Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Video: Sirtii Al-Shabab ee Muqdisho oo banaanka timi (Raggii dilay Saado Cali Warsame oo xog xasaasi ah bixiyey)

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Shabakaddii ugu weyneyd ee Al-Shabaab ugu qaabilsaneyd dilalka qorsheysan ee Muqdisho oo dhowaan ay qabteen ciidamada nabad-sugidda dowladda Somalia, ayaa wareysiyo xiiso badan siiyey warbaahinta qaranka.

Kooxdan oo tiro-yar, balse dilalka ay fuliyeen aad u badan, ayaa banaanka keenay dhammaan sirtii kooxda Al-Shabaab, sida habka ay xogta u raadiyaan, qaabka ay wax ugaarsadaan, kadibna u fuliyaan dilalka.

Dilalka kooxdan ay fulisay waxaa ka mid ah dilalkii xildhibaan Xeed, Saado Cali Warsame, xildhibaan Sheekh Aadan Madeer, weriyeyaal iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxayna ka sheekeenayaan qaabkii ay u filiyeen dil walba iyo xeeladahii ay adaegsadeen.

Waxay sidoo kale agaasimeen weeraradii lagu qaaday xarrumo ay ka mid ahaayeen maxkamadda gobolka Banaadir, xarunta QM ee Muqdisho iyo meelo kale, oo caasimada ku yaala.

Kooxdan, waxaa hoggaamiya nin lagu magacaabo Shuceyb Ibraaim Mahdi, oo ka sheekeeyey sida ay u haligaan shacabka Muqdisho iyo madaxda dowladda. Waxa uu sidoo kale ka hadlayaa qabaka ay u kireystaan guryaha Muqidhso iyo xeeladaha adeegsadaan.

Haddii weligaad aad jecleyd inaad ogaato sirta maleeshiyada Al-Shabaab, video-gan waxaad ka heli doontaa xog kaa yaabisa.

Halkan hoose ka daawo video-ga


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>