Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all 817 articles
Browse latest View live

Daawo Video: Horumar cusub oo ku soo kordhay Magaalada MUQDISHO

$
0
0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waayihii u dambeeyay waxaa ka soconayay Horumar dhan walba ah kaasoo la jaan qaadayay dunida koowaad waxaana magaalada ku soo kordhay waxyaabo aan horay looga aqoonin.

Shacabka Muqdisho ayaa la yaabay Bandhigyo aan nuucyadooda horay loo arag oo ku soo kordhay Horumarka Magaalada ka soconaya iyo Shacab badan oo aad uga helay in arin kani waa hore loo bahnaa kadib markii wax yaabo badan ay ka faa’ideyn shacabka ee nala daawo.

 

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 


Ukhtii, iga guddoon furayaasha akhiro iyo aduunba. (Furaha Koowaad waa..)

$
0
0

Hordhac

Sida cinwaanka qoraaladan ka muuqataba, waxaan usoo gudbinayaa gabdhaha muslimaadka ah, qaar kimid ah furayaasha sababtooda lagu helo kheyrka aduun iyo kan aakhiroba. Waa furayaal: hadii gabadha muslimada ahi ay barato, qaadato, kuna dhaqanto, aan rajaynayo in ay sabab ugu noqon doonaan in ay noqoto: hooyo muslimad ah oo Ilaahay raali kayahay, hooyo aqoon leh oo dadkeeda iyo diinteeda anfacda, hooyo ka taxadirta in uu gurigeedu bur buro amaba sababteeda guryo kale u burburaan, hooyo gurigeeda ku kooban oo aan socod badnayn, hooyo aanay waxba yeeli karin kuwa habeen iyo maalin malaayinka ku bixinaya in ay gabadha muslimada ah: ka dhigaan xijaabkeeda, kasaaraan gurigeeda ilaahy ku asturay, ku diraan ninkeeda ilaahay ku asturay, ku diraan dhaqankeeda, dadkeeda, diinteeda ayagoo markaa ugu soo gabanaya waxa ay ugu yeeraan ‘Xoriyatu Al-mar’ah’ ama ‘women freedom’ (xoraynta haweenka). Belaayo intii ay le’ekayd waxa ay hada shaqo ka dhigteen gabadha muslimada ah sidii ay u fidnayn lahayeen, qaar badan oo kamida gabdhaha muslimaadka ahna waaba ku dagmeen fidnooyaankaas oo waa raaceen, qaarna qarka ayeey usaaran yihiin.

Sidaa darteed, waxa aan qoraaladan ugu talagalay in ay gabadha muslimada ah u noqdaan tilmaan ay raacdo taas oo ku hogaamisa dariiqada saxda ah ee aay ku badbaadi karto, aakhiro iyo aduunba. Qoraaladan waxa aan tixraac uga dhiganayaa, Qur’aanka, Sunada Rasuulkeena Muxamad(Naxariis iyo nabbed gelyo korkiisa ha ahaatee), cilmigii saxaabadeena iyo ijmaaca muslimiinta. Waxaan kale oo tixraac uga dhiganayaa wixii khibrad ah, xaqaa’iq ah, qisooyin ah, xikmado ah oo aan rajayanyo in ay anfici doonaan gabadha muslimada ah kuwaas oo aan ka hor imaan doonin diinteenaa. Qaybo kamida furayaashan waan ku dheeraan doonaa, ahmiyada gaarka ah oo ay leeyihiin darteed, qayba kalena waan soo koobi doona, inkastoo guud ahaan qoraaladani iska kooban yihiin.

Qaybta hore wax aan kaga hadli doonaa furayaasha asaaska u ah diinteena islaamka, sida shanta tiir ee islaamnimada lagu soo galo, inkastoo, sida lagu yaqaan kutubta culimadu qoraan aanan ugaga hadli doonin, ee waxa aan ku kaaftoomayaa wax yar oo dulmarid ah, anigoo markaa tilmaami doona meesha mawduuca laga heli karo isagoo fidsan amaba sifiican loo bal balaariyey iyo sida loo baran karoba, hadii rabi wayne ii fududeeyo.

Waxa kale oo aan kaga hadli doonaa qoraaladan arimo kale oo badan oo dhaqanka Soomaliga hada aad ugu soo batay sida: Qabyaalada oo weji cusub oo kii ay Soomaalidu taqaanay ahayn yeelatay, burburka qoyska oo aad usii badanaya, waqtiga kafaa iidaysigiisa oo aad uyaraaday, guurka, furniinka, xijaabka, isku dirista dadka, xanta, safarka maxram la’aanta ah, kasoo bixida masuuliyada, xanuunada qalbiga oo aad ufara batay sida: welwelka, murugada, buufiska, jinka oo aad loola shaqaysto ha noqoto qaab sixir ah ama qaababka kale ee jinka loo adeegsado iyo waxyaabo kale oo badan.

Hadii Illaahay iwaafujiyo in aan qoraaladan usoo gudbiyo sida uu Illaahay raaliga ka yahay, kana dhigo qoraalo gabdhaha muslimaadka ah si fiican u anfaca, waa fadli iyo naxariis xagiisa ka ahaatay, mahad oo dhana Illaah keligiis baa iska leh. Sidoo kale, waxa aan Illaah ka baryayaa in uu iga aqbalo arinkan iigana yeelo camal aan isaga dartiis usamaynayo, iiguna naxariisto sababtiisa maalinka qiyaami ee aanuu maal iyo caruurba waxba ii tari doonin in uu igu bad baadiyo qalbi isaga dartii u nabad galay mooyaane, gabdhaha muslimaadka ahna uga dhigo qoraalo ay ku liibaanan daartan aduun iyo tan lama huraanka ah ee aakhiro.Aamiin.

Furaha koowaad waxa aan u doortay in uu noqdo Towxiidka Ilaahay, sababtoo ah waa furaha furyaasha (master key), khayr oo dhana isaga ayaa laga galaa, hadii isagu kuu toosnaado, furyaasha kalena waa kuu toosayaan hadii uu kaa jajabo, daxalaysto, qaloocdo, kaalumo, waa adagatahy in ay furayaasha kale kuu shaqeeyaan, sidaa darted, waxa aan ku bilaabanaynaa Towxiidka, ee walaashayda muslimada ahay sifiican iila akhri furahan, waqti sii, meelaha aan kuu tilmaamo si deg deg ah uga raadi towxiidka, balan ayaan kuu qaadayaa hadii aad sidaas yeesho in aad liibaanayso oo ay markaa gurigaaga kuugu imaanayso waxa ay gaalo iyo muslinba raadinyaan oo ah ‘HAPPINES’ ama ‘SACAADA’ afkeena hooyana aan filayo in lagu yiraahdo BASH BASH IYO BARWAAQO.

(1) Towxiidka

Walaashayda muslimada ahay waxa aad ogaataa in sababta laguu abuuray ay tahay in aad Illaahay caabudo keligiis sida uu ilaahay ku sheegay quraankiisa. Aayada hoos kuqoran waxa ay cadaynaysaa in sababta jinka iyo insigaba loo abuuray ay tahay in ay Ilaahay caabudaaan.

وَمَا خَلَقۡتُ ٱلۡجِنَّ وَٱلۡإِنسَ إِلَّا لِيَعۡبُدُونِ (٥٦)
{jin iyo insi wax aan cibadadayda ahayn uma abuurin} Suurat Ad-daariyaat 56

Ukhtii, waxa uu Ilaahay kugu waajib yeelay in aad cibaadadiisa aad keligiis usamaysid oo aadan cid kale lawadaajin. Ugaaryeelida ilaahay cibaadadiisa loo gaar yeelo ayaa layiraahdaa ‘Towxiid’ waana meesha laga soo galo diinta islaamka. Sidaa darteed, waxaa laga rabaa gabadha muslimada ah in ay towxiidka sida sharciga islaamku farayo ay u barato una rumaysnaato, barashadaas iyo rumayntaas oo cilmiga sharciga ku dhisan. Uktii, waxa ilaahay quraanka inagu faray in aan Illaahay barano inta aynaan Illaahay rumayn sida aayada hoos ku qoran ay tilmaamayso:

فَاعْلَمْ أَنَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللَّهُ وَاسْتَغْفِرْ لِذَنْبِكَ
{ Ogow( kuna sugnow Nabiyow) in aan Eebe mooyaane ilaah kale jirin, una dambi dhaaf waydii naftaada iyo mu’miniinta Rag iyo Haweenba, Eabena waa ogyahay dhaqdhaqaaqiina iyo nagaadigiinaba } Suurat Muxamad 19.

Illaahay waxa uu aayada kor ku xusan ku sheegay in Illaahay la barto inta aan la rumayn. Barashada Illaahay labartaana waxa ay waajib ku tahay qof kasta oo muslim ah, waxaa kale oo waa jib ah in barashadaasi ay qalbiga qofka muslimka ah si dhab ah ugu sugnaato ee aanay kanoqon wax uu dhaqankiisa ka arkay amaba dad kale kaga dayday isagoo markaa aan cilmi sax ah u lahyn Illaaha uu rumaysanyahay.

Al-imam Al- Bukhaari (Illaahay ha unaxariistee) kitaabkiisa saxiixa ah waxa uu kuqoray cutub (baab) uu u bixyey: [ waa baabkii cilmiga inta aan odhaah iyo ficil lala imaan]. Bukhaari baabkaas waxa uu sal uga dhigayaa aayadii aan kor ku soo sheeganay ee ku jirta Suurat Muxamad.

Culimada Islaamku sadex qaybood ayeey u kala qaadeen Towxiidka, sadexdaas qabybood oo kala ah: Towxiid Al- Rubuubiyah, Towxiid Al-Uluuhiya iyo Towxiid Al-asmaa wal-sifaat. Mid walba culimada islaamku si gaar ah ayeey uga hadleen ayagoo daliil uga dhiganaya qur’aanka iyo sunada nabegeena suuban ee Muxamad (naxariis iyo nabad gelyoba korkiisa ha ahaatee). Waxa aan isku deyayaaa in aan si kooban u dul marno sadexdaa qaybood. Waxa aan ka cudur daaranayaa in aanan si dhamaystiran aanan uga hadli doonin sababtoo ah waa mawduuc aad ugada balaaran, muhiimad gaar ahna u leh muslimiinta. Sidaa darted; suurta gal ma aha in qoraalkan kooban towxiidka lagu soo kobo, laakiin, waxa aan isku deyayaa in aan ku tilmaamo qoraalkan aakhirkiisa sida ugu fudud oo loobaran karo.

Qaybta koowaad: Towxiid Al- Rubuubiyah

Qaybtan koowaad ee ka mid ah sadexda qaybood ee culimadu u kala qaybiyeen towxiidka waxaa soo hoos gelaya sadex arimood in Illaahay loo keli yeelo oo aan cidkale lala wadaajin, sadexdaas qaybood waxa ay kala yihiin:

Abuurista: Waa in qofka bani-aadamka ahi rumaysnaadaa in Ilaahay mooyaane aanay cidkale wax abuuri Karin. Allah asaga oo arintaa ka hadlaya waxa uu ku yir aayadan qur’aanka ah:

إِنَّ رَبَّكُمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٲتِ وَٱلۡأَرۡضَ فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ۬ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِ يُغۡشِى ٱلَّيۡلَ ٱلنَّہَارَ يَطۡلُبُهُ ۥ حَثِيثً۬ا وَٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ وَٱلنُّجُومَ مُسَخَّرَٲتِۭ بِأَمۡرِهِۦۤ‌ۗ أَلَا لَهُ ٱلۡخَلۡقُ وَٱلۡأَمۡرُ‌ۗ تَبَارَكَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَـٰلَمِينَ

{ Eebihiin waa kan Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Lix Maalmood kuna istawooday Carshiga, Wuxuuna ku Daboolaa Habeenka Maalinta wuuna doonaa Habeenku si Deg dega Qoraxda, Dayaxa iyo Xidigahana waxaa loo Sakhiray Amarka Eebe, Eebaana Abuurida iyo Amarkaba iska leh, waxaana waynaaday << oo Khayr batay>> Eebaha barbaariya Caalamka} Suurat Al-Acreaaf 54.

Dadka gaalada ah ee caabuda sanamyada iwm, Allah isagoo dadka noocaas ah lahadlaya oo leh waxa ay caabudayaan waxba ma abuuri karaan ee waxa ay caabudayaan oo asnaamta ah laftooda ayaa la abuuray, Ilaah waxa uu arinkaas ku cadeeyey aayadan :

وَٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَخۡلُقُونَ شَيۡـًٔ۬ا وَهُمۡ يُخۡلَقُونَ
{ waxay Caabudayaan oo Eebe kasoo hadhayna ma abuuraan waxba iyagaase la abuuray }Suurat An-naxal 20

Lahaanshaha: Waa in aan rumaysnaano in cidda keliya ee wax walba iska leh in uu yahay Illaah. Bani aadamku wax waa yeelan karaa laakiin waa lahaansho xadidan. Tusaale ahaan; waxa gacantaada ku jira sida aad doonto uma isticmaali kartid, waxa aad u isticmaali kartaa oo keliya sida sharciga islaamku ku farayo in aad u isticmaasho. Hadii aad diididna waxaa kuu danbaynaya ciqaab aakhiro oo aad u daran. Sidaa daraadeed, waxa gacantaada ku jiraa waa wax Allah kuu dhiibay oo uu kiyiri sida aan anigu rabo u isticmaal. Aayadaan qur’aanka ah Allah wuxuu ku sheegay sidan:

قُلۡ مَنۢ بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ ڪُلِّ شَىۡءٍ۬ وَهُوَ يُجِيرُ وَلَا يُجَارُ عَلَيۡهِ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ (٨٨) سَيَقُولُونَ لِلَّهِ‌ۚ قُلۡ فَأَنَّىٰ تُسۡحَرُونَ (٨٩)
{ Dheh Yeey yadiisa ( gacantiisa) ku jirtaa Xukunka wax kasta (maamulka), oo wax Magan Geliya,isna aan wax laga Magan gelinayn, Hadaad wax ogtihiin}. Allah Aayada ku xigta ayuu jawoobtooda ku cadeeyey waxana uu yiri: { Waxay Odhan Ebe, dheh xagee laydiin sixri }Suurat Al-mu’miniin 88-89.

Maamulka: Waa in aan rumaysnaano in maamulka caalamka oo dhan Illaah keliya iska leeyahay. Wixii bani aadamka gacanatiisa ku jiraa waa wax maamulkoodu aad u xadidan yahay, waxaana uu ku kooban yahay wixii sharcigu u ogolaaday in uu maamulo. Ilaahay arinkaan qur’aanka ayuu kaga hadlay, wuxuuna aayadan ku yiri:

قُلۡ مَن يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ أَمَّن يَمۡلِكُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَـٰرَ وَمَن يُخۡرِجُ ٱلۡحَىَّ مِنَ ٱلۡمَيِّتِ وَيُخۡرِجُ ٱلۡمَيِّتَ مِنَ ٱلۡحَىِّ وَمَن يُدَبِّرُ ٱلۡأَمۡرَ‌ۚ فَسَيَقُولُونَ ٱللَّهُ‌ۚ فَقُلۡ أَفَلَا تَتَّقُونَ (٣١) فَذَٲلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمُ ٱلۡحَقُّ‌ۖ فَمَاذَا بَعۡدَ ٱلۡحَقِّ إِلَّا ٱلضَّلَـٰلُ‌ۖ فَأَنَّىٰ تُصۡرَفُونَ (٣٢)
{Waxaad tiraahdaa yaa idinka Ar-saaqa Samada iyo dhulka , yaana hanta maqalka, Aragyada, yaana kasoo bixiya wax Nool wax dhintay, kana soo bixiya wax Dhintay wax nool,yaana Maamula Amarka waxay ku odhan Eebe, waxaad dhahdaa miyeydaan Dhawrsanayn}Suurat Yuunus 31. { Kaasi waa Ilaahiin Eebihiina xaqa ah, maxaase xaqa ka dambeeya (Ka duway) oo baadi hayn, ee xagee Laydiin Leexin} Suurat Yuunus 32

Hadaba Towxiid Al- Rubuubiyah gaaladii nebi Maxamed ( naxariis iyo nabad gelyoba korkiisa ha ahaatee) laga soo dhexsaaray way rumaysnaayeen in cidda keliya ee wax abuurta, wax lahaata amaba wax maamushaa in ay tahay Illaah oo keli ah. Ilaahayna wax uu quraanka ku yiri:

وَلَٮِٕن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٲتِ وَٱلۡأَرۡضَ لَيَقُولُنَّ خَلَقَهُنَّ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡعَلِيمُ (٩)

{Haddaad warsato Gaalada yaa abuuray Samooyinka iyo dhulka waxay odhan waxaa abuuray Eebaha adkaada ee wax walba og}Suurat-Az-Zukhruf 9.

Qaybta labaad: Towxiid Al-Uluuhiya.

Qaybtan labaad ee kamida sadexda qaybood ee culimada islaamku u kala saareen towxiidka (waxaa kale oo looyaqaan qaybtan Towxiid Al-cibaadah.) waa qaybta uu qofka muslimka ahi ku baranayo in uu dhamaan cibaadooyinka uu la imaanayo in uu Ilaah dartiis ula yimaado oo aanuu cid kale lawadaajin Illaahay cibaadadiisa. Qaybtani waa qaybta ay diideen umadda badani, kuwaas oo qaarkood cibaadooyinka Ilaahay cid kale la wadaajinayey sida: Sanamyo, dad saalixiin ah oo kamid ah oo dhintay oo ay baryaan iyo siyaabo kale oo badan oo aanay suurta gal ahayn in aan qoraalkan kooban aan ku soo koobno.

Ukhtii, Cibaadooyinka Ilaahay inagu farad yeelay ee larabo in aan keligii u samayno waxaa kamid ah: Cabsida, Gowraca, Gargaar-waydiisaho, Kaalma-waydiisaho, jeclaanshaha ,necbaanshaha, Hijrada, Denbidhaaf-waydiisaho iwm.

Ukhtii:
• Illaah oo kali ah ka cabso, hadii laguu jeedo iyo hadii aad keligaa tahayba, Illaahay marwalb waa ku arkaa.
• Illaah dartiis wax ujeclow, u necbow, qofkii Ilaah jecel jeclow, kii Ilaahay neceb necbow qofka cid kuugu dhowba ha ahaadee, adigana Illaah baa ku jeclaan.
• Illaah dartiis, xalaal u cun, dartiis indhahaaga u ilaali, dartiis farjigaaga u xifdi, dartiis uguurso, dartiis caruur u dhal, dartiis ilmaha u kori, adigana intaas oo dhan Ilaah baa kuu xifdinya.
• Illaahay dartiis wax u gowrac, ee qabri, weli, jin, sixir waxba ha u’gowricin
• Hadii noloshu kugu adkaato, aad jirato, dhib aduun ku haleelo, Illaahay gargaar iyo kaalmo waydiiso, wuu kuu gargaariye.
• Hadii aduunkoo dhami kaa hor yimaado, dhinaca Illaaahy u carar, waad badbaadiye, Illaahayna waxaad ka heli hortaada.
• Ha murugoon, ha wer werin, hanixin ee xaga Ilaahay u carar waad qaboobiye.
• Hadii ninku kugu xumaado, qaraabadu ku nocdo, derisku ku colaadiyaan, Illaahay adigu raali geli, sabir, llaahay bari, waxaad heli doontaa dhamaantood oo Ilaahay kuu sakhiray adiga ayeena kuu adeegi doonaan.

Ukhtii, cibaadooyinkaa aan qaar ka tilmaanay ee dhamaantood larabo in Illaah dartiis loo sameeyo, qofkii markaa cid kale u leexiya oo Ilaahay cibaadooyinkiisa cidkale lawadaajiya, qofkaasi wuu gaaloobay hadii aanuu cudur daar sharciya haysan, Ilaahay kama aqbalayo qofkaas cibaadooyinka uu samaynayo. Illaahay waxa uu qur’aankiisa kariimka ah ku yiri:

إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَغۡفِرُ أَن يُشۡرَكَ بِهِۦ وَيَغۡفِرُ مَا دُونَ ذَٲلِكَ لمَن يَشَآءُ‌ۚ وَمَن يُشۡرِكۡ بِٱللَّهِ فَقَدِ ٱفۡتَرَىٰٓ إِثۡمًا عَظِيمًا
{Eebe ma dhaafo in lala wadaajiyo(Cidkale Cibaadada) wuuse ka dhaafaa wixii waxaas ka soo hadhay Ciduu doono, Ruuxii la wadaajiya Eebe wuxuu dhumay dhumid wayn}.

Ukhtii, sida aayada kor ku xusan ku cad Illaahay denbi kale oo dhan wuu dhaafaa, in cibaadadiisa cid kale lala wadaajiyo mooyaane. Tusaale ahaan, hadii uu qofku uu ku dhoco denbiyada waawayn sida sinada, khamriga, sixirka, hadii uu ilaahy doonona wuu u danbi dhaafi hadii kalena wuu cadaabi, laakiin Shirkiga (cibaadada ilaahy oo cidkale lala wadaajiyaa) denbi dhaaf maleh.

Ukhtii, inta aynaan ka bixin qaybtaan hadii aad tiraahdo: Wax aan Illaahy ahayn ayaan ka cabsadaa, sida abeesada, libaaxa, jinka iwm, ee cabsida noocani ma gaalnimaa? Su’aal meesha ku jirta weeyaan loona malayn karo in cabsida noocani ay lamid tahay noocyada kale ee cibaadada ah ee aan qaarkood kor kusoo sheegnay. Cabsida noocaan ah ukhtii ee su’aashaadu tilmaamaysaa waa cabsida dabiiciga ah oo Illaahay inaku abuuray, waad ka cabsan kartaa wax kale oo ku cabsi gelinaya, laakiin cabsida qalbiga ku xidhan ee Ilaahay oo keliya looga cabsado taas ayaa ladiiadayaa in aad cid kale aad u leexisid. Tusaale ahaan hadii uu qofku salaada ama soonka uu u sameeyo qofkale dartii, marka uu keligiis yahayna aanuu Illaahay kabaqayn, tan weeye mida uu markaa qofku cibaadadii uu Illaahay iska lahaa uu qofkale siiyey. Tusaale kale, qofku qof kale wax waa waydiisan karaa, in uu u gar gaaro oo kale. Laakiin wixii awooda bani’aadanimo ka baxsan lama ogola in cid aan Illaahay ahayn lawaydiisto, sida in qof dhintay layiraahdo roob, caruur iyo xoolo nasii, tan danbe weeye tan aan la’ogolayn oo gaalnimada keenaysaa iyo in cibaadadii Illaahay cidkale loo leexiyo. Tusaale sadexaad, hadii aad jirato oo aad utagto dhaktart oo tiraahdo idaawee, waa in aad aaminsantahy cida wax dawaysaa in aya tahay Illaah, laakiin dhakhtarkani uu sabab unoqonayo in Illaahy uu sababtiisa kugu daaweeyey. Laakiin; hadii aad aaminsantahay in aanuu Illaahay kudaawayn karin ee uu dhaktarakan keliya uu wax daaweeyo, tanina waa gaalnimada qayb kamida oo wax uu Illaahy iska lahaa ayaad cidkale oo makhluuqaadkiisa ah siisay.

Qaybta sadexaad: Towxiid Al-asmaa wal-sifaat.

Qaybatan sadexaad oo kamid ah qaybihii ay culimadu towxiidka uqaybiyeen, waa qaybta ay in badan oo muslimiinta ka mid ahi ay ku halaagsameen oo kaga leexdeen dariiqadii nabi Maxamed (naxariis iyo nabad gelyoba kor kiisa ha ahatee). Qaybtan sadexaad waxa ay sigaara uga hadasahaa Illaahay magacyadiisa iyo tilmaamihiisa kuwaas oo Illaahay naftiisa isugu magcaaabay ama uu isugu tilmaamay. Tilmaamahaas iyo magacyadaas Illaahay waxa uu ku sugay qur’aankiisa kariimka ah, qaar kale oo badan oo kamida magacyada iyo tilmaamaha Illaaahay waxaa inoo sheegay Nebigeena Muxamad ah( naxariis iyo nabad gelyoba kor kiisa ha ahatee). Sidaa darteed dhamaan magacyada iyo tilmaamaha Illaahay waa in sida qura’aanka iyo sunada nebi Maxamed(naxariis iyo nabad gelyoba kor kiisa ha ahatee) ugu qoran yihiin loo rumeeyo iyadoo aan macnaha labedilin, la qaabayn, loo ekaysiin wax kale amaba la’in kirin

Ukhtii, sifaadka (tilmaamaha) Illaahay iyo magacyadiisaba waa in aan u fahano una barano sidii uu nebi Maxamed(naxariis iyo nabad gelyoba kor kiisa ha ahatee) u soo gaarsiiyey saxaabada, saxaabaduna usoo gaarsiiyeen taabiciinta, taabiciintuna usoo garsiiyey kuwii ka danbeeyey. Qaybtaan sadexaad waa qaybta ay culimada muslimiintu aadka wax uga qoreen markii qaybo baddan oo musliniinta ahi diideen in ay sidda qur’aanka iyo sunadda kusugan ay u qiraan una fahmaan magacyada iyo sifooyinka Illaahay, laakiin, waxa ay kadoorbideen in ay caqligooda u bandhigaan oo wixii markaa caqliqoodu qaatana ay ka ogolaadaan wixii caqligoodu diidona ay inkiraan, leexiyaan, iyagoo markaa ku doodaya in ay sidaa Illaahay ugu dhowaanayaan. Tusaale ahaan tilmaamaha Ilaahay isku tilmaamay waxaa kimida oo qur’aankiisana inooku sheegay in uu Illaahay hadlo sida ayadan ku qoran:

وَرُسُلاً۬ قَدۡ قَصَصۡنَـٰهُمۡ عَلَيۡكَ مِن قَبۡلُ وَرُسُلاً۬ لَّمۡ نَقۡصُصۡهُمۡ عَلَيۡكَ‌ۚ وَكَلَّمَ ٱللَّهُ مُوسَىٰ تَڪۡلِيمً۬ا
{iyo Rasuulo aan kaaga Qisoonay horay iyo Rasuulo aanaan kaaga qisoon, wuuna la Hadlay Eebe Nabi Muuse Hadal} Suurat Al-nisaa 164

Muslimiinta ka leexday dariiqadii Nabi Muxamad( naxariisiyo nabad gelyoba kor kiisa ha ahatee) waxa ay diideen dhamaan sifaatka/(tilmaamaha) Illaahay sida sifida Hadalka ee aayadu sheegtay. Waxa ay ku doodayaan dadka sunada ka leexday, hadii aan Illaaahy sifada hadalka u sugno, waxa aanu Illaahay u ekaysiinaynaa makhluuqaadkiisa, sidaa darteed, waa in aanu macno kale u leexino sifada hadalka. Sida madhabkoodaba ka muuqata caqligooda ayeey u bandhigeen sifooyinkii Illaahay oo waxa ay diideen sida ay qur’aanka iyo sunada ugu qorantahay. Culimada Islaamku arintaan waa ay u istaageen waana difaaceen , arintaan darteed ayaa culimo badan loo laayey, loo jirdilay, loo xir xiray, qaarna uga carareen dhulkoodii. Waxaa kamida culimada arintaan sida fiican u difaacday markii ay arintani islaamka lagu soo daray: Imaam- Al-maalik, Imaam-axmed, Imaam Al-shaafici, Imaam Al Bukhaari iyo dhamaan culimadii qarniyadii sadexaad ama kahor noolayd ee Hijriga. Arintani way socotay mudo ilaa qarnigii lixaad laga soo gaaro oo uu markaa Sheekh-ul Islaam Ibnu Taymiya xididada usaaray , wixii uu kategayna ay sii xaadheen aradydiisii sida Imaam Ibnu-Alqayim iyo culimadii lamid ahaa.

Sifooyinka Illaahay iyo kuwa makhluuqaadkiisu waxa ay wadagaan magaca oo keliya, laakiin Illaahay wax u’eki majiraan oo khalqigiisa kamida, tilmaamihiisuna si isaga oo keliyi garan karo oo wayniidiisa ugu qalanta ayeey yihiin. Bani’aadamka caqligooda iyo fahamkoodu magaari karo in ay fahmaan tilmaamaha Illaahay, kuwa isku dayeyna waa ku daaleen in ay wax ka ogaaddaan. Qur’aanka Allah waxa uu kiyiri isaga oo tilmaamaya in aanay cidna Illaahay u ekayn:

فَاطِرُ ٱلسَّمَـٰوَٲتِ وَٱلۡأَرۡضِ‌ۚ جَعَلَ لَكُم مِّنۡ أَنفُسِكُمۡ أَزۡوَٲجً۬ا وَمِنَ ٱلۡأَنۡعَـٰمِ أَزۡوَٲجً۬ا‌ۖ يَذۡرَؤُكُمۡ فِيهِ‌ۚ لَيۡسَ كَمِثۡلِهِۦ شَىۡءٌ۬‌ۖ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡبَصِيرُ (١١)

{Isagaa abuuray Samooyinka iyo dhulka idiinkana yeelay naftiina noocyo(Lab iyo Dhedig) xoolahana idiinka yeelay noocyo, wuuna idin abuuray wax lamid ahina majiro, waana maqle arka.} Surat-A-shuuraa 11

Sida aayada inteeda danbe ku cad, Illaahay wax lamidi majiraan. Sidaa darteed, Illaahay oo magacyadiisa iyo sifooyinkiisa loo sugo sida sharcigeena ku qoran macnaheedu ma’aha in Ilaaahay iyo makhluuqaadkiisa la isu ekaysiinayo waayo aayada ayaa cadaysay in aanay suurta gal ahay.

Ukhtii, Ilaahay marka aad sida cilmiga sharciga ah waafaqsan ad u barato una rumayso waxaa kale oo lagaa rabaa in aad rumayso oo barato nebigiisa Muxamad ah (naxariis iyo nabad gelyoba kotkiisa ha ahaatee). Waa nebiga ugu danbeeyey anbiyadii Ilaahay caala mka usoo diray, waxaana loo soodariy in uu umada oo dhan ka bad baadiyo halaag aduun iyo mid aa khiroba. Illaahay waxa uu balanqaaday qofkii raaca nebi Maxamed in uu liibaanayo aduun iyo aakhiroba, kii diidana amaba la colaytama diinkiisa waxa uu Illaahay u balan qaaday in uu hoogayo aduunka inta uu joogo aakhirona uu kuwaari doono cadaab aad u daran.

Rumaynta nebigeena waxa ay ka koobantahay sadex nooc: in larumeeyo wixii uu ina soo gaadhsiiyey oo xaq ah; in lala yimaado wixii uu ina faray oo wanaag ah iyo in laga reebtoonaado wixii uu inaga reebay oo xumaan ah. Wax yar oo kooban ayaan ka tilmaami doonaa nebi Maxamed (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee).

Abtirsiinyaha: Maxammed binu Cabdullahi binu Cabdimudhalib (Shaybah) binu Haashim (Camar) binu Cabdimanaaf (Muqiira) binu Qusayi (sayd) binu Kilaab binu Murra binu Kacab binu Nadar (Qays) binu Kinaana binu Khuseyma binu Mudrik (binu Ilyaas binu Mudar binu Nisaar binu Macad binu Cadnaa.

Dhalashadiisii: Waxa uu dhashay nebigeena Muxamad(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) bishii Rabiic ul-awal, habeen isniin ah, waxaana culimadu ubadinyaan in ay habeenkaas bishu ahayd 12. Sanadku wuxuu ahaa sanadkii koowaad ee Maroodiga, oo ku began 571 taariikhda miilaadiga.

Soo degidii waxyiga: Afartan sano markii ay nebiga u buuxsantay ayaa waxaa samada uga yimi waxyi isagoo markaas ku sugan god buuraha maka ku yaala oo looyaqaan Xiraa. Waxaa waxyiga loogu soo dhiibay malag, sidan hoos ku qoran ayeena u dhacday:

Malagii waxa uu ku yiri nebi Maxamed(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ) akhri! Nebigu wuxuu yiri anigu wax ma akhriyo.Malagii inta uu qabtay nebiga oo weliba si adag uqabtay oo majuujiyey ilaaa uu nabiga qabashadaa adag dareemay, markaas ayuu siidaayey oo kuyi nebiga akhri! Nebigu wuxuu yiri anigu wax ma akhriyo, laba jeer oo kale ayuu malagii sidii hore oo kale nebiga u qabtay nebiguna uu isla jawaabtii hore ku jawaabay. Markii sadexaad kadib ayaa malagii wuxuu yiri:

ٱقۡرَأۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلَّذِى خَلَقَ
خَلَقَ ٱلۡإِنسَـٰنَ مِنۡ عَلَق
ٱقۡرَأۡ وَرَبُّكَ ٱلۡأَكۡرَمُ
{ Wax ku akhri Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray(khalqiga),{ dadkana ka abuuray calaq (wax yar oo ku dhega darbiga ilma. galeenka)}, {Akhri Eebena waa kan sharafta le-he} Suurat Al-Calaq 1-3

Aayadahaasi waa kuwii ugu horeeyey ee nabi Maxamad(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) lagu soo dejiyey. Intaas kadib, waxa uu qur’aanku soo degayey mudo dhan sadex iyo labaatan sano. Sadex iyo toban sano oo kamid ah nabi Maxamad(naxariis iyo nabadgelyoba korkiisa ha ahaatee) waxa uu joogay Makka, tobankii kalena waxa uu joogay Madiina. Sadex iyo labaatankaa sano waxa uu nebigeenu u taagnaa in uu caalamka soo gaadhsiiyo diintii Illaaahay usoo dhiibay. Diintaas darted: ayaa lagu colaadiyey, lagu caayey, lagu dhibay, magaaladiisii uu ku dhasay looga saaray, saaxiibadiis jirdil foolxun loogu sameeyey si aan qof bani aadam ah loola dhaqmin. Towxiidka Ilaaahay in uu kor noqdo dartiis ayuu nebigeenu: ujihaaday, ugaajooday, ulugeeyey,usoo jeeday, umurugooday.

Geeridii Nebiga: Markii ay dacwadii wada gaadhay Jasiiradii carabta dadkii deganaana ay qaateen xaqii Nabi Maxamed ula yimi, noqdeena umad dhinac kasta iskaga filan, ayaa Ilaahay waxa uu u doortay in uu rasuulkiisa tuso mirihii dacwadii uu caalamka gaarsiiyey mudo dhan sadex iyo labaatan sano. Taariikhda Hijrigu markii ay ahayd 10 ayaa Illaahay waxa uu Nebigiisa ku karaameeyey in uu xajiyo. Waxa uu xajkaas kula dar daarmay umadiisa waxana uu umadiisa ugu khudbadeeyey maalinkii Carafa toga layiiraahdo Curana, iyadoo markaa dadku ay hareerihiisa buuxaan, ayuu ka dhex istaagay, khudbadiisii ama dardaarankii uu umadiisa kula dar daaramay waxaa ka mid aha:

“Dadyohow! Hadalkayga maqla. Anigu magaranyo in aan mardanbe idinla kulmayo iyo inkale sanadakaan wixii ka danbeeya iyo meeshaan iyada ahba weligeey, ee dhiigiina, xoolihiina, sharaftiina xaaraam ayeey dhexdiina ka tahay, sida maalinkaan xurmada leh oo kale, bishaan xurmada leh oo kale, wadankaan xurmada leh oo kale, Hooyaay, ogaada wax alaale iyo wixii arimo jaahiligii dhacay cagtayda hoosteeda ayaan dhigay, dhiigii jaahilgana sidoo kale.

Waxaa kale oo khudbadaa kamid ahaa oo uu nebigu yiri: Illaahay dartii uga cabsada haweenka, waxa aad ku qaadateen amaanada Ilaahay, cawradoodana (ferjigooda) waxa aad ku xalaashateen Illaahay kelimadiisa, idinkuna waxa aad xaq ugu leedihiin in aanay gogoshiina keenin cid aydinaan raali ka ahayn, hadii ay sidaa sameeyaan, garaaca, garacitaan aan waxbadan yeelayn, waxa dushiina ah masaariiftooda iyo dharkooda oo aad si wanaagsan usamaysaan, waxa aan idiinka tegay dhexdiina wax aydinaan weligiin lumayn hadii aad qabsataan: kitaabka Illaahay, aniga waa laykiin waydiin doonaa, ee maxaad oran doontaan? Waxa ay yiraahdeen: waxa aan qiraynaa in aad nasoo gaarsiisay, gudatay oo aad naseexaysay. Farihiisa intuu kor uqaaday oo samada ku fiiqay ayuu yiri: Ilaahow markhaati, Ilaahow markhaati, Ilaahow markhaati”.

Dhowr iyo sideetan maalmood ayuu nebigeenu noolaa markii uu xajkaas gutay. Ugu danbay waxa aan wax yar ka tilmaami doonaa daqiiqadihii ugu danbeeyey ee uu nebigeenu aduunka ka tegayey oo Illaahay xagiisa aaday: Xanuunka geerida oo aad u darnaa waxa uu ku jiifay Caaisha (Radiya AL-laahu canhaa) laabteeda, waxa markaa Caa’isha usoo galay walaalkeed Cabdiraxmaan Bin-Abii-bakar oo caday wata, rasuulka ayaa markaa cadaygii eegay, Caa’isha waxa ay fahantay in uu ubaahan yahay cadayga, markaas ayeey waydiisay, Nebiguna madixiisa ayuu uga tilmaamay in uu rabo. Caa’isha cadaygii ayeey u calalisay oo u jilcisay, Nebigu cadaygii ayuu ugu cadayday si aad u xeel dheer, markaas ayuu Nebigu farihiisa kor uqaaday indhahana kor uqaaday, bushmihiisana dhaq dhaqaajiyey, waxa uuna sadex joor ku cel celiyey “ Alaahu-ma al-rafiiq-ul-aclaa”, kadibna naftii ayaa ka baxday, taariikhdu waxa ay markaa ahayd, Maalin Isniin ah, laba iyo tobankii, bishii Rabiic-ul-awal, sanadkii 11 aad ee Hijriga, waxaana uu rasuulku markaa jiray sadex iyo lixdan sano. Geeri naxdin badan, qiiro badan, lama ilaawaan ah Nebigeenii oo aan aad ujecelahay, INAA LILAAHIU WA INA AILAYHI RAAJICUUN.

Maxaa laga dhaxlay nebi maxamed?Caalamka waxa uu keenay nebe maxamad: Cadaalad, naxariis,cilmi iyo dhamaan khayr aduun iyo mid aakhiroba, wax aanuu kategin maleh. Wixii khayr aduun iyo aakhiroba waa inoo sheegay, wixii shar ah aakhiro yo aduunba waa inooga digay, Bani’aadamka maanta nool waxa ay horumar gaareen oo dhan waxaa sabab u ah nebi Maxamed mid rumeeyey iyo mid aan rumaynba.

Ukhtii, inaga muslimiinta ahi waan aragnaa khayrka nebi maxamed, laakiin dadka aan muslimiinta ahayn ee gaalada ah qaar badan oo kamid ahi waxa ay qiraan in diinta Nebi Maxamed layimi ay tahay diin xaq ah, markii ay arkeen cadaalada, mucjisda, naxariista iyo dhamaan arimaha noocaas ah ee diinkeenu ka koobanyahay.

Ninka layraadho Michael H. Hart oo ah barafsoor u dhashay wadanka Maraykanka, ee qoray buuga caanka ah ee layiraahdo ‘ The 100 A ranking of the most Influantial persons In history’. Buugani waxa uu ka sheekaynayaa boqolkii nin ee aduunyada ugu taariikhda dheera, aduunkana wax ka bedelay ama saamayn wayn ku yeeshay. Buugiisa raga uu ku qoray waxaa kamid ah, Saynisyahano aduunka caanka ah, anbiyada Illaahy qaar kamida iyo rag badan oo taariikhda aduunka lagu xuso. Ninka ugu horeeya ee uu udoortay in uu yahay ninka taariikhda aduunka wax isagoo kale ah aaanay soo marinn waa Nebigeena Muxamad (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee). Hart, waxa uu buugiisa ku yiri sidan hoos ku qoran:

“Doorashadayda aan Muxamad u doortay in aan ugu horeysiiyo liiska dadkii aduunka saamaynta ku yeeshay, qaar badan oo buugayga akhriyi doonaa lama filaan ayeey ku noqonaysaa, qaarkalena su’aalo ayeeyba ka keeni doonaan , laakiin wuxuu ahaa ninka keliya ee taariikhda aduunak si awood leh ugu guulaystay dhinaca diinta iyo maadigaba(aduunka)”.

Ukhtii, sidoo kale, bal nimankaan barafasoorada ah ee iyagana aduunka aadka looga yaqaan ee ku takhasusay cilmiga caafimaadka, bal eeg waxa ay nebigeena iyo diinteena ka sheegeen markii ay ogaadeen in Nebi Maxamed(nabi Maxamad(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee)) uu kun iyo afar boqol oo sano kahor ka waramay wax yaabaha ay hada ogaadeen. Dr T.V.N Persaud, waa barfasoor aad aduunka looga yaqaan una dhashay wadanka Kanada, wuxuu uu qoray ilaa 22 buug, waxa la siiyey bilad dahab sharafeed loo siiyey heerka sare ee uu ka gaadhaay cilmiga caafimaadka, waxa uu yiri sidan:

“Waxaa la iisheegay in Muxamad(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) ) uu ahaa nin iska cadi ah, waxba an akhriyin, waxna aan qorin, misna waxa aan ka hadlaynaa kun iyo afar boqol oo sano ka hor, waxa uu sheegay arimo saynis ahaan sax ah oo hada aan ogaanay, suurta galna aanay ahyan in waqtigiisii la’ogaado, wax fursad isaga iman karana maaha, sidaa darteed, wax muran ah kama qabo arimahani in Muxamed waxyi loogu sheegay oo ay xaga Allaah uga yimaadaan”.

Dadka gaalada ah ee Nebigeena uqiray in uu ahaa Nebi xag Illaahy kayimi, mucjiso, cilmo, xadaarad iyo wax kale oo aad ubadan aduunka ku soo kor dhiyey, aad ayeey u badan yihiin , waan soo wada guurin lahaa wixii ay nebigeeena ka sheegeen oo wanaag ah hadii aanan ka cabsanayn in uu qoraalku ila dheeraado. Laakiin, ukhtii, Nebigeenu iyo diinteenuba uma baahna in hadal nin gaal ahi yiri looga dhigo daliil, ee waxa aan usoo qaatay oo keli ah in aan muujiyto in cidkasta oo aduunka saarani muslim iyo gaalba aanay dafiri Karin xaqnimada Nebi Maxamed(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) iyo diinteenaba.

Ukhtii, Nebigeena diintiisu way jiridoontaa inta Ilaahay aduunka ka laa laabayo, dadka raacayna ayaga ayaa cidhib danbeedka wanaagsan iska leh, wixii kale oo nebi Maxamed(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ) raaci waayana aduunka inta ay joogaana waxay ku nool yihiin nonol cidhiidh ah oo aad u xun, aakhirona hoog iyo cadaab daran ayaa u danbeeya. Naxariis iyo nabadgelyo kor kiisa ha ahaato, anagana hanaga dhigo, kuwii wixii uu layimina qaata wixii uu ka reebayna ka reebtoonaado. Aamiin.

Ukhtii, in aad Nebigeena Muxamada( Naxariis iyo Nabad gelyoba kor kiisaba ha ahaatee) aqoon u yeelato oo siiradiisa wax ka barato, wixii diin ah oo uu kusoo gaarsiiyeyna inta waa jibka kugu ah aad ka barato, sida salaada, soonka, xajka iwm, waajib ayeey kugu tahay arinkaasi. Ukhtii, sadexdan su’aalood ayaa qofkasta oo dhinta qabriga lagu waydiiyaa: Ilaahaagu waa kuma?, Diintaadu waa tuma? Nebigaaguna waa kuma? Markaa hadii intii aad aduunka joogtay aad ahayd mid: Allah taqaan, ka cabsata, Nebigiisana rumaysay oo raacday, diinka Allahna ku camal fali jirtey, Insha Allah su’aalahaa qabriga ee sadexda ahi way kuu fudu daanayaan, waana meesha janada iyo naarta qofka ugu balaabmi doonaan, qofkii aan Illahay u fududayn su’aalahaas oo garan waayaa, cadaabta maalinkaa u bilaabanta ayaa lagu soo saaraayaa maalinta qiyaame oo cadaab darani u yaalo,ukhtii, adiga, aniga iyo wixii muslimiin ahaba Illaahay su’aalahaas ha noofududeeyo, cadaabul qabrigana hanaga bad baadiyo. Aamiin.

Ukhtii, ugu danbayn, sadexdii qaybood ee towxiidka ahaa ee aan sida kooban uga soo hadalay iyo nebigeena suuban Muaxamed (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) ee aan siirada kooban ka bixanay ayaa waxaa inoo noqonaysa tiirka koowaad ee kamida shanta tiir ee ay diinteenu ku taagana tahay. Sida adarteed kelimatu towxiid waxa ay ka kooban tahay labadaas qaybood ee ah barasha Illaahy, nebiigiisa iyo rumayntooda oo laga rumeeyo qalbiga afkana lagaga dhawaaqo. Sidaa darted, towxiidkii aan sida kooban uga soo hadalay sidan ayaa loogu dhawaaqaa:

اشهد ان لا إله إلا الله وأشهد ان محمد رسول الله
Oo macnaheedu yahay: (waxa aan qirayaa in Ilaah xaq lagu caabudaa aanuu Jirin Illaah mooyaane, waxaan kale oo aan qiraya in Nebi Maxamed uu yahy rasuulki Illaahay).

Qofka bani aadamka ahina marka uu towxiidka sidaas ugu dhowaaqo qalbigana uu ka rumeeyo, ayaa waxa uu noqonayaa qof Muslim ah, laakiin, towxiidku waa tiir kamida tiirarka Islaamak, sidaa darted, waxa uu ubaahan yahay shantii tiir ee kale in lagu ag qotimiyo si markaa ay islaamnimadu u dhamaystiranto. Dhab ahaana, towxiidka macanihiisa runta ahi waa: in uu qofka muslimka ahi uu ka reebtaanaado dhamaan wixii xumaan ah oo uu Ilaahay ka reebay, lana yimaado wixii wanaag ah oo Ilaahy faray, raacona wadadii uu maray Nebi Maxamed (clayhi salaatu Wasalaam).. Hadii uu qofka muslimka ahi, denbi ku dhocona waa in uu marwalba Ilaahay xagiisa unoqdaa oo uu towbadkeenaa. Intaasi, hadii ay ukhtii kuu bed qabto waxaad ogaataa in aad tahay qof Ilaahay si dhab ah u rumeeyey Nebi Maxamed(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ) raacay. Waxadna kamid tahay kuwa: mu’miniinta ah, awliyada Ilaahay ah, mukhlisiinta ah, saalixiinta ah, muxsiniinta ah oo Ilaahay ugu bishaareeyey in uu xifdinayo aakhiro iyo aduunba. Insha Allah, kuwaa ka mid noqo, laakiiin, si sahlan sidaas looguma noqdee, ukhtii, towxiidka si cilmieeysan u baro oo markaa kadibna ku dhaqan.

Ukhtii, faaiidada towxiidka oo koobani waa:

• Fadliga towxiidka denbiga ayaa laguugu dhaafayaa;
• Towxiidka oo qalbiga si fiican kuugu qotansadaa waxa uu sabab kuugu noqonyaa in aad cibaadada ilaahy jeclaato, marka laguu jeedo iyo marka aad keligaa tahayba. Ukhtii, ogow hadii aad halkaa gaadho khayr aduun iyo mid aakhiroba tafahaaga ayuu kuu jiraa, ee Ilaahy u shukri, waydiisano in uu nicmadaas wayn oo uu kusiiyey: kugu dilo, kuguna soo saaro isagoo raali kaa ah.
• Hadii, Muwaxidad Illaah kaa dhigo waxa aad helaysaa balan qaad Ilaah oo ah nabadgelyo mid aduun iyo mid aakhiroba. Waxaa kale oo qofka muwaxidka h Illaah usheegay hanuun sida aayadan ka muuqata:

ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَمۡ يَلۡبِسُوٓاْ إِيمَـٰنَهُم بِظُلۡمٍ أُوْلَـٰٓٮِٕكَ لَهُمُ ٱلۡأَمۡنُ وَهُم مُّهۡتَدُونَ (٨٢)
{Kuwa Xaqa rumeeyey oon ku dheehin iimaankooda dulmi(Gaalnimo) kuwaasaa nabadgalyo usugnaatay Hanuunsana}Suurat-Al-ancaam, 82 .

Ukhtii, faa’iidooyinka towxiidku waa badan yihiin hadii aanan ka cabsanayn in uu qoraalku dheeraado waan sheegi lahaa inta aan ka awoodo, laakiin intaas ayaan ku gaabsanayaa.

Ukhtii, hadii aad su’aal iwaydiiso oo tiraahdo sidee ama xagee ayaan ka baran karaa towxiidka? Si fudud ayaan kuu tilmaamayaa ee Illaahay u tala saaro in uu ku waafujiyo barashada iyo kudhaqanka towxiidka: Ukhtii, waxaad ogaataa cilmigeena sharciga ahi laba wado ayaa lagu bartaa: mida hore; waa in su’aalo aad waydiiso cidii cilmi sax u leh oo kaa jaahil bixin karta wixii cilmi ah oo waajib kugu ah in aad ka barato cilmiga towxiidka; mida labaad, waa in aad qof cilmi raadinaya oo ardayad dhab ah aad noqoto oo markaa xalaqaadka cilmiga ee lagu daraaseeyo kutubta towxiidka aad ka qayb qaadato, una samirto. Waxaad kale oo ka barankartaa towxiidka macaahida islaamiga ama jaamacaadka islaamiga ah ee kuyaala Somaaliya iyo wadamada kale ee muslimiinta. Ukhtii, labada wado ee xalaqaatka ama macaahida ayaa ugu fiican siyaabaha loo barto towxiidka iyo culuumta kale ee sharcigeena aan ku baranayno.

Ukhtii, kutubtan hoos ku qoran ee uu qoray Shiikh Maxamed Ibn-Al-cabdiwahaab ayaad ka baran kartaa Qaybta koowaad. Towxiid Al- Rubuubiyah:

1) Usuulu Al-thalaatha
2) Kitaab ul-toxiid
3) Kashf ul-shubuhaat

Towxiid Al-Uluuhiya iyo Towxiid Al-asmaa Wal-sifaat. Labadan qaybood ee kamida noocyada towxiidka waxa aad kabaran kartaa kutubtan hoos ku qoran:

1) Al-caqiidatu Al- Waasidaya
2) Al-caqiidatu Al- tadmuriyah
3) Al-caqiidatu Al-xamawiyah

Sadexdan kitaab waxaa iska leh Sheekh Ul-islaam, Ibnu Taymiyah(raximahu laah). Marka aad sadexdaa kitaab barato waxa aad ku dhamaystirtaa ama ku afraysaa kitaabkan hoos ku qoran:

4) Al-caqiidatu Al- daxaawiyaha. Waxaa qoray kitaabkan Abuu-jacfar Al-daxaawi. Marka aad matnigiisa barato waxa aad akhrisataa sharuuxda ay culimadu ka qoraan sida sharaxa Li-ibni Abii-Cazi Al-xanafiyi.

Marka aad intaa dhamayso si fiican ayaad ufahmaysaa labadaa qaybood ee danbe oo dad badan oo muslimiin ahi kaga leexdeen dariiqadii nabe Maxamed diinta inoo soo gaarsiiyey, kuwaas oo diinteena caqligooda u bandhigay, kana qaatay wixii caqligoodu waa faqo, wixii kalena diiday. Arintani waxa ay muslimiinta ku soo korodhay markii ay muslimiintu dhexgaleen ama akhristeen diimihii, falasafadihii iyo mandaqii (logic), umadihii aan muslimiinta ahay ee ahaa Griiga, Kiristanka iwm.

Hadii aad rabto in aad wax ka ogaataa arimaha kusaaabsan kooxihii muslimiinta ahaa ee towxiidka saxda ah ka leexday kutubtan hoos kuqaran akhriso:

1) Al-Sunah:
2) Al-Ibaanah:
3) Sharxu Usuul Ahli- Sunah Wal-Jamaacah;

Ukhtii, waxa aan jeclahay in aan kuugu soo gaba gabeeyo, nasiixadaydii koobnayd ee ku saabsanayd Towxiidka, labadan qiso, si aad u ogaato midhaha towxiidka iyo sida uu Illaahay dhibka uga bad baadiyo qofka qalbiguusu ku wayn yahy Towxiidka Ilaahay. Qisada hore waa sidan:

Qisada koowaad: Ninkii La oran jiray Al-aswad Al-canasi oo reer Yaman ahaa ayaa waxa uu sheegtay in uu yahay Nebi, wixii diida nebenimadiisa oo muslimiinta ka mid ahaa: qaybna wuu gowracay, qaybna wuu gubay, qaybna wuu qaxiyey, culimadii muslimiintantana wuu cadaabay. Maalin maalmaha kamid ah ayuu wuxa uu u yeeray culimadii muslimiinta mid kamida oo layiraahdo Abu- Muslim Al-khawlaani (raximahu laah) waxuuna ku yiri diintaada kanoqo, waxa uu markaa Abu- Muslim Al-khawlaani ugu jawaabay: Allihii i’abuurtay baan ku dhaartee in aanan diintayda uga noqonayn ee waxaad doonto samee. Intaa kadib, waxa uu isu soo uriyey dadkii si ay u daawadaan cadaabka uu cadaabayo Abu- Muslim Al-khawlaani, wuxuuna dadkii ku yri: hadii uu caalimkiinu xaq ku taagan yahayna xaqiisa ayaa bad baadinaya, hadii kalena waad arki doontaan sida aan ugalo. Markaa kadib, ayuu wuxuu shiday dab aad u wayn oo shimbirka dabkaa korkiisa duulaa uu soo dhocoya holaca dabkaa ka baxaya dartiis, kadib waxaa lakeenay Abu- Muslim Al-khawlaani oo labada lugood iyo labada gacmoodba ka xiran waxaana lagu tuuray dabkii. Inta uu hawada ku sii socday ee aanuu dabka ku dhicin ayuu Ilaahay keliyta xusuusatay oo keligii magan galyo waydiistay oo waxa uu yiri: “Xasbuna Al-laahu wa nicma Al-wakiil” oo macnaheedu yahay “Ilaahay baa igu filan” dabkii ayuuna ku dhex-dhacay iyadoo ay dadku daawanayaan oo markaa ay rabaan in ay sifiican u’eegan sida ay dabku u gubi doono. Dadkiibaa waxaa ku soo mudh yiri Abu- Muslim Al-khawlaani oo dabkii xarkihii ka fur furay, dharkiisiina aanuu guban, cagihiisuna ay ku dulsocdaan dhuxilihii dabka ahaa oo holcayey, isagoo qoslaya, markaas ayaa daalimkii baqay oo dadkii u hanjabay si aanay dadka intoodii kale u islaamin.

Abu- Muslim Al-khawlaani markaa kadib ayuu waxa uu aaday magaalada Madiina si uu ula kulmo saxaabadii Rasuulkeena (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) waana xiliguu uu muslimiinta hogaaminayey khaliifkii Abuu-bakar Al-sidiiq(radiyalaahu canhu). Abu- Muslim Al-khawlaani, markii uu madiina gaadhay, ayuu masaajidka rasuulka laba ragcadood ku tukaday. Sayidinaa Cumar Ibn-al-khadaab ayaa warkii gaaray dabadeedna waxa uu soo aaday dhinaca Abu- Muslim Al-khawlaani, markii uu lakumayna waxa uuna ku yiri: ma waxa aad tahay ninka layiraahdo Abu- Muslim Al-khawlaani? Haa ayuu ku yiri, markaas ayaa cumar laabta laabta u saaray oo ooyey oo waxa uu yiri: Illaah baa mahad iska leh iga dhex tusiyey umada nebe Maxamed(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) dhexdeeda qof wixii nebi Ibraahim(calayhi salaam) lagu sameeyey oo kale lagu sameeyey.

Ukhtii, qofkii Illaahay xifdiya oo towxiidku qalbiga uga buuxsamo, Ilaahay waxa uu xifdiyaa maalinta ay dhibi haysato. ILaahna waxa uu quraankiisa ku yiri:

ٱلَّذِينَ قَالَ لَهُمُ ٱلنَّاسُ إِنَّ ٱلنَّاسَ قَدۡ جَمَعُواْ لَكُمۡ فَٱخۡشَوۡهُمۡ فَزَادَهُمۡ إِيمَـٰنً۬ا وَقَالُواْ حَسۡبُنَا ٱللَّهُ وَنِعۡمَ ٱلۡوَڪِيلُ
{ Ee ah kuwuu yidhi dadku(Gaaladu) dadkii baa idiin kulmay ee ka cabsada oo u Siyaadiyey Rumayn, oy dhaheen Kaafiyahanagu waa Ilaahay isagaan ufiican wakiil},{ Oo noqday Nicmo Eebe iyo Fadli oyna Taaban Xumaan Racayna Raali ahaanshaha Eebe, Ilaahayna waa Fadli wayn lahaade} Suurat Alli-cimraan 73-74

Qisada Labaad:

Waaxa magaalada Dimishiq, caasimada wadanka Suuriya, furtay Nin kamida boqoradii muslimiinta oo layiraahdo C/laahi bin Cali Al-cabaasiyi. Hal saac oo keliya ayuu wuxuu dilay sodon kun oo muslimiin ah. Waxa uu masaajidka caanka ah ee kuyaala Dimishiq ee Layiraahdo Masaajidkii Umawiyiinta uu lagalay fardihiisii. Dabadeed inta uu dadkii soo hor fariistay ayuu wasiiradiisii waxa uu kuyiri : qof iga hor imanayaa miyuu jiraa? markaasay waxa ay ku jawaabeen maya. . Markale ayuu ku celiyey oo wuxuu ku yiri: ma u’malaynaysaan in uu jiro qof hadal igu soo celin karaa? markaas bay waxa ay yiraahdeen: hadii uu jiro qofkaasi waa: Al-awzaaciyi. Al-awzaaciyi waxa uu kamid ahaa Imaamyadii xadiiska inoosoo gudbiyey kuwii ugu waawaynaa, aadna ucibaado badanaa aduunkana iskaga saahiday(aakhiro keliya ushaqaystay) waxaana xadiiska dadkii kaweriyey kamid ahaa Imaamul Bukhaari iyo Muslim, waxa uu noolaa sadexdii qarni ee qarniyada islaamak ugu horeeyey ee nibegeenu uu yiri qarniyada oo dhan sadexdaas qarni ayaa u khayr badan.

Boqorkii askartiisii ayuu soo diray oo wuxuu ku yiri ninkaas ha la ii keeno. Markii ay askartii u timid oo tiri soo kac meeshiisii uu fadhiyey kama uu kicin, markaas bay waxa ay ku yiraahdeen: waxaa ku raba boqorka. markaas ayuu wuxuu yiri: Xasbuna Al-laahu wa nicma Al-wakiil, oo macnaheedu yahay “Ilaahay baa igu filan” wax yar isuga ayuu ku yiri askartii, wuu baxay wuuna soo qubaystay kafantiisiina maryihiisii hoostooda ayuu soo gashaday, waayo waxa uu ogaaday arintu in ay dhimasho tahay, dhiigiisuna uu manta daadanayo. Laakiin naftiisa ayuu waxa uu usheegay in ay manta tahay maalinkii uu kelmada xaqa ah oran laha asagoo aan ka cabsanayn cid aan Illaah ahayn.

Al-awzaaciyi waxa uu yiri isagoo qisada ka sheekaynaya: markii aan ugalay boqorkii mise labada dhinacba waxaa kasafan ciidamo seefahoodii galka kalabaxay, waan ugulay ilaa aan gaadhay meeshii uu fadhiyey, isagoo markaa sariirtiisii ku fadhiya, cadhada wejigiisa ka muuqatana aad ka yaabaysid. Mar alaale markii aan arakay ayaan Illaah baan ku dhaartee waaba anigoo hortayda uu duqsi taagan yahay “Xasbuna Al-laahu wa nicma Al-wakiil”,waxa uu yiri: qofna maan xusuusan walaa reer, walaa caruur, walaa xoolo, walaa xaas ee waxa aan xusuustay carshiga Illaahay ee muuqan doona maalinta qiyaame. Indhaha ayuu kor iigu qaaday asagoo cadhada ka muuqata ilaahay keliyi garan karo, marakaas buu wuxii i yiri: war Awzaaciyow maxaad kaleedahay dhiigii aan daadinay? Markaas baa Al-awzaaciyi wuxuu yiri xadiiskan:

Ibnu Mascuud waxa uu kaweriyey nebi Maxamed(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) in uu yiri: [qof muslim ah dhiigiisu mabanaana qofkaas oo qiraya in Illaah mooyaane Illaah kale jirin aniguna aan ahay nebigiisii in uu qofkaasi sadex mid noqdo mooyaane: qof guur soomaray oo sinaystay, naf naf loo dilayo iyo midkii diinta ka teagay oo jamaacada kabaxay ].

Hadii dadkii aad dishay ay sadexdaa mid ahaayeen waad kusax sanayd dilkooda, hadii kalase dhiigoodu waa dushaada, ushii ayuu igu soo tuuray markaas bay cimaamadaydii kor uqaaday aniguna seefta ayaan sugayey in ay igu dhacdo, waxaana arkay wasiiradiisii oo maryaha faydanaya iyagoo kafaydanaya dhiiga iga daadan doona. Su’aal kale ayuu markaas kadib iway diiyey oo waxa uu yiri: dadkii aan laayey xoolohoodii kawaran? Al-awzaaciyi waxa uu yiri: hadii ay xalaal kuu ahaayeena xisaab ayaa kuu danbaysa, hadii ay xaaraam kaa ahaayeena ciqaab ayaa kuu danbaysa. Intaas markay dhacday ayuu wuxuu iyiri kiiskan dahabka ah qaado. Al-awzaaciyi waxa uu yiri: anigu maal/xoolo marabo, markaas ayaa waxa iqanjiiriyey mid wasiiradiisii ka mida isagoo ujeeda in aan xoolaha qaato, kiiskii ayaan qaatay, ciidankiisii ayaana uqaybiyey isagoo faaruq ahna waan tuuray markii aan sii baxyeyna waxaan iri: “Xasbuna Al-laahu wa nicma Al-wakiil” markii aan ugalayna waan iri hada oo aan kasoo baxoyana waan iri.

Ukhtii, boqorkii sodonka kun oo qof dilay ufiirso sida geesinamada iyo talasaarnimida Illaahy ay sabab ugu noqotay in uu Ilaahay kabad baadiyo caalimkaas, naftiisa, waqtigiisa iyo maalkiisaba ku dhameeyey in uu xadiiska Rasuulkeena ururiyo, si uu inoo soo gaadhsiiyo kiisa saxiixa ah, kiisa daciifka ah, ama laqoraya(mawduuca ah ) inoogu sheego. Ukhtii, Illaahay xifdi marka aad barwaaqaysantahay, oo nicmadiisa aad ku dhex jirtid, isaguna maalinta aad baahantahay, dhibataysantahay ayuu ku xifdin doonaa, Insha Allah.

Geba Gebo.

Ukhtii, Naseexooyinka faraha badan ee aan kuu soo qori doono, oo aan rajaynayo in ay ku anfici doonaan hadii Ilaahay ku waafujiyo inta aad aduunka joogtid iyo aakhiroba, Towxiidkan aan sida kooban ugu hadlay ayeey dhamaan tood soo wada hoos gelayaan. Sidaa darted, guri albaab baa laga galaaye, albaabka Toxiidka waa meesha diinteena laga soo galo, qofkii albaabkaa fure adag ku soo galaa weligii kama baxo, waxa uuna uga sii gudbaa albaabada kale ee khayrka ee aadka u farabadan. Furaha towxiidku waa furaha furayaasha (masterkey). Sidaa darted, ukhtii, furahan, baro sida loo sameeyo, loo xifdiyo, looga ilaaliyo shaydaanka, bidcada, fuduurka (in aad diintaada ka gaabiso), quluwiga (diinta oo aad laysugu adkeeyo), Ukhtii, furahan waxa aad gashataa meesha aad ku qarsato: dahabkaaga, masruufkaaga, waxa aadna u jeclaataa sid aad u jeceshaya: naftaada, hooyadaa, caruurtaada, ninkaaga iyo aduunkaaga oo dhan. Ukhtii, sidaa hadii aad yeesho furahani si sahlan kaaga hoos biximaayo, in aad sidaa u xifdiso ama uu sidaas macno kuula yeeshona waxaa sabab kuugu noqonaya in aad furahan laftiisa si fiican ubarato, u baadho, uga fikirto, dadkii kaa horeeyey ee furahan siduu ahaa u qaatay taariikhdooda akhrido, hadii aad sidaa yeesho, ukhtii, waxaa hubaal ah in jinni iyo insi midna aanuu kaa hoos saarikarin furahan, Ilaahy idankiis.

Inta aynu albaabada kale ee aan kuugu naseexayn doono aynu ku kulmi doono, ukhtii, waxa aan kaaga tegayaa ducadan: Ilaahay xaqa hakusugo, haku jeclaysiiyo, dadka ehelka u ah xaqa Ilaahay marwalba haku ag joojiyo. Mid xaqa ku seexata, kusoo toosta, dadka farta wanaaga, xumaant ka reebta, wanaaga lagaga daydo, sabir badan, salad badan soon badan, sadaqo badan, waang oo dhan leh, Ilaahay hakaa dhigo. Aaamin.

Waxaa qoray: Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac

abdul_454@hotmail.com

VIDEO CUSUB: Qaabkii ay Al-Shabaab u fulisay dilkii Nafisa Cusmaan Salaad

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Qaabkii iyo sida ay fuliyeen dhalinyaro ka tirsan Alshabaab dilkii ay u geysteen gabar Soomaaliyeed oo ahayd ardeyada ayaa markii ugu horeysay waxaa ka hadlay dhalinyaradii fulisay dilkaas naxariis darada ahaa ee loo geystay gabadhaas Soomaaliyeed.

Laba ka mid ahaa dhalinyaradii fulisay dil naxariis daro ahaa oo qorsheysnaa oo lagu dilay gabar lagu magacaabi jirey Nafiso Cismaan Salaad (AUN) ayaa markii ugu horeysay waxaa ay si faah faahsan oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen waxaa ugu hadlay labadaas dhalinyarada ah oo sheegay ama qirtey inay ayagu ay fuliyeen dilkaas islamarkaana ay u soo direen inay fuliyaan madax ka tirsan kooxda Alshabaab, Dhalinyaradaas ayaa waxay sheegeen inay gabadhdas ay gurigeeda kala baxeen islamarkaana ay xabad la dhaceen xili ay weerarkaas ku wehelinayeen 2 ruux kale oo iyagu wali aan gacanta lagu soo dhigin.

Ugu dambeyntiina iyadoo dilkaas naxariis darada ah ee loo geystay gabadhaas ardeyda ahayd ee gurigeeda sida xooga ah loogala baxay xilli ay goobtaas ku sugnaayeen waalidkeed iyo walaalaheed uu ahaa mid naxdin iyo argagax ku reebay dhamaan dadka Soomaaliyeed ayaa arinta la yaabka leh waxay tahay in dhalinyarad fulisay dilkaasi ay ahaayeen dad aan laga fileuyn arintaas maadaama ay yihiin dad si caadi ah maalintii ugu heysto degaakaas ganacsiyo kala duwan habeenkiina fuliyo dilal qorsheysan oo loo geysnaayo dad la bartilmaamsaday.

Halkan ka daawo

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com

Xiisad siyaasadeedka aadan ogeyn ee todobaadkan ka jira dalka Soomaaliya

$
0
0

KAFTANKA SIYAASADDA TODOBAADKA

Waa sheeko siyaasadeed taxane ah oo sawir guud ka bixineysa marxaladda siyaasadeed ee uu dalka marayo.

Jimcaale: Waxaan fahmi la ahay ujeedada ay ka leeyihiin raggan dowladnimada ku ciyaaraya ee aan waxba kala jecleyn oo tooda keliya ay u caddahay. wallee Soomaali tiih baa ku dhacay. Madaxweynihii wuxuu u dhaqmayaa sidii nin ka taliya Villa Somalia oo kale, magacii dowladnimada waxaa laga dhigtay mashruuc  dhaqaale un lagu uruursado. Soomaaliya xaalkeedu waa cidna uma maqna, ceelna uma qodna.

Jaamac: Ninyahow qof keligii wuu riyoon karaa, laakiin waxaad moodaa Soomaali oo dhan in ay riyo ku jirto saqiir & kabiir. mid Kenya kabo qaad u ah, mid Itoobiya u shaqeynaya, ummad iyagii la isku imtixaanay oo feylaha is goynaya, maxaa dhayi kara oo daawo u noqon kara xaaladda Soomaalida haysata.?

Jimcaale:  Maxaa loo waayey dad caafimaad qaba oo ummadan badbaadiya, Soomaali yaa inkaaray.? Habeen dhoweyto mar aan TV-ga daawanayey waxaan la yaabay dad waaweyn oo inta meel maxfal ah soo istaaga qabiil difaacaya.

Jaamac: Aniga waxa maskaxdeydu ay qaadan la’dahay waxeey tahay,  sida ay u dhaqmayaan in badan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo meherad ka dhigtay laaluush, musuq-maasuq & in ay difaacaan maamulada beelaha ku dhisan ee ay ku adeeganayaan Kenyaanka & Itoobiyaanka. Maxaa loo waayey iyaga oo ka doodaya wax dan & maslaxad  u ah shacabka. Kuwa xildhibaannada na looga dhigay waa dad markiidii hore ee la soo xulayey ku yimid qaab xaaraan ah, laguna soo xulay hadba sida ay u kala liitaan.

Jimcaale: Ma maqashay  nin Sacuudiyaan ah oo Kenyaan-ku ay xireen in Sacuudigu ay ku dhawaadeen inay safaaradeedii kala baxdo Kenya. Ka waran kumanaanka kun ee Kenya xabsi ciqaabeedka ugu jira & Madaxweynaheenii oo aad mooda inuu u dhaqmayo qaab calooshiis la ciyaar iska qoslaya.?

Jaamac: Ummad haddii hogaanku ka qaldamo waa in la helaa dad mideysan oo ay daacad ka tahay badbaadada dalkooda, oo dhexda u xirta sidii ay hogaanka ama u sixi lahaayeen ama u dhihi lahaayeen naga hor-wareeg. Midnimo wax lagu waayey tafaraaruq laguma heli karo.

Jimcaale:  Ninyahow adduunka maanta waxa ka dhacaya waa la socotaa, 14-kii sanno ee u dambeeyey adduunka wax weyn baa iska bedelay, muslimiintii baa la isku imtixaanay, wixii gaaladii ay ka xishoonayeen in ay kugula kacaan ayaa muslimkii uu kugu sameynayaa, Soomaalidiinii iyaga oo ajnabi kuwii ugu liitay u adeegaya ayeey is laynayaan.

Jaamac:  Soomaali xaalkeedu ma dhawee waxba haysku mashquuline ka daneyso.

Jimcaale: Walaaloow siddeen uga daneystaa.? Annagii waan mustaqbal-beelnay, ubadkeenii sidoo kale, waxaan is leenahay war bal Soomaali haddii ay sidan ku sii socotaa jiritaankeedii baa baabaįya.

Jaamac: Haddaan ku weydiiyo adigoo raali ah,  Walaaloow Puntland waxaaba la yiraa waa dad halgankii xornimo qaadashada Soomaaliya ka soo qeybqaataye, maxey tahay dadkan madaxda ka noqda ee mar walba horay iyo gadaal Itoobiya ugu soo socdaalaya.? waxeeyba u adeegayaan dadkii xorriyadeena diidanaaye.?

Jimcaale: Sheekada la leeyahay waa halgamayaal waa iska  huu-haa la doonayey in dadka maskaxdooda sida naastarada loogu duubo, in warkaas uu been yahay waxaad ka garan kartaa, dadkii aan xorriyadeena ka ilaalineynay ayeey u sujuudayaan oo ay leeyihiin  maxaan idiin qabanaa.? sheekada la leeyahay waa dadkii xornimada u soo halgamay ha nalaga xiro.

Jaamac: Maxaa dhacay madaxweynaha maamulka Puntland hadduu la shiro R/wasaaraha Itoobiya maxaa ku jaban.? Puntland waa dad Soomaalinimo halkeeda ha joogtee gurigoodii hagaagsaday oo ay ilmahoodii iskuul u tagayaan.

Jimcaale: Ma waxaad mooday in ay dan & maslaxad Soomaaliyeed u tegayaan Addis.? Waxey  adeegayaal u yihiin Itoobiya, waxeyna u tagaan Itoobiya in ay amar ka soo qaataan bes, waa duleysi. Maxey ka wadahadli karaan baad is leedahay C/weli Gaas &  Itoobiya.? waxa uu kala shiri karo ma jireyso, waa dowladdii fedraalka Itoobiya, Puntland na  waa maamul goboleed, teeda kale, kuwa u sacbinaya ee shacabka & saxaafadda-ah ee naawilaya Madaxweynaheena,  ha ogaadaan madaxweynahooda inuu yahay shaqaale u shaqeeya Itoobiya.

Jaamac: Aniga waxey igula quman tahay is eed-eed maanta Soomaali wax u tari maayee, Itoobiyana haddii tegitaankeeda la yiraa qof aan u tegin ma jirtee, in Soomaali danteeda aqoonsato waa muhiim oo qofka Soomaaliga ah uu aamino kan kale ee walaalkii ah, la iskana daayo danaha waqtiga gaaban ah.

Jimcaale: Taas iigu kaadiye, ninyahow ninkii Muungaab ah waaba nin aan waxba isku faleyn oo xishood laheyn, Tarzan baa dhaamey oo la qaataa. Ka waran 16-kii degmo wuxuu ku taxay Hawiye.  Daarood, Isaaq, Digil & Mirifle iyo beelaha kale iyagu gobolka wax kuma lahan miyaa.?

Jaamac: Waa runtiis, wuuna ku saxan yahay taas, adigu bal waxaan ku weydiinayaa nin Muqdisho ka soo jeeda  maamulka Boosaaso wax ma ka noqon karaa.?  Mase la socotaa hantida dekadda Muqdisho ka soo xeroota  in mushaar lagu siiyo xildhibaanada & Wasiirada Puntland. Hantida dowladda federaalka Soomaali oo dhan ayaa  cunta, kii Boosaaso ka soo baxayna iyaga keliya ayaa cuna, aniga tan aan liqi la’ahay waa taas.

Jimcaale: Sideed u aragtaa in Kenya ay qunsul u soo magacowdo Jubbooyinka.?

Jaamac: Kenya kuma ekeysan doonto in ay Guddoomiye soo magacowdee, waxaa xigi doono inaad mar dhow maqashid iyadoo la leeyahay dadka Gobolada Jubbooyinka & Gedo degan waxey u codeeyeen in ay Kenya ku biiraan taas ha sugi waayin.

Jimcaale: Taas ILLAAHEY nama gaarsiiyo. Waxaan aaminsanahay in Soomaali danteeda u midoobi doonto, kana guuleysan doono Insha ALLAAH cid kasta oo jiritaankeedsa ka soo horjeeda.

La soco qeybaha dambe 

Isha: Yoobsannews

Video: Isbadalka ka dhacay magaalada MUQDISHO kadib sanado dagaal ah

$
0
0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo Sanaddo badan oo burbur iyo dagaal soo qaadatay ayaa waxaa mar qura is badalay muuqaaladani is xig xiga ee leh naxdinta badan iyo ugu dambeyntii sida ay magaaladu isku badashay oo ah si cajiib ah.

Muuqaaladani waa sanadihii u dambeeyay iyo sida ay aheyd Magaalada Muqdisho iyo sida ay tahay maanta waa wax aan maskaxdaadu qaadan karin ee nala daawo kadibna nala wadaag fikirkaada sida aad u aragtay isbadalka Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: 

 

 

 

Sawir xog badan ka bixiyey qorshe ay wadaan Faarax C/Qaadir iyo Guuleed

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Sawir gacmeed cusub oo uu sameeyey Amiin Caamir, ayaa muujinaya in Faarax Cabdul Qaadir iyo Cabdi Kariin Guuleed oo ah laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Cabdi Weli iyo kooxda Damu-Jadiid inay wadaan qorshe la dooonayo in xilka looga qaado taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed General Saacid, xilli xaaladda ammaan ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay sii xumaaneyso.

4_MAY_2014

 

VIDEO: Isbadalka cusub ee Muqdisho

$
0
0

Bilicda Magaalo Madaxdaa Caasimadda ee Muqdisho waxeey isku badashay muuqaal iyo jawi kale kadib Dib u dhis xoogan iyo horumar baaxad weyn leh oo si xowli ah uga soconaya waayihii u dambeeyay.

Hadaba Muuqaalka Muqdisho iyo sida uu maanta yahay hadaad daawato waxaa hubaal ah in aad xusuus iyo qiimo darteed la ilmeyneyso ee nala daawo muuqaalkii u dambeeyay ee Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: 

Qaraxyadii NAIROBI iyo MOMBASA oo ceebeeyey KENYA iyo shacabkii oo…

$
0
0

Qaraxyo taxane ah oo waxyeelo badan gaystay oo ka dhacay Nairobi iyo Mombasa fasaxii usbuuca ayaa dilay ugu yaraan lix qof, dad kale oo badanna dhaawacay kuna reebay shacabka Kenya su’aalo ah inay ciidamada ammaanka ee waddanku waligood awood u yeelan doonaan inay joojiyaan dhibaatada amni-darrada.

Fiidnimadii Axaddii (4-tii May) qaraxyo isku mar lagu muddeeyay ayaa ka dhex dhacay labo bas oo ku sii jeeday xaafadaha Githurai iyo Mwiki oo ku socday jidweynaha mashquulka ah ee Jidweynaha Thika, kuwaas oo dilay saddex qof dhaawacayna 62, ayuu yidhi afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xidhiidhinta Xukuumadda Qaranka Mwenda Njoka.

Sida laga so xigtay AFP, 20 ka mida dhaawacii — oo u badan dumar iyo carruur — ayaa xaalad halis ah ku sugan.

Sabtidii (3-dii May), weeraryahanno ayaa bam-gacmeed ku tuuray bas buuxa oo joogay magaalo xeebeedda Kenya ee Mombasa, kuwaas oo dilay saddex dhaawacayna 20, sida uu sheegay taliyaha bilayska Gobolka Mombasa Robert Kitur. Basku wuxuu markii ka soo galay Nairobi, wuxuuna weerarku ka dhacay istaanka basaska ee Mwembe Tayari.

Sidoo kale Sabtidii, qarax la macmalay (IED) ayaa ku qarxay waddo loo maro xeeb ku ag taala Hoteelka Reef ee ku yaal Nyali. Cidina wax kuma aysan noqon qaraxa.

Afhayeenadda bilayska Zipporah Gatiria Mboroki ayaa sheegtay inay baadhitaannadii hore muujinayaan in ay ahaayeen waxyaabo qarxa oo la macmalay waxa keenay qaraxyada ka dhacay Nairobi iyo inay bilaysku raadinayaan labo nin oo rakaab ahaa oo la sheegay inay basaska mid ka dageen inta aysan ka tagin magaalada hoose.

Sida ay sheegayaan warbixinnada rakaabka qaarkood, tuhmanayaashu waxay xareeysteen hal boorso waxayna koreen baska laakiin ma aysan fariisan, ayay tidhi. Maadama ay dambi tahay in baska la dhex istaago, markii ay kuraastii buuxsameen, labadii shakhsi waxaa uu kaaliyaha darawalku ka codsaday inay degaan oo sugaan baska ku xiga.

“Waxaa la ii sheegay inay muraan la’aan aqbaleen,” ayay tidhi Mboroki.

Markii ay nimankii ka dageen baska, siday sheegeen goob-joogeyaashii, ma aysan doonan boorsadoodii. Hase ahaate, Mboroki waxay sheegtay in kaaliyihii darawalku uu xaqiijin waayay waxa ay sheegeen goob-joogeyaashu mana uusan xasuusan in ay nimanku boorso xareeysteen.

“Waxaan tuhunsannahay in weeraryahannadu ay taleefan gacan u adeegsadeen inay qarxiyaan basaskan sababta oo ah xeel-dheerayaasha goobaha dambiyadu waxay ka soo heleen qaybo ka jabay taleefan gacan, kaar SIM iyo fuuqaq,” ayay tidhi Mboroki. “Qaraxyadu waxay u muuqdaan inay ku qarsanaayeen basaska meeshooda hoose oo la galiyo boorsooyinka.”

“Bilaysku waxay sameeynayaan wax walba oo ay karaan si ay u joojiyaan weerarradan argagixiso,” ayay tidhi. “Hase ahaatee, waxaan ku boorrinayaa inay shaqaalaha baabuurtu si wanaagsan u baaraan rakaabka iyo boorsooyinkooda inta aysan u bixin safar. Waxaa dhici karta in ay taa wakhti badan qaadato laakiin waxaa roon inaad guriga ka soo daahdo inta aad waligaa ka maqnaan lahayd.”

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarradii dhacay usbuuca dhammaadkiisii, laakiin taagerayaasha al-Shabaab ayaa la tuhunsan yahay.

Isniintii, Madaxweyne Ku-xigeen William Ruto ayaa sheegay in Kenya aysan cabsi-galin doonin argagixisadu oo aysan ciidanka ka saareeyn Soomaaliya.

“Xukuumaddu uma oggolaanayso argagixisadu inay noo taliyaan ama nagu khasbaan inaan baddalno siyaasaddeenna maxalliga ah ama tan dibedda,” ayuu u sheegay warbaahinta. “Kama soo baxayno Soomaaliya illaa ay yeelato dawlad xasilan oo ammaan ah kana xor ah argagax.”

Wuxuu sheegay in dib-uga-yeedhidda ciidamada Kenya Hawgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay meel amni ah oo ay joogaan u sameeynayso al-Shabaab, taas oo sii kordhinaysa khatarta wajahaysa Kenya iyo gobolka oo dhan.

“Amnigeenna wadajirka ah waa mas’uuliyad loo dhan yahay; qof waliba waa inuu qeybtiisa ka ciyaaro in fejignaan aan weecan lagu jiro,” ayuu yidhi Ruto. “Qeyb walba oo xukuumadda ka mida waa inay kaalinteeda oo buuxda qaadataa waana in muwaadin walba uu ka soo baxo waajibka wadaninimo.”

Xaaladda oo faraha ka sii baxaysa

“Waxaan ka daalnay ballanada maran ah ee ah in [xukuumaddu] ay maamulka gacanta ku hayso iyo dhaqankan ah in mas’uuliyiinta ammaanku ay dhaartaan marka uu shil dhaco, haddana isla wixii ayaa soo noqdaan,” ayay tidhi Isabel Mwihaki, oo ah 27-jir, ka barata xidhiidhka bulshada Kulliyadda Griffins College oo joogtay goobta qaraxa Thika.

“Goorma ayay waalidan dhammaan doontaa?” ayuu yidhi David Wangwe, oo ah 56-jir dhalay saddex oo najaar ka ah Githurai.

“Xaaskeeyga dhaawac xun ayaa ka gaadhay lugta. Waxaan isweeydiinayaa dambiga ay gashay oo ku galabsatay dhaawacan gaadhay oo nolosheeda baddalaya,” ayuu yidhi, isagoo ilmo iska tiraya.

Wangwe wuxuu ku jiray boqolaal ehel iyo asxaab ah oo fiidnimadii Axaddii ku soo ururay Isbitaalka Uhai Neema, halkaas oo dhibbanayaashii intooda badan loola cararay.

“Dhaawacyada intooda badan waa halis. Xaqiiqdii, waxaan haynaa shan carruur ah oo dhaawac culus ka gaadhay wajiyadooda, gacmaha iyo lugaha. Waxaan geynaynaa Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta,” Antonio Milito, oo dhakhtar ka ah Isbitaalka Uhai Neema, sida uu shaagay.

“Waxaan ka xumahay in weerarradan ay si xawli ah u sii fidayaan oo aysan xukuumadduna u muuqan inay xakameeyn karto,” ayay tidhi Rose Nyambura, oo ah 21-jir ardayad ka ah United States International University, iyado raacisay in qof dariskeeda ah iyo wiilkooda oo ah 11-jir ay ku jiraan dhaawaca.

Nyambura waxay is weeydiisay sida ay argagixisadu u yeesheen kartida abaabul iyo kalsoonida ay laba bas oo kala duwan qaraxyo ugu xidheen oo isku mar u qarxiyeen iyada oo aysan xukuumaddu lahayn awood ay ku ogaato oo ku joojiso.

“Waxaa macnuhu yahay inaysan [xukuumaddu] awoodin inay amnigeenna sugto,” ayay tiri.

Roysambu, oo ah goobta baska labaad lagu qarxiyay oo u dhow Suuqa Thika, ayay dadka deggan iyo bahda ganacsigu cabsi ka muujiyeen inay argagixisanimadu iyaga soo gaadhay.

“Waxaan nahay dadka deegaanka oo masaakiin ah oo la tacaalaya soo saarashada nolol-maalmeedka. Waligay isma odhan basaska, wax kale daaye, ayaa noqon doona beegsiga argagixisada oo rasmi ah,” ayuu yidhi Justus Kito, oo ah 36-jir jaraa’idyada iibiya. “Waxaan taageerayaa millatariga iyo dadaalladooda ay Soomaaliya nabadda ugu soo celinayaan, laakiin bilayskeennu waxay u muuqdaan inaysan isla taas halkan ku soo celin karin.”

“Waxaan tagsigeeyga ag dhigan jiray suuqa [Thika] si aan u sugo dukaameeysatada, laakiin taniyo bishii hore, maamulka ayaa halkan ka eryay dhammaan tagsiyada sababo ammaan dartood,” ayuu yidhi tagsiilaha 40-jirka ah Henry Simiyu. “Tani waxay ka dhigan tahay inaanan helin dukaameeysato sidii hore u badan maadaama aan jooga meel 300 oo mitir u jirta suuqa. Waxaan ka baqayaa in qaraxa baska uu cabsi-gelin doono dukaameeysatada waxaana ay tani nooga dhigan tahay dhibaato dhaqaale oo sii korodhay.”

Beegsiga abaabulayaasha iyo maal-geliyayaasha

“Waddanka saan kuma sii socon koro in intaan oo qof ah ay dhimato,” ayuu yidhi Ken Kinyua, maamulaha iib-geeynta ee Vila Risa Kempinski Hotels.

“Haddii weerarka maanta wax laga ogaan karo, markaas [waxa ay noo tilmaamayaan] in hawlgalka ammaanka ee loogu talagalay in waddankeena looga saaro abaabulayaasha argagixisonimada, gaar ahaan goobaha magaalooyinka ee dadku ku badan yahay, in uu fashilmay,” ayuu yidhi. “Haddii uusan dhicin isbeddel dhanka xeeladda ah, waxaa ii muuqata in xaalada ammaanka ee nagu soo food leh iyo dhibka dadka gaadha ay noqonayan kuwo aad u sii xumaada.”

“Baadhitaanno qorshe la’aan ah oon maamul lahayn waxaa laga yaabaa inaysan soo qaban kuwa argagixisanimada soo abaabula,” ayuu yidhi Kinyua, isagoo raaciyay inay tahay in bilaysku ay sameeyaan baadhitaanno dhammeeystiran oo beegsadaan dambiileyaasha runta ah.

Joel Omoto, 29 jir, oo lacag haye ka ah Makhaayada Ando Africa ee Mombasa, ayaa sheegay in tallaabooyinka ammaanka qaarkood, sida baadhitaanka rakaabka, ay caawin karaan yareeynta halista weerarrada noocaan ah, laakiin shacabku waxa uu sii ahaan doonaa mid nugul illaa bilaysku ay ka helayaan meesha ay qaraxyadu ka imanayaan.

“Waan ogahay in weerarrada argagixisanimo ay xilli walba dhici karaan,” ayuu yidhi, “laakiin waa inay xukuumaddu aqoonsataa maal-galiyayaasha iyo kuwa keena IED-yada iyo bam-gacmeedyada oo ay beegsadaan — intii ay bayaanno hadallo adag ku qoran oo niyad-dajin ah ay soo saari lahaayeen weerar ka dib.”

Isha: Sabahi Online


SAWIR qosol leh oo muujinaya xaalka Xasan Sh. kadib dalabkii IS-CASILAAD

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Farshaxamiiste Amiin Caamir, ayaa sawir gacmeed qosol badan ka sameeyey mooshinka kusoo fool leh madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii xildhibaanno kor u dhaafaya 100 ay shalay codsadeen inuu iska-caliso xilka uu hayo, ayaga oo ku eedeeyey inuu ku guul darreystay howshii loo igmaday.

5_MAY_2014

 

MUUQAALKA xildhibaannada dalbaday is-casilaadda oo la shaaciyey (Video)

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Sida aan shalay werinay, Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Somalia oo gaaraya illaa 133 xildhibaan, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu is-casilo, sabab ay ku sheegeen inuu ku fashilmay howlihii loo igmaday.

Sida ay sheegeen xildhibaannada dalabkan keenay, is-casilaadda ayaa waxaa u doonayaan sababo la xiriira in madaxweynaha uu ku fashilmay talada dalka.

Haddaba waxaan iminka idiin soo gudbineynaa muuqaalka xildhibaanadan oo video ah.

Xog iyo fallanqayn: Baaqa iscasilaadda MADAXWEYNAHA, dareen cusub oo ku soo kordhay waddanka Soomaaliya

$
0
0

Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa Faallo dheer ka qortay siyaasadda cusub ee ku soo korartay Soomaaliya, is casilaada laga dalbay madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaanno 100 kor u dhaafayo ayaa soo jeediyay baaq ah in madaxweyne Xasan Sheekh u soo jeediyay inuu is casilo.

Hadaba maxay yihiin xildhibaanadaas? Dhibaato intee la eg ayay arrintas ku soo kordhin karrtaa xaaladda Soomaaliya ee cakran?

Si lama filaan ah ayay xildhibaano tiradoodu kor u dhaafeyso 100 oo ku shiray Hotel Saxafi ee magaalada Mugadishu war ay ka soo saareen shirkooda waxay ugu baaqeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu iska casilo Madaxtinimada, iyaga oo arrintaasi sabab uga dhigay sida ay warkooda ku caddeeyeen in uu ku fashilmay dhammaan balanqaadyadii uu barlamaanka hortiisa ka sheegay doorashadii madaxtinimada ka hor.

Baaqa xildhibaanada oo 14 qodob ka kooban ayay xildhibaanadu faahfaahin ka bixiyeen waxyaabaha uu madaxweynuhu ku fashilmay, waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen, arrimaha ammaanka , oo ay tilmaameen in uu aad uga hooseeyo sidii uu ahaa intii aanu xukunka la wareegin Madaxweyne Xasan Sheekh.

Arrimaha dib u heshiisiinta, dib u dhiska hay’adaha dowladda, sida dhismaha Garsoorka, guuddiyadii qaran ee dastuurku dhigayey, maamul gobaleedyada iyo hay’adihii maamulka lacagta ayay sheegeen in uu aad ugu guul darreystay madaxweynuhu.

Culays cusub oo soo wajahay Xasan Sheekh

Culays cusub oo soo wajahay Xasan Sheekh

Beesha caalamka

Inkasta oo madaxwenuhu ilaa hadda war rasmi ah arintaan ka soo saarin haddana waxaa xaqiiq ah in ay tahay dhibaato siyaasadeed oo hor leh oo culus oo ku soo korartay madaxweynaha oo ladaalaa dhacayey dhibaatooyin baaxad weyn oo aad ay ugu adkeed in uu wax ka qabto.

Waxaana codsiga iscasilaada madaxweynuhu ku soo beegmay xilli ay beesha caalamku si aada indhaha ugu hayso xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa dibna loogu dhisi lahaa hay’adihii dawladda isla markaasina ay ku sugnaayeen magaalda Mugadishu wafdi beesha caalamka ka socday oo shir la lahaa ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh iyadoo isla markaasina madaxeynuhu uu booqashu rasmi ah ku joogey dalka imaaraadka Carabta oo howlo dib u dhis ah ka wada Soomaaliya.

Waxaa warar lagu kalsoonyahay ay sheegayaan in mdaxweyne Xasan Sheekh in uu aad uga xumaaday hadalka ka soo yeeray qaar kamid ah xildhibaanadii doortay in kayar laba sono ka hor iyagoo hadalkoodana ku soo beegay xilii uu dalka dibadda uga maqanyahay.

Lama oga sida madaxweynuhu uga jawaabi doono dhibaatadaan ugubka ku ah oo aan la fileynin xiligaan.

Maxay doonayaan xildhibaanadu

Marka lamilicsada magacyada xildhibaanada baaqaan soo jeediyey, waxaa durba laga dheehanayaa in ay isugu jiraan; xildhibaano, jagooyin kawaayey xukuumadda cusub ee Cabdiweli Sheekh, kuwo markii horaba ka soo horjeedey Xasan Sheekh, sida xildhibaanada ururka Islaax ugu jira barlamaanka iyo kuwii taageerayey Sheekh Shariif oo muddaba aad uga careysnaa sida Xasan sheikh iyo saaxiibadiisa siyaasadeed ee Dam-Jadiid wax u maamulayaan.

Waxaa iyaguna meesha ka muuqda xildhibaano ka soo jeeda gobollada Bay iyo Bakool oo aad uga careysan sida Madaxweynuhu u maamulay maamul u sameynta gobaladaasi oo dadkoodu u kala qaybsameen lix gobal iyo seddex gobol maamulo ku salaysan.

Xildhibaano ka caraysan xil ka qaadistii Saacid ayaa la sheegayaa inay qayb ka yihiin ololaha ka dhanka ah madaxweynaha

Xildhibaano ka caraysan xil ka qaadistii Saacid ayaa la sheegayaa inay qayb ka yihiin ololaha ka dhanka ah madaxweynaha

Xildhibaano ka careysan xil ka qaadistii Ra’iisalwasaarihii hore Cabdi Shirdoon Saacid ayaa iyaguna ka dhex muuqda kuwa hormuudka ka ah baaqaan, rag damac madaxtinimo leh ayaa iyaguna si buuxda uga qaybqaadanaya ololaha ka dhanka Madxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba ha ahaatee in kasta laga yaabo in dadweyne badan ay laqabaan xubnahaan barlamaanka dareenkooda wakiilna ay shacabka ka yihiin, haddana, waxaa dadka u kuur gala siyaasdda Soomaaliya ku dhaliilayaan xildhibaanda in goobtii ay ahayd in hadladaan ay ka soo jeediyaan ay garab mareen oo sidii xisbiyo mucaarad ah ama siyaasiyiin aan gole lahayn oo kale ay u dhaqmeen, waayo waxaa la isweydiinayaa sababta ay baarlamaanka dareenkooda u geyn waayeen iyagoo kor u dhaafaya 100 xildhibaan.

Maxaa keenay in ay ku shiraan gole aan golihii loogu talo galay ahayn?

Dadka qaar ayaa isweydiinaya ma waxaa deeqi waayey xildhibaanada oo ku yaraaday kursigii baarlamaanka markaasi ayey u soo dhigteen shaqadii ururada macaardka iyo siyaasiyiinta aan kuraasta haysan.

Marka meel la iska dhigo eedeymaha Xasan Sheekh ay xubnahani u soo jeediyeen saxnimadooda iyo qaladkoodaba, haddana waxaa cad oo aan qarsoodi ahayn in Madaxweyne Xasan Sheekh, sida dad badan ay sheegayaan in ay ku hingoobeen rajadii ay ka qabeen, hasayeeshee dadka madaxweynaha ku dhaw dhaw ayaa iyaguna sheegaya in madaxweynuhu uu aad u dadaalayo laakiin ay jiraan dhibaatooyin ka tan badan oo u baahan in siwada jir ah loo xaliyo.

Baaqa xildhibaanada ayaa u muuqada in aad loo soo dhaweeyey loona hadal hayo iyadoo islamarkaasina loo soo jeedinayo dhaliil badan xildhibaanada naf ahaantooda.

Sikastaba ha ahaatee, tani waa xiisd siyaasadeed oo cusub oo dareen leh oo Soomaaliya ku soo korartay loona baahanyahay in si wada jir ah ay Soomaalidu isaga kaashadaan si looga gudbo dhibaatada Soomaaliya haysata.

Waxaa kaloo xusud mudan, waxaa la arki jirey baarlamaan xukuumadda dhaliil u soo jeediyo oo la xisaabtamo laakiin waa maxay sababta xildhibaanadu aaney u xusin xukuumadda oo iyadu mas’uul ka ah howlaha lagu eedeeyey madaxweynauhu in uu ku guul dareystay wax ka qabadkooda?

Suaalahaasi iyo kuwo kaleba jawaabahooda maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa.

W/Q: Yuusuf Xasan

BBC SOMALI

Daawo: Gaas oo qunsuliyad PUNTLAND ka codsaday madaxda WADDANKA…

$
0
0

Garowe (Caasimada Online) - Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa dowladda Yemen ka codsaday inay qunsilyadka furato magaalada Garowe, islamarkaana weydiistay in Puntland ay u ogolaato inay qunsuliyad ku yeelato magaalada Sanca ee caasimada dalkaas.

Gaas, ayaa sheegay in taasi au muhiim u tahay xiriirka labada dhinaca iyo wax uu ugu yeeray “danaha ka dhaxeeya laba dhinac”.

Waa astaan kale oo muujineysa dhibka Somalia haysta iyo caqabadda federaalka, ayada oo gobol kasta uu dhinac u ordayo, iskuna dayayo inuu sida dal oo kale ula macaamilo dalalka caalamka.

Halkan ka daawo Gaas

Video-ga qaabkii uu wiilka Soomaaliga ugu dhuuntay taayarka diyaaradda oo lasoo bandhigay (Muuqaal yaab leh)

$
0
0

Waaxda Duulimaadyada Hawaii, ayaa soo bandhigtay Muuqaal cusub oo laga duubay, wiilkii Soomaaliga ahaa ee ku safray Taayarka Diyaarada Hoosteeda.

Muuqaalkan lasoo bandhigay, ayaa waxaa ka muuqanaya wiilka Soomaaliga ah oo ku wareegeeysanaya Jaranjarada Diyaarada, kadib markii oo kasoo degay.

Wiilkan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo “Yaxye Cabdi” islamarkaasna ah 15 sano jir, ayaa ka bad baaday safarkaas Halista ahaa oo qaatay mudo 5 saacadood ah.

Saraakiisha Duulimaadka Hawaii, ayaa sheegay in wiilkaan uu si wanaagsan u qabsaday Taayarka Diyaarada Hawaii-bound Boeing 767, kadib markii ay Diyaarada kacdayna uu suuxay.

Saraakiisha Caafimaadka ee Gacanta ku haysa wiilkan, ayaa sheegay inuu doonayay inuu Gaaro Hooyadiis oo ku nool Soomaaliya, isagoo moodayay in Diyaarada kusii jeedo Soomaaliya.

Xaalada wiilkan, ayaa hada soo roonaaneysa, iyadoo saraakiisha danbi baarista Mareykankana ay doonayaan ineey su’aalo weeydiiyaan.

Halkaan ka daawo muuqaalka:

Arag 3-calan oo la taagay magaallo ku taalla Soomaaliya

$
0
0

Xuddur (Caasimada Online)- Akhristayaasha ku xiran Caasimada Online, waxaan la qaybsaneynaa sawir aan ka soo xulnay sawirro ay noo soo dirayn shaqaalaha noo jooga Soomaaliya.

Sawirkan waa sawir uu ka muuqdo seddax calan oo laga suray magaalada Xuddur ee xarunta gobalka Bakool oo dhawaan laga qabsaday Al-Shabaab.

Magaalada waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Ethiopia ee qaybta ka ah kuwa AMISOM waxaana wehlinaayay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sawirkan waxaa uu ku turjumayaa qorshe ay lee dahay Itoobiya oo ka baxsan howgalka Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya tan iyo markii ay ku soo biirayn howgalka AMISOM, waxa ay gacanta ku dhigayn magaalooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Buuloburde, Ceelbuur, Xuddur iyo Baardheere.

Saddexda ee calan ee laga suran Xuddr ayaa waxa ay kala yhiin Soomaaliya, Afrika iyo Itoobiya

Halkan hoose ka daawo sawirka seddaxda calan ee la suray Xuddur” noo qor aragtidaada.

Magaalada Xuddur ee gobolka Bakool oo ay ka taagan yihiin saddex calan Soomaaliya, Afrika iyo Ethiopia

Magaalada Xuddur ee gobolka Bakool oo ay ka taagan yihiin saddex calan Soomaaliya, Afrika iyo Itoobiya

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com

 

 

 

Magacyada, beelaha & qorshaha 8-da xildhibaan ee wada mooshinka Xasan

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa billaabay olole ka dhan ah madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud si xilka looga qaado.

Haddaba Caasimada Online, ayaa daba gal ku sameysay kooxda hormuudka u ah xildhibaanadan, iyo beelaha ay kasoo jeedaan iyo sidoo kale ujeedada mid kasta uu lee yahay. 

1 – Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali

  • Xiligii Doorshada wuxuu xildhibaanku sheegay inuu codadkii uu helay wareega 1-aad oo ahaa 28 cod uu ku wareejiyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo sheegay in Madaxweyne Xasan  uu ka filayey inuu siin doono lacagtii ka gashay ololihii doorashada, lacagtaas oo uu sheegay inaan weli waxba laga siinin.
  • Xildhibaan Cabdulqaadir wuxuu sheegay in shirkad uu wax ku lahaa oo lagu magacaabo Deeqo oo shidaalka siin jirtay diyaaradaha Garoonka Muqdisho yimaada laga dhigay tartan furan haatana shirkad kale la siiyey. Sidoo kale Xildhibaanku wuxuu aaminsan yahay in Beesha Warsengeli xilalkii iyo ilihii dhaqaalaha ee ay maamuli jireen Xiligii R/W Cali Geedi iyo Madaxweynihii hore Shariif inay hoos u dhacday. Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Wuxuu sidoo kale olole u galay in loo magacaabo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, oo uu ku fashilmay.
  • Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble wuxuu aaminsan yahay in Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Beesha uu kasoo jeedaba (Waceysle) dalka hogaamin Karin, uuna isaga beel ahaan (Harti Abgaal)  iyo shaqsi ahaanba uga fiican yahay inuu dalka hogaamiyo, arintaas oo siyaasiyiin iyo Xildhibaano dalka degenaanshihiisa diidaya dhegta ugu sheegeen.

2 – Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan

  • Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kasoo jeeda Asharaaf, Digil iyo Mirifle wuxuu ku riyoodaa in Mar loogu yeero Madaxweynaha Koofur Galbeed ee 3-da gobol si uu taas u gaarana wuxuu aaminsan yahay in ay caqabad ku yihiin Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari si uu taas u gaarana wuxuu geed dheer iyo geed gaabanba u korayaa in Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Meesha laga Saaro, sida ilo-wareedyo ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.
  • Xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aden ayaa aaminsan in dhowaan fadeexaadii  siyaasadeed ee kula soo dhacday Baydhabo mar uu booqasho ku tagay oo aheyd in markii ugu horeysay ee Beel weynta Digil iyo Mirifle ay si cad u diideen siyaasadda Shariifka iyo inuuba gudaha usoo galo Magaalada Baydhabo uusan gacan fiican ka helin Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, sidaa daraadeedna wuxuu ka shaqeynayaa in Madaxweynaha isagana la dhaawaco, siyaasiyan, dadkiisana laga horkeeno.

3 – Xildhibaan Cabdulqadir Cali Cumar

  • Wuxuu tabanayaa in Agaasimihii Madaxweynaha Kamaal Guutaale, oo ay kasoo wada jeedaan beesha Saleebaan ee Habar-Gidir xilka laga qaaday laguna badelay wiil kasoo jeeda Beesha Madaxweynaha oo lagu magacaabo Taabit.
  • Sida ay sheegeyso xogta Caasimada Online, xildhibaanku wuxuu ku doodayaa in Gudoomiyanimada Degmada Xamarweyne oo laga qaaday beesha Saleemaan, isla markaana aan laga siinin Gudoomiye ku xigeen, iyadoo ku xigeenada la siiyey Beelo kale,  Sidoo kale inaan Beesha Saleemaan laga siinin gudoomiye ama ku xigeeno degmooyinka kale ee Muqdisho intii ay horey ku xigeenada ka ahaayeen.
  • Xildhibaanku wuxuu ku doodayaa in balan qaad ahaa wasiiru dawlaha Madaxtooyada oo Madaxweyne Xasan Sheikh uu horey ugu balan qaaday beesha Saleemaan uu uga baxay, isaga oo Madaxweynaha Beesha ku eedeeyey in Xiligii Riditaanka Raisul wasaarihii hore Dr Saacid aysan beeshu gacan ka geysan.
  • Xildhibaanku wuxuu ku doodayaa In xuquuqdii guud ahaan beesha Habargidir gaar ahaan Saleemaan inuu ku tuntay Madaxweyne Xasan Sheikh, taageerada beesha u heysayna uusan tixgelin, xuquuqdoodiina uu dhaafsiiyey.
  • Xildhibaanku wuxuu tabanayaa Xubinta Wasiirnimo ee Beesha Habargidir aan xildhibaanada iyo waxgaradka Beesha lagala tashan, jagadaasna la siiyey nin firqo diineed kasoo jeeda oo lagu Magacaabo Cabdikariin, shaqsigaas oo aan aqoonin amni, dalkana geliyey dib u dhac weyn, sida dad ku dhow ay u sheegeen Caasimada Online.

4 – Xildhibaan Cumar Finish

  • Xildhibaan Cumar Finish wuxuu rabay in Degmada Wadajir Gudoomiye looga dhigo wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Qoondhe, arintaas oo uu Xildhibaanku ku fashilmay.
  • Xildhibaan Cumar Finish oo markii uu ku guuldareystay in wiilka uu adeerka u yahay Axmed Daaci lagu bedelo u sheegay Axmed Daaci inuusan xilka wareejin, taas oo Axmed Daaci ku gacan seyray si sharf lehna uu xilka u wareejiyey, sida ay horey u werisay Caasimada Online.
  • Xildhibaan Cumar Finish wuxuu ku doodayaa in Beesha Daa’uud Wacbuudhan ay ku yar tahay 3 degmo in laga siiyo magaalada Muqdisho, ayna tahay in looga badiyo.

5 – Xildhibaan Sanyare

  • Xildhibaan Sanyare wuxuu ka soo jeedaa Puntland wuxuuna u joogaa Xamar inaan Caasimada Dalka degin, Kanbaniyada Turkigana laga joojiyo shaqooyinka dib u dhiska Garoonka, Jidadka iyo Dekeda Muqdisho.
  • Xildhibaan Sanyare wuxuu aaminsan yahay in Hogaaminta Dalka ay leedahay Beesha Majeerteen, suurtagalna aysan ahayn in Dawlad Majeerteen uusan Madaxweyne ama Ra’iisul wasaaraha ka ahayn aysan shaqeyn, fikirkaas oo uu taageero uga heysto Maamulka Puntland, sida ay dhowr jeer kashiftay Caasimada Online.
  • Xildhibaan Sanyare oo la sheego inuu Mushaar labaad ka helo Puntland inuu u joogo Muqdisho in Xamar laga ilaaliyo siyaasad degan, sidoo kalana is fahanka laga ilaaliyo siyaasiyiinta reer Muqdisho.
  • Xildhibaan Sanyare wuxuu aaminsan yahay Magacaabida Gen Muungaab ee loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banadir, lana hoos keenay Laamaha amniga Gobolka Banaadir ay suura gal tahay in ay keento Muqdisho oo nabad ah, Muqdisho oo nabad ahna ay keeni karayso in Muqdisho Xisaabtanto, lana timaado in ilaha dhaqaalaha (Dekedaha, Garoomada, Canshuuraha) Gobolada Soomaaliya dhaqaalaha lagu wadayo DF Soomaaliya la isku darsado, sida ay dhowr jeer kashiftay Caasimada Online.

6 – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig

  • Xildhibaan Xidig wuxuu kasoo jeeda beesha Ogaadeen, wuxuu aad u taagersan yahay Maamulka KMG ah Juba ee Axmed Madoobe hogaamiyo, wuxuu doonayaa in Xaalada siyaasadeed ee Caasimada Muqdisho laga ilaaliyo degenaanshaha si aan dawladu ugu mashquulin in ay codsato in lagu wareejiyo Maamulka Dekeda iyo garoonka Kismaayo.
  • Xildhibaanku wuxuu dhaqaale badan ka helaa Hogaamiyaha KMG ah ee Juba si aan baarlamaanka DF Soomaaliya loo horkeenin heshiiskii lagu aqoonsaday MKG ah ee Juba, wuxuuna markasta kiciyaa xasarad taabanaysa siyaasiyiinta Muqdisho.
  • Xildhibaan Xidig wuxuu mushaar labaad ka qaataa maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda Kenya, wuxuuna difaac uga jiraa in Heshiiskii dawladu ku aqoonsatay MKG ah Juba la horkeeno Baarlamaanka,  xildhibaanka dantiisu waxaa weeye inuu xasarad iyo qalaanqal joogto ah lagu haayo Madaxweynaha, Wasiirka amniga iyo Wasiirka arrimaha Gudaha, si dawladda looga mashquuiyo arimaha Kismaayo.

7 – Xildhibaan Cabdulqaadir Macalin Nuur

  • Xildhibaankani wuxuu kasoo jeedaa Beesha Waceysle, wuxuu doonayey in loo magacaabo Wasiiru Dawlaha madaxtooyada, taas oo uu ku hungoobay.
  • Xildhibaan Cabdulqaadir Macalin Nuur oo aad uga dagaalamay in Madaxweyne Xasan   Sheikh soo galo Baarlamaanka xiligii xulida Baarlamaanka, isaga oo booska xildhibaanimo u rabay Cabdiraxmaan Sheikh Xuseen Goley oo ka mid ahaa Xerta Macalin Nuur, arintaas oo Xildhibaan Cabdulqaadir ku guul dareystay, ilaa haddana dagaalkaasi ku jiro, sida ay Caasimada Online ka war-hayso

8 – Xildhibaan Mahad Cawad

  • Xildhibaan Mahad Cawad oo kasoo jeeda beesha Dir/Sure ayaa dhaqaale ka hela  siyaasiyiinta diidan horumarka Muqdisho, wuxuuna inta badan baarlamaanka keenaa mooshinada caqabada ku ah horumarka Muqdisho, Xildhibaan Cawad ayaa kamid ah xildhibaanada ku qanacsan inaysan Xamar degin, dhaqaalaha Xamar kasoo baxana loo qeybsado 5 beelood ama wasaarado beelahaas metelaya, aana marna laga hadlin dhaqaalaha Dekedaha iyo Garoomada kale ee Soomaaliya, sida ay dhowr jeer kashiftay Caasimada Online.
  • Xildhibaan Mahad Cawad ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu u eg yahay nin dhaqaale ku soo qaatay in dhamaan Kanbaniyadda Turkiga iyo Mashaariicda Dalka Turkiga ka wado Muqdisho in tushuush lagu furo ama Baarlamaanku joojiyo, sida Kanbanigii balan qaaday dib u dhiska Dekeda Muqdisho, Kanbaniga haatan gacanta ku haaya Garoonka Muqdisho oo balan qaaday dib udhis balaaran inuu ku sameyn doono garoonka Muqdisho.
  • Xildhibaan Mahad Cawad ayaa la shegayaa inuu ka mid yahay siyaasiyiinta aaminsan in Beesha Hawiye la isugu keeno Muqdisho, Muqdishana laga dhigo meel shirko lagu yahay,  Koofurtana laga soo barakiciyo isaga oo qeyb ka ah siyaasadda Ra’iisul wasaare Cabdiweli uu ku doonayo in Kooxda Kaanbooniyiinta Gacanta loo geliyo Gobolada Jubada Hoose, Jubadda Dhexe iyo Gedo, sidoo kalana Gobolada Bay, Bakool iyo Sh/hoose gacanta loo geliyo Kooxda Shariif Xasan, sidoo kalana madaxweynaha xilka laga qaado ama laga dhigo Madaxweyne maqaarsaar ah oo aan awood lahayn.

Qeybta daba-galka ee Caasimada Online

Muqdisho, Soomaaliya

Caasimada@live.com


Video: Shacabka MUQDISHO oo markii ugu horeeyay ka hadlay Isbadalka….

$
0
0

Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho oo markii ugu horeeysay muddo 23 sano kadib ka hadlay Dareenkooda ku aadan isbadalka ka dhacay Gobolka Banaadir.

Muuqaalo kala duwan oo laga soo duubay 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo isbadalka Xoogan ee ka dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho nala daawo Bilic qurux badan oo laga soo duubay muqdisho iyo Dareenka Shacabka oo aad ka heli doonto wax yaabo badan.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Xog dheeri ah iyo muuqaal aan farxad ka muuqan oo laga helay kullankii R/W Cabdi Weli, Madoobe iyo Maxamuud

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)- Warar dheeri ah, ayaa laga helayaa kullan ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo hoggaamiyaha maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed iyo ku xigeenkiisa, Madoobe Nuunow Maxamed iyo Maxammuud Sayid Aadan ku dhex maray Muqdisho.

Kulanka mas’uuliyiintan saxaafadda waa laga qariyay, sidda ka muuqda sawirka waa la isku khilaafka ugu yaraan qoddobada lagu soo qaatay, oo waxaaba Madoobe Nuunow ka muuqda in uu ka dhacay hadalka ra’iisal wasaaraha oo uu saluugsan yahay.

Madoobe Nuunow Maxamed iyo Maxammuud Sayid Aadan, toddobaadkii horre ayey soo gaarayn magaalada Muqdisho iyagoona ka yimid Baydhabo.

Dowladda Soomaaliya waa ay diiddan tahay in ay aqoonsadto maamulka lixda gobal ee looga dhawaay Baydhabo, waayo maamulkan wuxuu sheeganayaa lix gobal oo ay ku jiraan Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana halkaas ka dhisan maamul kumeel gaar ah oo Jubba la dhaho.

Ilaa hadda shirkan dhex maray ra’iisal wasaaraha iyo madaxda maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed ayaa saxaafadda loo soo bandhigin wax yaabaha looga hadlay.

Sidoo kale Madoobe Nuunow iyo Maxammuud Sayid Aadan waxa ay la kulmi doonaan guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulan seddax geesood ah oo dhex martay Raysal wasaaraha, Madoobe Nuunow iyo Maxammuud Sayid Aadan

Kulan seddax geesood ah oo dhex martay Raysal wasaaraha, Madoobe Nuunow iyo Maxammuud Sayid Aadan

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com

R/W Cabdi Weli oo wax aan laga fileyn hormuud u noqday kadib markii uu…

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa wax aan laga fileyn hormuud u noqday, kadib markii uu sabab u noqday hurinta dagaal beeleedyo soo cusboonaaday.

Cabdi Weli ayaa la sheegayaa in safaradiisii ugu danbeeyay ee uu ku tagay Magaalooyinka Kismaayo iyo Marka uu ujeedkoodu ahaa in labadaas gobol dib looga dhaliyo Colaad cusub.

Cabdi Weli ayaa Kismaayo kula kulmay oo kaliya kooxda Ahmed Madoobe ee kaanbooniyiinta, isagoo halkaa kasoo dhigay riwaayad loogu magac daray dib u heshiisiin balse ujeedkeedu ahaa in la sii kala fogeeyo kooxihii iyo qabaailkii ku dagaalamay Kismaayo.

Safarkii Ra’iisul wasaaraha uu Kismaayo ku tagay ka bacdi waxaa Gobolka Gedo ka bilaawday dagaalo daba socday safarkii Ra’iisul wasaare Cabdiweli uu ku xoojinayay colaadaha Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Safarkii labaad ee Ra’iisul wasaare Cabdiweli ku tagay Gobolka Sh/hoose gaar ahaan Magaalada Marka ayaa ahaa mid colaad abuur ah, maadaama wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Cabdalla uu horey usii waday nin lagu magacaabo Mohamed Xasan oo ku xigeen ugu magacaaban Kooxda 3-da gobol ee koofur Galbeed oo Gudoomiyahoodii Shariif Xasan loo diiday inuu galo magaalada Baydhabo.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli ayaa Marka kula kulmay hal bee loo kaliya oo ah Biyamaala kadib markii dhamaan odoyaasha beelaha kale sida Banaadiriga, Hawiyaha, Digil iyo Miriflaha ay fariin uga timid maliishiyaadka Alshabaab oo si dadban u maamula magaalada Marka, Maliishiyaadka Alshabaab ayaa u ogolaaday odoyaasha Beesha Biimaal, Xildhibaanadooda la hadlaan waftiga Ra’iisul wasaaraha maadaama beeshu ku hadlayso danta Xarakada Alshabaab.

Odoyaashii Beelaha kala ah Hawiye, Banaadiri iyo Digil/Mirifle oo horey ula kulmay Ra’iisul wasaare Saacid iyo Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa intooda badan lagu qaarajiyey Magaalada Marka oo uu Mr Yariisoow Maamulo, odoyaashaas waxaa kamid ah Maxamud Kuulow Aweys (Banaadiri), Garweyne Waraabe (Banaadiri) Cumarow (Banaadiri), Cabdiyow Cali Xasan (Hawiye/Abgaal), Cali Shariif (Digil/Gare).

Qodobada odoyaasha Dhaqanka Beesha Biimaal iyo Xildhibaanadoodu u sheegeen Ra’iisul wasaare Cabdiweli waxaa kamid ahaa:-

1- In Ciidamada Milateriga ee degan iskuulka alraxmaan ee magaalada Marka, Ciidanka Degan Shalanbood, Janaale, Kabtanlaas iyo Qoryooleey laga bixiyo Gobolka Sh/hoose.

2- Ciidamada Guuto 3-aad iyo 5-aad ayay sheegeen in laga saaro gobolka Sh/hoose maadaama ciidamaa u badan yihiin beesha Hawiye iyo Digil/Mirifle.

3- Odoyaasha ayaa u sheegay inaysan garaneyn sababta uu u yimid maadaama masuuliyiintii hortiis timid waxba qaban waayeen, isaguna uu lamid yahay kuwii dalxiiska ku imaan jiray gobolka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay beesha Biyamaal in masuuliyiintii isaga ka horeysay ku fashilmeen in gobolka wax ka qabtaan sida Ra’iisul wasaarihii hore Saacid iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof Xasan Sheikh.

Gudoomiyaha Magaalada Marka Maxamed Cismaan Yariisoow ayaa shalay hanjabaad u diray Gudoomiyaha Shalanbood iyo Ciidanka Xooga dalka ee Shabaabka ka saaray Sh/hoose. Hanjabaada iyo colaad abuurkaan cusub ayaa imaanaya kadib safarkii shakiga lahaa ee Ra’iisul wasaare Cabdiweli iyo wasiir ku xigeenka Gaashandhigu ku tageen Magaalada Marka.

Maliishiyaadka yariisoow, Waafoow ayaa ku sugan KM50, KM60 iyo Magaalada Marka, Maliiashiyaadkaas Shabaabku ma ugaarsado waxaana jira xiriir aan qarsooneyn oo u dhaxeeya Shabaabka iyo Maliishiyada Yariisow iyo Waafoow.

Ciidamo Booliis ah oo ku sugan saldhiga Marka ayaa ugaarsi joogto ah waxaa ay kala kulmaan Maliishiyada Al-shabaab, ciidamadaas oo sidii ay Marka u tageen laga dilay in ka badan 10 askari.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Marka ayaa iyana la kulma qaraxyo joogto ah oo ay ka danbeeyaan xarakada alshabaab oo xiriir dhow la leh gudoomiyaha Magaalada Marka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

Soomaaliya oo uu ka dhacay INQILAAB farsamesan (Muqdisho oo loo tashtay)

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay Inqilaab xeeladeysan oo wata magaca Dastuur, Xukuumad iyo iyo Baarlamaan Federaal ah, inqilaabkaan xeeladaysan wuxuu talada dalka gacanta u geliyey qabaailka iska leh Maamulada la sheego inay kamidka yihiin Federaalka Soomaaliya oo kala ah Puntland, Somaliland iyo Maamulka KMG ah ee Juba.

Caasimada Dalka Muqdisho waxaa saldhig ka dhigtay Baarlamaan, Xukuumad iyo Madaxweyne isku magacaaba inay masuul ka yihiin dalka Soomaaliya  balse masuuliyadoodu kusoo koobantay kaliya magaalada Muqdisho.

Dalka Soomaaliya wuxuu leeyahay 4 dekadood iyo garoomo kala duwan, Dekadahaas oo kala ah Dekeda Berbera, Boosaaso, Muqdisho iyo Kismaayo, sidoo kale dalku wuxuu leeyahay Garoomo kala duwan oo ay ugu waaweyn yihiin Garoomada Muqdisho, Hargaysa, Gaalkacyo, Kismaayo, Baydhabo iyo kuwo kale.

MUQDISHO MAXAA KA JIRA

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay Maamushaa oo Kaliya Daqliga kasoo xarooda Dekeda, Garoonka iyo Canshuurta Ganacsatada Muqdisho, Dawladda Federaalku dhaqaalaha Muqdisho oo ay maamusho waxba uguma qabato dadka canshuuraha laga qaado, Lacagtaa waxaa qeybsada

  • Baarlamaan ka kooban 275 xildhibaan oo inta badan Gobolada ay ka yimideen Maamulo ka jiraan, ilaha dhaqaalaha Maamuladaana aan dawladda wax kasoo gaarin, Xubnaha Baarlamaanka hadda Mushaar waxay ka dhigteen Bishii 5000 Doolar iyo Gunooyin kala duwan.
  • Miisaaniyadda Xukuumada loo qeybsaday 5-ta beelood, lacagtu waxaa ay ku baxdaa Wasiiradda wasaaradaha iyo asxaabtooda oo degan Hoteelo qaali ah, Miisaaniyadda wasaarad kasta loo qorsheeyo waxaa ay ku baxdaa shaqaalo wasiiradu qabiilnimo ku qorteen, Miisaaniyadda Wasaaradaha kama mid ah Shaqaalaha Isbitaalada iyo Iskuulaadka Muqdisho, Miisaaniyadda Daawo looguma gado Isbitaalada, Qashinka loogama qaado Magaalada, Koronto iyo Biyo laguma siiyo Shacabka Muqdisho.
  • Xafiiska Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoonka Baarlamaanka dhamaan miisaaniyada u qoran waxaa ay ku baxdaa shaqaalaha 3-daas xafiis iyo adeega ay u baahan yihiin.

HARGEYSA MAXAA KA JIRA?

Hargaysa waxaa ay caasimad u tahay maamul la baxay Somaliland, oo sheegay inuu Soomaaliya ka go’ay 1991-dii, Maamulkaa wuxuu qaataa Canshuurta Dekeda Berbera, Garoomada kala duwan iyo Ganacsatada ku nool Gobolada Maamulkaa hoos taga oo kala ah Waqooyi Galbeed, Togdheer, Awdal, qeybo kamid ah Sool iyo Sanaag. Maamulkaa miisaaniyadiisa waxaa ay ku baxdaa:-

  • Baarlamaan ka yimaada Gobolada maamulkaas hoos taga oo Canshuurta laga qaado.
  • Xukuumad ka timaada gobolada Maamulkaas hoos taga oo Canshuurta laga qaado
  • Xafiiska Madaxweynaha Somaliland oo run ahaan u maamula gobolada hoos taga.

GAROOWE MAXAA KA JIRA?

Garoowe waxaa ay caasimad u tahay maamul la baxay Puntland, sheegay inuu Soomaaliya ka mid yahay af ahaan, balse aan dawladda Federaalka ah waxba la wadaagin, ugana bedelneyn maamulka Somaliland, Maamulkaa waxaa la dhisay 1998-dii, Maamulkaa wuxuu Canshuuraha ka qaataa Dekedda Boosaaso, Garoomada kala duwan iyo Ganacsatada ku nool Gobolada Maamulka hoos taga oo kala ah Bari, Nugaal,, qeybo kamid ah Mudug, Sool iyo Sanaag. Maamulkaa miisaaniyadiisa waxaa ay ku baxdaa:-

  • Baarlamaan ka yimaada Gobolada maamulkaas hoos taga oo Canshuurta laga qaado.
  • Xukuumad ka timaada gobolada Maamulkaas hoos taga oo Canshuurta laga qaado
  • Xafiiska Madaxweynaha Puntland oo run ahaan u maamula gobolada hoos taga.

KISMAAYO MAXAA KA JIRA?

Kismaayo waxay xarun u tahay maamul gobolada uu sheeganayo gacantiisa ku jirin oo lagu magacaabo Maamulka KMG ah ee Juba, Maamulkaa waxaa la dhisay iyada oo ay jirto Dawladda Federaalka Soomaaliya, oo aan lagala tashan Dawladda,  Wasiir kamid ah dawladda ayaa maamulka aqoonsaday, saxiixayna jiritaanka Maamulkaas, Maamulkaa wuxuu Canshuuraha ka qaataa Dekeda Kismaayo, Garoonka iyo Ganacsatada ku nool Gobolka Maamulkaa hoos taga oo ah Jubadda Hoose marka laga reebo Degmada Jamaame oo Al Shabaab maamulo, Gobolka Jubadda Dhexe gebi ahaan waxaa haysta Alshabaab balse dawladu waxaa ay u aqoonsan tahay inuu hoos tago Maamulka KMG Juba, Gobolka Gedo degmooyin kamid ah waxaa heysta qabaailo dawladda taageersan, qeybna weli waxaa heysta Alshabaab sida degmada Baardheere. Maamulka Canshuurta uu qaado waxaa ay ku baxdaa:-

  • Xukuumad  MKG ah ee Juba hoos tagta.
  • Xafiiska Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Juba oo Maamula Kismaayo
  • Ciidamada Jabhadda Kaanbooniyiinta oo Maamulkaa hoos tagta.

GOBOLADA KALE EE SOOMAALIYA

Gobolada kale ee Dalka waxaa jooga masuuliyiin ay magacaabeen Madaxda DF Soomaaliya, magacaabid waxaan ahayn dawladu uma qabato, canshuuraha yar yar ee kasoo xarooda Goboladaas Maamulada ka jira ayaa isticmaala. Goboladaan kale waa gobolo ay ku dhacday dhibaato iyaga u gaar ah. Caalamku wuxuu kala xiriiraa DF Soomaaliya xukuumadeede 5-ta Beelood ka kooban, Xukuumadaasna waxba uma qabato, iyagana talo lama weydiiyo, sida aad aragtaana goboladaan waxaa ay ka dib dhaceen gobolada kale ee Soomaaliya.

Hadaba aqristow inqilaabka dhacay ayaa ah in Maamulada kala ah Somaliland, Puntland iyo Maamulka KMG ah ee Juba ee haatan sida qasabka ah lagu wado in qabaailka degan goboladaas Maamushaan goboladooda, canshuurahooda, haddana dad metelaya qabaailkaasi kamid yihiin Baarlamaanka iyo Xukuumada Federaalka, xubnahaani waxaa si siman ula maamulaan dhaqaalaha iyo go,aan ka gaarista Muqdisho iyo Canshuuraheedaba, xubnahaani waxaa ay Muqdisho ka ilaalinayaan degenaanshaha siyaasadeed.

Dhaqaalaha Maamulada Puntland iyo Maamulka KMG ah ee Juba ayaa hadda loo isticmaalayaa inaan Muqdisho sal dhigan , degenaansho siyaasadeed helin, sidoo kale Maamula aan kor ku xusnay waxaa ay xaqiijiyeen in Talada Muqdisho wax ka maamulaan, talada goboladoodana gaar u ahaato, hadda xaalku wuxuu marayaa qorshaha HIGSIGA CUSUB ee 2016 in taladiisa ay lahaadaan DF Soomaaliya oo lagu mideysan yahay, Maamulka Puntland iyo MKG ah ee Juba. Qorshaha Noocaan ah ayaa ka dhigan inqilaab taladaada iyo dhaqaalahaaga lagula wadaagayo iyada oo magaca Federaal la sheeganayo, haddana markii arintu noqoto go’aan gaaris iyo maamulid dhaqaale in haddana qabaailka goboladaas dega u madax banan yihiin dhaqaalahooda iyo Canshuurtooda.

Inqilaabkaan farsamaysan wuxuu keenayaa in talada Dalka go’aan ka gaaraan xubnaha Baarlamaanka iyo xukuumada kasoo jeeda qabaailada dega gobolada aan hoos imaanin Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Aqristow haddii aad ogeyd inqilaab Milateri oo dalka ka dhacay 1969, inqilaabkaa oo xaqiiqdii dalka Soomaaliya gaarsiiyey horumar la taaban karo inkasta oo dhaliilo jireen haddana haatan waxaa dhacay Inqilaab farsameysan oo caqli ah, dadka inqilaabkaa lagu sameeyeyna weli hurdayaan, garan la’ yihiin meesha laga heysto, Inqilaabkaani wuxuu saameeyey Gobolo Badan oo dalka intiisa kale ka haray.

Isweydii aqristow Maxaa Muqdisho Ka bedelay Gobolada Kale ee Soomaaliya, Maxaase Federaalka Soomaaliya ka bedelay Federaalka Caalamka ka jira, Nairobi waa Caasimadda Kenya haddana waxaa ay kamid tahay 47 gobol oo Federaalka Kenya ka kooban yahay, sidoo Kale Washington DC Waa caasimada Maraykanka haddana waxaa ay qeyb ka tahay maamulada federaalka ee dalkaas, inkasta oo aysan ka mid ahayn 50-ka state ee Maraykanka ka kooban yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Daawo sawirrada: Diyaarado militeri oo ka degay Bosaso (Dalkee ka socdeen)

$
0
0

Boosaaso (Caasimada Online) - Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, waxaa ka degtay diyaarad militeri oo Faransiisku leeyahay, waxaana la socda ciidamo gaar ah.

Sidda ay lee yihiin mas’uuliyiinta maamulka Puntlad, waxay ka mid yihiin ciidanka reer Yurub ee EUNAVFOR oo la sheegay in ay burcad badeed la dagaallamayaan.

Puntland waxay ka mid tahay deegannada ay ku xooggan yihiin burcad-badeeda in kastoo ay hadda sii dhammanaayaan dhallinyaradaas Soomaalida ah.

Balse waxaa in la sheego mudan, xeebaha Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamo fara badan oo ajnebi ah kuwaasoo sheega in ay la dagaallamaan burcad-badeeda Soomaalida balse waxaa xaqiiqo ah in ay xaalufin ku sameeyaan wax yaabaha badda ku jira isla markaana ay sun ku daadiyaan.

Ma jirto cid la xisaabtanto ciidanka ajnebiga ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.

Arag sawirka diyaarad militeri oo ka degtay BOOSAASO

Arag sawirka diyaarad militeri oo ka degtay BOOSAASO

Arag sawirka diyaarad militeri oo ka degtay BOOSAASO

Arag sawirka diyaarad militeri oo ka degtay BOOSAASO

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

Caasimada@live.com

Viewing all 817 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>