Haddii aad muddo dheer qurbaha ku ahayd dareen ku joog, ma ku noqotay dalkaada, mase soo booqatay Xamar? Waxaa kuu muuqanaya marka dhinac kasta la fiiriyo ammaan iyo horumar degdeg ah. Waxaa la arkayaa dib u dhis iyo gaar ahaan Muqdishoow oo si xowli ah, mucjiso ah u soo kabanaysa.
Ummad kasta iyaga ayaa aayahooda hormarsata, waxaase lagama maarmaan ah in la helo kalsooni ku timaadda isku tashi iyo iskaashi dhexmara shacab iyo dowlad. Nabagelyada oo ah isha ugu muhiimsan ee horumarka aadamiga ayaa u baahan in si buuxda gacanta loogu dhigo, sharci iyo kala dambeyna si wada jir ah loo soo wada celiyo.
Muqdishoow taariikh ahaan iyo maqaam ahaanba waxay qeyb muhiim ah ka tahey taariikhda iyo xadaarada Somalia, midda Bariga iyo Geeska Afrika, Soomaaliyana kama jiraan magaalo ama deegaan la mid ah ama la barbardhigi karo xamar xag baaxad, tirada dadka, ganacsiga, bilicda iyo casrinimada intaba.
Magaaleynta Muqdisho waxay salka ku haysaa taarikkh fog iyo isbadalo maraaxil kala duwan soo mareen waqtiyo ka hor iyo kadib dhalashadii Nabi Ciise, Caleehii salaam. Ilaa hadda taariikhiyahannduna waxay xusaan Muqdishoow iney soo jirtay in ka badan 2,000 oo sano, waxaana ku noolaa jiray ummado kala duwan xiliyo kala gooni gooni ah, kuna kala dherarsan casriyadii Persia, Ummawiyiinta iyo curashadii islaamka kadib.
HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEO-GA:
Waxaa la haayaa raadad muujinaya Xamar, Xamar kale inay ku hoos aasan tahay. Sida culumada archaeology-ga iyo kuwa baara culuunta taariikhda ay xaqiijinaayaan, waxaa lagu arkay inay dhulka hoostiisa ku aasan yihiin dhismooyin badab, kuna kala teedsan min deegaannada xeebta ah ee Muqdisho, sida Kaaraan, C/casiis, Shangaani, Xamar Weyne, Xamar Jajab, deegaanka Jaziira, Marka Caddeey ilaa Baraawe, sidoo kale qalab qadiimi ah iyo raadad kale oo taariikhi ah oo aysan weli arkin kuwa wax baliliqeysan jiray.
Marka taariikhda la fiiriyo, burburkii Muqdisho ee dabayaaqadii qarnigii tegay (horraantii1991) ayaa wuxuu ahaa kii Labaad, waxaa ka horeeyay burbur isna dhacay xili ku dhow bartamihii isla qarnigaas,(Sannadkii 1941-kii), kadib hajuumkii dhinaca hawada diyaaradaha Ingiriiska kaga soo qaadeen xarumihii maamulka isticmaarkii fashistihii Talyaaniga ee Somali gumeysanaayay.
Xiligaas waxaa socday dagaal weynihii labaad ee aduunka. Bililiqadii ugu horreysay waxaa lagu arkay xaruntii “Gaziani”, hadda ah “Villa Somalia” si la mid ah tii dhacday1991-kii. Ingriisku wuxuu xiligaas xoog ku qabsanaayay koofurta Soomaaliya, wuxuuna bililiqaystay hanti badan oo ay ka mid tahay khadkii “Ferro-via”-hii (Rail waygii-tareenkii) isku xiri jiray Xamar-Jowhar.
Haddaan u soo noqon bururkii dambe ee Muqdishoow, 1991, Wuxuu ahaa wax aan laga sheekeyn karin marka la fiiriyo baaxada uu lahaa iyo sida qotoda dheer oo u saameeyay qeybaha kala duwan ee nolosha aasaasiga ah iyo adeegyada horumarka mushtamaca, ma ahay wax ay indhahooda ku fiirin karaan dad dareen iyo damiir aadanimo leh. Lama arkin wax badbaaday, geerida iyo burubrka waxay ka mid noqdeen noloshii caadiga, dalkana wuxuu galay fowdo iyo guul darro qarameed ee taariikhi ah.
Somalia waxay ka baxday hawada iyo Juqraafiga adduunka, waxayna ka maqneyd mudo 21 sano ah. Waxaa la soo maray qax, kala yaac, xili dowlad la’aan ah iyo fowdo, awood qabqablayaal dagaal, ururo argagixiso ah iyo kuwo kale, sida maamul deegaan beeleedyo ku dhasheen faragelinta iyo saameynta dowladaha deriska ah. Arrimahaas hadda waxay dhamaantood u muuqanaayaan kuwo hadda ku sii xaroonaayaan madfaxyo iyo sheekooyin taariikhda gala.
Sumcaddii iyo bilicdii Muqdisho ayaa dib u soo noolaanaysa. Waxaa ku soo qulqulaya dadkeedii oo ka kala imaanaayaan dunida daafaheeda kala duwan. Laga ma sheekeyn karo nolosha iyo horumarka ka bilowday. Waxaa ka socda dib u dhis iyo dhaqan celin baaxad weyn leh. Nabadda iyo horumarka oo hadda laga dareemayo ayaa ah kuwo is-barbar-socda. Waxay soo jiidatay beesha caalamka iyo dunidii la’eed Somalia meel ay kasoo gasho si maalgashi iyo iskaashi ula sameeysato.
Hadda waxaa horumar xowli ah ku socda dhisida amaanka iyo soo celinta qeybihii kala duwanaa ee adeegyada bulshada. bilicda Xamar ka bilaawatay waxay saameyn ku yeelatay isbadalka siyaasadeed ee dalka, waxaa laga gudbay marxaladii kala guurka, waxaa dhashay nidaam dalka oo dhan mideynaya iyo dowlad dastuuri ah.
Waxaa shaaca laga qaaday dhowaan inay bilaabmi doonaan doorkii dowladda iyo shirkadaha madaxa bannaan, kuwaasoo saameyn doona hirgelinta dhismooyin iyo marshaariic ballaaran oo hor leh, sida waddooyinka, daayac tir kuwii hore iyo kuwo cusub oo waaweyn, Isbitaalo, Dugsiyo waxbarashada aasaasiga ah iyo xarumaha tacliinta sare, korantada, biyaha, Airport Caalami ah, ballaarinta labada Deked ee Xamar, dib u dhaqan celinta dhammaan xarumihii dowladda iyo kuwa ciidamada qalabka sida iwm.
Waxaa hubaal ah haddii Xamar ay dib u soo kabato in dalka oo dhanna dib u midoobaayo, lana arki doono amni, horumar iyo noloshii lagu yaqiinay Jamhuuriyadda Somalia oo qof kasta hoos harsado. Waxa hadda hey’ado badan oo caalami ah, sida laamihii Qaramada Midowbay, kuwa Midowga Europe iyo dowlado badan shaaca ka qaadeen inay xarumahooda dibloomaasiyadeed dib uga furanaayaan Muqdisho.
HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEO-GA:
Isha: Warfaafiye