Muqdisho (Caasimada Online) - Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa lagu wadaa inuu ugu dambeyn ku dhawaaqo Gole Wasiiro oo ay ka soo dhexmuuqdaan afartii Wasiir ee horey Kutlooyinka Baarlamaanka u dalbadeen inuu Xukumadiisa ka saaro.
Ra’isul wasaare Cumar ayaa damcay inuu tirada golaha Wasiiradda gaarsiiyo ilaa sodon halka uu horey uga dhigay labaatan iyo shan, hase yeeshee taasi waxaa diiday shaqsiyaadkii xilalka loo qorsheeyay sida Goodax Barre, Fawziya Xaaji Adam iyo Cabdullahi Kobaweyne oo ku adkeeystay in afartaa Wasiir laga saaro Xukumadda.
“Waxaan u dagaalameyno maaha in Wasiiro nala siiyo, wuxuu go’aankeenu yahay in afarta Wasiir meesha laga saaro, in la soo dhiso Xukumad wadaaga oo dalkeena badbaadiso hadii taasi la diidana waxaa noo ballana ceelka” ayuu yiri Gudoomiyaha Kutladda Toosinta Taladda Qaranka Xildhibaan Cabdullahi Kobaweyne.
“Labada Kutlo waa midoobeeysa, anaga hadafkeena maaha laaluush inaan qaadano iyo inaan xilal Wasiiro helno laakiin waa inaan talada dalka ka saarno gacanta kooxda yar ee Damujadiid”ayuu yiri Gudoomiyaha Kutlada Badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed Xildhibaan Cabdi Dhuxulow Dhegdheer.
Ra’isul wasaaraha oo doonayay inuu qaldo xubnaha Baarlamaanka wuxuu Wasiirka Lacagta ku qoray Cabdullahi Sanbaloolshe isagoo Waxbarashada geeyay Faarax Cabduqadir laakiin waxaa qorshahaas ku diiday Madaxweyne Xasan iyo Wasiir Faarax Cabduqadir oo talada Villa Somalia ka maamula daaha gadaashiisa.
Cabdikariim Guuleed ayaa loo dhaafay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federalka halka Xuseen Cabdi Xalane diiday in Wasaaradda Maaliyadda laga dhex jaro Wasaaradda lacagta.
Ra’isul wasaare CCC ayaa tirada golaha Wasiiradda ku soo celiyay 25-kii uu damacsanaa inuu 30 xubnood kaga guuro balse dadka arkay liiska waxeey sheegayaan inuu Wasaarado kooban kala wareejin ama isku shaandheeyn ku sameeyay halka Damujadiid loo sii kordhiyay kuraastii Wasiiro ku xigeenada iyo Wasiiru Dowlayaasha.
Kooxda Damujadiid ayaa aaminsan in Cumar Cabdirashiid fuliyay dhagartii ay u dhiibeen ee suta dheereeysiga laakiin sida muuqato Xubnahii Baarlamaanka ee Damujadiid rabtay iney kala furfurto hadeey sii xoogeeysteen, waxaana loo badinayaa in Golaha Wasiiradda cusub iyo Ra’isulwasaarahaba la ridi doono.
Gudoomiyeyaasha Kutlooyinka diidan damaca Damujadiid waxay sheegeen in qiyaanada uu sameeyay Cumar Cabdirashiid ku waayi doono xilkiisa taas oo ay kala jeedaan inay xil ka qaadis ku sameeyn doonaan.
Xildhibaanada Baarlamaanka oo horey loogu yaqiin iney habeenkii u guureeyaan laaluush jaceyl waxeey hada isu bedeleen kuwa telefoonada ka xirta Damujadiid taas oo shaki badan ku abuurtay Villa Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, Waxaa lagu wadaa inay todobaadkaan midoobaan Kutlooyinka Toosinta taladda Qaranka iyo tan Badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com