Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all 817 articles
Browse latest View live

Video: Shacabka degmada Hodan oo isu xilqaamay nadaafada degmadooda

$
0
0

Shacabka ku nool Magaalada Caasimadda ee Muqdisho ayaa si weyn isku badalay hamigooda dhanka horumarka Bilicda iyo kan Nolosha kadib isbadal xoogan oo ka biloowday Magaalada Muqdisho, ayada oo shacabka ay billaabeen olole nadaafadeed.

Qaar ka mid ah Shacabka ku nool Degmooyinka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Hodan ayaa isugu soo baxay degmadaas, ayaga oo ka shaqeynaya qaadista qashinka, kadib roobab xooggan oo ka da’ay magaalada kuwaas oo is-beddel aan wanaagsaneyn sammeeyey.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 


Arag DOCUMENT-gii Is-casilaada looga dalbaday XASAN SHEEKH (Dhammaan magacyada iyoo saxiixa xildhibaanada)

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa heshay warqaddii xildhibaanno kor u dhaafaya illaa boqol ay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uga dalbadeen inuu is-casilo.

Waxaa warqadda ku yaalla dhammaan magacyada xildhibaanada doonaya is-casilaadda madaxweynaha iyo saxiixooda.

Waxaa sidoo kale ku qoran dhammaan qodobadii 14-ka ahaa ee madaxweynaha Somalia lagu eedeeyey loona sababeeyey dalabka is-casilaadda.

Halkan ka arag warqadihii ay heshay Caasimada Online

mooshin1mooshin2mooshin3mooshin4mooshin5mooshin6mooshin7mooshin8mooshin9mooshin10mooshin11mooshin12mooshin13

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

 

Sawirro cusub: MUQDISHO waa tagtay

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, ayaa saddexdii sano ee ugu dambeeyey waxa ay sameysay horumar weyn, oo dhinaca dhismooyinka iyo bilicda guud ee magaalada ah, kadib markii dagaal-oogayaashii Al-Shabaab laga saaray magaalada.

Muqdisho, waxa ay iminka u muuqataa mid soo kobceysa, waxaana ka muuqda bilic iyo jawi indhuhu ku doogsadaan, oo rajo mustaqbal wanaagan muujinaya.

Sawirro cusub oo shalay laga soo qaaday dusha sare ee magaalada ayaa muujinaya wax lagu farxo.

xa1xa2xa3xa4

Masjidka Cabdi Casiis oo Turkiga dhisayo

Masjidka Cabdi Casiis oo Turkiga dhisayo

xa6

 

Lacagta Shilin Somaliga oo ka yaabisey dhaqaalyahannada adduunka, Sabab?

$
0
0

Muddo hadda laga joogo 23 sano ayaa dawladdii dhexe ee Soomaaliya dhacday, hay’adihii dhaqaalaha iyo maaliyaddu burbureen, sharcigii iyo kala dambeeyntiina suuleen. Haddana lacagta shilin Soomaaligu weli way shaqaysaa, waana firfircoon tahay . Waa arrinta ka yaabisey aqooynyahannada dhaqaalaha adduunka oo soo jiidatay dareenkooda. Daraasado, qoraallo iyo dood-cilmiyeed xiiso badan ayaa ka socda jaamacadaha iyo bogagga internetka adduunka qaarkood. Waxaa la isweeydiinaya maxay tahay sababta suurtogelisey in lacag dawladdeedii dhacday 23 sano ka hor oo weliba la been-abuuray ay weli wareegto oy wax goyso? Maxaase darsi ah oo laga baran karaa? Mise loo heli karaa qiil ku salaysan culuunta dhaqaalaha?

Waxaan qoraalkan uga golleeyahay in aan ardayda jaamacadaha Soomaaliya, siiba qaybaha dhaqaalaha, ku dhiirri geliyo in ay ka qaybqaataan dood-cilmiyeeddan. Waa mawduuc ku habboon in laga diyaariyo daraasadda ama buugga qalin jebinta (thesis).

Dib u milicsi kooban ee taariikhda lacagta

Taariikhda lacagtu waa ka qotodheer tahay mid halkan lagu soo koobi karo. Waxay soo martay waayo, heerar iyo habab kala duwan illaa la soo gaaray sannadkii 1880 . Waa xilligii adduunkoo idil uu ka hirgalay habka dahabka ku saleeysan (Gold Standard) oo xeerinayey in dawlad kasta oo habkaas qaadatay ay qiimaha lacagteeda ku salayso tiro go’an oo dahab ah, isla markaasna ballanqaaddo in ay lacagteeda xaashida ah u beddeleyso dahab (lacag adag) mar allaale iyo markii laga codsado. Tusaale ahaan, geniga Ingiriisku wuxuu waagaas u dhigmay 113 grain oo dahab ah. Taas oo micnaheedu yahay in qofkii haysta hal geni oo xaashi ah loogu beddeleyo dahab dhan 113 grain markuu codsado.

Habkii Dahabku wuxuu burburay dagaalkii koowaad dhexdiisii markay dawladihii dagaalamayey kharash badan u baahdeen, dabadeedna suuqa soo galiyeen lacag farabadan oo aan loo hayn dahab daboola. Dagaalkii ka dib, in badan ayaa la isku dayey in la soo celiyo habkaas, waase lagu guuldarreystay. Gebi ahaan, wuxuu habkaasi hannaanka lacagaha adduunka ka baxay bishii Agoosto 1971 markii Madaxweeyne Nixon uu doollarka Maraykanka ka xarig-furay dahabka dhibaatadii dhaqaale ee dagaalkii
Fiyetnaam (Vietnam) ka soo gaartay awgeed. Lacag iyo dagaal isu daranaa. Innagaba shilinkeenna loogama horrayn dagaalkii Itoobiya.

Habkii Dahabka raadkiisii weli wuxuu ka muuqdaa geniga Ingiriiska. Bal u fiirso, geniga ama lacagta Ingiriiska o idil waxaa ku dul qoran oraahdaan: “I promise to pay the bearer on demand the sum of” oo ah: “Waxaan ballanqaadayaa inaan siiyo markuu codsado qofka sita xaashidan tiro dhan” oo waagii hore ahayd tiro dahab ah; haddase waa wixii xaashidu kuu goyso (fadlan fiiri sawirka kore).

Habkii Dahabka hadalhayntiisii weli ma dhammaan. Sida la xusuusto, murashixii Xisbiga Jamhuuriga ee madaxweeynenimada Maraykanka Ron Paul wuxuu u oloneeynayey in dib loo soo celiyo Habkii Dahabka.

Lacagta ma dawlad baa socodsiisa?

Ka dib markii Habkii Dahabku burburay, lacagtii waxay ku soo hartay xaashi (paper money) aan waxba ku tiirsaneyn sida dahab ama shay kale oo qiimo leh oo saldhig u noqda. Haddaba su’aal da’ weyn oo la isweydiiyey ayaa waxay ahayd, maxaa dadka ku khasbay in ay hantidooda, maalkooda iyo muruqooda dhaafsadaan xaashi la xardhay oo iyadu naf ahaanteeda (xaashiyahan) aan lahayn qiime ama nafac u gaar ah (intrinsic value); Su’aashas si looga jawaabo, waxay aqoonyahannadii dhaqaalaha ee hore soo bandhigeen aragti la yiraahdo “Chartal Theory of Money” ama aragtida lacagta ee xaashida ku dhisan”. “Chart” waa xaashi afka Laatinka. Aragtidaasi waxay qabtaa in waxa lacagta xaashida ah socodsiinaya ayan ahayn dahab iyo qalin ay ku xiran tahay, balse ay tahay dawladda oo amartay in lacagtaas lagu bixiyo canshuuraha. Maadaama bixinta canshuurtu tahay khasab, waxaa iyana khasab noqoneysa in lacagtaas xaashida ah la isticmaalo oo ay dhaqan gasho. Teeda kale, lacagtu waxay qiime ku sii yeelanaysaa dawladda oo sharciyeysay in wixii deyn ah oo la isku leeyahay in lagu bixiyo lacagtaas (legal tender). Waxa kale oo weheliya, dawladda oo lacagtaas ku bixineysa kharashkeeda oo sidaas suuqa ku soo gelineysa. Aragtidaas waxaa amminsanaa aqoonyahanno waaweyn oo uu ka mid ahaa aabbihii culuunta dhaqaalaha Adam Smith.

Aragtidaas kore waxaa buriyey oo bar-kuma-taal ka dhigay shilin Soomaaliga oo 23 sano soconayey iyadoo ayan jirin dawlad awood leh oo lacagta soo saariddeeda iyo maamulkeeda xukunta. Oo waa yaabe, haddayan dawladi jirin maxaa shilinka wada? Muxuu ula dhici waayey dawladdiisii? Muxuu suuqa uga bixi waayey? Waa tan arrinta xiisaha badan dhalisey. Waxaa la isweydiiyey oo hadday dawladda Maraykanku dhacdo, doollarku ma socon doonaa?

Waxaan halkan hoose ku so qaadayaa sababihii loo arkay in ay socodsiinayaan shilinkaSoomaaliga.

Shilinku ma isagaa iskiisa isaga socda?

Aqoonyahannada qaarkood oo shilinka-Soomaaliga ka faallooday waxay cuskadeen aragti loogu yeeray “ Inertia of Historical Acceptance” oo qabta in oggolaanshaha lacagta xaashida ahi ay iskeeda isaga socoto oo ay salka ku hayso taariikhda. Haddii si kale loo dhigo, lacagtu waa wax dadku ku soo dhaqmeen, u barteen, qaayibeen; sidaas ayeyna ku soconeysa, waxna iska beddeli mayaan haddii aan la helin xoog ka horyimaadda oo dooriya. Tusaale ahaan: maalintii dawladdii Soomaaliyeed dhacday lacagtii xaashida ahayd ee maalintaas socotey ayaa dabcan la isticmaalayey. Sababtoo ah maalintaas, maalintii ka horraysey ayaa lagu dhaqmayey, sannadkii ka sii horraysay ayaa sidoo kale la isticmaalayey, dawladdii hore ayaa laga dhaxlay, tii ka sii horraysay ayaa laga soo gaaray, sidaas ayeyna ku soconaysaa illaa inta laga la helayo xoog ka horyimaadda oo joojiya. Taasina weli ma dhicin.

Aragtidan, waxaa la dhihi karaa waxbaa ka jira. Waxaa daliil loo soo qaadan karaa lacagtii “N”da ee Cali Mahdi soo saaray ee hirgeli waydey. Waxa arrintaas sabab u ahayd, malahayga lacagtaas oo naqshad ahaan ahayd mid ku cusub suuqa oo aan horey loogu baran.

Shilinku ma dawlad sugaa?

Su’aal kale ayaa la isweydiiyey? La garay lacagtii dawladdii hore ka tagtay, maxaase loo aqbalay tii la been abuuray ee ka dambeysey?

Aqoonyahannada arrintan wax ka qoray waxay ku micneeyeen sababta lacagtii hore iyo tan been-abuurka ahba loo aqbalay in ay tahay bulshada Soomaaliyeed oo mar kasta ka rajo qabtay in dawlad la dhiso, dawladdaasina dib-u-habayn ku samayso habka lacagta, islamarkaasna la wareegto lacagta suuqa ku jirta nooc kasta ha ahaatee.

Ra’yigan naftiisu waa mid meesha ku jira. Waayo tan iyo 1991kii, waxa jirey dadaalo iyo shirar isdaba jog ah oo dawlad lagu yagleelayey ama lagu ridayey. Waxaa kalo aragtidaas xoojinaya qorshe ay dawladdii Shiikh Shariif ka tagtay oo ku saabsan lacag xaashi ah oo lagu daabacay dalka Suudaan, looguna talagalay in lagu beddelo lacagta kunka shilin ee hadda socota, haseyeeshee loo waayey awood dawladeed oo lagu fuliyo.

Armaa loo baahnaa in Shilinka la been abuuro?

Fikradahaas aqoonyahannadu soo jeediyeen waxaan ku dari lahaa laba arrimood oo suurtageliyey in lacagta xaashida ah ee 1000ka shilin ay suuli weydo: waxaa jirtay baahi dadku u qabeen lacag sarrif ah oo loo adeegsado ganacsiga iyo kharashyada yaryar. Sida la og yahay, ganacsiga iyo hawlaha waawayni waxay ku socdaan doolarka Maraykanka. Haseyeeshee, lama heli karo doolar sarrif ah sida 1; 5; 10; 25 senti iwm. Haddaan sarrif la heli Karinna waxaa xayirmaya dhaqdhaqaaqa ganacsiga yaryar oo ay ku tiirsan yihiin bulshada inteeda badan ee danyarta ahi. Dhankaas haddii laga eego 1. waxaa la oran karaa lacagta been-abuurka ahi waxay dabooshay adeeg muhiim ah oo loo baahnaa, sharciyaddeedu si kastaba ha ahaatee. Xagga sarrifka, waxaa hadda qayb weyn ka qaatay teleefoonka lacagta lagu shubo oo fududaysey ganacsiga yaryar oo aad moodid inuu shilinka suuqa ka saari doono

Taariikh hore intaan gumeystaha Talyaanigu la wareegin xeebta Banaadir, waxaa aaggaas ka socon jirey lacagtii loo yiqiin Maria Theresa oo qalin (silver) ahayd oo joogtay halka doolarku maanta joogo. Waxay ahayd lacag qiime leh oo loo isticmaali jirey hawlaha waaweyn. Xitaa diyada ayadaa lagu bixin jirey markaan geel la kala qaadaneyn. Waxaa kaloo suuqa wareegi jirey lacag ka samaysan macdan raqiis ah oo Cumaan iyo Sansibaar laga keenay oo la oran jirey Beeso oo sarrif ahaan loo isticmaali jirey sida shilinSoomaaliga (halkii Maria Theresa = 150 beeso). Sida hadda shilinku uga yaabiyey aqoonyahannada adduunka ayaa arrintaasina uga yaabisey saraakiishii Talyaaniga ee talada Xamar la wareegay sannadkii 1905.

2. Waxaa jira xad aanay dhaafi karin kuwa lacagta daabaca oo xakameeynaya hawlgalkooda. Xadkaasi waa kharashka daabacaadda xaashida 1000 shilin. Markii lacag badan oo been abuur ah suuqa la soo geliyo waxaa aad hoos ugu dhacaya heerka sarrifka shilinka illaa uu gaaro heer qiimaha xaashi-lacageedda ee kunka shilin (face value) uusan dabooli karin kharashka daabacaaddeeda. Waxaa markaas istaagaya daabacaadda lacagta. Ka dib markii muddo la joogo waxaa xogeysanaya heerka sarrifka shilinka. Sarrifku, sida la ogsoon yahay, wuxuu ku xiran yahay dalabka (demand) iyo bandhigga (supply) lacagaha. Waxaa jirta in doolar badani dalka ka soo galo jaaliyadaha dibedda, dhoofinta, deeqda shisheeye, burcad-badeedda iwm. Haddii aan markaas shilin cusub la soo gelin suuqa, kii horena duugoobo oo googo’o, waxaa xoogeysanaya sarrifka shilinka. Markii taasi dhacdo, waxaa soo noqoneysa faa’iidadii laga helayey lacagta been abuurka ah, oo dhiirigelinaya in lacag cusub la daabaco illaa uu sarrifku mar kale aad hoos ugu dhaco. Haddaan tusaale u soo qaato, markii heerka sarrifka doolarku gaaro 1USD = 30,000 ShSo. waxaa istaagaya dabacaaddii lacagta sababtoo ah Kun shilin waxay u dhigantaa 3 senti oo lacagta doolarka ah. Saddex sentina waa kharashka ku baxaya xaashida uu ka samaysan yahay kunka shilin oo weliba aan lagu darin kharashka rarka, dejinta iyo ammaanka lacagta.

Waa xeer xukuma lacagta. Haddii sheyga lacag ahaan loo isticmaalayo aan si xad dhaaf ah loo soo saari Karin oo uu jiro wax xayiraya ama tashiilaya soo saariddiisa, sheyegaasi wuxuu yeelanayaa qiime, wuxuuna helayaa kalsooni. Xayiraaddu waxay ku imaan kartaa kharashka daabacaadda oo aan isbixinayn sida shilinka ku dhacday, ama xilkasnimada dadka maamula lacagta, ama shayga lacagtu ka samaysan tahay oo macduun ah sida dahabka. Si kastaba ha ahaatee, mar haddii uu jiro xayndaab ilaalinaya soo saaridda lacagta, waxa hubaal ah in lacagtaasi yeelaneyso qiime. Waa taas sababta ugu weyn ee shilinku uu u dhiman waayey. Si xayndaabkaas looga gudbo, dawladaha aan xakameeyn Karin sicirbararku waxay alaaba kordhiyaan “Zero”yinka lacagta. Bil matal, Zimbabwe waxay mar soo saartay xaashi boqol tirilyan oo Zimbabwe doolar ah (100,000,000,000, 000). Waxaa xusuus mudan in doolarkii Zimbabwe qarxay. Hadda waxaa dalkaas laga isticmaala lacago qalaad sida US dollar, Euro, Yuan iwm. Iiraan oo iyana cunqabateyntu curyaamisey waxay qorsheyneysa in ay daabacdo xaashi 200,000 oo Riyaalka dalkaas ah. Dawladda Soomaaliya waxa Iyana la sheegay in ay soo waddo xaashi-lacageed 50,000 shilin ah.

Gabagabo

Arrimaha Soomaaliyeed oo idil ayaa ka yaabiyey adduunweynaha. Waxa weliba ka sii yaabiyey lacagta shilin-Soomaaliga oo burisey qaaciidooyin dhaqaale oo soo jireen ahaa. Uma maleyn kartid xiisaha arrintaasi abuuurtay iyo doodadah ay ka dhex aloostay aqoonyahannada dhaqaalaha qaarkood. Waxaan rajeynayaa in qoraalkani ku dhiirri geliyo jaamacadaha tirada badan ee Sooomaaliya ka jiraa in ay iyaguna ka qaybqataan dood-cilmiyeeddaan.

W/Q Maxamed Dalmar
Email:mdalmar@sympatico.ca
——————
Maxamed Dalmar waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, isaga oo ahaa Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe, islamarkaana barre ka ahaa kuliyadii Dhaqaalaha ee Jaamacada Soomaaliyeed. Dalmar waxa uuu ka faaloodaa arimaha dhaqaalaha oo uu ku soo qoro degelkan WardheerNews.

Daawo Video: Isbadalka & Horumarka ka socdo Magalada Muqdisho maanta.

$
0
0

Magaalo Madaxda Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ka soconayaa horumaru dhinacyo badan leh marka loo fiiriyo Sanadihii ugu dambeeyay, ayadoo sanadkaan Magaaladu ay ku soo badanayaan magaalada wax yaabo aan horay looga aqoonin.

Muqdisho maanta bilic ahaan iyo Muuqaal ahaan wax weyn ayaa iska badal dhanka ganacsigana magaalada waxaa lagu arkayaa isbadal dhinacyo badan leh ee nala daawo Muuqaalkii ugu dambeeyay & Muuqaalka Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

DAAWO VIDEO: Jidadkii dib loo dhisay ee MUQDISHO oo bacaad uu buuxiyey

$
0
0

Dowladda Walaalaha Turkiga, ayaa dhowaan dib u dhis ku sameysay qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan waddooyinka ku yaalla meelaha ay xafiisyada dowladda ku badan yihiin.

Waddooyinkii dib loo dhisay, ayaa waxaa hadda soo buuxiyey bacaad xooggan, oo qarinaya bilicda jidadka, xilli maadaama magaalada Muqdisho iminka dabeylo xooggan ay ka socdaan. Waxaa sidoo kale jidadka qaarkood kasoo buuxsamay qashin.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

VIDEO: Is-beddel weyn oo MUQDISHO laga dareemayo xilliyada habeenkii

$
0
0

Magaalo Madaxda Caasimadda ee Muqdisho oo laga soo duubay muuqaal si weyn ku soo jiidanayo kaas oo laga soo qaaday Bartamaha Farasmagaalaha Magaalada oo isbadal xoogan uu ka jiro.

Muuqaalkani hadii aa daawato waxaa isleedahay Muqdisho goormee bay sidaan isku badashay waxaana hubaal ah in magaalada ay isweyn muuqeeda isku badalay ee nala daawo Muuqaalkaan Cusub.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Video: Xasan Sheekh oo su’aalo adag laga weydiiyey 4 arrin oo fadeexad ay ka heysato iyo jawaabo lama filaan ah..

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa wareysi cusub waxa uu siiyey TV-ga Universal, halkaasi oo su’aalo adag looga weydiiyey dhowr arrin oo fadeexad ku keenay dowladda Somalia, iyo dalabkii is-casilaadda ee loo gudbiyey dhowaan.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wax laga weydiiyey sababtii keentay in markii weerar lagu so qaaday xarunta madaxtooyada Somalia, uusan wax canaan ah ama ficil ka qaadan dadkii lahaa mas’uuliyadda amni ee howshooda gabay.

Waxaa sidoo kale la su’aalay sababta uu cafiyey taliyihii hore ee ciidamada Alsuubta oo lagu helay dambi ahaa inuu gacan siin jiray Al-Shabaab.

Xasan Sheekh waxa uu sido kale sameeyey qirsho yaab leh oo ah Al-Shabaab iyo qaraxyadeyda aan la joojin karin dhowaanahan oo ay sii socon doonaan.

Halkan ka daawo jawaabo yaab leh oo madaxweynaha uu bixiyey

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com


Cesho Ilintaada: 12-ka Sawir ee dunida ugu saameynta badan uguna cajiibsan

$
0
0

Aqristayaasheena sharafta lahoow, waxaan halkaan idinkugu soo gudbin doonaa 20ka Sawir ee dunida ugu saameynta badan, kuwaasoo ka ilmeeysiiyay Malaayiin qof.

Sawirada qaarkood, ayaa ah kuwo aad u xanuun badan markad ragto, kuwaasoo kugu beeraya Caloolyoow iyo tiiraanyo.

Waa wiil 2 sano jir ah oo Cunto siinaya Hooyadiis oo Gacmoole ah

Waa wiil 2 sano jir ah oo Cunto siinaya Hooyadiis oo Gacmoole ah

Daanyeer ka murugeysan laabtna ku haya Canugiisa oo dhintay

Daanyeer ka murugeysan laabtna ku haya Canugiisa oo dhintay

Ritana Teodoro oo ah 25-jir, waxay ka murugeysntahaay lana ooynee Hooyaded oo 6 sano kahor ay masaafuriyeen madaxda Mareykanka, waxay ku xiranthay meel go’doon ah xuduudk Arizona

Ritana Teodoro oo ah 25-jir, waxay ka murugeysntahaay lana ooynee Hooyaded oo 6 sano kahor ay masaafuriyeen madaxda Mareykanka, waxay ku xiranthay meel go’doon ah xuduudk Arizona

Waa 85 kamid ahaa askartii hore ee Ruushka, waxa uu kaligiis ka haray asxaabtiisi hore

Waa 85 kamid ahaa askartii hore ee Ruushka, waxa uu kaligiis ka haray asxaabtiisi hore

Eeygaan waxaa loogu yeeraa “Liao”, waxa uu ka bad baaday dhul gariirkii Brazil ka dhacay 2011, waxa uu garab fadhiyaa Qabriga Saaxiibkii lahaa

Eeygaan waxaa loogu yeeraa “Liao”, waxa uu ka bad baaday dhul gariirkii Brazil ka dhacay 2011, waxa uu garab fadhiyaa Qabriga Saaxiibkii lahaa

Waa mid kamid ah Caruurta ka bar bar dagaalanta MUCAARADKA Syria, waana 6 sano jir

Waa mid kamid ah Caruurta ka bar bar dagaalanta MUCAARADKA Syria, waana 6 sano jir

Mid kamid ah askarta Turkiga oo jab rooti ah ku ihaaneeysanayo Caruur macluul hayso, sanadka 1915

Mid kamid ah askarta Turkiga oo jab rooti ah ku ihaaneeysanayo Caruur macluul hayso, sanadka 1915

Sawir qaadahaan ma’uusan ogeyn in ay tahay talaabadii ugu danbeysay noloshiisa, kadib markii uu toogtay sidaad sawirka ka argtaan dhinaca bidix ee Sawirka

Sawir qaadahaan ma’uusan ogeyn in ay tahay talaabadii ugu danbeysay noloshiisa, kadib markii uu toogtay sidaad sawirka ka argtaan dhinaca bidix ee Sawirka

Waa Muslimiinta Hindiya kuwooda aan waxbo haysn, oo Cunto loogu qeybinayo masjid ku yaal Delhi Maalin Iid Ah

Waa Muslimiinta Hindiya kuwooda aan waxbo haysn, oo Cunto loogu qeybinayo masjid ku yaal Delhi Maalin Iid Ah

Waa ruux iska soo tuuray dabaqa 88aad mid kamid ah Daarihii Mataanha Mareeykanka ee la qarxiyay sanadkii 2001

Waa ruux iska soo tuuray dabaqa 88aad mid kamid ah Daarihii Mataanha Mareeykanka ee la qarxiyay sanadkii 2001

Mid kamid ah macalimiinya Hindiya oo meel Buundo hoosteeda ah darsi ku siinaya dhalinyaro aan Hooy lahayn

Mid kamid ah macalimiinya Hindiya oo meel Buundo hoosteeda ah darsi ku siinaya dhalinyaro aan Hooy lahayn

Hooyo jiran oo Sariir saaranoo arooska Wiilkeeda si Live ah kala socota SKYPE-ka

Hooyo jiran oo Sariir saaranoo arooska Wiilkeeda si Live ah kala socota SKYPE-ka

 

XASAN DAAHIR oo is-beddel sameeyey

$
0
0

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah Kornel ka tirsanaa Ciiddankii XDS, ahna Hoggaamiyihii Urur-diimeedka hubeysan ee Xisbul-islaam ayaa ka shanqariyey Aragtidiisa ku aadan Xaalladdaha haatan lagu sugan yahay iyo Mowqifyadiisa ku aadan yihiin Siyaasdda

Cod Maqal ah oo uu Sheekh Xasan Daahir Aweys ka soo diray Hoyga uu ku xabisan yahay ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey qoddobo muhiim oo uu kaga hadlay Arrimaha Siyaasadda, Amniga, Dhaqanka Islaamiga, Munaasabadaha Qaranka iyo Nidaamka ay Madaxda Dowlad-gobaleedyadda ugu hirtaan, ugana soot ala-qaataan Dowladda Federalka Ethiopia.

Hadalkiisa oo laga baahiyey Warbaahinta ayaa waxa uu Sheekh Xasan Daahir Aweys sheegay in Nidaamka is-waafijinta Dowladda iyo Diinta ahayd mid soo jireen ah, iyadoo uu xusay in Dowladdii Aadan Cadde loo gudbiyey Talooyin ku aadan in Nidaamka Dowladda lagu lammaaniyo Diinta.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sannadkii 1963-kii Muqdishu yimid, waxa uu inta badan Noloshiisa ku qaatay Nolosha Milliteriga, oo uu ka gaaray Darajadda Korneel buuxa.

Waxa uu bilowgiui sannadihii 90-aadkii ka mid ahaa Asaasayaashii Xisbigii Al-itixaad ee ka hawlgalay qeybo ka mid ah Gobalka Gedo, ka hor intaysan Milliteriga Ethiopian kala yaacanin xubnihii Al-itixaad.

Madaxdii iyo Dagaalyahannaddii Al-itixaad Islaamiyah, waxay u wareegeen qeybo ka mid ah Goballadda W/bari oo ay Maamulka Puntland maamulaan, waxayna Kornel Xasan Daahir Aweys iyo ciiddamadiisa horumar ka gaareen dagaallo ay la galeen Maleeshiyaddii Maamulkaasi.

Waxaana la sheegaa inay gacanta ku dhigeen, kadibna ay iska sii daayeen Marxuum C/llaahi Yuusuf, oo mar Madaxweyne ka ahaa Puntland, ka hor intuusan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia noqonin.

Halganka Kornel Xasan Daahir Aweys oo asaas u ah Baraarugga Islaamiga ayaa waxa uu Khudbadiisii ku sheegay in loo baahan yahay in la isku dabaqo Diinta iyo Dowladda iyo in taageero laga kasbado Shacabka oo waayadan cabsi-la-nool noqday.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo aan horey looga baranin inuu afka ku ballaariyo Eedeymo iyo naqdin uu u jeediyo Xarakadda Alshabaab ayaa waxa uu tilmaamay inay Xarakadda Alshabaab yihiin kuwo aan oggolayn in wax laga sheego, isla markaana ay sababeen inay Alshabaab dagaalka ay kula jiraan Ciiddamadda shisheeyaha ee dalka haysta ku dareen inay dilaan Culumadda, Aqoonyahanadda, Ganacsatadda iyo Birri-ma-geydada kale.

Xasan Daahir waxa kaloo uu si kulul u weeraray Maamulladda ka jira Somalia, oo uu tilmaamay inay yihiin kuwo ka talo-qaata Dowladda Ethiopia.

Waxa uu xusay in Madaxweynayaasha Puntland, Somaliland, Jubbaland iyo Muqdisho inay dhamaantooda talada ka qaataan Dowladda Ethiopia, waa sida uu hadalka u yiri.

Xasan Daahir oo cajalladda codka uu soo diray socotay muddo 40-daqiiqo waxa kaloo uu ka hadlay Munaasabadda SYL ee 15-ka May, wuxuuna ammaanay Halgankii Dhallinyarradii SYL u soo galeen Gobanimadda Somalia.

Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay Munaasabadda Maalinta Xornimadda iyo Israacii Somalia ee Kowda Luulyo oo foodda nagu soo hayso, wuxuuna tilmaamay inaanu dabaaldeg dhici Karin, maadaama dalka ay Shisheeye haystaan oo aysan jirin xornimo.

Markaynu isku soo duubno, hadalka Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa laga dareemayaa inuusan jaal la ahayn Dowladda iyo Alshabaab oo uu horey naftiisa kala soo baxsaday.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Xukuumada Somalia oo qorsheysay in dalku amni noqon iyo BF oo ansixiyey

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Gen. Maxamed Sheikh iyo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Gen. Indhaqarshe oo ahaa masuuliyiintii laga sugayey inay dalka Soomaaliya u dhisaan Ciidamo Xoog oo dalka ka ilaaliya cadawga dibadda iyo gudaha ayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka hor sheegay in hadda aysan jirin Ciidan Xoog oo shaqeynaya oo gacantooda ku jira.

Ciidamada Xooga Dalka ee haatan jira ayay sheegeen in markii tababarada loo soo xiro ay inta badan u kala baxaan qaab qabiil, kalana raacaan masuuliyiinta dawladda ku qabiilka ah, qaar gobolada kala aadaan, una dagaalamaan qabiiladooda. Ciidamada Xooga Dalka oo dibadda iyo Dalka gudihiisa lagu tababaro ayay sheegeen in markii la tababaro oo la hubeeyo kadib kala firdhadaan inta badan, amni darada dalkana qeyb ka noqdaan.

Ciidamada ayay sheegeen in qeybi joogto Muqdisho iyo Labada Shabelle, Qeybna Bay iyo Bakool, Qeybna Jubadda Hoose iyo Gedo, qeybna Hiiraan iyo Galgaduud, ciidamadaas oo ay sheegeen in qaab beeleed u kala qeybsan yihiin, aysana jirin qeyb u gudbi karta qeybta kale. Ciidamada ayay sheegeen in ninkii dhawacma uu beeshiisa ka sugayo daaweyntiisa, sidoo kalana kii dhinta aan la daryeelin agoonta uu ka tago.

Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka oo sanadkaan loo ansixiyey lacag ka badan 50 Milyan Doolar ayaan sheegin isbedel cusub oo ay ku sameynayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, isbedelkaas oo ciidamada ka dhigaya ciidamo mideysan, tababar fiican leh, amar iyo kala danbeyn ku shaqeynaya, ahna ciidan dalka ka ilaaliya cadawga dibadda iyo kan gudaha.

Warbixinada Wasiirka iyo Taliyaha Ciidamada Xooga dalka ayaa ahaa in sida uu haatan u dhisan yahay ciidanku iyo sida uu u shaqeeyaba ay dalka kusii kordhineyso amni xumada, Fowdada iyo kala danbeyn la,aanta taasoo ka dhigaysa in Xukuumada Soomaaliya iyo wasaaradda Gaashaandhigu qorsheeyeen in dalka iyo dadka Soomaaliyeed-ba aysan helin amaan iyo kala danbeyn, Sidoo kalana dhageysiga warbixintaan murugada laheyd iyo wax ka qabad la,aanta baarlamaanka Federaalka oo u ansixiyey dhowaan lacag ka badan 50 Milyan Doolar Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa ka dhigeysa Baarlamaanka mid qeyb ka ah in Dalku helin amaan iyo kala danbeyn.

Lacagtaan ka badan 50-ka milyan Doolar ayaa noqoneysa mid ku dhamaata inta badan Jeebka Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka iyo Saraakiisha Saadka, Lacagtaan oo bishii Noqoneysa in ka badan 4 Milyan Doolar ayaa Mushaar, Saad, qalabeyn u noqon karta ciidan ka badan 10 kun oo askari oo bishiiba qaata min 300 Doolar, Sidoo kale Ciidanka Xooga ayaa wadamo Caalamka ah ka hela lacag ka baxsan Miisaaniyadda la qorsheeyay oo ah nus kamid ah mushaaraadka Ciidamada magac ahaanta u jira

Xiliyadii hore Ciidanka Xooga waxaa lagu dhisi jiray iyadoo ciidanka la qaadanayo lagu xulan jiray dhirirka, Caafimaadka, da’da iyo wixii lamid ah iyadoo ciidanka kamid noqoshadiisa lagu tartami jiray, Xiliyadii danbe xiligii dawladda ayaa dhalinyarada laga qafaali jiray Magaalooyinka, Tuulada iyo Baadiyahaba iyadoo ciidamada lahaayeen xerooyin kala duwan, amarka iyo kala danbeyntuna aad u shaqeyn jirtay, Mushaarka iyo Raashinka ciidankana la xaqiijin jiray, sidoo kalana ciidanku lahaa sharci ciqaabeed adag oo lagu fuliyo qofkii ku xadgudba shaqadiisa, jabiyana amarka iyo kala danbeynta.

Wasiirka Gaashaandhiga oo Baarlamaanka hor keenay heshiis difaac oo uu sheegay in Dawladda Soomaaliya la gashay dalka Talyaaniga ayaan la ogeyn waxa heshiiskaani kusoo kordhinayo helitaanka Ciidamada Xooga Dalka oo Soomaaliya yeelato. Heshiiskaan oo markii ugu horeysay la arkay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya iyo Saraakiil Talyaani ah oo Baabuur tobaneeyo ah, Tuute iyo Kabaha Ciidamada ku wareejinaya Raisul wasaaraha Soomaaliya iyo Taliyayaasha Ciidamada.

Baarlamaanka Soomaaliya oo warbixinadaan Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka dhegaystay ayaan ku dhaliilin Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka xilka ay u qaadeen shacabka Soomaaliyeed oo ay kasoo bixi waayeen, ama soo jeediyaan xil ka qaadista masuuliyiintaan sheegay inaan laga sugeynin ciidan Xoog shaqeynaya, sidoo kalana masuuliyiintaani lama imaan qorshe hufan oo lagu dhisayo ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

Taliyayaashii Ciidamada iyo abaanduuliyayaashii Ciidamada sida Gen Geele, Gen Carfiid, Gen Diini, Gen Dhegabadan ayaa qaarna is casileen qaarna xilalka laga qaaday sababo aan la ogeyn, Ciidanka Xooga Dalka ayaa haatan maraya xiliyadii uu ugu liitay sidii Taliyaha Ciidamada uu u noqday Gen Indhaqarsho. Taliyayaashii Guutooyinka Ciidamada ee kala ahaa Gen Cagey, Gen Saneey, Gen Caanood ayaa dhamaan laga dhigay Hawl gab iyadoo aan la ogeyn sababta ka danbeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Wasiirkii ay DF u dirtay shirkii Garowe oo qiyaano qaran sammeeyey (Dhibka lagu hayo Muqdisho oo weli socda)

$
0
0

Garoowe (Caasimada Online) - Wasiirka Qorsheynta Dawladda Federaalka Soomaaliya Saciid Cabdullahi ayaa shalay mar uu la tagay Deeq bixiyayaasha Caalamka Magaalada Garoowe ee caasimada u ah Maamulka Puntland waxa uu sheegay in Deeq bixiyayaasha Caalamka si toos ah ugala xiriiraan baahidooda Dawladda Puntland.

Waa qiyaano qaran, balse dowladda Xasan Sheekh ee hurudada ah aysan ka war-hayn.

Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullahi oo kasoo Jeeda Puntland ayaa ka dhigyeysa wasiirada Dawladda Federaalka kuwo uun metela Magaalada Muqdisho iyo Gobolada kale ee Soomaaliya oo aan ka ahayn Somaliland, Puntland iyo MKG ah ee Juba.

Inkastoo Dawladda Federaalka baarlamaankeeda iyo wasiiradeedu ka kooban yihiin dhamaan qabaa’ilada Soomaliya, ayaa haddana dhaqanka xukuumadda Federaalka oo uu kamid yahay wasiirka qorsheynta uu si cadaan ah u sheegayo in Puntland oo uu kasoo jeedo uusan metelin, baahideedana la weydiiyo, deeq bixiyayaasha Caalamkana si toos ah u taageeraan. Cadaalad daradaas ayaa Soomaaliya ka dhigeysa in Gobolada qaarna dadkoodu metelo oo Caalamku toos u taageero halka Gobolada qaarna ay metelayaan masuuliyiin Dawladda Federaalka oo kasoo jeeda goboladaas Caalamku tooska u kaalmeynayo, Gobolada aan dadkooda wax la weydiinin oo Dawladda Federaalku metesho waxaa kamid ah Gobolka Banadir, Sh/dhexe, Sh/Hoose, Bay, Bakool, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Wasiirka Qorsheynta ayaa Garoowe ka sheegay in Khilaafka Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya Dhamaaday, khilaafkaas oo Puntland horey ugu sheegtay inuu ku saleysnaa:-

1- Baarlamaanka Federaalka oo wax ka bedelay qodobo kamid ah Dastuurka Federaalka Soomaaliya. Inkastoo Puntland leedahay Dastuur ka madax banaan kan Dawladda Federaalka, Xukuumad, Baarlamaan, Garsoor, Banki dhexe, Canshuur, Ciidan iyo Booliis aan hoos tegin Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa su,aasha isweydiinta lihi waxaa ay noqonaysaa Saameynta uu ku yeelan karo Dastuurka Federaalku maadama uusanba quseynin, una dhaqanto sida dawlad ka madax banana Soomaaliya. Dastuurka Puntland ayaa dhigaya in Puntland magacaabi doonto guddi is waafajiya Dastuurka Puntland iyo Kan Soomaaliya Marka Dastuurka Dawladda Federaalka Soomaaliya uu noqdo mid shacabku u codeeyay.
2- In Puntland laga siiyo qeybteeda Kaalmada Caalamku siiyo Soomaaliya. Balse Kaalmada Caalamku siiyo ayaanba lasoo marsiinin dawladda Federaalka, iyadoo xaqiiqdu tahay in Kaalmada Caalamka loo simo Dawladda Federaalka Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland, taas oo ay cadeyn u tahay Barnaamijka Waxbarashada ee Go 2 School iyo Barnaamijka Caafimaadka EPHS-ka oo uu dhowaan ku dhawaaqay bilaabashadiisa Raisul Wasaare Cabdiweli, Barnaamijka oo guud ahaan Soomaaliya loo qorsheeyay 9 gobol ayaa Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya laga Bilaabayaa 3 Gobol (Banaadir, Galgaduud iyo Gedo), halka Puntland-na laga Bilaabay 3 Gobol (Bari, Nugaal iyo Mudug) halka Somaliland laga Bilaabay 3 Gobol.

Sida haatan u shaqeyso Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ah Cadaalad Daro aad u weyn oo lagu sameynayo qaar kamid ah qabaa’ilada iyo Gobolada Soomaaliya maadaama Go,aanada, Maamulida iyo Metelaada Dawladda Federaalku saameynayso oo kaliya qaar kamid gobolada Soomaaliya.

Isku soo wada duube Dawladda magac u yaalka ee Federaalka Soomaaliya ayaa noqotay mid uun ku habsatay Magaalada Muqdisho dhaqaalaheeda iyo Maamulkeedaba, arintaas oo ay haatan muuqanayso in Muqdisho isugu yimaadeen Xildhibaano iyo xubno Xukuumad goboladoodii meel soo dhigtay oo helay Magaalo cidlo ah oo aan dad laheyn. Xildhibaanada Federaalka iyo Xukuumada ayaa ku qanacsan inay iska Maamushaan Canshuuraha iyo dhaqaalaha Muqdisho oo aysan jirin cid weydiineysa inay shacabka wax ugu qabtaan sida Mushaaraadka Isbitaalada, Iskuulaadka iyo waxyaalaha kale oo muhiimka u ah nolosha dadka Muqdisho oo canshuurta laga qaado.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Video: Sh Shibli: 700 oo gabdho Somali ah oo AIDS qaba ayaan ku soo arkay…

$
0
0

Nairobi (Caasimada Online) - Wadaadka caanka ah ee Soomaaliyeed Sheekh Maxamuud Sh.Maxamed oo ku magac dheer Sheekh Shible ayaa ka sheekeeyay xili uu muxaadaro jeedinayay in indhahiisa uu kusoo arkay 700 gabdho Soomaaliyeed oo qaba cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS.

Sheekh Shible ayaa arintan ka dhawaajiyay mar uu ka hadlayay waxyaabaha adduunyada ugu naxdin badnaa, isagoo sheegay in gabdhahaasi uu ugu meel ay Londan kaga sugnaayeen.

Gabdhahan ayuu tilmaamay in da’dooda u dhaxeyso 14 ilaa 19 sano, kuwaasi oo markii uu weydiiyay dhalashadooda ay u sheegeen in ay yihiin Jamaican, iyagoo ka faanaya Soomaalinimadii.

Halkan ka daawo Video

Sawirro cusub: Ma aamini doontid sida bilicda Muqdisho ay isu-beddeshay

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Bilicda magaalada Muqdisho, ayaa maalinba maalinka ka danbeysa isa soo tareysa, iyadoo magaalada hada ay u muuqaneyso mid soo ceshaneyso bilicdii ay lahayd 23 sano kahor.

Inkastoo bilicda iyo dib u dhiska magaalada si guud u wada saameyn, ayaa hadana qeybaha ay sida tooska ah u maamusho DF, waxaa kajira dib u dhis xoogan iyo ganacsi.

Dowlada Turkiga ayaa qeyb weyn ku leh dib u dhiska Magaalada, sida dib u dhiska wadooyinka muhiimka ah iyo Xaruumaha waxbarashada.

muqmuq2muq4muq5muq8muq9muq10muqdishomuqdisho-ganacsimuq11

Sawir gacmeed cusub oo Amiin Caamir uu soo saaray oo su’aalo dhaliyey

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Amiin Caamir, ayaa soo saaray sawir gacmeed cusub, oo muujinaya askari ka tirsan ciidamada Amisom oo baadi goob ugu jira malleeshiyada kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Qaabka uu Amiin Caamir u sameeyey sawirka ayaa ah mid cajiib ah, oo dad badan su’aalo ku dhaliyey.

27_MAY_2014

 


Caalamka oo u digay Xasan iyo C/Weli (Yaa abuuray khilaaka labada dhinac?)

$
0
0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa waxa la hadal-hayaa inuu khilaaf soo kala dhex galay, kadib, markii ay Madaxweynaha weerarkii Alshabaab kadib uu go’aansaday in isku shandheyn ku sameeyo Hay’addaha Ammaanka oo iyagu uu ka dhex jiro habacsanaan.

Khilaaf-hoosaadka Labada Mas’uul ayaa noqday mid ay Saxaafadda iyo Siyaasiyiinta hadal-hayan, mana la garan karo halka uu khilaafku ku dambeyn doono.

Labada Hoggaamiye waxaa bilowgii sannadkan soo kala dhex galay khilaaf shaac baxay, balse uu ugu dambeyntii uu Guddoomiyaha Barlamaanka xaliyey.

Haatan, mar kale ayaa la dareemayaa dhimbisha muranka Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha oo iyagu u muuqda inay Aragti ahaan ku kala duwan yihiin qaabka Isbedelka loogu samaynayo Hay’addaha Amniga.

Siyaasiyiinta la aragti ah Madaxweynaha ayaa dareensan in ay jiraan Mas’uuliyiin si dadban jalaafooyin siyaasadeed u maleega, si Madaxweynaha uu ugu fashilmo qorshihiisa ku aadan Isbedelka Ammaanka iyo magacaabista Mas’uuliyiin lagu beddelo Mas’uuliyiinta xilalkooda ku fashilmay.

Laakiin, Siyaasiyiinta kale ee Ra’isul-wasaaraha taageersan ayaa iyagana ku doodaya inuu Madaxweynuhu abuurayo Khilaafka, isla markaana uu gacan-dhaaf ku hayo hawsha Ra’isul-waasaraha eek u qeexan Dastuurka KMG.

Siyaasiyiintaasi ayaa ku doodaya mar hadday Xukuumaddu tahay Golaha Fulinta inuu Dastuurka qabyadda awood u siinayo Fulinta hawlaha Qaranka, sida Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Hiigsiga Qaranka,dhismaha Maamul-gobaleedyadda, Dib-u-eegista Dastuurka Qabyadda iyo qabanqaabadda Doorashadda Madaxtinimadda ee sannadka 2016-ka.

Beesha Caalamka oo iyagu kor-joogto ahaan la socda Xaalladdaha taagan ayaa ka hadlay Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha Somalia, waxayna ku baaqeen in si hoose loo xaliyo khilaafkooda oo ay ku tilmaameen inuusan dan ugu jirin dadka iyo dalka Somalia.

Ergooyinka Khaaska ee QM, Midowga Europe iyo Urur-gobaleedka IGAD ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, waxay dhawaan si wadajir ah u soo saareen War-Saxafaadeed ay kaga hadleen Khilaafka Taagan, waxayna sheegeen in lala xisaabtami doono qof kasta oo carqallad ku noqda Horumarka Somalia.

Waxay kaloo ku baaqeen in la ilaaliyo Dastuurka Qabyadda ee Somalia iyo in aan loo dhaqmin sidii Hoggaamiyayaashii Kooxaha ee caqabadda ku ahaa Dowladihii soo dhisnaa tan iyo sannadkii 2000.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaruhu u muuqdo mid si kedis ah ku dhacay, kana dhashay fashilkii dhinaca Hay’addaha Amniga iyo weerarkii ugu dambeeyey ee Dagaalamayaasha Alshabaab ku soo qaadeen Xarunta Sharci-dejiyayaasha Qaranka.

Farriinta wadajirka ee Ergooyinka Caalamiga ee u qaabilsan arrimaha dalka Somalia ayaa u muuqata digniin Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha lagu farayo inay wada shaqeyn xushmadeysan yeeshaan, lana joojiyo Ficiltanka soo-jireenka ee looga bartay Madaxweyneyaashii iyo Ra’isul-wasaarayaashii hore ee wada shaqeyn waayey.

Isha: Dalsan Radio

Jihaadka ku dhisan aragtida qarsoon ee reer galbeedka (Sirta kaa qarsoon)

$
0
0

Laga soo billaabo markay burburtay xukuumadihii islaamka ahaa ee ilbaxnimada iyo horumarka iftiinka badan ku soo siyaadiyeen dunidan maanta aan joogno, isbadalka ku sameysay jaahilnimadii hore kuna baddaleen nabad, is dhex gal, iyo casri aan taariikhda dunida hore loo arkin. Dowladdahaasi islaamka ahaa ee kala dambeeyey waxay ahaayeen meelaha ugu horeeyey ee billaabay in qoraal wax lagu keydiyo, halka ayada ka hor boqolaal qarni lagu keydin jiray sawiro, ama muuqaalo siyaabo kala duwan loogu reebi jiray jiilba midka ka sii dambeeya si ay wax badan uga ogaadaan dhacdooyinkii dunida soomaray inta markaasi laga gaari karay.

Islaamku maado kasta oo dunida maanta loogu dhaqmo asagaa loogu nasab sheegtaa 90%, waana meesha kaliya ee maanta horumarka dunida laga keenay. Markaad barato buugga1001 sheey oo dunida islaamka ku soo kordhiyey waxaad dareemaysaa 99% waxa dunida casri yaala inuu gogol dhig u ahaa, sida lagu barto maantaba dunida  jaamacadu badan lagu dhigo. Laga soo billaabo geologically oo cilmiga dhulka, astronomy cilmiga cirka, chemical engineering barashadda kiimikaalada, iyo dhamaan science oo dhan, sameynta keydinta buuggaagta iyo ururinta cilmiga qoran ee aan sawirka ahayn, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ummadda iyo wixii dhamaan ummaddaha dunida aysan horay u arkay, ayaa laga dhaxlay dunida muslimka oo dhan. Waxaana hubaal ah inaanay dunida guudkeeda joogin cid sheegan karta dhamaan asaaska waxyaaba aan ka soo sheegaynay oo dhan.

Maadaamaaba dunida muslimka ay leedahay fekerka noocaas ah maxaa ka dhigay shucuubta dunida manta aan joogno ugu liidatay qaasatan halkii salka u ahayd ama xaruntii iftiinta islaamka ee dunida muslim, ee ah Makka iyo madiina, Dimishiq, Baqdaad illaa Turkey, Pakistaan illaa Bartamaha qaaradda Aaasiya.

Waxaan doonayaa inaan bal u faaqido maqaalkan si aan u soo koobo ugana dhigo waxay fahmi karaan ummaddeena aan aad ula socon waxa dhabta ah ee dunida yaala , ee aaminsan waxa laga soo bandhigo shaashadaha ay leeyihiin intooda badan dad islaam ah, ama macluumaadka dunida laga qaybiyo ayadoo ay ku dhisan tahay aragtida ka fog runta ee qiyaaliga iyo qiyaanada gun dhigeedu yahay, oo runteedu tahay wax ka badalan waxa laga soo bandhigayo.

Jamhuuriyadaha Carabta ee kala duwan

Carabtu waa asalka guriga diinta islaamka, waxayna u nasab sheegtaan ahlu cilimiga islaamiga ah, waana faraca iyo iftiinkii dunida ku soo baxay meesha ugu horaysay ee ay ka timid, waana meesha ugu xun ee maanta laga dumiyo dunida muslim-ka. Marka la leeyahay ee loo baahan yahay in aragtidaan  la diido, ama la ogolaado waxay u baahan tahay in marka hore wax badan laga daraaseeyo, waxa dunida muslimka halkaa dhigay. Waxayna u baahan tahay in maskax dagan oo cadiifad iyo kacdoon midna aan lahayn lagu eego, loona fahmo meesha khaladka ugu weyn ka soo galay, cidda ka dambeysay iyo sida ay u dhacday in dunida muslim-ka ay noqoto meel aan micna lahayn oo dhageysata dad iyo xukuumado aan islaam ahayn, looguna qasbay shuruucda la dajiyey 1945 ee ay dunida u dhigeen 4 waddan oo ku guuleysatay dagaalkii Hitler ay la galeen, iyo sida dunida muslim-ka u noqoto meelo ay ka taliyaan wakiilo la shaqeeya ummado aan islaam ahayn, sida reer galbeedka, dhaqaalahoodiina ay uga gaajaysan yihiin cidda xuquuqda u lahayd, una dhigteen dhamaan dhaqaalaha ay leeyihiin dowladdo kale, oo ay ku shaqeystaan kuna nooleeyaan dadkooda, halka kuwii muslimka ahaana ay u dhimanayaan haraad iyo gaajo, ama dhaqaalahii carabta loogu burburiyo dunida muslim-ka ayagoon war u ahayn, iyo sida dhamaan loo koontaroolo dhaqaalaha iyo nolosha ummadda islaamka ah oo dhan ayadoo laga fadhiistay xaruntii islaamka ee dunida muslimka u nasab sheeganaysay, iyo sida boqorrada carabtu u aamineen danahooda qaaska ah, una fogeeyeen horumar xumada ku dhacday dunida muslimka guud ahaan.

Inkastooy meelo kala duwan galayso, oo ay nala fogaanayso qoraalka, ayna suurta gal ahayn inaan meelkastaba la tagno ayna noqonayso qoraal socon doona muddo dheer ama ku dhawaanaya Buuggaag in laga qoro ayaan isleeyahay meesha ugu sahlan ka billow oo ah, sida dunida muslim-ka u aamintay jihaadka dunida loogu dhawaaqo shacaa’iraadka islaamka, laguna fuliyo danaha ay leeyihiin reer galbeedka, kaasoo sida uu u dhaco iyo sida loo abuuro, iyo cidda ku guulaysataba ay ugu dambeyn noqonayso dad iyo dowlado aan islaam ahayn, laakiin dhiigga iyo dheecaanka, qasaaraha, dhimasho iyo hanti,  aqoon iyo waxkastaba ay ku waayaan dunida muslim-ka. Waxaana ka dhasha barakaca ugu weyn qarniga 21-aad ee miilaadiga, taasoo cidkasta oo maanta adduunkaan ku nool ay in dhaha ku hayso.

Taasi waxaa ka sii daran sida foosha xun ee diinta islaamka looga dhigay mid ka shaqeysa xumaanta iyo fool xumada dunida ka taagan, ayna u rumeeyeen dad badan oo aan islaam ahayn inay tahay diin ku dhisan qarax iyo burbur, ayna aamineen inay waajib tahay in laga sifeeyo dunida dusheeda. Inkastoo cid ka sifayn kartaa aysan jirin oo arin illaahay gacantiisa iyo balanqaadkiisa ku jirto tahay, haddana meeshaas waxaa laga waayey ciddii ku haboonayd iyo caqligii islaamka la faray, iyo sida qiimaha badan ee loo badbaadinayo dhiigga islaamka dhexdiisa ah iyo midka gaalada aan dagaalka ku jirinba.

Waxay u baahan tahay islaamka sida uu u shaqeeyo iyo qaabka uu dunida ula tacaamaloodo in la barto dunida oo dhan waxayna u baahan tahay xikmad iyo aragti suuban oo dunida maanta aan ku nool nahay loo mariyo. Waxyaabaha cajiibka ah ee maanta dunida ka dhacay waxaa ka mid ah, in Diinta islaamka ay tahay midda ugu saamaynta badan ee loogu qaadashada badan yahay dunida, taasina ay keentay in dhamaan dadka aan islaamka ahayn u fahmeen in diintani tahay mid aad u faafaysa ayna mustaqbalka noqonayso diinta kaliya ee ka talin doonta deegaanadooda iyo inay badali doonto xukuumadaha reer galbeedka ama dhamaan caalamka aan islaamka ahayn oo dhan.

Arintaas khatarta u arkayeen  ayaa u sabab noqotay in dagaalo adag ay la galaan diinta islaamka, waxayna u sameeyeen jidad xoog badan oo ay kula dagaalamayaan islaamka galay dhulkooda ee ay qaadanayaan ilmahooda iyo dumarkoodaba, ayna ka dambeeyaan dad yar fara ku tiris ah oo ahlu xikma ah, wuxuuna keenay dagaalkaas in si guud ay uga qayb qaataan, siyaasadda, dhaqanka, aqoonyahanka, iyo dhamaan inta ay awoodi kareen, waxayna keentay inay iskaashi ka sameeyaan sidii arintaan looga hortagi lahaa.

Haddaba dagaalkii ayaa wuxuu noqday siyaabo kala duwan, wuxuuna noqday in marka ugu horaysa xukuumadaha dunida islaamka ka jiraa laga dhigo kuwa ayaga ka amar qaata oo nolol ahaan iyo dhaqaale ahaanba ku xiran reer galbeedka, waxay sameeyeen jaaliyado wax ku baratay dalalka reer galbeedka,kuwaasoo noqonayey mustabalka hogaanada caalamka islaamka, kaligood taliyaalna ah, ama Regime ahaa,oo fulinaya agendayaasha danaha gaarka ah, sida dhamaan Boqorada Caalamka islaamka oodhan yihiinba. Waxaana doonayaa inaan Tusaale idin siiyo bal habka ay ku dhacaan waxyaabaha lagu kala daadinayey dunida Muslim-ka.

Dowladdii Soomaaliyeed ee uu Hogaaminayey Allaha u Naxariistee Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cadde ayaa waxay lahayd Fekerkii Middeynta Caalamka Islaamka oo dhan. Muddo yar ka dib waddamada Carabta oo Fulinaya qaddiyadda kala jabinta midnimada islaamka ayaa waxay sameeyeen una ololeeyeen kala qaybinta Islaamka, waxayna ku dhawaaqeenCaalam Al-carab oo micnaheedu yahay in dunida muslim-ka loo kala micna yeelay ayadoo midnimada Caalam islaam si dadban loo cirib tirayo, illaa ay iskeed isaga dhimato aragtidaasi, kadibna muslimka uusan u noqon mid mideysan, loona waayo ummad islaam ah oo iska war qabi karta ama isu gargaari karta ama aragti mideysanba qaadan karta, qaddiyadda Caalam al carab waa laga sii gudbay oo waxaa ugu dambeyntii la gaaray in Caalam Al carab la kala reebay oo loo kala saaray oo kuwii shidaalka lahaa intooda badan ay is ururiyeen, ayna la baxeey KHALIIJUL CARAB, taasoo micnaheedu ahaa in Ummadda loo kala qaado jilib jilib, loona diyaariyo in la dhex dhigo mushkilooyin.

Qaddiyadaasi sidaas ah ee carabtu ay la timid waxay ku dhisnayd mid lagu kala saarayo, ayadoo dhaqaalo xoog badan lagu kala iibsanayo aragtida oo waddankii ka midnoqdaa uu helayo dhaqaalo, wuxuuna noqday urur ku dhisan dhaqaale, oo aan lahayn qaddiyad u dhaxaysa xitaa danaha ummadda ay markaa matalayeen, waxaadna ka dareemaysaa  wixii ku dhacay dunida carabta logu yeeray dagaalkii 6-da maalmood ee dhex maray Carabta iyo yahuudii Fara ku tiriska markaa ahayd ee dowladaha carabta ay diideen inay aqoonsadaan. Dagaalkaas wuxuu soo bandhigay wajiga runta ah ee carabta maxaa yeelay mid ku dhisan mabda’ maahayn ee mid dhaqaale iyo nolol ku dhisan buu ahaa, taasoo khilaafsan wuxuu NABIGEENA MUXAMED NNKH uu na faray ee ahayd islaamka wuxuu jabayaa markuu ADDUUN JECLAADO, DHIMASHADUNA KARAHSADO, waxayna keentay in Yahuudii berrigaas ay qabsatay dhulal badan oo dunida carabta ka mid ah, markii dambana ay ku kala jabeen caalam  carabta qiyaaliga lagu dhisay.

Muddooyinkii ka dambeeyey dunida kale ee islaamka ee aan carabta ka mid noqon, waxay keentay inay hormaraan oo ay noqdaan dalal wax soosaar iyo warshado yeeshay oo gaaray illaa heer aad u sareeya, sida Turkey, Pakistan, Iiraan, Malaysia, Induneesiya, iyo dalal kale oo Muslim ah. Waxayna keentay in Dowladihii Raacday carab ay ku dambeeyaanBurbur iyo Halaag aan laga kabsan Karin sida tan ku dhacday Soomaaliya, Ciraaq, Liibiya, falastiin, Suuriya oo maanta la joogo, iyo intii ay saameynta ku yeesheen oo ay ka mid tahay Afgaanistaan, chechniya, Muslimiinta China iyo dhamaan islaam kaleba.

Markii kala qaybintu ayba meel soo joogtay, ayaa waxaa ay yiraadeen reer galbeedku in dunida Muslim-ka ee kala hartay ay jaaliyado lanoqdaan reer Galbeedka, qaarna ay la noqdaan soviet-ka si ay qolo kastaba gaashaan buur u helaan, waxayna keentay in gaashaan Buuraysigaasi uu haddana keeno agendaha ugu weyn ee loo sameeyey collaadaha u dhaxeeya dunida muslim-ka qaasatan Beriga dhex, oo ugu horayntii laga billaabayo in layska Horkeeno 1-ISKA HORKEENISTA SHIICADDA IYO SUNIGA, dagaal adagna laga dhexeysiiyo kaasoo ay gadaal ka maamulayaan Khaliijka iyo Reer Galbeedka, loona ekeysiinayo dagaal waajib ah oo DIINI ah oo ay tahay in la galo.

Qodobka 2-aad waa Suniga dhexdiisa in jaha wareer la galiyo, oo laysku diro Raggii ay meesha keensadeen ee wakiilada u ahaa reer Galbeedka, waxayna keentay  In LIIBIYA iyo MASAR Cadow laysaga dhigo, Suuriya iyo Ciraaq, Turkey iyo Syria, Sacuudiga iyo Yemen, Soomaaliya iyo Sacuudiga, oo midba midkiisa kale aysan dhex marin wax diblomaasiyad micna leh, illaa mid uun qaddiyadiisa la raaco, taasoo asalkeedu aysan ka imaanin Feker dunida muslim ah, carabtuna ay noqonayso Micraphone lagu Gudbiyo aragti rag kale soo Hindiseen oo qarsoon, isla Aragtidaasina laga dhigayo in uu leeyahay dal ka mid ah dunida muslimka, oo markaa Amaan iyo bogaadin loogu hibaynayo.

1970-1976 dowladda sacuudiga waxay abuuraysay In dalka soomaaliyeed ay khalalaaso galiso, waxayna ahayd in dowladdii soomaaliyeed ay meesha ka saarto midowgii soofiyeeti oo cilmaani ahaa, aragtidaasi oo laga dhigayey in soomaaliya ay noqotay meel diinta islaamka lagula dagaalamay, kadibna dhaqaale u balana qaaday, markay dowladdii soomaaliyeed ka madax adkaysatayna, waxay ku kicisay rag wadaado ah oo aan aad u aragti dheereyn kana yimid inta Badan saacuudiga, kuwaasoo buuq ku dhex furay bulshada dhexdeeda halkii si xigmadaysay loo abaari lahaa, umana diyaarsanayn inay la tacaamulaan dowladdii markaasi taagnayd ee soomaaliyeed oo hubaashii gefka diinta ka gashay, ayadoo Sacuudiga Xaramayn Alshariifayn ay Joogaan Ciidamo Gaalo ah oo aan Islaam ahayn oo Illaalinayey, Khayraadka Ummadda Ilsaamkahana qaadanayey, haddana ay abuurayeen Ideology lagu kicinayo Muslimiinta dunida ku dhaqan, si khalalaase ay ugu abuuraan, ayagoo markaasi ka dhigayo fekerkaasi mid DIINTA ISLAAMKA LOOGU NASTEEECEYNAYO.

Markay dowladdii maxamed siyaas saartay Ruushkana dowladdii soomaaliyeed ceelkii lala raadinayey waa ku dhacday, kadib sacuudiga waxba kama soo qaadin oo waa ka aamusay, marka laga reebo Hub Taariikhdiisu dhacday oo ay soo siiseen oo aan wax badana ahayn. Soomaliya kaliya kumay dhicin ee waxay ku dhacday Masar iyo Suudaan oo dhamaan uga digay Soomaaliya inaysan saaraan Soviet-kii, maadaama ay ayaga horay ugu qasaareen, maxaa yeelay gaashaan buur la’aani halasy bay markaasi u muuqanaysay.

Agendayaasha carabta ay sameeyeen waxaa ka mid ahaa, sidii laysaga Horkeeni lahaa labadii quwadood ee islaamka u soo koraysay ee Ciraaq iyo Iiraanoo laba dowladood oo daris ah ahaa, nabadna ku noolaan jiray, loona dhex dhigay cadowtooyo xoogan oo aad u xanuun badan, ayna keentay in Ciraaq lala saftay dhaqaalo iyo Military ahaana ay caawinayeen labadii quwadood ee ugu xoogga badan lahaa dunida ee Reer bariga iyo Reer Galbeedka, laguna Go’dooniyey Dalka Iiraan. Go’doominta Iiraan waxa u sabab ahaa in Iiraaniyiintu ay meesha saareen Maraykanka, markuu qabsaday Ayatullaahi Khumeyni, kana dhigtay inay ka baxeen garabkoodii reer galbeed, meel kalena aysan ku xirmin, Waayo wax xiriir oo hore ah kala dhaxeyn reer Bariga, waxayna keentay inay meel cidla ah ku soo dhacdo dowladda Iiraan, ugu dambeyntiina dhinac looga soo wada jeestay, laakiin aan laga guuleysan, kuna adkaatay Dowladda Iiraan, dagaalkaas oo qaatay muddo 10 sano ah waxaana  ku dhintay ku dhawaad 1 Milyan oo ruux oo shacab iyo ciidanba lahaa, iyo dhaqaalo aad u xoog badan. Dagaalkaas waxaa loo adeegsaday hub ka mamnuuc ahaa in la adeegsado, lana mamnuucay wixii ka dambeeyey dagaalkii 1-aad ee dunida, haddana illaa iyo maanta aan UN-ka wax raali galin ah ama in yar oo Garawsha ah aan laga helin, laakiin wali ah dhibic madow oo dhex taala Xarunta United Nations-ka.

 

Dagaalkii Afgaanistaan

Waxyaabaha laga xusi karo Jihaadka looga faa’iideysto dunida Islaamka waxaa ka mid ahaa Jihaadkii lala galay Soviet-kii qabsaday dalka Afgaanistaan 1979  iyo sidii loogu ogolaaday inay dhamaan Mujaahidiintii caalam islaam iyo kuwa ku nool reer Galbeedkuba ay kaga qayb qaateen xoraynta Afgaanistaan, waxaa dhiiri galintiisa iyo is diiwaan galintiisu ka billaabatay dhamaan dunida muslim-ka oo dhan, waxaana u gogosha dhigay Sacuudiga iyo dhamaan carabta, haddaad daarwato barnaamijyada laga sameeyey jihaadkii Afgaanistaan waxaad dareemeysaa sida Muslimiin looga faa’iideystay qaddiyadda ay aaminsan yihiin ee Islaamka in la xoreeyo iyo sida  gogol ugu ahayd fekerada qarsoon ee reer galbeedka iyo iskaashiga kuwa ay la leeyihiin ee uga wakiilka ah dunida islaamka.

Ciidamada ka dagaalamayey Afgaanistaan ee Mujaahidiinta ahaa waxaa Tababar iyo xoogga ay kula dagaalameen lahaa Reer galbeedka qaasatan Maraykanka, wuxuuna siinayey Tababarada sida loo sameeyo MIINOOYINKA, MID CIIDAN, HUBKA KALA DUWAN OO AY KA MID AHAAYEEN QORYAHA UGU CASRISAN EE DIYAARADA JOOGGA HOOSE KU SOCDA LAGU SOO RIDO, EE LA YIRAAHDO STINGERS, iyo CASH LACAGEED oo aan tiro lahayn,  oo dhamaan meesha markaas base-keedu ahaa dalka PAKISTAAN, taasoo ciddii doonaysa hadday ka raadiso ay ka heleyso Internet ka si free ah.

Waxaan xusuustaa mar aan daawanahay documentary la Yiraahdo, WAR IN AFGHANISTAN oo laga sameeyey silsiladdii dagaalkii qaboobaa EE COLD WAR-KA, aan ku dhex arkay madaxda ugu sar sare  oo dhex taagan MUJAAHIDIINTA DHEXDOODA OO KU DHAWAAQAYA, “” WAXAAD KU NOQON DOONTAA GURYAHIINA, WAXAADNA KU TUKAN DOONTAAN MASAAJIDYADIINA””,

Markaad aragto arintaas oo kale waxay kuula ekaanaysaa cadowgaaga cadowgiisa waa saaxiibkaa, laakiin marka fekerkaas uu shaqeynayaa waxay ku xiran tahay in lahelo nidaam islaami ah oo isku xiran hubkiisii iyo awoodiisii leh, oo dhaqaale ahaan iyo feker ahaanba u madax banaan oo markaasi iskaashi la sameyn kara dalal ama taxaaluf sameysan kara, laakiin waxay u ekeyd in dagaalkaasi uu yahay mid aan intaasiba lahayn ee fekerkiisa iyo agendahiisaba ay lahaayeen raga dunida ugu awooda badan ee isku haysta tala caalamka oo dhan, kuwaasoo fekerkooda iyo waxay doonayaanba ay tahay dunidan oo Hal dowlad ka talisa sida uu President Bush ka dhawaajiyey 1991, oo uu xitaa raaciyey in dagaalka Operation Desert Strom ee Ciraaq  1991 in uu ka mid yahay hirgalinta Haldowlad oo dunida ka arimisa iyo Burburinta darbigii BERLIIN EE DALKA JARMAL-KA, EE LAYSUGU KEENAYEY EAST AND WEST GERMANY.

Kacdoonkii islaamka ee dunida muslimka kacay wuxuu ahaa mid ku dhisan run oo shucuubka islaamka ay ku galeen si niyad ah, laakiin aan la helin cid dib u eegta sida ay noqon karaan mustaqbalka mana helin dowlad hagta shucuubtaas dagaalka gashay ee doonaysay in islaamka laga dulqaado Gaalada ku soo duushay ee dul dagan.Ayadoo sacuudiga Jihaad u iclaaminayo dunida muslim-ka si loo xoreeyo afgaanistaan, ayaa Haddana sidaas ay tahay SACUUDIGA WAXAA DUL DAGANAAN CIIDAMO AAN ISLAAM AHAYN, mana lays weydiin waxa ay ku kala duwan yihiin kuwii joogay SACUUDIGA IYO KUWA JOOGAY AFGAANISTAAN, waana meelaha aan  wali su’aalo layska weydiinin, Maxaa yeelay laga soo billaabo 1978 illaa maanta  gabdhaha  khaliijiyiinta waxaa dul jooga ciidamo Galbeed ah.  Waxaan xusuusbtaa hadalkii QADAAFI UU KA JEEDIYEY SHIRKII DOOXA EE DALKA QADAR, EE UU la hadlayeye Boqor Abdallaha Sacuudiga uu KU YIRI “”” SACUUDIGA WAXAA ABUURAY INGIRIIS, WAXAANA DIFAACAYA MARAYKAN””,.

Kalimadaasi qadaafi beentiis maahayn, siyaasad ayuuna ka watay, laakiin waa dhab taasi, waxaana sacuudiga sameeyey boqorooyadii ingiriiska markay Carabta duminaysay boqortooyadii ugu dambeysay caalam islaam ee OTTOMAN EMPIRE, taasoo carabta markii dambe ay ka dhaxleen gumeysi iyo kala qaybin xoog badan oo ku dhacday, qasaarahii ka dhashayna ay ahayd, in reer galbeedku burburiyaan wuxuu islaamka soo dhisayey qarniyo badan, illaa laga waayo dunida muslimka wax isku xira.

La soco qeybta labaad oo ka hadleysa arrimo ay ka mid yihiin:-

ALQAACIDDA MAXAY TAHAY, HALKAYSE KA TIMID.

Dagaalkii Afgaanistaan kadib, waa side jihaadkii?

Dhaqaalaha iyo fekerka halkuu ka soo gala, raga dagaalamaya?

MAXAAN U BAAHANAHAY SI AAN U HELNO NABAD, BARWAAQO, IYO DAGANAAN?

ILLAAHAY AYAA MAHAD OO DHAN U SUGNAATAY,  I GAARSIIYEY WAXAAN AWOODI KARO INAAN SOO BANDHIGO.

W/Q: Ibrahim Abdi Geele 

Jinniishumi@gmail.com

Dhageyso: HAWIYE oo go’aan adag ka qaadatay DF “Yeeli mayno dowlad dul saaran beesha Hawiye oo kaliya”

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Beesha Hawiye ayaa kullan xasaasi ah oo runta loogu sheegay dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku yeelatay magaalada Muqdisho.

Ujeedada kullanka ayaa Hawiye waxa ay ku sheegeen sidii looga tashan lahaa aayaha beesha iyo iska qabashada cadaalad darrada dowladda federaalka ay ku hayso dadka iyo deegaanka Hawiye.

Beesha Hawiye waxa ay sheegtay inay dowladda Soomaaliya kusoo dhoweysay deeganadeeda oo ay ku jirto caasimada Soomaaliya, ayna siisay taageero aysan ka helin beelaha kale ee Soomaalida, laakiin loogu abaal gudaya oo kaliya dhib.

Beesha Hawiye waxa ay caddeysay inaysan hadda iyo wixii ka dambeeya aqbali doonin in dowladda federaalka ay noqoto dowlad ku tiirsan oo kaliya dhaqaalaha deegaanada iyo canshuur laga qaado Hawiye.

“Dhaqaalaha kasoo xarooda Muqdisho sida canshuurta iyo dekedda iyo garoonka diyaaradaha kaliya kuma filna dowladda, waa in gobol kasta iyo magaalo kasta dowladda ay dhaqaale ka qaadataa, oo aysan noqon oo kaliya dowlad Hawiye ku tiirsan” ayay tiri beesha.

Waxa ay dowladda Soomaaliya u caddeysay in haddii aysan u caddaalad falin karin Soomaalida oo dhan in Hawiye uu la xisaabtami doono dowladda.

“Waxaan dooneynaa in dhaqaalaha Muqdisho loo madax baneeyo maamulka gobolka, waan ogolnahay xaqa dowladda, ayadana xaqeenna waa inay na siisaa, haddii kale waan iska dhicineynaa” ayey tiri beesha Hawiye.

Go’aanka cad ee Hawiye ayaa ah mid muddo dadka Hawiye ay dhowrayeen, una adkeysan waayeen dowlad u jirta oo kaliya Hawiye iyo deegaankiisa, oo haddana horumarkii Muqdisho caqabad ku ah.

Xubanah Dowladda Soomaaliya ayaa ka kooban dhammaan beelaha Soomaaliyeed, hase yeeshee waxay gebigood joogaan Muqdisho, ayaga oo aan xittaa tagi karin deegaanada ay sheegtaan, waxaana lagu biilaa dhaqaalaha deegaanada Hawiye.

Waxaa intaas ka darran in xubnaha Hawiye ee dowladda ee uu Xasan Sheekh ugu horeeyo aysan dareemi karin siyaasadda xun ee socota, marnaba aysan u fikirin sidii dadkooda iyo deegaankooda ula mid noqon lahaa qeybaha kale ee Soomaaliya.

Hawiye waxa uu iminka doonayaa in Muqdisho ay noqoto magaalo ay dadkeeda u madax banaan yihiin, diyaarna u ah inay xaqii ay ku lahayd dowladda federaalka iska bixiso.

Go’aannada Hawiye ayaa la filayaa in taageero weyn ay ka helaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha ee daafaha dunida.

Halkan ka dhageyso go’aanka Hawiye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Video: Maxaa shacabka MUQDISHO ka hadal siiyay oo magaalja iska badalay

$
0
0

Shacabka Magaalada Muqdisho oo markii ugu horeeyay ka hadlay arimo badan oo taagan kuwaas oo caqabad ku ah Horumarka Magaalada Muqdisho iyo Sababaha keenay in ay dib u dhac ku timaado Horumarka Magaalada ka socday.

Waxa ay shacabka dhaliileen maamulka gobolka Banaadir oo ay ku dhaliileen inuusan waxba ka qaban horumarka magaalada caasimadda ah.

Waxa ay si gaar ah u sheegeen in nadaafadda gobolka uu ka gaabiyey maamulka cusub, taasi oo ay sheegeen in jidadka ay noqdeen kuwa wasaq ah.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Daawo: Isbedelada siyaasadeed ee ka dhacay Somalia 12-kii bilood ee tagay

$
0
0

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday Xaflada lagu soo bandhigayay horumarkii u dambeeyay ee 12-kii bilood ee u dambeeyay iyo xaalada dalka uu marayo iyo sida Xafiiska QM uu ula shaqeeyo Dowlada Somalia.

Hadaba Aqristoow wax badan ogoow oo aadan ogeyn ee nala daawo Muuqaal meelo badan wax ka tusinaya iyo isbadaladii u dambeeyay ee dalka ka dhacay, gaar ahaa arrimaha siyaasadeed halkaan hoose ka daawo muuqaalka oo xiiso leh.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Viewing all 817 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>