Assalaamu Calaykum. Maanta iyo qoraalkeena wuxuu kusaabsanyahay wareysi aan layeelanay Prof.Cumar Maxammad Warsame oo kamid yahay jiilkii ku soo aaday dagaalkii sokeeye ee ku xukunaa ‘dil waxbarasho la’aan’ hase ahaate taxadi lagalay xaaladaas lama ilaawaanka ah.Cumar dadaal badan kadib wuxuu Allah usahley deeq waxbarasho u aaday wadanka dibidiisa kahor inta aanu dib ugu soo noqan wadanka si uu ugarab istaago macalimiinta utaagan horumarka ubadka Soomaaliyeed.
Tan iyo markii uu dalka ku soo laabtey profka wuxuu ka soo shaqeeyey jaamacada kala duwan sida bariga Africa, PSU, Nugaal iyo kuwa kale.Prof. Cumar wuxu wax kuqoraa labada luuqadood ee Soomaaliga iyo Carabiga taas oo ku diyaariyey buugaag kala duwan, wuxuu xubin kayahay qorayaasha Aljazeera.net iyo jazeera for studies oo ah hoyga muthaqafiinta Carbeed. Sidoo kale Cumar wuxuu xubin kayahay uruurka aqoonyaaniinta Soomaaliyeed ee Somali Pen.
Profka oo iminka safar kujooga wadanka Qatar ayaa lakulmay ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarata jaamacadaha wadanka Qatar isagoo ugu waramay xaalada waxbarasho ee Somalia taas oo aad usoo jiidatey ardeyda oo badankooda arag Somalia.
Warbixintaas oo aad uqeymo badneyd ayaan idinku soo gudbineynaa wareysi ahaan silooga wada faa’ideysto.
Su’aal: Maxladii ay istaagtey waxbarashada Somalia, maxaad kaxasuusata?
Prof: Waa su’aal muhiim ah, anigu waxaan ka mid ahaa dadkii iskuulka bilaabey ilaa dugsiga sare intii burburku socday sidaa awgeed wax badan ayaan ka xasuustaa taariikhdaas.Sikooban waxaan u kala qaybin karnaa sadex marxaladood.
Sanadihii 1991-1995,sidaan ognahay waxaa socday dagaalo isir-sifayn ahaa ee udhaxeeyey qabaa’ilada waaweyn. Nasiib darro xilligaa tacliinta wadanka way joogsatay gabi ahaan. Waxaa la burburiyay wax alle iyo wixii waxbarasho raad kulahaa oo dhan. Iskuula badan qashin qub ayey isubadaleen. Waxbarashada kaliya ee socotay xilligaas waxay aheyd dugsi qur’aan oo soomaalidu u leedahey hido iyo dhaqan.
Sanadihii 1996-1999, waxaa bilowday in dadku dib us abaabulaan maadaama rajadii laga qabay dawladnimadii ay fogaatay oo dagaal jifjifo la isku dilayo lagalay. Waxaa bilowday in dib loo furo iskuulo iyo jaamacado ay ka mid ahaayeen jaamacadda Muqdisho, Bariga Afrika iyo kuwa kale. Dad badan waxaa ku adkaatey sidii ay caruurtooda ugu aamilahaayeen iskuuladan ayagoo isweydina cida aqoonsanayso shahaadooda.
Sanadihii 2000-2013 waxaa laqaaday isbadal weyn oo xaga waxbarashada ah. Waxaa markii uhoreysey lafurey dalad mideysa dhamaan waxbarashada wadanka oo aduunka aqoonsadey,gaar ahaan gobolada koonfurta iyo puntland. Arintaas waxay dhiiri galisay waalidiin iyo badan oo ogaaday ‘shahaadada waxbarashada‘ wadanka in la aamino karo, gaar ahaan markii ay soo laabteen ardadadii jaamacadaha dalka ka baxdey oo soo diyaariyay (Master ama PHD) takhasusyo kala duwan.
Su’aal:Waxbarashada cusub ee Somalia waxaa kubadan thaqaafa Carabiyah.Sida aan ognahayna Carabtu kama mid ah wadamada Somalia taageero gaar ahaaneed kasiiyey xaga waxbarashada.
Prof: Waa sax oo dowladaha Carabta Somalia sitoos ah uma taageerin ilaa iyo intii dowladii dhexe burburtey, gaar ahaan arimaha khaaska sida waxbarashada oo kale. Haseyeeshe waxa jira taageero kale oo aysan Soomaalida sidaas ula socon.
Soomaalida waa labo nooc, qaar uhaajirey wadamada shaqada iyo sharciga laga helayo, iyo qaar waxbarasho u aaday Carabta. Dadkii Europe iyo America, wadanka kuma soo noqon si ay wax ugu dhigaan jaamacadaha, waxayna ubadan yihiin dad kumashquulsan noolal maalmeedka iyo qaar yimaado marka ay jirto isbadal siyaasdeed.
Wadamada Carabta qofkii waxbarasho utago wax waa baraya laakinse daganaan masiiyaan. Taas waxay keentey in dad aan yareen ka soo qalin jabiyaaan wadamada Sucuudiga, yemen, Suudaan,Libya iyo Masar ay dalka kusoo laabtaan oo ay buuxiyaan kaalinta wax dhigista iskuulada.Taas waa mida keentey thaqaafada carabiga iyo wabarashada diinta laxariirta iyo inay luuqada Carabiga noqotay luuqadda waxbarashada wadanka walow hada arintaas weerar lagu hayo oo ladoonaya in iskuulada loo rogo thaqaafah English.
Su’aal: Waxbarashada dugsiyada Qur’aanka iyo isbadalka ay kudhaqaaqeen 22kii sano ee lasoo dhaafay
Prof:Dugsi Qur’aanku waa dhaqan facweyn oo Soomaalidu ay ku amaanan tahay miyi iyo magaalaba. waxyaabaha cusub waxaa kamid ah uniform lagu garto ilmaha quraanka dhameeyey. Waxaa soo baxey xarumo lagu magacaabo Daarul-qur’aan oo lagu dhigto Qur’aanka iyo maadooyinka iskuulka hoose, waa nidaam umuuqdo mid miradhal ah haddii lagu dadaalo tayada maadooyinkaba. Macalimiinta laftooda way isbadaleen oo waxay kasoo qalin jabiyeen iskuulada iyo markaz Taxfiid oo waa inuu leeyahay labada dhaqaafadood.
Su’aal: Waxbarashada jaamacadaha wadanka, tiro iyo tayo ahaan iyo magaalooyinka ay ukala badanyihiin
Prof: Tacliinta jaamacadaha Somalia waxaan is leeyahay way qaangaadhey oo maanta waxaa jira jaamacado waaweyn oo muhiim ah oo lagaga maarmi karo waxbarashada dibidda ilaa xad. Jaamacadaha iyo macaahida dalka ilaa 100 ayey ku dhawyihiin iyo kuwa horleh lafurayo maalinkasta. Kalabar jaamacadahaas waxay kuyeelaan Muqdisho, meesha ugu amniga xun wadanka. Dhaliilo badan oo loo soo jeedinayo way jiraan hayeeshee 22 sano oo burbur ah waxay umuuqataa in loo cudurdaari karo.
Su’aal: Dad badan ayaa aaminsan inay jaamacadahaan yihiin meelo ay qabaa’ilo iska ooteen oo aysan marnaba noqonkarin jaamacado ilmo lagu aamino
Prof: inta badan Soomaalidu nidaam qabiil ku salaysan ayay u dagaan; marka dad meel wada dago oo iskuul sameystay umaleyn maayo in lagu tilmaamo jaamacadda reer hebel.Jaamacadaha in badan oo ka mid ah waxaa kadhaxeeya wadashaqey sida macallimiinta iyo manaahijka. Tusaale ahaan jaamacado kukala yeela Soomaaliland iyo Puntland ayaa wadaaga macallimiinta, taas oo kutusinayso iskaashiga kadhexeyo hay’adaha waxbarashada Somalia inuu kasareeyo xitaa xuduudaha siyaasadeed.
Su’aal: Maadooyinka sida aadka loo barto iyo sida ay udabooli karaan baahida wadanka ee deg-deg ah
Prof: shan kulliyadood ayaa ugu badan oo kala ah: shareecada, maamulka, Computer, Macallinnimada iyo Caafimaadka. Takhasusaadka badan aan laga heliKarin wadanka waxay dadku kabartaan jaamacada aduunka ee Onlineka ama wax loo yaqaan distance education.
Su’aal: Waxa la’isweydinaya meesha ay ka imaanayaan macalimiinta dhigaysa takhasusyada kala duwan, ayadoo la aaminsanyahay in dadkii aqoonta lahaa wadanak isaga baxeen ama ladilay.
Prof: Macallimiintu waxay u badan yihiin soomaali ah oo dibadda kasoo laabtey iyo qaar kasoo qalin jabiyey jaamacadaha wadanka. Waxaa jira macallimiin Soomaali ah oo dhakhaatiir u badan oo isbitaalo furtay, kulliyadaha caafimaadkana wax kadhigo. Waxaa kale oo jira macallimiin ajaanib ah ubadan wadamada India, Sudan, Masr, Kenya iyo Uganda.
Su’aal: Waxbarashada dadka waaweyn waa arin qariib ku ah wadanka, maxaad nooga sheegi kartaa?
Prof: Waxbarashada dadka waaweyn waxay noqotay dhaqan shaac baxay oo ay ceeb tahay inuusan qofka tagin iskuul. Ardayda kulliyadaha aan soo sheegney kalabar waa dad waaweyn. Waxaa caadi ah in aad aragto aaba,ilmihiisa iyo xaaskiisa oo isku fasal ah ama kala fasal ah. Basaska jaamacada ee soo qaado suuqlayda waad yaabaysa. Kulliyad walbo waxaa lagu arkaya wasiirro,xildhibaano ama salaadiin ardayda ka mid ah. Waa dhaqan aan horay ujirin oo kurajo galinayo. Intaas waxaa dheer dadka dhigta jaamacadahaan ee dagan magaalooyin kale oo imtixaanka kali ah u imaanaya.
Su’aal: Prof Cumar deegaan ahaan waxaad kasoo jeeda gobolka Gedo oo kamid ah gobolada wadanka ugu liita waxbarasho ahaan, maxaad isleedahay sababta?
Prof: Gobalka Gedo dhibaatooyin badan ayaa haysta oo ay ugu weyntahay xuduuda dheer ee uu laleeyahay wadamada Kenya iyo Ethiopia. Dhibaato badan oo Somalia lagu burburinayo waxay kasoo bilaabatay Gedo. Tusaale,Xamar Itoobiyaanku waxay soo galeen 2006 meesha ay Gedo qabsadeen 1996, 10 sano ka hor ilaa iyo maanta. Waxa ugu horeeya oo dhibaatadaas galaafatay waa xarumaha waxbarashada gobolka.
Iskuulkii uhoreeyey ee ladhisay burburka dowladii dhexe, oo aan aniga lafteyda wax kudhigan jirey, waxaa dagay ciidama Ethiopia iyo kooxdii lasocotay 1996.
Dhibaato kale oo hortaagan gobolka waa ayagoo caruurtooda udirsada dhanka Kenya iyo dalka intiisa kale ee nabadgalyo ahaan kafiican Gedo.
Hayaanka ardeyda Gobalka dibidiisa iyo xaalada amniga madhiiri galinayso in lafura jaamacad lagu nasan karo waqtigan. Sidaad ogtihiin waxaa lafurey Gedo University oo xarunteeda tahey magaalada Baardheere, waxaana rajaynaya nabad haddii la helo ay talaabo hormar ah oo rajo galin ah.
Su’aal: Magaalada Laascaanood waxaad kutilmaantahay inay tahay meesha ugu tacliinta fiican magaalo ahaan walow ay ka jirto xasilooni daro.
Prof: Waxaa wax lagu farxo ah Laascaanood in ay soo galeyso meelaha ugu waxbarashada badan Somalia. Magaalooyin badan ayaan wax ka soo dhigay laakinse Laascaanood ardayda joogta iyo tartanka cilmiga loogu jiro, rag iyo dumarba, yar iyo weyn oo waliba takhasusaadka kala duwan waa hormuudka waxbarashada mustaqbalka dhow,waana dareen ay ila qabaan macallimiin badan oo aan kawada shaqeyney Laascaanood oo kakala yimid gobolada Somalia iyo NFD Waxaana ku faraxsanahay inaan ugu hambalyeeyo dadka dagan Laascaanood iyo maamulka jaamacadda Nugaal oo uu ugu horeeyo prof. Lafoole. Dhamaad.
Akhayaarta qeymaha badan, intaan dib dambe ukulmayno waa walaalkii Adam Abuzuhri oo idinleh ‘Midnimo Soomaaliyeey’. Wixii talo iyo tusaale abuzuhri1@gmaiil.com