Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Soo saaraha filimki lagu aflagaadeyay Nabiga (CSW) oo iminka difaacaya

$
0
0

Ernaud Van Dorn oo ah siyaasi caan ah kana tirsanaa xisbiga xoriyyda dalka Holland isla markaana ka mid ahaa dadka sida weyn uga qeyb qaatay filim-kii xumaa ee wax looga sheekeyay Nabigeena Maxamed CSW ayaa shaaca ka qaaday ka dib soo islaamidiisa in uu soo saarayo filim uu ku difaacayo sumacadda rasuulkeena CSW .

Wargeyska Cukaz ee ka soo baxa Sacuudiga ayaa qoraya in Ernaud Van Dorn oo booqanaya magaalooyinka barakeysan ee Maka Al-mukarah iyo Madina uu la kulmay wadaada masjidka barakeyska ee xarameynka.

Ernaud-Van-DornImamaamka Masjidka Xarameyn-ka Sheekh Cabdi Raxmaan Sudeys ayaa amaanay talaabada Ernaud Van Dorn isaga oo sheegay in ay tahay guul u soo hoyatay islaamka , waxa uuna Ernaud Van Dorn uu siiyay hadiyad ah kitaabka qur`aanka kariimka iyo kutubo kale oo luqada Ingiriiska ku qoran , iyadoo Ernaud Van Dorn uu cimreysanayo tan iyo markii uu shaaciyay in uu qaatay diinta islaamka .

Ernaud Van Dorn siyaasigaan dhawaan qaatay diinta islaamka ayaa sheegay in uu qorshenayo fikir ah soo saarista filim lagu soo qaadanayo akhlaaqda wanaagsan ee nabi Maxamed CSW , iyadoo Ernaud Van Dorn uu oohinta iska celin waayay markii uu booqday qabriga nabiga CSW markiisii ugu horeeysay .

Isha: Alcarabiya


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>