Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Jawaab + Video: Kullanki Toronto ee lagu weeraray Beelaha Hawiye

$
0
0

Intiina aan horey uga aqrin ugana daawan Caasimada Online, Waxaa 20-kii February 2013 lagu daabacy video-ga kullan ka dhacay magaalada Toronto ee dalka Canada, kaasi oo qaar ka mid ah Beelaha Daarood, ay aflagaado, hanjabaad iyo weerar intaba ugu geysteen beesha Hawiye. Halkan ka Daawo Video-gaas. 

Qoraalkan hoos ku qoran waxa uu jawaab u yahay Video-gaas. 

Runta aa lama huraan!

Dalkeena Soomaaliya wuxuu soo maray dhibaatooyin dhinacyo badan leh oo muddo soo jiitamaayey. Ka soo bilow 1960-meeyadii iyo wixii ka danbeeyaba. Dhibaatooyinkaas waa sii kala xanuun badnaayeen balse kuwoodii ugu darnaa waxaa ka mid ahaa: Ummad iyagoo nool inta la qabtay ceel lagu guray kuwaasoo aan waxba galabsan. Kuwa iyagoo cibaadeeysanaya lagu xasuuqay masaajiddo gudahood. Kuwa iyana konteenaro inta laga buuxshay bilo lagu hayey kuna dhintay konteenaradaas dhexdooda. Kuwa inta habeenkii guryaha lagala baxo silic iyo saxariir xabsiyada loogu guri jiray ciqaab adagna sanooyin ku soo qaatay. Kuwa iyana hantidoodii si qasab ah looga qaatay iyadoo mar-marsiiyo looga dhigayo waa kacaan diid. Kuwa iyana si caddaalad darro ah ku waayey waxbarasho dibadda iyo gudaha, kuna waayey kaliya reerka ay ka tirsan yihiin. Maxaa oday hanti qaran faraqa looga buuxshay si uu ugu fushado dano kastuu leeyahay.

Maxaa gabdho masaakiin ah inta la qasbo lagu geerasheen jiray, haddii ay ka hadlaana amaba dacwoodaana aan dheg jalaq loo siin jirin.

Maxaa magaaladii xamar ahayd iyo magaalooyinka kaloo waaweynaa ay ka soo baxeen xarfaan ku amar taagleysa magaalooyinkaa kibir iyo isla weynina ku dhex mushaaxi jiray iyagoo gaariyada noocyada ugu danbeeyey ku dekeen jiray.

Maxaa saraakiilo- aqoonyahanno fadhiid laga dhigay oo midaan waligiis iskuul soo arag hormuud looga dhigay. Maxaa Ciil la baday dadyow badan oo badan haddana isaga samri jiray dhibaatooyinkaas. Maxaa mid maalmo ka hor ka yimid miyigii loo salaxay, oo mid mudan in lagu sharfo aqoonta uu alle siiyey lala mid dhigay ciyaal danbiilkii xamar.

Maxaa hanti gaar ah loo qayilay oo dan guud aan jirin loogala wareegay. Intaas oo dhibaato ah dadkii ay ku dhaceen maanta waxaad arkaysaa iyagoo aan ka hadleynin wixii la soo marsiiyey balse horay isaga sii socda.

Waxaa anigoo intaas iyo in ka sii badan oo xumaata ah balse aan waqti u helin in aan wada qoro, ayaa maalin dhaweed waxaan soo galay meel shirarka lagu qabto oo ku taal magaalada Toronto, waxaa goobtaas isku soo urursaday dadweyna fara badan oo ka hadlayey xasuuqii 1991 ee Daaroodka.

Waxaa goobtaas ka hadlayey rag odayaal ah oo afkooda ka baxayey waxyaabo xaqiiqda aad uga fog kaasoo ahaa in beelaha hawiyey ay si aad u xasuuqeen beelaha daarood. Waxaa hadalada ka midka ahaa in xero ku taal hiiraan hal maalin kaliya lagu laayey illaa iyo 3000 qofood.

Dad badan oo halkaas ka aqrinayey qudbooyinka ayaa iyana waxay halkaas ka muujiyeen in aysan jirin inuu qabaa’illda Hawiye aysan dhamaantood inta qoryo qaateen aysan laayin qabaa’ilada daaroodka, balse arrintu ay ahayd hal jabhad USC ay qaladka lahayd.Waxa shirkaas lagu casuumay odayaal iyana aad la yaabeesid waxa afkoodii ka baxayey.

Marka waxaan maqaalkayga ku soo gabagabeynayaa dhinac kasta waxbaa ka dhacay oo xumaan ah ee ha la iscafiye, oo hala joojiyo dabka la shidayo. dadka iyana inta xoolo xaaraan ah oo ummado kale looga dhacay si aan xalaal ahayna loogu sharciyeeyey , kuwaasna ha joojiyaan sheekadaas oo ha eegaan meesha ay xoolahaa ay sheegayaan ay ka kasbadeen. Waxaase waxaas oo dhan wanaagsanaan lahayd in maxkamad caadil ah loo saaro arrimahaas oo kale taasoo hoos u eegta habka lagu kasbaday hantidaas intaa la eg. Ceeb ruux la ogyahay sida uu hantida ku helay ayaa maanta la soo taagan waa in la ii celiyaa hantideydii. Waryaa xishoo oo inta goori goor tahay xoolo xalaal ah shaqeyso.

W/Q: Haji Mohamed

( Run sheeg )

New England – USA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles