Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya oo dhowaan ka baxday KMG nimada ay ku jirtay laga soo bilaabo sanadkii 2000 ee lasoo dhisay Dawladdii KMG ahayd ee lagu soo dhisay Magaalada Carta ee Dalka Jabuuti ayaa waxaa soo foodsaaraya caqabado badan oo ay aad u adag tahay inay ka dabaalato, caqabadahaan heysta Dawladda Soomaaliya waxaa ka mid ah xildhibaanada ka kooban 275-ta xildhibaan iyo xubnaha inta badan Golaha wasiirada, Ciidamada, Qurba joogta, Saxaafadda Soomaalida.
Sidee Xildhibaanadu iyo golaha wasiiradda Caqabad ugu yihiin Dawladnimada Soomaaliya. Sideese shabaabku u isticmaalayaa?
Sida aad la socotaan deegaanadii dhowaan laga xoreeyay Maliishiyaadka Alshabaab ee Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha hoose iyo Hiiraan waxaa kasoo cusboonaaday dagaalo beeleedyo abaabulan oo soo noqnoqday dagaaladaas dhamaan waxaa dabada ka riixaya Kooxda argagixisada ee Alshabaab.
Alshabaab oo xiligii ay maamulayeen goboladaan laga xoreeyay aysan ka jirin dagaal qabiil, sheegasho dhul, isbaarooyin abaabulan, masuuliyiin qabiil afkood ku hadlaya, Beelo ku doodaya dhulka inaga baa leh ayaa kadib markii shabaabka laga bixiyey Goboladaan ayaa madaxda Shabaabka waxaa ay ka abuureen dagaal beeleedyo iyaga oo isticmaalaya sitoos ah iyo si dadbanba qaar kamid ah qabaailada Soomaaliya oo horey u tirsanayey in xiligii dagaalada sokeeye loo awood sheegtay masuuliyiintooda Dawladu u magacaawday deegaanadaas, Xildhibaanadooda, Wasiiradooda, Madaxda Ciidamada ugu jirta, Ciidamada iyo odoyaasha qabiilka.
Sidee Shabaabku u isticmaalayaa beelahaan
Alshabaab oo xiriir la sameeya masuuliyiinta dawladda magacaawdo iyo odoyaasha deegaanadii ay hore u maamuli jireen waxaa ay shirar la galaan qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed oo ay og yihiin inay tirsanayaan cuqdado hore, beelaha waxaa shabaabku kula heshiiyaan qodobadaan soo socda:-
- Beel XXXX iyo Shabaabku waxaa ay ku heshiiyeen in sharciga islaamka la taageero Masuuliyiinta Xarakada Alshabab iyo Masuuliyiinta Beesha XXXX inay si toos ah u wada shaqeeyaan, masuuliyiinta labada kooxna is nabad geliyaan, warbixinadana is dhaafsadaan,
- Xarakadu waxaa ay teegeersan tahay Beel XXXX oo ah beesha degaanka iska leh iyo Islaamka oo ay ula jeedaan Shabaabka iney is ka kaashadaan arimaha nabadgelyada, ka difaacida deegaankaan beelaha duulaanka ku ah, Ciidamada Dawladda oo ay u yaqaanaan “Ridada” iyo Ciidamada dalka kusoo duulay oo ay ula jeedaan “AMISOM”
- Shabaabku waxaa beesha ay la heshiinayaan u sheegaan in deeganadooda ciidanka beeshooda maamulo, wada shaqeyn dhab ah ama niyad ahna aysan la sameyn Ciidamada dawladda iyo AMISOM, Shabaabku waxaa beeshaa ay la heshiinayaan u balan qaadaan in madaxdooda iyo ciidamadooda aysan ugaarsan doonin, hadii culeys soo fuulana inay taageeri doonaan.
- Shabaabka iyo Beelaha ay la heshiinayaan waxaa ay is dhaafsadaan Magacyada iyo contacts-ka, Masuuliyiinta shabaabka, gaar ahaan amniyaadka qaabilsan degaanadaas waxaa ay sitoos ah talooyinka u siiyaan Masuuliyiinta Beesha, odoyaasha dhaqanka, sidoo kale shabaabku waxaa ay u dhiibaan sida ay ula hadlayaan AMISOM iyo Dawladdaba, sidoo kale waxaa ay u dhiibaan Masuuliyiinta Beesha iyo odoyaasha dhaqanka beeshaa wararka ay u gudbinayaan Xildhibaanada Beeshaas iyo Xubnaha golaha Wasiirada ugu jira Beeshaas.
- Amniyaadka Shabaabka oo si ay ujeedadooda u gaaraan aan u nixin shacabka ayaa beelaha ay heshiisyada la galaan ku dhiiri geliya in Beelaha horey awooda ugu lahaa gobolka inay iska kiciyaan, Dilaan sida haatanba ka socota Sh/hoose, Sh/Dhexe iyo Hiiraanba si ay u sahlanaato in Beelaha horey awooda ugu lahaa deegaanadaas isi soo abaabulaan dagaal beeledkuna u saameeyo shacabka beelahaas dal iyo dibadba sidoo kale dagaalada ka qeyb qaataan ciidamada kasoo jeeda beelahaas, Xildhibaanadoodu iyo Saxaafada qaar oo qaabka qabiilka u shaqeeya kuwaas oo sii jahwareeriya shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Maxaa ay Dawladdu ku Fashilantay, Sideese xildhibaanadu u fududeeyeen.
Madaxweynaha Soomaaliya, Raisul Wasaaraha, Golaha Xukuumadda oo dhamaan u baahan kalsoonida xildhibaanada ka kooban 275-ta Xildhibaan ayaa ku guul dareystay in dalka ka badbaadiyaan shirqoolada shabaabku u maleegayo isaga oo isticmaalaya Masuuliyiinta dawladu magacawdo iyo Xildhibaanada soomaalida oo u nugul qabiilka.
Shabaabka oo isticmaalaya odoyaasha dhaqanka oo inta badan ay hagaan, Baarlamaanka qabaliga ah oo qaranimada kala weyn tahay qabiilka ayaa ku guuleystay in cadaadis badan oo lasoo marsiiyey odoyaasha dhaqanka iyo Baarlamaanka in wasaarada arimaha Gudaha Baarlamaanka geyso sharciga Maamulada Gobolada oo isagu caqabad ku ah in dawladnimo Soomaaliyeed la helo ama waxba dhismaan, sharcigaasi muxuu yahay:-
- In Gobolada Soomaaliyeed iyo qabaailka Degan ay iyagu samaystaan Maamulo ay iyagu leeyihiin, maadaama Dalku federaal Yahay, Federaalka sida uu u shaqeynayo iyo inuusan qabiil ahayn cid u sheegtay shacabka ma jirto,
- Sharcigaa Baarlamaanka caqabada ah ee 275-ta ka kooban uu mariyey ka bacdi waxaa dawladda Soomaaliya iska wareejisay awoodii ay u lahayd in dalka u dhisto Maamulo ku salaysan Cadaalad oo ay madax ka yihiin dad wadaniyiin ah marka laga reebo maamul KMG ah oo uun jiri kara 6 bilood.
Qabaailka Soomaalida oo haddii ay heshiin karaan, maamulna iyagu dhisan karaan mar horaba dalku gaari lahaa dawladnimo wanaagsan, haatana aan ka madax banaaneyn Shabaabka oo doonaya ineysan degenaasho ka dhacin gobolada laga xoreeyey ayaan sinaba laga sugeyn iney ku heshiyaan in Maamul ay ku mideysan yihiin dhistaan, Maamulkaas oo madax dalka badbaadin karta ama la shaqeyn karta Dawladda Soomaaliya hagayaan.
Madaxweynaha Soomaaliya, Raisul wasaare kasta oo yimaada, Golaha Xukuumadda gaar ahaan Wasaaradaha arimaha Gudaha iyo Gaashaandhigaba waxaa caqabad ku ah waxyaalo badan oo dhamaantood aan dawladnimo soomaaliyeed la gaari karin, caqabadda ugu weyn ee qaranka Soomaaliyeed heysata waxaa ka mid ah xubnaha Baarlamaanka aan la dooran, xisbiga ku imaan, deegaan laga soo doortay oo la xisaabtamaya uusan jirin ee uun qabiilka ku yimid oo dhamaantood gardaro kasta oo qabiilkoodu sameeyo difaacaya, Xukuumaduna aysan ka shaqeyn kareynin, inkastoo haatan aan golaha wasiirada ka muuqan xubin madax banaani kasta oo la siiyo waxyaalaha dalka ka socda wax ka bedeli kara.
Waxaan kusoo gunaanadayaa qoraalkayga Dhowaan mar Madaxweynaha Soomaaliya uu tegay Degmo kamid ah gobolada dagaaladu ka jiraan iyada oo ay wehlinayeen Xildhibaano, Wasiirka arimaha Gudaha, Cadaalada iyo Gaashaandhiga, Madaxweynuhu wuxuu ku guuldareystay in Beelaha Dagaaladu dhex mareen beel ka mid ahi ogolaato in Maliishiyada Beeshaasi lagu wareejiyo wasaarada gaashaandhiga iyo Arimaha Gudaha si Maliishiyooyinkaas loo tababaro laguna kala daro qeybaha kala duwan ee ciidamada qaranka, Odoyaashii ku hadlayay magaca beeshaas oo ay goobjoog ahaayeen Wasiiro kasoo jeeda Beeshaas ayaa Madaxweynaha cod dheer ku yiri inaga Ciidankeena halagu tababaro deegaankeena hana ka hawl galaan degaanka Beesha!! Madaxweynaha, Wasiirada iyo Xildhibaanada Beeshaas ayaan fahmi karin in odoyaashina xor aheyn uuna Alshabaab daaha gadaashiisa ka maamulayo. Waxaa kale oo Cajiib ahaa in sidoo kale Masuul wasaarada arimaha gudaha u magacaawday Gudoomiye Degmo inuu Madaxweynaha Ku yiri “Madaxweyne hadii Magaaladeena hebel kasoo quraacatay, Magaaladeena kale ee hebelna ka qadeysay, Badeenana ku dabaalatay waan ku faraxsanahay” arintas oo yaxyax gelisay waftigii dawladda ee la socday Madaxweynaha.
Alqaacida iyo Alshabaab ayaa dhamaan caalamka meelaha looga itaal roonaado ka abuura dagaalo ku saleysan firqooyin sida (Shiico, Suni), Diin, Midab iyo qabiilba si ay danahooda uga sii dhex wataan degenaasho la,aanta ay iyagu abuureen.
AMISOM Soomaaliya ayaa iyagu ah kuwa ku dhex wareera Naceybka qabiilka ku salaysan ee xarakada Alshabab iyo Alqaacida ka abuuraan deegaanada laga xoreeyo, is naceybkaan xadka ka baxsan waxaa AMISOM u gudbinaya Masuuliyiinta Dawladdu u magacaawday deegaanadaas la xoreeyo iyo Odoyaasha dhaqanka oo shabaabku si toos ah xiriir ula leeyihiin, inta badana ay horey tababaro iyo siminaaro soo siiyeen. AMISOM ayaa si joogta ah Miinooyin jidka loo sii geliyo iyo weeraro ku dhufoo ka dhaqaaq ah lagula sameeyaa deegaanadaa shabaabku daaha gadaashiisa ka maamulayo oo dagaalada beelaha ka abuureen.
Deegaano aan ka fogeyn 30 KM deegaanada AMISOM iyo Dawladda kala wareegeen Alshabaabka oo weli shabaabku maamulo ayeysan ka jirin Dagaal beeleedyo, sheegaso dhul, is naceyb qabiil ku saleysan, ku tartamid maamulida deegaanadaas.