Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all 817 articles
Browse latest View live

Daawo Xubno maamulka G/Banaadir ka tirsan oo socdaal habeen bixiyey

$
0
0

Madax ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan degmada Warta Nabadda, ayaa socdaal habeenle ah ku bixiyey qeybo ka mid ah degmadaas, xilli ammaanka degmada ee xilli habeenkii uu yahay mid wanaagsan.

Xubnaha maamulka gobolka oo uu ka mid ahaa kaaliyaha dhinaca amniga Maxamed Cabdulqaadir iyo guddoomiyaha Warta-Nabadda, ayaa dhallinyaradii ay la kulmeen ka codsaday inay ka qeyb galaan nabadeynta iyo amniga magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo madaxda iyo socdaalka Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO

Use Facebook to Comment on this Post


Sawir gacmeedka cusub ee Amiin Arts oo arrin xasaasi ah shaaca ka qaaday

$
0
0

Use Facebook to Comment on this Post

AMIIN oo sawir gacmeed qosol leh ka sameeyey arrinta lala yaaban yahay…

$
0
0

Use Facebook to Comment on this Post

XOG: Sababta sirdoonka Mareykan-ka ay dhageystaan telefoonka Xasan Sh.

$
0
0

Waa suurtogal inay Madaxda Qaranka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka iyo xubnaha kale ku soo baraarugeen Warka maanta ku saabsanaa inay Hay’adda Ammaanka Qaranka Maraykanka (NSA) si aan ganbasho lahayn u dhegeysato, u faaf-reebto Mukaalamaadka ama Wada-sheekeysiga Telefoonadda ee ay Hoggaamiyayaasha Caalamka is-dhaafsadaan.

Qandaraaslihii Hay’adda NSA ee baxsadka ah, Edward Snowden ayaa shaaciyey hawlaha Hay’addaasi ee ay kula socoto Telefoonadda Madaxda Caalamka, kumana koobnayn Dhegeysiga Telefoonadda Hoggaamiyayaasha dalalka ay Maraykanka xulafadda yihiin ama kuwa uu dagaalka siyaasadeed ka dhexeeyo.

Waa naadir in la rumeysto in ay Hay’adda Ammaanka Gudaha Mraaykanka (NSC) u dhega taagaan inay dhegeystaan ama baaraan xogta ku kaydsan Mobaylka uu Madaxweynaha Somalia isticmaalo.

Laakiin Dukumenti uu shaaciyey Khabiirka baxsadka ee Edward Snowden ayaa soo bandhigay Dukumentiyo daaha ka rogayo inay Hay’addaasi dhegaha la raacaan isla markaana faaf-reebid iyo turjumaad kula dhaqaaqeen Kalmadaha uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kula hadlo Madaxda Caalamka iyo xubnaha kale ee Dowladda ama Asxaabtiisa kale.

Shaacinta in Madaxweyne Xasan lala socdo Telefoonadda uu ku hadlo ayaa waxay su’aallo ka dhalin karaan Ujeedada loo dhegeysanayo, Heerka Kalsoonida ay Madaxda Maraykanka ku qabaan Madaxweynaha iyo Dowladda Somalia iyo ujeedada dahsoon ee loo faaf-reebayo, loona baarayo xogaha ku kaydsan Telefoonadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Khubaradda ayaa rumeysan marba hadday Faaf-reeb timaado iyo in la dhegeysto Telefoonadda inay khasab tahay inay Hay’adda Ammaanka Qaranka Maraykanka macluumaad badan ka hayso xogaha ku kaydsan Kombiyuutaradda iyo E-mailladda uu isticmaalo Madaxweyne Xasan oo isagu Khabaar-moog ka ah dabagalka loo adeegsanayo Teknoolajiyadda sare.

Taxanaha Sheekeysiga Madaxweynaha min bilow xilligii uu ololaha ugu jiray Madaxtinimadda ilaa maanta oo Warbixintaasi qarsoon Warbaahinta hadal-hayaan waxay daaha ka rogaysaa inay Maamulayaasha Maraykanka humaag gelinayaan xiriirka wada shaqeynta ay Dowladda Federalka kula macaamilaan.

Waa hubaal in Hay’adda Ammaanka Qaranka Maraykanka (NSC) dabagal iyo faaf-reeb xad-dhaaf ah ku samayso Xogaha ku kaysan Telefoonadda iyo Kombiyuutaradda ay sida joogtadda Madaxda Xukuumadda, Barlamaanka iyo kuwa Hay’adaha ay ku wada xiriiraan.

Dowladda Maraykanka oo ah Dowlad heer sare ka gaartay Teknoolajiyadda dijitalka ayaan jirin xuduud isgaarsineed oo ka horjoogsan inay dhegeystao Isgaarsiinta iyo inay u dusto xogaha ku qarsoon Mobayalladda iyo kombiyuutarradda xitaa haddii lagu xiro nambarro qarsoon ama Password-yo aan la xifdin Karin.

Dowlad kasta waxay leedahay danno Qaran, laakiinse Danaha Maraykanka ma waxay sababtay inay dhegeystaan Madaxweynaha Somalia marka uu Telefoon ku hadlayo

Si kastaba ha ahaatee, waa ayaan xumo haddii ay Mukhaabaraadka Maraykanka ka fursan waayeen inay Telefoonka Madaxweynaha Qaranka u dhegeystaan si la mid ah Hoggaamiyayaasha Alshabaab ee ay Maraykanka baadigoobayo.

Use Facebook to Comment on this Post

VIDEO: Horumarka & dib u dhiska uu ka sameeyay Turkiga MUQDISHO

$
0
0

Dowalda Turkiga waxeey magaalada Caasimadda ee Muqdisho ka hir gelisay horumaro dhinacyo badan leh hadii ay ahaan lahaayeyn dhinaca dhismooyinka Wadooyinka iyo dib u soo celinta Bilicda Magaalada iyo dhanka Dhismaha Cisbitaalo dhanka caafimaadka ah.

Walaalaha Dowlada Turkiga waxeey muqdisho ka sameyeyn ayaa waxaa aad ugu farxay Shacabka Muqdisho ee nala daawo muuqaal qurux badan oo laga diyaariyay wax qabadka Dowlada Turkiga & Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Daawo Gen. Muungaab oo u hanjabay madaxda MAAMUL GOBOLEEDKA……!

$
0
0

Use Facebook to Comment on this Post

Liiska magacyada saraakiisha Shabab ee kasoo jeeda beelaha Hawiye (Aqri)

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Al-Shabaab waxa ay dhibka ugu badan ka waddaa deegaanada Koonfurta Soomaaliya, oo ay ku badan yihiin beelaha Hawiye.
Si kastaba dhibka lagu hayo dadkaasi, waxaa qeyb ka ah dad u dhashay beelaha Hawiye, oo uu ku adeegto dagaal ooge Axmed Cabdi Godane.

Haddaba waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Liiska Saraakiisha Sare ee Al-Shabaab ee kasoo jeeda beelaha Hawiye.

LIISKA SARAAKIISHA ALSHABAAB EE BEELAHA HAWIYE

1-Cali Max’ud Raage (Cali Dheere)Afhayeenka Al-Shabaab Hawiye, Murusade,
2-Cabdullaahi Timo Jilic Madaxa Farsamada iyo Keydka Hubka.Hawiye, Murusade.
3-Xuseen Cali Fiidow (Xuseen Dayniile)Madaxa Al-Shabaab xiriirada Gobalada Hawiye, Murusade.
4-C/llaahi Xaaji( Daa’uud)Madaxa Amniyadka Al-Shabaab (dilalka Qorshaysan).Hawiye, Murusade.
5-Khalif M. Warsame (Khaliif Cadale)Madaxa NGO-yada Al-Shabaab.Hawiye, Habargidir, Ceyr
6-Xasan Dheere Madaxa guud ee Qaniimada Al-Shabaab (hantida lasoo dhaco)Hawiye, Habargidir, Ceyr.
7-Xasan Afrax Madaxa xiriirka Qaniimada Badaha Al-Shabaab.Hawiye, Habargidir, Saleebaan.
8-Bashiir Qoorgaab Madaxa Kooxda Madaafiicda Al-Shabaab -Hawiye, Habargidir, Saleebaan.
9-Axmed Feefle Madaxa Qaybaha Maaliyadda Al-Shabaab ,Hawiye, Habargidir, Ceyr.
10-Mahad Karatay (Sheekh Burhaan)Madaxa Tababarka Ciidamada Al-Shabaab – Hawiye, Habargidir, Ceyr.
11-Cali Muuse Qasnad hayaha guud ee Al-Shabab ,Hawiye, Habargidir, Ceyr.
12-Farxaan Maxamed Kaahiye -Madaxa guud ee Gaashaandhigga.Hawiye, Habargidir, Saleebaan.
13-Cumar Maxamud Jimcaale(Matan)Taliyaha Ilaalada Axmad Godane – Hawiye, Duduble.
14-Daahir Gacamey (Cabdi Al Xaq)Qaaliga guud ee Al-Shabaab.Hawiye, Duduble.
15- Nuradiin Yusuf Diini {Noor Yusuf } Madaxa xiriirka Geeska Afrika Al-Shabaab – Hawiye-Duduble – Somali Kenyan .
16- Omar Salaad Farah {Sheekh Omar} Madaxa Xanaaneeynta Agoonta Al-Shabaab,Hawiye Duduble-Somali British.
17-Faarax Cali Xuseen (Faarax Kalar) Madaxa Wacyigelinta iyo toosinta Shabeelada dhexe.Hawiye, Abgaal
18-Cali Maxamed Xuseen Madaxa gobalka Banaadir Hawiye, Abgaal, Reer Mataan.
19-Yuusuf Kaba Kudukade Madaxa Al-Shabaab Galgaduud.Hawiye, Abgaal,Waceeysle
20-Axmed Cosoble Madaxa Guud ee Xisbada (boliska)Hawiye, Xawaadle
21-Cabdi Raxiim Cali Muudey Madaxa canshuraha dibadda u dhoofa Hawiye, Gaaljecel

Todobaadka Dambe insha allah waxaan idiin soo gudbin doonaa Saraakiisha Al-Shabaab ee beesha Isaaq u dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Xildhibaano dagaal ku haya Muqdisho oo diyaariyey shirqool ujeedku yahay..

$
0
0

Magaalada Muqdisho ayaa noqotay Magaalada ugu ayaanka daran caalamka, arrintaas oo ay sabab u tahay magaalada oo noqotay caasimad mudo dheer dagaalo sokeeye ka jireen.

Dagaalada sokeeye kadib oo dawlad Soomaaliyeed dhalatayna fadhi u noqotay Dawlad Soomaaliyeed oo Magac u yaal ah oo aan Soomaaliya xukumin, balse culeys uun ku saa’idisay caasimada Muqdisho.

Muqdisho waa Caasimaddii Dalka, waa Fadhiga Dawlada Federaalka Soomaaliya, Waxaa Fadhiista Baarlamaanka ka Kooban 275-ka Xildhibaan, Golaha Wasiirada iyo Dhamaan Laamaha Dawladda Federaalka Soomaaliya. Baarlamaanka Soomaaliya oo fadhigiisu yahay Xamar kama hadlaan xusuuqda dadka Xamar, kama hadlaan horumarinta Muqdisho.

Inkastoo Dalka Soomaaliya uu leeyahay 4 Dekadood, Garoomo kala Duwan oo Caalami ah, Dawladda Soomaaliya waxaa ay maamushaa oo Kaliya Magaalada Muqdisho, Miisaaniyada Dawladda ee haatan Baarlamaanka hortaal oo ah lacag ka badan 280 Milyan oo Doolar waxaa ay ka imaanaysaa Canshuurta Dekeda iyo Garoonka, Haatan waxaa la bilaabayaa oo golaha wasiirada ansixiyeen, miisaaniyada Dawladdana qeyb ka ah Canshuurta Beriga, Dhamaan Miisaaniyada Dawladda waxaa ay ka imaanaysaa Magaalada Muqdisho, Mushaarka Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Laamaha kala duwan Dawladda waxaa laga bixinayaa Canshuurta beriga, Dekedda iyo Garoonka Muqdisho.

Xildhibaanada Soomaaliya oo ah 275 iyo xukuumada oo ka soo jeeda 5-ta beelood oo Soomaalidu wax ku qeybsato waxaa ay ka kala yimaadeen 18-ka Gobol ee Soomaaliya. Xildhibaanadaan weligood kama hadlin maadaama ay metelaan dhamaan Soomaaliya in Dhaqaalaha Dekedaha Kismaayo, Boosaaso iyo Berbera lagu soo daro Miisaaniyada Dawladda, arintaas Caalamku gacan ka siiyo, maadaama aysan suuragal ahayn in Muqdisho Kaliya Soomaalidu shirko ku noqoto.

Muqdisho, waxaa ay u baahan tahay in horumarkeeda laga fikiro oo jidadka iyo iskuulaad loo sameeyo, in ciidan ammaan loo sameeyo, caasimadu waxaa ay u baahan tahay inta ay u baahan yihiin magaalooyinka kale ee dalka oo Dekedaha iyo Garoomada ku yaaliin sida Berbera, Hargaysa, Boosaaso, Garoowe iyo Kismaayo.

Ayaan darada Muqdisho ku dhacday waxaa ka mid ah inay fadhi u noqotay 275 Xildhibaan oo inta badan aan danaheeda iyo horumarkeeda ka fikireyn, waa Caasimada dalka oo Dhaqaalaha ka soo xarooda ay mushaar u qaataan xildhibaanadu, Golaha wasiirada iyo laamaha Dawladda dhamaan waxaa lagu maal geliyaa dhaqaalaha Dekeda, garoonka iyo ganacsatada Muqdisho laga qaado, sidaas oo ay tahay weligeed lama maqlin xildhibaanada oo ka hadlaaya in jidadka xamar burbursan la sameeyo, magaalada koronto lageliyo.

Maalmahaan Fadhiga Baarlamaanka waxaa ka billawday Dood ku saabsan Miisaaniyada Dawladda oo Xildhibaanada qaar lee yihiin waa in Lacagta miisaaniyada la gaarsiiyaa dhamaan gobolada Dalka, Xildhibaanadaan isma weydiinin Miisaaniyadaan iyaga laga biilo oo halka Magaalo laga qaado Soomaaliya oo dhan miyaa la gaarsiinayaa gobolada Dalka?

Xildhibaanada 275-ta ka kooban oo noqday caqabad in Soomaaliya Dawladnimadeedu shaqeyso ayaa doonaya in dhaqaalaha Dekeda, Garoonka iyo ganacsatada Muqdisho laga qaado in loo qeybiyo 18-ka gobol Soomaaliya, Xildhibaanadaan caqabada ku noqday Muqdisho iyo Soomaaliya inay dawlad shaqeynaysa yeelato ayaa qaarkood kasoo jeeda Maamulada Puntland, Maamulka KMG ah ee Juba, Xildhibaanadaan waxaa Mushaar labaad ka qaataan Maamulada ay difaacayaan in dhaqaalaha Dekedaha iyo Garoonada ay Maamulaan aan Dawlada Federaalku lug ku yeelan, Xildhibaanadaani waxaa ay xaqiijiyeen sanadihii lasoo dhaafay in Magaalada Muqdisho culeys la saaro, dhaqaalaha Muqdishana Dawladda Federaalku Maamusho.

Ma cadaalad baa in Dawladda Soomaaliya Wasaaradeeda maaliyada Baarlamaanka horkeento Miisaaniyad laga qaadayo Hal Magaalo iyo Hal shacab, balse Dawladda Federaalka oo Soomaalidu ku dhan tahayna ay maamulayso, Wasiirka Maaliyda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii geed dheer iyo mid gaabanba u koray In Maamulka KMG ah ee Jubba la sameeyo, Dawladda Soomaaliyana aqoonsato, Wasiirka oo qaraabo dhow la ah hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Juba Ahmed Madoobe, Miisaaniyada Dawladda kuma soo darin dhaqaalaha kasoo xaroonaya Dekeda Kismaayo!

Ayaandarada ku dhacday Muqdisho waxaa weeye inay fadhi u noqotay dawlad Federaal KMG ah oo uun magac ahaan u jirta laakiin aan si dhab ah u shaqeynin, Dawladaas oo Baarlamaankeeda iyo Wasiiradeedu wadaniyadu ku yar tahay, xubnahaan oo magaalada usoo shaqo tagay, Magaalada culeys ku ah, Magaalada Muqdisho dhaqaalaheeda inay qaataan u yimid,

Baarlamaanka iyo Xukuumada Soomaaliya ebid kama hadlin maadaama Dalku federal yahay sida dhaqaalaha Dalka loo qeybsanayo, Federaalka Soomaaliya laga hergelinayo nooca uu yahay, Waxyaabaha Dawladda Federaalku maamuleyso iyo waxyaabaha Maamulada Goboladu Maamulayaan! Sida haatan Federaalka la sheegay u shaqeynayo ma tahay sidii lagu gaari lahaa Dawlad Soomaaliyeed oo shaqeysa!

Soomaaliya Ma federal Baa ka jira mise Muqdisho uun ayaa Federaal lagu yahay!

Ma Miisaaniyad Qaranbaa mise waa Canshuurtii Xamar oo Federaal lagu magacaabay!

Inteebey sii socon kartaa in Muqdisho Marti geliso Xildhibaan Cansuurta Muqdisho lagu biilo balse ka shaqeynaya Baabi’inta Muqdisho!

Xildhibaanadu ha ogaadeen in Soomaaliya xildhibaano u yihiin oo ay metelaan Soomaaliya, waa in doodoodu ku salaysnaataa sidii lagu gaari lahaa sidii dawladda Federaalka u gaari lahayd dhammaan Dalka Soomaaliya, Canshuuraha Dalka dhamaan hal meel ugu dhici lahaayeen, Horumarna dhamaan dalka loo gaarsiin lahaa.

Akhristoow ogsoonow dhaqaalaha Caalamku ugu deeqo Soomaaliya oo kor u dhaafaya sanadkii sida la sheego dhaqaalo ka badan halka Bilyan oo Doolar inaan lasoo marsiin dawlada federaalka Soomaaliya, Muqdisho iyo Koofurta Soomaaliyana ay kasoo gaarto wax aad u yar, marka la fiiriyo dhaqaalaha la siiyo Somaliland iyo Puntland.

Waxaa intaan oo idil kasii darran in dadka u dhashay Muqdisho ee xildhibaannada ah, ee madaxweynaha ah inaanay lahayn caqli ku filan, maskax fikirta, uma damqadaan magaaladan, kama naxaan, uma doodaan dadkooda iyo deegaankooda. Waxaa cad in Muqdisho ay tahay magaalada kaliya ee aan cidna u matalin baarlamanka, maadaama kuwa matala ay yihiin sida dhagxaan meel la dhiggay.

Haddaad rabto dheh kuwa qoro Caasimada Online waxa ay ku waasheen Muqdisho, laaakiin waxaan ka hadleynaa oo kaliya caddaalad. Caddaaladdu waa in aan wax walba wadaagnaa ama aynaan waxba wadaagin. In Muqdisho shirko lagu noqdo, magaalooyinka kalena gaar loo lee yahay caddaalad maaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho


Video: Isbadalka iyo bilicda Muqdisho

$
0
0

Magaalo Madaxdaa Caasimadda ee Muqdisho waxeey isku badashay muuqaal iyo jawi kale kadib Dib u dhis xoogan iyo horumar baaxad weyn leh oo si xowli ah uga soconaya waayihii u dambeeyay.

Muuqaalka Muqdisho iyo sida uu maanta yahay hadaad daawato waxaa hubaal ah in aad xusuus iyo qiimo darteed la ilmeyneyso ee nala daawo muuqaalkii u dambeeyay ee Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

AMIIN Caamir oo sawi cusub oo qosol badan ka sameeyey madaxweynaha

Culimada Soomaaliya oo usoo jeestay Al-Shabab (Maxaa dhacaya xilli dhow?)

$
0
0

Ku dhawaad toddoba bilood ka dib markii Shirka Qaranka ee Ka-hortagga Dhacdooyinka Xagjirnimada ee Soomaaliya uu ka soo baxay fatwa toddoba qodob ah oo lagu cambaaraynayay al-Shabaab oo aan horay loo arag nooceeda, ayaa Hay’adda Culimada Islaamka ee Soomaaliya (SISA) ay ugu dambayntii joogtaa halkii ugu dambaysay ee tallaabooyinkii qorshaynta si ay shir kale ugu qabato culimada.

Shirweynihii hore, oo Muqdisho lagu qabtay September sannadkii hore, ayaa ku xirmay baaqyo dawladda loo jeediyay oo ahaa in ay 30 maalmood gudahood ku samayso hay’ad qaran oo lagula dagaallamo faafka fikirka xagjirnimada ah ee Soomaaliya, iyo in ay 90 maalmood gudahood ku qaban-qaabiso shirweyne kale oo ay ku dhan yihiin culimada Islaamka ee Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah.

Laakiin guddoomiyaha SISA Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in xaaladda ammaanka ee dalka iyo isbaddalada jawiga siyaasadda ay dib u dhigeen shirarkii la doonayay in ay kii hore ku daba jiraan.

Salad wuxuu sheegay in ururka, oo ah urur dallad ah oo mideeya culimaa-u-diinka dalka, ay xukuumaddu u igmatay inuu isku keeno dhammaan culimada Soomaaliyeed halka doorka xukuumaddu uu yahay bixinta taageerada loo baahan yahay si loo fududeeyo qabashada shirka iyo bixinta kharashka waxyaabaha mustaqbalka la qaban doono.

Wali lama qaban taariikhda shirweynaha labaad, laakiin Salaad wuxuu sheegay in ay beegsanayaan in la qabto bisha June.

“Shirweynuhu wuxuu diiradda saari doonaa saddex qodob: si loo hubiyo in la dhaqan geliyo go’aannadii lagu gaadhay shirweynihii September; in afkaarta culimada laga mideeyo ka soo horjeedka xagjirnimada; iyo in la sameeyo guddiyaal isku dhaf ah oo ka kooban culimada iyo xukumadda oo si xooggan uga shaqayn doona jihaynta iyo wacyi-gelinta shacabka si loogu wargaliyo in firkirka xagjinimada ah uusan mataaeyn diinta Islaamka,” ayuu yiri Salaad.

Waxaa intaa dheer, shirweynahan soo socda waa uu ka duwanaan doonaa shirarka kale waayo waxaa ku jiri doona wufuud ka yimid dalalka kale ee Muslimka ah, ayuu yidhi Salaad.

“Shirweynihii September wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah laakiin wuxuu isku keenay culimo Soomaaliyeed kaliya,” ayuu yidhi. “Hase ahaatee, shirkani aad ayuu uga weynaan doonaa kaas waxaana ka soo qeyb gali doona culimo waawayn oo ka yimid dalalka Muslimka ah, xukuumadda iyo dhammaan culimada Soomaaliyeed.”

Salaad wuxuu sheegay in marka la qabto shirweynaha la qorshaynayo ka dib, guddiyada isku-dhafka ah loo diri doono dhammaan gobollada dalka si dadka looga wacyi-galiyo fikirka xagjirka ah ee al-Shabaab.

Xukuumaddu waxay sidoo kale aqbashay in ay duruus diimeed ku darto manhajka qaranka ah ee waxbarashada, ayuu yidhi.

“Xagjirnimada waxaa looga hortagi karaa in shacabka wax la baro, laakiin taasi waxay qaadan kartaa waqti dheer,” ayuu yidhi Salad. “[Waxbarashadu] waa wajahaadda mustaqbalka ee ay isku afgarteen xukuumadda iyo Ururka Culimada Islaamka ee Soomaaliya.”

Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen, imaamka Masjid Quba oo ku yaala Degmada Waaberi ee Muqdisho, wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in la fuliyo fatwadii la soo saaray September si loo dabar-gooyo fikirka gurracan ee al-Shabaab.

Si taas loo sameeyo, ayuu sheegay waxaa muhiim ah in wacyi galinta lagu faafiyo masaajiddada, idaacadaha, websityada, telefishannada, iyo sidoo kale in manhaj sax ah oo Islaamka ah loo isticmaalo dugsiyada si carruurta wax loogu baro.

Xafiis dawladeed ee culimada diinta

Dhinaceeda, xukuumadda Soomaaliyeed waxay ballan qaadday in ay culimada diimeed door weyn ka siiyaan in laga hortago fikirka xagjirka ah ee al-Shabaab iyada oo lagu gaadhayo in xafiis dawladeed loo sameeyo culimada diinta.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa xafiiska cusub shaaciyay ka dib markii shir culimada diinta ugu qabtay Muqdisho 15-kii March, in kasta oo uusan faallo dheeraad ah ka bixin.

“Waxaad qayb aad muhiim ah ka tihiin maamulka dalka waxaanad door hoggaamineed kaga jirtaan dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab,” ayuu ku sheegay maqaal uu kula hadlayay culimada. “Taasi waa sababta aan xafiis dawladeed ugu samaynayo culimada si aan idinkugu soo dhaweeyo xukuumadda gacanna aad uga geysataan daboolidda farqiga u dhexeeya dadka iyo xukuumadda.”

Sheekh Cabdulqaadir Maxamed Soomow, oo afhayeenka Golaha Sare ee culimada Ahlu Sunna wal Jamaaca, ayaa ka mid ahaa culimadii la kulantay Axmed bishii March.

Wuxuu sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu kala hadlay culimada sida ay uga qeyb gali karaan dagaalka fikradeed ah ee ka dhanka ah al-Shabaab.

Soomow wuxuu sheegay in xukuumaddu ay samaynayso guddi qaran oo la shaqeeya culimada, waxaana uu noqonayaa saldhigga asaaska xafiiska cusub ee dawladeed.

Xafiiska cusub wuxuu xukuumadda iyo hoggaamiyayaasha diimeed ka caawinayaa in ay si fiican uga wada shaqeeyaan dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab, ayuu yidhi Cumar Dahir, oo ah khabiir Muqdisho xaruntiisu tahay oo ka faallooda arrimaha Islaamka iyo fiqiga.

Xiriirin la’aanta ka dhex jirta culimada Islaamka ee Soomaaliya ayaa qayb ka ah dhibaatada waayo wuxuu Soomaalida qaarkood u horseeday in ay fikir qaldan ka qaataan in culimadu ay ku kala duwan yihiin aragtida ay ka haystaan afkaarta al-Shabaab, ayuu yidhi.

“Arrimaha khilaafka ka dhex kicinaya culimada Soomaalida waxay ku salaysan yihiin arrimo yaryar oo fiqiga Islaamka la xidhiidha. Markii laga hadlo qaddiyadaha diinta, culimadu waa ay ka midaysan yihiin,” ayuu yiri Daahir.

“Culimada khilaaf kama dhexeeyo marka laga hadlayo baahida loo qabo in dadka la baro diinta iyo khataraha diimeed ee dalka ka jira. Kaasi waa hadaf ay u dhinteen culimo badan,” ayuu yidhi.

Fikirka gurracan ee al-Shabaab waa uu ka sii dhex jiri karaa shacabka xittaa iyada oo ay xukuumaddu ku guulaysanayso in ay dhulal ka qabsato kooxda, ayuu yidhi. Xafiiska cusub ee xukuumaddu waa asaasi, ayuu yidhi, wuxuuna qeyb weyn ka qaadan doonaa inuu ka caawiyo culimada in ay la xidhiidhaan jaaliyadaha ayna sameeyaan wixii loo baahan yahay si loo beeniyo fikirka al-Shabaab iyada oo loo adeegsanayo mabaadi’iida Islaamka.

Isha: Sabahi Online

EU ma sidan baa run ka ah, mise dano qarsoon ayuu ka lee yahay SOMALIA

$
0
0

Midawga Yurub (EU) oo ah mid kamid ah deeq bixiyayaasha Caalamka, ayaa shacabka ku wareersan yahay ujeedka ay ka leeyihiin Soomaaliya. Dalalka ku bahoobay Midawga Yurub (EU) iyo dalalka xubnaha ka ah waxaa sanad walba sheegaan in Soomaaliya ugu deeqaan lacago boqolaal milyan Doolar ah, lacagahaasi inta badan dalka Soomaaliya ma gaaraan.

Haatan Midawga Yurub Soomaaliya wuxuu keenay Tababarayaal dhisa ciidamada Soomaaliya, Tababarayaashani markii hore waxaa ay ciidamada Soomaaliyeed ku tababari jireen Ugandha, Haatan Muqdisho ayaa loo soo wareejiyay, in badan shacabku wuxuu arkaa ama TV-yada Soomaalida ka daawadaa ciidamo Soomaaliya oo kumanaan iyo Boqolaalba ah oo tababar usoo xirayaan tababarayaasha Midawga Yurub, Ciidankaan tababarkiisa waxaa ku baxa lacago malaayiin Euro ah, ciidankaani la isma weydiiyo halka uu ku danbeeyo, tababar fiican iyo shiishka ayaa la baraa.

Maadaama aan dawladu mushaar joogto ah u heynin, kala danbeyntii ciidamada lagu yaqaaneyna jirin, ciidamadaani inta badan waa kala tagaan, qaar madaxda dawladda ayey waardiye u noqdaan, qaar maliishiyo beeleedyo deegaanada shabaabka laga xoreeyo oo qaab beeleed u abaabulan ayay ku biiraan, qaar Shabaabka ayay ku biiraan, qaar wadooyinka bey isbaarooyin dhigtaan oo shacabka ku dhibaateeyaan, qaar iyaga oo qaab beeleed kala ah ayay ku dagaalamaan deegaanada dawladda hoos yimaado.

Midawga Yurub EU wuxuu bixiyaa kaliya lacagta tababarka ku baxaysa, sidoo kale midawga Yurub wuxuu bixiyaa lacagta AMISOM hawl galadeeda iyo Mushaarkeeda inta badan, Midawga Yurub lacag kuma bixiyaan mushaarka ciidamada Soomaaliya, sidoo kale isma weydiiyaan ciidankaani meesha uu ku danbeeyo.

Wakiilka Midawga Yurub Soomaaliya Mr Michele Cervone D’urso ulama macaamilo Dawladda Federaalka inay matasho qaranka Soomaaliya, Maamulada Somaliland, Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya isku si buu u qaabilaa, Muqdisho markuu ka tago Garoowe buu tagaa la kulmaa madaxweynaha Puntland, sidoo Kale Somaliland, Dhaqaalaha Soomaaliya ugu talo galeen Midawga Yurub oo gaaraya boqolaalka Million Euro lagalama tashado Dawladda Federaalka, Puntland iyo Somaliland, waxaa kaliya oo uu sheegaa inta zone-kasta loogu talo galay, lacagahaas Hay’addo kala duwan oo EU-da iyo UN-ka ah baa la marsiiyaa, mashaariicda qaar muhiim uma ah Soomaaliya, qaarkoodna waa la musuq maasuqaa, wax aad u yar ayaa ka gaara Dalka Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay is weydiinayaan maxay tahay faaiidada ugu jirta dalka iyo dadka soomaaliyeed in ciidan tababar fiican la siiyo, si fiicana shiishka loo baro ee lagu soo dhex daayo shacabka, mar haddi aysan EU-da oo tababartay iyo Dawladda Soomaaliyaba masuuliyad iska saareynin sidii ciidankaasi ugu shaqeyn lahaa qaranka Soomaaliya, xuquuqda uu leeyahayna u heli lahaa.

Ciidanka kaliya oo Soomaalidu aragtay inuu yahay ciidan rasmi ah waa ciidanka loogu yeero ALFA GROUP, waxaa tababaray dawladda Maraykanka, ciidankaasi tiradiisu waa yar tahay, waa ciidan gacanta ay ku hayaan saraakiishii soo tababartay, sidoo kalana la shaqeeya Dawladda Soomaaliya, mushaarka, caafimaadka iyo qalabka ciidankaba waa laga haqab tiray, ciidankaani waa ciidanka kaliya ee meel kasta oo uu madaxweynuhu tagayo uga sii hormara, waa ciidan Soomaalidu aaminsan tahay, dadka kuma xadgudbaan, lama hadlaan, tababarkoodu waa joogto, wajiyada waa qarsadaan xiliyada hawlgalada, waa ciidankii Shabaab ka saaray Maxkamada Gobolka Banaadir iyo Xerada UN-kaba xiligii ay qabsadeen.

Dalka Soomaaliya ma wuxuu u baahan yahay ciidan fara badan oo inta la tababaro shacabka lagu sii dhex daayo sida uu haatan sameeyo Midawga Yurub EU, mise ciidan yar oo gacanta lagu hayo, mushaarkiisu meel saran yahay oo amaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed ilaaliya sida ALFA GROUP?

Midawga Yurub ma sidaan baa daacad ka ah mise ujeedooyin dahsoon baa jira oo micnahoodu yahay “Qawda Maqashii waxna ha u qaban” ama waa “ Baadida ruux baa kula day daya daalna kaa badan, oo aan dooneyn inaad hesho daain ebidkaaye”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Daawo Video: Bilicda dalka JABUUTI

$
0
0

Wadanka Jabuuti oo si weyn uu soo jeetay Shaashadaha Tv-yada kadib markii Bilic iyo Dhismooyin qurux badan oo sanadihii ugu dambeeyay halkaasi laga waday oo haatan magaalad adhan wada ifiyay.

Muuqaalkani waxaad ka arkeysaa Bilic aadan rumeysaneynin in ay tahay Wadanka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti oo si weyn loo nashqadeeyay bilicda magaalooyinkiisa ee nala daawo:

HALKAAN KA DAAWO:

 

Sawirro & Warbixin: Ciidamada Uganda ee SOOMAALIYA oo cayil la baqi raba

$
0
0
Todobaadyo kahor ayey ahayd, markii askari ka tirsan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya joogaa uu Wargeyska The Star ee dalka Kenya kasoo baxa u sheegay, in ciidamada AMISOM aanay dani ugu jirin xasillooni ka dhalata dalka Soomaaliya, maadaama ay faa’iidooyin badan ku qabaan, kusii negaanshahooda Soomaaliyana ay uga dhigan tahay inay lacag badan heli doonaan.

Hadaba iyadoo ay sidaas tahay, ayaa wargeyska New Vision ee kasoo baxa dalka Uganda, wuxuu daabacay warbixin dheer oo ka hadlaysa nolosha ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
Warbixinta waxaa cinwaan looga dhigay: Cuntooyin wanaagsan, telefoonno quruxsan iyo dhar nadiif ah….nolosha cusub ee ciidamada Uganda.Weriye ka tirsan isla wargeyska New Vision oo isagu booqasho muddo labo maalmood ah qaadatay magaalada Muqdisho ku yimid, lana yaabay barwaaqada ay askarta Uganda Soomaaliya ku haystaan, ayaa warbixintan oo ah mid aad u xiiso badan qoray:-
Todoba sano ayaa hadda laga joogaa markii Dowladda Uganda 7,000 oo askarteeda kamid ah ay u dirtay dalka Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, qaar badan oo askartaas kamid ah noloshoodu marna ma noqon doonto sidii ay horay u ahayd.Cuntada:

Kaddib labo maalmood oo aan Soomaaliya soo joogey, kama welwelsani khatarta nolosha askarteena kasoo wajihi karta dhanka Al-shabaab, waxanse aad uga walaacsanahay in ciidamadeena Soomaaliya joogaa ay dalka dib ugu soo laabtaan iyagoo aad u cayillan oo ay baruurtu ka badatay.
Ciidamadeenu cunto fiican ayey halkan ku haystaan, marka loo eego saaxibadooda dalka Uganda gudihiisa ku sugan. Quraacdoodu waxay ka kooban tahay rooti, ukun, sharaab, malab iyo subag. Waxaa sidoo kale intaas u dheer noocyo kala duwan oo shaah iyo kafee ah.
Xuquuqda Sawirka: New Vision

Qadada iyo cashada waxay cunaan Posho ama Ugali [oo kamid ah cuntooyinka ay Yugaandhiisku ugu jecel yihiin], bariis ay aad tayadiisu u sareyso, hilibka doorada iyo hilib lo’aad. Xiliyada qaarna waxaa u dheer kalluun, faasuuliyad iyo weliba khudaar.

Mar taliyaha guud ee ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howgalka AMISOM ee Soomaaliya jooga, Kol. Brig. Dick Olum uu kulan la qaatay ciidamada, ayaa askari kamid ahi wuxuu weydiiyey su’aal ahayd: “sidee ku dhici kartaa in todobaadkan oo dhan aan cuno shan xabbo oo tufaax ah oo keliya?!”.

Maalin kale, mid kamid ah cunto-kariyeyaasha ka shaqeeya kushiinka ciidamada, ayaa u sheegay weriyeyaal Yugaandhiis ahaa oo xarunta soo booqday, in ay cunaan intii ay awoodaan oo burcad ah, wuxuuna yiri: ” cuna askartu bahashan aad bay uga dhergeen oo hadda cidi uma baahnee”

kamid ah raashinka ay ciidamada Uganda cunaan|Xuquuqda Sawirka: New Vision

Af-hayeenka ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga Kol. Paddy Ankunda, ayaa isna sheegay in askarta khasab looga dhigay inay si joogto ah miisaanka jirkooda ula socdaan.

“Dadka jooga furimaha dagaalka baruur badani fuuli mayso, marka loo eego shaqada ay hayaan. Kuwa jooga xarumaha kale iyo bar-kantaroollada waxan ku dhiiri gelineynaa inay dadaal badan ku bixiyaan sidii ay miisaankooda ula socon lahaayeen” Paddy Ankunda ayaa sidaas yiri

Hoolka cuntada waxaa ku xiran shaashad weyn oo ay askartu wararka caalamka ka daawadaan xilliga ay cunteynayaan. Waxaa sidoo kale jira qaboojiye weyn oo ay ka buuxaan furud, cabitaano kala duwan iyo weliba biyo sifeysan.



Gabar Dhallinyaro ah oo Shaqo Adag Haysa:

Major Renee Mwesigwa| Xuquuqda Sawirka: New Vision

Maalintii ugu horreysey ee aan Muqdisho tegey, waan yaabay markii aan arkay gabar dhallinyaro ah, aad u dhiirran kuna lebisan direyska ciidamada. Waxan u haystay in xog-hayn ama wax lamid ah ay u tahay ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga.

Qaab ahaan waxay u ekayd haweenka kale ee magaalada ka shaqeeya, laakiin taasi waxay ahayd kahor intii aanan arkin salaan-sharaf ay dadka iyada ka derejada hooseeyaa siinayeen.

Mar dambe ayaan ogaaday in magaceedu uu yahay Maj. Renee Mwesigwa, ayna qayb ka ahayd haween dhowr ah oo Madaxweyne Yoweri Museveni uu hawl-karnimadooda dartood billado ku guddoonsiiyey munaasabaddii maalinta haweenka ee sannadkan.

Waa hooyo la qabo, waxaana jira haween badan oo sideeda oo kale la geeyey jiidda hore. Aad bay u dhallinyar yihiin, way quruxsan yihiin sidoo kale aad bay kuusoo jiidanayaan marka wataan qalabka ciidamada.



Xirfadaha 
Dhammaan:

Xuquuqda Sawirka: New Vision

Ciidanka waxaa laga helayaa ugu yaraan xirfad kasta qof khabiir ku ah. Waxaa ku jira sharci-yaqaanno, xisaabiyeyaal, kaal-kaalisooyin, dad yaqaanna IT-ga iyo kuwa kale oo badan.

Waxay leeyihiin kushiino ay cuntada ku karsadaan, iyo weliba dhakhaatiir gaar ah. Dhakhaatiirtaas waxaan ka xusi karaa Captain Betty Akello Otekat, oo iyadu ah madaxa kaal-kaalisooyinka AMISOM, waxay ii sheegtay inay ka diiwaangashan tahay wasaaradda caafimaadka ee dalka Uganda.

Iyada ayaa go’aansatay inay ciidamada ku biirto marna dib ma aysan jalleecin. Waxay ii sheegtay in meel khatar ah sida [Soomaaliya oo kale] oo laga shaqeeyaa ay faa’iido badan leedahay. ” tabar kaddib, waxan hadda awoodaa inaan si wanaagsan u maareeyo nolosha qoyskayga, waxabarashadeyda iyo weliba shaqadeyda…”

“Waxan horay u qaatay shahaadada koowaad ee jaamacadda oo ahayd kaal-kaalisonimo, hadana waxan diyaarinayaa shahaadada labaad ee masterka. Dadka qaar bay la tahay in ciidamada oo lagu biiraa ay la micne tahay noloshaada oo soo idlaatay, anigase bilow ayey ii tahay…” Akello ayaa sidaas tiri iyadoo intaas raacisay in mushaharaadku ay wanaagsan yihiin marka lagu shaqeynayo goob halis ah sida magaalada Muqdisho. Waxay sidoo kale shaacisay in kaal-kaaliyeyaashu halkan ay celcelis ahaan bishii ka qaataan lacag ka badan $800.

Askari kale ayaa isna si hoose iigu sheegay in markiisii hore uu qareen ahaa. ” laga soo bilaabo markii aan ciidamada ku biiray, noloshaydu ma ahan sideedii hore…waxan sugi karaa ammaanka islamar ahaantaana waxan talooyin dhanka sharciga la xiriira siin karaa dadkeyga ama saaxiibadeyda aanu ciidanka ka wada tirsan nahay” sidaas ayuu yiri.



Moobaylo Qurxoon oo Shashadda Laga Isticmaalo:

Haddiiba uu jiro askari ka tirsan ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga oo aan telefoonka gacanta haysan ama shaashadda TV-ga ee ballaaran aan reerkiisa Uganda jooga u iibin, waxan si fudud u oran karnaa sabab kale uma diidine isaga ayaan dooneyn inuu gato. Askarta mushaharkooda waxaa qayb kamid ah loo siiyaa hor-maris, qabta hartayna waxay ku kaydsadaan akoonnada ay bankiyada ku leeyihiin.



Lebiska:


Labo nooc oo tuute ah ayey hadda cidamadu xirtaan| Xuquuqda Sawirka: New Vision

Waxaa jirtey xilli askariga Yugaandhiiska ahi uu xiran jirey tuute duug ah, taas hadda waa laga soo gudbay. Sida uu ii sheegay Kol. Akunda, sanad kasta wuxuu askari walba helaa labo joog oo direyska ciidamada ah.

Kabihii kooyada ahaa ee caagga ahaa ee qoraxdu cagaha dadka ka gubi jirtey hadda ma xirtaan, kuwo harag ka sameysan ayaa loo qaybiyaa. Waxay sidoo kale haystaan funaanadaha hoos laga xirto, buraashado iyo qalab kale oo badan.



Deegaanka:

Askari ka tirsan ciidamada Uganda oo ku jira qolka cuntada| Xuquuqda Sawirka: New Vision

Jiifku waa raaxo marka la eego nolosha askariga, marka aadan howl ku jirin waa hubaal inaad si fiican u ledi doonto.

Suuliyada waxaa ku yaalla shower ama tuubada biyaha kor ka keenta iyo saxanka qubeyska. Sidoo kale xarunta waxaa ku xiran internet inkastoo uu yahay mid aan xawaare fiican lahayn.

Qolalku waxay ka samesyan yihiin konteenaro bir ah, waase kuwo si fiican loo ranjiyey aadna loo nadiifiyey. Qol walba waxaa yaalla afar furaash iyo sariirahooda iyo hal armaajo oo weyn. Sidoo kale waxaa ku xiran qaboojiye si askartu aysan u dareemin kulaylka saxaraha.

Korontada badankeeda waxaa laga dhaliyaa qoraxda, biyaha badda ee cusbada baddanna waa la safeeyaa kaddib ayaana dib loo isticmaalaa.

Xigasho: New Vision, Uganda.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
xaajidirir@hiiraan.com
Puntland, Soomaaliya

DAAWO VIDEO: Horumarka maanta iyo garoonka diyaaradaha Aadan Adde

$
0
0

Garoonka Caalamiga ee Aadan Adde Airport ee Magaalo Madaxdaa Caasimadda ee Muqdisho ayaa si weyn isku badalay kadib markii dib u dhis iyo howlo shaqo oo caalami ah ay ka bilaabatay sanadihii u dambeeyay.

Muuqaalka Garoonka Aadan adde hadii aad aragto isma dhaheysid sidaan ayuu durbaba isku badalay kadib markii ay ka shaqo bilaabeyn Duulimaadyo Caalami ah oo Muqdisho ilaa aduunka dacalkiis meeshii aad doonto ee nala daawo Bilicda iyo Quruxda Garoonka Aadan Adde.

HALKAAN KA DAAWO: 

 


VIDEO: MADAX ka tirsan DFS oo Xilli habeen ah ku damashada Muqdisho

$
0
0

Wasiiro, Taliyayaasha Ciidamada Xooga Dalka iyo booliska iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xili habeen bar ah ku damaashaadaya Magaalada Muqdisho.

Xubnahani ka tirsan Dowlada oo Habeenki xalay ahaa ka qeyb qaadanayay Xaflad loogu magac daray Socdaalka Bandhiga Dadweynaha & Amniga Muqdisho kaasoo Socdaal lug ah lagumarayo Wadooyinka Magaalada Muqdisho ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Document: Meelaha beenta ee daqliga Muqdisho la qorsheeyey in lagu qaato

$
0
0

Qoondaha Miisaaniyadda ee 2014-ka ee ka imaaneysa Canshuurta Muqdisho ee Wasaaradda Maaliyadda horgeysay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba loo qeybinayaa Wasaaraddo magac  u yaal ah, iska daa in wasaaradahani shacabka Muqdisho wax u qabtaane, wasaarad kastaahi waxay shacabka Muqdisho u samaysaa Caqabad cusub, wax loogu yeero isdiiwaan gelin oo wasaarad kastaahi lacag ku qaadaneyso. Wasiir kasta ee wasaarad loo magacaabo wuxuu wasaaradda keenaa shaqaale beeshiisa ah, shaqaalaha wasaaradaha aqoon laguma keeno, Imtixaan kuma yimaadaan.

Qoondada Miisaaniyadda Dawladda Federaalka ee 2014.

1-      Lacagta waxaa loo qoondeeyey wasaarado magac u yaal ah, wasaarad kasta waxaa lacag ku qaadanaya boqolaal shaqaale ah,

2-      Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya qoondadeeda waxay ku tala gashay in lacaguhu baxaan balse aan shacabka waxba loogu qaban.

3-      Miisaaniyadda gebi ahaanteed waxaa ay ku baxaysaa Wasaarado, Hay’addo magac u yaal ah  oo aan shaqeynin sida Hay’adda Saadaasha hawada, Hay’adda xuquuqul insaanka, Hay’adda Fanka, Hay’adda, Guddiga xadeynta xuduudaha Federaalka, Guddiga Dib u heshiisiinta qaranka,

4-      Miisaaniyada Madaxtooyada, Xafiiska Raisul wasaaraha, Dhamaan wasaaradaha waa mushaar shaqaale, iyo qarashyo kale oo aan nolosha shacabka Sooaaliyeed waxba u saaidineynin.

5-      Lacagaha wasaaradaha la siinayo kuma jirto Mushaar shaqaalaha Isbitaalada, Mushaar shaqaalaha Nadaafada, Mushaar shaqaaalaha iskuulaadka Muqdisho, Isbitaal laguma dhisayo, Iskuul laguma dhisayo, Jid laguma dhisayo,

6-      Miisaaniyadaan oo ka imaanaysa Muqdisho, kuna dhow lacag 200 milyan Doolar magaalada Muqdisho oo lagu kabay Bank-ga dhexe waxaa looga qoondeeyay 15.3 Milyan Doolar oo lagu Sheegay “Deeq Gobolka Banaadir”

7-      Miisaaniyadda Guud ahaan wasaaradaha iyo Hay’addaha magac u yaalka ah lacagta waxaa ay ku baxaysaa Mushaar shaqaale iyo isticmaalka Agabka & Adeega oo loola jeedo shidaal, transport,koronto, qalab nadaafadeed iwm.

8-      Amniga Muqdisho waxaa loo sugi la’ yahay Degmooyinka Gobolka Banaadir oo aan heysan dhaqaalo ku filan oo ay ku socodsiiyaan ka shaqeynta amniga iyo horumarinta deegaanka.

9-      Miisaaniyadda waxaa ku jira Budget line loogu magac daray, CODE 501: KUWA KALE waxaana ku qoran  34,040,376$ (Sodan iyo Afar Milyan Afartan kun Sadex Boqol Todobaatan iyo Lix Doolar)

10-  Taliska Ciidanka Xooga Dalka waxaa ku qoran sanadkaan Kaliya lacag ku dhow 50 Milyan Doolar, lacagtaan Mushaar kuma baxdo, inta Badan Raashin bey ku qoran tahay, jeebab dad gaar ah ayay ku dhacdaa.

11-  Miisaaniyad loo habeeyay inaan dadka waxba loogu qaban, Miisaaniyad Muujinaysa in Magaca Dawladda lagu dhacaayo canshuurta Shacabka, Miisaaniyad aan waxba kusoo kordhinayn nolosha shacabka, Miisaaniyad muujinaysa in madaxda dawladda maskaxdii ka tagtay, Miisaaniyad wasaaradaha ku qoran loo siiyey awood inay sidii ay rabaan ka yeelaan.

12-  Baarlamaanka ka kooban 275, qofkii wuxuu Mushahar u qaadanayaa 3000$, Baarlamaankaani go’aankoodu wuxuu saameeyaa oo horumarka ka joojiyaa Muqdisho Kaliya.

XEERKA QOONDAHA MIISAANIYADDA 2014-KA

KUTALAGALKA MIISAANIYADDA 2014-KA US$

Madax

FAAH-FAAHIN

 2013 Misaniyadda

 2013            Dhabta

 2014    Kutalagalka

101

 Xafiiska Madaxtooyada

              3,683,724

              3,588,740

              4,417,088

10201

 Xafiiska Baarlamaanka

              2,118,404

              2,006,656

              3,435,516

10202

 Xubnaha Baarlamaanka (Mushaar, Agab  & Adeeg)

            13,035,972

            12,833,053

            10,968,000

103

 Xafiiska Ra’isul Wasaaraha

              3,180,000

              3,131,681

              4,230,420

10401

 Wasaaradda Arrimaha Dibedda

              1,134,940

              1,109,876

              1,735,196

10402

 Safaaradaha

              4,340,680

              1,244,145

              6,624,000

10501

 Wasaaradda Maaliyadda

              4,571,778

              4,456,525

              4,711,027

10502

 Mashruuca SFF

                              -

                              -

            10,980,062

10503

 Mashruuca PFM

                              -

                              -

              1,887,000

10504

 Deeqda Gobolka Banaadir iyo Bankiga Dhexe

                              -

            12,787,538

            15,300,000

106

 Wasaaradda Qorsheynta iyo Isk. Caalamiga

                              -

                              -

                  772,508

10701

 Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

            14,287,504

              9,966,561

              4,481,240

10702

 Guddiga Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha

                              -

                              -

                  529,800

10703

 Hay’adda Maareynta Masiibooyinka

                              -

                              -

                  282,600

10704

 Guddiga Xadeynta Xuduudaha Federaalka

                              -

                              -

                  279,000

108

 Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta

                              -

                              -

              1,251,532

10901

 Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka

              1,593,448

              1,451,134

              1,478,344

10902

 Ciidanka Asluubta

              2,440,000

              2,406,503

              4,343,592

10903

 Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka

                  458,736

                  403,501

                  461,832

10904

 Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka

                  527,652

                  370,503

                  468,708

10905

 Maxkamadda Gobolka Banaadir

              1,176,900

              1,099,889

                  963,396

10906

 Maxkamadda Racfaanka

                  248,604

                  172,104

                  234,204

10907

 Hay’adda Xuquuqil Insaanka

                              -

                              -

                  253,200

10908

 Guddiga Adeega Garsoorka

                  198,012

                  141,512

                  206,052

10909

 Maxkamadda Dastuuriga ah

                              -

                              -

                  234,000

110

 Maxkamadda Sare

                  442,440

                  389,670

                  395,256

111

 Xeer-ilaaliyaha Guud

                  408,888

                  348,388

                  434,664

112

 Garyaqaanka Guud

                  284,520

                  201,473

                  386,652

113

 Xisaabiyaha Guud

                  733,604

                  704,146

                  685,720

114

 Hanti-dhawrka Guud

                  665,228

                  635,889

                  636,684

115

 Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka

                  391,524

                  391,524

                  427,920

20101

 Wasaaradda Gaashaandhiga

              2,957,276

              2,767,787

                  844,892

20102

 Taliska Ciidanka xooga Dalka

            41,255,700

            28,191,125

            49,742,868

20103

 Maxkamadda Ciidamadda

                  405,200

                  404,700

                  452,400

20201

 Wasaaradda Amniga Qaranka

                              -

                              -

              2,676,204

20202

 Taliska Ciidanka Booliska

            16,095,600

              8,286,783

            13,947,764

20203

 Hay’adda Nabadsugidda Qaranka

              6,330,000

              5,095,000

              9,200,976

20204

 Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

              1,076,886

                  790,205

              1,734,000

301

 Wasaaradda Tamarta & Biyaha

              2,045,520

              1,821,212

                  742,612

302

 Wasaaradda Macdanta

                              -

                              -

                  679,988

303

 Wasaaradda Beeraha

                              -

                              -

                  820,628

304

 Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa

                              -

                              -

                  682,876

30501

 Wasaaradda Kalumeysiga &Khey. Badda

                              -

                              -

              1,041,524

30502

 Hay’adda Cilmi Baadhista badaha soomaaliya

                              -

                              -

                  260,200

306

 Wasaaradda Warfaafinta

              2,847,612

              2,821,270

              3,020,012

307

 Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta

                              -

                              -

                  948,748

308

 Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska

              1,120,776

              1,029,626

                  742,880

30901

 Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawadda

                              -

                              -

                  844,936

30902

 Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawadda

                              -

                              -

                  697,704

31001

 Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda

                              -

                              -

                  968,164

31002

 Dekadda Xamar

                              -

                              -

                  422,933

311

 Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

                  689,584

                  612,586

                  763,100

401

 Wasaaradda Caafimaadka

              9,577,222

              2,258,136

                  899,332

40201

 Wasaaradda Waxbarashadda

                              -

                              -

              4,875,284

40202

 Wasaaradda Hidaha & Tacliinta Sare

                              -

                              -

              1,061,980

40203

 Jaamacadda Umadda

                              -

                              -

                  360,516

40204

 Hay’adda Cilmi, Fanka iyo Suugaanta

                              -

                              -

                  315,000

403

 Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada

                              -

                              -

                  836,872

404

 Wasaaradda Isboortiga & Dhalinyarada

                              -

                              -

                  624,313

405

 Wasaaradda Haweenka & Hor. Xuq.Adanaha

                              -

                              -

                  706,448

501

 KUWA KALE

              3,600,000

              3,520,635

            34,040,376

WADARTA GUUD

          143,923,934

          117,440,076

          218,450,743

 

 

 

Daawo Video: Arday Soomaaliyeed oo soo hooyey Guul Taariikhi ah (Farxad)

$
0
0

Cape Town (Caasimada Online) - Barnaamijka Sahanka Nolosha ee ka baxa Tv-ga caalamiga ahee Universal ayaa lagu soo qaatay Arin Farxadeed iyadoo daadihiyaha barnaamijkani Maxamed Muuse Nuur (Deeqdarajo) uu marwalba xooga saaraa arimaha bulshada gaar ahaan hormarka shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee la taaban karo waxqabadkooda wuxuuna todobaadkani idin haayaa muuqaal farxad leh oo qalbiyada wadaniyiinta Soomaaliyeed ay ku raaxeysan doonaa kuna ildoogsan doonaan.

Daawo video: Horumarka iyo isbadalka ka socda Degmoyinka G/ Banaadir

$
0
0

Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa si xowli ah uga soconaya Horumar aad u balaaran oo isugu jiro dhinacyo badan oo dib loogu soo celinayo Bilicda Magaalada Muqdisho.

Muuqaalo kala duwan oo ku tusinaya Horumarka maanta ay wadaan qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ee nala daawo waa hubaal in aad wax badan ku arkeuso muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Daawo: Muuqalka Manta & MUQDISHO

$
0
0

Isbadalka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxuu ku soconayaa si xowli ah kadib markii Shacabka reer Muqdisho ay si dhab ah u doonayaan in ay uga qeyb qaataan Horumarka iyo isbadalka cusub ee dalka ka soconaya.

Muuqaal  cusub oo muujinaya sida Shacabka u doonayaan in Magaalada Muqdisho ay noqoto sidii ay ahaan jirtay Waagii bariisamaadka ayagoo haatan ku talaabayo isbadal muuqda oo aad ka arki doonto muuqaalkani sida uu yahay jawiga Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO: 

Viewing all 817 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>