Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Daawo: Geedi: Puntland iyo Jubaland see rabaan ha loo yeelo, Xasan Daahir ha la sii daayo + Arrimo kale

$
0
0

Nairobi (Caasimada Online) - Qas-wade Cali Maxamed Geedi, ayaa mar kale weerar ku qaaday DF iyo madaxweyne Xasan Sheikh, isaga oo weli sii wada olalahiisa oo ay gadaal ka riixayaan Kenyan iyo Puntalnd.

Wareysi uu siiyay tv-ga Somali-Channel, ayuu Geedi ku sheegay in wax kasta oo ay dowladda Somalia ku lug leedahay ay ku qaldan tahay, laga billaabo arrinta Xasan Daahir, Jubaland iyo Puntland.

Geedi waxa uu ku baaqay in haddii uu tanaasulo Xasan Daahir lasii daayo. Waxa kale uu sheegay in Jubaland la aqoonsado sidee rabtana loo yeelo.

Waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in Puntland ay ku saxan tahay inay xiriirka u jarto dowladda Somalia, islamarkaana ay xaq u leedahay inaysan dowladda waxba ka siin dhaqaalaha dekedaheeda iyo garoomadeeda, inkasta oo dastuurka taas xaq u siinayo DF maamuladooda.

“Puntland waxa ay sheegtay in dastuurka la beddelay, taasna waa sax” ayuu yiri.

Halkan ka daawo Wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>