Maxamed Cabdi Afey oo u hiiliyey Walaalkii Axmad Madoobe iyo R/W Cabdiweli oo dhabar jebiyey Col Barre!!
Labadaan hogaamiye waxaa ay kamid yihiin hogaamiyayaasha Soomaaliya aadka looga yaqaano, ha fiicnaadeen amaba ha xumaadaane, labo hogaamiye oo saameyn leh.
Axmed Madoobe, Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Juba
Axmed Madoobe waa Soomaali ku dhashay Baadiyaha Qabridahare, Siyaasadda wuxuu kasoo galay auruka Mayalka adag ee Kaanbooniyiinta ee uu hogaamin jiray Sheekh Xasan Turki. Madoobe walaashii waxaa qaba Hogaamiyaha xanuunsan Sh Xasan Turki oo la sheego inuu xabsi guri ugu jiro kooxda Shabaabka oo uu soo barbaariyey. Sh Xasan Turki ayaa ka dhigay Axmed Madoobe Gudoomiyahii Maxaakiimta Islaamiga ee mar ka talin jirtay Jubooyinka. Maamulkii Axmed Madoobe waxaa ka saaray Jubooyinka Ciidamadii Itoobiya oo 2006-dii gobolada dalka ka saaray Maxkamadihii Islaamiga. Dagaalo faraha looga gubtay oo ka dhacay agagaaraha Raaskaanbooni ayuu ku dhaawacmay Axmed Madoobe, iyadoo ay gacanta ku dhigeen ciidamadii Itoobiya oo howdka uga dabagalay maxkamadihii Islaamka. Axmed Madoobe oo dhaawac ah waxaa la geeyey oo lagu soo daaweeyay dalka Itoobiya. Axmed Madoobe waxaa xabsiga laga soo daayey xiligii shirkii loo qabtay xukuumada Nuur Cade iyo qeyb kamid ah Maxkamadaha Islaamka oo uu hogaaminayey Sheekh Shariif.
Axmed madoobe markii la soo daayey kadib wuxuu dib u abaabulay Ciidanka Jabhadda Kaanbooniyiinta, isaga oo gacan ka helay Dawladda Kenya. Axmed Madoobe ayaa Maamul uga dhawaaqay Magaalada Kismaayo, Maamulkaas oo isaga Madaxweyne looga dhigay, Maamulkaa oo la sheegay inay hoos tagayaan Gobolada Jubada hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo. Xiliga Maamulkaa lagu dhawaaqayey dawladda Soomaaliya wey diidaneyd shirkaa lagu qabtay Kismaayo, Kooxda Kaanbooniyiinta oo maamulka dhistay ayaa markaa gacanta ku wada heynin gobolka Jubada Hoose, Gobolka Jubadda Dhexe gebi ahaan waxaa heystay Kooxda Shabaab oo ilaa haatan ka talisa, Gobolka Gedo degmooyin waxaa xiligaa heystay Dawlada Soomaaliya halka degmooyin kamid ah gedo uu ilaa haatan heysato kooxda Shabaab.
Xiliga Maamulka lagu sheegay Jubaland lagu dhawaaqayey Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa lagu ansixinayey Sharciga Maamul u sameynta Gobolada iyo Maamulada federaalka Soomaaliya, Sharcigaa oo qeexayey qaabka loo dhisayo Maamulada Soomaaliya oo aheyd in meelaha laga xoreeyo Shabaabka in dawladda Soomaaliya u magacaawdo Maamul KMG ah oo shaqeeya 6 bilood, Maamulkaa oo shacabka gacan ku siiya in Maamulo heer degmo samaystaan, Degmooyinkana samaystaan Maamulka Gobolka, Markaa kadibna Goboladii Midoobaya oo Noqonaya Maamul kamid ah Federaalka Soomaaliya, Midoobaan iyaga oo xor ah oo leh Maamulo shacabka deegaanku soo dhisteen.
Maamulka haatan Dawladu kusoo aqoonsatay Itoobiya oo Heshiiska kula soo gashay in Maamulkaan ahado KMG oo Jira 2 sano, waxaa soo Saxiixay aqoonsigiisa Wasiirka Dastuurka Faarax Cabdulqaadir , Wasiirkaa oo la sheegay inuu sharcigii Baarlamaanku ansixiyey Baal Maray isaga oo aqoonsiga Maamulkaa ku bedeshay in Madaxweyne Ku Xigeen Maamulkaa looga dhigo Nin Wasiirka ku qabiil ah oo lagu Magacaabo Faarax Cabdulqaadir. Maamulkaa Dawladdu aqoonsatay oo ku dhismay qaab baal marsan sharcigii Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey ayaan Baarlamaanka Soomaaliya ka hadlin inuu sharci aheyn, Heshiiskaa lama horkeenin Baarlamaanka, sidoo kale Xibnaha Baarlamaanka oo inta badan diidan Maamulkaa kama keenin Mooshin sheegaysa inuusan Sharci ahayn Maamulkaa! Sababta lama yaqaano?
Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale)
Col Barre Hiiraale waxaa la sheegaa inuu ku dhashay Gobollada dhexe ee Soomaaliya, Col Barre wuxuu kamid ahaa saraakiishii ciidanka Milateriga Soomaaliya oo dhinaca milateriga aadka u dhisnaa. Col Barre Hiiraale wuxuu kamid yahay saraakiisha aan dalka ka bixin sidii Dawladii Soomaaliya ee uu hogaamin Jiray AUN Mohamed Siyad Barre ay rideen hogaamiyayaashii Jabhadaha Dalka.
Col Barre Hiiraale waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa Gudoomiyihii Isbahaysigii Dooxada Juba, isbahaysigaa oo Jubooyinka Maamulayey mudo lagu sheegay ilaa 7 sano, Gobolada Jubooyinka waxaa Isbahaysigii Dooxada Juba dagaalo adag kula galay Ciidamo uu hogaaminayay Gen Morgan, Dagaaladaas oo looga awood roonaaday Gen Morgan iyo Jabhadii SPM-ta ee uu Hogaamin jiray.
Col Barre Waxaa Jubada Hoose iyo Magaalada Kismaayo ka saaray Maliishiyaadkii Maxkamadaha Islaamiga, Maliishiyaadkaa islaamiga waxaa qeyb weyn ka ahaa Jabhadda Kaanbooniyiinta ee Axmed Madoobe iyo Xasan Turki hogaaminayeen. Col Barre Hiiraale ayaa dagaal culus oo maalmo ka socday Kismaayo loogu awood sheegtay loogana saaray gobolada Jubooyinka.
Col Barre Hiiraale oo ah Hogaamiye Milateri qibrad Badan u leh xaga Jabhadaynta ayaa dib ugu soo noqday Kismaayo kadib Markii Maliishiyaadka Shabaabka laga saaray Magaalada Kismaayo oo Maamulka Kismaayo la wareegeen ciidamada Kenya iyo Ciidamada Jabhada Kaanbooniyiinya uu hogaamiyo Axmed Madoobe. Col Barre oo ay la socdaan ciidamo isaga taageersan ayaa Kismaayo dib ugu soo laabtay xili Kismaayo Axmed Madoobe uu ka qaban qaabinayay shir uu ku doonayay in Maamul ugu sameeyo 3 gobol, inkastoo 3da gobol aysan gacanta ku jirin.
Col Barre Hiiraale oo markii Axmed Madoobe isku caleema saaray madaxweynaha Jubaland ayaa isna shir qabtay oo ku dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha Jubaland, Magacaabisyadaa aan sharciga Baarlamaanka wada waafaqsanayn kadib waxaa dagaalo culus dhex mareen Maliishiyaadka Axmed Madoobe iyo Maliishiyaadka Col Barre Hiiraale, Dagaalo kulul oo Maalmo ku dhex maray ciidamada labada hogaamiye ayaa la sheegayaa in Ciidamada Kenya oo gacansaar dhow la leh Kooxda Kaanbooniyiinta inay farageliyeen oo dagaalka ka qeyb qaateen iyaga oo duqeyn culus u geystay goobihii ay ku sugnaayeen Ciidamada taageersanaa Col Barre Hiiraale. Duqeyn Culus kadib oo loo geystay Ciidamada Col Barre iyo taageerayaashiisa ayaa kooxda Col barre Hiiraale laga saaray Magaalada Kismaayo. Col Barre iyo Ciidamo xoog leh uu hogaaminayo ayaa hadda ku sugan meel aan ka dheereyn Kismaayo oo lagu magacaabo Goobweyn. Col Barre Hiiraale ayaa helay taageero weyn kadib Markii Kismaayo oo haatan gacanta ku hayaan Kaanbooniyiinta ka bilaabatay xasuuq lagu haayo Beelaha Mareexaan iyo Beelaha kale ee reer Kismaayo, xasuuqaas oo aan la ogeyn cida fulinaysa inay tahay Shabaab iyo inay tahay Kaanbooniyiinta, Xasuuqa Kismaayo ka socda ayaan cidna ka nabad gelin sida Kooxda Kaanbooniyiinta oo masuuliyiin badan looga dilay Kismaayo.
Labada nin Maxay ku kala duwan yihiin.
Axmed Madoobe ayaa ah hogaamiye isbedbedel badan, mar wuxuu kamid ahaa Kooxdii Maxkamadaha, Mar wuxuu gudoomiye ku xigeen ka noqday Shabaab, Haatan wuxuu madax u yahay Kooxda Kaanbooniyiinta iyo Maamulka KMG ah ee Juba ee Kismaayo ka taliya, Axmed Madoobe waa nin xukun jecel, aan wadani ahayn, qabiili ah, Dawladda Soomaaliya iyo Dawladaha deriska aaminsan Dawladaha deriska. Axmed Madoobe wuxuu taageero weyn ka helay Wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey oo ay qaraabo yihiin.
Col Barre Hiiraale Waa sarkaal Ciidan, mayal adag, wadani ah, Dawladaha deriska jecleyn, Hogaamiye Jabhadaynta ku dheereeya, Colanel Soomaalinimadu ku weyn tahay, balse kasoo jeeda dal dadkiisu wadaniyadu ku yar tahay. Col Barre Hiiraale waxaa qaraabo dhow la ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh (Xiirane). Raisul wasaaraha wuxuu Kismaayo u tagay in Ciidamada la jooga Col Barre hubka laga dhigo laguna wareejiyo Axmed madoobe, Col Barre Hiiraale-na loo soo qaado oo la keeno Magaalada Muqdisho . Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Kismaayo u tagay inuu dhabarka ka jabiyo Col Barre Hiiraale iyo Beesha Sade oo uu kasoo jeedo si uu u qanciyo rabitaanka Dalalka dariska ah, si dalalka deriska ah ugu hiiliyaan Marka Cabdi Weli iyo Madaxweyne Xasan Sheikh is qabtaan, arintaas oo haatan soo if baxaysa. Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa xildhibaano taageersan oo ku kacsanaa madaxweynaha Soomaaliya u sheegay inaysan ku mashquulin Mooshin ka keenis Xasan Sheikh, isaga oo u sheegay in labo ay mid noqon doonto, In Madaxweyne Xasan Sheikh keeno is casilaadiisa bilaha soo socda ama inuu Xasan Sheikh noqdo nin Madaxtooyada iska jooga oo magac uyaal ah oo Marwooyinkiisa dhaqda oo aan saameyn badan ku lahaanin siyaasadda Soomaaliya!