Muqdisho (Caasimada Online) - Horraantii bishii March ee sanadkan, ayaa kooxda Al-Shabaab waxa ay degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ku toogteen wiil uu adeer u yahay madaxweynihii hore ee maamulka Puntland oo lagu magacaabo Axmed Cabdullaahi Sheekh Maxamed Faroole.
Al-Shabaab ayaa ka hor inta aysan toogashada ku fulin Axmed, waxa ay ka qaaday wareysi uu kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan qoyskiisa, sida loo qabatay, waxyaabaha lagu heysto, waxa ay shaqadiisa ahayd iyo xiriiro uu lasoo sameeyey maamulka Faroole.
Halkan hoose ka daawo wareysiga Axmed oo muuqaal ahaan si aad ah ugu eg Cabdiraxmaan Faroole
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com