Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah Kornel ka tirsanaa Ciiddankii XDS, ahna Hoggaamiyihii Urur-diimeedka hubeysan ee Xisbul-islaam ayaa ka shanqariyey Aragtidiisa ku aadan Xaalladdaha haatan lagu sugan yahay iyo Mowqifyadiisa ku aadan yihiin Siyaasdda
Cod Maqal ah oo uu Sheekh Xasan Daahir Aweys ka soo diray Hoyga uu ku xabisan yahay ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey qoddobo muhiim oo uu kaga hadlay Arrimaha Siyaasadda, Amniga, Dhaqanka Islaamiga, Munaasabadaha Qaranka iyo Nidaamka ay Madaxda Dowlad-gobaleedyadda ugu hirtaan, ugana soot ala-qaataan Dowladda Federalka Ethiopia.
Hadalkiisa oo laga baahiyey Warbaahinta ayaa waxa uu Sheekh Xasan Daahir Aweys sheegay in Nidaamka is-waafijinta Dowladda iyo Diinta ahayd mid soo jireen ah, iyadoo uu xusay in Dowladdii Aadan Cadde loo gudbiyey Talooyin ku aadan in Nidaamka Dowladda lagu lammaaniyo Diinta.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sannadkii 1963-kii Muqdishu yimid, waxa uu inta badan Noloshiisa ku qaatay Nolosha Milliteriga, oo uu ka gaaray Darajadda Korneel buuxa.
Waxa uu bilowgiui sannadihii 90-aadkii ka mid ahaa Asaasayaashii Xisbigii Al-itixaad ee ka hawlgalay qeybo ka mid ah Gobalka Gedo, ka hor intaysan Milliteriga Ethiopian kala yaacanin xubnihii Al-itixaad.
Madaxdii iyo Dagaalyahannaddii Al-itixaad Islaamiyah, waxay u wareegeen qeybo ka mid ah Goballadda W/bari oo ay Maamulka Puntland maamulaan, waxayna Kornel Xasan Daahir Aweys iyo ciiddamadiisa horumar ka gaareen dagaallo ay la galeen Maleeshiyaddii Maamulkaasi.
Waxaana la sheegaa inay gacanta ku dhigeen, kadibna ay iska sii daayeen Marxuum C/llaahi Yuusuf, oo mar Madaxweyne ka ahaa Puntland, ka hor intuusan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia noqonin.
Halganka Kornel Xasan Daahir Aweys oo asaas u ah Baraarugga Islaamiga ayaa waxa uu Khudbadiisii ku sheegay in loo baahan yahay in la isku dabaqo Diinta iyo Dowladda iyo in taageero laga kasbado Shacabka oo waayadan cabsi-la-nool noqday.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo aan horey looga baranin inuu afka ku ballaariyo Eedeymo iyo naqdin uu u jeediyo Xarakadda Alshabaab ayaa waxa uu tilmaamay inay Xarakadda Alshabaab yihiin kuwo aan oggolayn in wax laga sheego, isla markaana ay sababeen inay Alshabaab dagaalka ay kula jiraan Ciiddamadda shisheeyaha ee dalka haysta ku dareen inay dilaan Culumadda, Aqoonyahanadda, Ganacsatadda iyo Birri-ma-geydada kale.
Xasan Daahir waxa kaloo uu si kulul u weeraray Maamulladda ka jira Somalia, oo uu tilmaamay inay yihiin kuwo ka talo-qaata Dowladda Ethiopia.
Waxa uu xusay in Madaxweynayaasha Puntland, Somaliland, Jubbaland iyo Muqdisho inay dhamaantooda talada ka qaataan Dowladda Ethiopia, waa sida uu hadalka u yiri.
Xasan Daahir oo cajalladda codka uu soo diray socotay muddo 40-daqiiqo waxa kaloo uu ka hadlay Munaasabadda SYL ee 15-ka May, wuxuuna ammaanay Halgankii Dhallinyarradii SYL u soo galeen Gobanimadda Somalia.
Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay Munaasabadda Maalinta Xornimadda iyo Israacii Somalia ee Kowda Luulyo oo foodda nagu soo hayso, wuxuuna tilmaamay inaanu dabaaldeg dhici Karin, maadaama dalka ay Shisheeye haystaan oo aysan jirin xornimo.
Markaynu isku soo duubno, hadalka Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa laga dareemayaa inuusan jaal la ahayn Dowladda iyo Alshabaab oo uu horey naftiisa kala soo baxsaday.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com