Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all 817 articles
Browse latest View live

Daawo: Farmaajo oo wareys cusub ku bixiyey xog muhiim ah kana hadalay…

$
0
0

Use Facebook to Comment on this Post


Barnaamijkii ugu muhiimsanaa DALKA oo u hakaday lacag la’aan haysata DF

$
0
0

Barnaamijka Soomaaliya ee “Aada Dugsiyada”, oo ay xukuumadda federaalka ku ballan qaadday in ay hal milyan oo carruur Soomaaliyeed ah ku siiso waxbarasho lacag la’aan ah, ayaa haddana caqabad kale la kulmay markuu ku biloowday habsaan iyo isaga oo aan haysan kharashkii loogu talo galay.

In ka badan 300 oo macallin oo ka shaqeeya gobolka Benaadir ayaa ku dhawaaqay in ay shaqo joojin bilaabayaan Khamiista (16-kii January) ka dib markii ay xukuumaddu siin wayday mushaarkooda oo buuxa bishan ku saddex, sida laga soo xigtay Guddiga Ururka Macallimiinta Aada Dugsiyada ee gobolka Banaadir.

“Waxaan go’aan ku gaadhnay in aan shaqada joojinno ka dib markii aan waynay xuquuqdeenii, waxaanan shaqada ku laabanaynaa marka nala siiyo xuquuqdeenna,” Maslax Xaashi Dhoore, oo ah guddoomiyaha ururka oo 23-jir ah, ayaa yiri.

Wuxuu sheegay in ay 316 macallin ku jiraan ururka waxayna 40,000-50,000 oo arday wax ku baran 17 dugsi oo ku yaala Muqdisho.

“Waxaan heshiis la saxiixannay agaasimaha waxbarashada ee Wasaaradda Hawlaha Guud 7-dii September,” ayuu yidhi. “Heshiisku wuxuu dhigayay in nala siiyo $200 bil walba, laakiin illaa hadda waxaan helnay $300 oo kaliya, waxaa hal mar nala siiyay $200 mar kalena waxaa nala siiyay $100, marka waxaa naga maqan $700.”

Guddiga Ururka Macallimiinta Aada Dugsiyada ee gobolka Banaadir ayaa usbuucii hore u codeeyay in la bilaabo shaqo joojintooda 16-kii January, 2014. [Cabdi Macallim/Sabahi]

Guddiga Ururka Macallimiinta Aada Dugsiyada ee gobolka Banaadir ayaa usbuucii hore u codeeyay in la bilaabo shaqo joojintooda 16-kii January, 2014. [Cabdi Macallim/Sabahi]

Dhoore wuxuu sheegay inuu ururku ku dadaalay inuu la xidhiidho wasaaradda si loo siiyo mushaarkooda, laakiin “way diideen in ay na qaabilaan.”

Waaxda waxbarashada iyo macallimiinta oo eedeeymo is waydaarsaday

Agaasimaha Waxbarashada Maxamed Cabdulqaadir Nuur ayaa garwaaqsadey in aan macallimiinta la siin mushaarkooda oo dhammaystiran, laakiin wuxuu sheegay in ay xukuumaddu qorshaynayso in ay arrinta si degdeg ah wax uga qabato.

“Mushaarka macallimiinta, oo ah $200, badhkiis waxaa bixiyay [Santuukha Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF)] waxaana xukuumadda laga filayay in ay bixiso badhka kale,” Nuur ayaa ku sheegay waraysi uu 19-kii January siiyay raadiyaha ay xaruntiisu Muqdisho tahay ee Goobjoog. “Waxa macalimiinta hadda ka maqan waa qaybtii dawladda.”

Faahfaahin kama uusan bixin sababta ay qaybtii dawladda ee mushaarka macallimiinta wali u maqan tahay, wuxuuna ku gaabsadey in uu yidhaahdo dhammaan shaqaalaha dawladda ayuu mushaarku ka daahaa.

Wuxuu yidhi macallimiintu waa ay ku degdegeen go’aankooda ah in ay shaqada joojiyaan.

“Waan maqalnay cabashooyinkooda, laakiin waxaan ka filaynay in ay sugaan illaa inta aan ka soo raadinayno lacagta mushaarkooda,” ayuu yidhi.

Laakiin macallimiinta shaqo joojinta sameeyay qaarkood ayaa sheegay in ay ka soo tageen shaqooyin lacag fiican ay kaga qaadanayeen dugsiyo gaar loo leeyahay si ay ugu shaqeeyaan dawladda.

Cabdinasir Axmed Cali, oo ah macallin 31-jir ah oo shaqo joojin sameeyay, ayaa sheegay inuu qaadan jiray $230 markuu u shaqeeynayay iskuul gaar loo leeyahay.

Wuxuu sheegay inuu hadda ka shalaayay go’aankiisii ahaa inuu noqdo shaqaale dawladeed.

“Waxaan rabay in aan qaranka u shaqeeyo, laakiin waan ku hungoobay. Wax ma dhigi karo mushaar la’aan. Xittaa bas raac ma heli karo hadda,” ayuu yidhi Cali, oo xisaabta ka dhiga dugsiga dhowaan dib loo furay ee Dugsiga Macallin Jaamac ee ku yaala degmada Xamar Weyne ee Muqdisho.

Xalima Muxiyadiin, 24-jir, oo ah macalimad iyaduna shaqo joojin sameeysay, ayaa sheegtay in mushaar la’aantu aysan ahayn dhibaatada kaliya ee macallimiinta haysata.

“Wasaaraddu ma aysan bixin manhaj qaran oo loo isticmaalo in carruurta wax loogu dhigo,” ayay tidhi Muxiyadiin, oo maaddada Soomaaliga ka dhigta Dugsiga Maxamuud Hilowle ee degmada Dharkenleey. “Markii aan shaqada bilownay waxaa naloo sheegay in nala siin doono manhaj qaran oo carruurta wax loogu dhigo, laakiin waxaan wali carruurta u dhignaa manhajka UNICEF.”

“Waxaa sidoo kale na haysta dhibaato la xidhiidha qalabka kale ee aan wax ku dhigno sida jeestada, oo mar walba go’da,” ayay tidhi. “Sidoo kale ma jiraan kormeer iyo wada xisaabtan.”

Astaamo muujinaya fashil dawladeed?

In aan macallimiinta iyo shaqaalaha kale ee muhiimka ah la siinin mushaar waxay astaan cad u tahay in ay dawladnimadu fashilantay, ayay tidhi Caasha Isxaaq, oo ka soo shaqeeysay macallinimo iyo maamul taniyo burburkii dawladdii Maxamed Siyaad Barre.

“In aan meel la saarin mushaarka macallimiinta iyo askarta ammaanka sugta waxay muujinaysaa sida aysan dawladdu ugu diyaarsanayn in ay horumar keento,” ayay tiri, iyada oo raacisay in lacag isticmaalka dawladda ay ka maqan tahay wada xisaabtanka iyo hufnaanta. “Sidoo kale, ma jiro qorshe cad oo lagu maamulo lacagta dawladda.”

Waxaa jira malaayiin doolar oo lacagta dadweynaha ah oo maqan oo ay xukuumaddu u isticmaali kartay in ay ku bixiso mushaaraadka iyo adeegyada guud, ayay tidhi Isxaaq.

Waxay sheegtay in ay dawladdu isku daydo in ay sameeyso barnaamijyo soo jiita dadweynaha, laakiin aysan jirin wax dhammaystir ah.

“Tusaale ahaan, Aada Dugsiyada wuxuu kor u qaaday rajada boqolaal kun oo waalid iyo carruur ah. Waxay ahayd tallaabo horumar leh oo ay qaadday xukuumaddu, laakiin waa musiibo qaran marka uu barnaamij noocaas ah fashilmo,” ayay tidhi.

Faarax Xuseen, oo kormeere u ah barnaamijyada waxbarashada ee Wakaaladda Muslimiinta Afrika ee Soomaaliya, ayaa yidhi fashilka iskudaygii ugu horreeyay ee waxbarasho lacag la’aan ah lagu siinayay kumanaan caruur Soomaaliyeed ah oo halis ugu jira in ay nolosha ka dhacaan waxay niyad jab weyn ku tahay muwaadiniinta.

“Haddii aysan xukuumaddu tallaabooyin degdeg ah qaadin oo aysan la imaan qorshe cad oo lagu badbaadinayo Aada Dugsiyada, waxay khasaare u tahay qaranka,” ayuu yidhi.

“Carruurta wax la barayay ee aan horay u helin fursad ay wax ku bartaan waxay ku noqon doonaandarbi jiifnimo, koolo dhuuq iyo in ay hub qaataan oo ay maleeshiyo noqdaan,” ayuu yidhi.

‘Fadlan sii wada inaad wax dhigtaan’

Xasan Daa’uud, oo ah arday 13-jir ah oo dhigta Dugsiga Macallin Jaamac, ayaa sheegay in uu ka murugaysan yahay inuu guriga joogo oo uu sugi la’ yahay in uu iskuulka ku noqdo.

“Waxaan dhiganayay maaddooyin badan oo kala duwan oo ay ka mid yihiin xisaabta, Soomaaliga iyo Ingiriiska,” ayuu yidhi, isaga oo raaciyay in uu wax badan bartay ta niyo markuu iskuulka bilaabay sannadkan. “Waxaan dawladdeena uga mahad celinaynaa in ay na siisay waxbarasho lacag la’aan ah waxaanan macallimiinta ka codsanaynaa inay sii wadaan in ay wax dhigaan.”

Tan iyo markii ay shaqo joojintu bilaabatay, Makka Xaaji Cabdi, oo ah 45-jir, ayaa sheegtay in shanteeda carruur ah oo iyaguna dhigta Dugsiga Macallin Jaamac ay tagayeen iskuulkooda subax walba iyaga oo rajo ka qaba in ay macallimiinta ku qanciyaan in ay dib u bilaabaan duruusta.

“Waxaan u mahad celinaynaa dawladda; waxay sameeysay wixii ay awoodday laakiin lacag yar ayay haysataa maaddaama aan ka soo kabanayno [dagaal],” ayay sheegtay, iyada oo sheegtay in samir looga baahan yahay Soomaalida oo dhan.

“Waa in ay macallimiintu caawiyaan dadkooda iyo dalkooda [oo ay duruusta dib u bilaabaan],” ayay yidhi Cabdi, oo aysan carruurteedu waligood iskuul dhigan barnaamijkan dawladda ka hor sababta oo ah qoysku ma aysan awoodin lacagta iskuulka lagu dhigto.

Isha: Sabahi Online

Use Facebook to Comment on this Post

DAAWO: Khudbaddii cajiibka ahayd ee Tarsan: Hawiyoow tashada oo kaca

$
0
0

Use Facebook to Comment on this Post

Daawo: PUNTLAND oo dad kasoo jeeda Ogadeniya u gacan gelisay Ethiopia

$
0
0

Use Facebook to Comment on this Post

Video Yaa is dhahaya halkaan ayaa ah MUQDISHO “Muuqaallo farxadeed)

$
0
0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo dib u heshay adeegyo ka maqnaa 23-kii sano ee burburka ahaa waxaana haatan la dareemayaa arimo ku farxad gelinaya marka aad aragto.

Arinta Bulshada reer Muqdisho farxad gelisay ayaa hubaa in adne ay ku farxad gelin doonto aqristoow waana Nidaamka Dowladeed ee dib loo helay ee daawo Muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Video: Horumarka Muqdisho & heerka uu marayo maanta (Muuqaal cusub)

$
0
0

Horumarka Baaxada Weyn ee ka soconaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waa mid kala duwan balse waxaad dareemeysaa in magaaladu ay tahay Magaalo cagta saartay Wadadii Nabadda & dib u dhiska.

Muqdisho ayaa sidaa ah oo maanta laga helayaa adeeg nuucaan oo kale ah qof is dhahaya ma jiro ee indhaahada ku arag anaa hubo in aad ka heli doonto aqristoow.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

VIDEO: Amaanka Muqdisho & Maanta

$
0
0

Muqdisho waa magaalo dib u heshay Nidaamkii Dowladnimo waxeey sameysatay Nidaam kala haga Shacabka Iyo Dowlada waxaa haatan shaqeeya Dhamaan Hey’adihii Dowliga ahaa ee dhanka amaanka iyo nabad sugidaba.

Maanta waxaan idiin soo gudbineynaa howl maalmeedka dhanka amaanka & Muqdisho ee nala daawo waa hubaal waxaad xasuusan doontaa sida uu yahay dalka Maanta.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Video: Wax ka ogow tirada Soomalida

$
0
0

Wadanka Somalia halka uu kaga yaalo Qaarada Afrika iyo Tirada saxda ah ee dadka soomaaliyeed oo la shaaciyay inta ay dhan yihiin & Kheyraadka Wadanka Somalia uu lee yahay.

Aqristoow Caalamka Maanta wax kasta wuu ogyahay halka uu idhaha ku hayo kheyraadka intaa la eg ee Muuqaalkani laga tusinaya in Dadka Soomaaliyeed ay lee yihiin oo indhaha caalamka uu ku jeedo ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post


DAAWO VIDEO: Turkiga oo MUQDISHO ka dhisay iskuul cusub oo casri ah

$
0
0

Dowalda Turkiga oo ah dadka kaliyah ee u istaagay in uu wax u qabto Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan oo maanta u baahan in si dhab ah loo garab taago waxuuna ka dhabeeyay arinkaa.

Turkiga howlaha uu Muqdisho ka wado qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed wuu og yahay balse waxuu sameeyay ma ahan oo kaliyah in uu dhiso wadooyinka Muqdisho, balse waxaa ka mid ah iskuul cusub oo ay Muqdisho ka dhiseen.

HALKAAN KA DAAWO:

Use Facebook to Comment on this Post

DAAWO: MAXAA KA CUSUB MUQDIHO?

$
0
0

Magaalo Madaxda Muqdisho oo lagu arkay Arin ugu dambeysay 23 sano ka hor oo aan waayadii dambey lagu arkin Muqdisho ayaa dib loo arkay waana mid ku tusineysa in la helay Nidaam Dowli ah.

Muqdisho waxeey soo ceshatay adeegii Bulshada & howlihii laga doonayay in Magaalo madax laga helo balse waxaa intaa dheer in lagu arkayo Muqdisho arimo waa hore u dambeyay ee nala daawo:

HALKAAN KA DAAWO: 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Video: Muuqaalkii ugu dambeeyay ee bilicda magaalada Muqdisho (Daawo)

$
0
0

Soomaali waxay tiraahdaa hadal qiimo badan oo ah DAL WELIBA WAXAA DHISA DADKIISA, Taa oo aan u soo qaatay qiimaha uu lee yahay micnaha hadalkaa waa hadii loo dhaqaaqo Talada Hadalkaasi dhankiisa wanaagsan.

Hadaba Muuqaalkani waa mid aan hubo in aad ka heli doontaa waxa ka bilaawday Muqdisho & sida uu Shacabka Muqdisho isku xil qaamay dhanka iska wax u qabso oo dalka ay u dhisayaan ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

Use Facebook to Comment on this Post

Daawo Video: Gabar ka timid qurbaha oo MUQDISHO horumar ku biirineysa

$
0
0

Magaalada Caasimadda ah Muqdisho oo si xoogan uu uga soconaya Horumarka dib u dhiska iyo soo celinta Bilicda Magaalada ayaa waxaa si xowli ah ugu so noqonaya Qurba Joogta Soomaaliyeed ayagoo qeyb ka noqonaya horumarka Magaalada.

Mid ka mid Gabdhaha Qurba Joogta Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ka sameeysay arin aan horay looga baran dumarka Soomaaliyeed taa oo Shacabka Muqdisho la yaab ku noqotay ee nala daawo oo ku dayo gabadhani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Daawo Sawirrada: Turkey oo Muqdisho ka dhisay isbitaalka ugu casrisan G/A

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Howlaha uu Turkiga ka wado magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, waa kuwa muuqda oo banaanka yaal, Sawirro cusub oo laga soo qaaday Isbitaalkii hore ee Digfeer oo iminka Turkiga uu dib u dhisay, ayaa muujinaya isbital casri ah, oo xittaa indhaha inay daawadaan ay jecel yihiin.

Isbitalka Digfeer, oo iminka magaciisa loo beddelay Recep Tayyib Erdogan Hospital, waxa uu Turkiga damacsan yahay inuu noqdo kan ugu casrisan ee ku yaalla bariga qaaradda Africa, waxaana iminka muuqata inuu yahay.

Nala daawada Sawirrada

digfeer2digfeer3digfeer4digfeer5digfeer6digfeer7digfeer8digfeer9digfeer10digfeer11digfeer12digfeer13digfeer14digfeer15digfeer16

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Daawo Howlaha iskaa wax u qabsada ah ee ka socda magaalada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Shacabka ku nool Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Banaadir ayaa u istaagay in ay iskood wax u qabsadaan oo aysan ku fiirsan Dowladad oo kaliya dib u soo celinta Bilicda Magaalada Muqdisho.

Waxa ay billaabeen inay subaxi aroortii hore ay kacaan, ayna ku dhaqaaqaan jidadka magaalada oo ay ka qaadaan qashinka yaalla, si ay dib ugu arkaan bilicdii ay lahaan jirtay magaaladooda.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

XOG CUSUB: Afduubki madaxda ONLF loogu geystay Nairobi (Daawo Video)

$
0
0

Use Facebook to Comment on this Post


Daawo Sawirro cusub: Qeyb kale oo ka mid ah Isbitaalka cajiibka ah ee Turkey uu ka dhisay magaalada MUQDISHO !!!

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Waxaa halkaan idin soo gudbineynaa qeyb kale oo ka mid ah dhismaha Isbitaalka Digfeer, ee iminka loo bixiyey Recep Tayyip Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu sameeyay dib u dhis iyo qalabeyn casri ah, iyadoo waayihii ugu danbeeyay dowladda Turkiga ay ku mashquulsaneyd horumarinta isbitaalkaasi.

Aqristoow hadii aa daawato mar qura waxaa is badalaya dareenkaada adigoo durbaba qiiro iyo ilmo ay indhahaada mar qura ku soo istaagayaan ee nala daawo sawirada isbitalka qeybtii labaad oo cajiib ah

535455565712345678910111213141516171819202122232425262728293031323334353637383940414243444546474849505152

Use Facebook to Comment on this Post

Video: Isbadalka nolosha Muqdisho & damaashaadka shacabka (Daawo)

$
0
0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka hana qaaday isbadal dhan walba ah waxaana ka mid ah mid aad ka dareemeyso naabdd galyada ka jirta Dalka & sida ay Shacabka ugu damaashaadayaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo xeebaha qurxoon ee ku yaalla.

Muqdisho isma lihi sidaan ayeey noqoneysaa marka aad aragto kumanaan kun oo Shacab ah oo si nabadd galyo leh ugu damashaadaya xeebta Liido

HALKAAN KA DAAWO: 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Video: Muuqaalka Isbitalka Digfeer ee Muqdisho & sida dib loogu casriyeey

$
0
0

Isbitaalka ugu casrisan Geeska Afrika ee dhawaan laga dhisay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa loo soo bandhigay Saxaafada.

Dhismaha Isbitaalkaan oo qeybo badan ka kooban ayaa dad badani ay ku tilmaameyn mid Shacabka Soomaaliyeed ay ku helo doonaan sumcad bacdamaa Isbitaalkii ugu casrisadaa laga her geliyay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ee nala daawo adaa qiiroon doonee.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

Use Facebook to Comment on this Post

VIDEO: Maxaa ka cusub MUQDISHO?

$
0
0

Magaalo Madaxda Muqdisho oo Sanadkaan 2014 noqotay Magaalo isbadalkeedu uu nuucyo badan ka kooban yahay oo dhanka horumarka iyo soo celinta bilicda Magaalada si aad ah dib loogu soo celinayo.

Isma lihid Muqdisho ayaa sidaan ah kadib sanado dagaal iyo burbur xoogan uu ka jiray magaalada Muqdisho balse Sanadkaan 2014 waa sanadkii dib u dhiska iyo horumarka ee nala daawo Muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

DAAWO VIDEO: Muuqaalka Sare ee Bilicda Muqdisho & Sanadkaan 2014.

$
0
0

Magaalo Madaxda Caasimadda ah ee Muqdisho oo sanadkaan cusub ee 2014 ay noqotay Sanadkii Bilicda Muqdisho oo dad badani ay la dhacsan yihiin dib u soo kabsashada Magaalada xarunta u ah Dalka Somalia. Muqdisho isma lihin sidaan ayeey durbaba uga kabsatay 23 sano oo dagaal iyo burbur xoogan ku dul habsanaa Balse maanta Magaalada waa meel indhaada ay marna ka jeeysaneynin ee nala daawo muuqaalka dusha sare ee Muqdisho iyo sida ay tahay maanta.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Use Facebook to Comment on this Post

Viewing all 817 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>