Xukunkii al-Shabaab ee qaybo ka mida Soomaaliya ayaa in badan oo dadka kamida baday xanuun maskaxeed oo ay ka dhaxleen ciqaabaha adag ee ay kooxdu fuliso, ayuu dhakhtar dhaqameedka Sheekh Axmed Yuusuf sheegay.
Yuusuf, oo maamula xarun daawo dhaqameed oo ku taal Muqdisho kuna takhasusay xanuunka maskaxda, ayaa sheegay in 85% bukaanka la keeno xaruntiisa ay ka yimaadaan aagagga ay gacanta ku hayn jirtay al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in bukaankiisa ay ka mid yihiin hooyo wiilkeeda ku wayday dagaal kadib markii si khasab ah ay ku askareeysay al-Shabaab, waalidiin daawanayay carruurtooda oo dhagax lagu dilayo ama laga jarayo gacmaha iyo lugaha, ama qaar kale oo maskax xanuun ku dhacay kadib markii ay jirdil kala kulmeen.
Caasha Jumcaale, oo ah 48-jir shan carruur ah leh kana soo jeedda Baraawe, ayaa sheegtay in ay gabadheeda 24-jirka ah kula soo carartay Muqdisho si loo daaweeyo kadibmarkii al-Shabaab laga saaray Baraawe.
“Waxa ay maskaxda ka xanuunsatay gabadheeyda markii uu si khasab ah ku guursaday nin ka mid ah al-Shabaab kadib markii muddo hal sano ah ku handadayay in uu dili doono waalidkeeda iyo walalaheed haddii ay diiddo,” ayay tiri.
Caasha waxay sheegtay in gabadheedu ay la xanuunsan tahay isla-hadal, ayna ku guul-dareeystay in ay hesho daawo fiican inkasta oo ay geeysay xarumo caafimaad oo dhowr ah oo ku yaal Muqdisho.
“Wali waa mid muuqata dhibaatada maskax ahaan al-Shabaab ay u geeysteen carrurteena,” ayay tiri. “Waxan Alle uga barayayaa in gabadheeyda uu siiyo caafimaad buuxa. Wax kale oo aan iraahdo ma aqaan.”
Ma jiro adeegga caafimaadka dhimirka
Inkasta oo ay Soomaaliya ka jirto baahi bannaanka taal oo loo qabo adeega caafimaadka dhimirka, ayaa inta badan cudurrada madaxa waxa loo daweeyn waayaa sababo dhowr ah.
Tan koowaad, guud ahaan kaabayaasha daryeelka caafimaad ee Soomaaliya ma jiraan iyada oo caafimaadka dhimirkana ayba ka sii liitaan, iyada oo dalka oo dhan ay ka jiraan 13 xarun bukaan socod iyo isbitaal cudurrada madaxa oo ay yaallaan 390 sariirood, sida uu sheegay Atlaska Caafimaadka Dhimirka ee Ururka Caafimaadka Adduunka 2011.
Intaa waxa dheer, in icitiqaadaadka diineed iyo dhaqan ay kaalin ka qaataan daawada iyo daawo la’aanta cudurrada maskaxda.
Soomaali badan ayaa aaminsan in cudurrada maskaxda lagu daweeyn karo Quraanka oo kaliya, sida lagu sheegay qiimeeyn uu Ururka Caafimaadka Adduunka 2009-kii ku sameeyay hannaanka caafimaadka dhimirka ee Soomaaliya.
Qaar ayaa sidoo kale rumeeysan in dadka qaba cudurka dhimirka ay leeyihiin awoodo khaas ah oo uu Alle siiyay ayna tahay in la ixtiraamo, halka qaar kalena rumeeysan yihiin in dadka qaba cudurrada madaxa ay haystaan sixir ama ay shar yihiin.
Ka sokoow caqabadahaas, hannaanka caafimadka dhimirka Soomaaliya ayaa aad u liita wax taageero ahna kama helo xukuumadda ama ururrada caalimaga ah ee aan dowliga aheeyn, ayaa lagu sheegay warbixinta.
Inkasta oo uu jiro xoogaa horumar ah oo laga sameeyay daryeelka dadka ka buka madaxa sannadihii la soo dhaafay, haddana waxa loo baahan yahaay adeeg dheeri ah, ayay leeyihiiin dhakhaatiirtu.
Dhakhtar Cabdiraxmaan Cali Cawaale, agaasimaha Mu’asasadda Caafimaadka Dhimirka Xabeeb ee Muqdisho, ayaa sheegay in tan iyo markii uu furay xarunta 2005-tii, ay mu’asasaddiisu daaweeysay 20,000 oo qof oo la xanuunsan cudurrada ku dhaca madaxa.
Xiligan, ayaa 280 bukaan waxa lagu daweeyaa toddobada xarumood ee mu’asasadda ee ku kala yaalla Muqdisho, Beledweyne, Gaalkacyo, Baydhaba, Kismaayo, Marka iyo Jowhar, ayuu sheegay Xabeeb, oo intaa raaciyay in inta badan bukaankaa ay ka yimaadeen gobollada dhawaan laga xoreeyay al-Shabaab.
“Xanuunka maskaxda waxa keena dhacdooyinka xanuunka badan ee malin walba qofka uu la kulmo, sida in qof hortaada lagu dilo adiga oo lagu handaday,” ayuu yiri. “Taasi waxay murugo iyo cabsi gilinaysa qofkii, wuxuuna xasuusanayaa mar walba wixii ku dhacay iyo wixi uu soo arkay.”
Xabeeb waxa uu sheegay in mu’asasaddiisu ayan wax taageero ah ka helin xukuumadda oo uu lacagta lagu maal-galiyo ka soo saaro khidmaadka jaban ee laga qaado bukaanka taasoo lagu saleeyo waxa ay bixin karaan. Xarun kasta waxa ka shaqeeya hal dhakhtar iyo dhowr kalkaaliye caafimaad, ayuu sheegay, isaga oo intaa raaciyay in loo baahan yahay shaqaale caafimaad oo tababaran oo dheeri ah si ay daryeel caafimaad oo waafi ah u siiyaan kuwa u baahan.
“Ra’iisal Wasarayashii xukumadihii ugu dambeeyay ee Somaliya soo maray waan la wada socodsiinay in loo baahan yahay kaalmo ballaaran in dowladda ay u fidiso dadka maskaxda ka xanuunsanaya,” ayuu yiri, isaga oo ugu baaqay xukuumadda in ay xil iska saarto dhismaha iyo maal-galinta xarumaha caafimaad ee takhasuska u leh xanuunka maskaxda.
Xabeed ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u naxariistaan dadka maskaxda ka xanuunsan ee laga yaabo in ay dambiyo galaan.
“Mararka qaar waxa suuragasha in qof maskaxda ka xanuunsan marka qof dhawac uu u geysto isagana mid la mid ah qofkii cafimadka qabay uu uga aarguto,” ayuu yiri. “Inta badan taasi way dhacdaa, oo dadka maskaxda ka xanuunsan inta badan waxa naloo keenaa iyaga oo qaba dhaawacyo culculus oo jirkooda ka muuqda.”
Isha: Sabahi Online