Xildhibaannimadu waxay ka dhigantahay metelaad buuxda oo uu Mudanaha xilkaas hayaa Bulshada uu magacooda kursiga ku fadhiyo ku matalayo Masraxyada Siyaasadeed ee go’aannada xasaasiga ah oo Bulshooyinka saameynaya lagu gaaro.
Si gaar ah Xildhibaannada Soomaalida oo lagusoo doorto magac Beeleed waxaa dusha ka saaran mas’uuliyad ka culus oo ah inay si dhaw ula socdaan wax kasta oo saameyn ku leh Beeshooda, isla markaana ay u xusul duubaan sidii Beesha looga ilaalin lahaa dhibaato kasta oo Deegaanadeeda iyo dadkeedaba soo food saara.
Innagoo taas ka duuleyna ayaa waxaan qoraalkan kooban kusoo gudbineynaa xaqiiqooyin dhab ah oo ku saabsan hab dhaqanka ay leeyihiin Xildhibaanada Beesha Mudullood ee ku jira Baarlamanka Soomaaliya, kuwaas oo la hubsaday inay aad uga duwanyihiin Xildhibaanada qayrkooda ah ee Beelaha kale kaga jira Baarlamanka.
Xildhibaannada Beelaha kale qaarkood waxaa lagu bartay olole aan kala joogsi lahayn oo ay u galaan Danaha Beeshooda, iyo xitaa mararka qaar iyagoo cod dheer ugu qayliya dalab ama diidmo ay hordhigayaan go’aannada Baarlamanka iyo kuwa dowladda ee si un ay uga dhex arkaan wax Beeshooda aan raali galineyn.
Taas badalkeeda, Mudullood oo degta Deegaanada ay dhibaatada ugu badan iyo baahida ugu badan ee Soomaaliya taala ka jirto, marka la eego Shabaabka cadaadiska iyo caburinta badan oo markii dhulka kalelagasoo xoreeyay wali ku dambeeya dhulka Mudulood, ayaa waxay Xildhibaanadeedu noqdeen kuwo aanba u war heyn dhibaatadaas dadka Beesha ku abtirsada heysta ee sababay inay Noloshoodu ciriir gasho, Gaajo iyo xanuunno aan Isbitaallo lagu daweeyo deegaanada lagu heyninna ay daashadeen.
Waxaa la gudbooneyd Xildhibaanadan inay xil iska saaraan sidii Dowladda loogu dhiirigalin lahaa xoreynta Dhulka ay Shabaabku ka taliyaan ee ay dadka Mudullood deganyihiin, marba haddii heeryadii Shabaabka ee caburinta iyo nolol xumada lahayd oo deegaanada kale lagasoo qaaday ay wali ku dambeyso dhulka Beesha.
Xildhibaanada Mudullood waxaa la ogaaday inay waqtigooda ku bixiyaan u xusul duubka iyo raadinta Dano Dhaqaale iyo kuwo Ganacsi oo iyaga u gaar ah. Waxaana halkaas ka caddaatay in Mudanayaashii Beeshan matalayay ay u bateen Ganacsato Macaash doon ah.
Markii horaba waxaa Baarlamanka hadda jira ee Sanadkii 2012-ka la dhisay kasoo galay Beesha Mudullood rag aan Siyaasadda horay kaalin ugu lahaan jirin oo Ganacsato u badnaa, kuwaas oo halkooda kasii watay Caqligii Ganacsiga ee ilowsanaa baahida danyarta, iyadoo waliba ay markan dusha u riteen matalidda danyarta.
Arrintan haddii ay sii socoto waxay keeni kartaa inay Beeshu seegto fursado badan oo ay iyadu ka heli kartay dowladda, si la mid ah sida ay Beelaha la midka ah fursadaha u helaan iyagoo kaashanaya Xildhibaanadooda u heelan la shaqaynta Beelaha ay matalaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com