.

Waa mas’uulkii labaad oo Somaliland ah oo wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland la xiriirsha kooxda Al-Shabaab, kadib markii wasiir ku xiggeen hore uu sidoo kale arrin noocan ah shaaciyey toddobaadkii tagay.

Halkan ka dhageyso xildhibaan Xaamud

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

 


XASAN DAAHIR oo is-beddel sameeyey

$
0
0

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah Kornel ka tirsanaa Ciiddankii XDS, ahna Hoggaamiyihii Urur-diimeedka hubeysan ee Xisbul-islaam ayaa ka shanqariyey Aragtidiisa ku aadan Xaalladdaha haatan lagu sugan yahay iyo Mowqifyadiisa ku aadan yihiin Siyaasdda

Cod Maqal ah oo uu Sheekh Xasan Daahir Aweys ka soo diray Hoyga uu ku xabisan yahay ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey qoddobo muhiim oo uu kaga hadlay Arrimaha Siyaasadda, Amniga, Dhaqanka Islaamiga, Munaasabadaha Qaranka iyo Nidaamka ay Madaxda Dowlad-gobaleedyadda ugu hirtaan, ugana soot ala-qaataan Dowladda Federalka Ethiopia.

Hadalkiisa oo laga baahiyey Warbaahinta ayaa waxa uu Sheekh Xasan Daahir Aweys sheegay in Nidaamka is-waafijinta Dowladda iyo Diinta ahayd mid soo jireen ah, iyadoo uu xusay in Dowladdii Aadan Cadde loo gudbiyey Talooyin ku aadan in Nidaamka Dowladda lagu lammaaniyo Diinta.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sannadkii 1963-kii Muqdishu yimid, waxa uu inta badan Noloshiisa ku qaatay Nolosha Milliteriga, oo uu ka gaaray Darajadda Korneel buuxa.

Waxa uu bilowgiui sannadihii 90-aadkii ka mid ahaa Asaasayaashii Xisbigii Al-itixaad ee ka hawlgalay qeybo ka mid ah Gobalka Gedo, ka hor intaysan Milliteriga Ethiopian kala yaacanin xubnihii Al-itixaad.

Madaxdii iyo Dagaalyahannaddii Al-itixaad Islaamiyah, waxay u wareegeen qeybo ka mid ah Goballadda W/bari oo ay Maamulka Puntland maamulaan, waxayna Kornel Xasan Daahir Aweys iyo ciiddamadiisa horumar ka gaareen dagaallo ay la galeen Maleeshiyaddii Maamulkaasi.

Waxaana la sheegaa inay gacanta ku dhigeen, kadibna ay iska sii daayeen Marxuum C/llaahi Yuusuf, oo mar Madaxweyne ka ahaa Puntland, ka hor intuusan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia noqonin.

Halganka Kornel Xasan Daahir Aweys oo asaas u ah Baraarugga Islaamiga ayaa waxa uu Khudbadiisii ku sheegay in loo baahan yahay in la isku dabaqo Diinta iyo Dowladda iyo in taageero laga kasbado Shacabka oo waayadan cabsi-la-nool noqday.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo aan horey looga baranin inuu afka ku ballaariyo Eedeymo iyo naqdin uu u jeediyo Xarakadda Alshabaab ayaa waxa uu tilmaamay inay Xarakadda Alshabaab yihiin kuwo aan oggolayn in wax laga sheego, isla markaana ay sababeen inay Alshabaab dagaalka ay kula jiraan Ciiddamadda shisheeyaha ee dalka haysta ku dareen inay dilaan Culumadda, Aqoonyahanadda, Ganacsatadda iyo Birri-ma-geydada kale.

Xasan Daahir waxa kaloo uu si kulul u weeraray Maamulladda ka jira Somalia, oo uu tilmaamay inay yihiin kuwo ka talo-qaata Dowladda Ethiopia.

Waxa uu xusay in Madaxweynayaasha Puntland, Somaliland, Jubbaland iyo Muqdisho inay dhamaantooda talada ka qaataan Dowladda Ethiopia, waa sida uu hadalka u yiri.

Xasan Daahir oo cajalladda codka uu soo diray socotay muddo 40-daqiiqo waxa kaloo uu ka hadlay Munaasabadda SYL ee 15-ka May, wuxuuna ammaanay Halgankii Dhallinyarradii SYL u soo galeen Gobanimadda Somalia.

Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay Munaasabadda Maalinta Xornimadda iyo Israacii Somalia ee Kowda Luulyo oo foodda nagu soo hayso, wuxuuna tilmaamay inaanu dabaaldeg dhici Karin, maadaama dalka ay Shisheeye haystaan oo aysan jirin xornimo.

Markaynu isku soo duubno, hadalka Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa laga dareemayaa inuusan jaal la ahayn Dowladda iyo Alshabaab oo uu horey naftiisa kala soo baxsaday.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Xukuumada Somalia oo qorsheysay in dalku amni noqon iyo BF oo ansixiyey

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Gen. Maxamed Sheikh iyo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Gen. Indhaqarshe oo ahaa masuuliyiintii laga sugayey inay dalka Soomaaliya u dhisaan Ciidamo Xoog oo dalka ka ilaaliya cadawga dibadda iyo gudaha ayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka hor sheegay in hadda aysan jirin Ciidan Xoog oo shaqeynaya oo gacantooda ku jira.

Ciidamada Xooga Dalka ee haatan jira ayay sheegeen in markii tababarada loo soo xiro ay inta badan u kala baxaan qaab qabiil, kalana raacaan masuuliyiinta dawladda ku qabiilka ah, qaar gobolada kala aadaan, una dagaalamaan qabiiladooda. Ciidamada Xooga Dalka oo dibadda iyo Dalka gudihiisa lagu tababaro ayay sheegeen in markii la tababaro oo la hubeeyo kadib kala firdhadaan inta badan, amni darada dalkana qeyb ka noqdaan.

Ciidamada ayay sheegeen in qeybi joogto Muqdisho iyo Labada Shabelle, Qeybna Bay iyo Bakool, Qeybna Jubadda Hoose iyo Gedo, qeybna Hiiraan iyo Galgaduud, ciidamadaas oo ay sheegeen in qaab beeleed u kala qeybsan yihiin, aysana jirin qeyb u gudbi karta qeybta kale. Ciidamada ayay sheegeen in ninkii dhawacma uu beeshiisa ka sugayo daaweyntiisa, sidoo kalana kii dhinta aan la daryeelin agoonta uu ka tago.

Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka oo sanadkaan loo ansixiyey lacag ka badan 50 Milyan Doolar ayaan sheegin isbedel cusub oo ay ku sameynayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, isbedelkaas oo ciidamada ka dhigaya ciidamo mideysan, tababar fiican leh, amar iyo kala danbeyn ku shaqeynaya, ahna ciidan dalka ka ilaaliya cadawga dibadda iyo kan gudaha.

Warbixinada Wasiirka iyo Taliyaha Ciidamada Xooga dalka ayaa ahaa in sida uu haatan u dhisan yahay ciidanku iyo sida uu u shaqeeyaba ay dalka kusii kordhineyso amni xumada, Fowdada iyo kala danbeyn la,aanta taasoo ka dhigaysa in Xukuumada Soomaaliya iyo wasaaradda Gaashaandhigu qorsheeyeen in dalka iyo dadka Soomaaliyeed-ba aysan helin amaan iyo kala danbeyn, Sidoo kalana dhageysiga warbixintaan murugada laheyd iyo wax ka qabad la,aanta baarlamaanka Federaalka oo u ansixiyey dhowaan lacag ka badan 50 Milyan Doolar Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa ka dhigeysa Baarlamaanka mid qeyb ka ah in Dalku helin amaan iyo kala danbeyn.

Lacagtaan ka badan 50-ka milyan Doolar ayaa noqoneysa mid ku dhamaata inta badan Jeebka Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka iyo Saraakiisha Saadka, Lacagtaan oo bishii Noqoneysa in ka badan 4 Milyan Doolar ayaa Mushaar, Saad, qalabeyn u noqon karta ciidan ka badan 10 kun oo askari oo bishiiba qaata min 300 Doolar, Sidoo kale Ciidanka Xooga ayaa wadamo Caalamka ah ka hela lacag ka baxsan Miisaaniyadda la qorsheeyay oo ah nus kamid ah mushaaraadka Ciidamada magac ahaanta u jira

Xiliyadii hore Ciidanka Xooga waxaa lagu dhisi jiray iyadoo ciidanka la qaadanayo lagu xulan jiray dhirirka, Caafimaadka, da’da iyo wixii lamid ah iyadoo ciidanka kamid noqoshadiisa lagu tartami jiray, Xiliyadii danbe xiligii dawladda ayaa dhalinyarada laga qafaali jiray Magaalooyinka, Tuulada iyo Baadiyahaba iyadoo ciidamada lahaayeen xerooyin kala duwan, amarka iyo kala danbeyntuna aad u shaqeyn jirtay, Mushaarka iyo Raashinka ciidankana la xaqiijin jiray, sidoo kalana ciidanku lahaa sharci ciqaabeed adag oo lagu fuliyo qofkii ku xadgudba shaqadiisa, jabiyana amarka iyo kala danbeynta.

Wasiirka Gaashaandhiga oo Baarlamaanka hor keenay heshiis difaac oo uu sheegay in Dawladda Soomaaliya la gashay dalka Talyaaniga ayaan la ogeyn waxa heshiiskaani kusoo kordhinayo helitaanka Ciidamada Xooga Dalka oo Soomaaliya yeelato. Heshiiskaan oo markii ugu horeysay la arkay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya iyo Saraakiil Talyaani ah oo Baabuur tobaneeyo ah, Tuute iyo Kabaha Ciidamada ku wareejinaya Raisul wasaaraha Soomaaliya iyo Taliyayaasha Ciidamada.

Baarlamaanka Soomaaliya oo warbixinadaan Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka dhegaystay ayaan ku dhaliilin Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka xilka ay u qaadeen shacabka Soomaaliyeed oo ay kasoo bixi waayeen, ama soo jeediyaan xil ka qaadista masuuliyiintaan sheegay inaan laga sugeynin ciidan Xoog shaqeynaya, sidoo kalana masuuliyiintaani lama imaan qorshe hufan oo lagu dhisayo ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

Taliyayaashii Ciidamada iyo abaanduuliyayaashii Ciidamada sida Gen Geele, Gen Carfiid, Gen Diini, Gen Dhegabadan ayaa qaarna is casileen qaarna xilalka laga qaaday sababo aan la ogeyn, Ciidanka Xooga Dalka ayaa haatan maraya xiliyadii uu ugu liitay sidii Taliyaha Ciidamada uu u noqday Gen Indhaqarsho. Taliyayaashii Guutooyinka Ciidamada ee kala ahaa Gen Cagey, Gen Saneey, Gen Caanood ayaa dhamaan laga dhigay Hawl gab iyadoo aan la ogeyn sababta ka danbeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

VIDEO: AAR Maanta oo loo diiday inuu dhaanto ku duubo Jigjiga + Jawaabtisa

$
0
0

Fanaanka Aar maanta ayaa bartiisa Facebook soo dhigay hadal uu ku muujiyay inuu heesta Go’doomay ku duubay qurbaha kadib markii lagu qabyaaladeeyay Jigjiga.

Fanaanka Aar maanta oo shacbiyad badan leh wuxuu bartiisa Facebook ku yiri Dhaantooyin laysku xaasido iyo Soo bandhiga bilicda dhulka hoyoo layska hor istaago, ayaa igu kaliftay inaan qurbo video ku duubo. Sheekada‪#‎Go’doomey‬ jaceyl keliya maahee ila fahma ‪#‎TBT‬ Jigjiga, 2013″

Sawir cusub: General Gabre oo Cabdi Weli uga hiiliyey madaxweyne Xasan

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiin Caamir ayaa soo saaray sawir gacmeed cusub oo uu ku muujiyey loolanka siyaasadeed ee ka dhex oogan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo General Gabre-ha Ethiopia oo dhex taagan.

Waxaa sawirka ku jira Faarax Cabdulqaadir iyo Cabdi Kariim Guuleed oo daawanaya loolanka labada nin, waxaana Amiin Caamir uu muujinayaa in Gabre u hiilinayo Xasan Sheekh.

4_JUNE_2014

 

Siday ku billaabatay Afarta Faataxo oo Soomaalida isu marto? (Wax ka ogow)

$
0
0

Erayga Faatixa macnahiisu waa “Furto”, waa magaca la siiyay suuradda quraanka kariimka ah lagu furo, (opening chapter, waxay ka kooban tahay 7 aayadood. Waxaa lagu magacaabaa (ا م الكتاب) kitaabka hooyadii. Waa tiirka 4aad ee 18ka tiir ee salaadda, rasuulkana scw wuxuu yiri: (لاصلاة لمن لم يقرأ بام الكتاب) Salaad maleh qofkii aan Faataxada akhrinin, kamana  ansaxin.

Ilaah Subxaanu wa tacaalaa wuxuu nabigeena ku yiri: ( ولقد ءاتيناك سبعا من المثانى و القرءان العظىم( ) Waxaan ku siinay 7 la celceliyo iyo quraanka weyn, Alxijri (87). Faataxada waxaa lagu celicliyaan salaadda dhaxdeeda, waxaana lasiiyay nabiga scws, lagu yiri: Indhahaaga ha u taagan wax aan ugu raaxeynay nuucyo dadka ka mid ah, sidaasaana sha,nniga  faataxada u weyn.

Abkoowyaasheenii waxay nagu dhihi jireen Faataxo waa faras mu,min. Farasku wuxuu ahaa gaadiidkii ugu fiicnaa oo xlligoodii jiray, kuna gaari jireen meesheey doonaan, faataxadana waxay aaminsanaayeen in qofkii niyadsami loogu maro in liibaan ku gaari doono. Sidaas darteed, ma jirin wax ay ku doorsadaan.

Magaalada Muqdisho, waxaan goobjoog u horaantii 80-naadkii, nin macruuf aan ahaynay oo asagoo mooto saarnaa fatuurad lagu dilay iyo wiil mid kale eryaayay oo kan dambe madaxa albaab ku dhufsaday, sidaana ku geeriyooday, markii ehelkoodii diyo loo geeyay ay doorbideen in 4 faataxo loo maro.

Haddaba, sideey ku bilaabatay 4ta faataxo oo aan maanta isu marno iskuna maslaxno? Sheekadu (legend) waxay leedahay in odaygii Cali Cusmaan “Abgaal” (Camels,  Ancestor) uu maalin damcay inuu rati gado.

Wuxuu u yeeray mid wiilashiisa ka mid ahaa, kuna yiri “Ratigaan soo gad, qofkastoo qiimo kuu gaarana weyddii, Maxaa intaa dheeer?” wiilkii qiimaha ratiga loo gaaray qof wax dheeri ah ugu daro waa waayay hal nin maahee. Kaasoo u gaaray inuu kaga iibsanaayo tiir (Beam), Wiilkii wuxuu waydiiyay “Maxaa dheeri ah”? Ninkii wuxuu ugu jawaabay “4  faataxo”. Sidaasuu ratigii uga gaday, uguna laabtay aabbahiis oo markuu guriga yimid weyddiiyay.

“Maxaad ku soo gaday ratigii?” looguna jawaabay “Tiir: Maxaa dheeri ah? 4 faataxaa ayaa loogu warceliyay”. Cali Cusmaan wuxuu ku qancay beecii ratigiisa.

Waxaa la jarjaray tiirkii oo dab uu oday diirsado loogu shiday. Hase yeeshee markii qaacii (smoke) dabka uu odagii ku baxay, waxaa dhacday mucjiso la yaab leh.

Odayga oo indho beelay, indhihiiyaa u furmay, waxaa u soo noqday araggiisii. Kolkaasaa indhoolayaashii degaanka oo idil ay maqleen in reer Cali Cusmaan ay heleen tiir qaaciisa indhaha furo, kana soo raadsadeen ayagoo u sido xoolo ka fara badan qiimo kastoo ratigaa laga siin lahaa.

Sidaasey faataxada noogu timid waxaana lagu gaaraa liibaan uusan malaysan karin dadka qaarkiis.

W/Q: Axmed Moxamed Axmed

Video: Axmed Ismaciil Samatar oo lagu ceebeystay wareysi cusub (Daawo)

$
0
0

Nairobi (Caasimada Online) - Weriye Xamdi Maxamed Kadiye oo ka tirsan TV-ga Universal, ayaa wareysi cusub ka qaaday Axmed Ismaaciil Samatar, oo sheega inuu yahay aqoonyahan, si aad ahna u dhalleeceeyaa siyaasadda Soomaalida.

Wareysigan cusub, ayaa ahaa mid aad u adag, oo su’aalo adag oo uu Axmed Samatar ku ceeboobay lagu weydiiyey.

Su’aalaha Samatar la weydiiyey waxaa ka mid ah, sababta mar kasta mucaarad ka dhigtay, in aqoontiisa ay tahay mid aan caqli wadan iyo in xil dartiis uu qaranka Soomaaliya uga doortay Somaliland.

Wareysiga cusub halkan ka daawo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Bank Statement caddeynaya lacag ku dhow $5 milyan oo uu dhacay mas’uul xil sare ka haya DF Somalia

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Caasimada Online, ayaa heshay document caddeynaya hantida qaranka Soomaaliyeed ee Taliyaha Nabad Sugidda Bashiir Maxamed Jaamac oo loo yaqaan Bashiir Goobe uu dhacay.

Document-gan oo ah Bank Statement kasoo baxay shirkadda Dahabshiil ee Muqdisho, ayaa muujinaya lacagtii soo gashay account-ka Bashiir Goobe iyo intii ka baxday muddo sanad ah laga soo billaabo 1-dii June 2013 illaa 1-da June 2014.

Caasimada Online ma shaacineyso sida ay ku heshay document-gan xasaasiga ah, hase yeeshee waxaan dareemeynaa in waajib naga saaran yahay inay shacabka Soomaaliyeed ogaadaan dadka xilalka u haya iyo ficilladooda. Ma ahan oo kaliya Bashiir Goobe ee madax badan ayaa dalka ka dhacay hanti, waana soo gudbin doonaa insha allah marka aan fursad ku helno.

Sida ku cad warqaddan, waxaa Account-ka Bashiir Goobe sanad guduhiisa kusoo dhacay lacag dhan 4,906,077 (Afar Milyan, sagaal boqol iyo lix kun, iyo toddobaadan iyo toddoba) dollar.

Lacagta inteeda badan, waxa ay account-ka ugu soo dhacday min dhowr boqol oo kun, waxaase lacagta laga bixiyey afar goor, ayada oo loo wareejiyey Bankiyo kale oo ajnabi ah, halka qaarna ay weli ku jirto.

Bashiir Goobe, ayaa 200, 000 kun oo dollar oo ka mid ah lacagta ku shubtay Bank-ga Salaam Somali Bank, oo laga lee yahay dalka Jabuuti, halka uu 2,929,000 uu ku shubtay Bank la yitaahdo Falcon Swiss PB, ayada oo isu geyntaasi ay tahay 3,129,000, sida ku cad warqadda. Illaa 1,777,077, ayaa weli ka jirta, waxaanse dareensannahay inuu kala bixi doono, marka warkan aan faafinno.

Caasimada Online, ayaa kadib baartay Falcon Swiss PB, waxaana ogaanay inuu yahay Bank dadka madaxda iyo maal qabeenada ah ay lacagta ku qarsadaan oo magaciisa buuxa uu yahay Falcon Swiss Private Bank, kuna yaalla magaalada Zurich, Switzerland.
Waxa ay Caasimada Online xiriir la sameysay Bank-gaas, waxaana uu xaqiijiyey in Bashiir Goobe uu yahay macaamilkooda, balse aysan wax intaas dhaafsan oo faah faahin ah bixin karin.

Caasimada Online waxa ay horey u faafisay document-yo kale oo muujinaya in magaalada Muqdisho ay ka howl gasho shirkad ajnabi ah oo lagu magacaabo Black Stone Security Firm, oo uu dalka keensaday Bashiir Goobe, kuwaasi oo lacag ka sameynaya amni darrada Muqdisho.

Madaxda iyo Shaqaalaha hay’adda Nabadsugida, ayaa waxaa ka xaaraan ah inay yeeshaan company private ah inta ay mas’uuliyada hay’adda hayaan, maadaama company-gaani shaqadiisu ku xirnaanayso in amni daro dalka ka dhacdo taasoo keeneysa sida haatanba dhacday in Taliyaha hay’adda Nabadsugidu ka shaqeeyo in dalka amni daro ka dhacdo, si company-giisu shaqo u helo.

Lacagtan ah 4,906,077 (Afar Milyan, sagaal boqol iyo lix kun, iyo toddobaadan iyo toddoba) dollar, ayaa waxaa inteeda badan uu Bashiir Goobe ka sameeyey mushaharkii shaqaalaha hay’adda nabad sugidda loogu tala galay iyo shirkaddiisa dhinaca amniga qaabilsan, sida aan xogta ku helnay.

Shaqaalaha hay’adda nabad sugidda, ayaa markii uu xilka ka degay madaxweyne Sheekh Shariif waxaa mushaharkooda la dhimay illaa bar, ayada oo sidoo kalena laga joojiyey lacag dheeri ah oo la siin jiray qofkii xog xasaasi ah ka keena Al-Shabaab. Kaaga sii daran’e dhowrkii bilood ee u dambeeyey wax mushahar ah lama siin.

Markii la weeraar xarumaha madaxtooyada iyo baarlamanka, waxaa la filayey in madaxweyne Xasan Sheikh uu xilka ka qaado Goobe, balse ma aysan dhicin, waxaana xog cusub oo ay heshay Caasimada Online ay sheegeysaa in Bashiir Goobe uu sir xasaasi ah ka hayo madaxweynaha iyo kooxdiisa Damu-Jadiid, sidaa darteedna uusan xilka ka qaadi karin.

Haddii Xasan Sheekh uusan xilka ka qaadi karin Bashiir Goobe, macnaheedu ma ahan in Bashiir Goobe uusan xilka ka qaadir karin Xasan Sheekh, waxaana uu ku howlan yahay arrintaas sida ku cad warqad sir ah oo aan daabacnay toddobaadkii tagay. Halkan ayaad ka arki kartaa

Halkan ka arag documents-ka caddeynaya lacagta uu dhacay Bashiir Goobe

FG: Waxaan qarinay account number-ka Bashiir, waxaa inoo diidaya sharciga saxaafadda inaan dadka tusno

001002

Qeybta Daba galka ee Caasimada Online
Muqdisho, Soomaaliya


Video: Muuqaalka maanta & Muqdisho

$
0
0

Bilicda Magaalo Madaxdaa Caasimadda ee Muqdisho waxeey isku badashay muuqaal iyo jawi kale kadib Dib u dhis xoogan iyo horumar baaxad weyn leh oo si xowli ah uga soconaya waayihii u dambeeyay.

Hadaba Muuqaalka Muqdisho iyo sida uu maanta yahay hadaad daawato waxaa hubaal ah in aad xusuus iyo qiimo darteed la ilmeyneyso ee nala daawo muuqaalkii u dambeeyay ee Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: 

 

Muqdisho oo ay xildhibaan beeleedyo ku habsadeen + Dhibka dastuurka DF

$
0
0

Xildhibaanada Dawladda Federaalka Soomaaliya:

Waxaa ay ka kooban yihiin 275 xildhibaan waxeyna kasoo jeedaan beelaha Soomaaliyeed oo lagu sheego 4 beelood iyo Bar. Xildhibaanada Soomaaliya kuma imaanin sida xildhibaanada caalamku ku yimaadan oo ah doorasho laga soo doorto deegaan gaar ah, Xildhibaanada Soomaaliya waxaa ay ku yimideen qabiil oo ay metelaan.

Jahwareerka Xildhibaanadani ku hayaan qaranimada Soomaaliya waxaa weeye xildhibaanadani ma matalaan Maamulada Somaliland, Puntland iyo MKG ah ee Juba, sidaas oo ay tahayna Xildhibaanadaan iyo Xukuumaduba Waa Federaal oo Dhamaan Soomaaliya qabaa’ilkeeda degan gobolada kala duwan ee Soomaaliya ayay ka kooban yihiin, haddana Mushaarkooda iyo Miisaaniyadooda waxaa ay ka timaadaa oo kaliya Magaalada Muqdisho.

Adduunka Waxaa ka jira oraahda caanka ah ee ku saabsan xaga cadaalada “No Taxation without representation” oo micnaheedu yahay ‘Canshuur maya hadii aan Matalaadi jirin dadka canshuurta laga qaadayo”. Arrinta cajiibka ah waxaa weeye Dadka Muqdisho oo canshuurta laga qaado ganacsigooda iyo shaqooyinkooda matalaada Dawladda Federaalka ee saldhigeedu yahay Xamar waxaa ay kala mid yihiin Dadka kasoo jeeda Somaliland, Puntland iyo MKG ah ee Juba.

Xildhibaanadaan iyo xubnaha Xukuumada ee Dulsaaran Muqdisho go,aan kuma laha shirkad dhisaysa Dekedaha ama Garoomada Boosaaso, Hargaysa, Berbera, Kismaayo, sidoo kale Deeqaha lasiinayo Maamuladaas lagalama tashado, haddana waxaa muuqanaysa in Xildhibaanadaani qaar badan oo kamid ah ayba Muqdisho u joogaan in caasimada Dalka ka ilaaliyaan horumarka.

Xildhibaanadani ma ahan kuwo abaal leh, Ma ahan kuwo qaranimo gaarsiinaya Soomaaliya, Waxaa uun ay ka shaqeeyaan in dalku uusan degin, Xildhibaanadani sooma saaraan sharciyo dalka gaarsiinaya Sinaan, midnimo iyo Cadaalad, inta badan waxaa ay ku qanacsan yihiin in Xamar u dawladeeyaan, Horumarka ka ilaaliyaan.

Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Dastuurka Dawladda Federaalka Soomaaliya ma ahan mid Soomaali samaysatay, Dastuurkaani Soomaaliya isaga ayaa ugu filan in Soomaaliya aysan ebidkeed noqon qaran la mid ah dalalka Caalamka, Dastuurka ayaa ah mid u diyaarsan in Madaxda Soomaaliya khilaaf joogto ah ku jiraan, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha awoodahoodu kalama cada, madaxweynaha la doortay ninka uu u magacaabo Ra’iisul wasaaraha awoodahoodu kalama cada, taasi waa mid ka mid ah qorshayaasha loo sii diyaariyey Soomaaliya si aysan hore ugu dhaqaaqin.

Dawladaha xubnaha ka noqonaya waxa dastuurku ugu yeero federaalka Soomaaliya sida ay u wada shaqeynayaan ma cadda, Dastuurka kuma qorna, qaabka ah 2 Gobol iyo wixii ka badan ayaa noqon kara dawlad xubin ka ah federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna ah caqabad kamid ah caqabadaha loo dhigay qaranimada Soomaaliya.

Maamulka Puntland ee Dawladu aqoonsan tahay ayna doonayaan in Dawlado sidaa ah loo dhiso Soomaaliya ayaan Soomaaliya kala mideysneyn Dastuurka, ciidanka, canshuurta, Garsoorka. Wuxuu leeyahay inta dawladda Soomaaliya leedahay, Xildhibaanada iyo Dastuurka jahwareerka ah ayaa hortaagan qaranimada Soomaaliya.

Inkastoo Dastuurka Federaalka ku qoran tahay in qofka Soomaaliga ah xaq u leeyahay inuu ku noolaado, ka shaqeysto, Xil ka qabto, xisbi xubin ka noqdo meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah haddana Maamulka Puntland waxaa ku nool dad Soomaaliyeed oo ka badan 200 kun oo qof oo ka tegay Koofurta Soomaaliya, dadkaasi xuquuq kuma laha Puntland lamid ah Beelaha sida gaarka ah isku siiyey Puntland, sidaas oo ay tahayna Beelaha sida gaarka ah isku siiyey Puntland ee Majeerteen, Dhulmahante, Warsangeli iyo Leelkase dadka kasoo jeeda Markii ay yimaadaan Koofurta Soomaaliya sida Muqdisho iyo Kismaayo waxaa ay la xuquuq yihiin dadka goboladaan degan oo aan iyagu xuquuq ku lahayn Puntland. Somaliland iyadana waa sidoo kale, inkastoo Somaliland sheegato in Somalia ka mid aheyn, haddana qabaa’ilka dega Somaliland waxaa ay kamid yihiin baarlamanka iyo xukuumadda.

Dhibka ugu badan oo uu dalku ka degi la yahay ayaa ka imaanaya Xildhibaanada qab’iilka metela oo Muqdisho ku habsaday iyo dastuurka loogu talo galay inuu nabada ka ilaaliyo Soomaaliya oo in wax laga bedelaa aadka loo adkeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Video: Goorma ayaa kugu dambeysay suuqa ugu weyn kalluunka ee Xamar?

$
0
0

Muuqii Muqdishoiyo Sidii uu ahaan jiray berigii Bariisamadka oo dib u soo noqonaya taasoo aan ula jeedo Muqdisho waxii lagu yaqaanay ee kheyraadka ugu horeeya oo dib loo helay.

Waxaan dib idiin xusuusineynaa suuqa ugu weyn ee magaalada Muqdisho, si aad u aragtaan kheyraadka dabiiciga ah ee dalka Soomaaliya.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Socdaalkii taariikhda galay ee uu Ibnu BATTUUTA ku tagay MUQDISHO

$
0
0

Socdkii Ibnu Batuuta 1325-1354

Qaybta Kowaad

Soo gaaritaanka Muqdishow

Ibnu Battuuta [-1] oo ahaa Dal-mareen ku caanbaxay socdaal dheer ee uu ku maray, meelo badan oo ka mid ah Caalamkii Hore ama dunidii la yaqiinay waayihii Casriga Dhexe, (Periodi Medievali), isagoo in ka dhaw sodon sano ku bixiyay socdaalkaas, kuna tagay magaalooyin taariikhi ah ee Dunidii watigaas

Socdaalka Ibnu Battuuta oo ahaa Qarnigii 7aad ee Hijriyada, kuna beegan kii 13aad ee Milaadiga, ayuu Ibnu Battuuta ku qoray Kitaabkiisa Socdaalka Ibnu Batuuta ee loo yaqaano: Tuxfatul Al-anthaar fii Garaa’ib Al-amsaar wa Cajaa’ib Al-asfaar

Kitaabka (Socdaalka Ibnu Battuuta) oo lagu tarjuma luqado badan, ayaa nusqadda, (Script) aan guud ahaan kasoo qaaday (Documnet)-ga qoraalkan, waxaa soo saaray, hor-dhacna u sameeyay Cabdulhaadi Al-taazi oo xubin ka ah Akadeemiyada Boqortooyada Marooko; kitaabka oo la daabacay sanadkii 1417-H, 1997; waxaa kale oo aan dhinaca tarjumada, gaar ahaan eryayda, ka faa’iideystay nusqad ka mid ah qaybaha Afka Talyaaniga loo badala, si gaar ah kan, Ross E. Dunn, Gli Straordinari Viaggi di Ibn Battuta.

ibnu battuutaWaxaan tarjumay inta ku saabsan socdaalkiisa Muqdishow, anigoo hab ahaan raacay, inta badan, tarjumada dhinaca macnaha; kuna dadaalay in erayada muhiimka u ah aan sidooda u dhaafo, xariiqna hoosta ka mariyo si aan, dhamaadka qoraalka, macnahooda u sheego

Waxaan u sameeyayama dhawr cinwaan, (Subtitles, sottotitoli) oo aan kasoo saaray qoraalka, hayeeshee kan ku saabsan maqaamka ama sharafta Suldaanka Muqdishu uu horey u jiray

Ibnu Batuuta oo ka hor, inta uusan gaarin Moqdishow soo maray wadamo badan ayaa dhulka, waqti danbe, loo bixiyay Soomaaliya kasoo dagay magaalada taariikhiga ah ee Saylac, ka dibna u shiraacday dhinca Muqdishow.

Ibnu Batuuta oo buuggiisa, guud ahaan, u qoray qaab ah ka waramid sheeko tilmaam ah, (Descriptive narration) waxuu hadalkiisa ku bilaabay:

Waxaan u baxnay, (Markabkii uu ku yimid Saylac iyo dadkii saarnaa), safar dhinaca badda, oo muddu shan iyo toban habeen ah ka dib aan soo gaarnay Maqdasho [-2] (Sidaas ayaa magaca magaalada loogu dhawaaqi jiray).

Waa magaalo aad u balaaran oo dadkeedu leeyihiin ama dhaqdaan geel badan. Waxay maalin walba gawracaan boqol neef oo geel ah. Waxaa kale oo ay leeyihiin ari aad u badan; waa dad ganacsato ah oo, jir ahaan, xoog badan. Waxaa Maqdasho lagu sameeyaa dhar, farsamo ahaan, magaceeda lala xiriiriyo oo ay magaaladu caan ku tahay; dharkaas, oo wax la mid ah uusan jirin, ayaa loo suuq geeyaa Masar iyo wadamo kale

Waxaa caadada dadka degan magaalada Maqdasho ka mid ah, in haddii uu markab kusoo xirto marsada ay doomo yaryar usoo diraan halka markabku joogo. Waxaa doomaha saaran dhalinyaro mid waliba uu gacmaha ku sido saxan, ama xeero daboolan oo ay cunto ku jirto; wiil kasta oo dhalinyarada ka tirsan waxuu cuntada siinayaa nin ka mid ah ragga markabka la socda, oo ah ganacsato u timid Maqdasho hawlo beecmushtar, islamarkaana waxuu ogeysiinayaa in ninka uu siiyay cuntada reerkooda marti u yahay.

Waxaa jira rag ganacsato ah oo markabka la socda, magaaladana dhawr jeer oo hore yimid; raggaas kuma raagaan markabka dushiisa; waxay ku degaan halkii ay doonaan madaama magaalada ay ku leeyihiin dad macaamil ganacsi iyo aqoon kala dhexeyso

Marka leys dhaafsanayo badeecada ama iibku uu dhacyo, waa in ganacsatada labada dhinac ay joogaan goobta. Sidoo kale, ganacsatada reer Maqdasho ma aqbalaan in badeecadood qiimo raqiis ah lagu qaato!

Dhalinyarada markii ay soo fuuleyn dusha markabka, ayaa nin ila socday oo musaafirka ka mid ah u sheegay inaan, anigu, aheyn ganacsade, hayeeshee ah nin faqiih [-3]ah ama caalim. Dhalinyarada kii ugu soo horeeyay ayaa ku dhawaaqay: “Ninkaan waxuu marti u yahay Qaadiga magaalada.” Markaas ayaa nin qaadiga la xiriira arrinteyda si gaar ah loogu sheegay; kaasoo ka dib ii kexeeyay dhinaca xeebta isagoo ay dhinaca ka socodaan koox arday ah.

taariikhiKa dib markii aan soo degay, oo aan salaantana kala qaadnay Qaadiga iyo daka la jooga ayuu Qaadigu igu yiri, “Bismilaahi, waxaan soo salaamaynaa Sheykha” -Waxaan ku yiri: “Sheykhu yuu yahay?”  -Waxuu iigu jawaabay, “Waa Suldaanka”

Xaakimka ama suldaanka, ayaa, sida wadamo badan oo kale, ay reer Maqdasho iyaguna ugu yeeraan naynaasta ah ‘Sheykh’

Qaadiga waxaan weydiistay, ka hor inta aanan booqan Suldaanka in marka hore aan dego. Waxuu iigu jawaabay: “Waxaa dhaqan ah, in haddii uu yimaado nin faqiih ah ama shariif ah iyo qof saalax ah, (Diin wanaagsan), inuusan magaalada ku degin ilaa uu la kulmo Suldaanka” -Sidaas ayaan Qaadiga iyo raggii la joogay ugu raacay guriga Suldaanka

Suldaanka oo magaciisu yahay Abukar Sheykh Cumar, (Abu-bakar ibnu Sheykh Cumar), assal ahaana, kasoo jeeda Barbar, (Waaa magac loo aqoon jiray Soomaalida), ayaa afka Maqdashiga, (Afka Soomaaliga) ka sokow, waxuu yaqaan amd ku hadla Afka Carbiga. Waxaa caado u ah ama uu yeelaa haddii uu markab soo xirto, inuu markabka usoo diro qof soo ogaata ama hubida dalka markabku ka yimid, cidda iska leh, naaquudaha, (Kabtanka) wada, inta uu markabku la egyahay ama qaadkiisu yahay, badeecadda saaran iyo gancsatada la socota; markaas ka dib, ayuu Suldaanku go’aamiyaa ogolaashaha marti-galinta ama diidmo ah in masaafiriintu kasoo degin markabka!

Aniga iyo Qaadig, oo magaca loogu yeero yahay Ibnu Al-Burhaan, assal ahaana u dhashay Massar, ayaa markii aan gaarnay guriga Suldaanka waxaa noo soo baxay, oo na qaabilay wiilal dhalinyaro ah oo salaamay Qaadiga; islamarkiibana Qaadigu faray dhalinyarada inay, Amiinka [-4], ku war galiyaan in ninkan ila socda (Ibnu Batuuta) ka yimid dhanka Xijjaas.

Waqti yar ka dib, ayuu nagu soo noqday wiil ka mid ah dhalinyaradii fariinta qaaday. Waxaa loo soo dhiibay saxan ay ka buuxdo caleynta la cuno ee, Awraaqu tanbuul [-5]) iyo filfil. Waxuu isiiyay toban caaleemood, waxaa kale uu isiiyay xoogaa filfil ah. Qaadiga iyo ardayda xerta ah, iyagana, waxuu siiyay intii saxanka ku hartay. Waxaa kale aw inoo keenay weel uu ku jiro sharbeed ama cabitaanka loo yaqaano Biyo-wardiga, (Maa-ul wardi Al-Dimishiqi), biyahaas ayuu wiilkia aniga iyo Qaadiga noo shubay.

Markii aan wax cunay ayaa Qaadiga loo sheegay in Suldaanku soo amray in ninka soctada ah la dajiyo guriga (Daarul dalabah); oo ah guri aad ugu dhaw daarta Suldaanku deganyahay, waxaana loo diyaariyay ama loogu talo galay ardayda magaalada aan howga ku laheyn. Runtii, waa guri si wanaagsan loo firaashay oo wax kasta oo martidu u baahato laga helo!

[-1] Ibnu batuuta waxuu u dhashay dalka Marooko ama Al Magrib, waxuu kasoo jeedaa dadka Barberka ah. Magaciisa oo buuxa waa: Abuu Cabdallah Muxamed ibnu Cabdallah Al-luwaa’i Adanjji. Waxaa laysku raacsanyahay inuu ahaa dal-mareenka ugu weyn taariikhda

[-2] Maqdasho, ama Maq-da-sho: magaca magaalada Muqdishow sidaas ayaa loogu dhawaaqi jiray.

[-3] Faqiih: waa qof faham iyo ogaal qoto dheer u leh Qur’aanka Kariimka iyo Sunada Nabiga (CSW).

[-4] Amiinka: waxuu noqon karaa xog-hayahay ama ilaaliyaha Sheykha

[-5] Awraaqu tanbuul: waa caleen loo cuno inay hamuunta ama hungiriga qofka furto. Cunta guud ka hor ayaa la cunaa. Caleentaas, (Betel leaves), waxaa laga cunaa wadamada Aasiya iyo meelo kale

haileLa soco qaybta labaad ee Ibnu Batuuta & Muqdishow

Maamuus & marti-galin 

Tarjume: Xassan Xayle [hassanhaile@hotmail.com]

Video: Muqdisho iyo baashaalka Liido

$
0
0

Magalaada Muqdisho waxeey dib ugu noqoneysaa sidii ay ahaan jirtay waagii Bariisamaadka marka loo fiiriyo sida ay aheyd Sanadihii Tagay ee dagaaladu iyo colaadu ku habsadeyn Magaalada Caasimadda.

Muuqaalkani waxuu ku tusinayaa Sida maanta Shacabka rer Muqdisho ugu faraxsan yihiin Nabadda ayaga oo ku damaashadaya xeebta Liido.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Magacyada wasiirada xiriirka la leh Al-Shabab ee Somaliland oo la shaaciyey

$
0
0

Hargeysa (Caasimada Online) - Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dhowr wasiir oo ka tirsan golaha wasiirada Somaliland ay ka tirsan yihiin ama ay xiriir la lee yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo Damul-Jadiid.

Xildhibaan Xaamud, ayaa sidoo kale caddeeyey magacyada iyo deegaanada ay kasoo jeedaan dhowrka wasiir ee uu sheegay inay kooxda Al-Shabaab xiriirka la lee yihiin, isaga oo sheegay in dowladda Somaliland dhexdeeda looga yaqaan “Gaab-Gaabyada”.

Waa mas’uulkii labaad oo Somaliland ah oo wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland la xiriirsha kooxda Al-Shabaab, kadib markii wasiir ku xiggeen hore uu sidoo kale arrin noocan ah shaaciyey toddobaadkii tagay.

Halkan ka dhageyso xildhibaan Xaamud

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

 

DAAWO: Sheekh caan ah oo su’aal iyo hadal adag ku ceebestay madaxweyne Xasan Sheekh isaga oo hor-taagan

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Dadkii ka qeyb galay doodii Universal TV uu qabtay dhowr habeen ka hor ee madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa ka mid ahaa Sheekha Soomaaliyeed ee caanka ah ee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Sheekh, ayaa si toos ah ula hadlaya una dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo su’aal adag weyndiinaya.

Sheekh Nuur Baaruud, waxa uu madaxweyne Xasan indhaha ka saaray runta, isaga oo u sheegay inuu yahay nin jilecsan, oo aan lahayn go’aan adag, taasina ay keentay inuu isku duwi la’ yahay waddanka.

Waxa kale oo uu madaxweynaha ku eedeeyey inuu xilalkii dowladda u dhiibay ninba ninka ka xun, uuna dad aad u liita u gacan geliyey xilal muhiim u ah dalka.

Halkan ka daawo Sheekh Nuur Baaruud

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com


Video: Muqdisho iyo muuqaal cusub

$
0
0

Magaalo Madaxda Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ku yaalo Wadooyin waaweyn oo leh Taariikhyo kala duwan kuwaas oo qof walba u yaqaano si yaabo kala duwan ee adiguna aqristoow sidee u taqanaa magacyada Wadooyinkaan caanka ah.

Hadaba Aqristoow Muuqaalkani waa mid si weyn ku anfacaya in aad wax badan ka barato Magacyada Wadooyinka Muqdisho ee nala daawo Muuqaalkani Video-ga ah.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Dhageyso: HAWIYE oo go’aan adag ka qaadatay DF “Yeeli mayno dowlad dul saaran beesha Hawiye oo kaliya”

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Beesha Hawiye ayaa kullan xasaasi ah oo runta loogu sheegay dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku yeelatay magaalada Muqdisho.

Ujeedada kullanka ayaa Hawiye waxa ay ku sheegeen sidii looga tashan lahaa aayaha beesha iyo iska qabashada cadaalad darrada dowladda federaalka ay ku hayso dadka iyo deegaanka Hawiye.

Beesha Hawiye waxa ay sheegtay inay dowladda Soomaaliya kusoo dhoweysay deeganadeeda oo ay ku jirto caasimada Soomaaliya, ayna siisay taageero aysan ka helin beelaha kale ee Soomaalida, laakiin loogu abaal gudaya oo kaliya dhib.

Beesha Hawiye waxa ay caddeysay inaysan hadda iyo wixii ka dambeeya aqbali doonin in dowladda federaalka ay noqoto dowlad ku tiirsan oo kaliya dhaqaalaha deegaanada iyo canshuur laga qaado Hawiye.

“Dhaqaalaha kasoo xarooda Muqdisho sida canshuurta iyo dekedda iyo garoonka diyaaradaha kaliya kuma filna dowladda, waa in gobol kasta iyo magaalo kasta dowladda ay dhaqaale ka qaadataa, oo aysan noqon oo kaliya dowlad Hawiye ku tiirsan” ayay tiri beesha.

Waxa ay dowladda Soomaaliya u caddeysay in haddii aysan u caddaalad falin karin Soomaalida oo dhan in Hawiye uu la xisaabtami doono dowladda.

“Waxaan dooneynaa in dhaqaalaha Muqdisho loo madax baneeyo maamulka gobolka, waan ogolnahay xaqa dowladda, ayadana xaqeenna waa inay na siisaa, haddii kale waan iska dhicineynaa” ayey tiri beesha Hawiye.

Go’aanka cad ee Hawiye ayaa ah mid muddo dadka Hawiye ay dhowrayeen, una adkeysan waayeen dowlad u jirta oo kaliya Hawiye iyo deegaankiisa, oo haddana horumarkii Muqdisho caqabad ku ah.

Xubanah Dowladda Soomaaliya ayaa ka kooban dhammaan beelaha Soomaaliyeed, hase yeeshee waxay gebigood joogaan Muqdisho, ayaga oo aan xittaa tagi karin deegaanada ay sheegtaan, waxaana lagu biilaa dhaqaalaha deegaanada Hawiye.

Waxaa intaas ka darran in xubnaha Hawiye ee dowladda ee uu Xasan Sheekh ugu horeeyo aysan dareemi karin siyaasadda xun ee socota, marnaba aysan u fikirin sidii dadkooda iyo deegaankooda ula mid noqon lahaa qeybaha kale ee Soomaaliya.

Hawiye waxa uu iminka doonayaa in Muqdisho ay noqoto magaalo ay dadkeeda u madax banaan yihiin, diyaarna u ah inay xaqii ay ku lahayd dowladda federaalka iska bixiso.

Go’aannada Hawiye ayaa la filayaa in taageero weyn ay ka helaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha ee daafaha dunida.

Halkan ka dhageyso go’aanka Hawiye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Video: Blicda Xamar & muuqaal cusub

$
0
0

Bilicda Magaalo Madaxdaa Caasimadda ee Muqdisho waxeey isku badashay muuqaal iyo jawi kale kadib Dib u dhis xoogan iyo horumar baaxad weyn leh oo si xowli ah uga soconaya waayihii u dambeeyay.

Hadaba Muuqaalka Muqdisho iyo sida uu maanta yahay hadaad daawato waxaa hubaal ah in aad xusuus iyo qiimo darteed la ilmeyneyso ee nala daawo muuqaalkii u dambeeyay ee Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: 

 

Shirqool lagula wareegayo ganacsiga Soomaalida oo socda (Faah-faahin)

$
0
0

Beryahaan danbe waxaad la socotaan in shirar maalgashiyo iyo arimo ganacsi ku saabsan inay caalamka ka socdaan, loona qabanaayo Soomaalida ganacsatada ah iyo maalgashiyayaal Ajnabi ah. Arintaasi waa arin u baahan in si taxadar leh loola socdo lana doonaayo in laga feejignaado qorshayaasha ay maleegayaan qawlaysatada aadka ugu taqasusay sida loogaga faa´idaysto dalalka ay dagaalada sokeeye aafeeyeen oo ay horey cilmi baarisyo badan ugu sameeyeen.

Shirkii London ka dhacay ee ay dawladda Ingiriiska ay hogaaminaysay waxaa aduunku si hoose talada Soomaaliya loogu dhiibay dalka Ingiriiska iyo dalka Turkiga oo aysan Soomaalidu xasaasiyad weyn ka qabin aadna u caawiyey waqti ay Soomaaliya u baahneyd ilaa iyo haddana mashaariic waaweyn ka wada. Labada dawladood waa isku dan ayagoo hadana kala dan ah.

Dawladda Turkiya waxay doonaysaa inay Soomaaliya xasisho oo ay nqoto dawlad xoog leh oo dalka oo dhan maamusha, waxaana ka go´an inay Soomaaliya shacab ahaan iyo dawlad ahaanba wax ula qabato. Laakiin waxay ogaatay inay Soomaaliya ka jirto fursad shaqo oo u badan dhanka ganacsiga iyo maa lgashiga taas oo ku riixday inay shaqadoodii ay Soomaaliya ka wadeen ee hawlaha bani´aadamnimo ay ku daraan arimo ganacsi iyo mid maalgashiba, sdia inay diyaaradooda Turkish Airways ay shaqo toos ah ka bilowdo dalka Soomaaliya.

Laakiin dawladda Ingiriisku waxay u soo jeesatay inay baaritaan rasmi ah ku bilowdo Soomaaliya oo ay muddo iska fogeynaysay inay hawlaheeda hoose dhexgasho. Waxay bilowday inay safiir u soo dirto Soomaaliya. Waxay bilowday inay xod-xodasho u gasho in ergayga qaramada midoobay laga dhigo nin u dhashay dalkooda. Waxay bilowday inay baaritaano rasmi ah bilowdo oo la xariira arimaha dhaqalaha cusub ee soomaaliya, Siyaasadda cusub ee Soomaaliya iyo arimaha bulshada ee Soomaalida cusub.

Shirka qurbo-joogta ee Istanbul

Shirka qurbo-joogta ee Istanbul

Shirarka ganacsi ama maalgashi ee Soomaalida loo qabanayo sida kuwii lagu qabtay Nairobi Kenya, Sweden, Finland, iyo kan hadda ka socda Turkiyaba, iyo shirar badan oo daafaha caalamka ka kala dhacayaba waxaa intooda badan qaban qaabiya dalal shisheeye oo dano gaara leh oo uu u horeeyo dalka Ingiriisku.

Waxaa la doonayaa in la ogaado qaabka uu dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaalida ku kobcay mudadii burburka Soomaaliya oo ay dawlado nadaam iyo kala danbeyn leh ay dadkooda ugaga hor mareen ganacsigii iyo dhaqaale abuurkaba.

Waxaa la doonayaa in la ogaado oo Soomaalida dhexdooda laga ogaado waxyaabaha ay u baahan yihiin Soomaalidu si hadhow marka uu dalku dego ay dalalka iyo shirkadaha Ajnabiga ah ee doonaya maalgashiga Soomaaliya aysan hawl badna u marin oo ay yimaadaan ayagoo wata dhaqaale iyo farsamo ka sareysa midda Soomalaidu haysato sidaasna ay dhaqalaha dalkeena kula wareegaan ka dibna Soomaalidaan la xukumi waayey qab dhaqaale loo xukumo ayadoo loo marayo habka casriga ah ee ganacsiga aduunku u shaqeeyo. Soomaalidu ma ahan dad sir dhaqaale iyo mid siyaasadeedba leh.

Hadda waxaa la ogaaday waxa ay isku haystaan inay tahayq abiil iyo gobolaysi, marka qof walba gobolkiisa ayaa loogu tagayaa oo si toos ah loola xaajoonayaa, sidoo kale waxaa loo tagayaa dawladda Soomaaliya oo si toos ah loola xaajoonayaa looguna sheegayaa wax ka duwan wixii loo soo sheegay dawlad goboleedyada iyo qabiilada dhulkooda loogu tagay.

Dawladda Soomaaliya ma oranayso dalka anagaa dawlad ka ah maxaad ka doonteen goboladeena adinkoo fasax naga haysan noona sheegin waxa aad ka soo qabanaysaan, fasaxna naga haysan? Haddii ay ka dhaga adaygaana dalka ha imaanina ma oranayso .Goboladuna ma laha anaga dawlad ayaan leenahay oo xiriirada caalamiga ah ayadaa noo qaabilsan ee la xariira. Mustaqbalka dhow hogaanka dhaqaalaha Soomaaliya waxaa majaraha u qaban doona dad ama shirkado ajnabi ah oo Soomaalida ka dhigi doona Shaqaale hoose oo aan lahayn awood iyo xoriyad ay ku helaan xaqooda muwaadinnimo.

Shirkadahaasi waxay doonayaan inay shatiyada waaweyn ee dhaqalaha badan laga helo ay si sharci ah kula wareegaan, sida kaluumaysiga, baarista macdanta iyo shidaalka, korontada iyo biya galinta, dhismayaasha guryaha iyo hoteelada waaweyn, caafimaadka iyo xitaa waxbarashada iyo dhoofinta xoolaha nool, warshadeynta iyo wax soo saarka beeraha.

Haddaba hadii intaas nalaka qabsado Maxaa inoo haray. Ganacsatada Soomaaliyeed meel walba oo ay aduunka ka joogaan dal iyo dibad waa isku xiran yihiin. Wali ma aragtay ama ma maqasahay shir ay ganacsato Soomaaliyeed kaligood qabsanayaan oo ay ugaga hadlayaan horumarinta iyo kobcinta ganacsiga iyo wax soo saarka dalka?

Waxaan filayaa inay baqdintaas iyo welwelkaas ay dad badan oo Soomaaliyeed ay ila qabaan.

Haddaba hadii uu welwelkaas kugu jiro fadlan nala soo xariir oo fikirkaaga noogu soo dir e-mailkeena hoos ku qoran.

Mahadsanidiin

W/Q: Cali Xersi Kabayare

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Video: Muqdisho iyo is-bedelka cusub

$
0
0

Magaalo Madaxda Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ka soconayaa horumaru dhinacyo badan leh marka loo fiiriyo Sanadihii ugu dambeeyay, ayadoo sanadkaan Magaaladu ay ku soo badanayaan magaalada wax yaabo aan horay looga aqoonin.

Muqdisho maanta bilic ahaan iyo Muuqaal ahaan wax weyn ayaa iska badal dhanka ganacsigana magaalada waxaa lagu arkayaa isbadal dhinacyo badan leh ee nala daawo Muuqaalkii ugu dambeeyay & Muuqaalka Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Viewing all 817 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>