Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all 817 articles
Browse latest View live

Video: Bilicda Hargeysa ee habeenkii

$
0
0

Muuqaal cajiib ah oo laga soo duubay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland kaasoo ah Bilicda iyo Quruxda Maagalada Hargeysa & Xiliga Habeenkii.

Aqristoow isma dhaheysid halkaan ayaa ah Hargeysa hadii aa daawtao Muuqaalka Xiliga Habenkii iyo sida ay tahay Magaalada Hargsysa ee nala daawo Vudei-ga.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post


Video: Muuqaalka maanta & Muqdisho

$
0
0

Magaalo Madaxda Muqdisho waxaa si xowli ah uga soconaya Horumarka ay sameynayaan Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Banaadir ee 16-ka degmo.

Shacabka ku nool Muqdisho waxeey muujinayaan in ay u baahan yihiin Nabadd & Nidaam Dowli ah oo ka hana qaada Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ee nala daawo Video.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

VIDEO: Wasiir MUQDISHO baabuur iyo baaskiil kula damaashaadaya (Daawo)

$
0
0

Muuqaal Cajiib ah oo laga diayariyaya Wasiirka Warfaafinta Dowlada Mustaf Dhuxuloow kaas oo ah Wasiirka oo MAgaalada ku damaashaadaya asagoo ka sheekeynaya Xaalada Amaan & Nolosha Muqdisho.

Hadaba Aqristoow Muuqaalkani waa mid ka hadlaya isbadalka Magaalada ka dhacay Balse Wasiirka ayaa waxuu sameynayaa waxyabao cajiib ah oo Bulshada ka yaabiyay ee nala daawo adaa ka heli doonee.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Video: Isbedalka cusub ee Muqdisho

$
0
0

Magaalada Muqdisho waxaa ka jirta Nolol cajiib ah oo aad moodo mid ka duwan sidii ay ahaan jirtay sanadihii ugu dambeeyay taas oo wax weyn iska badaleyn tan iyo 2-dii sano ee ugu dambeysay.

Muqdisho waxaa ka jirta Nolol maraxalado kala duwan leh oo raaxo & rafaadba leh taas oo aan ula jeedo in Muqdisho dhinac amaan uu ka jiro dhinacna uu ay ka jirto amaan daro ee nala daawo muuqaalkani cajiibka ah.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Video: Horumarka iyo bilicda degmada ugu wax qabadka badan Muqdisho

$
0
0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka soconaya dib u dhis xoogan oo dib loogu soo celinayo Bilicdii magaalada ay lahaan jirtay ayadoo ay ka soconayaan Howlahaasi Dgemooyinka Gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah Degmooyinka ugu wax qabadka iyo howsha badan ee Magaalada Muqdisho ayaa idiin soo  gudbinayaa Muuqaal laga soo duubay oo ka hadlaya waxqabadka & howsha ka soconeysa ee nala daawada.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Daaw Video: Siilaanyo & Waran-Cadde oo tartan dabaaleed uu dhex maray

$
0
0

Use Facebook to Comment on this Post

SHAACIN: Xiriir ayaa ka dhaxeeyay FBI-da Mareykanka iyo Al-Qacida + Video

$
0
0

Washington DC (Caasimada Online) - Warbixin baaritaan ah oo uu sameeyay wargeyska Washington Times ayaa shaaca ka qaaday in uu jiray xiriir toos ah oo dhexmari jiray FBI-da Mareykanka iyo shabakadda Al-Qacida.

Warbixintan uu daabacay wargeyska ayaa shaaca ka qaaday inay jireen shaqsiyaad u shaqeeya FBI-da Mareykank, oo ka tirsanaa Al-Qacida.

Wargeysku wuxuu sheegay in xarun ku taalla magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka oo qaabilsanayd la dagaalanka argagixisada ay ka tirsanaayeen shaqsiyaad dhowr ah, oo sidoo kalena ku jiray Al-Qacida.

Su’aalo fara badan ayaa soo baxay tan iyo markii uu wargeysku arrinkan soo bandhigay, waxaana su’aasha ugu weyn ay ahayd, haddii FBI-da ay shaqsiyaadku dhexlahayd Al-Qacida, side ayay ku ogaan weysay weerarkii September 11, mise waaba ay ogeyd?

Warbixin ay arrintan ka diyaarisay CNN, halkan hoose ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
Caasimada@live.com

Use Facebook to Comment on this Post

Daawo: XAMAR iyo horumarka maanta

$
0
0

Horumarka dhan walba leh ee ka soconaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxuu gaaray Banaanada Magaalada waxaana si xowli leh ku soconaya dib u soo celinta Bilicda Caasimada ee Muqdisho.

Muuqaalkani waa mid ku tusinaya sida Magaalada looga wado Horumarka dib u dhiska & dib u soo celinta Sharafkii Caasimadda Muqdisho ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post


Daawo: Muuqaalkii ugu dambeeyay ee laga soo duubo MUQDISHO (Video)

$
0
0

Muuqaal laga soo duubay Bilicda Magaalada Muqdisho ilaa Jowhar inta u dhaxeysa iyo sida ay tahay Bilicda Magaalooyinkaasi iyo Wadooyinka isku xira ee loogu safro Muqdisho ilaa Jowhar.

Aqristoow Muuqaalkani waxaad ka dhex arkeysa sida ay tahay Muqdisho iyo Bilicda qurxoon ee ka muuqaneyso Wadooyinkeeda iyo dib u dhiska ka her galay ilaa wadooyinka ka baxa ee aada Gobolada dariska ah ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Video: Horumarka sanadka ee XAMAR

$
0
0

Magaalada Muqdisho waxaa sanadkaan ka hir gelay Horumar baaxad weyn leh oo dhan walba isugu jiro waxaana laga dareemayaa Bilicda Caasimadda oo wax weyn iska badaleyn.

Muuqaalkani waa mid kooban oo la isku keen keenay waxuuna ka hadlayaa Horumarka sanadkaan ka hir galay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Sawir gacmeedka Amiin oo muujiyey in Xasan & Muungaab ay ka tafan tahay

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Farshaxamiiste Amiin Caamir, ayaa mar kale soo saaray sawir gacmeed cusub, oo xog cusub ka bixiyey magacaabistii madaxweyne Xasan Sheekh ee Kamaal Guutaale uu u magacaabay guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee gobolka Banaadir.

Kamaal Guutaale, ayaa ah agaasimaha xafiiska madaxtooyada Somalia, balse la sheegay in xilkaas laga qaadi doono dhowaan.

Sawirka ayaa muujinaya in Muungaab uusan ku qanacsaneyn magacaabista Kamaal Guutaale.

20_mar_2014 copy

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Use Facebook to Comment on this Post

VIDEO: Drones ka qeyb galay & qaabkii loo weeraray degmada Qoryooleey

$
0
0

Qoryooleey (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in dagaalkii shalay lagula wareegay Qoryooleey in ay ka qayb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drons-ka, kuwaasoo la sheegay in ay gacan siinayeen ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Wariyaal ajaaniib ah oo la socday AMISOM ayaa soo sheegay in arkeen ilaa afar diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn oo ka qayb qaadanayay dagaalka u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka waxaa la sheegay oo kale in uu geestay khasaaro xooggan oo labada dhina soo gaaray.

Wariye ka tirsan BBC-da qaybta la hadasha dibeddana oo la hadlay caawa barnaamijka Fox on Afrika ayaa sheegay inuu arkay meydka askari AMISOM iyo sagaal askari oo ka dhaawacantay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wariyaha waxaa kaloo uu sheegay in uu arkay meydka qoys afar ka koobaan oo hooyada lee ay ka badbaaday markii uu ku dhacay gurrigooda hoobiye la soo tuuray.

Sidoo kale waxaa jirta dad kale oo rayid oo ah xabada ay ugu tagtay gur yahooda.

Magaalada waxaa kaloo la sheegaya in dadkii ku noolaa ay ka barakaceen.

Magaalada caawa lagu soo rogay bandow, waxaana laga cabsi qabaa in ay soo weerarraan Al-Shabaab.

Magaalada Qoryooleey waa magaalo muhiim ah, waayo Shabaabka waxa ay ka difaaci jireen magaalada Baraawe oo ah xudunta Al-Shabaab.

Qoryooleey waa magaalo 90km u jirta dhinaca koonfur galbeed magaalada Muqdisho.

Halkan ka daawo Qaabkii loo diyaariyey weerarkii Qoryooley

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com

Use Facebook to Comment on this Post

Daawo Video: Sh Yuusuf Indha-Cadde: Somalia waxaa daba qabtay beesha…

$
0
0

Use Facebook to Comment on this Post

Xog: Madaxweyne Xasan & Somalia oo shirqool loo diyaariyey (Qorshe halisa)

$
0
0

Nairobi (Caasimada Online) - Beesha caalamka iyo dalalka deriska la ah, ayaa billaabay qorshaha Somalia ee 2016-ka, oo ujeedkiisa ugu weyn uu yahay in madaxweyne Xasan Sheekh, aanu hoggaanka dalka dib ugu soo laaban, Somalia-na aysan marnaba helin dowlad dhexe oo awood badan, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Ilo-wareedyo aad iyo aad loogu kalsoon yahay, ayaa Caasimada Onlineu xaqiijiyey in Madaxweynaha, ayaaa ayaa lagu qasbay in uu aqoonsado dawlado lagu sheegay inay federaalka Soomaaliya ka mid noqonayaan, oo ay hogaaminayaan shaqsiyaad muuqaalka Soomaali ka ah, balse maskaxdooda laga maamulo wadamo shisheeye.

Shaqsiyaadkaas, ayaa ah kuwo caqabad ku ah in la helo dawladnimo shaqeysa oo dalka Soomaaliya yeesho, maadaama maamul goboleedyada la xoojinayo.

Dawladahaan oo hadda qaar dhisan yihiin, qaarna la doonayo in la dhiso, ayaa looga gol lee yahay inay lagu soo kordhiyo kala qeybsanaanta dalka iyo in meesha laga rabitaanka shacabka.

Dhammaan maamulladan, ayaan loo mareyn sharciga dalka udhisan, waxaana maamul goboleedyada lagu qasbay madaxweynaha inuu aqoonsado ama uu aqoonsan doono ay kala yihiin.

1- Dawladda Somaliland oo Madaxweyne ka yahay Siilaanyo.
2- Dawladda Puntland oo uu Madaxweyne ka yahay Cabdi Weli Gaas
3- Dawladda KMG Juba oo Madaxweyne ka yahay Ahmad Madoobe
4- Dawladda Koofur Galbeed oo la doonayo in Shariif Xassan Madaxweyne looga dhigo.
5- Dawladda Hiiraan iyo Shabelle oo la doonayo in la hirgeliyo
6- Dawladda Galmudug oo la doonayo in shir loo qabto Galmudug, Ximan iyo Xeeb iyo ASWJ loona dhiso dawlad cusub.

Lixdaan Dawladood, ayaa inta dhisan haatan ay madaxweynayaal ka yihiin dad diidan dawladda Xasan Sheikh, inta lasoo wadana madax looga dhigi doono dad diidan dawladda Xasan.

Dawladahaani qaabka ay u dhisan yihiin waxaa ay la mid tahay sida DKMG ah u dhisan tahay, Ma jiro wax sharci ah oo jira oo ay dawlada federaalka kula shaqeynayaan.

Dawladahaan oo la sheegayo inay kamid yihiin Federaalka Soomaaliya, ayaa haatan Caalamku ula macaamilaa si la siman Dawladda Federaalka Soomaaliya, shirarka hay’adaha iyo safaaradaha Maamula Dhaqaalaha Soomaaliya sida UN-ka, EU-da u qabtaan Soomaaliya. ayaa waxaa si siman loogu casuumaa Dawlada Federaalka iyo Maamulada Kale.

Shanta Dawladood oo laga doonayo Koofurta oo qaarna dhisan yihiin qaarna si qasab ah la doonayo in loo dhiso, ayaa la sheegayaa inay soo xuli doonaan Baarlamanka Cusub oo bedeli doona baarlamaanka haatan jira maadaama aysan suuragal ahayn in doorasho xor ah laga qabto dalka Soomaaliya sanadka 2016-da.

Sida xogta Caasimada Online ay heshay ay ku warrameyso, Madaxda 5-taan dawladood iyo Dawladda Federaalka oo uu meteli doono Madaxweynaha ama Ra’iisul wasaaraha ayaa noqon doona saxiixayaasha cusub oo dhisi doona dawladda lagu bedeli doono tan hadda jirta.

Dowladda cusub ee iman doontana waxa ay ahaan doontaaa mid sidan oo kale ah, oo aan lahayn wax awood ah, ayna la siman yihiin maamul goboleedyada, waxaana meesha ka baxaya doorasho xor ah, ugu yaraan illaa 5 sano oo kale.

Waxaa qorshuhu yahay in dalka sidaa ahaado, ayada oo maamullada ay dowladda dhexe ay is garab socon doonaan, si aan marnaba loo helin dowlad dhexe oo awood leh, ugu yaraan waqtiga ay reer galbeedku ugu tala-galeen in dalka sidaan sii ahaado.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Use Facebook to Comment on this Post

Daawo: Xamar & isbedelka habeenkii

$
0
0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo Xiligii habeenkii si weyn isku badashay Bilic ahaan & Muuqaal ahaan, Muqdisho in aad joogto ma u maleyneysid sida Magaaladu dhan ay u wada ifeyso.

Muuqaal kooban oo laga sameyay Nalalka Samaafaraha & Shacabka habeenkii Muqdisho ka damaashaadana oo si nabadd ah ku mushaaxaya Wadooyinka Magaalada ee nala daawo adaa ka heli doonee.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post


Daawo Video: Wasiir ka tirsan DFS oo kasoo jeeda woqooyi ayaa midnimada dalka dhaawacay (Hadal aad u weyn)

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Wasiir ka tirsan dowladda federaalka Somalia, oo deegaan ahaan kaso jeeda deegaanada waqooyi ee la baxay Somalilad, ayaa ku hadlay ereyo liddi ku ah qarannimada Somalia, isaga oo muujiyey in dalka uu laba u kala qeybsamay

Waa Wasiirka Macdanta iyo biyaha Dowladda Federalka Somalia Jamac Oday oo qabiil ahaan u dhashay Isaaq gaar ahaan Habar Jeclo, wuxuua yiri “DALKII LA ISKU ORAN JIRAY SOMALIA EE BURBURAY SANADKII 1990-kii”

Horey ayaa wasiirkii arrimaha dibedda Somalia Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo kasoo jeeda gobollada waqooyi waxa ay u diiday inay qirto in midnimada Somalia ay tahay lama taabtaan, ayada oo tiri “Somalia iyo Somaliland-ba waa labadeyda dal”.

Jaamac Oday wuxuu horey uga mid ahaa Maamulka Somaliland, wuxuu la ilma adeer yahay Siilaanyo.

Hadalka Wasiir Jaamac Oday wuxuu qof kasta oo waddani ah ku noqonayaa dhaawac uusan qalbigiisa ka bogsoon ebid maxaa yeelay waa arrin la yaab leh sida Wasiir ka tirsan Dowladda Federalka Somalia ugu tiraabo erayo nuucaas ah?

Halkan ka daawo Hadalkiisa

Xilalka dowladda Somalia, ayaa u eg un kuwo loo soo shaqo doonta, oo aanay qasab ahayn muwaadannimo, waxaana taas u daliil ah in xittaa madaxweyne Xasan Sheekh uu lee yahay la-taliye caddaan ah oo ajnabi ah.

Waxaa iminka la is-weydiinayaa Baarlamaanka Somalia tilaabo maka qaadi doonaa Jaamac Oday? Ra’isulwasaare Cabdi Wali xilka maka qaadi doonaa?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Use Facebook to Comment on this Post

Video: Baaq ku socda QURBO-JOOGTA

$
0
0

Muuqaal cajiib ah oo la soo dhigay Barta Youtube-ka kaas oo ku socda Qurba Joogta Soomaaliyeed ee dalka ka maqan, waxaana loogu baaqayaa in sidaan ay tahay Magaalo Madaxda Dalka ee Muqdisho.

Fariintanu waxeey ku tusineysaa in isbadalx oog leh uu ka dhacay Dalka gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ee nala arag muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Daawo: FAARAX Macallin oo weeraray Hawiye & safiir America oo u jawaabay

$
0
0

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macalin iyo Cali Americo oo ah safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa kulan ka dhacay Nairobi isku dhaafsaday eedeyn iyo jawaabo, ka dhashay markii Faarax Macallin uu weeraray safiirka iyo sidoo kale beelaha Hawiye.

Faarax Macalin oo hadalka ku horeeyey ayaa sheegay inay in waxa la yiraahdo Al-Shabaab ay tahay sheeko lagu qaraabto oo ay xitaa dowlada Soomaaliya iyo reer galbeedka isla wataan. Isagoona si gaar ah usoo hadal qaaday in laftiisa lagu eedeeyey inuu yahay Al-Shabaab, kadib markii uu sidaasi ku qoray warqad Ali Ameerico, waa sida uu hadalka u dhigaye.

” Aniga Faarax Macalin ah ee idin la hadlaya ayaa la igu yiri Al-Shabaab ayaa tahay, waadna la socotaan inay Al-Shabaab leeyihin Faarax macalin waa gaal ee qoorta kasoo jara. Marka halkaasi ka garo waxa Al-Shabaab la dhaho inay tahay wax la isaga qaraabto.

Cali Ameerico oo ah safiirka Soomaaliya oo halkan fadhiya ayaa hadda ka hor lagu qasbay inuu aniga warqad uu igu leeyahay Faarax waa Al-Shabaab inuu qoro, waana uu qoray, maxaa yeelay shilimaadka ayaa muhiim ah” ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macalin.

Dhinaca kale waxaa uu Faarax Macalin weerar toos ah ku qaaday dowlada Soomaaliya ee fadhisa Muqdisho, isagoona sheegay inay yihiin HAWIYE raba inay xoolaha dalka kaligood dhacaan,sida uu hadalka u dhigay, sidaasi darteedna aysan u dhagaroobi doonin qabiil aaminsan inay dhaqaalaha dalka un dhacaan oo aysan u muuqan dowladnimada intaasi ka ballaaran, waa sida uu hadalka u yiri Faarax Macaline.

Cali Ameerica oo hadalka qaatay, ayaa waxaa uu difaacay qeyb ka mid ah hadalkii Faarax, isaga oo sheegay in dowladda Somalia aysan ahayn dowlad qabiil, balse ay tahay mid federal ah, oo ay Soomaali ku mideysan tahay.

” Faarax Macalin inkasta oo uu tagay, isagana waan u sheegay hadalka aan iminka idin sheegi doono. Aniga ma ihi safiirka dowladaha Itoobiya,Kenya iyo dowlad kale toona, balse waxaan ahay safiirka dowlada Soomaaliya. Dadkan uu ku sheegay inay Muqdisho joogaan ee dowlada madaxda ka ah ma ahan qabiil kaliya ee waa dowlad Soomaali oo dhan ay wada dhisatay. Sidaasi in aan u fahano ayaa muhiim ah, isagana waan u sheegay” ayuu si dhib yar u yiri Cali Ameerica.

Halkan ka daawo hadaladaasi la is dhaafsaday. 

Isha: K24

Use Facebook to Comment on this Post

AMIIN oo sawir qosol leh ku muujiyey qaabkii Shariif Xasan loo soo ceyriyey

$
0
0

Use Facebook to Comment on this Post

Video: Horumarka dekadda MUQDISHO

$
0
0

Dekada weyn ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo sameysay Sanadkaan horumar weyn oo aan horay uga hir gelinay Dekada muqdisho tan iyo markii la howl geliyay Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho.

Muuqaal cusub oo laga soo duubay Horuamrka baaxada weyn ee ka soconaya Dekada Muqdisho ayaa waxaan jaceyl nahay in aan idinla wadaagno si aad u aragtaa horumarka weyn ee ka soconaya Dekada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

Use Facebook to Comment on this Post

Viewing all 817 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>