Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Video: Mataano Somali ah oo ka tirsan ISIS oo tababar ku qaadanaya SYRIA

$
0
0

Syria (Caasimada Online) - Mataanaha Britishka ah balse asalkooda kasoo jeeda Somalia ee Zahra iyo Salma Xalane ayaa kasoo dhex muuqday muuqaal video ah iyagoo qaadanaya tababar iyo qaabka loo fuliyo toogashada.

Labadan gabdhood oo 17 jirada ah ayaa ka tegey gurigooda oo ku yaal Chorlton, Manchester, bishii June ee sanadkii hore iyagoo ku biiray ururka Daacish.

Muuqaalka Videoga iyo Sawirada ayaa waxaa ka soo muuqday afar gabdhood oo xijaaban kuwaasoo haysta qoriga AK-47, kana mid ah labada mataanaha ah oo sawirada tababarkan ku faafiyay boggooda Twitterkooda.

Gabdhahan mataanaha ah ayaa loo maleynayaa in ay guursadeen labo ka mid ah dagaalyahanada ururka ISIS ee dalka Siiriya kuwaasoo ku dhintey dagaal sida ay qortay Dailymail.

Mataanahan ayaa waxaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin guutada Booliska ee fuliya shareecada Islaamka wadooyinka magaalada Raqqa, waxaana guutadaa ka mid ah Aqsa Mohamood oo ku nooleyd magaalada Glasgow kahor inta aysan ku biirin ururka Daacish.

Waalidiinta mataanahan Ibrahim iyo Khadra Jamac ayaa u safray dalka Siiriya bishii November balse labada mataanaha ah ayaa la sheegay in ay diideen inay dib ugu laabtaan dalka Britain oo waalidkood ay kula noolaayeen,

Labadan mataanaha ah ayaa waxa ay ahaayeen arday natiijo wanaagsan ka haysta waxbarashadda waxayna qorsheynayeen in ay noqdaan dhakhaatiir. Ibrahim iyo Khadra ayaa wiilkooda 21jirka ahaa ee Axmed waxa uu ku biirey ururka Alshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>