Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Sakariye Ismaaciil saameyn ceynkee ah ayuu ku dhex lahaa kooxda Al-Shabab

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay Maleeshiyada Alshabaab beenisay in Madixii hore ee Sirdoonka Alshabaab u qaabilsanaa Geeska afrika Sakariye Ismaaciil Axmed Xirsi, ayaa waxaa soo baxaayo warar dheerad ah oo ku aadan miisaanka uu Sakariye ku dhex lahaa Alshabaab.

Sargaalkaani baxsadka ah ayaa kamid ahaa saraakiishii ka gadooday Hogaamiyihii geeriyooday Axmed Cabdi Godane.

Sakariye Ismaaciil Axmed Xirsi waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay Hogaanka sare ee Maleeshiyada, isagoona la sheegay in mar uu ahaan jiray Ku-xigeenka Axmed Godane, balse markii dambe ay isku fahmi waayen qaabka loo dhaqan galinaayo waxa ay ugu yeeren Jihaadka.

Sakariye waxaa uu in mudo ah ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee hoos yimaado Gobolka Gedo, waxa uuna xiligaasi Jago ahaan ku shaqeynaayay madaxii ugu sareeyay Al-shabaab laanta sirdoonka, waxa uuna ka dambeeyay xogihii lagu weeraray Xarumo badan oo ay dowladu ku laheyd Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Zakariye ayaa sidoo kale kamid ahaa Saraakiil uu Mareykanku dul dhigay lacago si loo helo xogtooda ama loo soo qabto, sargaalkaani ayaa ka goostay Al-shabaab xiligii uu Hogaanka Al-shabaab qorsheynayay dilal siyaabo kala duwan loogu geystay Culimo dhowr ah oo badi lagu dilay gudaha Degmada Baraawe.

Waxa uu fakir ahaan uu aad ugu dhawaa Sheekh Ibraahim Afkhaan, waxaana uu si hoose Sheekha ugu sheegay in dilkiisa la qorsheeyay, balse Sheekha arrintaasi ma uusan difaac ka galin, iyadoona muddo kooban kadib Amniyaadka Maleeshiyada gaar ahaan kuwa Godane ay toogasho ku dileen Sheekh Afgaan.

Sidoo kale, Sakariya Ismaaciil Axmed Xirsi oo mudooyinkii dambe aad uga soo horjeeday Axmed Godane iyo garabkiisa ayaa waxaa lagu xasuusan karaa in uu si cad u fashiliyay shirqool ay Amniyaadka sare ee Al-shabaab ku doonayen inay ku qaarijiyaan Mukhtaar Roobow oo dhanka Maleeshiyada looga yaqaan ”Abuu Mansuur”.

Sakariye Ismaaciil Axmed Xirsi ayaa waxa uu inta badan Wakhtigiisa ku lumin jiray sida Al-qacida lagu gaarsiin lahaa Xogaha dhabta ah ee ku saleysan Arrimaha DF Somalia, waana shaqsiga dhamaan Sirdoonka Alshabaab gacantiisa ku diiwaan galiyay ka hor inta uusan ka baxsan Axmed Godone, iyadoona ay xusid mudan tahay in mushaaraadka Amniyaadkaasi kala geyn jiray Magaalo ilaa Gobol, taasi oo ka turjumeysa heerka uu ka gaarsiisanaa dhanka Maleeshiyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>