Heestan ayaa ah mid suugaan haddii loo eego waqtigeedii la soo dhaafay, waayo Suugaantu waxay ka hadashaa saddex arrimood oo kala ah, Tagto wax la soo dhaafay, Timaado arrin la filayo, iyo Taagan oo ah mid markaas la joogo.
Haddaba Fannaaniintan ayaa heesta ay qaadaayaan waxaa lagu xardhay sawiro madow oo aad u fool xun oo ay ka bixinayaan caasimada iyo magaalada madaxda, iyagoo aad moodo inay joogaan 90meeyadii sawirada ay bixinayaan.
Waxaa kaaga sii daran waxay si toos ah meel ka dhac ku tahay heestan ay labada fannaan daadihinayaan Madaxweynaha oo ay ku sheegeen, qof aan isku filnayn loona baahan yahay inuu daydo cid kale, Tusaale haddaan maanta Cabdi qaboojiye ku idhaahdo waxaad iska dhigtaa ama ku dayataa, Xasan Aadan, Jubba, Lafoole, Cigaal, iyo Ragga la midka ah, waxay taasi sheegaysaa inuusan lahayn higsi iyo han fanneed midna ee uu yahay qof aan ujeedo iyo feker u gaar ah iyo nolol ka duwan keensan karin.
Heestan erayadeeda ayaa waxaa ka mid ah:
Xamar wey dakaantoo
Rarka way ku daashoo
Dayaciyo dhibaataa
Dadkeedii idlaysay???
Haddaba maanta ma xamar noocaas ah ayaa jirta? Maxaay uga danleeyihiin erayadan iyo kuwa kale ee heesta ku dahaadhan, ma dan sheeg iyo walaalnimaa mise waa duqayn iyo doc wareen.
Aanu kuu duceynee
Madaxweyne daacada
Daadihiyo shacabkoo
Daryeelo dadkiisa
Ka ilaasha darayada(Darxumada)
Ma daalloow ismaaciil
Dowladdaa Jabuutiyo
Deriskaaga kaga dayo???
Maxaa lagaga dayanayaa Jabuuti, Miyaanu siyaasad iyo ahmiyad gooniya aannu yeelan Karin Madaxweynaha Soomaaliya, maxay tahay tabashada iyo cabashada heestu xambaarsan tahay? Jabuti iyo Xamar maxaa isku sidkay, Ma ammaan iyo wax sheeg bay ka tahay, mise bahdilaad iyo xaqiraad?
Dhammaan jawaabahan oo dhan waxaan u dhaafayaa Aqristaha.
Hadaladan oo ah dhammaantood kuwo dedan oo sarbeeb ah, haddana heesta lama dhammeystiran.
Heestan ayaa ah mid meel ka dhac weyn ku ah, Haykalka iyo muuqaalka Qaranimada Soomaaliya waayo, Soomaaliya waa dal jira umana baahna dadkiisa iyo dalkiisa inay dantooda raacdaan mahee inay cid ku daydaan, qofka ku dayashada sameeya dhaqan ahaan Soomaalida waa ku ceeb, Xikaayad ayaa tidhaahda, ( Isku dayasho damac ma leh, waa doqonta ficilkeed)
Haddaba Cabdiqaboojiye iyo Ikraan carraale ayaa si toos ah waxay u weerareen Magaala Madaxda iyo Madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo aan la Oggeyn ujeedka ka danbeeya balse la dareemi karo inay tahay arrin siyaasad salka ku haysa.
Waxaa jirta hees ay soo saareen labaddan Fannaan oo loogu magacdaray Hargaysa la yidhaahdo Hargaysa.
heestan ayaa mid ay ku ammaanayaan , sawiradda iyo muuqaaladu waa kuwo aad u qurux badan.