Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all 817 articles
Browse latest View live

SAWIR GACMEED qosol badan oo laga sammeeyey muqayiliinta ENGLAND

$
0
0

Farshaxaniistaha Soomaaliyeed ee Abdul Arts ayaa sawir gacmeed qosol badan ka sameeyay joojitaanka Qaadka ee Dowladda Ingriiska iyo Muqayaliinta Soomaaliyeed.

Sawirkan oo ah mid aad u qosol badan sida idiin muuqda, wuxuuna ka turjumayaa nolosha Aabayaal Soomaaliyeed oo reerkiisa ka war qabin intii uu dalka Ingriiska kasoo degayay Qaadka ama Jaadka.

Wuxuu Sawir gacmeedka uu tilmaamayaa in markii ay dowladda Ingriiska joojisay Qaadka Tallaadan 24-06-2014, Aabeyaal badan ay dib ugu laabteen guryahooda iyagoo ku baxay garka iyo timaha, iyagoo aan ka warqabin caruurtooda iyo xaasaskooda.

“Alxamdulilah Faarax hadaad noo soo laabatay”ayey leedahay Faarax Xaaskiisa, halka wiilkiisa uu isna oranayo Hooyo ninkan Aabe miyaa? waa sawir runta inta badan ka hadlayo.

Farshaxaniiste Abdul Arts wuxuu inta badan sawiradiisa ugu hadlaa arrimaha bulshada iyo dhacdooyinka u baahan in lasoo bandhigo looguna hiiliyo bulshada.

abdul-arts


Maxaad kala socotaa 5-ta QORSHE ee laga lee yahay aqoonsigii 3-da GOBOL iyo 5-ta dhinac ee danahooda fulistay

$
0
0

Hanjabaadda Afeey, Hoosaasinta Nicholas Kay iyo Hamiga Reer Galbeedku, Soomaaliya halkee ku furi doontaa?

Heshiis la soo dhoodhoobay oo ujeedooyin badan laga leeyahay ayaa waxaa durbaba ka soo horjeestay inta badan bulshada degen gobolada la isku sidkay ee aan Juquraafia haan iyo dhaqan ahaanba aan waligood is raacin maamul iyo degaana wadaagin. Dadka ka soo horjeestay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha 6-da gobol Mudane Nuunoow. Maamulka Shabele State. Iyo Beelweyne Hawiye ee degaan balaaran ku leh dhulkaas.

Ujeedooyinka laga leeyyahay heshiis ku sheegaan waa maxay?

Waxaa jira ujeedooyin is barkan oo ay kala wataan madaxweyne Xassan Sheikh, Raaisal wasaare C/wali, Guddoomiye Jawaaari, IGAD iyo Cabdi Afeey, Ergayga Qaramada midoobay, iyo dalalka darisk ah. 

Maxay tahay Qorshaha madaxweyne Xassan?

Madaxweyne Xassan run ahaan marka la eego qaabka ay wax u socdaan iyo heshiiskaan hadda uu ogolaaday waxa uu ka faa´idayaa sida uu isagu u arko markaan qiyaasno waa.

  1. Inuu ugu horeyn iskaga dejiyo mawjadaha siyaasadeed ee kaga imaanaya baarlamaanka iyo dawladda dhexdeed
  2. Inuu ku raali geliyo beesha caalamka oo sida wax u socdaan raali ka ah, oo isku tusiyo nin aan ka hor imaanayn awaamirta iyo qorshayaasha ay waxa loogu yeero beesha caalamku Soomaaliya ka leeyihiin iyo  sida ay wax u arkaan inuu ku taageero, si maamulkiisu u noqdo mid taageero ka helaa beesha caalamka.
  3. Inuusan ka hor imaan qorshayaasha ay wataan dalalka dariska nala ah gaar ahaan dalalka Itoobiya iyo Kenya.
  4. Inuu qanciyo beelaha Soomaaliyeed ee aan ahayn beeshiisa Hawiye oo uu asagu ku fadhiyo kursiga ay awood qaybsiga dawladda Soomaaliya ku leeyihiin .

Maxay tahay qorshaha Ra´iisal wasaare C/wali?

Ra`iisal wasaaraha oo ah shaqsi aad u taageersan qorshahaan danbe ee lagu aqoonsaday maamulka saddexda Gobol, waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u galay inuu ka taqaluso maamulka 6-da gobol iyo kan 2-da gobol oo xitaa loo quuri waayey inay dawladdu marnaba ay carabkeeda soo marsiiso magaciisa, si saaxaddaba loogaga saaro.

C/wali Rá´iisalwasaaraha oo safaro ku tagay dawladaha dariska sida Itoobiya iyo Kenya, asagoo sidoo kale safar dhulkaa ku tagay gobolka shabeelada Hoose. Wuxuu dawladahaas kala soo hadlay qorshihiisa ku saabsan aqoonsashada saddexdaan gobol oo maantay la soo gabagabeeye. Haddaba muxuu Ra´iisalwasaare C/wali ka dheefayaa qorshaha aqoonsiga maamulkaan 3-da gobol ee koonfur galbeed?

  1. In aan maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba Administration aan lagu qabsan saddexda gobol ee ay sheegtaan inuu hoos yimaado, kuwaas oo kala ah Gedo, Jubbada Hoose, iyo Jubbada Dhexe.  Goboladaas oo uu maamulka 6-da gobol ee koonfur Galbeed uu sheegto asna inuu xukumo.
  2. Inuu beelaha Hawiye oo uu colaad dheer u qabo uu ka ilaaliyo inay saameyn siyaasadeed oo muuqata ay ku yeeshaan gobolada Koonfureed ee Soomaaliya asagoo ka duulaya siyaasadda cusub ee ay hormuudka ka yihiin ururka sida  qabyaaladeysan  loo maalgaliyey inuu hogaamiyo siyaasadda Daaroodismka ku dhisan ee SAHAL. Taas oo oranaysa in Hawiye loo adeegsado dawladaha dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya ayadoo laga faa´ideysanayo waxa loogu yeero federalismka.
  3. Ra´iisal wasaare C/walli wuxuu fulinayaa siyaasadda dawladaha dariska sida Kenya iyo Itoobiya oo dano waaweyn ka leh Soomaaliya qaasatan gobolada Koonfureed, dalalkaas oo ayaguna ku taageeraya qorshihiisa qabyaaladeysan ee SAHAL.
  4. Ra´iisal wasaare C/wali wuxuu maamulka Rimay gacmeedka ah ee Jubba Administration u xalaaleeyey gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo ay sheegtaan inay ka taliyaan laakiin aysan in ka yar boqolkiiba 2 ( 2%), aysan ka talin.
  5. Ra´iisal wasaare C/wali wuxuu si wanaagsan ugaga soo dhalaalay awood qaybsigii uu ku yimid ee ahaa inuu beelaha daarood u matalo xubinta ay ku leeyihiin dawladda Dhexe oo si wanaagsan uu ugu soo cad gooyey xaq iyo xaqdaraba.

Gudoomiye Jawaari iyo waxa uu ka faa´idayo?

Jawaari qaabkiisa kama foga midka Ra´iisal wasaare C/wali, balse wuxuu asagu ku shaqeynayaa ku qabso ku qadi meyside waxa uuna dhulbalaarsi weyn u doonayaa maamul kasta oo Baydhabo ka hirgala kaas oo ku shaqayn doona habka qariban ee la doonayo in mar kale dagaal aan dhammaan loogaga dhex abuuro Soomaaliya kaas oo ah FEDERAALKA.

  1. Jawaari wuxuu doonayaa inuu maamulka Baydhabo fadhiistaa uu helo deked uu dhaqaale iyo ganacsi ka sameeyo, wuxuu qorsheeyey oo uu taageersanaa siduu maantayba qudbadiisii ku sheegay maamulka 6-da gobol asagoo quud- dareynaya labada dekadood ee Kismaayo iyo Marka inuu mid heli doono.
  2. Jawaari Wuxuu asna ku shaqaynayaa awood qaybsiga uu dawladda ku fadhiyo oo wuxuu dagaal dheer ugu jiraa in DIGIL IYO MIRIFLE, waliba beeshiisa reer Digil inay hesho awood dheeraad ah oo ay ku yeelato gobolada Koonfur Galbeed.
  3. Jawaari wuxuu doonayaa inuu meesha ka saaro sheegashada ay beel weynta Hawiye sheeganayso inay dhukaas degaano ku leeyihiin, wuxuuna xulufo hoose la yahay beelaha Daarood ( SAHAL ), ee dagaalka ba ´an kula jira beelweynta Hawiye oo u muuqata inay aamintay nadaamka dawladeed ee lagu soo wada hoos dhuuntay.

IGAD iyo Cabdi Afeey ayaguna waa maxay qorshahooda Saddexda gobol?

Affey oo ku faraxsan aqoonsiga iyo fowdada ka dhalan doonta

Affey oo ku faraxsan aqoonsiga iyo fowdada ka dhalan doonta

Waa laba qorshe oo isi saaran waa mide midka koowaad waxaa iska leh IGAD, oo ay hogaaminayaan Itoobiya iyo Kenya.

  1. IGAD waxaaa magaceeda ku shaqaysanaya dawladaha Itoobiya iyo Kenya oo heshis ku ah burburinta iyo duleynta dawladda Soomaaliya iyo shacabkeedaba, doonayana inay mar walba kala qaybsanaadaan qola walibana sii kalaa qaybsanaadaan dhexdooda.
  2. Itoobiya iyo Kenya waxay doonayaan inay helaan laba maamul oo Federaal ah oo sida Somalailand iyo Puntland ah inay ka helaan Koonfurta Soomaaliya kuwaas oo kala ah Kenya oo haysata Jubba Adminsitaraion, iyo Itoobiya oo hesha Koonfurta Soomaaliya, lamana doonayo in hal meel laga wada xukumo oo waxaa la doonayaa in midna AddisAbaba uu amar toos ah ka qaato midna Nairobi, sida haddaba muuqata.
  3. Afeey wuxuu ka faa´ideysanayaa magaca IGAD oo uu ku joogo Soomaaliya asagoo qabiilkiisa xooga ku haysta Kismaayo ku difaacaya Magaca uu ku matalaayo urur goboleedka IGAD oo uu marna wakiil ugaga yahay kenya, marna qabiilkiisa Ogaadeen (Kablalax ), marna uu siyaasadda guud ee Uruka IGAD oo ay ku shaqaystaan Kenya iyo Itoobiya uu u matalayo labadaas dawladood, dantooda hoose ee Kenyana meesha kama maqna.
  4. Afeey wuxuu dagaal cad la soo qaaday C/llaahi Yuusuf  waqtigaas oo uu dawladda Kenya u ahaa safiir  Soomaaliya ugu magacaaban laakiin uusan ku shaqaynayn diploomaasiyada ay safiiradu ku shaqeeyaan balse uu la falgalayey siyaasadda qabyaaladeysan ee Soomaalid ka dhaxaysa, asagoo si toos ah ula safnaa xasuuqii uu C/llaahi Yuusuf ka geystay Magaalada Muqdisho iyo degaanada ku hareeraysan. Waxaa muuqata inuusan wali mashruucaas ka tanaasulin oo uu waliba dalacaad dheeraad ah ku sii helay, marka shaqadiisa ayuu sii wadanayaa si uu u sii dalaco.

Nicholas Kay iyo Reer Galbeedka

Kay iyo reer Galbeedku ujeedkiisu waa inay Soomaaliya sii burburto oo ay sii ahaato dawlad aan marnaba ka hoos bixin gacanta reer galbeedka ayagoo la sugaaya inta ay siyaasad mideysan ka yeelanayaan dhammaantood iskuna waafaqayaan sidii ay u qaybsan lahaayeen qayraadka iyo ilaalinta marinada muhiimka ah ee mara Soomaaliya badaheeda, iyo mustaqbalka sid aay ugu heshiin lahayeen dawladaha Yurub iyo Maraykanka oo islana socda haddana kala socda. Ogow reer galbeedku siyaasadda Soomaaliya iskuma waafaqsana.

  1. Qorshaha Kay waa in uu Soomaaliya xaalkeeda sii fogeeyo si uu xafiiskiisu u sii furnaado ka dibna uu u yiraahdo Soomaaliya dawlad ma noqon kartee dawladnimo ha la gaarsiiyo oo caalamku ha u soo diraan ciidamo UN ah oo ilaaliya maamul si toos ah u hoos yimaada qaramada midoobay asna uu madax ka yahay, arintaas waxaa qaba dad badan oo siyaasiyiin ah, oo waliba si wanaagsan ugu dhuun daloola qorshayaasha uu maleegayo Nicholas kay oo ah nin mudo dheer ka so shaqeeyey dalal Afrikaan ah oo ay dagaalo sokeeyo aafeeyeen sida Congo, iyo Sudan.

Haddaba Wax walba waxay ku dhammaanayaan sid auu ilaahay doono, laakiin waxaa muuqata in Soomaaliya dib loogaga abuurayo dagaalo sokeeye oo abuuri kara in mar kale uu ku daato dhiig badan, kaas oo asalkiisu yahay FEDERAAL iyo anagaa iska leh dhulkaan ee nooga guura.

Waxaa aad loogaga cabsi qabaa in ciidamda hadda ku sugan Soomaaliya aysan dalka ka bixin ayagoo ku mar marsoonaya inaan Soomaaliya xasiloonayn, ayaguna ay ka shaqaynayaan inaan Soomaaliya Siyaasad ahaan iyo amni ahaanba u xasilin.

Laakiin cabsida ugu weyn ee aan qabo ma ahan dagaalo dhaca oo kaliya ee waxaan aad ugaga baqayaa in ay meesha ka baxdo magacii dawladnimo iyo jiritaanka sharciyadeed ee ay haysato oo hadda wax weyn oo aan Soomaalidu fahamsanayn ku fadhida haddii loo helo dad macnaheeda ku shaqeeya oo kaliya ayagoo yaqaanna waxa ay xaq u leeyihiin.

Ugu danbeyn waxaan leeyahay DIIN ayaa waxa la yiri Diinoow waxaa kuu tashanayey Haad oo waxay ku tashteen inay beri hilibkaaga kala goostaan. Markaas ayuu yiri meeshii la iigu tashanayey soo Ilaahay ma joogin, markaasaa la yiri HAA.

Markaas ayuu ku jawaabay haddaba ALLAAN talo saartay, Alle aamina ma iisho. Waxaa la yiri subaxdii ayuu wuxuu Diinkii soo toosay asagoo qolof adag Ilaahay ku dahaaray sidaasna uu ugaga badbaaday dhibaatadii ay Haadu la damacsanaayeen.

Soomaaliya meesha loogu tashanaayey Ilaahay ayaa joogay waxaana Alle ka baryeynaa inuu naga qabto cid walba oo dhibaato nala maagan. Qoloftii Ilaahay Diinka ku dahaarayna uu noogaga dahaaro dhibka iyo qiyaanad ay nala maagan yihiin cadowga umadda Soomaaliyeed.

Mar kale waxaan leeyahay qoraalkani ma dhiira galinaayo qabiil iyo qabyaalad toona . Waa odoros siyaasadeed iyo fikir shaqsi, waxaan mar walba soo dhaweynaynaa cidii fikirkaas iyo falanqayntaas mid ka duwan qaba.

MIIN, AAMIIN, AAMIIN,

DHAMMAAD

Ali Hersi

www.facebook.com/Ali Kabayare

Siday ku billaabatay Afarta Faataxo oo Soomaalida isu marto? (Wax ka ogow)

$
0
0

Erayga Faatixa macnahiisu waa “Furto”, waa magaca la siiyay suuradda quraanka kariimka ah lagu furo, (opening chapter, waxay ka kooban tahay 7 aayadood. Waxaa lagu magacaabaa (ا م الكتاب) kitaabka hooyadii. Waa tiirka 4aad ee 18ka tiir ee salaadda, rasuulkana scw wuxuu yiri: (لاصلاة لمن لم يقرأ بام الكتاب) Salaad maleh qofkii aan Faataxada akhrinin, kamana  ansaxin.

Ilaah Subxaanu wa tacaalaa wuxuu nabigeena ku yiri: ( ولقد ءاتيناك سبعا من المثانى و القرءان العظىم( ) Waxaan ku siinay 7 la celceliyo iyo quraanka weyn, Alxijri (87). Faataxada waxaa lagu celicliyaan salaadda dhaxdeeda, waxaana lasiiyay nabiga scws, lagu yiri: Indhahaaga ha u taagan wax aan ugu raaxeynay nuucyo dadka ka mid ah, sidaasaana sha,nniga  faataxada u weyn.

Abkoowyaasheenii waxay nagu dhihi jireen Faataxo waa faras mu,min. Farasku wuxuu ahaa gaadiidkii ugu fiicnaa oo xlligoodii jiray, kuna gaari jireen meesheey doonaan, faataxadana waxay aaminsanaayeen in qofkii niyadsami loogu maro in liibaan ku gaari doono. Sidaas darteed, ma jirin wax ay ku doorsadaan.

Magaalada Muqdisho, waxaan goobjoog u horaantii 80-naadkii, nin macruuf aan ahaynay oo asagoo mooto saarnaa fatuurad lagu dilay iyo wiil mid kale eryaayay oo kan dambe madaxa albaab ku dhufsaday, sidaana ku geeriyooday, markii ehelkoodii diyo loo geeyay ay doorbideen in 4 faataxo loo maro.

Haddaba, sideey ku bilaabatay 4ta faataxo oo aan maanta isu marno iskuna maslaxno? Sheekadu (legend) waxay leedahay in odaygii Cali Cusmaan “Abgaal” (Camels,  Ancestor) uu maalin damcay inuu rati gado.

Wuxuu u yeeray mid wiilashiisa ka mid ahaa, kuna yiri “Ratigaan soo gad, qofkastoo qiimo kuu gaarana weyddii, Maxaa intaa dheeer?” wiilkii qiimaha ratiga loo gaaray qof wax dheeri ah ugu daro waa waayay hal nin maahee. Kaasoo u gaaray inuu kaga iibsanaayo tiir (Beam), Wiilkii wuxuu waydiiyay “Maxaa dheeri ah”? Ninkii wuxuu ugu jawaabay “4  faataxo”. Sidaasuu ratigii uga gaday, uguna laabtay aabbahiis oo markuu guriga yimid weyddiiyay.

“Maxaad ku soo gaday ratigii?” looguna jawaabay “Tiir: Maxaa dheeri ah? 4 faataxaa ayaa loogu warceliyay”. Cali Cusmaan wuxuu ku qancay beecii ratigiisa.

Waxaa la jarjaray tiirkii oo dab uu oday diirsado loogu shiday. Hase yeeshee markii qaacii (smoke) dabka uu odagii ku baxay, waxaa dhacday mucjiso la yaab leh.

Odayga oo indho beelay, indhihiiyaa u furmay, waxaa u soo noqday araggiisii. Kolkaasaa indhoolayaashii degaanka oo idil ay maqleen in reer Cali Cusmaan ay heleen tiir qaaciisa indhaha furo, kana soo raadsadeen ayagoo u sido xoolo ka fara badan qiimo kastoo ratigaa laga siin lahaa.

Sidaasey faataxada noogu timid waxaana lagu gaaraa liibaan uusan malaysan karin dadka qaarkiis.

W/Q: Axmed Moxamed Axmed

Fashilkii DF ka raaacay aqoonsiga 3-da gobol iyo arrimihi uu soo shaac bixyey

$
0
0

Khilaafka u dhexeeya labada kooxood ee siyaasadda ee Baydhabo, oo ay hoggaamiyaan Maxamed Xaaji Cabdinuur iyo Madoobe Nuunoow Maxamed, ayaa gaadhay heer cusub ka dib markii ay xukuumadda Soomaaliya shaacisay inay heshiis ku dhex dhigtay labada dhinac kulan uu ka maqnaa Maxamed.

Cabdinuur iyo Maxamed ayaa isku hayay sameeyska gobolka cusub ee Soomaaliya ee Koonfur-galbeed taniyo March sannadkii hore, markii labadaba loogu doortay madaxweynenimo labo shirweyne ee iska soo horjeeday oo lagu qabtay Baydhabo, mid sharciyeeynayay maamul-goboleed ka kooban saddexda gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, iyo mid kaloo ku baaqayay in gobolka cusub ay sidoo kale ka mid noqdaan Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, ee sannadkii hore ku modoobay Maamulka Ku-meel-gaadhka ah ee Jubba (IJA).

Laakiin 23-kii June, ayay xukuumadda Soomaaliya shaacisay in madaxweynaha maamulka saddexda gobol, Cabdinuur, iyo wakiillo ka socda maamul-goboleedka ka soo horjeeda ee lixda gobol ee uu hoggaamiyo Maxamed ay isafgarteen oo Muqdisho ku saxiixeen heshiis ah inay si wadajir ah u sameeyaan maamul-goboleed ku-meel-gaadh ah oo ka taliya Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Si kastaba ha ahaatee Maxamed, ayaa heshiiska diiday, kuna tilmaamay “waxba-kama-jiraan” sababta oo ah wasiirka magaciisa ku saxiixay, Cabdifataax Maxamed Ibraahim, ma uusan mataleeyn isaga waxaana xilka laga qaaday inta uusan wadahadalka ka qeyb qaadan ka hor.

Wadahadal dheeraad ah iyo dib-u-heshiisiin ayaa loo baahan yahay

Heshiisku wuxuu sidoo kale dhalleeceeyn badan kala kulmay hoggaamiye-beeleedyada iyo siyaasiyiinta oo ugu baaqay xukuumadda federaalka ah inay ka noqoto heshiiska oo ay fududeeyso wadahadallo dheeraad ah si loo hubiyo inay dadka ay khuseeyso oo dhan ka qeyb qaataan hannaanka dib-u-heshiisiinta.

Shacabka ayaa sidoo kale ka dhiidhiyay heshiiska, iyagoo muddaaharaadyo socday saddex maalmood oo isxigay ku qabtay Baydhabo kuwaas oo dhammaaday markii ay bisha Ramadaan bilatay 29-kii June.

“Go’aanka xukuumadda [ee ah inay aqoonsato maamulka saddexda gobol] ma shaqeeynayo waayo wuxuu ka soo horjeedaa dastuurka,” ayuu yidhi Xasan Cilmi Yaxye, oo ka mida odayaasha beesha Hawiye. “Dastuurku wuxuu dhigayaa in labo gobol ama ka badan oo is oggol ay sameeysan karaan gobol federaal ah, laakiin shacabka Shabeellaha Hoose diyaar uma aha inay ku biiraan Baay iyo Bakool.”

“Waxaa jira dagaal [qabiil] oo ka socda Shabeellaha Hoose. Waxay u baahan tahay nabadeeyn, sidaas darteed waa inay dadku marka hore heshiiyaan,” ayuu yiri.

Dhiniciisana, Maxamed, madaxweynaha maamulka lixda gobol, ayaa sheegay in arrinka ugu muhiimsan ee meesha yaala u yahay sidii loo hubin lahaa in dadka ka soo jeeda dhammaan qabiillada dega lixda gobol ee la isku hayo ay uga qeyb qaadan lahaayeen siyaasadda oo loogu matalli lahaa dawladahooda hoose.

Intii aan meel dhexe la isugu iman, ayuu yidhi, waxaa loo baahan yahay in wadahadallo dheeraad ah lala galo IJA. “Tani waxay horseedi kartaa in laga heshiiyo sidii loo aqoonsan lahaa [loona ilaalin lahaa xuquuqda] dadka ku nool Jubba oo nagu haybta ah iyo dadka ka soo jeeda Jubba oo ku nool Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose,” ayuu Maxamed yiri.

Heshiiska oo bannaanka u soo saaray khilaaf ka dhex jira xukuumadda federaalka ah

Heshiiska muranka dhaliyay ayaa sidoo kale kala qeybiyay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre uu ka soo horjeestay tallaabada, uguna yeedhay mid aan dastuurka waafaqsaneeyn oo aan waqtigiisii la gaadhin.

“Illaa hadda, Golaha Wasiirradu iskuma aysan afgaran sharci qeexaya nidaamka loo sameeynayo maamul goboleedyada,” ayuu Barre ku sheegay waraysi uu la yeeshay Laanta Soomaaliga ee BBC-da, isagoo raaciyay inay tahay in arrinka dib loo dhigo illaa goorta ay xukuumaddu go’aan cad ka gaadheeyso nidaamka loo sameeynayo gobollada federaalka ah.

Barre ayaa sidoo kale sheegay inaan wasaaraddiisa lagu wargelin heshiiska ayna heshiisyada noocaas ah meel uga dhacayaan shaqada wasaaradda.

Hase ahaatee, Wasiirka Isboortiga iyo Dhallinyarada Khaalid Cumar Cali, oo loo xilsaaray inuu hoggaamiyo wadahadallada labada kooxood ee Baydhabo isagoo matalaya xukuumadda federaalka, ayaa wax aan jirin ka soo qaaday dhaleeceeynta Barre sheegayna inuusan khilaaf ku aaddan sida loo wajahayo xaaladda Baydhabo ka dhex jirin hoggaamiyeyaasha xukuumadda federaalka.

“Madaxweynaha, afhayeenka baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaruhu waa ay isku wada raaceen. Hoggaanka dalku wuu isku afgartay heshiiska waxaana ansixiyay golaha wasiirrada. Dhammaantood iskuma raaceen haddii uu wax khaldan yahay,” ayuu yiri.

Xaggee halkan laga aadayaa

Ibraahim Cali Axmed, oo ka soo jeeda Baydhabo horayna u noqday guddoomiyaha degmada Saylac xilligii xukunkii Maxamed Siyaad Barre, ayaa sheegay in qaabka kaliya ee uu maamulka saddexda gobol ku guuleeysan karo ay tahay in la sameeyo wadahadallo dheeraad ah iyo nabadeeyn.

“Marka hore waa inay la fadhiistaan oo qanciyaan madaxweynaha lixda gobol, Madoobe Nuunoow [Maxamed]. Waa inay sidoo kale la heshiiyaan dadweynaha. Taas weeye midda xalka keeni karta,” ayuu yiri. “Wax shaqeeynaya ma jiraan haddii aan lagu bilaabin wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.”

Axmed ayaa sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha maamulka saddexda gobol inay hubiyaan in qabiillada laga tirada badan yahay ee ku nool gobolladaas laga qeyb galiyo sameeynta maamul-goboleedka cusub.

Wasiirka Qorsheeynta iyo Iskaashiga ee maamulka saddexda gobol Maxamed Cabdullaahi Mursal ayaa sheegay inay mas’uuliyiinta gobolkiisu qorsheeynayaan inay wadahadal la yeeshaan dhammaan qabiillada ay khuseeyso taas oo qeyb ka ah heshiiska.

“Danta Soomaaliya kuma jirto khilaafaad cusub,” ayuu sheegay. “Waxaan qof walba oo gobolka ka soo jeeda siinaynaa fursad uu uga qeyb qaato maamulka. Waxaan la hadleeynaa cid walba waxaana noo furnaanaya albaabka wadahadalka.”

Mursal ayaa sheegay inay sameeynayaan maamul ay dadka saddexda gobol ku nool oo dhan u siman yihiin lana soo dhaafay xilligii xoog wax lagu kala qaadanayey.

“Waan ka soo baxnay dagaalkii sokeeye dibna uguma noqoneeyno kaas. Waxaan ballan-qaadeeynaa inaan miiska wadahadalka ku qaabilno qof kasta oo aan dooneeyn inuu wax ku helo dagaal iyo qoriga caaraddiisa,” ayuu yidhi.

isha: Sabahi Online

Muxuu CABDI WELI kaga duwan yahay Saacid? Afar arrin oo lagu qiimeynayo

$
0
0

Waxaa dalka Soomaaliya ka socda ammaan xumo midii ugu darneyd. Waxaana magaalooyinka qaar u kala qeybsameen kuwa dagaalo sokeeya madaxa la galay iyo kuwa ammaankii ay halis geliyeen kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Saacid Faarax Garaad markii uu xukunka iska wareejiyey, waxa uu dalku galay marxalad aan la fileyn oo halis gelisay rajadii laga qabay dowlada ka baxday KMG inay dalka waddo horumarineyd ku rido. Waxaana dib loo milicsaday maalmihii qaraaraa ee dilalka qorsheysan iyo qaraxyada magaalada Muqdisho oo xarun u ah dowlada Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli Sheekh Axmed ay madaxda ka yihiin.

Haddaba waxaan rabnaa in aan warbixintan ku eegno qeybaha kala duwan oo ay dowladan ku fashilantay kadib markii uu xilka Ra’iisul wasaarenimo isaga degay Saacid Faarax Garaad oo lagu tilmaamo siyaasigii ugu hadal gaabnaa balse ugu wadanisanaa marka loo eego in waxqabadka  xooga la saaro, iyaddoo aan khilaaf iyo dhaqaale aruursi la isku mashquulin.

Amaanka Soomaaliya iyo Xukuumadda Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Waxaa markii uu xilka la wareegay Cabdi Weli Sheekh Axmed uu soo dhisay xukuumad midii ugu tirada badneyd waayahan danbe. Waxaana ugu yaabka badneyd xilliga xukuumaddaasi lagu dhawaaqay oo aheyd xilli badi ummadda Soomaaliyeed ay hurdeen (Saqdhexdii). Balse maalmo kadib dhowr wasiir ayaa xilalkii loo magacaabay islamarkiiba diiday inay qaataan. Waxaana laga xusi karaa Duqii hore ee magaalada Muqdisho Mr, Tarsan.

Waxaa taariikhda markii ugu horeysay si bareer ah weeraro loogu qaaday xarumaha astaamaha u ah dowladnimada Soomaaliya kuwaasi oo kala ah Madaxtooyada oo uu xilligaasi ku sugnaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo sida weerarkaasi loo qorsheeyey la rabay in lagu dilo. Waxaa halkaasi ay dowlada ku weysay shaqsiyaad iyo askar muhiim u ahaa dowladnimada Soomaaliya.

Maalmo yar dabadeed waxaa markale si  aan gabasho laheyn weerar loogu soo qaaday xaruntii Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo markaasi shir muhiim ah u fadhiyey. Waxaa weerarkaasi geystay kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, iyaddoo qorshaha weerarkan halistiisa uu hor istaagay askari taariikhda Soomaalida baal dahab ah ka galay ee Dahir Maxamuud Gurxan, kaasi oo haddii uusan aheyn khasaaraha qaranimo ee ka dhasha noqon lahaa mid mugdi xoogan ina geliya.

Intaasi kuma joogsan ee waxaa dib u bilowday qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lagu dilayo xildhibaanada iyo askarta dowlada Soomaaliya. Waliba waxaa lagu dilayaa  meelaha ay sida weyn ciidanka dowlada u joogaan ama ay madaxda dowlada sheegtaan inay ammaan xoogan ka dhaliyeen.!!!. Waxaa u danbeeyey dilkii allaha u naxariistee Xildhibaan Maxamud Xeyd loo geystay halka lagu dhaawacay Xildhibaan Coonka, kaasi oo sheegay inuu waayey wax usoo gurmada xilliga la weeraray.

Maanta oo la joogo waxaa markale weerar ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 10 halka uu dhawaca uu intaasi ka badan yahay uu ka dhacay banaananka hore ee baarlamaanka, kaasi oo noqonaya midkii labaad oo lala doonayey xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirkii xilka ammaniga hayey waxa uu xilkaasi iska casilay laba bil ka hor waxaana xilkiisa si ku meel gaar ah u haya wasiirka gaashaandhiga. Ra’iisul wasaare  Cabdi Weli Sheekh Axmed oo aad moodo inuusan garansaneyn muhiimadda magacaabista wasiirkii Ammniga ayaa ka bixi la’ diyaarado la raaco iyo xaflado laga qeybgalo.

Halka madaxweyne Xasan Sheekh isagana wasiirkii ammniga ku fashilmay yiri ” Waxaad ii noqotaa la-taliye dhanka siyaasadda ah”. Bal adba is weydii sababta uu xilkaasi ugu dhiibtay?

Xiisadii colaadeed ay ka taagneyd gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxaa xukuumadda ku yeelatay lug sii hurisay dagaaladaasi iyo si faham waaga halkaasi ka taagnaa. Waxaana si toos ah gobollada Gedo gaar ahaan Baledxaawo uga dhacay dagaal u dhexeeya wasiir wakiil u ah maamulka Jubba oo taageero uu siiyo Ra’iisul wasaare Dr, Cabdi Weli Sheekh Axmed iyo dadka deegaanka oo iyagu maamulayey magaalada Baledxaawo. Inta la ogyahay dad 10 kor u dhaafaya ayaa ku geeriyooday halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeyn dagaalkaasi.

Gobollada Shabeelaha Hoose ayey ka curteen dagaalo sokeeye kuwaasi oo dhexmaray qabiilo dowlada kawada tirsan. Waxaana la sheegayaa in ciidanka la isku adeegsanayo inay yihiin kuwii ay xukuntay xukuumadda Cabdi Weli Sheekh Axmed. Waxqabad iyo kala dhexgelid iska daaye waxaa uu dab kale kusii shiday ammaan xumadii ka jirtay gobolkaasi kadib markii uu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli ” Waxaan aqoonsaday mid ka mid ah maamuladii lagu dhisay Baydhabo ee sheeganayey inuu sadex gobol yahay, kaasi oo xukumi doono gobolkan lagu dagaalamay!!” Arrintaasi oo dhalisay in wasiirada, xildhibaanada iyo ciidanka beelaha Hawiye inay ka baxaan dowlada oo ay maalin dhan shaqada joojiyaan.

Halkaasi kuwa joogsan ee wasiirkii arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadaasi Mr, Goodax Barre ayaa si cad aqoonsiga Cabdi Weli bixiyey u diiday kuna tilmaamay mid aan jirin. Waxaana sidoo kale uu calaamad su’aal geliyey jiritaanka xitaa hishiiskii maamulka AXMED MADOOBE lagu aqoonsaday.

Gobollada Galgaduud, Sool iyo Sanaag ayaa midkasta dhankiisa dagaal uga socdaa. Waxaana ay salka kuwada hayaan dagaalo qabiil iyo maamulo isku xoog sheeganaya. Talaabadii laga filayey dowlada inay arrintaasi kuu caabiso wali ma qaadan, sidoo kalana kama muuqato hadda saansaan ay arrintaasi ku galeyso.

Gobollada Al-Shabaab laga qabsaday ayaa go’doon ku jira kuwaasi oo maalinkasta loo geysto weeraro sababa dhimasho iyo dhaawaca askarta iyo madaxda ciidankaasi. Dowladana waxay ugu dartay inay mushahar la’aan noqdaan ciidankaasi halista badan ku jira.

Siyaasadda Xukuumadda  iyo wadada ay heyso.

Xukuumaddan cusub marka laga reebo inay shirka ka qeybgalaan ayaan haddana waxaan laga heyn qorshe cad oo salka ku haya siyaasadda Soomaalida ee arrimaha dibada. Waxaana ay taasi keentay inay dib candhuuftooda u liqaan dowladihii rabay inay wax la qabtaan dowladan ka baxday KMG -ka.

Waxaa taasi daliil u ah dhaqaalihii faraha badnaa ee loogu yaboohay dowlada shirkii Belgium ilaa hadda ma soo gaarin. Waxaa sidoo kale xoogeystay faragelinta ay dowladaha dibada ku sameynayaan maamulada dalka, iyagoo aan usoo marin dowlada Soomaaliya. Waxaana tusaale ugu filan in dowlada Germany lacag  ka badan 23 Milyan ay ugu deeqday maamulka Cabdi Weli Gaas ee Puntland. Sidoo kale dowladaha UK, Holland iyo Swedan ayaa bilaabay inay dhaqaalahooda ganacsada u wareejiyaan halkii ay dowlada caawin lahaayeen.

Dowladaha deriska ayaa dhankooda fursad baaxad weyn u helay la macaamilka maamulada dalka ka jira iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliya oo dib usoo noqota. Kenya waxaa ay heshay wakiilo u fuliya danaha ay ka leeyihiin Soomaaliya kuwaasi oo fadhiga ugu weyn uu yahay Axmed Madoobe iyo maamulkiisa Kismaayo aan dhaafin. Halka Itoobiya ay toos xirir ula leedahay maamulada Jubba, Puntland, Somaliland iyo Ahlusuna Waljameeca.

Musuqmaasuqa iyo dowladnimada la isku sidkay.

Xukuumadda Cabdi Weli Sheekh Axmed ayaa lagu tilmaamay dhowrka bilood ay jirtay inay xoog u qaaday wadada musuqmaasuqa iyo maamul xumada. Waxaana xafiiskasta la geeyey shaqsiyaad la qabiileeyey oo aan aqoon u laheyn shaqada ay markaasi qabanayaan. Waxaana sidoo kale arkeysaa in xididka iyo xigaalka ay kasoo waji muuqdaan meelaha dowladnimada muhiimka u ah.

Dhaqaale aan golaha wasiirada iyo wasaarada u gaarka ah maaliyada iyo qorsheynta wax ka ogeyn ayaa maalinkasta ka baxa baniga dhexe ee dowlada. Waxaana lacagtaasi ka mid ah kharashaadka Ra’isul wasaarha ku bixiyey Kismaayo, khilaafka Baydhabo, dagaalka Baledxaawo iyo safarada aan macnaha badan u laheyn Dalka ee uu maalinkasta ku baxayo.

Dhinaca kale Maxamed Ugaas Xaashi oo qaba Cabdi Weli Sheekh Axmed  walaashiis Sahro Sheekh Axmed ayaa waxaa la siiyaa dhaqaale ka badan 30,000 bilkasta taasi oo loogu talagalay inuu noloshiisa iyo martiqaadyada uu sameynayo ku bixiyo. Waxaana ay muujineysaa inay tahay kuu tagrifal dhaqaalihii dalku lahaa. Sidoo kalana ninkan ayuu la doonayaa inuu ka dhigo Ugaaska rasmiga ah ee beelaha Sade, waxaase taasi si cad u diiday dhammaan shacabka SADE oo ugaas u doortay Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo hadda ku sugan gobolka Gedo.

Hirgelinta Maamul goboleedyada iyo dhameystirka Dastuurka.

Dowladaha daneeya Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah uga deyrinaya dariiqa loo marayo hirgelinta maamul goboleedyada ka mid noqonaya dowlada federaalka Soomaaliya iyo dhameystirka dastuurkan iminka lagu shaqeynayo. Waxaana muuqda madmadow weyn oo la gelinayo sida uu Ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed daacad uga yahay arrintaasi.

Waxaa qorshahan curyaamiyey qabyaalad iyo maamul xumo isugu darsantay xukuumadda Cabdi Weli Sheekh Axmed oo loo bixiyey magacyo badan sida  ” Xukuumadda TACSIDA, Xukuumadda Habeen Madow” iyo qaar kaloo badan.

Haddaba sida muuqata haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Axmed islahaa isbadel aad ku sameyso xukuumaddi Dr, Saacid Faarax Garaad ayaa ku heli doontaa mid kale oo waxqabad leh adiga oo qarinaya fashilkaaga hoggaamineed waxaa maanta muuqata inaad farta darsatay maamul xumadii ugu xumeyd oo uu hormuud u  yahay Dr, Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Baarlamaanka Soomaaliyana waxaa la gudboon inay degdeg mooshin uga keenaan xukuumaddan godka kusii rideysa qaranimadii dalka Soomaaliya, haddii kale waxaa ay noqon doonaan rag iyo dumar waddooyinka lagu laayo,waxa ay mutaana ay noqon doonto WAXAAN KA TACSIYEYNEYNAA DILKAASI!!!. Illeen xukuumadduu waa midii TACSIDEE.

Waxaan kusoo xirayaa Saacid Faaraxow laguu darsay oo lagaama reysan. Halka Cabdi Weli Sheekh aan leeyahay lagu dhibsay ee dhinac inoo dhaaf.

Isha: Kismaayo24

Maxaa ka taqaan 16-ka qodob ee laga dhexlay Dowladda R/wasaare C/Weli?

$
0
0

Tixraac iyo daraaseyn dheer kadib waxaa inoo suuragashay inaan helno Qodobada ugu badan oo ay hadal hayaan Shacabka kuwaasi oo ay ku xantaan Dowlada islamarkaana Aaminsan in laga dhexlay Dowlada Ra’isul wasaare C/weli Sheekh, waxaana kamid ah Qodobadaasi:-

1- Siyaasad dabacsan iyo Maamulo aan iska warqabin.

2- Ammaanka Dalka oo faraha ka baxay.

3- Dilalka oo caado la noqday Gobolka Banaadir iyo Degmooyinka hoostago.

4- Qaraxyo isugu jiro Ismiidaamin iyo Weeraro lagu xaqaado Xarumaha ugu waaweyn DFS sida Madaxtooyada, Baarlamaanka.

5- Imaanshaha Ra’isulwasaaraha waxaa daba socday Miinooyin gaawaarida lagu xiro oo Hal qof ama ruuxa lala damacsan yahay kaliya dilaayo.

6- Ciidamo badan hadana Tayo yar.

7- Wasiiro aan Xafiisyo laheyn illaa iyo iminka.

8- Kala iibsashada Maxaabiista gacan ku dhiiglayaasha ah.

9- Dilalka Xildhibaanada oo mudada Ra’isulwasaare C/weli la magacaabay Dalka Somalia Caado ka noqday.

10- Iska horgeynta Maamul Goboleedyada iyo Hurinta Colaadihii dhowr sanno soo jiray.

11- Fara xumeynta Dumarka.

12- Dhaqaalo yari iyo Shiid ka dhacday Dalka.

13- Wasiiro iyo Xildhibaano aan is garaneynin.

14- Dagaalada Beelaha oo loo wareejiyay ku kala cad goosashada Mooshinada Baarlamaanka.

15- Madaxweyne iyo Ra’isulwasaare aan isla tashan, islamarkaana uu u dhexeeyo Khilaaf aan dhammaan.

16- Han jabaado aan fulin laheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

VIDEO: Axmed Dheere oo Cali Dheere u canantay walaalkiis ka weyn ahaan

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Muuqaal nin ku magac ah loona maleynayo in ay walaal yihiin, aadna isugu eg-yihiin Sheekh Cali Dheere, Afhayeenka Al-shabaab oo lasoo geliyay Youtubka ayaa ku eedeeyay inuu Alle iyo Rasuulkiisa ka furtay, una soo dhigtay dhiiga dadka Muslimiinta.

Wadaadkaan oo isna lagu magacaabo Sheekh Axmed Dheere ayaa sheegay in Cali Dheere ay dadka ka seexan la yihiin, kana hergeli waayeen Cali Dheere, isagoo ugu baaqay in uu iska daayo dhibaatada shacabka Soomaaliyeed.

“Walaalkey Sheekh Cali Dheere, ummada waa dhibtay, illaahey hakaa qabto dadkaan aad dhibaateyneyso, Sheekh ma tihid daalin baa tahay oo Alle iyo Rasuulkiisa ka furtay” ayuu si kulul u yiri Sheekh Axmed Dheere.

Halkan ka daawo Sheekh Axmed Dheere

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com

Video: Feysal Cali Waraabe iyo AXMED Samatar oo weeraray beelaha HAWIYE

$
0
0

Minneapolis (Caasimada Online) - Faysal Cali Waraabe oo booqasho ku jooga gobolka Minnesota ee Mareykanka, ayaa wuxa uu carro iyo aflagaado kala dul dhacay beelweynta Hawiye.

Faysal ayaa bilahii la soo dhaafay u wareegsaday inuu khudbad u jeediyo shaqsiyaad u dhashay beesha Dirta Koofureed oo horey loogu eedeeyey inay garab siiyeen kooxda Al-Shabaab ee gobolka Sh/Hoose.

Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Ismaaciil Samatar oo damaciisii Muqdisho ku hungoobay waxay labaduba beelweynta Hawiye ka caayeen ama ka habaareen shirkan ka dhacay Minnesota.

Faysal Cali Waraabe wuxuu khudbadiisa uga hadlay inay beel ahaan qabsadeen Taleex iyo Xudun hadana dhinaca kale wuxuu sheegayaa in Beesha Dir koofureed dhul ay leeyihiin Hawiye qabsaday.

Faysal Cali Waraabe mala weydiiyay dhulka Dhulbahante ma Isaaqbaa iska leh? Laascaano -Xudun iyo Taleex ma Garxajis iyo Isaaqbaa dega? Dhulbahante miyaa isaaqa?

Halkan ka daawo shirka

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com


Muqdisho nasiib xumaa: Fallanqeynta wareysigii uu TARSAN ku ceeboobay

$
0
0

Wax ka sheegga Muqdisho ma waxay ku biireen ereyadii lagu tuugsan jiray?!!

Waxaan daawaday mid kamid ah wareysiyadii Soomaalida lagu yiqiin ee layaabka lahaa, waxaa wareysigan bixiyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Max’ud Axmed Nuur (Tarzan). inkastoo hadalada Tarzan aan ka maqlay aysan wax badan ka duwaneyn kuwo hore hoggaamiyaaal soomaaliyeed ku hadleen marka ay noqoto Af-lagaadada Magaalada Muqdisho loo geysto maalin walba & aqoon-darada ka heysata habka jawaabaha loo siiyo warbaahinta haddana wareysigani wuxuu kuwii hore kaga duwanaa isagoo ka baxayay idaacad Ajanabi ah halka kuwa kale ay TV-yo Soomaali ah qaadayeen. Waxaa intaa dheeraa oo isoo jiitay su’aalo si toos ah Md Tazan loo weydiiyay kuwaas oo isaga shakhsiyaddiisa taabanaya, laakiin laga yaabo in uu su’aalo caadi ah isaga qaatay.

Bal aan u soo daadago qormadeyda anoo isku dayaya in aan wax ka iftiimiyo guud ahaan wareysigii Tarzan & waxa aniga shakhsi ahaan iiga baxay.

Wareysigan oo sida aan soo sheegay nuxurkiisu labo qeybood ka koobnaa ayaa su’aalaha qaar waxaa wax laga weydiiyay macnaha masuuliyadda & arinta kale oo ah Magaaladii uu ka soo shaqeeyay ee uu weliba asal ahaan ka soo jeedo ee Muqdisho iyo waxa uu kala kulmay markii uu halkaa tagay. Muxuuse Tarzan kaga jawaabay su’aalahaa la weydiiyay? Aan ku hormaro arrinta Masuuliyaddiisa khuseysa:

Tarzan mar la weydiiyay sababta uu shaqadan u qaatay isagoo waajibaad kale oo REER ka mid yahay saarnaayeen wuxuu caddeeyay in markii uu shaqada guddoomiye-nimada doonayay in ay walaalihii & reerkiisuba (xaaskiisa) kula taliyeen in uusan qaban shaqadaa sidaana isku af-garteen haddana markii dambe wuxuu caddeeyay in ballantii reerkiisa & walaalihiiba uga baxay. Sida su’aasha marlabaad loogu celiyay ayaad ka fahmi kartaa isku xirnaanta howsha uu Tarzan sheeganayo in uu doontay & midda uu meesha cidlada ah uga dhaqaaqay ee reerkiisa ku saabsan & sida ay u kala muhiimsan yihiin una kala horreeyaan. weliba iyagoo kula taliyay in uusan aadin haddana ka doorbiday dantiisa gaar ahaaneed.

Dabcan isagu ma fahamsaneyn muhiimadda ay su’aashan u leedahay ka masuul ahaan, waxa la durayayna waxay aheyd waajibaadka saaran shakhsi ahaan. fahamka su’aashaa ku jiray wuxuu ahaa sida aad ugu dhiiran karto in aad qabato xil noocaas ah adigoo midkii ka muhiimsanaa ee xaqa ahaa reerkaagana ku saabsanaa weliba caruuro kujiraan meel cidlo ah uga dhaqaaqday. Micnaha su’aashaa xambaarsaneyd ayaa ahaa in aadan masuul noqon karin haddiiba tii xaqa laguugu lahaa aad dayacday waxaase laga yaabaa in isagu su’aal isaga qaatay.

Dadka qaar baa si siyaasadeysan su’aashan oo kale uga jawaaba oo wax kala daboola marka ay gartaan in khalad galeen laakiinTarzan jawaabihiisa kama fiirsane khaladkii ayuu halkii ka sii miisay isagoo weliba isku caddeynaya in howl dhan oo uu masuul ka ahaa ka cararay. Macnaha kale ee su’aashani xambaaraneyd ayaa ah in arrintani Guddoomiye Tarzan keligii khuseyn laakiin dadka loo tusayay in Madaxda Soomaalidu intooda badan sidaa oo kale yihiin oo inta caruurahooda meel cidlo ah uga tagaan xilal Soomaaliya ka doonta. Dadka noocaas ahna ay yihiin dadka Soomaali matala, sababta ay Soomaaliya la degi la’dahay ay taasi ka mid tahay.

Su’aal kale waxay aheyd markii Tarzan la weydiiyay hadal uu hore u yiri kaas oo ku saabsanaa in qofkii Alshabaab ka tirsan ee la qabto halkiisa lagu dilo. Dhaqan Muslim & mid Ajanabi meelna kuma arag in qof wuxu doono ha ahaadee isaga oo nool la qabtay isla bartiisa lagu toogto xitaa Maxkamad ayaan sidaa amri karin iska daa shakhsiye, maadaama ay kasoo horjeeddo islaanimada, bani’aadantinimada & xuquuqda qofka. Waa laga yaabaa in uusan dareensaneyn sababta su’aasha loo weydiinayo taas aheyd in loo caddeyo in Tarzan hadal adag oo aan munaasab aheyn dambina loogu soo oogi karo uu hore u yiri. Sidoo kale arrintan waxay dadka tusineysaa hoggaan-xumada madaxda Soomaalida heysata & iyagoon aqoon u laheyn waxay ay qabanayaan iska doonta, dabadeedna waxay doonaan isaga hadla.

Hadalada Tarzan ee uu dad kale ku jaa’ifeeyay waxaa ka mid ahaa wuxuu sheegay in Madaxweynihii talada hayay markii uu guddoomiyaha noqday waa Sh Shariife in uu siiyay lacag 100,000 oo dollar ah si uu howsha ugu bilaabo. Halkaa waxaa laga fahmi karaa ama ka soo baxeysa Tv-guna ummadda daawaneysa tusay arrinta beesha caalamku marar badan ku celcelin jireen taas oo ah in Soomaaliya ay tahay halka ugu musuqmaasuqa badan caalamka.

Xaggee lagu arkay Madaxweyne Guddoomiyihiisa lacag kaash ah siinaya? Meeye intii u dhaxeysay labadaa shakhsi, sida wasiiradii, agaasimayaashii, hanti dhowrkii, masuuliyiintii Bankiga iwm. Hantida ama dakhliga ay hey’ad dowladeed ku shaqeeneyso ma waxaa gooya oo bixiya hey’adaha qaabilsan shaqadaas mise Madaxweyne ayaa siiya Guddoomiye? Tarzan isaga oo aan ka fiirsan jawaabta uu bxinayo wuxuu si dadban u sheegay in Madaxweynihii dhammaa ee dalka uu musuqmaasuqa koow ka ahaa. Mar kale halkaa waxaa laga fahmi karaa in hey’addii ugu sarreysay ee Dowladda ay sidaa ku shaqeyso markaa waa sabab kale oo Soomaaliya la degi la’dahay, guddoomiye Tarzan’se jawaab ayay ka aheyd.

Ku darso oo Tarzan markuu dakhligiisa ka hadlayay markii shaqada loo dhiibay wuxuu ku sheegay in ay ZERO (eber) aheyd haddana ilbiriqsiyo gudahood ayuu ku caddeeyay in 125 doolar ay khasnadda ku jirtay. Isaga 125 doolar & Zero waa isugu mid halka shakhsiga wareysanaya & inta kale ee luqaddooda koowaad u tahay ay labo tiro u kala yaqaanaan.

Arrin kale oo layaab laheyd waxay aheyd markii Tarzan uu si xun oo weliba ka damqasho laheyn wax uga sheegay Magaalo Soomaaliyeed taas oo weliba sheegata in ay magaalo madaxdii tahay, mararka qaar waxaadba is-oraneysaa dadka Ajanabiga ah ayaa wax uun ceebaheena noo hambeeya marka aad u barbardhigto kuwa Soomaalida sheegta, cid kale Muqdisho wax kama sheegtee waa kuwa ama wax u doontay ama ka soo shaqeeyay. Haddii Muqdisho sidaa noqotay ma iyadaa is-yeeshay mise adigoo Jaalle Soomaali ah ayaa sidaa ka dhigay? Sidaan u fahmaynaTarzan waxay ka aheyd in aad wax soo qabatay dadkan Ajanabiga ee ku dhageysanaya u sharrax, mana oga waxa uu akhrinayaa in ay yihiin markhaatiyo caddeynaya in wixii soomaalida & dhulalkooda laga sheegi jiray ay wada sax yihiin.

Md Tarzan wax walba oo uu Magaalada Muqdisho ka sheegi karo waa ka sheegay, ereyada uu isticmaalay idiin sharrixi maayo oo markaad dhageysataan ayaad fahmi doontaane.

Guddoomiye Tarzan ma aha qofkii ugu horreeyay ee sidan oo kale u hadla waxaan soo aragnay kuwo weliba isaga ka aqoon badan oo Jaamacado dunida ku yaalla wax ka soo dhigay oo mararka qaar aad is-oraneyso toloow kuwan kuwii shaqada siiyay maxay u sheegeen markii loo oggolaanayay ayaa siday doonaan wax uga sheegay Magaalo Soomaaliyeed oo hadaladooda ayba dhici karto in dhibaato kusoo gaarto shacab Soomaaliyeed oo magaaladaa ku nool. Mararka qaar waxaan is-weydiiyaa wax ka-sheegga Muqdisho ma waxay ku biirtay ereyadii lagu tuugsan jiray si dhaqaale loogu helo kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Argagixisada, burcad-badeedda iwm.

Intaa oo keliya ma aheyn hadalada layaabka igu riday ee aanTarzan ka maqlay ee waxaa sidoo kale ka mid ahaa isagoo sheegtay in uu isagu ahaa shakhsiga keliya ee u jawaabi karay Alshabaab, madaxda inteeda kalena Ashuun ku adimi jireen, xitaa marka lagu daro Madaxweyneha. Wasiirkii Warfaafinta isaga & Tarzan wixii wareysigan kadib dhex maray waa sheeko kale

Isku soo wada-duub waxaan oran karnaa su’aalihii la weydiiyay Md Tarzan midna sidii la rabay uma abbaarin in uu uga jawaabo, bal waxaa laga yaabaa ceebo markii hore qarsoonaa in uu bannaanka keenay, tanina waxay ka tarjumeysaa fudeydka mararka qaar waalida u dhow oo siyaasiyiinta Soomaalida kala kulano marka ay wareysiyada bixinayaan.

Wareysiyada noocan oo kale ah waxay ku tusineyaan aqoondarida & waayo-argnimo-xumada heysata kuwa sheegta in ay Soomaliya hoggaamiyayaasha u yihiin.

W/Q: Farah M Warsame
bile1971@hottmail.com
Melbourne, Australia

Daawo: Nin ay ilmo-adeer yihiin WASIIR Somaliland ah oo ay KAAMIRO qabatay isaga oo qarxinaya Hotel, MUQDISHO

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Nin ay ilmo adeer yihiin Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xersi Xaaji Cali oo lagu magacaabo Mucaawiye Axmed Jamac ayaa markii ugu horeeysay lagu xukumay dil toogasho kadib markii Maxkamadda Ciidanka qalabka sida la horgeeyay Kaamirada loo yaqaan CCTV oo cadeeyneysa isagoo isku qarxiyay gudaha Hotel-ka Maka Al Mukarama ee Magaaladda Muqdisho.

Muuqaalka Kaamirada Qarsoon ee ku xirneed Hotel-ka waxay muujineysaa Mucaawiye Axmed Jaamac iyo nin ka horeeyay oo soo gelaya Hotel-ka.

Ninka la socday Mucaawiye oo ku lebisnaa isku joog,wuxuu watay Computer-ka gacanta kaas oo lagu soo dhex rakibay qalabka qarxa hasse yeeshee markii ay galeen gudaha Hotel-ka ayuu ninkii ku wareejiyay Mucaawiye Computer-kii gacanta.

Ninkii ku lebisnaa isku jooga quruxda badan ayaa dib uga laabtay Hotel-ka, wuxuuna u baxay dibada oo lagu diyaariyay gaari laga buuxshay walxaha qarxa.

Mucaawiye Axmed Jaamac oo fadhiyay gudaha Hotel-ka ayaa Computer-kii gacanta kala furay kadibna intuu xabadka saartay u dhaqaaqay Miis ay fadhiyeen dad farabadan oo ku shaahayay.

Macaawiye ayaa taabtay halkii loo tilmaamay inuu ka qarxiyo Computer-ka hase yeeshee nasiibdaro qaraxii ma noqon sidii uu filayay.

Dadkii ayaa yaacay isagana wuxuu xabadka dhigtay dhulka isagoo iska dhigaya inuu ka mid yahay dhibanayaasha.
Ciiidanka Nabadsugida ayaa qabtay Mucaawiye Axmed Jaamac, waxaana laga duubay Wareeysi maqal iyo muuqaala maalmo kala duwan.

MUXUU SHEEGAY MUCAAWIYE AXMED JAAMAC?

Mucaawiye wuxuu sheegay inuu ku dhashay Burco oo laga soo diray,wuxuu sheegay inay ilma adeer yihiin Wasiirka Madaxtooyadda Xersi Xaaji Cali oo ku qalqaaliyay inuu falka ismiidaaminta ka fuliyo Muqdisho.

“Waxaan ka imid Burco,waxaan u dhashay qabiilka Isaaq gaar ahaan Habar jeclo ,Raaska Axmed Faarax,waxaana qorshaheeygu ahaa inaan isqarxiyo laakiin waa fashilmay” ayuu yiri Mucaawiye Axmed Jaamac oo xukun dila lagu xukumay ugu dambeyn.

Mucaawiye wuxuu sheegay inay la socdaan afarta ragga oo reer Burco ah kuwaas oo dhamaantood doonaya inay qaraxyo ka fuliyaan Muqdisho.

“Anaga waxaa nalagu yiri -Jano raadsada ,qaarkeen waxaa nalagu yiri ,Waa dadkii awooweyaashiin iyo aabayaashiin laayay ee isku qarxiyo laakiin safarkeena dheer iyo ismiidaaminta siyaasad kama marna ,meesha waxa ku jira qadiyadeenii gooni isu taaga, waxaa fikirkaan nala qabo Amiirkeena Al-Shabaab Axmed Godane, waxaad ogtihiin inay halkaan Koofurta ka dagaalami jireen wiil uu dhalay Wasiirkii Maaliyadda Somaliland Mohamed Hashi Elmi, Wiil uu dhalay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo la yiraa Mustaf Khaliil Cabdullahi iyo wiil uu adeer u ahaa Wasiir Xersi Xaaji Cali oo Cabdiraxmaan Garweyne dhalay” ayuu yiri Mucaawiye Axmed Jaamac.

Dukumiintigaan laga diyaariyay ninkaan togashada lagu xukumay wuxuu cadeeyn buuxda u yahay in qaraxyada iyo dilalka Koofurta Somalia ka socda laga soo abaabulo Hargeysa iyo Burco iyadoo ujeedka dhabtaana qof walba fahmi karo.

Somaliland waxay hooy u noqotay argagixiso Mayal adag sidaasna waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay Taliyahii hore ee Sirdoonka Somaliland Jeneral Mohamed Nur.

Si kastaba ha ahaatee, qofkasta oo daawada muuqaalkaan laga helay Kaamirada CCTV gudaha Hotel-kii uu isku qarxiyay iyo Wareysi aan xabsiga gudahiisa kula yeelanay Gacan ku dhiigle Mucaawiye, wuxuu xaqiiqsanayaa in la joogo xilligii nolosha lagu gubi lahaa kuwa ujeedkoodu yahay inay burburiyaan Koofurta Somalia gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo Video-ga

Video: Xeebta liido iyo isbeddel cusub

$
0
0

Tv-ga Caalamiga ah ee Aljazeera ayaa muuqaal cusub ka soo duubay Xeebta Liido oo kumanaan Shacab ah ay u damaashaad tagaan malaha Fasaxa iyo Jimcaha, waxaana muuqalakani ku arkeysaa arin aad loogu farxo.

Muuqaalkani ayaa ah mid aad ka arki doonto isbadal weyn oo ku yimid Xeebta Liido iyo sida ay u helayaan Shacabka reer Muqdisho adeegyo aan nuucooda horay loo arag taasoo farxad gelineyso kumanaan shacab ah in ay u dalxiis tagaan Xeebta Liidono ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

 

Amiin Caamir oo sawir qosol badan ka sameeyey Xasan Sheikh oo baxsanaya

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Amiin Caamir, ayaa sawir gacmeed qosol badan ku cabiray weerarkii xalay ka dhacay Villa Somalia, oo Al-Shabaab ay fulisay.

Amiin waxa uu sawirkiisa ku muujiyey madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaari gacan lagula cararayo kadib weerarka marka uu billowday.

Sawirka ayuu Amiin Jawaab uga dhiggay hadalkii Xasan Sheekh ee ahaa inuusan ka cararin Villa Somalia.

8_july_2014

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com    

Qorshahan cusub ma kii Muqdisho ay ugu dambeyntii ku xasili lahayd baa?

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Dowladda Soomaaliya ayaa waxay si deg deg ah uga war-celisay weerar ay kooxda Alshabaab kusoo qaadday Madaxtooyada dalka.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa lagu shaaciyay arrimo badan oo ka dhigan isbedel lagu sameeyay madaxda hey’adaha amniga dalka. Waxaanan xilalkii laga qaaday Taliyayaasha Booliska iyo Nabad-sugidda, halka wasaaraddii amniga oo maalmahanba banaaneyd loo magacaabay wasiir cusub.

Intaas kaliya maaha ujeedada warbixinteenna, ee waxaa jirta arrin iyadan muhiimad gaar ah loo arkay oo wareegtada ra’isul wasaaruhu ay xustay.

Wareegtada ayaa lagu cadeeyay in iminka wixii ka dambeeyay hey’adaha amniga oo Booliska iyo Nabad-sugiddu ugu horeeyaan qaybtooda heer gobal ee Banadir ay hoos tagi doonaan maamulka gobalka.

Arrintan waxaa horay u dalbaday maamulka gobalka Banaadir ee cusub, hase yeeshee waxay illaa iyo iminka ahayd codsi diran oo aan lagasoo jawaabin.

Mas’uuliyiinta maamulka gobalka iyo kuwa degmooyinka oo aan xiriir la sameynay ayaa waxay qaarkood inoo sheegeen inay in dhawaalaba ka cabanayeen kasoo jawaabis la’aanta codsigoodan la xiriira in hey’adaha amniga iyaga la hoos keeno.

Si gaar ah gudoomiyaha degmada Xamar-Wayne Cabdulqadir Maxamed Cabdulqadir oo aan wareystay ayaa ii sheegay in wareegtada soo baxday ay maamulada degmooyinku ka war hayaan, balse la sugayo in saacadaha soo socda kulan laga yeesho hirgalinta waxa ku xusan wareegtada ee sida gaarka ah maamulka gobalka u quseeya.

Mudane Cabdulqadir ayaa intaas raaciyay in hadii hey’adaha amniga ay hoos yimaadaan gobalka iyo degmooyinka ay taasi meesha ka saareyso caqabado badan oo iminka maamuladooda ka heysta la fal-galidda iyo ka jawaab celinta falalka amni daro.

“Hadda awood badan oo maamul ah kuma lihin hey’adaha amniga waayo inaga nama hoos yimaadaan. Hadiisa ay hey’adahaasi ka amar qaataan maamulka gobalka iyo kuwa degmooyinka waxaa dhici doonta in wada shaqayntu xogeysato” ayuu yiri mudane Cabdulqadir.

Dhaliilaha ay madaxda gobalku u jeedinayaan wada shaqayn la’aanta iyaga iyo hey’adaha amniga waxaa ka mid ah, in ciidamada Nabadsugidda iyo kuwa Booliska ee degmooyinka jooga ay mararka qaar dhacdo in halkaas laga kaxeeyo oo goobo kale la geeyo maamulkii degmada oo aan ka war qabin, sidoo kalena ay dhacdo inay iskasoo xiraan ama xabsiyada ka daayaan dad aanu maamulku war u heyn.

Rajada ay iminka madaxda degmooyinku qabaan ayaa ah in awoodda maamuladoodu ay uga hortagayaan amni darada ay ahaan doonto mid xoogeysata hadii hey’adaha amniga iyo iyagu ay si dhaw isugusoo xirmaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com    

R/W Cabdi Weli oo la wareegay awoodii Xasan: Maxaadan ogeyn oo ka socda Villa Somalia & sida loo qiyaanay Xasan

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed ayaa ku dhaqaaqay fal xadgudub ku ah dastuurka Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii uu si badheedh usoo saaray wareegtooyin uu xilka uga qaadayo Taliyayaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka Gen. Bashiir Goobe iyo Taliyaha Booliiska Soomaaliya Gen. Saacid 07/09/2014, islamarkaana uu soo saaray wareegto uu Xilka Hay’adda Nabadsugida Qaranka ugu Magacaabayo Cabdullahi Sanbaloolshe, sidoo kalana uu Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ugu magacaabayo Gen. Maxamed Xasan.

Magacaabida Taliyayaasha Ciidamada iyo Xil ka qaadidooda ayaa sharciyan ah qeyb ka mid ah awoodaha Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo dhamaan dawladihii ay hogaaminayeen Madaxweyne Cabdiqaasin, Madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo Madaxweyne Sheikh Shariif ay dhamaan magacaabidda Taliyayaasha Ciidamada, Magacaabida Ra’iisul Wasaaraha, Magacaabida Safiirada iyo Magacaabida Gudoomiyayaasha maamulada Gobolada iyo Degmooyinka ay lahaayeen Madaxweynayaashii dalka soo maray.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale intuu xilka haayey lahaa dhammaan awoodihii ay lahaayeen madaxweynayaashii ka horeeyay marka laga reebo hal mar oo xukuumadii Saacid ay samaysay soo jeedin ah in Madaxweynuhu magacaabo taliyayaasha Booliiska iyo Nabadsugida haatan xilka laga qaaday, balse Madaxweyne Xasan Sheekh oo aqbalay soo jeedinta golaha Wasiirada ayaa isagu wareegto ku magacaabay Gen. Bashiir Goobe iyo Gen. Saacid.

Wareegtadaan kasoo baxday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh uuna aqriyay Wasiirka warfaafinta, ayaa ka dhigaysa Madaxweyne Xasan Sheekh mid lagala wareegay awoodihii uu gaarka u lahaa Madaxweynaha dawladda Soomaaliya.

Wareegtada Xilalka looga qaadayo Taliyayaasha Booliiska iyo Nabadsugida ayaa lagu soo aadiyey xili uu amnigii Muqdisho faraha kasii baxayey maalmihii lasoo dhaafay, habeen kahorna kooxda xagjirka Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen Madaxtooyada Dawladda Federaalka iyaga oo Al-Shabaab ku guuleysteen inay gudaha u galaan Madaxtooyada Dawladda Soomaaliya oo ay wada degan yihiin Madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari. Qiyaanada madaxweynaha loo dhigay waxaa ka mid ah in xubnihii la magacaabayey loogu soo daray Taliyaha Nabadsugida Cabdullahi Sanbaloolshe oo madaxweynuhu la doonayey Xilkaa.

Wareergatadaan sharci darada ah ee kasoo baxday Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli ayaa ah mid Madaxweyne Xasan Sheekh loogala wareegayo awooda dalka. Arrintaan ayaa daba socota hadallo horay uga soo baxay ra’iisul wasaare Cabdi eli oo uu ugu sheegay xildhibaanno ku xulufo ah inuu Madaxweyne Xasan Sheekh ama ku qasbi doono inuu is casilo ama uu ka dhigi doono Madaxweyne Maqaar saar ah oo uun xukuma labadii xaas kaliya.

Weerarkii Al-Shabaab ka fuliyeen Madaxtooyada oo uu fududeeyay wiil uu dhalay iimaanka Masaajidka Madaxtooyada, wiilkaa oo wakiil u ahaa mid ka mid ah shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya oo xarumaha ku dhex leh Madaxtooyada, Shirkada Isgaarsiinta oo wiilkaan u fududeeyay Al-Shabaab inay gudaha u galaan Madaxtooyada, fuliyaana falkii argagixisinimo waxaa dhowaan ogolaansho Shirkadaas siiyey Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli, ogolaanshahaa ka timid Ra’iisul wasaare Cabdi Weli kadibna masuuliyiinta madaxtooyada xubno kamid ah ayaa shirkada usoo jeediyey inay madax uga dhigaan xarunta madaxtooyada wiilkaan aabihii ka ahaa iimaanka Masaajidka madaxtooyada.

Isku soo wada duube dhaqanka Dawladda soomaaliya ayaa kusoo aruuraya wareysi uu dhowaan bixiyey Wasiirka arimaha Gudaha Cadullaahi Goodax Barre, oo uu ku sheegay in shaqada dawladu isaga socoto si iskaa wax u qabso ah, oo aysan jirin shaqo kala soocan iyo wax sharci ah oo la dhowarayo.

Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli xubno ku dhow dhow ayaa laga soo xigtay hadii qorshahaan uu kula wareegayo awooda madaxweynaha ku guuleeysto inay kusoo xigsan doonto in dhamaan xilalka laga qaadi doono Wasiirada saaxiibka la ah Madaxweynaha Soomaaliya.

Awooda lagala wareegayo madaxweynaha oo uu wado Ra’iisul wasaare Cabdi Weli ayaa lagu soo aadiyey kadib markii xildhibaanno ku beel ah Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin Cabdulqaadir Cosoble, Cumar Finish, Cabdulqaadir Macalin Nuur, iyo xildhibaano badan oo kale oo Hawiye ah ay soo jeediyeen in Madaxweyne Xasan Sheekh is casilo, iyaga oo markaa ku eedeynayay dhamaan shaqooyin ay lahayd xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli ayaa ah mid fulinaya qorshe ay wataan siyaasiyiin aan dooneyn in Soomaaliya nabad noqoto, dawlad shaqeynaysana yeelato taasoo ka dhan ah qaar kamid ah Beelaha soomaaliyeed gaar ahaan Beelaha Hawiye, Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Beesha Mareexaan oo uu Ra’iisul Wasaaraha kasoo jeedo, taasoo ficiladeeda uu ku miijiyey safarkii uu Kismaayo ku tagay ee ahaa in lagu heshiisiiyo beelaha Jubooyinka iyo dhowaan sida uu u maamulay Khilaafkii Maamulada Koofur galbeed oo is khilaafsanaa..

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Daawo wareysi iyo xog xiiso badan oo uu bixiyey ninki weerarka Villa Somalia fududeeyay oo ay DF soo bandhigtay

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Hey’adda nabad sugida ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay ninkii fudeeyay weerarkii lagu qaaday aqalka madaxtooyada ee Villa Somaliya habeen horre.

Ninkan oo lagu magacaabo Xasan Muxyidiin Xasan ayaaa waday baabuurkii ay la socdeen kooxdii soo weerartay Villa Somalia, wuxuuna qirtay in uu la shaqeenaayay Al-Shabaab muddo labo sanno ah isagoona la maleegay weerarro badan oo ay ka mid yihiin kuwa lagu qaaday xarunta baarlamaanka iyo haoteellada Makah Al-Mukarramah iyo Oriental.

Halkan hoose ka daawo Video-ga wareysiga oo aad xiiso leh

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com


XASAN SHEEKH oo QM u diray warqad Kenya u fududeyn karta boobka badda Soomaaliya (Halkan ka arag warqadda)

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay u gudbiyey qoraal ku taariikhaysan June 30, 2014 kaas oo ku saabsan badda Soomaaliya, waxaana UN-ku faafisay July 3, 2014. Qoraalkaas oo si qayaxan uga hor imanayaa (ama si qayaxan uu baabi’inayaa) xeerkii badda Soomaaliya ee Law no. 37.

Qoraalkaas uu ku saxiixan yahay madaxweynaha DFS (in kasta oo uusan laxayn tixraac madaxtooyo/ref) waxa uu tibaaxay in EEZ-ka (aagga dhaqaalaha badda) uu yahay 200nm, halkii uu ka ahaa 200nm oo ah “Territorial Waters” (dhul badeed). Sidoo kale kama hadlin kordhintii badda Soomaaliya ee ahayd 350 mayl-badeed. (Eeg halkan faraqa u dhaxeeya EEZ iyo territorial sea)

Waxaa sidoo kale qoraalka la socda 39 bog oo ku saabsan ama lagu qeexay dhigaha iyo loolka badda Soomaaliya, laakiin aan lahayn magacyo lagu garto aagga laga hadlayo.

Waxa kale oo qoraalku tibaaxay “Meelaha EEZ-ka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu deris kala yahay dal kale oo xeeb leh, waxaa markaas Jamhuuriyadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wada xaajood kala gasho dalka aragtidaas qaba si markaas loo kala xadeeyo EEZ-ka badda”.

Hadalkaasi waxa uu dhigmaa “muran gelintii badda Soomaaliya ee Kenya damacsanayd” taas oo ay hore uga dhiidhiyeen shacabka iyo baarlamaanka Soomaaliya, waxaana hadalkaas madaxweynaha DFS ku qayaxan in uu hirgelinayo damacii Kenya ee ahaa in la yiraahdo aan ka wada xaajoono baddiina aan muranka geliney xilligii xukuumadii Sheikh Shariif.

Waxaana muuqata in qoraalkaas aan la marsiin baarlamaanka Soomaaliya ka hor intii aan loo gudbin Qaramada Midoobey, jawaabta baarlamaanku arrintaas ka bixiyo ayaa shacabka Soomaaliyeed sugayaa.

Horraantii bishii June 2014 ayey ahay markii ay soo shaac baxday in Kenya oo doonaysa in heshiiskii uu hore u diiday baarlamaanka Soomaaliya ay markale la gasho xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Halkan ka akhri qoraalka uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamud June 30, 2014,  waxaadna barbar dhigtaa xeerkii badda Soomaaliya ee Law no 37 ee soo baxay 1972, oo isna kasii hooseeya.

Qoraalka Xasan Sheekh uu u diray QM

Xeerkii badda Soomaaliya ee Law no 37 ee soo baxay 1972

…………..
Tixraac Bogga UN-ka:

Letter from Hasan Sh Mohamud to UN

http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_2014_Proclamation.pdf

Coordinates:

http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_2014_EEZ.pdf

UN Press release:

http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/mzn_s/mzn106ef.pdf

Law no. 37 of 1972
http://www.un.org/depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf


June 6, 2013 ayey ahayd markii golaha wasiirada Soomaaliya ay caddeeyeen in: Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran. akhri….

Xogtan waxaa faafisay Somalitalk.

Document sir ah: Heshiis lagu dhacayo kheyraadka badda Somalia oo ay saxiixeen DF, Puntland, Jubba iyo Galmudug

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Caasimada Online, ayaa heshay Document caddeeynaya heshiis halis ah, oo uu ra’iisul wasaare Cabdi Weli gar wadeyn ka yahay, kaasi oo ay kala saxiixdeen Puntland, Galmudug, Dowladda Somalia iyo Jubaland, kaas oo lagu qeybsaday dhaqaalahii Badda Somalia?

Heshiiska ay galeen dhinacyadan, ayaa waxa ay dhaqaalaha badda Soomaaliya u kaala heleyaan sidan soo socota.

1 – Dowladda federaalka – 30%
2 – Puntland – 30%
3 – Galmudug – 20%
4 – Jubaland – 20%

Baaritaan muddo socday, Ayaan ku ogaanay in koox qawleysato ah oo ka kooban Dowladda Federaalka, maamulada Puntland, Maamulka Raaskambooni ee Jubba iyo maamulka Galmudug ee Qeybdiid, ay heshiis ku saxiideen Addis-Ababa, ayaga oo isla gartay in ay si wadar ah u dhacaan Kheyraadka Soomaaliya.

Heshiiskan oo ay si wada jir ah u saxiixeen shaqsiyaadka hoos ku qoran ayaa wuxuu halis weyn gelinayaa Mustaqbalka Soomaaliya, iyadoo uu dalka galayo xilli dhammaan shatiyadiisa Shidaalka iyo Kalluumeysiga ah shaqsiyaadkan doonayaan in ay ku iibiyaan suuq madow.

Shaqsiyaadkan heshiiskan halista ah ku lug leh ayaa waxaa ay kala yihiin:

1. C/Casiis Xasan Maxamed, wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka.
2. C/Raxmaan Jaamac Kulmiye, Wasiiru-dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland.
3. Maxamed Aadan Jaamac, Wasiirka Kalluumeysiga, beeraha iyo xoolaha ee Jubba.
4. Maxamed Jaamac, Wasiirka Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda iyo dekedaha ee Garabka ee Galmudug.

Heshiiskan halista badan wata ayaa wuxuu dhigayaa in dhammaan dakhliga ka soo xarooda ay qeybsadaan kooxdan qawleysatada ah ee heshiiska halista ah ku gaaray Addis Ababa.

Si loo meel mariyo heshiiskan halis ah iyo mugdi gelinta mustaqbalka Soomaaliya, kooxdan waxay ku heshiiyeen in ay dhisaan xafiis hawshaasi ay ku fududeeyaan oo ay ugu magacdareen Wakaaladda Kalluumeysiga ee Dowllada Federaalka Soomaaliya, kaas oo ingiriis ahaan noqonaya (Federal Somalia Fishing Authority – FSFA).

Heshiiskan halista badan wata ayaa wuxuu sidoo kale saameynayaa Xadduudda Badda Soomaaliya sida ka muuqada Heshiiskan qeybtiisa ugu koreyso, waxaana mar kale muuqaneysa in ay kooxo qarsoon oo xiriir la leh dowladdo cadow ku ah Soomaaliya ay doonayaan in ay halis geliyaan qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Heshiiskan halista ah ayaa waxaa si wada jir ah uga dambeeya Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya C/Weli Sheekh Axmed, Madaxweynaha Puntland C/Weli Gaas, Xubno Damjadiid ah iyo Axmed Madoobe oo ah Madaxa xarakada Raskambooni ee Maamulka Jubba iyo Xubno ka tirsan Maamulka Qeybdiid.

Sheekada yaabka leh ayaa ah in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uusanba ka war-hayn waxa dalka ka socda, waxaana howshan wada ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Arrinta kale ee yaabka leh ayaa ah in dowladda Somalia, oo dalka oo idil mas’uul ka ah ay ogolaatay inay maamullo yar si isku mid ah wax ula qeybsato.

Waxaa sidoo kale tani ay ka dhigeysaa in dhammaan dadka kale ee Soomaalida ee koonfurta dega aysan waxba ku lahayn kheyraadkii baddooda, oo koox burcad ah ay dhaceyso.

Halkan hoose ka arag heshiiska

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Video: Kooxda ISIS ee Ciraaq oo bur-burisay qabrigii Nebi Yuunas عليه السلام

$
0
0

Mosul (Caasimada Online) - Kooxda Daacish ama ISIS ee dalka Ciraaq, ayaa bur burisay qabrigii uu ku aasnaa allaha u naxariistee Nabiyullahi Yuunas Calayhi Salaam ee magaalada Mosul ee dalka Ciraq.

Illaa iyo hadda lama yaqaan sababta ay Daacish sidaas u sameysay, hase yeeshee waxa ay Youtube-ka ku baahiyeen video-ga bur burinta qabriga, oo ay la dhaceen budad waa weyn.

Halkan hoose ka daawo video-ga


Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada Online

Video: Maxaa xasuuqa Yahuudda ay ka wado Gaza loogu aadiyey Ramadan?

$
0
0

Gaza (Caasimada Online) - Waxaa maalinba maalinta ka danbeysa aad u si laba kacleynaya xasuuqa ay Yahuudu ku heyso Muslimiinta Falsatiin waxaana xasuuqa ay ka ku dishay muslimiin kor u dhaafay boqolaal waxaana ay dhaawacday kumanaan kale

Hadaba maxay tahay ujeedada ay sanad walba Yuhuuda ugu soo aadiyaan xasuuqooda bisha Ramadaan ama wakhtiyada ciida ?waa arin iska cad oo waxay si xun u dhaawacayaan mashaacirta Muslimiinta.

markaad eegto warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa ka jira wadamada Islaamka qaarkood waxaad moodaa in ay eeda saarayaan Muslimiinta ama Mujaahidiinta Xamaas.

Shacabka Falastiin waa shacab waayey cid u gurmata waxaana ay sidoo kale waayeen in dawooyin iyo dhaqaatiir ku caawisay  waxa loogu yeero jaamacada carabta iyo dowlada Masar oo uu qabsaday Jen cabdifitaax Zizi waxaa ay umada ku qaldayaan in ay xuduuda furayaan si dhaawaca loo daweeyey.

Jen Zizi iyo ciidankiisa waxaa ay ku dileen raabica cadawiya iyo maydaaan Taxriir Muslimiin aad u badan iyaga oo awood ciidan oo xaddhaaf ah u adeegsanayey Muslimiinta Masar balse hal qori kuma fiiqi karaan Yahuuda xauuqeysa shacabka Muslinka ah ee Falastiin.

Muslimiinta meel walba ay joogaan waa u duceynayaan shacabka ku dhaqan Gaza ee uu xasuuqu ku socdo waxaana alle u weydiineynaa in uu guusha siiyo. Mujaahidiinta Xamaas iyo xarakada Al-Jihaad iyo shacabka Gaza oo isku duuban ayaa difaacaya shacabka rayidka ah ee aan hubka heysan halka xukaamta carabta ay kursigooda waardiye ugu jiraan.

W/Q: A/Cawale, halgan.net

9 sano kadib oo XOG laga helay DILKII C/qaadir Yaxye (Buuga Fasul Cabdalla)

$
0
0

Bishii July sanadkii 2005 waxaa gurigiisa oo ku yaal magaalada Muqdisho lagu diley allaha u naxariistee C/qaadir Yaxye madaxii hay,adda CRD oo ahaa xubin aad ugu dhaq dhaqaaqi jirey arimaha nabadda iyo xoojinta kaalinta bulshada rayidka ah.

Dilkaas dhagarta ah ayaa waxaa fuliyey koox hubeysan oo xilli habeynimo ah ugu dhacdey gurigiisa, isla markaasna qaatay dahab iyo hanti kale oo ay ka mid ahaa Coputerkiisii shaqsiga ahaa.

Inkasta oo ay jireen shakiyo waaweyn oo ku aadana in ay dilkiisa ay ka danbeysey kooxo ku xirnaa al qacidada geeska afrika ( Al shabaab), hadana wax xog ah oo rasmi ah lagama hayn cidda sida dhabta dilkaas uga danbeysay iyo waliba sida loo soo abaabuley midna.

Hadaba waxaa noo suura gashey inaan helno xogtaas oo faah faahsan oo kuna qoran buug uu qorey ninkii hogaamiyaha ka ahaa kooxa al qaaciddada geeska Afrika oo asagu lagu magacaabi jirey Faadil Haaruun oo ku magac dheeraa (Fasuul Cabddalla), kaas oo ay muddo dhowr sano ka hor ah ay dileen ciidaamada dowladda Soomaaliya markii uu si qalad ah ugu dhacay koontarool ay ciidamadu ka samaysteen agagaarka Ex kontorool Afgooye.

Allaha u naxariistee Cabdul Qaadir Yaxye

Allaha u naxariistee Cabdul Qaadir Yaxye

Faadil Haaruun (Fasuul), waxaa uu sheegayaa in ay Soomaaliya ka hana qaadey sanadkii 2004kii laba garab oo uu ku xiran ururka oo uu ku magacaabey al qaacidda geeska Afrika, labadaas garab oo kala lahaa laba howlood oo ku aadan howlgallo ka socdey gobolka, mid ka mid ah labaas garab ayuu sheegay inuu hogaamin jirey Abu Dhaxla Suudaani oo u dhashay dalka Suudaan oo howshoodu ku aadanaynd sidii ayuu yiri « ay sahyuuniyadda uga sifeyen lahaayeen wadamada bariga Afrika, kuwaas oo weeraro ku ekeeyey markii danbe dalxiisayaal yuhuud ah oo joogey magaallada xeebta ah ee Mambasa».

Garabka kale oo ka goobnaa la dhinac oo is bahaystey oo ay qaar Soomaali ahayeen ayaa waxaa hogaamin jirey sida uu sheegey Sh. Mukhtaar oo uu magaciisa saxda ku sheegay Axmed Cabdi oo uu yiri waxaa uu kasoo jeedaa dhinaca waqooyi ee Soomaaliya ee Somaliland. Kooxdaan waxaa kale oo ku jirey shaqsiyaad uu ka tilmaamey Aaden Xaashi Cayroow oo uu yiri « waxa uu ahaa ardeyda Xasan daahir Aweys, kana mid ahaa sidoo kale dhalinyaradii al qaacidda ku garab istaagey in ay weeraro ku qaadaan askarta mareykanka sanadihii sagaashamaadka markii ay joogeen Soomaaliya.

Kooxdan danbe ee uu hogaamin jirey Axmed Cabdi Godane ayaa Fasuul Cabdalla waxa uu howshooda xiligaas ku sheegay in ay ahayd baacsadaan oo ay daba guraan xogagii Soomaalida ahaa ee gacan saarka lalahaa CIA-da Mareykanka iyo kuwo kale oo la shaqeyn jirey sirdoonka Itoobiya.

C/qaadir yaxye ayuu fasuul Cabdalla ku tilmaamey inuu ahaa ninka geed fadhiga u ah oo kala wadey howlihii lagu baacsaneyey al qaacidda geeska Afrika oo Mareykanku wadey, waxaana sida uu ku doodey uu ku ahaa howshooda khatar, taas oo keentey in la diyaar gareeyo howl si fiican looga baaran dagey oo lagu khaarajinayo, taasoo uu fulinyo garabka al qaacidda ee uu hogaamiyaha ka ahaa Axmed Godane.

Sida uu Fasuul Cabdalla ku sheegay buugiisaa uu ugu magac darey war against Islam bogiisa 46, 47iyo 48, waxaa loo howl galey sidii loo dili lahaa C/Qaadir Yaxye iyadoo iskaashi lala sameeyey wardiyihiisa gaarka qaarkood, waxaana si tafatiran loo helay dhaq dhaqaaqiisa, habka nolashiisa, sida ay u shaqeyaan waardiyihiisa gaarka ah oo ka koobnaa sida uu sheegey shan qofood iyo dhamaan waxa ku xeeran nolashiisa guriga iyo xitaa qolka uu seexdo.

Wuxuu sheegey markii la dhameystirey qaabkii howl galka u dhici lahaa in laysku aadiyey xiligii uu waardiyaha hayey ninkii ka tirsanaa waardiyaha gaarka ah ee C/qaadir yaxye ee iyaga la shaqeynayey, waxayna soo kaxeysteen laba gari iyagoo xilli mugdi ah galey guriga oo uu saaxiibkoodii la shaqeynayeyna shaqada ku jiro , waardiyihii kalena ay jiifaan.

Fasuul waxaa uu sheegey in markii guriga loo daatay sidii balantu ahayd ay barxada guriga ugu tageen saaxiibkoodii la shaqeynayey oo barxadda guriga jooga, islamarkaasna si aan asaga hadhoow looga shakin ay xogaa garaaceen, si khafiif ah oo ayna saaxiibadiisii kale ku xireen kuwaasoo uu sheegey in ay jiifeen xiligaas.

« sababo qabiil, ayaan u ilaalinay saaxiibkeenii waardiyaha C/qaadir yaxye ka tirsanaa ee nala shaqeynayey, si inta la fahmo hadhoow aan looga aargoosan, sidaas ayaa asaga loo yara gar garaacey si khafiif ah, islamarkaasna loo xir xirey, isaga iyo saaxibadiisi kale ee waardiyaha ahaa oo iyagu jiifey, sidoo kalena manaan rabin inaan layno waardiyaha kale, waa layska dhaafey» ayuu ku yiri buugiisa Fasuul Cabdalla.

Markii ay dhamaatay howsha u dhicidda guriga ayuu sheegey fasuul in kooxdii weerarka qaadey oo ka koobneyd toban qof ay isu qaybiyeen sadex kooxood, sadex ka mid ah waxay ilaalinayeen dhalinyaradii waardiyaha ee ay xir xireen, sadex kale waxay fureen ganjeelkii guriga oo banaanka ay waardiye ka qabteen si ay isaga ilaaliyaan weerar kor kaga yimaada iyo in diyaariyaan habkii si nabad ah loogu bixi lahaa marka howl galku dhamaado, ugu danbeyntii afartii hartey ayaa aadey dabaqa labaad ee guriga oo uu ku yaaley qolka jiifka C/qaadir yaxye oo markaas ay hurdeen isaga iyo xaaskiisa Xaawo Kirish

Markii ay u galeen ayuu sheegey in ay la hadleen oo waydiiyeen Computerkiisii shaqsiga ahaa, isagoo u tilmaamey meeshuu yaaley, ka dibana waxay u kaxeyeen banaanka qolka, iyagoo ku amrey xaaskiisa in ayna is dhaq dhaqaajin oo ay sariirteeda soo dhaafin, ka diba waxay geeyeen meel dhowr mitir u jirta qolkii uu jiifey halkaas ayeyna ku toogteen, iyagoo si nabad ah uga baxay guriga dabadeedna ku laabtey halkii ay kasoo duuleen markii hore.

Fasuul ma aanu sheegin magacyada ragii howshaas fuliyey iyo magaca ninka waardiyaha C/qaadir yaxye ka tirsanaa ee iyaga la shaqeynayey midna.

C/qaadir Yaxye oo ahaa Sarkaal beeraha soo bartay isla markaana Safaaradii Mareykanka Soomaaliya ka soo shaqeeyay marna Turjuman u soo noqday Cali Mahdi Maxamed markii Madaxweynaha loo soo doortay waxaa la aaminsanaa inuu ku xirna Sirdoonka Mareykanka, laakiin dadkii isaga kala shaqeynayay CRD ayaa arrintaas beeniyay in kastoo tuhunka ku xirnaanshaha Sirdoonka reer galbeedka uu ahaa mid aad u xoog badanaa.

Xogtan waxaa soo ururiyay soona turjumay  Newsomali.com

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Viewing all 817 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>