London (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in dowladiisa wax badan ka qaban doonto difaacida dhibanayaasha dumarka la kufsado ee ku nool dalka ku yaalla geeska Africa.
Sidoo kale ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa isna Axadii shaley soo saaray war qoraal ah oo uu ku sheegayo in xukuumadiisa ay wax ka qaban doonto dhibaateenta haweenka iyo suxufiyiinta.
Waxa ay arrimahan ku soo beegeen iyadoo hey’addaha u doodda xuquuqda aadanaha iyo waddamada deeq bixiyaasha ay walaac ka muujiyeen xarigga shan qof oo ay ku jirto haweeney sheegtay in la kufsaday iyo wariye wareestay.
Isagoo la hadlaayay TV-ga Al Jazeera madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in dowladiisa ay wax ka qaban doonto siddii loo horrumarin lahaa dumarka waddanka Soomaaliya.
Laakin wuxuu cadeeyay in uusan faragalin ku sameen karin kiiska hadda ka socda maxkamadda gobalka Banaadir.
Maxkamadda ayaa dhageesaneysa haweeney da’deeda lagu sheegay 27-jir, Seygeedii iyo wariye madax banaan oo la sheegay in uu aflagaato u geestay hey’addaha dowladda, kaddib markii uu sameeyay warbixin been abuur ah.
“Uma lihi xaq in aan faralin ku sameeyo qaabka heerka garsoorka, haddii aan faragalin ku sameen karo qaabka garsoorka, ma caawin doonto qaanuunka sharciga Soomaaliya” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo la hadlaayay Al Jazeera.
Si kastaba, hey’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dacwadda la siyaasadeeyay isla markaana la doonayo in la meesha laga saaro kiiska loo heesto ciidamada dowladda iyo aamusiinta suxufiyiinta.
Qaradama Midoobay, midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa dowladda Soomaaliya ee ka dhisan Muqdisho ku biiriyay walaaca ay ka qabaan sida loola tacaamulaayo haweeneyda dhibanaha ah ee la kufsaday..
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowaladiisa ay wax ka qaban doonto dilalka iyo ugaarsiga loo geesto wariyaasha.
Sannadkii la soo dhaafay illaa 18-suxufi ayaa lagu dilay dalka Soomaaliya, iyadoo sannadkan billowga ahna wariyihii ugu horreeyay la dilay.
Ma jirto illaa hadda qof loo soo qabtay dilalaka wariyaasha ee ka dhaca dalka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka London