Fanaankan cusub ee lagu magacaabo Abdirisaq Ibrahim Garyare oo loo yaqaan ” Dajiya” oo ah nin la dhashay wariyaha caanka ee Soomaaliyeed Abdiweli Ibrahim Garyare ayaa fanka kusoo biiray caawa ,isagoona la soo shirtagay hees cusub oo uu leeyahay isaga, taasi oo lagu magacaabo SAMIIRA. Fanaankan waxaa uu degan yahay dalka Holland.
Fanaan Abdirisaq Garyare ayaa waxaa uu fanaaniinta la midka ah waxaa uu uga duwan yahay inuu isaga leeyahay heestan cusub ee maanta u fureysa boga fanka Soomaalida, halka fanaaniinta qurbaha ee cusub lagu yaqaanay inay had iyo jeer dib usoo qaadaan heeso horey u jiray oo ay qaadeen fanaaniintii bari-samaadkii.
Abdirisaq Garyare ” Dajiya ” oo ah fanaanka ugu da’da yar ee fanka Soomaalida iminka ku soo biiray ayaa waxaa uu nasiib u helay inuu heesaha uu kusoo baxayo u alifo walaalkiis Abdiqani Ibrahim Garyare oo baryihii danbe heeso uu leeyahay ay qaadayeen fanaaniin dhowr ah oo uu ka mid yahay fanaanka weyn ee Abdi Baadil Ibrahim.
Heesta SAMIIRA waxaa laxanka u sameeyey mulaxamiista ay Soomaalida u qirtay laxan sameynta kana mid ahaa haldoorkii hoboladii waabari Abdi Baadil Ibrahim, iyaddoo uu muusica iyo duubista uu ku fara-yareystay wiilka ay fanaaniinta yurubta aadka u jecel yihiin ee Maxamed Weerow.
Fanaankan cusub Abdirisaq Garyare ” Dajiya” oo la hadlayey warbaahinta www.deeyoo.com oo ah meeshii ugu horeysay ee heestan nasiibka ay u heshay inay sii deyso ayaa sheegay inuu asbuucyada soo socda soo wada saari doono muuqaalka sadex heesood oo wada cusub, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona wax soo saarkiisa fanka ee iminka ugubka ah.
” Waxaan caawa ii farxad ah in aan soo saarey heesteydii ugu horeysay ee SAMIIRA waxaana jeclahay inaan sidaasi oo kale aan asbuucyada inagu soo aadan aan usoo gudbin doono shacabka Soomaaliyeed inta fanka xiiseysa heeso kale oo aan rajeynayo inaad jecleysan doontaan” Ayuu yiri Fanaan Abdirisaq Garyare ” Dajiya” , isaga oo si gaar ah mahad ugu celiyey dadkii ka qeybqaatay kusoo biiristiisa fanka iyo heestan cusubba.
” Mahad gaar ah waxaan u dirayaa oo fankeyga cusub ka qeybqaatay walaalkeey Abdiqani Garyare oo heesaha cusub ee sameeyey, Macalinka weyn ee laxamiistaheyga ah Abdi Baadil Ibrahim iyo Musigiiste Maxamed Weerow oo waqti ku wada bixiyey howshan gashay heesta SAMIIRA iyo heesaha kale ee daba socda”
Halkan ka daawo HEESTA SAMIIRA:
Waxaan dib idiinka soo gudbin doonaa dhamaan heesaha uu fanaankan ugu talogalay shacabka Soomaaliyeed.
Ali Dahir Ciid
Delft, Netherlands