Washington (Caasimada Online) Xiriirka labada waddan ee Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa soo billowday sannadkii 1960-kii xilligaas oo Soomaaliya xornimo ka qaadatay waddamada Talyaaniga iyo Ingiriiska.
Laakin xiriirkaas oo ahaa mid si wayn u kobcay ayaa waxa uu hal marka kala daatay sannadkii 1969-kii markaas oo talada dalka ay la wareegeen kooxo millatary, isla markiiba waxa ay xiriir la sameesteen midowgii soofiyeed oo berrigaas ahaa caalan aan la loodin karin iyo cudud muuqata oo aan loo dhawaan karin.
Wixii sidaas ay wax kasta ahaayeen, waxa isbadal uu yimid markii dagaal uu dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo dalka ay dariska yihiin ee Ethiopia, markaas oo midowgii soofiyeed uu la saftay dowladda Ethiopia.
Waxa meeshaas haddana xiriir ka yeeshay Soomaaliya iyo Maraykanka,laakiin xiriirkaas si kasta oo uu jiray waxa uu soo afjarmay sannadkii 1991-dii markaas oo dowladdii dhexe meesha laga saaray.
Maraykanka waxa uu irdaha isugu laabay safaaradii uu ku lahaa Muqdisho isagoona shaqaala ka joogay la baxay.
Soomaaliya waxa billowday dagaalo sokeeye, kuwaasoo marba cid ay talada la boodeysay.
Maraykanka ayaa go’aan ku gaaray in uu Soomaaliya u soo diro 30,000 oo askari, kuwaasoo Muqdisho kula dagaalamay Genaral Ceydiid, Maraykanka Jab iyo ceyb ayaa ka raacday oo 18-askari ayuuba ku waayay iyo labo diyaarad oo ah kuwa qumaatiga u kaca.
Markii dambana askartiisa ayuu kala baxay Soomaaliya, Isla markiina ciidamo ka socda QM ayaa loo soo diray Soomaaliya.
Ciidamadaas wax badan kama badalin xaalka uu xilligaas ku jiray dalka, markiiba dambana iyaga ayaa iska baxay.
Soomaaliyaa illaa 2004-tii wax dowlad ah kama jirin, laakin sannadkaas ayaa shir ka dhacay Nairobi waxa lagu yagleelay dowlad ku-meel-gaar ah, waxa kaloo xigtay dowladii uu Shariif madaxweynaha ka ahaa ee lagu sameeyay Jabuuti.
Si kastaba sannadkii hore 2012-ka ayaa Soomaaliya markale ay yeelatay dowlad rasmi ah oo la aqoonsan yahay.
Maraykanka xilligaas si toos ama si dadban wuxuu ugu lug lahaa arrimaha Soomaaliya.
Waxa uu gacan ka geestay in magaalooyin muhiim ah laga saaro Al-Shabaab oo xirir la leh Al-Qaacida.
Waxa Soomaaliya tan iyo xilligaas arrimaha Soomaaliya uu kala soconaayay saxaafadd uu ku lee yahay Kenya, Laakin hadda wuxuu damacsan yahay in uu saafaradiisa ka furto Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi