Baghdad (Caasimada Online) - Ururka ISIS ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Siiriya ayaa soo bandhigay Cajilad Muuqaal ah oo loogu tala galay Bisha Soonfur taasi oo loola jeedo dacaayad loo sameeynayo Ururka.
Cajiladaan ayaa waxaa ka hadlay Xuseen Faysal Cali Waraabe oo uu dhalay Siyaasiga hogaamiya Ururka UCID ee Somaliland, isagoo ku biiray ururkaasi ISIS hadana ka dagaalama dalka Ciraaq.
Xuseen ayaa wuxuu kusoo koray dalka Filand, wuxuuna deganaa Magaaladda Koonfurta dalkaasi ku taala ee Espoo.
Tobaneeyo sano kahor ayaa Xuseen wuxuu kusoo laabtay Somaliland, kadib markii Aabihii uu ku biiray Siyaasadda Somaliland uuna noqday Hogaamiyaha Ururka UCID.
Horay wuxuu u doonayay Xuseen Faysal inuu ku biiro dagaal yahanadda Alshabaab ee Koonfurta Soomaaliya, Isaga iyo Gabar uu guursaday oo baxsad u ahaa si ay ugu biiraan Alshabaab ayaa waxaa lagu qabtay Magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool labo jeer oo is xiga sanadihii 2011 iyo 2012.
Xuseen Faysal Cali Waraabe oo la baxay magaca (Abuu Shucayb) ayaa goor sii horeeysay wuxuu galay dalka Siiriya dabadeedna wuxuu uga sii gudbay Dalka Ciraaq oo uu imika ku sugan yahay wuxuu cajiladda muqaalka ah ku sheegay inuu dalkaas u tagay ka qayb qaadashada dagaalka Jihaadka oo ay ku jiraan ISIS.
Afka looga hadlo dalka Filand ee Finishka isaga oo ku hadlaya wuxuu sheegay in Raaciyadda Islaamka ay gayn doonaan dalka dhalashadiisa uu haysto ee Filand.
Aabihii wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta ugu caansan Maamulka goonida isu taagay ee Somaliland.
Ururka ISIS ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Siiriya waxaa ku biiray dhalin yarro badan oo soomaali ah, horaantii bishii Juun ee sanadkaan waxaa isna muuqaal ka hadlay Faarax Maxamed Faarax Shirdoon oo uu adeer u yahay Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, isagoo sheegay inuu kamid yahay Ururkaasi uuna doonayo in dagaalka ay gaarsiiyaan dalalka Canada oo uu deganaa.
Illaa in ka badan 50 dhalin yaro Soomaali ah oo ka tagay dalalka Mareykanka, Iskaandaneefiyaanka iyo Canada ayaa si rasmi ah uga biiray ISIS kuwaasi oo qayb ka ah dagaalka hadda socda.
Hoos ka daawo muuqaalka wiilka Feysal Cali Waraabe
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com