Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Culimada Soomaaliya oo usoo jeestay Al-Shabab (Maxaa dhacaya xilli dhow?)

$
0
0

Ku dhawaad toddoba bilood ka dib markii Shirka Qaranka ee Ka-hortagga Dhacdooyinka Xagjirnimada ee Soomaaliya uu ka soo baxay fatwa toddoba qodob ah oo lagu cambaaraynayay al-Shabaab oo aan horay loo arag nooceeda, ayaa Hay’adda Culimada Islaamka ee Soomaaliya (SISA) ay ugu dambayntii joogtaa halkii ugu dambaysay ee tallaabooyinkii qorshaynta si ay shir kale ugu qabato culimada.

Shirweynihii hore, oo Muqdisho lagu qabtay September sannadkii hore, ayaa ku xirmay baaqyo dawladda loo jeediyay oo ahaa in ay 30 maalmood gudahood ku samayso hay’ad qaran oo lagula dagaallamo faafka fikirka xagjirnimada ah ee Soomaaliya, iyo in ay 90 maalmood gudahood ku qaban-qaabiso shirweyne kale oo ay ku dhan yihiin culimada Islaamka ee Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah.

Laakiin guddoomiyaha SISA Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in xaaladda ammaanka ee dalka iyo isbaddalada jawiga siyaasadda ay dib u dhigeen shirarkii la doonayay in ay kii hore ku daba jiraan.

Salad wuxuu sheegay in ururka, oo ah urur dallad ah oo mideeya culimaa-u-diinka dalka, ay xukuumaddu u igmatay inuu isku keeno dhammaan culimada Soomaaliyeed halka doorka xukuumaddu uu yahay bixinta taageerada loo baahan yahay si loo fududeeyo qabashada shirka iyo bixinta kharashka waxyaabaha mustaqbalka la qaban doono.

Wali lama qaban taariikhda shirweynaha labaad, laakiin Salaad wuxuu sheegay in ay beegsanayaan in la qabto bisha June.

“Shirweynuhu wuxuu diiradda saari doonaa saddex qodob: si loo hubiyo in la dhaqan geliyo go’aannadii lagu gaadhay shirweynihii September; in afkaarta culimada laga mideeyo ka soo horjeedka xagjirnimada; iyo in la sameeyo guddiyaal isku dhaf ah oo ka kooban culimada iyo xukumadda oo si xooggan uga shaqayn doona jihaynta iyo wacyi-gelinta shacabka si loogu wargaliyo in firkirka xagjinimada ah uusan mataaeyn diinta Islaamka,” ayuu yiri Salaad.

Waxaa intaa dheer, shirweynahan soo socda waa uu ka duwanaan doonaa shirarka kale waayo waxaa ku jiri doona wufuud ka yimid dalalka kale ee Muslimka ah, ayuu yidhi Salaad.

“Shirweynihii September wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah laakiin wuxuu isku keenay culimo Soomaaliyeed kaliya,” ayuu yidhi. “Hase ahaatee, shirkani aad ayuu uga weynaan doonaa kaas waxaana ka soo qeyb gali doona culimo waawayn oo ka yimid dalalka Muslimka ah, xukuumadda iyo dhammaan culimada Soomaaliyeed.”

Salaad wuxuu sheegay in marka la qabto shirweynaha la qorshaynayo ka dib, guddiyada isku-dhafka ah loo diri doono dhammaan gobollada dalka si dadka looga wacyi-galiyo fikirka xagjirka ah ee al-Shabaab.

Xukuumaddu waxay sidoo kale aqbashay in ay duruus diimeed ku darto manhajka qaranka ah ee waxbarashada, ayuu yidhi.

“Xagjirnimada waxaa looga hortagi karaa in shacabka wax la baro, laakiin taasi waxay qaadan kartaa waqti dheer,” ayuu yidhi Salad. “[Waxbarashadu] waa wajahaadda mustaqbalka ee ay isku afgarteen xukuumadda iyo Ururka Culimada Islaamka ee Soomaaliya.”

Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen, imaamka Masjid Quba oo ku yaala Degmada Waaberi ee Muqdisho, wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in la fuliyo fatwadii la soo saaray September si loo dabar-gooyo fikirka gurracan ee al-Shabaab.

Si taas loo sameeyo, ayuu sheegay waxaa muhiim ah in wacyi galinta lagu faafiyo masaajiddada, idaacadaha, websityada, telefishannada, iyo sidoo kale in manhaj sax ah oo Islaamka ah loo isticmaalo dugsiyada si carruurta wax loogu baro.

Xafiis dawladeed ee culimada diinta

Dhinaceeda, xukuumadda Soomaaliyeed waxay ballan qaadday in ay culimada diimeed door weyn ka siiyaan in laga hortago fikirka xagjirka ah ee al-Shabaab iyada oo lagu gaadhayo in xafiis dawladeed loo sameeyo culimada diinta.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa xafiiska cusub shaaciyay ka dib markii shir culimada diinta ugu qabtay Muqdisho 15-kii March, in kasta oo uusan faallo dheeraad ah ka bixin.

“Waxaad qayb aad muhiim ah ka tihiin maamulka dalka waxaanad door hoggaamineed kaga jirtaan dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab,” ayuu ku sheegay maqaal uu kula hadlayay culimada. “Taasi waa sababta aan xafiis dawladeed ugu samaynayo culimada si aan idinkugu soo dhaweeyo xukuumadda gacanna aad uga geysataan daboolidda farqiga u dhexeeya dadka iyo xukuumadda.”

Sheekh Cabdulqaadir Maxamed Soomow, oo afhayeenka Golaha Sare ee culimada Ahlu Sunna wal Jamaaca, ayaa ka mid ahaa culimadii la kulantay Axmed bishii March.

Wuxuu sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu kala hadlay culimada sida ay uga qeyb gali karaan dagaalka fikradeed ah ee ka dhanka ah al-Shabaab.

Soomow wuxuu sheegay in xukuumaddu ay samaynayso guddi qaran oo la shaqeeya culimada, waxaana uu noqonayaa saldhigga asaaska xafiiska cusub ee dawladeed.

Xafiiska cusub wuxuu xukuumadda iyo hoggaamiyayaasha diimeed ka caawinayaa in ay si fiican uga wada shaqeeyaan dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab, ayuu yidhi Cumar Dahir, oo ah khabiir Muqdisho xaruntiisu tahay oo ka faallooda arrimaha Islaamka iyo fiqiga.

Xiriirin la’aanta ka dhex jirta culimada Islaamka ee Soomaaliya ayaa qayb ka ah dhibaatada waayo wuxuu Soomaalida qaarkood u horseeday in ay fikir qaldan ka qaataan in culimadu ay ku kala duwan yihiin aragtida ay ka haystaan afkaarta al-Shabaab, ayuu yidhi.

“Arrimaha khilaafka ka dhex kicinaya culimada Soomaalida waxay ku salaysan yihiin arrimo yaryar oo fiqiga Islaamka la xidhiidha. Markii laga hadlo qaddiyadaha diinta, culimadu waa ay ka midaysan yihiin,” ayuu yiri Daahir.

“Culimada khilaaf kama dhexeeyo marka laga hadlayo baahida loo qabo in dadka la baro diinta iyo khataraha diimeed ee dalka ka jira. Kaasi waa hadaf ay u dhinteen culimo badan,” ayuu yidhi.

Fikirka gurracan ee al-Shabaab waa uu ka sii dhex jiri karaa shacabka xittaa iyada oo ay xukuumaddu ku guulaysanayso in ay dhulal ka qabsato kooxda, ayuu yidhi. Xafiiska cusub ee xukuumaddu waa asaasi, ayuu yidhi, wuxuuna qeyb weyn ka qaadan doonaa inuu ka caawiyo culimada in ay la xidhiidhaan jaaliyadaha ayna sameeyaan wixii loo baahan yahay si loo beeniyo fikirka al-Shabaab iyada oo loo adeegsanayo mabaadi’iida Islaamka.

Isha: Sabahi Online


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Latest Images

Trending Articles



Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>