Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Dhimmashada Godane iyo waxa aadan ogeyn ee AL-SHABAAB ay wajaheyso

$
0
0

Xaqiijinta ah in hogaamiyihii al-Shabaab Axmed Cabdi Godane lagu dilay weerar uu Maraykanku qadaay usbuucii hore ayaa keentay in hoggaamiyayaasha diinta, falaqeeyayaasha iyo u kuur-galayaashu ay isku racaan in kooxdan malayka adag ay ugu danbayntii burburi doonto dagaalka ay Soomaaliya ka wadana istaagi doono.

Dawlada Maraykanka ayaa xaqiijisay Jimcihii(September 5-teedii) in Godane oo sidoo kale loo yaqanaay, Mukhtar Abu al-Zubayr, lagu dilay weerar dhinaca cirka ah oo ka dhacay gobalka Shabeellaha Hoose 1-dii September.

Iyada oo qiratay dhimashadiisa, ayay al-Shabaab magacawday Axmed Cumar, oo loo yaqaano Abu Cubeeyda in uu yahay hogaamiyaheeda cusub, sida uu sheegay afhayeenka kooxdan xagjirka ah Cali Maxamuud Raage oo farriin cod ah ku soo bandhigay wabsete-yada raacsan al-Shabaab, Sabtidii (September 6-deedii).

“Hoggaanku waxa kale oo uu mubaayacada u cusbooneeysiinayaa mujaahidiinta al-Qaacidda” ayuu ku daray.

Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay in ay sii wadi doonto dagaalkeeda Soomaaliya iyo jihaadka ay ka waddo aduunka dacalladiisa.

“Jihaadka uma turaanturoon doono dilka Abu Zubey. Taa baddalkeeda waa uu kusii bulaali doonaa. Diinteennu ma ahan fikrad uu qof lahaa oo marka uu geeriyoodo meesha ka baxaya,” ayuu yidhi Raage. ““Waxaa jira kumanaan mujaahidiin ah oo uu tababaray Abu Zubeyr, waxaad ogaataan in aan nahay dad aargoosta, dhowaa oo dheeraana waad arki doontaan cawaaqibta falka aad ku kacdeen.”

Godane “kaligii taliyihii’

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka Majmaca Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamaya in dilka Godane uu soo gaba gabeyn doono muddo gaaban mushkiladda ay al-Shabaab iyo al-Qaacidda ka wadeen Soomaaliya.

“Godane wuxuu ahaa kaligii taliye, nidaamka kali-taliska ahna xukunkiisu malahan jaranjaro. Dhammaan hay’adaha al-Shabaab isaga ayaa gacanta ku hayay,” ayuu Gurxan yiri. “Marka, haddii hoggaamiyaha noocaas ah la waayo, nidaamkaas masii jirayo. Sida aan u arko, dhimashada Godane ka dib, al-Shabaab khasaare weyn ayaa ku dhici doona.”

Amniyaatka oo ka mid ah laamaha kooxda oo ka kooban kuwa aad ugu heellan kooxdan, ayaa si joogta ah dadka u dili jirtay iyada oo amar toos ah ka qaadanaysa Godane, ayuu yidhi. Kooxdan sida khaaska ah u tababaran ayay ahayd, kuwii iyaga oo Godane ka amar-qaadanaya laahay, in badan oo ka mida hoggaamiyayaashii macquulka ahaa ee isaga baddali lahaa, sida Ibrahim al-Afghani iyo Macalin Burhan, arintaas oo ku khasabtay ragga ay ka mid yihin Mukhtar Cali RoobowiyoXassan Dahir Aweys in ay cararaan oo ay isu dhiibana dawlada Soomaaliya.

In kasta oo aan wax badan laga aqoonin hogaamiyaha cusub ee la magacaabay, ayaa hadana Gurxan uu sheegay in laga yaabo in uusan lahayn dadnimada iyo xirfadaha uu si wananagsan al-Shabaab ugu hogaamin lahaa.

“waxa la hubaa in aannu awood u yeelan doonin in uu ururka isku hayo sidii Godane oo kale,” ayuu yidhi. “Midda kale, waxaa macquul ah in qaar badan oo ururka ka tirsan aanay raali ka aheyn hoggaamiyaha cusub, taa oo keeni karta in kooxo kale ay kasoo dhex baxaan al-Shabaab.”

Al-Shabaab way “kala daadani doontaa’

Dahir Sheikh Cabdiraxmaan, oo ah Agaasimaha Xarunta wadahadalka iyo Dhexdhexaadnimada ayaa inkastoo aannu aqoonba u leheeyn hoggaamiyaha cusub haddana waxa uu qaba in hoggaamiyaha cusub ee al-Shabaab aannu marnaba buuxin Karin booskii Godane.

“Magaranayo sababaha lagu doortay hoggaamiyaha cusub. Waxaa la ii sheegay in Godane uu gacan yare u ahaa, laakiin marnaba malahaan doono aqoontii, fikirki iyo hoggaaminti Godane,” ayuu yiri. “Xitaa ma u malaynayo in uu u mayal adagyahay [fikradihiisa] sidi Godane oo kale.”

“Godane wuxuu ahaa hogaamiye adag oo dadka ku soo jiita gabayada ama wacdi, waxna dadka ku qancin kara. Kaalintiisii cid buuxin karta malaha,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

“Waxay u badantahay in al-Shabaab ay kala daataan. Dad badan oo waxaa jira isaga soo tagi lahaa laakiin ka baqayay in Godane uu dilo,” ayuu ku daray. “Al-Shabaab waxa ay koobanyihiin dhalinyaro caqliga laga xaday, mooriyaantii [hore] ee Soomaaliya iyo dad nolosha ka dhacay oo iyaga maciin biday kooxdan al-Shabaab.”

Markii laga soo tago in kooxdan ay hogaamiye diineed ku waayeen dhimashadii Godane, ayay haddana kooxdani waxay waayeen hogaamiye milatari oo aad loo ixtiraamo, ayuu sheegay Cabdiraxmaan.

“Marka ciidan hoggaamiyahooda la dilo, way adagtahay in moraalkooda uu sii dhisnaado. Tiiyoo ay sii dheertahay in ciidankooda ay marki horeba dhibaato ku jireen oo jab xooggan uu ku socday sannadihii lasoo dhaafay,” ayuu sheegay. “Waxaa intaa dheer in furayaasha [hawlgalada] al-Shabaab dhan uu Godane hayay oo majirto cid kale oo og sir badan oo Godane uu ogaa. Marka, isku soo duuboo, Shabaab burbur xooggan baa gaaray.”

Dhimashada Godane waxay timid hal usbuuc kadib markii ciidamada Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo dawladda Soomaaliya ay bilaabnee Hawlgalka Badweynta Hindiya, oo ah hawlgal weyn oo loola danleeyahay in dekado muhiim ah lagaga qabsado al-Shabaab iyo in la jaro mid ka mid ah ilahooda dakhli ee ugu muhiimsan –taasoo ah dhoofinka dhuxusha ee malaayiinta ka soo gasho. Ilaa iyo markii hawlgalku bilawday, ayaa ciidamada huwantu ay meelo badan ka riixeen kooxda al-Shabaab.

Liibaan Cabdi Cali, oo ah saxafi ka howlgala talifishinka al-Xurah, oo saldhiggiisu yahay dalka Mareykanka, horeyna uga shaqeyn jiray raadiyaha dowladda, Radio Muqdisho, ayaa sheegay in tayada al-Shabaab ay mustaqblaka fog soo guri doonto.

“Horta qiyaastii muddada sannadka ah ee nagusoo aaddan lama filaayo in al-Shabaab dhan la waayo. Waxa aan qiyaasayo waxaa waaye al-Shabaab oo niyad jab uu ku dhaco, oo howlgalladooda ay hoos u dhacaan; al-Shabaab oo kala qeybsanta, iyo qaar kamid ah madaxda al-Shabaab oo dowladda isku dhiiba; iyo sidoo kale maleeshiyaadka oo hubka iska dhiga oo dadka ay iska dhex gala,” ayuu yiri. “Laakiin maalmaha dhow waxaa shabaab laga filan karaa qaraxyo xooggan iyo weerarro ay ka gaystaan Soomaaliya iyo [dalal kale], weeraradaas oo ay ugu magac dari doonaan in ay ugu aar gudayaan hoggaamiyahoodii la dilay.”

““Balse muhiimaddu waxa ay tahay in al-Shabaab ay cagta saareen waddada burburka ee mustaqbalka. Tusaale, waad fahmi kartaa wixi ku dhacay al-Qaacidada ciraaq markii la dilay al-Zarqaawi. Sidoo kale, al-Qaacidda awooddeedi aad bay u yaraatay markii la dilay [Usma] Ben Laden. Marka, sidaas oo kale ayay al-Shabaabna noqon doontaa qiyaastii sannad kadib,” ayuu yiri Cali.

Kornayl Shariif Xuseen Rooboow, oo ah sarkaal dhinaca sirdoonka ka shaqayn jiray xiligii SIyaad Barre, ayaa ka digay in la yaraysto khatarta al-Shabaab.

“Hoggaamiyaha cusub waxaa laga yaabaa in uu isku keeno dhammaan dhinacyada is khilaafsan ee ururka, sida in lasoo celiyo hoggaamiyayaasha carada ku maqan sida Mukhtaar Roobow, oo ay heshiiyaan maaddaama Godane oo khilaafka udub dhexaad u ahaa uu meesha ka baxay,” ayuu Roobow sheegay. “Taasi waxa ay marka keeni kartaa in al-Shabaab ay dib isku soo abaabulaan oo ay soo qaadaan dagaallo rogaal celis ah si ay usoo celiyaan awoodooda sii wiiqmaysa.”

Xaalad fursadeed

Cabdiraxmaan oo ah gudoomiyaha Xarunta Dhaxdhaaxnimada iyo Wadahadalka, ayaa rumaysan in dawladda Soomaaliya laga yaabo in ay fursaddan ka faa’iidaysato ayna wada hadal la gasho al-Shabaab.

“Horta sida ay aniga ila tahay majiro hoggaamiye hadda nool oo fikirka al-Qaacidda u aaminsan sida uu Godane u aaminsanaa. Marka, waxaa laga yaabaa [hogaamiyayaasha hadhay ee al-Shabaab] in ay dowladda la heshiiyaan oo ay isaga haraan dagaalka ay wadaan,” ayuu yiri. “Sidoo kale dowladda waxaa laga rabaa in fursadaas ay ka faa’idaysato.”

“Hoggaamiyaha cusub waxa looga faa’idaysan karaa in wadahadal lala galo. Taa waxaa lagu gaari karaa in marka hore cafis loo fidiyo kadibna lala heshiiyo si al-Shabaab ay hubka isaga dhigaan,” ayuu cabdiraxmaan ku daray.

Cabdi Caynte, agaasimaha uruka saldhiggiisu yahay Muqdisho ee Machadka Hiritage ee Daraasadda Siyaasadda ayaa dhankiisana taageersan in dowladda ay fursadan kaga faa’idaysato kusoo darista al-Shabaab ee geeddi socodka nabadda Soomaaliya.

“Waxaa habboon in dib-u-heshiisiin lala galo kuwa ay himiladooda ku egtahay Soomaaliya oo kaliya, ee aan jihaad caalami ah ku jirin,” ayuu yiri

Gurxan, Goddoomiye Kuxigeenka Majmaca Culimada Soomaaliyeed, ayaa aaminsan in hoggaamiyaha cusub ee al-Shabaab aannu awoodba u leheen in uu wadahadal la galo dowladda.

“Waxa ay u badantahay in uu yahay nin iska maqaar saar ah, oo aan awood u leheeyn in uu sameeyo waxa uu doono sida in uu wadahadal galo,” ayuu yiri. “Waxaa jira Amniyaatka al-Shabaab oo si xooggan u aaminsan fikirka al-Shabaab. Sidaas darteed, marka haddii uu dowladda wadahadal la galo waxaa laga yaabaa in ay dilaan [amniyaatka].”

Isha: Sabahi Online


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Latest Images

Trending Articles



Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>