Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Sidee ayay Maanta wax uga dhaceen maxkamadda Gobalka Banaadir?

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa maanta lagu waday in maxkamad la horkeeno shan qof oo uu ku jiro wariye kuwaasoo u xiran dowladda Soomaaliya.

Dhageysiga dacwadda ka dhanka ah haweeneyda sheegtay in la kufsaday iyo weriyaha wareystay ayaa dib loo dhigay ilaa maalinta Talaadada ah.

Siddee wax u dhaceen?

Waxa ay u dhaceen ugu horreyn waxaa maxkamadda sida uu qorshaha ahaa lagu waday in ay bllaabato 8:00 illaa 9:00-ka laakin waxa ay dib u dhacday 12-kii duhurnimo markii mar qaatiyaasha iyo xeer ilaalinta dib u dhaceen.

Qaar ka mid ah wariyaasha Shabakadda Caasimada Online oo goobjoog u ahaa maxkamadda ayaa sheegay in maxkamadda buux dhaafiyeen wariyaal badan iyo hey’addo u doodda xuquuqda aadanaha oo ay qaarkood u shaqeeyaan hey’addaha QM iyo dadwayne aad u fara badan.

Maxaa dhacay kaddib?

Waxaa dhacay in saacaddu markii ay ahayd 11:45 ee barqanimo- maxkamadda gobalka Banaadir oo dacwada ay ka socotay la keenay shanta qof ee eedeesanayaasha ah oo ay ku jiro wariye Cabdi Casiis.

Waxa ay dusha ka saarnaayeen shanta qof oo kala ah seddax rag ah iyo labo dumar ah, gaari nooca dagaalka oo ay lee yihiin ciidamada booliska, waxana ay iskugu xirnaayeen min labo qof , oo silsilad ayaa gacmaha ugu xirnaa.

Markii ay baabuurka ka soo daggeen waxa si haleel ah loogu xareeyay qolka dacwadda ay ka socotay, waxana la fadhiiyay goob gooni ah oo xiran, waxana la duldhigay ciidamo gaar ahaan oo ammaankooda suga.

Intaas markii ay wax marayaan ayaa loo yeeray wariyaasha oo howl la isugu keenay, waxaana loo sheegay in ciidamada nabad sugida iyo maxkamadda gobalka Banaadir ay saxaafadda ku amreen in loo oggolaado wariyaasha shan Kaamiro iyo Shan Makarofoon, inta kale ee wariyaashana ay fadhiistaan kuraas loo diyaariyay isla markaana wariyihii lagu arko isagoo wax duubaya ama dhaqdhaqaaq sameesanaya loo taxaabi doobi xabsi.

Waxaa intaas kaddib feel la galiyay wariyaasha oo aad u badnaa kuwaasoo loo sheegay haddana in wax rikooor ah aan la duubi karin isla markaana wax aan la sawiri karin inta ay maxkamadda socoto,cidii lagu arko in xabsi loo taxaabayo.

Wariyaasha waxa ay yiraahdeen haye, sidaas ayaana maxkamadda lagu galiyay, waxana durba garsooraha maxkamadda uu ku dhawaaqay in kiiska shanta ee ay ku jirto haweeneyda sheegtay in la kufsaday uu furan yahay.

Waxana hadalka qaatay xeer ilaaliyaha maxkamadda Cabdu Qaadir Macalin oo goobta ka akhriyay dacwadda loo heesto shanta qof.

Waxa kaloo uu daaray codka wareesi uu Cabdi Casiis Koronto ka qaatay haweeneyda dhibnaha ah oo lagu qaaday afka Maayga.

Sidoo kale waxa uu soo bandhigay aqoonsi ah in wariyaha uu u shaqeeyo hey’adda macluumaadka ka arruurisa gobalka Afsoomaaliga looga hadlo oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Intaas kaddib qaar ka mid ah marqaatiyaasha uu watay xeer ilaaliyaha oo dhammaantood ka socday hey’adda SFFC oo ah hey’add wax u qabata haweenka la kufsado iyo carruurta, ayaa qaar kood hadalo kala duwan meesha ka sheegay.

Waxana uu xeer ilaaliyaha maxkamadda ka codsaday in ay u dhimman yihiin illaa 16-marqaati oo kale, taasoo aad uga fajicisay garsoorka maxkamadda iyo dadkii daawanaayay.

Waxaa loo sheegay in taasi aysan suuragal ahayn ee loo baahan yahay marqaati kooban, iyadoo markaas xilligaas.

Intii dacwada ay socotay dadka la soo eedeeyay waxa ay ahaayeen kuwa istaagsan maxkamadda oo ay qaarkood daaleen.

Waxaa kaloo haweeneyda sheegtay in la kufsaday ay sidatay ilmo yer oo dhabarka u saarnaa, mararka qaarna ku oonaayay dusheeda laakin waxa loo oggolaaday in kursi la siiyo.

Ammaanka maxkamadda ayaa aad loo adkeeyay, waxana ku sugnaa saraakiil badan oo ka socday hey’addaha booliska iyo kuwa nabad sugida.

Qareenka u dooddaya shanta qof ee uu ku jiro wariyaha ayaa meesha ka sheegay in dacwadda loo heesto dadkan ay cadahay oo dhawaan ay ku guuleesan doonaan.

Maxaa dhacay intaas kaddib?

Waxaa dhacay in garsooraha maxkamadda uu ku dhawaaqay in kiiska shanta qof dib loogu dhigay illaa maalinta talaadada ee soo socota.

Dib u dhaca ayaa yimid kaddib markii xeer ilaaliyaha uu codsaday in dib loo dhigo dacwadda weriyaha iyo afarta qof ee kale tan iyo 5 bisha February.

Maxay tahay Hey’adda SFCC ?

Hey’adda SFCC waa hey’ad ka shaqeesa siddii ay ugu dooddi lahayd haweenka la kufsado iyo carruurta dhiban, waxana ay xiriir la lee dahay hey’addaha caalamiga waxana arrintaas la sheegay in ay ku qaadato dhaqaale badan.

Waxa maamulo ka ah Nuuro Sheekh Maxamuud oo la dhalatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waa hey’adda diiwangalisay kiiska haweeneyda la kufsaday, waxana ay ka soo qaadeen isbitaalka Madiinka, waxana ay marqaatoyaasha maxkamadda u badanaayeen shaqaale ka shaqeeya hey’addaas, in kastoo arrintaas ay hadalo kala duwan ka sheegeen.

Isku soo duub wariyaasha meesha joogay iyo dadkii kale waxa ay u sheegeen Shabaakadda Caasimada Online in kiiska loo heesto wariyaha iyo dadka kale ee la eedeesan uu noqon doono mid lagu guuleesto oo dib u ay heli doonaan dadkaas xoriyadooda.

Sidoo kale dacwaddan ayaa maalmahanba qeylo dhaan ka dhex abuuray hay’adaha xuquuqda Aadanaha u dooda, beesha caalamka iyo qaramada Midoobay

Haddii ay arrintaas dowladda ku fashilanto waxa meeshaas ku  dhimi kara yididiilada loo hayay dowladda cusub oo ah dowladii ugu horreeysay ee rasmi ah 21 sanno kaddib.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>