Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Sheekh caan ah oo wax lala yaabay ka sheegay Faroole & xaalka Puntland

$
0
0

Sheekh Xasan Maxamuud Takar oo ka mid ah Culumada Diinta Islaamka ee ka soo jeeda Deegaanada la isku yiraahdo Puntland, ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole aanuu dooneyn marna in uu Kursiga ka kaco.

Wuxuu sheegay in uu burburiyay dhaqaalihii Puntland, Dekedda Boosaaso wixii Lacag ah ee ka soo xeroodayna uu ku shubtay Bangiyo dibadaha ku yaalla, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in dabkii ka kacay Suuqa Boosaaso ee baa’bi’iyay hantidii Ganacsatada in uu Cabdiraxmaan Faroole ka dambeeyay.

Ganacsatadii Puntland ayuu sheegay in ay kala yaaceen oo ay kala aadeen, Meelo kala duwan asigoo intaa ku daray in Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland oo Markii hore dhulkeedu qaali ahaa iminka qiimihu aad hoos ugu dhacay oo aanay cidna boos ka iibsanayn, taasina Maamul Xumada Cabdiraxmaan Faroole ay sabab u tahay.

Sheekh Xasan ayaa hoosta ka xariiiqay in Madaxweynayaashii hore ee Puntland sida Cabdulaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse ay ahaayeen kuwo Ixtiraama Odayaasha dhaqanka laakiin taasi ay Meesha iminka ka baxday.

Wuxuu intaas ku daray in aanay Culumada iyo Diinta fara gasha jirin oo dacwadu Puntland si wanaagsan uga socotay intii Cabdiraxmaan Faroole aanuu Madaxweyne noqon.

Takar ayaa tibaaxay in Faroole uu gaaray heer uu diido in Masaajidda la dhiso Neceybka uu Diinta Islaamka u qabo aawgeed dhowr Masaajidna uu Culumo ku weeraray.

“Miyaad Maqashay Masaajid Puntland ku yaal oo la weeraray Faroole ka hor” sidaasi waxaa yiri Sheekh xasan Maxamuud Takar oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Xasan Takar oo waxyaabo badan kaga hadlay wareysiga halkan hoose ka dhageyso

Wareysiga Sheikh Xasan Takar


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>