Cape Town (Caasimada Online) – Shacabka Koonfur Afrika ayaa boob xoogan u geystay dukaamo ku yaal magaalada Soweto, kuwaasoo ay leeyihiin Soomaali iyo ajaaniib kale oo dalkaasi u dhalan.
Ciidamada Booliska Koofur Afrika ayaa awoodi waayay inay xakameeyana dadka sameynaya boobka, inkastoo la sheegay inay dad badan ilaa iyo hada xabsiga dhigeen.
Sawiro laga soo qaaday goobaha uu boobka ka socda Soweto ayaa muujinaya dadweyne fara badan oo isugu jira rag iyo dumar oo boobaya dukaamada ganacsi, iyagoo kala soo baxaya alaabo kala duwan.
Madaxweynaha Koofur Afrika ayaa ku amray ciidamada Ammaanka inay si deg deg ah wax uga qabtaan boobka lagu dukaamada ganacsi ee ay leeyihiin dadka Ajnabiga ah.