Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

KASHIFAAD: Wikileaks: Sida Kablalax u agaasimeen qabsashada Kismaayo looguna tashtay SADE (4 Sano ka hor)

$
0
0

Inta badan, Axmed Madoobe, Faroole-ha taageera iyo hogaamiyayaasha kale ee Jubaland, ayaa ku andacooda in maamulkaasi uu yahay mid dadka deegaanku dhisteen oo qabiil gaar ah ka madax banaan, sida dad badani qabaan.

Caasimada Online, waxa ay halkan idin kugu soo bandhigeysaa document sir ah oo muujinaya in xaqiiqdu saas ka fog tahay. Sir uu kashifay website-ka caalamiga ah ee Wikileaks, ayaa muujineysa in qorshaha Kismaayo lagu qabsaday uu ahaa mid beel gaar ah oo ah Kablalax Daarood ay sanado badan kasoo shaqeeneysay.

Waxaa kale oo document-gan ku cad in si gaar ah loo faquuqay beesha Sade ama Mareexaan oo loo tashtay ayada oo aan ka war heyn, go’aanna lagu gaaray in Kismaayo laga ilaaliyo.

Caasimada Online wax dan gaar ah kama lahan soo bandhigsta sirtan, marka laga reebo in xaqiida jirta la sheego, waayo waxa kaliya oo ay Caasimada Online kaga duwan tahay mareegaha kale ee Soomaalida ayaa ah barnaamijkeeda gaarka ah ee KASHIFAAD.

Sheekadan waa kullan 15-kii August ee 2009 dhex maray Maxamed Cabdi Gaandi oo waqtigaas ahaa wasiirkii gaashdhigga dowladdii KMG ahayd iyo xafiiska siyaasadda Somalia ee safaaradda Mareykanka ee Nairobi. Gaandi waa Kablalax Daarood, kana ah Ogaadeen.

Sheekadu oo safaaradda Mareykanka ay u gudbisay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Washington, balse ay heshay Wikileaks ayaa u qirneyd sdain:-

Intii lagu guda jiray wada sheekeysa qeybta Somalia ee Xafiiska siyaasada uu la yeeshay wasiirka Gaashaandhigga DKMG ah Gaandi, waxa uu qiray in Dowladda KMG ah ay ku lug leedahay qorshe socda oo ay beesha Kablalax/Daarood ay ku qabsaneyso Kismaayo, ayna u xaqiijiso gobolka Jubbada Hoose.

Gaandi waxa uu sheegay in bishii March ee 2009 ay dowladda KMG ah billowday inay la hadasho saraakiil deegaanka ah oo jooga Jubooyinka, uuna ka mid yahay hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe iyo Ibraahim Shukri, si loo mideeyo fikradaha is-diidan loona helo wada shaqeyn.

Gandi waxa uu yiri in madaxweyne Shariif uu si buuxda u taageersan yahay qorshaha Kablalax Daarood, oo ah mid weli sir ka dhex ah gudaha dowladda.

Gaandhi waxa uu sheegay in weerarka Kismaayo ay qasab tahay inuu dhaco bartmaha bisha October, si looga faa’iideysto cimilada waqtiga, taasi oo adkeyn karta dadaalada Al-Shabaab ay gurmad uga heli karaan dekedda Kismaayo.

“Ciidmada weerarka qaadaya ee Jubbada Hoose jooga waxa ay ka koobnaan doonaan oo kaliya maleeshiyada Kablalax Daarood, mana ku jiri doonaan maleeshiyada Mareexaan Daarood ee kasoo jeeda gobolka Gedo” ayuu yiri Gaandi.

FG: Marka Gaandi lee yahay beesha Mareexaan ee kasoo jeedda Gedo “Daarood/Marehan militia from the Gedo region”, Waxa uu Mareykanka ka dhaadhicinayaa in Mareexaan uusan deegaan iyo shaqo ku lahayn Kismaayo iyo Jubada Hoose.

Gaandi waxa uu yiri in ku lug lahaanshaha Mareexaan ee qabsashada kismaayo ay noqoneyso “Mid aad u xun”, ( Waxa uu adeegsaday ereyga English-ka ee Horrible), waxaana Gaandi uu si cad u sheegay in marnaba aysan Mareexaan tagi karin Kismaayo.

Taa beddelkeeda waxa uu Gaandi ku taliyey in ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda Mareexaan iyo Ogaadeen ay tagaan gobolka Gedo, si beesha Mareexaan looga caawiyo inay iska dul qaado Al-Shabaab, balse taasi ay tahay xalka ugu dambeeya, sababtoo ah buu yiri xiisadda ka dhex oogan labada Beel ee Daarood ee Ogaadeen iyo Mareexaan.

Gaandi waxa uu sheegay in hogaamiyaha Ethiopia ay taageerto ee Barre Hiiraale iyo hogaamiye kooxeedka Kablalax/Harti/Majeerteen ee Gen. Morgan aysan qeyb ka ahayn qorshahan.

Gaandi waxa kale oo uu xaqiijiyey inuu ka kalsoon yahay Ibraahim Shukri, balse xaalka Axmed Madoobe uu cakiran yahay, sidaa oo ay tahayna Axmed Madoobe aan laga maarmin.

Waxa kale oo Gaandi uu sheegay in Dowladda KMG ahayd ay qorshahaas ka dhaadhicineyso Kenya, si ay uga qeyb gasho, balse xitaa haddii taas lagu guul darreysto qorshahan uu sii socon doono.

Marka uu dhammaan hadalladaaas sheegayay Gaandi, waxa uu adeegsanayaa magaca dowladdii KMG ahayd, mana cadda xaqiiqda haddii Dowladdii Sheikh Shariif ay la ogeyd dadaalada uu Mareykanka uga taageero raadinayey, waayo wuxuu ahaa wasiirka gaashaandhigga.

12-kii August Hogaamiyayaasha qabaa’ilka Kablalax Daarood, oo ka shaqeenayey dhismaha maamulka Jubaland, ayaa la kulmay xafiiska siyaasadda, waxaana ay adkeeyeen hadal hore oo ku saabsanaa xiriirka ay la lee yihiin Axmed Madoobe.

Waxa ay sheegeen in hadafkoodu yahay maamul goboleed qeyb ka ah dowladda KMG ah. Waxa ay ogolaadeen in Axmed Madoobe madax looga dhigo maamulkaas (Xusuusnow. Hadallo hore ayey isla xubnahaas inoogu sheegen in Axmed Madoobe mar horeba loo doortay hogaamiyaha maamulka Jubaland ee la qorsheynayo.

FG: Axmed Madoobe doorashadii Kismaayo ka dhacday ma lagu doortay mise…Nin dooran ayey doorta na lee yihiin waayey sheekada?

Kablalax Daarood waxa ay sheegeen in maalinta Axmed Madoobe uu gacanta ku dhigo Kismaayo uu ku dhowaaqi doono inuu taageero oo uu qeyb ka yahay dowladda KMG ah, haddii kale waxa uu lumin doonaa taageerada beeshiisa.

Hogaamiyayaasha Ogaadeen waxa ay aaminsan yihiin in haddi ay gacanta ku dhigaan Kismaayo taasi ay ka turjumi doonto in matalaad xooggan ay ka siin doonto dowladda KMG ah.

Halkan ka arag Warbixinta rasmiga ah ee Wikileaks

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>