Quantcast
Channel: Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Maxaa ka jira in Al-Shabab ay ka taliso magaalo ka tirsan Kenya? (Warbixin)

$
0
0

Warbixin bishii hore ka soo baxday guddi barlamaani ah oo Kenyan ah ayaa sawir mugdi ku jiro ka bixisay xaaladda ammaanka ee magaalada ku taal waqooyi-bari ee Mandheera, kaas oo lagu sheegay in si aan shaki ku jirin ciidamada ammaanku ugu wareejiyeen magaalada al-Shabaab.

Xasaasiyadda warbixinta awgeed, ayay muwaadiniinta iyo mas’uuliyiinta gobolka Mandheera waxa ay ka bixiyeen falcelis isku dhafan.

Halka ay muwaadiniintu codsanayaan in ilaalo dheeri ah looga sameeyo kooxda xagjirka ah, ayay mas’uuliyiintu ku doodayaan in dadaalladooda ammaan ayan mar walba muuqan sababta oo ah caqabadaha ku gaarka ah ee kaga imaanayaa soohdinta saddex-xagalka ah ee ka dhexeeysa Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Intii ay ku guda-jireen booqasho ay October-tii hore, wax yar kadib go’doomintii al-Shabaab ee suuqa Westgate, ayay xubno ka kooban guddiyo wadajira oo barlamaani ahi loona xilsaaray soo qoritaanka warbixinta waxa ay garoowsadeen in ilaalo maxalli ah oo si liidata u qalbaysan, oo aan ahayn askar bilays ihi, ay ilaaliso magaalada.

Barlamaanka ayaa dib u bilaabay fadhiyadiisii Talaadadii (11-kii February) kadib fasixii December waxna uu ka wadahali doonaa gabi ahaanba warbixintii guddiga weerarkii Westgate, oo ay ku jiraan waxyabihii laga soo ogaaday Mandheera, laga bilaabo 18-ka illaa 20-ka February, sida uu sheegay hoggaamiyaha aqlabiyadda Aden Ducaale.

Ilyas Barre Shill, oo laga soo doorto Fafi isla markaana xubin ka ah guddiga wadajirka ah, ayaa sheegay in magaalada ay ka taliso al-Shabaab.

“Waxay u muuqataa in al-Shabaab ay cabsi ku beertay bilayska sababta oo ah qaraxyada macmalka ah ee sida joogtada ah u dhaca, bam-gacmeedyada iyo weerarrada qoryaha,” ayuu Shiil sheegay. “Taasi waxay dhashay, in bilaysku naftiisa ku khatar-galiyo ilaalada waddooyinka waxana ay isku xireen xeryaha bilayska.”

“Dadka degaanka ayaa noo sheegay in wixii loo soo gaaro 2011-kii, ay muuqaal caadi ah ka aheeyd magaalada in la arko ciidamada ammaanka oo magaalada dhexdeeda ku eryanaya dadka badeecada koontarabaanka ah ka keena Soomaaliya,” ayuu yiri. “Laakiin maalmahan, askarta waxa kaliya oo la arka marka ay magaalada joogaan mas’uuliyiinta muhiimka ah ee ka yimaada Nairobi.”

Dadka degaanka ayaa sidoo kale sheegay in dhawaqa rasaasta iyo qaraxyaduba ay caadi ka yihiin Mandheera, ayuu sheegay Shiil, isaga oo intaa ku daray in al-Shabaab lagu eedeeyay in ay bam-gacmeed ku tuurto xafiisyada hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka ee magaalda.

Waxyaabaha ku soo baxay warbixinta iyo talooyin

Guud ahaan ciidamada ammaanku gacanta kuma hayaan magaalada, gaar ahaan habeeynkii, sida ku cad warbixinta.

“Xukuumaddu waa in ay ciidamo dheeraad ah keentaa sifo loo xoojiyo gaafwareega ay ciidamadu ka sameeyaan soohdimaha Gobolka Mandheera,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Gabi ahaanba wax illaalo bilays ah habeeynkii kama jiraan magaalada. Magaalada waxa ilaaliya dhowr ilaalo maxalli ah oo aan u qalabaysnayn si munaasib ah oo wax ka qaban kara xagjiriinta wada dagaalka dhuumaaleeysiga ah.”

Guddigan, oo ay wada guddoomiyaan wakiilka laga soo doorto Bariga Baringo Asman Kamama Abongotum iyo wakiilka Tetu Ndung’u Gethenji, ayaa ku taliyay in “dhulka aan cidina ku noolayn” ee ku teedsan soohdinta la qeexo isla markaana si cad la calaamadiyo soohdinta u dhexeeysa Kenya iyo Soomaaliya.

Xilligan, waxa aaggaas “aan cidinna ka talin” si ku meel-gaar ah uga dhisan dabakaayooyin iyo dhismayaal la fargaasay, laakiin guddigu waxa uu sheegay in dhammaan dhismayaashaas ay tahay in la burburiyo isla markaana laga soohdinta laga qodo dhufeys si markaa looga tallaabo goobaha loo cayimay in lagga galo.

Warbixintu waxa ay ku talisay in si degdeg ah dib loogu furo dhowr ka mida barihii kortorool ee bilayska birmadka ah, la xoojiyo xerada millatari ee halkaa ku taal, qalabayn tii hore ka fiican loo sameeyo, isla markaana halkaa la geeyo ciidan millatari oo gaafwareega soohdinta lala leeyahay Soomaaliya.

Axmed Ibraahim Ugaas, oo ah 23-jir ka soo jeeda Mandheera, ayaa sheegay in warbixinta ka soo baxday guddiga ay tahay mid laga naxo laakiin si dhab ah uga tarjumeeysa magaaladiisa.

“Warbixintu waxa ay eedeeyn ku tahay ciidamadeenna ammaanka waxayna bannaanka u soo saartay khatarta dhimashada ah ee ay dadka degaanka iyo hantidoodu ku jiraan,” ayuu yiri Ugaas, oo ah arday sharciga ka barta Jaamacadda Nairobi.

“Anniga iyo saaxiibadeey ayaa ku dhex wareegnay magaalada habeeynkii mana aynaan arag hal askari oo ammaan,” ayuu yiri Ugaas, mar uu uga waramay booqasho uu ku tagay Mandheera intii lagu jiray fasixii December. “Inta badan wakhtiga, bilaysku waxa ay ku qaadataa wax ka badan saacad in ay uga soo jawaabaan dhacdooyinka ammaan-darro. Xaqiiqdu waa in dadku ay yihiin kaligood ayna magan u yihiin gacanta canaasiirta mujrimiinta ah.”

“Markii an dhex wareegeeynay magaalada waxan aragnay dad aad looga shakiyi karo oo bistoollado qarsanaya,” ayuu yiri, isaga oo intaa raaciyay in dadka degaanku ka maagtaan in ay ciidanka ammaanka xog soo siiyaan sababta oo ah “bilaysku wakhti ayay ku qaadanaysaa in ay soo jawaabaan”.

Bilayska oo qabtay 3 tuhmane oo al-Shabaab ah

Taa lidkeeda, bilaysku waxa uu sameeynayeen howlgallo ammaan fasixii todobaadka ee la soo dhaafay si ay u muujiyaan in ay xaaladda si buuxda gacanta ugu hayaan.

Bilayska Kenya ayaa 8-dii February waxa uu saddex tuhmane oo al-Shabaab ah ku qabtay Koromia oo ku taal duleedka magaalada, sida uu sheegay Taliyaha Bilayska Gobolka Mandheera Noah Mwivanda.

“Askartii bilayska ahaa ee qabtay waxay ku jireen ilaalo habeeyn, taas oo markhaati u ah in ciidanka ammaanku uunan magalaada ku wareejin al-Shabaab,” ayuu yiri.

Tuhamanayaasha waxa la qabtay abbaaraha 1-dii habeeynimo iyaga oo haysta saddex qori oo ah AK-47, 259 rasaas ah iyo kamarad fiidiyoow, ayuu sheegay Mwivanda.

Waxa uu sheegay in bilaysku wali uu baarayo qasdiga tuhmanayaasha iyo bal in ay horay ugu lug lahaayeen weerarro xiriir ah oo ciidamada ammaanka lagula beegsaday magaalada.

“Sannadkii hore ayay kooxda al-Shabaab waxay weerarro xiriir ah oo habeeynimo la beegsatay saldhigyada bilayska kuwaa oo lagu dilay saddex askari oo bilays ah in kabadan 20 gaari oo xukuumi ahna waa lagu burburiyay magalaada Mandheera,” ayuu yiri Mwivanda.

Ciidamada ammaanku waxay hureen ‘waaxyahooda iyo naftooda’

Taliyaha Bilayska Bariga Mandheera Jackson Rotich ayaa sheegay in ciidamada ammaankku “ay si buuxda gacanata ugu hayaan magaalada oo aynan marna uga tanaasulin wax argagixiso ah.”

Waxa uu sheegay in ciidamada ammaanku hureen “waaxyo iyo nafaf” si ay al-Shabaab iyo mujrimiin kale uga difaacaan.

“Labadii sano ee ugu dambeeysay in kabadan 20 askari oo ammaan ayaa waxa dilay ama dhaawacay al-Shabaab,” ayuu Rotich sheegay “Askarta dhammaantood waxa la weeraray xilli ay ku jiraan ilaalo ay ka hayaan magaalada Madheera. Askartu waxay isugu jirtay kuwo lug ah ama gaadiid saaran marka la weeraray.”

“Caddalaad xumo ayay u tahay qof walba in nala yiraahdo kama muuqataan magaalada [sababta oo ah] waxa na soo gaaray khasaare muujinaya in aan joogno,” ayuu yiri.

Waxa uu sharaxaad ka bixiyay in bilaysku ku khasban yahay in ay adeegsadaan tabo marka ay fulinayaan howlgallada ay kula dagaallamayaan kooxda xulafada la ah al-Qaacida.

“Muuqaalkeennu waxa uu soo noqonayay mid caadi ah isla markaana la malayn karo. Xaaldahaas dartood ayaan ku khasbanaanay in aan dib wax u baddalno, laakiin meel kasta waan joognaa,” ayuu yiri.

Waxa u sidoo kale beeniyay eedeeymo sheegaya in bilaysku ay wakhti badan ku qaadato in uu ka jawaabo khataraha ammaanka.

“Mar walba degdeg ayaan ku tagnaa goobta jariimada. isla mar ahaantaa, waxan mar walba ka taxaddarnaa weerar kale oo kaa daba socda maaddama dhacdada hore ay isku badashay in ay khidad ay mujrimiintu ku qaadaan weerar labaad,” ayuu yiri.

Caqabado ammaan oo u gaar ah Mandheera

Marka la eego dhammaan magaalooyinka ku yaal gobolka, Mandheera waa tan ugu dhow xudduuda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Mandheera Cali Cabdiraxmaan Roba ayaa sheegay in halka Wajeer iyo Gaaria ay xudduudka u jiraan qiyaastii 200 oo kiiloomirir, ay Mandheera dhowr kiiloomitiri kaliya u jirto Soomaaliya, oo ay dhacdo kala-bayr saddex-geesood ah oo u dhexeeya Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Iyada oo ayan jirin wax calaamadeeyn caalami ah oo si cad u kala tilmaamaya soohdimaha, ayay magaalada Mandheera waxa ay dhacdaa labada soohdinba, iyada soohdinta Itoobiya la yiraahdo Suftu tan Soomaaliyana la yiraahdo Buulo Xaawo.

Natiijadu waxay noqotay, goob ay ku nool yihiin shakhsiyaad iyo kooxo kala wata dano iyo ulajeeddooyin kala duwan, taas oo ah xaqiiqo keentay madax-wareer ammaan, ayuu yiri Roba.

Waxa u uintaa raaciyay in sababta oo ah dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka ku marayo soohdinta si ay u ganacsadaan, in ciidanka ammaanku uu la kulmay xalaad adag oo xasaasi ah.

“Waa in la ammaanaa ciidanka ammaanka sababta oo ah ka sokoow halisa al-Shabaab ee ka imaanaysa Soomaaliya waxa ay la tacaamulayaan dagaallo baahsan oo qabaa’illada ku dhex mara Gobolka Mandheera iyo dagaallo ka soo tallaaba dhinaca Itoobiya,” ayuu yiri Roba.

Sido loo yareeyo cadaadiska saaran ciidanka ammaanka, ayay dadka degaanku waxa ay in badan ku guulaystaan in ay iskaashi muujiyaan oo ay keenaan xog si iskood ah, ayuu yiri.

“Waa arrin xaqiiqo ah in ciidanka ammaan ee kooban ee aan haysanno ayan tagi karin laami walba iyo guri walba,” ayuu yiri Roba. “Sidaa darteed muwaadiniinta caadiga ah ayaa kaalintooda ka cayaaraya gacan ka gaysashada ilaalinta ammaanka ee magaalada iyo guud ahaan gobolka.”

Isha: Sabahi Online

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 817

Latest Images

Trending Articles



Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>