Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Muqdisho: Tuug Xariif oo soo laabtey, dadkii oo farxay & astaan bidhaantey

$
0
0

Hadda ka hor ayaa nin waxa uu su’aal weydiiyay nin kale, waxaana uu yiri “Dadku ma jiraan wax ay ka neceb yihiin geerida?”, Dhageystihii ayaa jawaabay waxaana uu yiri “Haa”. Weydiiyihii oo an marnaba fileyn in su’aashaasu yeelan karto jawaab “haa” ah, ayaa yiri “Bal ii sheeg”. Markaas baa lagu yiri “Wixii qofka ka keena inuu wacdo geerida, micana uu yiraahdo ‘Alla maan iska dhinto’ ayaa laga neceb yahay geerida”.

Waxaan uga gol lee yahay ma jiro qof jecel in gurigiisa habeenkii inta tuug uu usoo dhaco wixii yaalay uu ka qaato, hase yeeshee taas ayaaba Muqdisho iminka lagu farxaa, kadib wax dadku horey usoo arkeen oo taas ka xun.

In dhoweytaba Tuug xariif-yada (Tuugga aan qoriga wax ku qaadan), waa ay ka maqnaayeen magaalada Muqdisho ama naadir ayay ka ahaayeen, oo qofkii doonaya inuu wax dhaco, si fudud ayuu inta qori usoo qaato ku dhici jiray.

Hase yeeshee Muqdisho iminka wax weyn ayaa is-beddelay. Waxaa dhammaaday xoog iyo qori wax ku qaadasho, ammaan ayaa soo bidhaamay, dadkii ayaa sinmay, kii ka dhashay beel weyn iyo kii looma ooyaanka mar loogu wici jiray ayaa shaah wada cabay.

Qof iminka qori ama hub ku qadaanaya Muqdisho waa inuu ka tirsan yahay ciidanka Dowladda ama inuu bastoolad qarsado oo uu yahay Shabaab dhuumaaleysta.

Mar aan wacay qof saaxiibo aan nahay oo Xamar jooga, ayaa iigu warramay in xalay tuug uu usoo dhacay gurigooda oo dhar banaanka looga tagay iyo alaabo uu qaatay, waxaana isaga oo qoslaya uu igu yiri “Alla goormaa Tuug soo dhaca habeen noogu dambeysay”.

Waxaa xaqiiq ah in dad badani ay ka jecel yihiin Tuug xariifka midka qoriga sitta ee dadka u gala jidka, wixii ay heystaanna xoog uga qaata.

In tuug xariifkii uu dib ugu soo laabtay Muqdisho-na waxa ay muujineysaa hal astaan oo ah, in ammaankii caasimada Somalia uu wax weyn isk-beddelay, inkasta oo uusan ahayn 100%, taasina ogow meel ay caalamka ka jirto ma lahan.

Ha is oran waa maxay qaraxyadan la sheegayo iyo dilalka, waayo qaraxyo caalamka oo idil ayay ka dhacaan, dilalkana, ugu yaraan dad ku dhow 500 oo qof ayaa sanadkii lagu dilaaa New York.

Allow dalka noo nabadey oo caasimadeenii noo nooleey.

W/Q: Axmed Cali Sheikh
Tifaftiraha Caasimada Online


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>