Qaxooti badan oo laga keeno dunida saddexaad laguna soo daadgureeyo waddamada hodanka ah ee reer Galgeedka ayaan aqoon fiican u lahayn sida looga faa’ideysan karo fursdaha badan ee ka jira wadamadaasi, iyada oo in badani ay ka indho daboolan yihiin. Taasina waxaa daliil u ah marka aad eegto sida ay qaar u najaxeen qaarna u duloobeen. Waxaa jira kuwo soo galay ayagoon waxba haysan haddana maalqabeeno ah kuwaaso ay u furanyihiin goobo ganacsi siiba dukaamada cuntada, dharka, iyo qudaarta; haddaad dhan kale jaleecdana waxaad arki kuwo tiro badan oo isugu jira waayeel iyo dhalinyaro wax bartay ama dhiganaya jaamacadaha; yeynan iloobine waxaa jira kuwo kaleeto oo ku saaqiday nolosha oo daba orday dhaldhalaalka adduunka ee qalloocan. kuwaaso isku mashquuliyay ganacsiga jirka, daroogada sida qaadka, khamriga, xashiishadda iyo maandooriyeyaal cuseyb ku ah ummadda Soomaaliyeed.
Haddaba, waxaa jira qoys isku taxalujiyay sidii ay uga samatabixi lahaayeen gaajada iyo wixii la halmaala. Waa labo islafahmay sida loo dheelo shaxda musuqmaasuqa ee aan hore loo arag. Daadirow iyo Duniyo waxay Soomaaliya ku ahaayeen danyar muruqmaal ah oo si ba’an ula dagaali jiray gaajada. Hadaba, haddii ay heleen fursad qaali ah taaso ah degganaansho wadan reer Galbeed ah, waxay niyeysteen inay si dhakhsa ah u lacageystaan kadibna ku noqdaan waddankoodii hooyo goortii nabadi dhacdo.
![]() |
Kadib markey isla falanqeeyeen sida ay wax u farsameyn lahaayeen, ayey isla arkeen in dheesha ay ka fududahay siday moodayeen. Ajendihii ay hindiseen ayaa wuxuu la noqday wax sahal ah. Horaa loo yiri “lacagi lacag bey dhashaa”. Haddii ay si fiican u shaqeystaan, dee Soomaaliya waxaa looga aqoonsan tijaariin ama maalqabeeno. Mid waliba habeenkii wanaag buu ku riyoodaa. Waxay riyada tustaa ayagoo dalxiisaya jasiirada Seysheles; mararka qaar waxay ku riyoodaan ayagoo kunool guryo waaweyn; marna waxay arkaan ayagoon waxba qabaneyn oo loo shaqeynaayo.
Haddaba, si aynan u dabaalan riyo beenaad, ayey bilaabeen in ay ka dhabeeyaan wax qabadkooda. Waxay go’aansadeen inay kala noqdaan ‘separate’ ama labo isqaboo kala tagay ama kala nool. Duniyo waxay wargelisay xafiiska arrimaha bulshada in ninkeedii ay kala nool yihiin. Mar haddiiba ay falkaasi ku dhaqaaqday, Daadirow waa ka mamnuuc inuu soo istaago guriga ay Duniyo iyo wiilkeeda laba jirka ah ay ku noolyihiin.
Duniyo waxaa loo ogolaaday lacag caddaan ah iyo raashiin beytimaal ah oo ciida kabadan. Kiradii guriga ee ay bixin jirtayna waa laga joojiyay. Waxaa kaloo laga dhaafay korontadii, gaaskii, iyo waxyaabo kaloo badano lacagta ka xayuubin jiray. Neefta ayaa kaso booday. Waxay mashruuc qarsoodi ah lagashay haween Soomaaliyeed sifa ay
caruurtooda ugu keensadaan oo ay ugu hayso gurigeeda. Mar haddiiba dhaqaalaha loo kordhiyay Duniyo waxay goosatay in wixii ay kari sii kordhisato ama kororsato. Ogow, wax badso wax beel bay leedahay. Waxay furatay xarun dahsoon oo ilamaha lagu xannaaneeyo kaaso loo yaqaan ‘day care’.
Muddo kadib Duniyo waxay is aragtay ayadoo haysata ilaa iyo toban canug oo midkiiba lagu siiyo $750 bishiiba. Duniyo way najaxdee, tolow duni maxaa xigi doona. Ilamahani dhallaanka ah mas’uuliyad kama saara cuntadooda, dawadooda, iyo dharkooda intuba. Waa arrin utaal waalidiintooda. Caruurta waxaa loogu keena raxanraxan subax iyo galab ba.Wiilkeedi yaraa ee cidlada ahaan jiray wuxuu helay ilmo uu la cayaaro wuxuuna noqday bulshaawi.
Aw Daadirow wuxuu koray Tagsi, wuxuuna sameyn jiray lacag fooqalcaqli ah. Hurdo habar korin weyday horaa loo yiri. Maseexdo inta badan saacado yar mooyee; madamaashaado oo kuma cayaaro lacagtiisa; wuxuu soo shaqeeyana Duniyo ayuu farta ka saaraa oo ugu haysa guriga. Magaalada ay deganaayeen, waxaa lagu qiyaasay inay kunoolaayeen ilaa iyo todobo malyuun oo qof. Inkastoo ay kala yihiin ‘separate’, haddana guriga kama uusan tegin oo habeen habeen ayuu soo jiif tagaa.
![]() |
Muddo labo sanadood markey wax dhigayeen, ayey bilaabeen xisaabtan. Waxay ogaadeen lacagta ay keydsadeen in ay kor udhaaftay $100,000 oo Mareykan ah. Maadaama Soomaaliya wax xal kasoo socon, waxay ku tashadeen inay sii badiyaan dadaalkooda. Sideedaba, bani’aadmigu khilaaf kama dhammaado oo waatan labada isqaba habeen iyo dharaar is cunaya. Waxaa soo kala dhexgalay kala shaki iyo is aammin la’aan. Maalin maalmaha kamid ah ayey foodda isdareen. Daadirow ayaa u gacanqaaday Duniyo.
Duniyo waxay wacday Booliska oo isla markiiba oodda soo dhigtay baabuurro faro badan. Daadirow wuu argagaxay markuu maqlay guuxa baaburta booliska. Wuxuuu fahmay inuu gacangalay. Qaddar yar kadib booliskii ayaa soo galay gurigii. Duniyo waxay jabsatay baroorasho. Booliskii ayaa amray Daadirow inuu debedda usoo baxo si loo katiinadeeyo. Wuxuu codsaday in loo ogolaado bal inuu soo qaato boorso dhar ugu jiray. Waa laga aqbalay. Gudaha ayuu ugalay qolkii jiifka wuxuuna lasoo baxay boorso yar. Duniyo ayaa kula dhegtay boorsadii. Way isjiidjiideen oo kundagaalameen. Booliskii ayaa soo kala dhexgalay kana qaaday boorsadii. Waa ay fureen; mise waxaaba kabuuxa lacag ay layaabeen. Markiiba booliski waxaa galay shaki. Toloow lacagtani ma al-Shabaab baa loo wadaa! Mise al-qaacidda!
Isla markiiba su’aalo ayaa la weydiiyay oo ay kamid ahaayeen halkii ay ka keeneen lacagahaasi faraha badan. Waxaa loo sheegay in baadhitaan lagu samay doona arinka lacagta. Duniyo meysan fakan; ayadana waa la katiinadeeyay. Daadirow iyo Duniyo waxaa loo dhaadhiciyay xabsiga. Maalmo kadib ayaa Duniyo iyo Daadirow midba gooni loo baaray. Waxaa loo sheegay inay yihiin khaa’immiin dawladda ugeystay boob iyo dhac maadaama intaaso sannadood lasiinahayey deeq ayagoo haystay dhaqaale ku filan.
Lacagtii dawladda ayaa la wareegtay. Duniyo iyo Daadirowna waxaa loo dhaadhiciyay maxkammad. Muddo bil kadibna waxaa midkiiba lagu xukumay min labo sano oo xarig ah. Wiilkoodii yaraana waxaa loo dhiibay qoys Soomaaliyeed oo sii haaynaya ilaa ay xabsiga ka dhameysanayaan. Maadaama aysan haysan dhalashada waddanka, waxaa dhici kartaa in laga musaafuriyo waddanka gebi ahaanba. Wax badso waxay leedahay wax beel!
Adan Makina
Email: Adan.makina@gmail.com