Yusuf Garaad oo warbixin calool xumo kasoo diyaariyey garoonka Kasaraani
Daawo Video: Xiisad cusub oo ka dhex oogan beelaha Sacad & Majeerteen
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xiisado cusub, ayaa kasoo dhex cusboonaaday beelaha Sacad iyo Majeerteen, oo isku haya maamullada Galmudug iyo Puntland iyo dhulal la sheegay in la kala haysto.
Odayaal ka tirsan beesha Sacad iyo maamulka Galmudug, ayaa magalada Bandiiradley ku qabtay kullan xasaasi ah, waxaana ay sheegeen in Puntland ay qabsatay dhul ka tirsan maamulka Galmudug, ayna sidoo kale haysato dad kasoo jeeda beesha Saacad.
Halkan ka daawo kullanka
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com
Use Facebook to Comment on this Post
Daawo: Fowsia: Xilka wasiirnimo markii la iga qaaday waxaan awoodi waayey..
Muqdisho (Caasimada Online) - Wasiirkii hore arrimaha dibedda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa shaaca ka qaaday sababtii ka dambeysay inay noqoto xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, kadib markii xilkii wasiirnimo laga qaaday.
Fowsiya waxa ay sheegtay in markii xilka wasiirka arrimaha dibedda laga qaaday ay awoodi weysay inay raadsato shaqo kale, oo aan dowli ahayn, maadaama ay u baratay shaqo dowladeeda, sidaasna ay ku go’aansatay inay xildhibaan noqoto.
“Markii xilka la iga qaaday waan awoodi waayey inaan meel kale shaqo u raadsado taas ayaana keentay inaan raadsado xildhibaannimo” ayay tiri.
Waxa ay qirtay in xildhibaankii ka degay kursiga ay ku fadhsio ay ilma-adeer yihiin, balse waxa ay beenisay in kursiga ay iibsatay.
Halkan ka daawo Fowsiya
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com
Use Facebook to Comment on this Post
Xog iyo Gorfeyn: Taageeradii uu helay oo caawisay GENERAL MUUNGAAB
Muqdisho (Caasimada Online) - Gudoomiyaha oo culeyska ugu badan saaraaya xoojinta ammaanka Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu Muqdisho ka wadaa tallaabooyin uu wax kaga qabanaayo xaalada amni ee Caasimada.
Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu si dhow ula socdaa Saldhigyada Booliska ee ku yaala Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo uu joogto ula sheekeysto Saraakiisha Booliska ee Saldhigyada ka hawlgala.
Masuulkaan waxa uu Saraakiisha wax ka weydiiya ragga lagu soo xir xiro Saldhigyada, ee lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab, kuwaa oo qaarkood ay dhacdo in lagu wareejiyo Waaxda Dembi Baarista ee Qaranka. Haddii loo baahdo in raggaasi Maxkamad la soo taaggo, ayaa wuxuu hadana la socdaa halka ay ku soo biyo shubato kiisaska lagu wareejiyo Maxkamadaha.
Duqa Magaalada Muqdisho oo xoojiyay Ciidanka dhar-cadka ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu soo wargeliyaa nin walba oo loo soo xiro, in uu ka tirsan yahay Ururka Al Shabaab, iyadoo aanu kiisaska Shabaabnimada ka daba harin, ilaa heer Maxkamadeed.
Inkastoo falal ka baxsan ammaanka ay mararka qaarkood ka dhacaan Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa hadana ka badan inta laga hortaggo, misena aynaan waxba kala socon Saxaafada.
Degmada Heliwaa oo billo kahor looga cabsaday in ay la wareegto Al Shabaab, markii ay ku soo bateen dagaal-yahanadeeda, ayaa wuxuu Xasan Maxamed Xuseen uu ku hogaamiyay isbedel, ay dareemayaan dadka ku dhaqan Degmadaasi.
Marka aad la sheekeysaneyso dadka ku dhaqan Degmada Waqooyi Bari ee Gobolka Banaadir dhacda, ayaa waxay ku sheegayaan in Degmadaasi ay ka yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii joogtada kaga dhici jira, isla-markaana ay dareemayaan in Heliwaa aynaan ahayn, sidii ay ahayd toddobaadyo kahor.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Heliwaa, ayaa inoo sheegay in mararka qaarkood ay dhacdo, in Xoogaga Shabaab ay weeraro ku soo qaadaan Degmadaasi Heliwaa, laakiin aynaan ahayn sidii hore.
Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa bishaan Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu si rasmi ah uu ugu wareejiyay Degmada Heliwaa, iyadoo uu ka soo wareejiyay Degmada Xamar Weyne, waxayna tani qayb ka tahay tallaabada uu wax kaga qabanaayo ammaanka.
Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida iyo Booliska Dowladda oo kaashanaaya Booliska Amisom, ayaa waxay marar kala duwan ay hawlgalo ballaaran ka sameeyeen Degmada Heliwaa, iyadoo lagu soo qab qabtay rag muhiim u ahaa Shabaabka, kuwaa oo lagu sheegay in ay lafdhabar u ahaayeen xaaladii cakirneyd ee Degmadaasi ka taagneyd.
Arrinta kale ee caawisay General Xasan Maxamed Xuseen, ayaa waxaa weeyaan, iyadoo Ciidanka Nabad Suggida iyo Booliska ee Dowladda, ay u hogaansamaan awaamiirtiisa.
Sidoo kale tallaabada uu General Muungaab wax kaga qabanaayo xaalada amni ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa barbar-socoto isbedelo uu ku samaynaayo Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Muungaab, ayaa dhalinyarada waxbaratay u xulanaaya in ay noqdaan Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo taasina ay wax weyn ka bedeleyso dareenka shacabka.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho kalsooni badan ku aynaan qabin, in ay la shaqeeyaan Gudoomiye-yaasha Gobolka Banaadir sanadihii ugu dambeeyay, iyagoo markaasi ka baqdin qaba in xogta ay soo gudbiyaan loo gudbiyo Shabaabka, ayna khatar gasho noloshooda.
Xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa si weyn looga hadalhayaa isbedelka uu Muungaab ku samaynaayo Gudoomiye-yaasha, isla-markaana uu ku soo xulanaayo dhalinyarada Somaliyeed ee aqoonta leh.
Marka aad milicsato aragtida bulshada ee ku aadan in dhalinyarada waxbaratay loo soo xusho, in markaan lagu aamino Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa kuu muuqaneyso in ay la dhacsan yihiin, inkastoo ay dadka qaar walaac ka muujinayaan, waxa ay qaban karayaan.
Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, marka aad iyaguna wax ka weydiiso aragtidooda ku aadan Muungaab, ayaa waxay intoodu badan kuugu sheegayaan, in uu yahay nin fir fircoon, oo dadaal muujinaaya, uuna guuleysan doono, haddii aanu noqon mid ku shaqeeya nin jecleysi/eex.
Use Facebook to Comment on this Post
Amiin Caamir oo sawir uu boqortooyo is mooday ka sameeyey M/weynaha…
Hargeysa (Caasimada Online) - Amiin Caamir, ayaa sameeyey sawir gacmeed cusub oo qosol badan, oo uu ku muujinayo madaxweynaha maamulka la baxay Somaliland ee waqooyiga Somalia.
Sawir gacmeedka Amiin, ayaa muujiyey Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wiilashiisa oo sida sawirka ka muuqata isku mooday inay boqortooyo yihiin, waa sida Amiin Caamir uu qabo’e.
Halkan ka arag
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Use Facebook to Comment on this Post
VIDEO: Maxaa horumarka MUQDISHO ka cusub oo kusoo kordhay (Daawo)
Horumarka ka soconaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo si baaxad weyn leh ugu sii fidaya Magaalada banaanadeeda waxaana haatan biloowday waji cusub oo aan horay loo arag dhinaciisa kaas oo ku soo biiray Horumarka ka socda Muqdisho.
Muuqaalkani marka aad daawato waxaa hubaal ah in maanta horumarka iyo bilic soo celinta Muqdisho ay ka qeyb qaadanayaan Dhamaan Shacabka Muqdisho oo la soo baxay arimo aan horay loo arag ee nala daawo muqaalkani.
HALKAAN KA DAAWO:
Use Facebook to Comment on this Post
RAAD-RAAC: Maxay Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe ku kala duwan yihiin?
Maxamed Cabdi Afey oo u hiiliyey Walaalkii Axmad Madoobe iyo R/W Cabdiweli oo dhabar jebiyey Col Barre!!
Labadaan hogaamiye waxaa ay kamid yihiin hogaamiyayaasha Soomaaliya aadka looga yaqaano, ha fiicnaadeen amaba ha xumaadaane, labo hogaamiye oo saameyn leh.
Axmed Madoobe, Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Juba
Axmed Madoobe waa Soomaali ku dhashay Baadiyaha Qabridahare, Siyaasadda wuxuu kasoo galay auruka Mayalka adag ee Kaanbooniyiinta ee uu hogaamin jiray Sheekh Xasan Turki. Madoobe walaashii waxaa qaba Hogaamiyaha xanuunsan Sh Xasan Turki oo la sheego inuu xabsi guri ugu jiro kooxda Shabaabka oo uu soo barbaariyey. Sh Xasan Turki ayaa ka dhigay Axmed Madoobe Gudoomiyahii Maxaakiimta Islaamiga ee mar ka talin jirtay Jubooyinka. Maamulkii Axmed Madoobe waxaa ka saaray Jubooyinka Ciidamadii Itoobiya oo 2006-dii gobolada dalka ka saaray Maxkamadihii Islaamiga. Dagaalo faraha looga gubtay oo ka dhacay agagaaraha Raaskaanbooni ayuu ku dhaawacmay Axmed Madoobe, iyadoo ay gacanta ku dhigeen ciidamadii Itoobiya oo howdka uga dabagalay maxkamadihii Islaamka. Axmed Madoobe oo dhaawac ah waxaa la geeyey oo lagu soo daaweeyay dalka Itoobiya. Axmed Madoobe waxaa xabsiga laga soo daayey xiligii shirkii loo qabtay xukuumada Nuur Cade iyo qeyb kamid ah Maxkamadaha Islaamka oo uu hogaaminayey Sheekh Shariif.
Axmed madoobe markii la soo daayey kadib wuxuu dib u abaabulay Ciidanka Jabhadda Kaanbooniyiinta, isaga oo gacan ka helay Dawladda Kenya. Axmed Madoobe ayaa Maamul uga dhawaaqay Magaalada Kismaayo, Maamulkaas oo isaga Madaxweyne looga dhigay, Maamulkaa oo la sheegay inay hoos tagayaan Gobolada Jubada hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo. Xiliga Maamulkaa lagu dhawaaqayey dawladda Soomaaliya wey diidaneyd shirkaa lagu qabtay Kismaayo, Kooxda Kaanbooniyiinta oo maamulka dhistay ayaa markaa gacanta ku wada heynin gobolka Jubada Hoose, Gobolka Jubadda Dhexe gebi ahaan waxaa heystay Kooxda Shabaab oo ilaa haatan ka talisa, Gobolka Gedo degmooyin waxaa xiligaa heystay Dawlada Soomaaliya halka degmooyin kamid ah gedo uu ilaa haatan heysato kooxda Shabaab.
Xiliga Maamulka lagu sheegay Jubaland lagu dhawaaqayey Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa lagu ansixinayey Sharciga Maamul u sameynta Gobolada iyo Maamulada federaalka Soomaaliya, Sharcigaa oo qeexayey qaabka loo dhisayo Maamulada Soomaaliya oo aheyd in meelaha laga xoreeyo Shabaabka in dawladda Soomaaliya u magacaawdo Maamul KMG ah oo shaqeeya 6 bilood, Maamulkaa oo shacabka gacan ku siiya in Maamulo heer degmo samaystaan, Degmooyinkana samaystaan Maamulka Gobolka, Markaa kadibna Goboladii Midoobaya oo Noqonaya Maamul kamid ah Federaalka Soomaaliya, Midoobaan iyaga oo xor ah oo leh Maamulo shacabka deegaanku soo dhisteen.
Maamulka haatan Dawladu kusoo aqoonsatay Itoobiya oo Heshiiska kula soo gashay in Maamulkaan ahado KMG oo Jira 2 sano, waxaa soo Saxiixay aqoonsigiisa Wasiirka Dastuurka Faarax Cabdulqaadir , Wasiirkaa oo la sheegay inuu sharcigii Baarlamaanku ansixiyey Baal Maray isaga oo aqoonsiga Maamulkaa ku bedeshay in Madaxweyne Ku Xigeen Maamulkaa looga dhigo Nin Wasiirka ku qabiil ah oo lagu Magacaabo Faarax Cabdulqaadir. Maamulkaa Dawladdu aqoonsatay oo ku dhismay qaab baal marsan sharcigii Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey ayaan Baarlamaanka Soomaaliya ka hadlin inuu sharci aheyn, Heshiiskaa lama horkeenin Baarlamaanka, sidoo kale Xibnaha Baarlamaanka oo inta badan diidan Maamulkaa kama keenin Mooshin sheegaysa inuusan Sharci ahayn Maamulkaa! Sababta lama yaqaano?
Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale)
Col Barre Hiiraale waxaa la sheegaa inuu ku dhashay Gobollada dhexe ee Soomaaliya, Col Barre wuxuu kamid ahaa saraakiishii ciidanka Milateriga Soomaaliya oo dhinaca milateriga aadka u dhisnaa. Col Barre Hiiraale wuxuu kamid yahay saraakiisha aan dalka ka bixin sidii Dawladii Soomaaliya ee uu hogaamin Jiray AUN Mohamed Siyad Barre ay rideen hogaamiyayaashii Jabhadaha Dalka.
Col Barre Hiiraale waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa Gudoomiyihii Isbahaysigii Dooxada Juba, isbahaysigaa oo Jubooyinka Maamulayey mudo lagu sheegay ilaa 7 sano, Gobolada Jubooyinka waxaa Isbahaysigii Dooxada Juba dagaalo adag kula galay Ciidamo uu hogaaminayay Gen Morgan, Dagaaladaas oo looga awood roonaaday Gen Morgan iyo Jabhadii SPM-ta ee uu Hogaamin jiray.
Col Barre Waxaa Jubada Hoose iyo Magaalada Kismaayo ka saaray Maliishiyaadkii Maxkamadaha Islaamiga, Maliishiyaadkaa islaamiga waxaa qeyb weyn ka ahaa Jabhadda Kaanbooniyiinta ee Axmed Madoobe iyo Xasan Turki hogaaminayeen. Col Barre Hiiraale ayaa dagaal culus oo maalmo ka socday Kismaayo loogu awood sheegtay loogana saaray gobolada Jubooyinka.
Col Barre Hiiraale oo ah Hogaamiye Milateri qibrad Badan u leh xaga Jabhadaynta ayaa dib ugu soo noqday Kismaayo kadib Markii Maliishiyaadka Shabaabka laga saaray Magaalada Kismaayo oo Maamulka Kismaayo la wareegeen ciidamada Kenya iyo Ciidamada Jabhada Kaanbooniyiinya uu hogaamiyo Axmed Madoobe. Col Barre oo ay la socdaan ciidamo isaga taageersan ayaa Kismaayo dib ugu soo laabtay xili Kismaayo Axmed Madoobe uu ka qaban qaabinayay shir uu ku doonayay in Maamul ugu sameeyo 3 gobol, inkastoo 3da gobol aysan gacanta ku jirin.
Col Barre Hiiraale oo markii Axmed Madoobe isku caleema saaray madaxweynaha Jubaland ayaa isna shir qabtay oo ku dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha Jubaland, Magacaabisyadaa aan sharciga Baarlamaanka wada waafaqsanayn kadib waxaa dagaalo culus dhex mareen Maliishiyaadka Axmed Madoobe iyo Maliishiyaadka Col Barre Hiiraale, Dagaalo kulul oo Maalmo ku dhex maray ciidamada labada hogaamiye ayaa la sheegayaa in Ciidamada Kenya oo gacansaar dhow la leh Kooxda Kaanbooniyiinta inay farageliyeen oo dagaalka ka qeyb qaateen iyaga oo duqeyn culus u geystay goobihii ay ku sugnaayeen Ciidamada taageersanaa Col Barre Hiiraale. Duqeyn Culus kadib oo loo geystay Ciidamada Col Barre iyo taageerayaashiisa ayaa kooxda Col barre Hiiraale laga saaray Magaalada Kismaayo. Col Barre iyo Ciidamo xoog leh uu hogaaminayo ayaa hadda ku sugan meel aan ka dheereyn Kismaayo oo lagu magacaabo Goobweyn. Col Barre Hiiraale ayaa helay taageero weyn kadib Markii Kismaayo oo haatan gacanta ku hayaan Kaanbooniyiinta ka bilaabatay xasuuq lagu haayo Beelaha Mareexaan iyo Beelaha kale ee reer Kismaayo, xasuuqaas oo aan la ogeyn cida fulinaysa inay tahay Shabaab iyo inay tahay Kaanbooniyiinta, Xasuuqa Kismaayo ka socda ayaan cidna ka nabad gelin sida Kooxda Kaanbooniyiinta oo masuuliyiin badan looga dilay Kismaayo.
Labada nin Maxay ku kala duwan yihiin.
Axmed Madoobe ayaa ah hogaamiye isbedbedel badan, mar wuxuu kamid ahaa Kooxdii Maxkamadaha, Mar wuxuu gudoomiye ku xigeen ka noqday Shabaab, Haatan wuxuu madax u yahay Kooxda Kaanbooniyiinta iyo Maamulka KMG ah ee Juba ee Kismaayo ka taliya, Axmed Madoobe waa nin xukun jecel, aan wadani ahayn, qabiili ah, Dawladda Soomaaliya iyo Dawladaha deriska aaminsan Dawladaha deriska. Axmed Madoobe wuxuu taageero weyn ka helay Wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey oo ay qaraabo yihiin.
Col Barre Hiiraale Waa sarkaal Ciidan, mayal adag, wadani ah, Dawladaha deriska jecleyn, Hogaamiye Jabhadaynta ku dheereeya, Colanel Soomaalinimadu ku weyn tahay, balse kasoo jeeda dal dadkiisu wadaniyadu ku yar tahay. Col Barre Hiiraale waxaa qaraabo dhow la ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh (Xiirane). Raisul wasaaraha wuxuu Kismaayo u tagay in Ciidamada la jooga Col Barre hubka laga dhigo laguna wareejiyo Axmed madoobe, Col Barre Hiiraale-na loo soo qaado oo la keeno Magaalada Muqdisho . Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Kismaayo u tagay inuu dhabarka ka jabiyo Col Barre Hiiraale iyo Beesha Sade oo uu kasoo jeedo si uu u qanciyo rabitaanka Dalalka dariska ah, si dalalka deriska ah ugu hiiliyaan Marka Cabdi Weli iyo Madaxweyne Xasan Sheikh is qabtaan, arintaas oo haatan soo if baxaysa. Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa xildhibaano taageersan oo ku kacsanaa madaxweynaha Soomaaliya u sheegay inaysan ku mashquulin Mooshin ka keenis Xasan Sheikh, isaga oo u sheegay in labo ay mid noqon doonto, In Madaxweyne Xasan Sheikh keeno is casilaadiisa bilaha soo socda ama inuu Xasan Sheikh noqdo nin Madaxtooyada iska jooga oo magac uyaal ah oo Marwooyinkiisa dhaqda oo aan saameyn badan ku lahaanin siyaasadda Soomaaliya!
Use Facebook to Comment on this Post
Daawo Video: Bilicda dalka JABUUTI
Wadanka Jabuuti oo si weyn uu soo jeetay Shaashadaha Tv-yada kadib markii Bilic iyo Dhismooyin qurux badan oo sanadihii ugu dambeeyay halkaasi laga waday oo haatan magaalad adhan wada ifiyay.
Muuqaalkani waxaad ka arkeysaa Bilic aadan rumeysaneynin in ay tahay Wadanka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti oo si weyn loo nashqadeeyay bilicda magaalooyinkiisa ee nala daawo:
HALKAAN KA DAAWO:
Sawirro & Warbixin: Ciidamada Uganda ee SOOMAALIYA oo cayil la baqi raba
Hadaba iyadoo ay sidaas tahay, ayaa wargeyska New Vision ee kasoo baxa dalka Uganda, wuxuu daabacay warbixin dheer oo ka hadlaysa nolosha ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).Warbixinta waxaa cinwaan looga dhigay: Cuntooyin wanaagsan, telefoonno quruxsan iyo dhar nadiif ah….nolosha cusub ee ciidamada Uganda.Weriye ka tirsan isla wargeyska New Vision oo isagu booqasho muddo labo maalmood ah qaadatay magaalada Muqdisho ku yimid, lana yaabay barwaaqada ay askarta Uganda Soomaaliya ku haystaan, ayaa warbixintan oo ah mid aad u xiiso badan qoray:-Image may be NSFW.
Clik here to view.

Kaddib labo maalmood oo aan Soomaaliya soo joogey, kama welwelsani khatarta nolosha askarteena kasoo wajihi karta dhanka Al-shabaab, waxanse aad uga walaacsanahay in ciidamadeena Soomaaliya joogaa ay dalka dib ugu soo laabtaan iyagoo aad u cayillan oo ay baruurtu ka badatay.Ciidamadeenu cunto fiican ayey halkan ku haystaan, marka loo eego saaxibadooda dalka Uganda gudihiisa ku sugan. Quraacdoodu waxay ka kooban tahay rooti, ukun, sharaab, malab iyo subag. Waxaa sidoo kale intaas u dheer noocyo kala duwan oo shaah iyo kafee ah.
Clik here to view.

Qadada iyo cashada waxay cunaan Posho ama Ugali [oo kamid ah cuntooyinka ay Yugaandhiisku ugu jecel yihiin], bariis ay aad tayadiisu u sareyso, hilibka doorada iyo hilib lo’aad. Xiliyada qaarna waxaa u dheer kalluun, faasuuliyad iyo weliba khudaar.
Mar taliyaha guud ee ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howgalka AMISOM ee Soomaaliya jooga, Kol. Brig. Dick Olum uu kulan la qaatay ciidamada, ayaa askari kamid ahi wuxuu weydiiyey su’aal ahayd: “sidee ku dhici kartaa in todobaadkan oo dhan aan cuno shan xabbo oo tufaax ah oo keliya?!”.
Maalin kale, mid kamid ah cunto-kariyeyaasha ka shaqeeya kushiinka ciidamada, ayaa u sheegay weriyeyaal Yugaandhiis ahaa oo xarunta soo booqday, in ay cunaan intii ay awoodaan oo burcad ah, wuxuuna yiri: ” cuna askartu bahashan aad bay uga dhergeen oo hadda cidi uma baahnee”
Clik here to view.

Af-hayeenka ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga Kol. Paddy Ankunda, ayaa isna sheegay in askarta khasab looga dhigay inay si joogto ah miisaanka jirkooda ula socdaan.
“Dadka jooga furimaha dagaalka baruur badani fuuli mayso, marka loo eego shaqada ay hayaan. Kuwa jooga xarumaha kale iyo bar-kantaroollada waxan ku dhiiri gelineynaa inay dadaal badan ku bixiyaan sidii ay miisaankooda ula socon lahaayeen” Paddy Ankunda ayaa sidaas yiri
Hoolka cuntada waxaa ku xiran shaashad weyn oo ay askartu wararka caalamka ka daawadaan xilliga ay cunteynayaan. Waxaa sidoo kale jira qaboojiye weyn oo ay ka buuxaan furud, cabitaano kala duwan iyo weliba biyo sifeysan.
Gabar Dhallinyaro ah oo Shaqo Adag Haysa:
Clik here to view.

Maalintii ugu horreysey ee aan Muqdisho tegey, waan yaabay markii aan arkay gabar dhallinyaro ah, aad u dhiirran kuna lebisan direyska ciidamada. Waxan u haystay in xog-hayn ama wax lamid ah ay u tahay ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga.
Qaab ahaan waxay u ekayd haweenka kale ee magaalada ka shaqeeya, laakiin taasi waxay ahayd kahor intii aanan arkin salaan-sharaf ay dadka iyada ka derejada hooseeyaa siinayeen.
Mar dambe ayaan ogaaday in magaceedu uu yahay Maj. Renee Mwesigwa, ayna qayb ka ahayd haween dhowr ah oo Madaxweyne Yoweri Museveni uu hawl-karnimadooda dartood billado ku guddoonsiiyey munaasabaddii maalinta haweenka ee sannadkan.
Waa hooyo la qabo, waxaana jira haween badan oo sideeda oo kale la geeyey jiidda hore. Aad bay u dhallinyar yihiin, way quruxsan yihiin sidoo kale aad bay kuusoo jiidanayaan marka wataan qalabka ciidamada.
Xirfadaha Dhammaan:
Clik here to view.

Ciidanka waxaa laga helayaa ugu yaraan xirfad kasta qof khabiir ku ah. Waxaa ku jira sharci-yaqaanno, xisaabiyeyaal, kaal-kaalisooyin, dad yaqaanna IT-ga iyo kuwa kale oo badan.
Waxay leeyihiin kushiino ay cuntada ku karsadaan, iyo weliba dhakhaatiir gaar ah. Dhakhaatiirtaas waxaan ka xusi karaa Captain Betty Akello Otekat, oo iyadu ah madaxa kaal-kaalisooyinka AMISOM, waxay ii sheegtay inay ka diiwaangashan tahay wasaaradda caafimaadka ee dalka Uganda.
Iyada ayaa go’aansatay inay ciidamada ku biirto marna dib ma aysan jalleecin. Waxay ii sheegtay in meel khatar ah sida [Soomaaliya oo kale] oo laga shaqeeyaa ay faa’iido badan leedahay. ” tabar kaddib, waxan hadda awoodaa inaan si wanaagsan u maareeyo nolosha qoyskayga, waxabarashadeyda iyo weliba shaqadeyda…”
“Waxan horay u qaatay shahaadada koowaad ee jaamacadda oo ahayd kaal-kaalisonimo, hadana waxan diyaarinayaa shahaadada labaad ee masterka. Dadka qaar bay la tahay in ciidamada oo lagu biiraa ay la micne tahay noloshaada oo soo idlaatay, anigase bilow ayey ii tahay…” Akello ayaa sidaas tiri iyadoo intaas raacisay in mushaharaadku ay wanaagsan yihiin marka lagu shaqeynayo goob halis ah sida magaalada Muqdisho. Waxay sidoo kale shaacisay in kaal-kaaliyeyaashu halkan ay celcelis ahaan bishii ka qaataan lacag ka badan $800.
Askari kale ayaa isna si hoose iigu sheegay in markiisii hore uu qareen ahaa. ” laga soo bilaabo markii aan ciidamada ku biiray, noloshaydu ma ahan sideedii hore…waxan sugi karaa ammaanka islamar ahaantaana waxan talooyin dhanka sharciga la xiriira siin karaa dadkeyga ama saaxiibadeyda aanu ciidanka ka wada tirsan nahay” sidaas ayuu yiri.
Moobaylo Qurxoon oo Shashadda Laga Isticmaalo:
Haddiiba uu jiro askari ka tirsan ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga oo aan telefoonka gacanta haysan ama shaashadda TV-ga ee ballaaran aan reerkiisa Uganda jooga u iibin, waxan si fudud u oran karnaa sabab kale uma diidine isaga ayaan dooneyn inuu gato. Askarta mushaharkooda waxaa qayb kamid ah loo siiyaa hor-maris, qabta hartayna waxay ku kaydsadaan akoonnada ay bankiyada ku leeyihiin.
Lebiska:
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Waxaa jirtey xilli askariga Yugaandhiiska ahi uu xiran jirey tuute duug ah, taas hadda waa laga soo gudbay. Sida uu ii sheegay Kol. Akunda, sanad kasta wuxuu askari walba helaa labo joog oo direyska ciidamada ah.
Kabihii kooyada ahaa ee caagga ahaa ee qoraxdu cagaha dadka ka gubi jirtey hadda ma xirtaan, kuwo harag ka sameysan ayaa loo qaybiyaa. Waxay sidoo kale haystaan funaanadaha hoos laga xirto, buraashado iyo qalab kale oo badan.
Deegaanka:
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Jiifku waa raaxo marka la eego nolosha askariga, marka aadan howl ku jirin waa hubaal inaad si fiican u ledi doonto.
Suuliyada waxaa ku yaalla shower ama tuubada biyaha kor ka keenta iyo saxanka qubeyska. Sidoo kale xarunta waxaa ku xiran internet inkastoo uu yahay mid aan xawaare fiican lahayn.
Qolalku waxay ka samesyan yihiin konteenaro bir ah, waase kuwo si fiican loo ranjiyey aadna loo nadiifiyey. Qol walba waxaa yaalla afar furaash iyo sariirahooda iyo hal armaajo oo weyn. Sidoo kale waxaa ku xiran qaboojiye si askartu aysan u dareemin kulaylka saxaraha.
Korontada badankeeda waxaa laga dhaliyaa qoraxda, biyaha badda ee cusbada baddanna waa la safeeyaa kaddib ayaana dib loo isticmaalaa.
Xigasho: New Vision, Uganda.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
xaajidirir@hiiraan.com
Puntland, Soomaaliya
DAAWO VIDEO: Horumarka maanta iyo garoonka diyaaradaha Aadan Adde
Garoonka Caalamiga ee Aadan Adde Airport ee Magaalo Madaxdaa Caasimadda ee Muqdisho ayaa si weyn isku badalay kadib markii dib u dhis iyo howlo shaqo oo caalami ah ay ka bilaabatay sanadihii u dambeeyay.
Muuqaalka Garoonka Aadan adde hadii aad aragto isma dhaheysid sidaan ayuu durbaba isku badalay kadib markii ay ka shaqo bilaabeyn Duulimaadyo Caalami ah oo Muqdisho ilaa aduunka dacalkiis meeshii aad doonto ee nala daawo Bilicda iyo Quruxda Garoonka Aadan Adde.
HALKAAN KA DAAWO:
VIDEO: MADAX ka tirsan DFS oo Xilli habeen ah ku damashada Muqdisho
Wasiiro, Taliyayaasha Ciidamada Xooga Dalka iyo booliska iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xili habeen bar ah ku damaashaadaya Magaalada Muqdisho.
Xubnahani ka tirsan Dowlada oo Habeenki xalay ahaa ka qeyb qaadanayay Xaflad loogu magac daray Socdaalka Bandhiga Dadweynaha & Amniga Muqdisho kaasoo Socdaal lug ah lagumarayo Wadooyinka Magaalada Muqdisho ee nala daawo.
HALKAAN KA DAAWO:
Document: Meelaha beenta ee daqliga Muqdisho la qorsheeyey in lagu qaato
Qoondaha Miisaaniyadda ee 2014-ka ee ka imaaneysa Canshuurta Muqdisho ee Wasaaradda Maaliyadda horgeysay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba loo qeybinayaa Wasaaraddo magac u yaal ah, iska daa in wasaaradahani shacabka Muqdisho wax u qabtaane, wasaarad kastaahi waxay shacabka Muqdisho u samaysaa Caqabad cusub, wax loogu yeero isdiiwaan gelin oo wasaarad kastaahi lacag ku qaadaneyso. Wasiir kasta ee wasaarad loo magacaabo wuxuu wasaaradda keenaa shaqaale beeshiisa ah, shaqaalaha wasaaradaha aqoon laguma keeno, Imtixaan kuma yimaadaan.
Qoondada Miisaaniyadda Dawladda Federaalka ee 2014.
1- Lacagta waxaa loo qoondeeyey wasaarado magac u yaal ah, wasaarad kasta waxaa lacag ku qaadanaya boqolaal shaqaale ah,
2- Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya qoondadeeda waxay ku tala gashay in lacaguhu baxaan balse aan shacabka waxba loogu qaban.
3- Miisaaniyadda gebi ahaanteed waxaa ay ku baxaysaa Wasaarado, Hay’addo magac u yaal ah oo aan shaqeynin sida Hay’adda Saadaasha hawada, Hay’adda xuquuqul insaanka, Hay’adda Fanka, Hay’adda, Guddiga xadeynta xuduudaha Federaalka, Guddiga Dib u heshiisiinta qaranka,
4- Miisaaniyada Madaxtooyada, Xafiiska Raisul wasaaraha, Dhamaan wasaaradaha waa mushaar shaqaale, iyo qarashyo kale oo aan nolosha shacabka Sooaaliyeed waxba u saaidineynin.
5- Lacagaha wasaaradaha la siinayo kuma jirto Mushaar shaqaalaha Isbitaalada, Mushaar shaqaalaha Nadaafada, Mushaar shaqaaalaha iskuulaadka Muqdisho, Isbitaal laguma dhisayo, Iskuul laguma dhisayo, Jid laguma dhisayo,
6- Miisaaniyadaan oo ka imaanaysa Muqdisho, kuna dhow lacag 200 milyan Doolar magaalada Muqdisho oo lagu kabay Bank-ga dhexe waxaa looga qoondeeyay 15.3 Milyan Doolar oo lagu Sheegay “Deeq Gobolka Banaadir”
7- Miisaaniyadda Guud ahaan wasaaradaha iyo Hay’addaha magac u yaalka ah lacagta waxaa ay ku baxaysaa Mushaar shaqaale iyo isticmaalka Agabka & Adeega oo loola jeedo shidaal, transport,koronto, qalab nadaafadeed iwm.
8- Amniga Muqdisho waxaa loo sugi la’ yahay Degmooyinka Gobolka Banaadir oo aan heysan dhaqaalo ku filan oo ay ku socodsiiyaan ka shaqeynta amniga iyo horumarinta deegaanka.
9- Miisaaniyadda waxaa ku jira Budget line loogu magac daray, CODE 501: KUWA KALE waxaana ku qoran 34,040,376$ (Sodan iyo Afar Milyan Afartan kun Sadex Boqol Todobaatan iyo Lix Doolar)
10- Taliska Ciidanka Xooga Dalka waxaa ku qoran sanadkaan Kaliya lacag ku dhow 50 Milyan Doolar, lacagtaan Mushaar kuma baxdo, inta Badan Raashin bey ku qoran tahay, jeebab dad gaar ah ayay ku dhacdaa.
11- Miisaaniyad loo habeeyay inaan dadka waxba loogu qaban, Miisaaniyad Muujinaysa in Magaca Dawladda lagu dhacaayo canshuurta Shacabka, Miisaaniyad aan waxba kusoo kordhinayn nolosha shacabka, Miisaaniyad muujinaysa in madaxda dawladda maskaxdii ka tagtay, Miisaaniyad wasaaradaha ku qoran loo siiyey awood inay sidii ay rabaan ka yeelaan.
12- Baarlamaanka ka kooban 275, qofkii wuxuu Mushahar u qaadanayaa 3000$, Baarlamaankaani go’aankoodu wuxuu saameeyaa oo horumarka ka joojiyaa Muqdisho Kaliya.
XEERKA QOONDAHA MIISAANIYADDA 2014-KA |
||||
KUTALAGALKA MIISAANIYADDA 2014-KA US$ |
||||
Madax |
FAAH-FAAHIN |
2013 Misaniyadda |
2013 Dhabta |
2014 Kutalagalka |
101 |
Xafiiska Madaxtooyada |
3,683,724 |
3,588,740 |
4,417,088 |
10201 |
Xafiiska Baarlamaanka |
2,118,404 |
2,006,656 |
3,435,516 |
10202 |
Xubnaha Baarlamaanka (Mushaar, Agab & Adeeg) |
13,035,972 |
12,833,053 |
10,968,000 |
103 |
Xafiiska Ra’isul Wasaaraha |
3,180,000 |
3,131,681 |
4,230,420 |
10401 |
Wasaaradda Arrimaha Dibedda |
1,134,940 |
1,109,876 |
1,735,196 |
10402 |
Safaaradaha |
4,340,680 |
1,244,145 |
6,624,000 |
10501 |
Wasaaradda Maaliyadda |
4,571,778 |
4,456,525 |
4,711,027 |
10502 |
Mashruuca SFF |
- |
- |
10,980,062 |
10503 |
Mashruuca PFM |
- |
- |
1,887,000 |
10504 |
Deeqda Gobolka Banaadir iyo Bankiga Dhexe |
- |
12,787,538 |
15,300,000 |
106 |
Wasaaradda Qorsheynta iyo Isk. Caalamiga |
- |
- |
772,508 |
10701 |
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka |
14,287,504 |
9,966,561 |
4,481,240 |
10702 |
Guddiga Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha |
- |
- |
529,800 |
10703 |
Hay’adda Maareynta Masiibooyinka |
- |
- |
282,600 |
10704 |
Guddiga Xadeynta Xuduudaha Federaalka |
- |
- |
279,000 |
108 |
Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta |
- |
- |
1,251,532 |
10901 |
Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka |
1,593,448 |
1,451,134 |
1,478,344 |
10902 |
Ciidanka Asluubta |
2,440,000 |
2,406,503 |
4,343,592 |
10903 |
Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka |
458,736 |
403,501 |
461,832 |
10904 |
Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka |
527,652 |
370,503 |
468,708 |
10905 |
Maxkamadda Gobolka Banaadir |
1,176,900 |
1,099,889 |
963,396 |
10906 |
Maxkamadda Racfaanka |
248,604 |
172,104 |
234,204 |
10907 |
Hay’adda Xuquuqil Insaanka |
- |
- |
253,200 |
10908 |
Guddiga Adeega Garsoorka |
198,012 |
141,512 |
206,052 |
10909 |
Maxkamadda Dastuuriga ah |
- |
- |
234,000 |
110 |
Maxkamadda Sare |
442,440 |
389,670 |
395,256 |
111 |
Xeer-ilaaliyaha Guud |
408,888 |
348,388 |
434,664 |
112 |
Garyaqaanka Guud |
284,520 |
201,473 |
386,652 |
113 |
Xisaabiyaha Guud |
733,604 |
704,146 |
685,720 |
114 |
Hanti-dhawrka Guud |
665,228 |
635,889 |
636,684 |
115 |
Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka |
391,524 |
391,524 |
427,920 |
20101 |
Wasaaradda Gaashaandhiga |
2,957,276 |
2,767,787 |
844,892 |
20102 |
Taliska Ciidanka xooga Dalka |
41,255,700 |
28,191,125 |
49,742,868 |
20103 |
Maxkamadda Ciidamadda |
405,200 |
404,700 |
452,400 |
20201 |
Wasaaradda Amniga Qaranka |
- |
- |
2,676,204 |
20202 |
Taliska Ciidanka Booliska |
16,095,600 |
8,286,783 |
13,947,764 |
20203 |
Hay’adda Nabadsugidda Qaranka |
6,330,000 |
5,095,000 |
9,200,976 |
20204 |
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha |
1,076,886 |
790,205 |
1,734,000 |
301 |
Wasaaradda Tamarta & Biyaha |
2,045,520 |
1,821,212 |
742,612 |
302 |
Wasaaradda Macdanta |
- |
- |
679,988 |
303 |
Wasaaradda Beeraha |
- |
- |
820,628 |
304 |
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa |
- |
- |
682,876 |
30501 |
Wasaaradda Kalumeysiga &Khey. Badda |
- |
- |
1,041,524 |
30502 |
Hay’adda Cilmi Baadhista badaha soomaaliya |
- |
- |
260,200 |
306 |
Wasaaradda Warfaafinta |
2,847,612 |
2,821,270 |
3,020,012 |
307 |
Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta |
- |
- |
948,748 |
308 |
Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska |
1,120,776 |
1,029,626 |
742,880 |
30901 |
Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawadda |
- |
- |
844,936 |
30902 |
Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawadda |
- |
- |
697,704 |
31001 |
Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda |
- |
- |
968,164 |
31002 |
Dekadda Xamar |
- |
- |
422,933 |
311 |
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha |
689,584 |
612,586 |
763,100 |
401 |
Wasaaradda Caafimaadka |
9,577,222 |
2,258,136 |
899,332 |
40201 |
Wasaaradda Waxbarashadda |
- |
- |
4,875,284 |
40202 |
Wasaaradda Hidaha & Tacliinta Sare |
- |
- |
1,061,980 |
40203 |
Jaamacadda Umadda |
- |
- |
360,516 |
40204 |
Hay’adda Cilmi, Fanka iyo Suugaanta |
- |
- |
315,000 |
403 |
Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada |
- |
- |
836,872 |
404 |
Wasaaradda Isboortiga & Dhalinyarada |
- |
- |
624,313 |
405 |
Wasaaradda Haweenka & Hor. Xuq.Adanaha |
- |
- |
706,448 |
501 |
KUWA KALE |
3,600,000 |
3,520,635 |
34,040,376 |
WADARTA GUUD |
143,923,934 |
117,440,076 |
218,450,743 |
Amiin Caamir oo sawir gacmeed cusub oo aad loo hadal hayo sameeyey
Muqdisho (Caasimada Online) - Amiin Caamir, ayaa sawir gacmeed cusub ka sameeyey madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo is-casilaaddii afhayeenkiisa Eng. Cabdiraxmaan Yariisow. Sida sawirka ka muuqata waxaa is-casilaadda ay ku lug leedahay jagada oo loo wado agaasimihii hore ee madaxtooyada Somalia, Kamaal Guutaale.
Sawiro + Warbixin: Nolosha qoxootiga Soomaalida ee Libya iyo Lampedusa
Roma (Caasimada Online)-Warbixinno ay qoreyn labo gabdhood oo Soomaali Canadian ah, ayaa looga hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Talyaaniga.
Sidda lagu sheegay warbixinta, waxaa loo yaqaana dhallintaas badda soo mara “Cayaalka Badda” waa hal ku dhig loo adeegsado dhallinyaradda Soomaalida ah ee doomaha ka soo raaca Waqooyiga Afrika.
Tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe, Soomaaliya waxa ay noqotay dalka labaad ee ugu qoxootiga badan caalamka.
Qaar badan oo dadkaas waxa ay galaan safar khatar badan oo mararka qaar nasadooda ayey ku waayaan oo waaba ay dhintaan inta ku jiraan safarkaas.
Dadkaas doomo aan la isku aamini karin ayey ka raacaan Waqooyiga Afrika iyadoo ku gaara koonfurta Yurub si ay u helaan nolal dhaanta tii ay ka tagayn.
Haddaba dadkaas markii ay tagaan Talyaaniga, waxaa laga qaadaa baaritaan oo farta ayaa laga calaameeyaa oo dal kale ama aadi karaan maadama ay qoxooti yihiin.
Sharciga Dublin II ayaa dhigaya qofka dalka uu marka ku soo galo qoxootinimo ayaa ku nagaanayaa oo dalka ma aadi karo, oo dad badan ayaa markaas suga in loo oggolaado waddan kale.
Clik here to view.

Deeqa waxay fadhidaa meel banaanka ka ag gurrigeeda KMG ah ee ku yaalla Hotelka Frosinone ee dalka Talyaaniga.
Xasan waa maid ka mid ah dhallinyaro Soomaali ah oo qoxooti ku ah dalka Talyaaniga, wuxuu ka warbixiyay ayaa ka safarka khatar badan oo uu soo maray ka hor inta aanu immaan Talyaaniga, balse u jeedkiisu uu ahaa siddii uu ku soo gaari lahaa Yurub.
“Muddo sagaal cisho ayaan ku soo jirnay safar khatar badan annagoo ah 104-qof xittaa maanan wadan cunto iyo biyo,” ayey yiri Xasan.
Clik here to view.

Safaaraddii horre ee Soomaaliya ee Talyaaniga oo ay hooy u ahayd in ka badan 120 qoxooti ah
Wuxuu ka mid yahay koox dhallinyaro Soomaali qoxoorti ah kuwaasoo ku sheekeesta banaanka horre makhaayad laga shaaxo, wuxuu bartay qayb ka mid ah luuqada Talyaaniga.
Wuxuu ka mid yahay dhallinyaro aad ugu hami weyn in uu abuurto sidda Soomaali badan oo qoxooti ah.
Wuxuu ka soo cararay dalkiisa oo labaatameeyso sanno dagaallo ka socday, isagoona qoyskiisa doonaya in ay ka baxaan saboolnimmada.
tagay qoyskiisa
“Waxaan ka soo tagay qoyskeyga si shaqo iyo waxoogaa nabad ah u helo,” siddaas Xasan ayaa yiri.
Deeqo waa 23-jir waxay sheegtay in ka mid tahay Soomaali qoxooti ah oo dalkooda ka soo cararay kuwaasoo ku nool dalka Talyaaniga.
Waxa ay sheegtay in ay soo martay dhibaato badan intii ay ku soo jirtay safka badda,
“Waxan halkan ku arkay dhallinyaro badan oo gabdho iyo wiilal kuwaasoo khatar badan soo galay, halkan dhaqaale badan ma yaallaan”
Inta badan cayaalka badda waa kuwa doomo ka soo raacay Libya kaddibna soo gaaray jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, dhammaan waa kuwa is yaqaana waa kuwa isku dhow.
“Waxaa nahay Soomaaliya, oo waan isla hadlnaa, waayo dhammaan waxaan soo wajahnay halgan,” siddaas waxaa tiri Deeqa.
Clik here to view.

Waraysi lala yeeshay Md Xasan Sheekh
Haddaba Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ooo tagay Talyaaniga isagoo safar ku marayay Yurub, ayaa la weydiiyay bal wax yaabaha ay kala socdaan Soomaalida qoxootiga ku ah Talyaaniga.
Wuxuu u sheegay wariyaasha diyaariyay warbixintan in qoxootiga Soomaalida ay heesato dhib weyn haddii ay ku nool yihiin Afrika ama Yurub, Wuxuu sheegay in dowladda Talyaaniga uu kala hadlay siddii loo caawin lahaa Soomaalida.
Wuxuu sheegay in ay wadaan in la diiwaangaliyay hal Milyan oo qoxooti Soomaali ah kuwaasoo ku nool Kenya, Ethiopia, Djibouti, iyo Yemen.”
W/D: Caa’isha Saciid iyo Rowda Saciidoo ah Soomaali Canidiyan
Turjumaada waxaa leh Caasimada Online
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Yurub
Caasimada@live.com
SAWIR wax badan ka muujiyey heerka dadnimo ee Xasan, C/Weli iyo Jawaari
Muqdisho (Caasimada Online) – Jawaabtii madaxda dowladda Soomaalida ay ka bixisay dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Soomaalida ee Nairobi, ma ahayn mid lagu qancay, amaba ma jirin. Hadalkii ugu roonaa wuxuu soo yeeray markii laxiray qunsulkii Soomaalida ee safaaradda Nairobi.
Amiin Caamir, ayaa sawirkan ku cabiray xaalka madaxda Soomaalida
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Quursiga Kenya iyo hab-dhaqanka DF SOMALIA ee doqon-ma-garatada ah
Dabeecadaha Diplomaasiyadda ayaa waxaa ku sidkan qoddob laguma xad-gudbaan ah oo lagu dhowrayo Haybadda iyo Xasaanadda Diplomaasiyiinta.
Xeerarka Caalamka ayaana lagu muujiyey xushmadda Diplomaasiga iyo inaan lagu xad-gudbi Karin, lana baari Karin oogadiisa, shandadihiisa iyo Dhismayaasha Safaaradaha, Qunsulliyadda iyo Ergooyinka.
Xushmadda noocaasi haddii lagu xad-gudbo waxaa ka dhasha Xasaasiyad ka mug weyn xitaa hubka la isla dhaco, waxaana taasi laga dareemi karaa sida ay xaalladuhu u cakirnaadaan, marka uu khilaaf Dipolmaasiyadeed ee soo kala dhex galo Dowladaha Caalamka.
Haddii ay Dowladuhu khilaafkooda Diplomaasiydeed ku xalin waayaan saacaddo iyo maalmo gudaheeda waxaa hubaal ah inuu xiriirkii Diplomaasiyadeed bohol laga tuuray.
Dowladdii Kacaanka ee Madaxweyne Jeneral Maxamed Siyaad Barre, Allaha U naxariistee hoggamain jirey ayaa tusaale loo soo qaadan karaa Dowladihii soo maray Dalkeenna ee ay Xiisadaha Diplomaasiyadeed saamaynta ku yeeshen.
Sannadihii 60-aadka iyo dabayaaqadii 70-aadkii ee Qarnigii hore, Dowladdii Midowgii Soofiyeeti ee burburtay (USSR) ayaa waxay xiriir Diplomaasiyadeed, mid Milliteri iyo mid Dhaqaale la lahaayeen Dowladihii isaga kala dambeeyey Talada Somalia ilaa Dowladdii Kacaanka ee Nidaamka Hanti-wadaagga ku dhaqmi jirtey.
Dagaalkii 77-kii ee ay Ciiddankii XDS la galeen Ciiddamaddii dalka Ethiopia ayaa waxa uu folkaano Diplomaasiyadeed ka dhex dhaliyey Dowladihii Somalia iyo Midowgii Soofiyeeti (USSR), kadib, markii ay Maamulayaashii dalkaasi bilaabeen inay u xagliyaan Hoggaamiyihii Milliteriga ee hayey Taladda dalkii Midowgii Soofiyeet, Kornel Mingiste Haie Mariama oo Ciiddankiisa looga gacan-sarrreeyey Dagaalkii 77-kii.
Golihii Sare ee Kacaanka ee hayey Talada dalkeenna Somalia, waxay kulan khaas ah ka yeesheen arrintaasi, waxayna guddoonsadeen inay Dowladdii Midowgii Soofiyeeti u jaraan xiriirkii Diplomaasiyadeed iyo in waqti kooban loo qabtay Diplomaasiyiintii Midowgii Soofiyeeti si ay uga baxaan Somalia.
Go’aankaasi ayaa lagu tilmaamaa inay ka mid ahaayeen Go’aamadda fara-ku-tiriska ee ay Jeneral Maxamed Siyaad Barre iyo Golihii Kacaanka ku tallaabsadeen.
Haddaba, haddaynu u soo laabano Xiisadda Diplomaasiyadeed ee haatan ka dhex aloosan Dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa waxaa la oran karaa inay abuurtay xasaasiyad xoogan.
Isbuucii hore ayey ahayd markii ay Ciiddanka Boliska Kenya ku tacadiyeen Qunsulka Guud ee Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladda Nairobi.
Dilomaasi Siyaad Maxamuud Shire ayaa la sheegay inay Boliska Kenya ka qabteen Xaafadda Hurlingham ee Nairobi, kadibna waxaa muddo labo saacadood ku hayeen Saldhigga Boliska ee Kilimani.
Danjiraha Somalia u jooga Kenya, Ambassador Mohamed Ali Ameriko ayaa u hawlgalay sidii lagu sii dayn lahaa Qunsulka Guud, wuxuuna ugu dambeyntii ku guuleystay inuu Qunsulka ka soo saaro Xabsigii Saldhigga ee lagu hayey.
Xarigga Qunsulka Guud, Siyaad Maxamuud Shire ayaa waxay abuurtay Xiisad Diplomaasiyadeed, waxayna Dowladda Federalka qeylo-dhaan ka keeneen xad-gudubkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Mohamed iyo Guddoomiyaha Barlamaanka, Prof. Mohamed Sheekh Osman Jawaari, waxay dhamaantooda muujiyeen inay ka xun yihiin Tacadigaasi, waxayna ugu baaqeen Dowladda Kenya inay jawaab rasmi ah ka bixiyaan Xagdudubka loo geystay Qunsulka Guud ee Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladda Nairobi.
Dowladda Kenya waxay ka gaabsatay inay jawaab ama raalli-gelin Diplomaasiyadeed ka bixiyaan xad-gudubkaasi, waxayna dhegaha ka fureysteen hadalkii Dowladda Federalkaa ee ahaa inay jawaab rasmi ah ka bixiyaan xad-gudubka ay Boliskooda u geysteen Diplomaasi ka tirsan Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladad Nairobi.
Xeeldheerayaasha ayaa tilmaamay inaysan Dowladda Kenya wax kulayl iyo qabow ku haynin Tacadigaasi, maadaama ay dhegeha ka fureysteen codsiga loo soo jeediyey.
Dowladda Federalka ayaa laga filayey inay jawaab falcelin ka qaataan ilhaanadda loo geystay Qunsulka Guud, Siyaad Maxamuud Shire, laakiinse waxay u muuqdaan kuwo ka meermeeraya inay Nidaam Diplomaasiyadeed kaga aar-goostaan gefka lagula kacay Qusulka Guud.
Fal-celin kasta oo ku xiriirsan Dagaalka Diplomaasiyadeed waxa uu leeyahay xilli iyo xad go’an, taasi oo loo baahan yahay in laga jawaab celiyo fal kasta oo xad-gudub ku ah Haybadda Dowladnimo.
Diplomaasiyadda Dowladda Federalka ayaa waxaa la dhihi kara inaysan xushmad ku lahayn Dowladaha kale, waayo jawaab la’aanka Kenyaatiga waxay muujinaysaa Quursiga lo ohayo Dowladda Federalka.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inaysan Dowladda Federalka ku firfircoonayn Xeeladaha Diplomaasiyadda, oo halkii laga doonayey inay Dowladda Kenya si toos ah ugala hadlaan qaddiyadaasi ayaa waxaa haatan u muuqata in loo kala ergeynayo.
Fashilka kale ee Dowladda Federalka haysta waxay tahay iyadoo awoodi la’ inay Dowladda Kenya sii daayaan Kumanaanka Muwaadiniinta Soomaalida ee lagu qabtay raafkii Nairobi, kuwaasi oo weli Maxkamad la’aan lagu hayo Saldhigyadda Boliska iyo Garoonka Kazarani.
Qabweynidda ka muuqato hab-dhaqanka Dowladda Kenya ayaa waxay ku go’aansatay in ay Qunsul u soo magacaabaan magaalladda Kismaayo, iyadoo uusan Qunsulkaasi fasax ka haysanin Dowladda Federalka iyo Wasaaradda Arrimaha dibedda oo iyadu mas’uul ka ah Diplomaasiyadda Qaranka.
Markaynu isku soo duubno Karti la’aanta ka muuqata Dowladda Federalka ayaa waxay horseedi kartaa inay Reer Kenya sii wadaan tacadiyadda ay kula kacayaan Muwaadiniinta Soomaalida ee ku dhaqan Kenya, iyadoo aan loo kala soocaynin qaxooti, Siyaasi, Ganacsade ama Diplomaasi.
Daldalaadda Axmed Cabdi Godane (2)
Qeybtii Labaad
Halkan ka aqriso qeybtii 1-aad
Daldalaadda godane !!! Ma u waayey xijaaj ???? (2)
HORUDHAC
Maqaalkaygii hore waxaan ku balan qaaday in aan qeybta labaad ugaga hadlo xiritaanka Shiikh xasan Daahir Aweys !!!.
Marka hore aan Taariikh kooban aan ka iraahdo Shiikha oo markii ugu horeysaan aan bartay Abaarihii 1977, Masaajidka Suuqa Siigaale oo uu kutub ka akhrisan jiray asagoo waliba marmarka qaarkood ku imaan jiray dirayska Ciidanka Asluubta .
Shiikh Xasan waxaa markiisii hore uu caanku noqday Ardaydii ugu horeysay ee ka aflaxay Shiikh Cali Suufi Raximahullaah ee ka bartay sida Quraanka Tajwiid loogu akhriyo, sidoo kale waxaa ka mid ahaa Shiikh Mukhtaar oo arday fara badan kiciye iyo shiikh aan magaciisa ka xasuusto Shiikh Axmed oo isla masjidka Suuqa siigaale Tajwiid ka akhrin jiray.
Waxaa kaloo uu ku biiray xarakaddii AL-itihaad 1983 oo uu ka mid ahaa raggii ugu cadcadaa ilaa ay isku badashay Al-ictisaam, Shiikha wuxuu ka mid ahaa waddaadadii 1986 uu siyaad Barre ku xukumay Dil oo markii danbe laga khafiifiyey ,Maxkamadaas goob joog baan ka ahaa waan dhageystay LIVE labaddii maalmoood ay socotay.
Shiikha oo lagu naaneyso Abuu Jihaad :
Shiikha oo magacaas lagu naaneyso waxaa Jihaad ugu dhawaa kii 1977 Amxaaradda lagula Dagaalamay intii ka danbeysay waa Dagaallo Fitno laga soo bilaabo Dagaalkii Ararsame ee Kismaayo 1991, kii Puntland ee 1992-1993 ,kii Luuq ee 1995 .kaas oo xarakaddii AL-itihaad ku burburtay oo ay ka baxeen Xarakadda haatan loo yaqaano AL-salafiyah Al-jadiidah oo ay madax ka yihiin shiikh Cukaasha ,Mohamed Abdi Daahir iyo DR. Axmed Daahir Aweys (1) oo shiikha walaalkiis ah .
Shiikha wuxuu mar labaad soo caan baxay Waqtigii Maxaakiimtii iyo Warlordkii 2006, wixii ka danbeeyeyna waan ogeyn markii Maxaakiimtii la maran habaabiyey oo ay diideen in Dawladda la heshiiyaan Khartuum2 !!!.
Shiikha waxaa lagu badbaadshay Ururkii Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed oo ay u kaceen Rag Soomaaliyeed oo Qurbo joog ah ( Somali Diasporo) oo aan annigu ka mid ahaa ,Tarzanna uu Madax noo ahaa, kuwaas oo meel kasta ka qeylshay ilaa Codkoodii la maqlay 2008 .
Shiikha wuxuu ka mid noqday Rag Asmara ku haray oo ka falaagoobay Ururkii Isbahaysiga , laakiin Ururka Isbahaysigii intoodii ugu badneyd 134/191 ayaa july 2008 Heshiis ku Qaatay Jabuuti.
Shirkii Culumadda Soomaaliyeed Siiba AL-ictisaam ee ka dhacay Muqdisho Feb,2009.
Sida ku cad Muxaadaradda Shiikh Mohamed cabdi Umal uu jeediyey markuu ka soo laabtay shirkaas oo magaceedda la yiraahdo ( الصومال بين الآلام والآمال ) ayuu shiikhu ku sheegay waanwaantii ay ka dhex qabteen Xisbul Islaam iyo Dawladda Shiikh
Shariif iyo waliba AL-Shabaab .
Shirkaas wuxuu Mustaqbalka Soomaaliyeed u horseedaayey in ay Nabad ku wada noolaadaan haddii la raaco Qoddabadii ka soo baxay oo ay ka mid ahaayeen.
1) In aan lala dagaalamin dawlladda shiikh shariif ee wada hadal wax looga dhameysto.
2)In dawlladdu shareecadda Islaamka ku dhaqanto.
3) In ciidamadda Maleeshiyaatka lagu daro Ciidamadda Soomaaliyeed. IWM.
Shiikh Umal wuxuu caddeeyey in Dawladda Soomaaliyeed ay qaadatay Heshiiskaas oo dhan bilaa sharuud.
Xisbul Islaam oo uu markaas hogaamiyaayey DR. Cumar Idirsi (2) ay yiraahdeen Madaxdeena ayaan la soo tashaneynaa ??? waa Kuma Madaxdaasi ??? Akhristoow iska garro waa shiikh xasan ???!!!.
Shiikh Umal wuxuu sheegay in asaga oo shan Culumo oo kale ay shan maalmood la fadhiyeen Madaxda AL-shabaab se ay kala soo noqdeen wax aan dagaal aheyn ma yeelayno.
Soo Noqoshadii Shiikh Xasan daahir aweys ee Muqdisho:
Bishii May Horaanteedii 2009 ayuu Shiikh Xasan Daahir Aweys ku soo noqday Magaalladda Muqdisho, Halkaasna wuxuu kaga dhawaaqay in uu Dawllada la dagaalamaayo inta wadanka Ciidamo shisheeyo ku jiraan.
Hadalkaas ayaa dhiiro galiyey AL-shabaab Dagaalkuna sidaas buu ku bilaabmay ilaa haatanna wuu socdaa.
Dawladdii Shiikh shariif labo waxyaabood oo muhiim ah ayey keentay :
1) In Dawlladda Ethiopia Dalka kala baxdo Ciidamadeeda , weyna Sameeysay Bishii Feb,2009.
2) In Dawladdii C/llaahi yusuf la badalo oo Doorasho la galo ,taasna waa dhacday jan,2009.
Haddaba Shiikh xasan Daahir Aweys oo mar hore yiri : Haddii Heshiiska Sh Shariif uu wax la taaban karo keeno waan aqbaleynaa , se ballantaas Reerkiisa ayaa u diiday oo yiri : ( Ha Aqoonsanin Sh shariif Dawladdiisa ) Adiga ayuunbaa ( leader ) no ah marka marna ha aqoonsanin ???!!!.
Waligeey isma laheyn Shiikh Xasan Daahir ayaa ka soo Horjeesanaaya Go’aanka Culumaddii Saaxiibadiis ahaa ee AL-ictisaam , se Qabiili ayuu noqday taas darteed ayuu uga soo horjeestay Dawlladda Sh .Shariif.
Maqaalku waa ila dheeraanayaa Qeyb Seddexaad ayaan kaga Hadli doonaa Burburkii Xisbul Islaam oo uu uga horeeyo Shiikh Xasan markii uu u Hiilin waayey Shiikh Axmed Madoobe iyo Raaskambooni Qabiil Dartiis.
Markaas ayaa waxaa ku dhaboobay Maahmaahdii Carbeed ee aheyd :
( الا اني اكلت يوم اكل الثور الابيض ) !!!!
Fii Amaani laah
Shiikh Sahid mohamed yusuf
Gobolka Va, USA .
sahidyusuf@yahoo.com
AL-Mutakhasis fil Xarakaat AL-Islaamiyah.
1) Reer Daahir Aweys waa qoys culumo ah DR.Axmed daahir awes oon reer Arbaca Rukun isku aheyn 1977.
DR. C/raxmaan Daahir Aweys oo xarako kale isku naqaanay .IWM.
2) DR. Cumar Idiris NIn Caqli badan oo asaga kaligiis ayaa ka faa’ideystay Waannadii Culumada taasna waa lagu
xasuusan doonaa !!! Gacmihiisa & Afkiisaba waa l.aga magan galay !!!
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
Ambassador America: “Kenya waa in ay raali gallin ka bixisaa xariggii qunsulka”
Clik here to view.

Safiirka Soomaaliya ee Kenay Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo wareysi siiyay SABI
Muqdisho (Caasimada Online)- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa hadlay tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Caasimada Online ayaa soo turjuntay wareysi uu siiyay Shabakadda Sabahi, dajire Ameeriko oo lagu qoray af Ingiriis.
Ugu horreyn danjire Ameeriko ayaa ka codsaday dowladda Kenya in ay raalli galin ka bixiso xariggii 25-kii bishii horre kula kacday qunsulka Soomaaliya u qaabilsan Kenya, Siyaad Maxammud Shire.
Dajire Ameeriko oo hadda si KMG ah ugu sugan Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay sidda uu dhacay xarigga diplomaasiga Soomaaliga ah iyo tallaabadaas wax yaabaha ay u dhimi karto xiriirka diplomaasi ee u dhexeey labada waddan.
Wuxuu sheegay qunsulka in la xiray isagoo u socday gurrgiisa Jimicihii horre, isagoona kolkaas maryay goob ciidamada Kenya ay ka wadayn howgallo raaf ah.
“Booliska ayaa joojiyay kuna yiri keen dikumintiyada aad wadato, wuxuu soo bixiyay kaarkiisa diplomaasi isagoona isugu sheegay in uu yahay qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya”
Wuxuu sheegay in arrintaas aan dhag jalaq loo siin deetana xabsiga la dhigay oo la xiray isagoona intaas ku daray markii ay tagayn xabsiga in ay la kulmayn sarkaalka booliska una sheegayn ninka la soo xiray in uu yahay dilomaasi Soomaali ah, laakin arrintaas waxbo iskama badalin ayuu yiri.
Clik here to view.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali Nuur oo ka soo dagaya diyaarad soo fadhiisatay garoonka Aadan Cadde isagoona xambaarsan carruur ka mid ah dadka laga soo tarxiilay Kenya 17-kii bishii April
Qunsulka waxaa la geeyay xabsiga Kilimani, markii loo diidday in la sii daayo, intaas kaddib waxaan la xiriiray madaxa booliska iyo wasiirka arrimaha dibedda waxaana u sheegay sidda ay wax u dhaceyn ugu dambeyn waa la sii daayay” ayuu yiri Dajire Ameeriko.
Waxaa la weydiiyay sidda uu u arko qaabka loola dhaqmay qunsulka?
Wuxuu yiri “Aad ayaan uga xumay qaabka loola dhaqmay waana mid dhaawici karta xiriirka diplomaasi ee Kenya iyo annaga waxa ay ahayd tallaabo khaldan oo xad gudub ku ah xeerarka diplomaasiyada caalamka.”
Waxaa kaloo la weydiiayy wax yaabaha ay ka rabaan dowladda Kenya in ay sameyso?
Wuxuu sheegay in ay doonayaan dowladda Kenya in ay raalli galin ka bixiso wixii dhacay oo ay dowladda Soomaaliya siiso isla markaana aysan soo laaban tallaabadaas oo kale
Waxaa kaloo la weydiiyay ilaa hadda wax jawaab Kenya ka soo saartay falkaas?
Wuxuu shegeay in ilaa hadda aysan jirin wax jawaab oo ka timid dowladda Kenya, balse wuxuu yiri si shakhsi ahaan ayaa wasiirka arrimha dibedda Kenya Amiin Maxamed raalli galin iisiisay oo ku saabsan qaladka dhacay.
Clik here to view.

Muwaadiniin Soomaali iyo Ethiopian ah oo lagu soo qab qabtay howgallo ka dhan ah argixiso oo ciidanka booliska ay ka sameeyeen xaafadda Islii
Waxaa la weydiiyay in tallaabadan aaney ahayn tii ugu horretsay oo uu jirro diplomaasi kale oo Soomaali ah oo ku xiran Kenya, waxaa la weydiiyay oo kale in uu ka warbixiyo sidda uu u dhacay xarigga xoghayihii safaaradda Ilyaas Yuusuf Warsame bishii January?
Dajire Ameeriko ayaa xusay in weli uu xiran yahay Mudane Ilyaas isla markaana uu socdo baaritaan intaas wax dhaafsiisanna uusan ka bixin karin.
Waxaa la weydiiyay in falka ciidamada Kenya ay ku dhaqaaqeyn in uu dhaawici karo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya?
Danjire Ameeriko ayaa tilmaamay in lix sanno iyo ber uu ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya, uusan weli arkin dhacdada dhacday oo kale, isagoona intaas ku daray in ay u baahan yihiin raalli galin buuxda.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi
Caasimada@live.com
Video: Horumarka & bilicda Muqdisho waxaa ka dhiman kaalinta dowlada
Horumarka Baaxada weyn ee ka soconaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ku fidaya banaanada Magaalada Muqdisho, Balse waxaa haray kaalinta Dowlada Somalia taas oo ah in aysan Dowlada wax ka qabaneynin goobaha xarumaha dowlada ee dunsan.
Muuqaalo laga naxo oo ah xarumaha dowlada ee u baahan dayactirka oo aysan dowlada rabin in ay wax ka qabato kuwaas oo u badan Wasaarado dowlada ay lee dahay iyo xarumihii ugu waaweynaa ee horumarka dalka ka mid ahaa ee nala daawo muuqaal calool xumo badan oo ku tusinaya goobo ku yaalo muqdisho.
HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:
Maxaa sawirkan kaaga baxay?
Addis Ababa (Caasimada Online)- Akhristayaasha ku xiran Caasimada Online, waxaan u soo xulnay sawirro laga soo qaaday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Sawirkan waa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka cadaallada Faarax Sheekh Cabduqaadir.
Labadooda waxa ay ka mid yihiin xisbiga Dam-jadiid oo talada dalka haya.
Dad badan ayaa aaminsan Faarax in uu yahay mashiinka dhaqaajiyay dowladda oo madaxweynaha ayuu ka awood badan tahay siddaas waxaa leh dad odorsa arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Akhriste maxaa kaga baxay sawirkan?
Clik here to view.

Bidix wasiirka Cadaaladda Faarax Cabduqaadir Midig madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud