Muqdisho (Caasimada Online) - Muddadii ay Shabaabka maamulayeen magaalada Muqdisho waxa ay mamnuceen waxyaabo badan, waxaase ugu yaabka badnaa in Shabaabka ay mamnuuceen cunto gaar ah oo dadku si aad ah u isticmaalaan waqtiyada ramadaanka.
Cuntdaas waxa ay Shabaabku sheegeen ama ay ku doodeen inay tahay cunto la xiriirta ama shabahda diinta kirishtaanka.
Iminka ayaa magaaladda Muqdisho waxa ay shacabku billaabeen inay si cabsi la’aan u isticmaalaan cuntadaas, maadaama aysan Shabaabku joogin magaalada Muqdisho.
Adinka ayaa yaabi doona ee arka bal cuntadan Shabaabku la xiriiriyeen diinta kirishtanka.