Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

“Maalin aan maanta ahayn inaad ii soo baahata, Allah waxba lama aha”

$
0
0

QISO- BOQOR MUJRIM AHAA

Waxaa jiray boqor mujrim ahaa, oo xaqiir dulmi badan ahaa. Wuxuu lahaa qasri cad oo weyn, qasriga dhankiisa midig, waxaa ku yiillay daash yar oo ay lahayd haweeney cajuusa ah, oo aan aqrib iyo ahal midna lahayn. Boqorka waxaa qasrigiisa ku hor yiillay barxad qurux badan oo uu kula sheekeysan jiray dadka madaxda ah iyo maalqabeennada.

Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa u timid, haweeneydii duqda ahayd, ayadoo ka dalbanaysa inuu siiyo wax cunta ah. Balse markii ay intaasi warsatay ayaa boqorkii wuxuu dhegaha u saaray canaan kulul, iyo cay, asagoo amray inaanay mar dambe ayadoo sidan u eg aanay soo hor istaagin. Intaas kumuu ekaanine, wuxuu amray in daashkeedii yaraa ee ay degneyd la dumiyo, asagoo oranaya, wuxuu foolxuma u keenay bilicda qasrigeyga. Haweeneydii way dhaqaaqday ayadoo oranayso ”Maalin aan maanta ahayn inaad iisoo baahata, Ilaahay waxba lama dhama”.

Boqorkii ayaa qosol jees jees uu ka muuqda asagoo qah qahleynaya ayaa wuxuu yiri ”Ma adiga, oo sidan u eg? Mayee, ma dhicine taas, orod iska soco, miyaadan ogeyn, inaan qusuur iyo balliyo, iyo dahab iyo hanti iyo xoolaba aan leeyahay? Maxay tahay ta aan kaaga baahanaya adiga, soco soco”?

Duqdii way iska baxday, oo keymaha ayay iska degtay. Waxay billawday midhaha iyo caleemaha inay ku noolaato, oo ay dur durradana ka cabto.

Tiiyoo ay xaaladdu sidaasi tahay, ayaa duqdii waxay noqotay duq dhirta aqoon u yeelata oo dadka bukaanka ah ee miyiga iyo meelahaasi kusoo mara daweysa. Xaaladdu markay sidaasi maraysa, ayaa waxaa bukooday boqorkii.

Dawadiisii ayaa la waayay, dhaqtar kastaahina, wuu ka gacan taagay. Waxaa la diray afarta jira dad qaylo dhaan sida, oo oranaya, war qofii boqorka daweeya, waxaa la siin doonaa maal sidaas iyo sidaas ah.

Waxyaabahii ballanqaadyadaasi ku jiray waxaa kamid ahaa, dahab iyo daar weyn oo loo dhisi doono.

Duqdii cajuusada ahayd ayaa warkaasi maqashay, kadibna waxay usoo alaab qaadatay, dhankii boqorka. Markay u timid, ayay u sheegtay inay daweyneyso, dabeetana wuu ka ogalaaday.

Dhir ayay isku qastay, wayna amartay inuu cabbo. Maalin ama labo maalin kadib, boqorkii waa uu caafimaaday oo Ilaahay dawuu uga dhigay dawadii haweeneyda.

Markaasay ku tiri ”Sow ima xasuusatid, sowmana xasuusatid maalintii aad sidaas ilahayd”? Wuxuu yiri ”Haah!! walleey waan xasuustaa, waxaase igu ballan ah, maanta kadib inaanan dadka kala jeclaan, kooda faqiirka iyo kooda qaniga ah, kooda maskiinka iyo kooda awoodda leh, kooda iwm. Waxaa igu ballan inaan dadka oo dhan jeclaado, oo aan u caddaalad falo, caddaaladna ula dhaqmo”.

Wuxuu u dhisay, qasri weyn, wuxuuna siiyey hanti badan.

WD: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
_____________________________________________________
Afeef Qormadani waxay u gaar tahay, webka caasimada.com, iyo qoraha lama daabacan karo idan la’aan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Latest Images

Trending Articles



Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>