Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all 817 articles
Browse latest View live

Daawo: Qaabka casriga ah ee kaararka aqoonsiga loogu sameeyo Muqdisho

$
0
0

Use Facebook to Comment on this Post


VIDEO: Maxaa ka yaabiyay Soomaalida dagan Xaafada islii oo ka Cusub….?

$
0
0

Shacabka ku nool Xaafada ay dagaan Soomaalida ee Islii ee Wadanka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi ayaa aad ula yaabay ficil ay sameysay Gabar Soomaaliyeed oo halkaa ku nool oo ku dhawaaqdaya rin ka yaabisay Soomaalida Kenya.

Barnaamij laga diyaariyay arinkani ka yaabiyay Soomaalida Kenya ayaa laga sii daayay Tv-ga Soomaalida ee Universal ee nala daawo waa hubaal adiguba waad yaabi doontaa hadii aad maqasho.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Daawo Video: Shacabka Muqdisho iyo damaashaadkooda Xeebta Liido

$
0
0

Kumanaan qof oo isugu jira Dhaliyaro, Haween Iyo Odoyaal ayaa u soo damaashaad tago ayagoo soo booqda Xeebta Liido & Maqaayada Casriga ah ee laga furay Xeebta Liido ee Degmada Abdiaziz ee Magaalada Muqdiso.

Shacabka reer Muqdisho oo si weyn u soo dhaweeyay howlaha & adeegyada ay is wada jir ah u fulinayaan Ciidmaada Dowlada & Maamulka Degmada Abdiaiziz oo aan horay loo arag nuuciisa tan & burburkii dalka oo ay la yaabeyn Shacabka u soo damaashaad tago Xeebta Liido ee nala daawo Muqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Video: Ammaanka Muqdisho ee xilliga habenkii oo filim laga sameeyey

$
0
0

Amaanka Magaalada Muqdisho oo marba marxalad nuuc cusub leh galaya ayaa waxaa laga sameeyay Film Cusub oo ka hadlaya Xaalada amaan iyo tan nololeed ee Shacabka Reer Muqdisho.

Film-kaan cusub waxuu ka hadlayaa Xaalada Nololeed ee Shacabka Muqdisho ku nool gaar ahaan sida ay u nool yihiin Haweenka iyo sida ay Ciidamada amaanka ugu soo gurmadaan marka ay wax dhacaan ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Video: Ciidanka ilaalada waddooyinka Muqdisho oo dhoola-tus sameeyey

$
0
0

Wadooyinka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo Sanado badan kadib lagu arkayo arrimo waa hore ugu dambeeyay Magaalada taa oo farxad gelisay Shacabka Muqdisho, kuwaasi oo ay ka mid yihiin ciidanka ilaalada waddooyinka

Magaalada Muqdisho wadooyinkeeda waxaa lagu arkayaa ciidamadan oo sameeyey dhoola-tus cajiib ah, oo dad badan soo xusuusiay sanadihii dalku nabadda ahaa.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Video: Mootooyin loo yaqaan Tuk Tuk oo shacabka Muqdisha soo jiitay

$
0
0

Shacabka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo maalin walba la kulmaya Horumar ku cusub magaalada oo aad ugu soo badanaya Sanadihii dambe ayaa waxaa ka mid ah kuwo aad looga helay oo Shacabka ay hadal hayaan.

Waxyaabaha dadka ka yaabiyey ee magaalada ku cusub, waxaa ka mid ah mootooyin sida Tax-ga u shaqeeya, oo magaalada looga yaqaa Tuk Tuk, kuwaasi oo dad badan ay u tahay markii ugu horeysay oo ay arkaan.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

Use Facebook to Comment on this Post

Daawo Video: Wax kasta oo horumar ah oo sanadkan ka hir galay Muqdisho

$
0
0

Magaalada Muqdisho waxaa sanadkaan ka hir gelay Horumar baaxad weyn leh oo dhan walba isugu jiro waxaana laga dareemayaa Bilicda Caasimadda oo wax weyn iska badaleyn.

Muuqaalkani waa mid kooban oo la isku keen keenay waxuuna ka hadlayaa Horumarka sanadkaan ka hir galay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Warbixin: Geedi & Gaas: Cadowgeyga cadowgiisu waa saaxiibkey (Kuma?)

$
0
0

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka Qeybgalayay Aaska Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen, ayaa waxaa Wahilinayay Ra’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Gaas ayaa wuxuu Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kala soo dagay ciidamo uu watay, waxaana kamid ahaa Wafdigii la socday Cali Maxamed Geedi oo kasoo duulay Magaalada Garoowe.

Siyaasiyiin badan ayaa isweydiinaya Cali Maxamed Geedi waxa uu ka yahay maamulka Putland. Sida la wada xasuusto Xiligii Cali Geedi uu Ra’isal Wasaare ahaa, Cabdullahi Yusuf waxay ku kala tageen Dagaal kadib markii Geedi uu dhunsaday Lacag garaysay 35$ Milyan oo boqortooyada Sucuudigu ay ugu deeqday Soomaaliya.

Khilaafkaas ayaa horseeday dhicitaankii Dowladdii Cabdullahi Yusuf, mana jirin xiriir fiican oo ka dhexeeyay Cali Geedi iyo beelaha dega Puntland oo ku eedeyn jiray inuu hormuud ka ahaa fashilkii dowladdii MarxuumCabdullahi Yusuf.

Cadowgeyga Cadowgiisu Waa Saaxiibkey

Isku lug darsashada iyo saaxiibtinimada aan meel fog jirin ee dhex martay beryahan dambe Cali M Geedi iyo Madaxda Maamulka Puntland ayaa lagu micneyn karaa inay tahay u midoobidda cadowgooda koowaad oo ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud.

Sanadkii hore ayay aheyd markii “Mucaaradka” Dowladda Soomaaliya oo ay ka dhex muuqdaan Cali M Geedi, Yusuf Garaad iyo C/raxmaan Baadiyow ay Shirar looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya ku qabteen magaalooyinka Nairobi iyo Kampala. Waxaana xusid mudan in Saddexda Magac ee aan kor kusoo xusay, iyo Ragg kale lagu wada casuumay xafladii Xaleema saarka Cabdiwali Gaas.

Yusuf Garaad Cumar oo Madax ka ahaan jiray Laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyay Saaxiibadiis. Kooxdan Mucaaradka ah ayaa la filayaa inay Dowladda Soomaaliya ku xiraan shuruudo awood-qeybsi ah, haddii kale ay sii wadi doonaan mucaaradnimadooda ilaa ay Jilbaha dhulka ugu dhuftaan Dowladda Xasan Sheikh oo hada Daciif ah.

Isha: KON

Use Facebook to Comment on this Post


Maxaa ka jira in Al-Shabab ay ka taliso magaalo ka tirsan Kenya? (Warbixin)

$
0
0

Warbixin bishii hore ka soo baxday guddi barlamaani ah oo Kenyan ah ayaa sawir mugdi ku jiro ka bixisay xaaladda ammaanka ee magaalada ku taal waqooyi-bari ee Mandheera, kaas oo lagu sheegay in si aan shaki ku jirin ciidamada ammaanku ugu wareejiyeen magaalada al-Shabaab.

Xasaasiyadda warbixinta awgeed, ayay muwaadiniinta iyo mas’uuliyiinta gobolka Mandheera waxa ay ka bixiyeen falcelis isku dhafan.

Halka ay muwaadiniintu codsanayaan in ilaalo dheeri ah looga sameeyo kooxda xagjirka ah, ayay mas’uuliyiintu ku doodayaan in dadaalladooda ammaan ayan mar walba muuqan sababta oo ah caqabadaha ku gaarka ah ee kaga imaanayaa soohdinta saddex-xagalka ah ee ka dhexeeysa Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Intii ay ku guda-jireen booqasho ay October-tii hore, wax yar kadib go’doomintii al-Shabaab ee suuqa Westgate, ayay xubno ka kooban guddiyo wadajira oo barlamaani ahi loona xilsaaray soo qoritaanka warbixinta waxa ay garoowsadeen in ilaalo maxalli ah oo si liidata u qalbaysan, oo aan ahayn askar bilays ihi, ay ilaaliso magaalada.

Barlamaanka ayaa dib u bilaabay fadhiyadiisii Talaadadii (11-kii February) kadib fasixii December waxna uu ka wadahali doonaa gabi ahaanba warbixintii guddiga weerarkii Westgate, oo ay ku jiraan waxyabihii laga soo ogaaday Mandheera, laga bilaabo 18-ka illaa 20-ka February, sida uu sheegay hoggaamiyaha aqlabiyadda Aden Ducaale.

Ilyas Barre Shill, oo laga soo doorto Fafi isla markaana xubin ka ah guddiga wadajirka ah, ayaa sheegay in magaalada ay ka taliso al-Shabaab.

“Waxay u muuqataa in al-Shabaab ay cabsi ku beertay bilayska sababta oo ah qaraxyada macmalka ah ee sida joogtada ah u dhaca, bam-gacmeedyada iyo weerarrada qoryaha,” ayuu Shiil sheegay. “Taasi waxay dhashay, in bilaysku naftiisa ku khatar-galiyo ilaalada waddooyinka waxana ay isku xireen xeryaha bilayska.”

“Dadka degaanka ayaa noo sheegay in wixii loo soo gaaro 2011-kii, ay muuqaal caadi ah ka aheeyd magaalada in la arko ciidamada ammaanka oo magaalada dhexdeeda ku eryanaya dadka badeecada koontarabaanka ah ka keena Soomaaliya,” ayuu yiri. “Laakiin maalmahan, askarta waxa kaliya oo la arka marka ay magaalada joogaan mas’uuliyiinta muhiimka ah ee ka yimaada Nairobi.”

Dadka degaanka ayaa sidoo kale sheegay in dhawaqa rasaasta iyo qaraxyaduba ay caadi ka yihiin Mandheera, ayuu sheegay Shiil, isaga oo intaa ku daray in al-Shabaab lagu eedeeyay in ay bam-gacmeed ku tuurto xafiisyada hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka ee magaalda.

Waxyaabaha ku soo baxay warbixinta iyo talooyin

Guud ahaan ciidamada ammaanku gacanta kuma hayaan magaalada, gaar ahaan habeeynkii, sida ku cad warbixinta.

“Xukuumaddu waa in ay ciidamo dheeraad ah keentaa sifo loo xoojiyo gaafwareega ay ciidamadu ka sameeyaan soohdimaha Gobolka Mandheera,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Gabi ahaanba wax illaalo bilays ah habeeynkii kama jiraan magaalada. Magaalada waxa ilaaliya dhowr ilaalo maxalli ah oo aan u qalabaysnayn si munaasib ah oo wax ka qaban kara xagjiriinta wada dagaalka dhuumaaleeysiga ah.”

Guddigan, oo ay wada guddoomiyaan wakiilka laga soo doorto Bariga Baringo Asman Kamama Abongotum iyo wakiilka Tetu Ndung’u Gethenji, ayaa ku taliyay in “dhulka aan cidina ku noolayn” ee ku teedsan soohdinta la qeexo isla markaana si cad la calaamadiyo soohdinta u dhexeeysa Kenya iyo Soomaaliya.

Xilligan, waxa aaggaas “aan cidinna ka talin” si ku meel-gaar ah uga dhisan dabakaayooyin iyo dhismayaal la fargaasay, laakiin guddigu waxa uu sheegay in dhammaan dhismayaashaas ay tahay in la burburiyo isla markaana laga soohdinta laga qodo dhufeys si markaa looga tallaabo goobaha loo cayimay in lagga galo.

Warbixintu waxa ay ku talisay in si degdeg ah dib loogu furo dhowr ka mida barihii kortorool ee bilayska birmadka ah, la xoojiyo xerada millatari ee halkaa ku taal, qalabayn tii hore ka fiican loo sameeyo, isla markaana halkaa la geeyo ciidan millatari oo gaafwareega soohdinta lala leeyahay Soomaaliya.

Axmed Ibraahim Ugaas, oo ah 23-jir ka soo jeeda Mandheera, ayaa sheegay in warbixinta ka soo baxday guddiga ay tahay mid laga naxo laakiin si dhab ah uga tarjumeeysa magaaladiisa.

“Warbixintu waxa ay eedeeyn ku tahay ciidamadeenna ammaanka waxayna bannaanka u soo saartay khatarta dhimashada ah ee ay dadka degaanka iyo hantidoodu ku jiraan,” ayuu yiri Ugaas, oo ah arday sharciga ka barta Jaamacadda Nairobi.

“Anniga iyo saaxiibadeey ayaa ku dhex wareegnay magaalada habeeynkii mana aynaan arag hal askari oo ammaan,” ayuu yiri Ugaas, mar uu uga waramay booqasho uu ku tagay Mandheera intii lagu jiray fasixii December. “Inta badan wakhtiga, bilaysku waxa ay ku qaadataa wax ka badan saacad in ay uga soo jawaabaan dhacdooyinka ammaan-darro. Xaqiiqdu waa in dadku ay yihiin kaligood ayna magan u yihiin gacanta canaasiirta mujrimiinta ah.”

“Markii an dhex wareegeeynay magaalada waxan aragnay dad aad looga shakiyi karo oo bistoollado qarsanaya,” ayuu yiri, isaga oo intaa raaciyay in dadka degaanku ka maagtaan in ay ciidanka ammaanka xog soo siiyaan sababta oo ah “bilaysku wakhti ayay ku qaadanaysaa in ay soo jawaabaan”.

Bilayska oo qabtay 3 tuhmane oo al-Shabaab ah

Taa lidkeeda, bilaysku waxa uu sameeynayeen howlgallo ammaan fasixii todobaadka ee la soo dhaafay si ay u muujiyaan in ay xaaladda si buuxda gacanta ugu hayaan.

Bilayska Kenya ayaa 8-dii February waxa uu saddex tuhmane oo al-Shabaab ah ku qabtay Koromia oo ku taal duleedka magaalada, sida uu sheegay Taliyaha Bilayska Gobolka Mandheera Noah Mwivanda.

“Askartii bilayska ahaa ee qabtay waxay ku jireen ilaalo habeeyn, taas oo markhaati u ah in ciidanka ammaanku uunan magalaada ku wareejin al-Shabaab,” ayuu yiri.

Tuhamanayaasha waxa la qabtay abbaaraha 1-dii habeeynimo iyaga oo haysta saddex qori oo ah AK-47, 259 rasaas ah iyo kamarad fiidiyoow, ayuu sheegay Mwivanda.

Waxa uu sheegay in bilaysku wali uu baarayo qasdiga tuhmanayaasha iyo bal in ay horay ugu lug lahaayeen weerarro xiriir ah oo ciidamada ammaanka lagula beegsaday magaalada.

“Sannadkii hore ayay kooxda al-Shabaab waxay weerarro xiriir ah oo habeeynimo la beegsatay saldhigyada bilayska kuwaa oo lagu dilay saddex askari oo bilays ah in kabadan 20 gaari oo xukuumi ahna waa lagu burburiyay magalaada Mandheera,” ayuu yiri Mwivanda.

Ciidamada ammaanku waxay hureen ‘waaxyahooda iyo naftooda’

Taliyaha Bilayska Bariga Mandheera Jackson Rotich ayaa sheegay in ciidamada ammaankku “ay si buuxda gacanata ugu hayaan magaalada oo aynan marna uga tanaasulin wax argagixiso ah.”

Waxa uu sheegay in ciidamada ammaanku hureen “waaxyo iyo nafaf” si ay al-Shabaab iyo mujrimiin kale uga difaacaan.

“Labadii sano ee ugu dambeeysay in kabadan 20 askari oo ammaan ayaa waxa dilay ama dhaawacay al-Shabaab,” ayuu Rotich sheegay “Askarta dhammaantood waxa la weeraray xilli ay ku jiraan ilaalo ay ka hayaan magaalada Madheera. Askartu waxay isugu jirtay kuwo lug ah ama gaadiid saaran marka la weeraray.”

“Caddalaad xumo ayay u tahay qof walba in nala yiraahdo kama muuqataan magaalada [sababta oo ah] waxa na soo gaaray khasaare muujinaya in aan joogno,” ayuu yiri.

Waxa uu sharaxaad ka bixiyay in bilaysku ku khasban yahay in ay adeegsadaan tabo marka ay fulinayaan howlgallada ay kula dagaallamayaan kooxda xulafada la ah al-Qaacida.

“Muuqaalkeennu waxa uu soo noqonayay mid caadi ah isla markaana la malayn karo. Xaaldahaas dartood ayaan ku khasbanaanay in aan dib wax u baddalno, laakiin meel kasta waan joognaa,” ayuu yiri.

Waxa u sidoo kale beeniyay eedeeymo sheegaya in bilaysku ay wakhti badan ku qaadato in uu ka jawaabo khataraha ammaanka.

“Mar walba degdeg ayaan ku tagnaa goobta jariimada. isla mar ahaantaa, waxan mar walba ka taxaddarnaa weerar kale oo kaa daba socda maaddama dhacdada hore ay isku badashay in ay khidad ay mujrimiintu ku qaadaan weerar labaad,” ayuu yiri.

Caqabado ammaan oo u gaar ah Mandheera

Marka la eego dhammaan magaalooyinka ku yaal gobolka, Mandheera waa tan ugu dhow xudduuda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Mandheera Cali Cabdiraxmaan Roba ayaa sheegay in halka Wajeer iyo Gaaria ay xudduudka u jiraan qiyaastii 200 oo kiiloomirir, ay Mandheera dhowr kiiloomitiri kaliya u jirto Soomaaliya, oo ay dhacdo kala-bayr saddex-geesood ah oo u dhexeeya Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Iyada oo ayan jirin wax calaamadeeyn caalami ah oo si cad u kala tilmaamaya soohdimaha, ayay magaalada Mandheera waxa ay dhacdaa labada soohdinba, iyada soohdinta Itoobiya la yiraahdo Suftu tan Soomaaliyana la yiraahdo Buulo Xaawo.

Natiijadu waxay noqotay, goob ay ku nool yihiin shakhsiyaad iyo kooxo kala wata dano iyo ulajeeddooyin kala duwan, taas oo ah xaqiiqo keentay madax-wareer ammaan, ayuu yiri Roba.

Waxa u uintaa raaciyay in sababta oo ah dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka ku marayo soohdinta si ay u ganacsadaan, in ciidanka ammaanku uu la kulmay xalaad adag oo xasaasi ah.

“Waa in la ammaanaa ciidanka ammaanka sababta oo ah ka sokoow halisa al-Shabaab ee ka imaanaysa Soomaaliya waxa ay la tacaamulayaan dagaallo baahsan oo qabaa’illada ku dhex mara Gobolka Mandheera iyo dagaallo ka soo tallaaba dhinaca Itoobiya,” ayuu yiri Roba.

Sido loo yareeyo cadaadiska saaran ciidanka ammaanka, ayay dadka degaanku waxa ay in badan ku guulaystaan in ay iskaashi muujiyaan oo ay keenaan xog si iskood ah, ayuu yiri.

“Waa arrin xaqiiqo ah in ciidanka ammaan ee kooban ee aan haysanno ayan tagi karin laami walba iyo guri walba,” ayuu yiri Roba. “Sidaa darteed muwaadiniinta caadiga ah ayaa kaalintooda ka cayaaraya gacan ka gaysashada ilaalinta ammaanka ee magaalada iyo guud ahaan gobolka.”

Isha: Sabahi Online

Use Facebook to Comment on this Post

AFRICA Confidential: Dowladda XASAN Sheekh: “Dhiig cusub oo lagu shubay dhalooyin duq ah” (Qoraal xasaasi ah)

$
0
0

Africa Confidential oo Dawladda Madaxweyne Xasan Sheikh ka qortay Maqaal loogu Magac daray “Dhiig Cusub oo lagu shubay Dhalooyin Duq ah” (New blood in old bottles)

Turjimid qeybta 1-aad.

Waxaa la magacaabay Raisul wasaare cusub laakiin dadka inta badan waxay aaminsan yihiin in Koox hunguri badan ay bedeshay nin ay horey u keensatay kuna bedelay mid kale oo ay wataan! Rajadii laga qabay in dawladnimo wanaagsan loo gudbo waa soo yaraaneysaa..

Doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh la doortay September 2012 waxaa macnaheedu ahayd in laga gudbo oo xor laga noqdo siyaasadda micna la,aanta ah, Siyaasada Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha is qabsanaya, dhisid la’aanta Tiirarka dawladnimo, Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa caawisay sooo bixitaankiisii inuu ahaa nin siyaasadda ku cusub.

Waxaase soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh in Taageerayaasha salka u ah siyaasadiisa ay yihiin Koox ka tirsan Akhwaanul muslimiinka oo lagu magacaabo Damu Jadiid ama dhiiga cusub, kooxdaani oo muhiimada siinaya inay abaal mariyaan xubnaha ururkooda oo siiyaan jagooyinka dawlada inta ay dhisi lahaayeen Dawlad islaami ah. Arinta kooxda Damu jadiid samaynayso ayaa ah mid la mid ah Kooxdii aala Sheikh ee Sheekh Shariif sida ay u dhaqantay.

Dhibaatada kale ee jiratana waxaa weeye madaxweyne Xasan Sheikh oo u dhaqmaya inuu yahay ninka kaliya eel eh go’aamada Dawladda inkastoo dasruurku uusan sidaa ahayn oo uu Raisul wasaaraha iyo Xukuumada siinayo awooda. Bulshada Caalamka waxaa ay rabtay markaan in la gaaro heshiis is faham ah, madaxweyne karti iyo caqli leh iyo Xukuumad tayo leh oo uu hogaaminayo Raisul wasaare xoogan, xukuumadaas oo qaada talaabooyin wax looga bedelayo nolosha maalinlaha ah ee shacabka Soomaaliyeed, laakiin sida haatan hawshu ku socota ayaa muujisay in bil cagsi arintu tahay.

Ku dhowaad hal sano go’aanada Dawladda waxaa qaadanayey madaxweynaha, Raisul wasaarahana wuxuu u shaqeynayey qaab dalaal wasiirada dhexdooda intuu ahaan lahaa hogaamiyaha Xukuumada sida dastuurka dhigayo, kadib shaqeyn la’aanta dawladda oo xukuumada dhaliisha la saarayey inkastoo aysan go’aan lahayn, bulshada caalamku waxaa ay garwaaqsatay in loo baahan yahay in dawladda dib u habeyn (reshuffle)lagu sameeyo si karaamada xukuumada iyo awood qeybsiga qabiilkaba loo soo celiyo.

La soco qeybta xigta insha allah

Use Facebook to Comment on this Post

Daawo Video: Xususta Maanta & Goob Tariikhi ah oo ku taalo MUQDISHO

$
0
0

Goob Qiimo badna ugu fadhido Shacabka Soomaaliyeed oo Dowlada Somalia ay iska indha tirtay in ay dib u dayac tirto kadib Sanado burbur ah oo ku habsaday Goobtani Taariikhiga ah.

Waxaa hubaan ah Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed ee arka Goobtani in indhihiisa ay ilmo ku soo is taagayaan balse marka aad daawaneyso muuqaalkani waxaad arkaa arin kale oo aad ka naxeysid oo ah burburka Goobtani taariikhiga ah ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

DF Soomaaliya oo ay ku soo furmeen mowjado jah-wareero siyaasadeed ah

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) Toddobaadkan uma fiicnayn Dowladda Federalka, waxaana soo baxay Akhbaaraad saamayn ku yeelan kara hawl-maalmeedka Dowladda iyo Humaag Siyaasadeed soo kala dhex gala Dowladda iyo Beesha Calaamka, gaar ahaan Dowladaha deeq-bixiyaasha koowaad u ahaa Dowladda Federalka ee ay QM

Jabaqda mataanaha ee ay Dowladda la anfariirtay Toddobaadkan ayaa ah go’aanka ay Dowladda Turkiga ku joojisay Taageeraddii Lacageed ee ay Dowladda Federalka faraha ka saari jireen iyo Warbixinta Guddiga QM ugu qaabilsan kormeerka xayiraadda hubka ee dalalka Somalia iyo Eritrea.

Culays Siyaasadeed iyo mid Dhaqaale ayeyna labadaasi arrin ku noqonaysaa Dowladda oo la og yahay inay dhaqaale la’aan la tukabayso, waxaana arrinta ugu khatarta badan ah sida ay Dowladda Federalka ugu guul-daraysatay Tijaabadda Calaamka ee lagu eegayey hadday Dowladdu noqon karto Dowlad nadiif ka ah musuqa, dhaca deeqooyinka lacageed iyo kuwa qalabeed.

Labo daraale ayey Dowladda ku noqonaysa sida ay u bogsiin lahaayeen arrimaha halka mar is-biirsaday ee Indhaha Caalamka ku soo wada jeesten.

Xitaa haddii ay Dowladda isku tijaabiso inay dhaydo boogta kalsooni-darradda ee ay qaar ka mid ah Dowladaha deeqaha bixiya waxay ku qaadan kartaa muddo laga yaabee sannooyin, waayo Beesha Caalamka waxay ka gilgishteen halka ay ka baxaan lacagaha ay Dowladda Somalia ugu deeqi jireen.

Dowladda Federalka Somalia waxay maalmahan aad uga walaacsan tahay Go’aanka Dowladda Turkiga ku joojisay Taageeraddii Lacageed ee ay Dowladda sida tooska u siin jireen.

Turkiga waxay joojiyeen lacagaha sida tooska loogu taageeeri jirey Dowladda Somalia, iyadoo Kaalmooyinkaasi ahaayeen kuwa ugu badan ee ay Dowladda bil kasta ku xisaabtami jirtey.

Guddoomiyihii Bankiga Dhexe, C/salaam Cumar oo xilkaasi hayey muddo 7-bilood ah ayaa sheegay inuu Safaaradda Turkiga bil kasta ka soo qaadi jirey lacag dhan 4.5 million oo Dollar, iyadoo miisaaniyadda Dowladda sannadkiiba uu dhan yahay 110 million oo Dollar.

Deeqda Dowladda Federalka bil kasta ka heli jireen Dowladda Turkiga ayaa haatan u muuqda inay waayeen ibtii dhaqaalaha ee lagu naas-nuujin jirey.

Dowladda Turkiga oo ay suurtogal tahay inay xog hoose ka hayso halka ay Deeqaha ay bixiyeen ku aroormi jireen ayaa waxay si maldhan u sheegtay inay joojinayso Dhaqaalihii ay Dowladda Federalka bil kasta faraqa ugu shubi jirtey.

Lahjad Diplomaasiyadeedka ay Maamulayaasha Turkiga adeegsadeen ayaa laga dheehan karaa inay Turkiga shaki ka qabaan qaabka loo maamulo Lacagahaasi.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dowladda Turkiga wax badan maldahayso, laakiinse ay Dowladda Federalka u dhaqmaysay qaab ay Dowladda Turkiga ku qanacsanayn.

Go’aanka ay Dowladda Turkiga ku joojisay kaalmaddaasi lacageed waxa uu saamaynta ugu xooggan ku yeelanayaa Mujtamaca Soomaalida oo aan illaabi Karin Taageeradda ay Turkiga ugu soo gurmadeen xilligii ay macluusha ba’an ka dhacday qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia.

Waxaa lagu xusuustaa Maamulayaasha Turkiga gurmadkii ay Sannadkii 2011-kii u fidiyeen Ummadda Soomaaliyeed iyo Mashaariicda Horumarineed sida dhismaha Isbitaalka Digfeer, dhismaha iyo dayactirka Masaajid, Waddooyin iyo abuurista Ilo-shaqo iyo mid waxbarasho ee ay ilaa iyo haatan ka wadaan gudaha magaalladda Muqdisho.

Xeeldheerayaasha Siyaasadda ayaa waxay falaanqeyn ku sameeyeen Oraahda ay Dowladda Turkiga u adeegsatay inay joojinayso Kaalmaddii ay Dowladda Somalia siin jireen.

Marka la rogrogo Oraahdaasi waxaa hubaal ah in la fahmi karo inay Dowladda Turkiga wax saluugtay iyadoo dhinaca kalena sheegtay inaan la joojin doonin Mashaariicda ay ka hirgelinayaan gudaha Somalia.

Xeeldheerayaasha Dhaqaale-yahanka ayaa iyagana su’aal ka keenay Kaalmaddaasi halka ay asal ahaan ka soo jeedo, waxayna ku doodayaan inay Turkiga isticmaalayso Sanduuqa ay Dowladaha Islaamka lacagaha ugu yabooheen Somalia.

Dadka fikirkaasi qaba ayaa sheegayo in Shirweynihii Madaxda Islaamka (OIC) oo ay Turkiga marti-geliyeen bilowgii sannadkii hore Malaayiin Dollar loogu deeqay Somalia, iyadoo Madaxda Turkigana loo xil-saaray inay Kalmooyinkaasi maamulaan.

Dowladda Federalka waxay u aragtaa inay Dowladda Turkiga kala xaajoon karaan sidii loo sii wadi lahaa Kaalmadda dhaqaale ee la siin jirey, laakiinse Mas’uul u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa sheegay inay miisaaniyadda Kaalmadaasi ahayd mid dhamaatay dabayaaqadii sannadkii hore.
Mas’uul kasta oo xil qaran qabta waa in Hantidiisa la diiwaan geliyaa intaan xil loo dhiibin, laguna kontoroolaa halka ay dhaqaalaha soo gala asal ahaan ka yimaadeen, waayo waxaa aad u soo badanaya dadka sida xun ugu takri-falayo Xilka Qaran ee lagu aamino.

Dowladihii KMG ayaa horey farta lagu godi jirey, laakiin haatan waxay diiradda saaran tahay Dowladda Federalka oo u muuqata mid aan nadiif ka ahayn Is-dabamarinta Hantida Qaranka.

La yaab ma leh haddaan maqasho Wasiir hebel, Agaasime hebel, Taliye hebel, waxay ka fara qabsadeen muddadii koobnayd ee ay Xilalka hayeen. Imisaa mas’uul ayaa la hadal-hayaa inay Hantida Qaranka jeebka ku shubteen, kadibna Lacagahaas Boolida qaran Bangiyadda dibeddaha dhigta amaba guryo kaga gata magaallooyinka Geeska Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federalka waxaa la gudboon in wax badan oo qaldan la saxo, isla markaana sharci adag laga soo saaro La-xisaabtanka, dabagalka iyo maxkamadaynta shaqsiyaadka sida waalida leh u malabsanayo Hantida magaca Somalia lagu soo yabooho.

Dalsan Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Video: Dekedde weyn ee Magaalada MUQDISHO iyo isbedelka ka muuqda

$
0
0

Horumarka Baaxada weyn ee ka soconaya waxuu noqday mid dhan walba leh oo si xoogan uga socda Magaalo Madaxda Caasimadda ah ee Muqdisho waxaadna ka dheehan kartaa Muuqaalkani.

Waa hubaal in Muqdisho in ay cagta saartay Wadadii Horumarka & dib u soo celinta Bilicdii Muqdisho ee nala daawo Muuqaal Xiiso badan oo soo jeedasho leh oo laga diyaariyay Dekeda Weyn ee Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Video: Muqdisho iyo xilliga habeenkii

$
0
0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ka soconayaan Howlo wax looga qabanay Amaanka & dib u soo celinta Waagii bariisamaadka sida ay ahana jirtay magaalada Xiliga habeenkii ah.

Magaalada Muqdisho Habeen & Maalin waa isku mid xiliga aa doonto ayaa soconeysaa waxaana taa ay ka macno tahay in haatan uu jiro amaan la isku leyn karo oo ka soo roonaanayo sidii hore nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Daawo Video: Maxaa dib loo helay 23 sano oo bur bur ah kadib?

$
0
0

Wadanka Somalia tan iyo 1991 waxaa la waayay wax yaabo badan oo hoos u dhigay jiritaanka iyo Qaranimada Somalia balse waxaa moodaa in haatan dib loo helayo wax yaabo badan oo ugu dambeeysay dalka 1991-gii oo la is weydiinayo halka ay ka baxeyn.

Aqristoow waxan hubaa Muuqaalkani aan idiin soo wado in aad ku farxi doontaa hadaad aragtaan anigoo hubo in 23 sano ka hor idiin kugu dambeysay arin nuucani ah ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post


Islaam argagixiso ma noqdee, ayagaa argagixiso waligood ku noolaa + Reer galbeedka iyo qorshahooda Somalia

$
0
0

Waxay Yiraahdeen “All Muslims are not terrorist, but all terrorist are Muslim” 

Sida caadiga ah, dunida waxay soo martay siyaabo kala duwan oo ummadihii soo jiray ay isu diidi jireen, ama ay isku waafaqi jireen, laga soo billaabo dhashii Nabi AADAM CS, illaa iyo manta waxaa jirtay sifo uun uu reer ibnu aadam isu dilo, taasoo maalinba marka ka dambeysa ay soo badanaysay, sooyaalka dheer ee kala duwan dartiis. Waxayna keentay in kala duwanaansho badan abuurto, feker ahaan iyo dhaqan ahaan iyo midab ahaan intuba, ayadoo ummaddu isku mid ahayd, oo haddana  ka soo wada farcantay hal qof oo kaliya.

Anigoon doonayn inaan galo hor dhac idinka mashquulaya howlo badan ayaan doonayaa inaan guda galo ula jeedka qoraalkayga oo aan jeclahay inaan soo gaabiyo ilaa inta aan awoodi karo, idinkuna soo bandhigo inta cilmi ahaan aan u leeyahay dunidan iyo sida ay u shaqeyso, oo aan idinka tusaaleeyo bal sida benu aadamka jooga 1000 sano ee ugu dambeysay isula dhaqmayey, halistuna u kala gaartay, ayadoo diin iyo sifooyin kaleba loogu aanaynayo mushkiladahan dunida aafeeyey, waxaana doonayaa inaan ku bilaabo horta waxay ay tahay Kalimadda Terrorist.

Maxay tahay Kalimadda Terrorist, yaa adeegsaday markii ugu horaysay, maxaase sababay in la adeegsado.

Kalimaddan sida Caadiga ah, markaad ka eegto Bahda iska leh luuqadda ay ku qoran tahay ee English-ka ah, oo aad ka dhex hesho qeexiddeeda wixii ka horeeyey 1790, waxay u qornayd sidan soo socota ((( TERRORIST: IS USE OF VIOLENT ACTION IN ORDER TO ACHIEVE POLITICAL AIMS, OR TO FORCE GOVERNMENT TO ACTION, inkastoo definitionkan ay qorayaan dictionaries fara badan, haddana meelo qaarkood ayaad ku arkaysaa in lagu calaameeyey islaam)), kalimaddan marka ugu horaysay waxaa laga keenay Yurub,   waxayna ku soo beegantay xiligii kacdoonta Faransiiska ee taariikhdu ay ahayd 1790, waxaana lagu hirgaliyey xiliyadii ugu xanuunka badan lahayd dalka faransiiska. Dadka ku dhawaaqay ee laga xusi karo waxaa ka mid ahaa nin la dhihi jiray Edwin oo british Statesman ahaa, oo  dhacdooyinkii faransiis berigaas ugu yeeray argagixisnimo.

Maxaa yeelay 1793-1794 ayaa waxaa loo yaqaanay sanadihii Argagax ahaa ee Yurub soo maray qaasatan dalka Faransiiska oo madaxdii berigaas maamulaysay xasuuqyo aan kala sooc lahayn ka sameynaysay dalka gudahiisa taasoo keentay, in la xito 500,000 oo qof, lana dilo, 40,000 oo qof, lana barakiyey in ka badanb 200,000 oo qofood, iyo in baxsiyada gaajo iyo nafaqo daro iyo jirdilba ugu dhamaadaan in ka badan 200,000 oo qofood. Mushkiladdaas ayaa waxay keentay in loo aqoonsado years of terror, taasi ayaana keentay in Kalimaddan terrorist ay yeelato qeexiddan, taasoo ku tusinaysa in meelaha ugu horeeyey dunida ee ummadda lagu argagax galiyo ay ahayd reer galbeedka gudahiisa. Ayadoo ay taasi jirto ayaan bal haddana isku dayeynaa bal sida ay u dhaceen dhacqooyinkii qarnigii labaatanaad.

Bal aan eegno dhacdooyinkii argagax lahaa ee qarnigii 19-aad

Inkastoo warbaahinta xooga badan ay qarinayso waxyaabo badan oo dunida ka dhacay, ayna ka dambeyso siyaasado kala duwan oo ka shaqeynaya qalalaasaha dunida ayaad arkaysaa in ummadda dunida qaarna lagu tumanayo kuwana ay xooggoodu uun kaga hortagayaan, taasoo dunida muslimka oo daciif ah ay u suurtoobi weysay inay la yimaadaan wax is hortaag ah, ayna xitaa kari waayeen inay afkooda ku ciil baxaan mar haddii aysan itaal u lahayn dhanka militaryga, taasoo keentay in dhan waliba laga galo, ugu dambeyntiina laga aqlabiyad adkaado, waxaana dhamaan u sabab ah, aabana ka ah, codka ugu weyna iska leh mediaha, sidaas markaan leeyahay waxaan doonayaa in bal wax laga ogaado bal sida dhacdooyinkii naxdinta badan lahaa ee dunida ka dhacay aysan islaam wax lug ah ugu lahayn, oo reer galbeedu waligood ay ugu noolaan jireen argagax iyo anfariin, kadibna ay dunida ugu qaybiyeen, uguna dhigeen mid caalami ah, ayagoo waxay xeerinayaa iyo waxay qadarinayaan ay tahay noloshooda iyo caqiidadooda oo kaliya.

Aan tusaaleeyo bal waxa dhacay qarnigii 19-aad sida ay wax u dhacayeen. 

Aan ku billaabee, 1881 waxaa weerer 2 Qarax ah lagu qaaday Alexander II dalka Russia asagoo xiran Cambuur Bireed, wuuna ka badbaaday midka hore, laakiin kii dambe ayaa dilay oo uu ku dhintay. Qorshahaas waxaa ku dhintay 21 qofood, waxana Fuliyey IGNIS, mana ku lug lahayn wax islaam ah.

Waxaa ku xigay 1886 weerar Qarax ah oo lagu qaaday HAYMARKET SQUIRE ee Chicago oo ay ku nafwaayeen 12 qofood oo mid askiri yahay, 7 askari oo kalena ay ku dhawacmeen kuwaasoo markii dambana ku dhintay Hospitalka.  Dilkaas argagixiska ahaa waxaa geystay oo ka dambeeyey 8 qofood oo Anarchists ahaa, nin Muslim ahna kuma jirin.

Markaan ka soo tagto dhacdooyinkaan aan ka soo qaadanay wax yar oo aan badnayn, oo aan la soo koobi karayn, ayaan waxaan doonayaa haddana bal inaan soo Koobno mar kale bal wixii dhacay aynu eegno qarnigii 20-aad, iyo musiibooyinkii laga dhaxlayba.

Mushkiladihii aragagaxa badnaa ee dhacay qarnigii 20-aad

Haddaan ku billaabo 6-9-1901 waxaa la dilay madaxweyihii dalka maraykanka Mr. William McKinley oo ku dhintay shirqool loo sameeyey, waxaana ka dambeeyey dilka madaxweynaha  qolo Anarchists ah oo la yiraahdo LCON GZOLGOSZ.

1-10-1910 waxaa qarax lagu weeraray xarunta wargaysa Losangeles Times dhismaha ay daganayd, waxaana ku dhintay 21 qof, cidda ka dambeysay waxay ahaayeen laba Nin oo Christian mayal adag ah, oo magacyadooda la kala dhihi jiray JAMES IYO JOSEPH, Waxayna ahaayeen Union Leaders.

28-6-1914, waxaa la dilay nin iyo naagtiisa qiima weyn ku lahaa dalka Austria oo la yiraahdo ArchDuke iyo xaaskiisa taasoo qayb weyn ka qaadatay dagaal weynihii 1-aad ee dunida, waxaana ka dambeeyey qolo la yiraahdo YOUNG BOSNIA, oo intooda badan SERBS u badnaa, mana ahayn muslimiin.

16-4-1925 waxaa la qarxiyey kaniisad ku taala Magaalada Sofia dalka Bulgaria  oo la yiraahdo NADALYA CHURCH  waxaana ku dhintay musiibadaasi 150 qofood, waxaana ku dhaawacmay 500 oo qof, waxayna ahayd Taariikhda dalkaas weerar argagixis midka ugu daran taariikhdiisa soo maray, waxayna u ahayd maalin u astaysan dalka Bulgaria, waxaana ka dambeeyey xisbiga shuuciya ee dalkaas ka dhisnaa, wax Muslim ahna kuma jirin dhamaan waxaa ka dameeyey dad aan islaam ahayn.

9-10-1934 Boqorkii dalka Yuguslaafiya ee ELEXANDER ayaa shirqool lagu dilay, waxaana dilay nin dabley Hubaysan ah, Rasaasna la dhacay Boqorka,   VLADA GEORGIEFF, Muslimna maahayn.

Diyaaraddii ugu horaysay ee dalka Maraykanku uu leeyahay ee la afduubo ayaa waxaa gaystay afduubkaasi RAMIEREZ ORTIZ. Waxaana lala aaday dalka Cuba, kaasoo markii dambe magan galyo ka helay dalkaas Cuba, Mahayn nin muslmin ah ninkaasi dambigaas gaystay.

28-8-1968 waxaa shirqool dil ah lagu Fuliyey danjiraha Maraykanka u fadhiya dalka GUATAMALA, qof muslim ah shaqa kuma lahayn dilkiisa.

30-7-1969 waxaa shirqool dil ah lagu fuliyey danjiraha Maraykanka u fahdiya dalka Jaban, qof Muslim ah shaqa kuma lahayn dilkiisa.

3-9-1969 daljiraha maraykanka u fadhiya dalka Brazil ayaa la afduubay, cidda afduubtayna maysan ahayn Muslim.

19-4-1995 waxaa dhacay weerarkii caanka ahaa ee lagu qaaday xarunta dhismaha federalka ah ee ku taala magaalada OKAHOMA ee dalka maraykanka, waxaana lagu weeraray Gaari weyn oo laga soo Buuxiyey waxyaaba Qarxa, oo ku qarxay daartaas, waxaana ku nafwaayey 166 qofood waxaana ku dhaawacmay boqolaal kale.

Markii uu falkaasi dhacay markii dhamaan warbaahinta waxaa afka laga galiyey weerarkaas in laga soo agaasimay beriga dhexe, oo waxaa lagu baahiyey “Middle East Conspiracy” oo micnaheedu yahay waxaa ka dambeeya Muslimiinta Beriga dhexe, waxayna baahinayeen 4 maalmood oo isku xigta, taasoo ku tusinaysay in ay ahayd meelaha ugu horaysa ee lagu maagayey in dulmi xoog badan loo geysto dunida muslimka.

1941-1948, muddadaas uu dagaalkii dunida socda iyo intuu dhamaadayba waxaa dhacday 259 qaraxyo oo ay ku dhamaadeen kumanaan qof oo masaakiin ah, oo ay ka dambeeyeen kooxo kala duwan oo Yahuud ahaa, kuwaasoo dal raadis ahaa, waxayna dhibaatooyinka ay gaysteen ka mid ahaa weerarkii 22-7-1946 ay ku qaadeen qarax xoog badan Hotelka la Yiraahdo KING DAVID HOTEL, waxaa fuliyey MENACHEN BEGIN, oo yahuud ahaa. Waxaana ku dhintay 91 qofood oo u kala dhashay 28 British ah, 41 Carab ah, 17 Yahuud ah, iyo 5 dad kale ahaa.

Howsha marka ay qabanayeen waxay ku soo labisteen dharka carabta si loogu eedeeyo inay ka dameebeey dad ka yimid bariga dhexe, oo markaa ay mushkilo ugu dhex abuuraan, waxaana loo aqoonsaday kooxdii ka dambeyasay qaraxaas hotelka lagu qaaday ARGAGIXISO, kadibna berigii dambe ee uu Ra’iizul wazaaraha ka noqday Israel Mr. Menachen Begin, waxaa la guddoonsiiyey Abaal Marinta Billadda Reer galbeedka Ugu saraysa ee loo yaqaano NOBLE PEACE PRIZE, ama billadda Nabadda.

Sideedaba raggii ummadda soo halaagay ee Yahuudda madaxda ka noqday marka ugu dambaysa waxaa la gudoonsiiyaa abaal marino qaali ka ah dunida reer galbeed, oo noqonaysay midda ugu saraysay ee laysku sharfo.

1968-1992 dalka jarmalka waxaa ka dhisnaa koox Gangs Hubaysan ah oo dadka laysa, lana yiraahdo BAADER, kooxdaasi waxay dilal badan oo naxdin leh ka gaysatay dalka Jarmalka, dhamaan muslim maysan ahayn.

Dalka Talyaaniga waxay lahaayeen koox la yiraahdo Red Brigade oo Gangs dadka layn jiray ah, waxyaabaha laga xusi karo waxaa ka mid ahaa inay afduubeen Ra’iizul wazaaraha dalka Talyaaniga ALDA MORO,  55 maalmood kadibna ay dileen,  dadka falkaas geystay, kuma jirin muslim, wax shaqa ahna kuma lahayn.

20-5-1995  koox AU SHINRIKYO la yiraahdo ayaa waxay isku dayeen inay Subway Train dhulka Hoostiisa mara weerar ku qaadaan, waxayna doonayeen inay u adeegsadaan sun Halis ah oo la Yiraahdo Nerve GAS. Waxaana markiiba deg deg uga howl gashay dowladda Jaban, laakiin weerarkooda waxaa ku dhimatay 12 qofood, waxaana wax yeelo Halis ah ka soo gaartay in ka badan 5,000 oo qof. Waxayna ahaayeen Boudhist, wax muslim ah kuma shaqa lahayn.

Britishku waxaa ay lahaayeen niman gobanimo doon ahaa oo la Yiraqahdo IRA koox terrorist Christian ah, oo laga soo gaabiyey IRISH REPUBLICAN ARMY, oo weerar Joogto ah ku hayey dalka Ingiriiska, kuwaasoo laayey dad tira dhaaf ahaa, kuna qaaday meelo kala duwan, soona jiray muddo aad u dheer. Dagaalka ay ku jireen iyo weerarada ay qaadayeen maalin qura lama dhihin waa argagixiso ee waxaa la dhihi jiray waa IRA oo kaliya, taasina waxay kuu sheegaysaa in micnaha argagixisadu uu ku dhisan yahay haddba sidaad u qaadato, ayadoo 2007 weerarkii lagu qaaday trainka dhulka hoostiisa loo wax yeeleeyey Muslimiin badan oo ku dhaqan dalka gudahiisa.

Weerada ay IRA qaaday waxaan ka xusi karnaa.

1972 waxay qaadeen 3 qarax oo kala duwan oo ay ku kala dhinteen dad kale duwan, weerarkii hore waxaa ku dhintay 7 qofood, midka labaadna waxaa ku dhintay 11 qofood, midka sedexaadna waxaa ku dhintay 9 qofood tiro dad ahna waa ku dhaawacantay.

1974 waxay qaadeen laba qarax oo waaweyn, mid waxaa ku dhintay 5 qof 44 kalena waa ku dhaawacantay, mid ka kalena waxaa ku dhimatay 21 qof 182 qofoodna waa ku dhaawacantay.

1996 qarax weerar ah oo lagu qaaday LONDON waxaa ku dhimatay 2 qofood 100 kalena waa ku dhaawacantay.

Ma koobi karayno inta qarax ama ismiidaamin ee ay gaysteen dad aan muslim ahayn oo dunida oo dhan ka dhacay, haddana aan intooda badan lagu sheegayn inay ka dambeeyaan aragigixiso. Dhamaan Macluumaadkaas aan kor ku soo xusay oo dhan waxaa laga soo ururiyey keyd aan dunida muslimka laga keenin, ama uusan qorin nin muslim ah, amaba cidda sameysan aysan muslim ahayn. Dhamaan macluumaadkan wuxuu si toos ah kugu caddaynayaa in dhamaan muskiladda dunida ka jirtaa aysan manta kaliya ahayn, muslimiintuna aysan wax lug ah ku lahayn.

Terrorist nimada qarniga 21-aad, waa xeeladda dhaqaala raadinta maraykanka iyo xulifadiisa, iyo hirgalinta fekerka ku dhisan New world Order la astaayey horaantii sagaashamaadka ee ay galbeedka doonayaan inay ku maamulaan dunidan.

Waxaad la yaabaysaa in wixii ka dambeeyey 1991 oo dunida balancegii east iyo west ay kala awood badnaadeen ee ay xoogaa awoodda ah ku hartay in lala soo baxay hab cusub oo new world order-ka lagu hir galinayo taasoo uu qeexay Madaxweyne Bushkii hore, ee uu ku caddeeyey qudbadiisii dalka Kuwayd uu ka jeediyey september 11- 1991, ee uu dunida oo dhan kula hadlayey, asagoo markaa lahaa, dunida waxaa loo dajinayaa nidaam aan ahayn midka duurka iyo xayawaanka isku maamulo, micnahuna ahaa in America ay soo waddo nooc cusub oo ay dunida kula dhaqmayso, mar hadduu cold war kii dhamaaday, ayna doonayso in laga hir galiyo adduunka nidaam ay u dhiseen, taasina waxay keentay in si ay awoodooda u dhisaan ay helaan dhaqaalo iyo miisaan xoog badan oo lagu dhiso awoodda military iyo tan dhaqaale ee dalka maraykanka, iyo in la mideeyo Yurub madaama ay xulifo yihii, taasoo hordhaceeda uu ku sheegay Bushkii hore isku Furista darbiga labada Jarmal ee east iyo west la kala dhax dhigay dagaalkii 2-aad ee ay ku kala qaybsadeen Ruushkii oo Midowgiis Soviet ahaa, iyo NATO.

Inkastoo la yirahdo new world order wuxuu soo billowday dhanka reer galbeedka xiligii dagaalkii hitler, haddana dhanka dadka aan islaamka ahayn wuxuu ahaa mid u cusub in global ahaan loo fekero ama laysu balaariyo dunida, waxaanse ugu muhiimsan oo laga xusi karaa project la sameeyey September 2000, oo loo yaqaanay PNAC oo laga soo gaabiyey Project New Amertican Century, oo ula jeedkiisa oo dhanba uu ku urursanaa qarniga cusub iyo dib u dhista iyo dib uqaabaynta dowladda maraykanka si ay u sii ahaato global power dominant, oo 100-ka sano ee soo socda ay dunida ayada ugu soo xoog badnaato, amaba ay ahaato midda kaliya ee la dhagaysto waa sida ay doonayaane.

Qorshahaas ayaa wuxuu qayb ka noqday, dagaalo fara badan oo dunidan maanta aan ku nool nahay ka dhacaya oo la yiraahdo dagaalka khayraad raadiska ah(war on crucial resources), ee uu maraykanku ku doonayo inuu helo saliid iyo bir ka badan midda uu hadda haysto, uuna helo new military industrial complex,  oo awood u siinaya inuu helo maraakiib, Gantaalo, Submines, iyo Highly sophisticated ultimate war plane, scientific liabaroties, powerful researchoo wada cusub oo Tankooda intuu la eg yahay aysan wali dunida ku riyoon, oo loo design gareeyey as global invasion, looguna tala galay in hal kii Markab uu bilo ka dagaalami karo dunida koonaheeda kale asagoon wax caawimaad ah oo deg deg ah uga baahnayn dalka maraykanka, kuna shaqeeya awoodda nuclear-ka, oo dunida dacaladeeda gaaf wareega si ay u kortaroolaan dhamaan dhaq dhaqaaqa adduunkan aan ku nool nahay.

Hirgalinta qorshahan ayaa waxay qayb ka tahay habka loo heli karo wuxuu raadinayo Americanka iyo raga la saaxiibka ah ee Yurub, kuwaasoo si isku mid ah u doonaya waxa uu Maraykan ka raadinayo dunida, waxayna si isku mid ah ugu shaqeeyaan dunida oo dhan ayagoo magacyo kala duwan iyo ururo kala duwanba ku dhex yeeshay dunida, waxayna ula tacaamulaan gacmo markay kula joogaan kala duwan laakiin markaad gadaal u raacdo xagga dambe isaga dhagan.

Waxay heshiis buuxda ku yiriin in awoodda reer galbeedku ay ahaato mid lama taabtaan ah oo aan cid wax laga weydiinayaa aysan jirin, waxaad dareemaysaa habka ugu maqcuulsan ee dunida wax uga heli karaan inay ku raadinayaan.

Waa maxay New World Order ?

Micnaha luuqad ahaan waxaad moodaysaa inuu qayaxan yahay, oo aad arkayso system cusub iyo aragti cusub iyo dhaqan cusub iyo awood cusub inay dunida u soo baxday, laakiin sida loo dabaqayo ama dunida looga dhaadhicinayo ayaan ahayd mid u baahan in laga fekero, sidaas darted aragtida ayaa waxay noqotay in dunida la maamulo ayna ka amar qaadato dhowr ama hal dowlad oo dunida ayada police ka noqota, hadalka ugu dambeeyana yeelata. Waxayna keentay in aan laga xaajoon diimaha kala duwan iyo fekerada kala duwan, layskuna dayo in la caburiyo, ama laga taqaluso hadba ummaddii loo arko inay xoogaa ka madax adag tahay nidaamkaas ama la qasbo illaa la waafajiyo rabitaankooda.

Si loo hirgaliyo nidaamkani wuxuu ku xirnaaday in la helo saaxiibo fahmaya oo governors ugu noqda dalkastaba, maadaama la doonayo in one world government la hirgalinayo, oo inta koox la ururiyo la soo tababarto kadibna dalkoodii dib loogu celinayo si mustaqbalka ayna ugu hirgaliyaan dowlad ay ayaga dabada ka fadhiyaan kuna illaaliyaan kursiga, ilaa intuu ka dhintana ay ku adkeeyaan, ama u dhiibaan jiil cusub oo ay la yimaadeen oo fulinaya aragtida raggaasi odayaasha ah.

Micnaha waa cad yahay, waa maamul dunida ka aaba ah oo la dhagaysto oo wakiiladii dunida ugu wakiilka ahaa ay u joogaan, ayadoon loo geyn ciidan iyo dabaabado, waxaana la kala iibsanayaa shacabka  dalkasta oo dunida ku nool, kaasoo aan aad u fahamsanayn waxa ka dambeeya in maamul ama dowlad, laysku qabsado, si xuquuq loo helana lagu meel mariyo kacdoon ama violent action. Taasoo ugu dambeyntii asalkeedu yahay anigaa leh, iyo ma lihid. Markastaba reer galbeedka waxaa ayaga muhiim u ah ama Nabad helaya ama amaankiisu ku xiran yahay Cidda waafaqsan fekerka Globalization-ka ah ee dunida loo dajiyey ee laga dhigay (One world, ama Global Village), oo runtii ah Ideology laga dhigayo mid ku wanaagsan in dunida ay tuulo kaliya noqoto,laakiin aan la micnayn wax dhabta ah ee laga leeyahay, ama ka dambeeya. Mar haddii dunidu noqoto one Village, waxay u dhowdahay in Oday dhaqameed maamuli doono, uuna kaasi noqon doono uun ninkii Tuuladaasi isu keenay, waana sida ay tahay ee Ummadda dunida ku nool aan loo sheegayn,Globalization-kuna waa perfect application to attain the world under one system.

World under one system wuxuu u baahday dhaqaalo, taasina waxay keentay in la invade gareeyo dalal badan oo dunida ka mid ah. Gerenal ka mid ahaan Jiray Ciidamada NATO ayaa ka sheekeeyey wuxuu la kulmay mar miiska ay saarnaayeen sida loo qabsan lahaa 7 dal oo dunida muslim-ka ka tirsan muddo 5 ama 6 sanaood ah, taasoo ay ka mid ahayd dalka SOOMAALIYA, ugu dambeyntiina la doonayey in loo bixiyo NEW MIDDLE EAST, xukunkana aad moodaysid in loogu dhiibi doono reer Cabdi casiis Alla Sacuud, maxaa yeelay reer aala sacuud kama shaqeeyaan feker islaami ah, waxay had iyo jeer la safan yihiin kuwa dhabarka jabiya dunida muslim-ka oo dhan.

Haddaan taasi tusaaleeyo, sacuudiga, Imaaraadka iyo Qadar waxay u dhow yihiin in dhaqaalahoodu hoos u dhaco sanadaha soo socda sababtoo ah  shidaalka oo dhaqaalahooda ku xiran dartiisa, kaasoo asaguna aad looga dayrinayo, haddaba sow ma dhici karto in heshiis Soomaaliya ka dhan ah inay reer galbeedka la galeen Carabtu, amaba carabtu reer galbeedka heshiis kula galaan oo ay ku doonayaan in khayraadka dalka Soomaaliya ka dhigtaan nolosha mustaqbalka carabta, sidii  ay noolaan lahaayeen, ayna doonayaan sidaas darteedna uu reserves u yahay carabta iyo reer galbeedkuba, carabtuna ay dagaal ugu jirto dhamaan khayraadka ummadda Soomaaliyeed oo dhan, Aniga shaqsiyan kama shakinayo inay ku fekerayso carab, in waddanka ugu dhaqaalaha badan caalamka carab oo Soomaaliya ah, ay doonayso inay ka dhigato future reserves, galbeedkuna ayada wakiil uga ahaato, Soomaalina ay aaminsan tahay in carab ay tahay walaaha Muslimka ah, ayadoo maamuladoodu aysan islaam wax dan ah ka lahayn, oo xitaa ay diidayaan, oo ay karantiilayaa dadkeenii, dhuxusheeniina ay u soo dirsadeen rag ganacsato aan waxba garan, iyo ugaartiiba.

Arimaha iskaashiga habka loo dajiyey Global one Village, ayaa keenaya in loo fekero siyaabo kala duwan, waxaa laga yaabaa dunida muslim-ka  mushkiladda ka taagan inay aabe iyo Hooyo ka yihiin Khaliijka, ayna ka mid tahay iskaashiga reer galbeedka iyo Camiiliinta dunida Mislim-ka  ay ka leeyihiin islaamka iyo sida loo hir galin karo. Haddaan Tusaale yar ka bixiyo sida uu yahay dhaqaala raadiska maraykanka ayaa meelaha ugu waaweyn waxaa ka mid ahaa dowladaha islaamka ah ee ku yaala bartamaha qaaradda AASIYA, ee sofiyeedka ka mid ahaan jiray, wuxuuna la galay heshiis, dowladahaas waxaa ka mid ahaa dowladdii Islaamiga ahayd ee dalka Afgaanistaan ka dhisnayd ee dunida oo dhan wada Ictiraaftay haba ugu badnaadeen Carabta, kursigii United Nation-kuna ku fadhisay.

Waxaa jira fekero sheegaya in Taalibaan iyo Maraykanku ay isku af dhaafeen habka loo qodayo shidaalka dalka Afgaanistaan si looga faa’ideeyo Ummadda meesha ku dhaqan, qillaafkuna waxaa uu yahay in ay Taalibaaniyiintu ka biya diideen in ay aqbalaan soo jeedin ka timid Maraykanka oo ahayd, inay ay aqbalaan sida loola tacaamulay Carabta oo kale, waxayna keentay inay diidaan, taasoo soo dadajisay dagaalkii lala galay Afgaanistaan laguna Burburiyey nidaamkii Taalibaan, kadibna meesha loo keenay dowlad camiil ah, si ay u fuliso danaha laga waayey raggii meesha laga saaray.

Qorsha wuxuu ahaa in waddamada AASIYADA DHEXE, laga qodo shidaal, dhuumahiisuna la kala geeyo, Pakistan iyo Balkaniska, oo halkaas laga kala qaato, oo dhul baaxadiisu ay Kumanaan KM tahay dhuumahaas la mariyo. Haybsiga shidaalka iyo raadinta wax sare u qaada Military dalka Maraykanka ayaa gaaray in uu galo conflict, iyo inuu dhiig badan ku daato.

Waxaan daawaday program free Youtube ku jira ah, oo ay kaga hadlayaan sida shidaalka ugu baahan yahay Maraykanka iyo sida uu ku raadinayo, waxaana si toos ah kugu sheegaya dad qabiira ah oo kala duwan oo qaarkood la soo shaqeeyeen dowladda maraykanka ah, waxyaaba aan ka xusi karana ay ka mid tahay, sida loo weeraray ciraaq inay ahayd, habka ay ugu sahlanaatay in  lagu helo shidaal deg deg ah, oo howl badan ay ku qabsan lahaayeen. Waxay Yiraahdeen, waxaan is barbar dhignay waddamo badan, Khaliijka waan haysanaa, laakiin aan is barbar dhigno 3 dal, oo kala ah Turkey, Iran iyo Ciraaq. Waxayna ugu dambayntii yiraahdeen, Iran waa dal is difaaci karo oo Cost galayo, Turkey waa waddan saaxiib ah, Ciraaq ayaa Jilicsan aan garabna lahayne, ayada aan galno, waxayna ugu dambeyntii keentay dagaalka ciraaq inuu noqdo mid aan loogu simin cidna, qof laga dhagaysanayna aanu jirin, ugu dambayntiina hadalkii ahaa shidaal raadinta ee Ciraaq galay wixii itaal laga heli lahaa, laga qaatay, ama sida muuqatay loo caal waayey oo jab iyo dhibaato ka dib ay noqotay in dib looga baxo.

Soomaaliya oo gashay Booska Ciraaq ee dhaqaala raadinta galbedka..

Soomaaliya waxay ka mid tahay 7 dal oo u astaysnayd sida uu sheegay General Howl gab ahaa oo ciidamada maraykanka ka mid ahaa, waxayna noqotay meel ay daraasado is xiga ka wadeen shirkado badan oo Maafiya ahaa oo ka howl galay inta gobol ee hadda dagan, ee Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo doonayey inay wax uun boobaan, iyo hayado kala duwan oo qiimayn ku sameynayey inay dalka ogaadaan meelaha ugu sahlan uguna wanaagsan ee laga heli karo khayraadka ay u baahan yihiin, iyo sida ugu sahlan ee ay ku heli karaan, ayagoo meelkastaba dhigtay ciddii u fududayn lahayd.

Koofurta Soomaaliya oo ah meesha kaliya ee aan wali laga howl galin ee ay ka taagan tahay dhibaatada, ayaa ah meesha kaliya ee ka badbaaday in sahamadaasi ka dhacaan taasoo ay joogaan inta badan Ururka alshabaab, oo ay Reer galbeedku u yaqaanaan urur Argagixiso. Haddana waa ka nabad qabaan daraasada waalan ee kala duwan ee dalka gudahiisa ay ka wadaan ajaaniib kala duwan oo Yurub u badan. Si loo hirgaliyo damaca in la helo shidaal iyo in ummadda xoolaheeda la boobo, waa waxay ka siman yihiin reer galbeedka.

Tusaale haddaan u soo qaadano, waxaa na soo maray 20 sano ee ugu dambaysay dhacdooyin midna la sharciyeysanayo midna aan sharci ahayn, tusaalaha waxaa ka mid ah, in xeebaha Soomaaliya la sumeeyey, khayraadka badda la xaalufinayo, maraakiibtii la qabtay ee ay qabteen wiilasha ee lagu qabtay kaluun badan, wax sharci ah oo dunida ay ka qaaday ma jirto, waxayna fashileen wiilashaas in baddeena aad boob xoogan loogu hayey suntana lagu waday oo aysan kala joogsi lahayn, haddana maraakiib dagaal loo keensaday si howshooda burcad badeednimada ah ugu sii socoto, una qaataan waxxay doonayaan.

Wax micna ah ugama fadhiso reer galbeedku suntan iyo chemicals-ka ay qashin qubka nooga dhigeen, lagana soo daabulo dalalkooda iyo warshadahooda kala duwan, waayo waxay ku difaacaan ayey haystaan, wiilasha sheegaya oo maraakiibta la dagaalamayaa waxay ugu yeereen burcad badeed, ayagoo la og yahay in 24 saac habeen iyo maalin ay Boob ku hayaan xeebaha, dhamaan mediahuna uu sheegayo oo kaliya Burcad badeed Soomaali ah oo aysan lahayn xitaa waxaa jira laba burcad badeed.  Taasina ku tusinaysa in howl galka global responsibilities-ka uu yahay uun midda ay ayagu kaligood ogol yihiin ayna doonayaan, inta kalena aysan wax micna ah ugu fadhin, oo shucuubta dunida oo dhan ayey doonayaan in Numbers-kooda hoos loo dhigo, waayo waxay aaminsan yihiin inuu khayraadka dunida aad u sii yaraanayo, si uu u noqdo mid dunida ku filan in ummadda dunida la laayo, waxayna ka mid tahay polices la yiraahdo POPULATION REDUCTION SYSTEM loo sameeyey oo ka mid ah habka dhaqan galinta NEW WORLD ORDER-KA.

Boobka shidaalka wuxuu socdayba wuxuu gaaray inuu dalkeena soo galo oo is qabsiga uu ka dhaco Kenya Nairobi, ayadoo dood la galiyey Neutical Miles-ka Soomaaliya iyo Econimic Zone-ka dhanka xeeba dalka, iyo xuduudaha Badda ee Kenya iyo Soomaaliya, ayadoo raad raac ay sameysay dowladda Norway la waafajinayo ceelal ay ka sahmisay xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka badda ah, halkaasoo ay ku aragtay meel koleey Muran la galin karayo, taasina ay keentay in Kenya dhaqaalo xoog badan lagu siiyey inay Soomaaliya Gudaha u soo gasho ayadoo adeegsanaya ciidamada Kenya iyo cumaaliin Soomaali ah sida Axmed madoobe iyo rag howsha kala shaqeeyey oo Kenya Jooga.

Dhaqan galinta qorshaha dhaqaala raadinta Reer Galbeedka wuxuu joogaa in ciidamada Amisom ay ka mid yihiin jidka ugu wanaagsan ee lagu hir galin karo Natural resources dalka, iyo sida sy u heli karaan national deposit dalkeena, ama violation loogu sameyn karo national deposit, ayadoo wax qawaaniin ah la soo marin, ama sidii ay u suurtoobi lahayd in la bililiqeysto dhaqaalaha keydka ummadda Soomaaliyeed. Nabad Ilaalinta dalkuna waxay qayb weyn ka tahay, sloganka lagu invade ama lagu violate garaynayo dalka,  oo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed la gaarsiinayo in ay aqbasho ugu dambeyn waxyaabo badan oo aysan horay u aqbali jirin. Waxaa ka mid ah, system-ka la yiraahdo systematic internevtion, or starvation, ama burburi raja kasta oo ay ummadda yeelato si ay uga niyad jabaan, ugu dambayntiina loo sameeyo some positive things,  oo lagu beer jilicsanayo si ay u aaminaan in markaan ay helayaan waxay doonayeen, laakiin baahida ay qabaan halitaankeedu laga xigsanayo oo ay u muuqanayso inuu nin gacanta ugu hayo, ninkaasina uu yahay ninka cad ee Galbeed ka yimid, ee ku dhawaaqaya waxay ummadda u baahan tahay, laakiin system-ka ama hanaanka lagu hirgalinayo uu isaga  gacanta ku haysto, si aysan uga bixin gacantooda, kooxa badan oo Soomaali ahna fulintu waxay doonayaan ay uga wakiil tahay.

Muqdisho oo caasimadda dalka ah  waxaa ka socda dhismo kala duwan iyo rajo, laakiin waxan rajo laga qabin in la dhiso ciidan Soomaaliyeed, waayo qorshaha ummadda loo dhigay ayaanay qayb ka ahayn, waxaadna moodaysaa in fekerkii 1960 Aadan cadde iyo cabdirashiid ku raadinayeen uu taagan yahay ee ahaa, in ciidan Soomaaliyeed oo dalka illaalin karo la dhiso, kaasoo tiradiisu ahayd markaa 25,000 oo askari oo dalka uu yeesho, waana ka diideen waddamada reer galbeedka waxayna u baahnayd Soomaalida kharash dhan in ka badan 200 oo milyan, taasoo ay galbeedka ugu jawaabeen waxaan idin dhisaynaa 5,000 oo Police ah, iyo balan qaad 10 Milyan ah.

Arintaas berigaas taagnayd waxaa laga hoos galay soofiyeedkii oo markaas garab ka raadinayey east Africa oo markiiba keenay qalab military oo dhisay ciidamada dalka kuna caawiyey  military hardwares Tanks T-34, Mig-15, iyo Military advisors, macalimiin, dhaqaatiir, Deeyn,  iyo waxyaabo badan oo ay markaa dowladii cusbayd u baahnayd. Maanta waxaad dareemaysaa dowlad kale oo laga Hoos galo oo ciidanka noo dhistaa inaanu Jirin, oo aad dareemeyso illaa Police dalka in laga dhigayo African. Maxaa yeelay ciidanka dowladda Maanta Joogtaa baahida uu qabo, iyo Tababarka uu leeyahay noockasta uu yahay, wax micna ah malaha, waayo askariga ma haysto mushaar wanaagsan haba yaraatee, mana laha hab ciidan oo la garan karo, umana muuqanayso in ciidan dowladeed la sameyn karo,  nidaamka dhismaha ciidan ummadda leedahay ayaan ahayn mid miiska saran, markaad xamar joogto ayaad si wanaagsan u garanaysaa.

Kala qaybinta gobolada dalka ee kooxkastaba ay gooni ula cararayso, wuxuu qayb ka yahay geedi socodka lagu sii fogaynayo arimaha nabadda dalka, iyo isu keenista ummadda Soomaaliyeed, iyo dhismo isfaham ka dhaxeeya qolooyinka, waxayna ku dadaalayaan wakiiladooda inay hadba fuliyaan waxaa ku qoran waraaqaha ay lacagtu ku laaban tahay ee laga keeno Nairobi iyo Addis Ababa, oo cidda u geed fadhisaa ay tahay global interest, iyo hadday sidan diido aniga gobolkaas baan leeyahay. Somaliland iyo Puntland marka horeba dad bay u xiran tahay, howshana waa ka socotaa, laakiin Norway iyo france ayaad moodaysaa in jubbada hoose ay hadda qaybta ugu weyn ku leeyihiin, waana portion-ka ay donayaan inay ku yeeshaan dalka, heshiiskuna waa in reer galbeedku isu ogolaadaan qaybsiga khayraadka dalka, cidday doonaanba ha u mareen.

Hadal  lama dhargo ayaa la yiraahdaaye, haddaan dib ugu noqdo arimaha aan ka soo hadlaynay, waxaan adduunka jirin cid si toos ah ugu kala garqaadaysa mar haddii inta wax garataa aysan cod lahayn, inta awoodda  ku dhaqmaysana ay tahay sida ay ayagu aaminsan yihiin.

Terroris, Axis of Evil, and Radicalism. Militants, Nuclear dispute, Long range Missles agreements, Insurgences, Regime change,Piracy, iyo dhamaan kalimadaha la midka ah, waa ereyada loogu geed galo cidkasta, waana is loganska loo dhiibo dhamaan warbaahinta reer galbeedka laguna caburo cidkasta oo feker ahaan ka duwan reer galbeed-ka iyo cidkastoo xoogaa hub iyo dhaqaale ah isku darsatay xaddaarad ahaana aan ahayn mid aad u fog, warkoodana noqday sources-ka kaliya ee laga qaato macluumaadka dunida oo dhan. Warbaahintoodu waa Afka kaliya ee lagu Burburiyo waxkasta oo ay u baahan yihiin inay ka taqalusaan.

Marka laga hadlayo waxyaabaha terrorist ay yiraahdaa waxaa ugu cajiibsan kalimadda ay islaamka ugu yeereen ee ahayd (( ALL MUSLIMS ARE NOT TERRORIST, BUT ALL TERRORIST ARE MUSLIMS)), kalimaddaasi ayaa kuu caddaynaysa in cidda la maagan yahay loo bixiyo, waana erayada u hirgalay ee loo dhiibo wax ma garadka oo dhan, kuna dhaqma laguna dhibaateeyo dad badan oo aan waxba galabsan, wuxuuna dunida ka noqday kalimad crime lagu sameeyo, ama all criminals-ka oo dhan ay ku shaqeystaan.

Waxaan xusuustaa Markuu cabdillaahi Yuusuf Xabashi dalka la yimid, in Kalimadda Taalibaan, iyo qofka Sunnada  ka Muuqato, iyo waliba in xoogaa aad lacag haysato ay isku mid ahayd, oo sidii laguu handadi lahaaba aad noqoto Terror, ama Taalibaan. Iyo Al-qacidda oo runtii magaca ahaan mooyaane aan anigu aaminsanahay inaysan ahayn urur jira oo dhisan oo dunidan manta ka jira, oo meel uu ku dhawaaqay iyo cidda dhistayba aan wali dhawaqeeda la arag laakiin dunida ku caan baxday oo habeen iyo maalin dhagaha dadka lagu shubay.

Intaan waxaan aqris ku jiray waxaan waligeey arkin warqad official ah headerkoodu ku xusan yahay Ururka Al-qacidda iyo system-ka ay u dhisan yihiin  oo kala duwan, amaba cod nin ka mas’uul ah leeyahay oo sheegaya inuu ururkaasi jiro, taasi ayaana igu qasbaysa inaan caddayn buuxda oo maqal iyo muuqaal ah u helo,  haddaan waayana caqliyan aysan ahayn inaan aamino warbaahinta reer galbeedka, iyo dhamaan habkasta oo ay wax u gudbinayaan, maxaa yeelay mas’uuliyad daro weyn baa ku jirta, National Interest waa ay xeerinayaan, ama danaha dalkooda. Sidaa darted baanay ku noqon Karin warbaahin loo qaadan karo mid ka tarjumaysa danaha guud ee dunida, ama meel dhexe ka istaagi karta, waana doqonimo runtii aad aaminto wuxuu nin kuu reason gareeyey, adiga oo aan hubsan, kadibna simple ahaan loo qaato dadkana lagu sii dhax daayo, waana waxyaabaha cawaaqib xumada dunidan manta dhigay, qaasatan dunidan seddexaad.

Shareecadda islaamka ma qabto in waxkastaba lagu qaato sida loo sheegay, waxayna na faraysaa in la xaqiijiyo, waxkasta oo lagu soo gaarsiiyo, si loo hubiyo sax ahaanshaha warbixinta. Taasi waxay hagaajinaysaaa in warka umadda lagu soo dhex tuuro uu markastana gaarin cidkasta oo hadduu been yahayna laga noqdo, hadduu run yahayna si ethic ama aqlaaq badan dadka loo dhex dhigo, loona gaarsiiyo xigmadna loogu daro.

Qofkasta oo Soomaali ah waxaa looga baahan yahay in ay kaga faa’iideysato codkeeda lagu dhismayo, ama lagu ururinayo aragtida shaqsiga iyo tan guud, waxayna chance fiican noo siinaysaa inaan heli karno jidka aan u baahanahay ee dadkeenu fahmayo, iyo qaabka laysugu keeni karo is fahamwaaga dhex yaala ee siyaasiga ah. Waayo dadkeenu ishtimaaci ahaan isuma diidana ee waa siyaasad, meelo kala duwan ku kala xiran, oo aan lahayn principles ka tarjumaya danta guud, micnaha lagu xoojinayaana uu yahay qabiil, ayna ka dambeeyaa aragtiyo kala duwan oo aan Soomaali asal u ahayn, cilmiguna ka maqan yahay, ama rag baaba joogee laga fogeeyey, si wax dhisan aysan meesha uga soo bixin.

Maxaa yeelay siyaasiga maanta 100% waxaa role model u ah, nin uu aaminsan yahay oo aan Soomaali ahayn, sawirkaas ayaa siinaya inuu qaato aragti nin kale leeyahay, muslim iyo gaal cidduu doonaba ha noqdee. Laakiin waxaan badanaa la xeerin kala duwanaanshaha ummadda dhaqan iyo dabeecad, ayadoo laga yaabo in diin qura la wada haysto ayaan haddana isku si loo deeqsiin Karin marka qofka wax loo sheegayo, oo tusaalayaasha ayaaba kala duwan. Nin waa la qasbaa nina waa nin faham badan, nin waa daacad nina waa nin qiyaano ku nool. Markaa haddii aad carabta Joogto waxaad arkaysaa in daacadnimo iyo midnimo islaamnimo oo si walaalnimo ah ku jirta aadan ku arkaynin, halka ninka Soomaaliga ah uu carabka u aaminsan yahay darajo fiican, ayadoo carabta dhexdeeda laga helo Yahuud fara badan iyo Christian fara badan, waxaana u sabab ah inaan islaam u aamino cidkastoo carabi ku hadasha inay tahay Islaam.

MAHAD NAQ

Waxaa mahad oo dhan u sugnaatay illaahay subxaanahu watacaalaa, I dareensiiyey inaan sidan wax u qoro, iigu deeqay inaan islaam sunni ah noqday, igana dhigay qof Soomaali ah.

Waxaan u mahad celinayaa dhamaan inta aqrisay qoraalkayga.

Afeef: qoraalkaygu ugumaan tala galin inaan cid gooni ah ama si gooni ah ugu war yeeleeyo, waxan kugu tala galay uun in wax laga ogaado wadciga dunida ka jira, anigoo aaminsan in aqoontaydu hoosayso,  haddana waxaan is leeyahay bal waxa illaahay ku garansiiyey, ciddaad ku dhaanto gaarsoo.

Ibrahim Abdi Geele.

jinniishumi@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

Daawo: Muuqalka Maanta & Muqdisho

$
0
0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxeey dib u soo ceshatay Sanado badan kadib Bilicdii ay la haan jiray Magaalada Muqdisho & Adeegyadii Shacabka ay ku heysan jireyn waagii nabadda ay aheyd.

Muqdisho Maanta waxaa ka dareemeysaa in ay dib isugu taageyso lugaheeda burbur xoogan kadib waxaana ka soconaya dib u dhsi xoogan oo dhanka bilicda magaalada dib u soo celinayo & ganacsiyo xoogan oo Qurba joogta ay dalka ka sameynayaan ee nala daawo Muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Daawo: Video: Saudi Arabia oo waxaan horey loo arag ay ka billowdeen

$
0
0

Wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa aad looga hadal hayaa arrin oo ka yaabisay Malaayiin qof oo u dhalatay Wadankaasi, kadib markii wax aan horey loo aqoon aay dalkaasi ka billowdee.

Sacuudiga waxa uu ka mid yahay meelaha ugu kulul caalamka, oo xittaa kuleylkiisa uu gaaro xaalad nolosha dadka halis gelisay, balse markan sheekadu waa ay ka duwan tahay sidaas.

Waddanka Sacuudiga gobol ka mid ah, ayaa markii ugu horeysay taariikhda waxaa ka da’ay baraf, taasi oo noqotay lama filaan iyo wax aan horey loo arag.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Daawo Video: Muqdisho oo ay dib uga billowdeen arrimo muddo la moogaa

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Dadku marka ay darreemaan is-beddel dhinaca nabadda ah, waxa ay u jeestaan horumarka iyo sidii ay ay ugu raaxeesan lahaayeen nabadda.

Magaalada Muqdisho, waxa ay iminka aad uga wanaagsan tahay saddex sano ka hor, inkasta oo weli aysan nabadduu dhameystirneyn, taasina waxa ay keentay in cayaaro waa horey u dambeysay ee dalka dib ugu soo noqdaan.

Markii ugu horeysay muddo sanado badan ah, ayaa waxaa degmada Howl Wadaag ee magaalada Muqdisho lagu qabtay tartan dhinaca fardaha ah.

 

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Netherlands: Maxamed Xassan Iyo Nimco Cabdullahi Oo Ku Aqal Galay Amesfoort

$
0
0

1-Hooyo Kaltuun Cabdullaahi Cali
2-Adeer Ayman Yassiin Maxxamed
3-Deeqo Cabdullahi Yassiin
4-Fartuun Cabdullahi Yassiin iyo Saygeeda Mustafe
5-Yassiin Cabdullahi Yassiin
6-Daahir Cabdullahi Yassiin
7-Aadan Cabdullahi Yassiin iyo Dhamaan Reer Cabdullaahi Yassiin.

photo (1)

Sidoo Kale Waxaa Hambalayada Diraya

8-Hooyo Shukri Abuukar Sheekh iyo Aabe Xassan Cabdulle.
9-Faadumo Xassan Cabdulle, Saygeeda iyo Caruurteeda
10-Maxamuud Xassan Cabdulle.
11-Cismaaciil Xassan Cabdulle
12-Xaawo Xassan Cabdulle, Saygeeda iyo Caruurteeda, Dhamaan Reer Xassan Xaaji Cabdulle.

Sidoo Kale Asxaabta kala ah

1-Abdullahi Jama

2-Maxamed Cali Xalane.
3-Sheekh Abdiraxman.
4-Cali Xaaji Aweys.
5-Mahad Cabdiqadir Faarax.
6-Cabdullahi xirsi Dacar.
7-Cabdiqaadir
9-Muqtaar

10- Fa,iso12-Fartuun Maxamed Cibaar, Caruurteeda iyo Saygeeda.
13-Maxamed Daa,uud Cumar Yuumbi, Xaaskiisa iyo Caruurtooda.

Dhamaan Dadkaan oo isugu jira Ehel, Qaraabo iyo Asxaab kuna kula sugan Yurub, Mareykan, Canada Iyo Soomaaliya, waxa ay Hambalyo u Dirayaan Arooska iyo Aroosada Maxamed Xassan Cabdulle iyo Nimco Cabdullahi Yassiin oo 22-02-2014 Khamiis Meherkooda uu ka dhacay Magaalada Amesfoort ee Dalka Netherlands, Waxa ayna Illaah ugu baryayaan in Reerkooda uu noqdo kii ay ku nastaan oo lagu soo hirto kala siiyana Owlaad saalix ah….Aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiiin

Use Facebook to Comment on this Post

Viewing all 817 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>