Muqdisho (Caasimada Online) Barre Aadan Shire Barre Hiiraale oo ka hadlaayay kulan ka dhacay magaalada Muqidisho ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay gacanta ku hayaan ciidamada Kenya iyo kooxo xiriir la leh Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu hadalkan ka sheegay kulan beesha Sade ay ku yeesheen Muqdisho, kaasoo looga hadlaayay aayaha gobalada Jubbooyinka iyo siddii maamul mideesan loogu sameen lahaa.
Wuxuu yiri gobalada Jubbooyinka waa qayb heesta Al-Shabaab qayb kalana dowladda Kenya.
“ Madaxweynaha hadda jira aan u deeyno in uu soo dhiso maamul loo dhan yahay, waayo Jubbooyinka waxa gacanta ku haya Al-Shabaab, waxaa qayb joogta Kenya waxa kaloo qaybkale ku sugan Ethiopia, marka sidaas ayuu u qaybsan yahay gobalka, marka qole gobalka maamusho ma jiro, iskumana tagi karaan sidaas oo ay tahay”
Wuxuu sii hadlay “ Waxaa na xukumaya qofka halkan ka taga ee ka soo furta Kenya qaybta ay heesato, Ethiopia sidoo kale iyo Al-Shabaab oo hal meel maamul isugu keena kaas ayaa noo dan ah “ Barre Hiiraale oo berri ah hoggaamiye kooxeed dagaal.
Barre Hiiraale ayaa sidoo kale odayaasha joogay kulanka u sheegay in madaxweynaha ay u diraan dhowr iyo toban oday kuwaasoo ku garab siiya siddii maamul dhammeestiran loogu sameen lahaa Jubbooyinka.
“ Haddii mareexaan uu waayo in uu maamul usameeyo gobalada Jubbooyinka waa in loo daayaa dadka halkaas ku ganacsada kuna nool haddii ay xittaa yihiin jareer kuwaas ayaa ku haboon” ayuu yiri markale Barre Hiiraale.
“ Dadka yaan la jahwareerinin Kismaayo dowladda Kenya ayaa heesata, marka waa in si isku duubnaansho ah la isaga qaado kooxdaas”
Si kastaba hadalka Barre Hiiraale ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta golaha wasiiradda xukuumada Soomaaliya ay meel mariyeen qorshaha maamul u sameenta gobalada dalka.
Goballada Jubbooyinka waxa ay ka mid yihiin meelaha sida wayn uu khilaafka uga jiro.
Waxa hadda magaalada Kismaayo ka dhisan maamul ku-meel-gaar ah waxana madax u ah Axmed Madoobe oo raba in uu noqdo madaxweynaha maamulka Jubbaland oo hadda la isku maandhaafsan yahay.
Dowladda Soomaaliya waxa ay lee dahay annaga ayaa xaq u leh maamul u sameenta gobalada Jubbooyinka, halka kooxda Raaskamboobi oo ah kooxda hadda heesata magaalada ay lee yihiin dowladda waa in ay ka soo qaybgashaa uun shirka looga hadlaayo maamul u sameenta Jubbooyinka maadamda ay iyaga wax badan u soo mareeen qabashada magaalada dekedda leh ee Kismaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho